gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. Walaale jubaland waa la boobay waxaa lala hoos galay kenya, caasimadii ku meel gaarka ahayd ee kismaayo gacan soomaaliyeedba kuma jirto.

    Madaxweyne islaan madoobe gedo iyo qabri dahare, qabri dahare yuu yaqaan oo ku dhashay, waligiis gedo ma tegin  8'da sano oo kenyaatiga kismaayo la joogay. 
    Gedo iyo Zimbabwe waa isugu mid.

    Waxaa kasii yaab badan Dr.Deni asagoo tuko-raq aan ka hadli karin waxa gedo geeyay waa faduul iyo indho adayg.

    Dr.Deni reer gedo wuxuu u qaybiyay labo reer "guri" iyo "galti"

    Ma fahamsana farqiga u dhexeeye labaadaa eray.

    Galtida wuxuu u haystaa inay tageen bixintii siyaad barre ka dib.

    waligood waxay reer gedo u qaybsanaayeen labadaas siyaad barre ka hor.

    wixii tagay burburkii waxaa la dhahaa reer "mudug" ama reer bari.

    Asagoon dal iyo dad kala aqoon oo dhididsan inuu dadka soo hor istaago puntland ceeb wayn bay ku tahay, sababtoo ah waa hooyadii qabyaaladda federaalka asaastay.


  2. puntland 
    Dawladii c/qaasim hoos halagasoo bilaabo

    Dawladii c/lahi yusuf hoos halagasoo bilaabo

    Tii shekh shariif hoos halagasoo bilaabo

    Tii xsan shekh hoos halagasoo bilaabo

    Tii farmaajo hoos halagasoo bilaabo gaalna ha joogo.

    Hoosta ay sheegayaan kacaankii barakaysnaa kaliya yaa yaqaanay meeshày ku taalo, asagiina allaa oofsaday.


  3. Aragtidayda 
    Hadalka Dr.Deni, dhinaca siyaasadda waxba laga fahmi maayo.

    Mar waa garnaqsi aan la fahmayn,meesha nabarku uga dhacay asagoo dhibane sheeganaya.

    Mar waa af-hayeenka usc u guubaabo iyo mashxarad ula diyaara.

    Mar wuxuu isku dirayaa kala saarayaa reer jubaland,  asagoo og in bari iyo nugaal mudug aysan isku lahjad ahayn hadana puntland loogu yeero.


    Mar asagaa hadalkiisa ka xanaaqaya oo is buuranaya.

    Mar waa nin aan xilkas ahayn oo aysan haboonayn in telefon loo diro.

    Anigu waxaan ka fiiriyay hadaladiisa dhinaca dhaqanka iyo dhinaca dhimirka.

    waxaa iisoo baxday in wax ka khaldan yihiin (ajar, wa caafiya)

    Shacabka puntland waligaa ka dhergi maysid waa shacab cadiim ah, ilaahay sanadkaan ha badbaadiyo iyo sanado badan oo dambe aamiin.
     


  4.  

    Boosaaso waa kulayl milixdaa kaa dhamaanaysa guryo ganacsi ka dhiso oo ijaarkooda iisoo tuura dheh

    Qardho deg ama sanaag dhulka ciiryaamada iyo qabawga leh.

    koonfurta

    Mudug iyo garoowe saabuuntaa kugu go'ayso biyahoodu laguma qubaysto waa dhanaan.

    Galguduud waa dhulsan ciid udgoon oo fiican laakiin nabad ku seexan maysid, jinni iyo balaayo shaatiyo badan baa deggan.

    Hiiraan waa dhul wabiyeed fiican hawada iyo biyahoodana ma xumo cilado badana way leedahay.

    koonfurta oo dhan waa dhul shaqo ama tacab, dhul ahaana waa deegaan qani ah wabi iyo kaneeco leh sabur badan buu u baahanyahay iyo nin-karmeed.

    Hadii aad tahay nin soo shaqaystay oo aan duqsi arag waayahaan, xoolo kuusan haysta, nasasho raba, buurta sheekh duriyadda la deg oo la xidid si noloshu u fiicnaato. 

    Haday ku dhahaan waa inankii faadumo ilko cas qabay waxba ha dhibsan markay caruur kuu dhasho bay kaa deynayaan insha-allah.


  5. Galbeedi
    Aad baan uga xumahay inaad mulxid aan diin aaminsanayn u dhaarato.

    Qoraaladaada yaa laga garan karaa inaadan cidna caano ka daadin waligaa, xataa reer boorama oo dhan waa la oran karaa.

    Siyaad barre dadkii lasoo shaqeeyay waxay ku faanaan,inay yihiin dadka kaliya oo nadaam, kala dambayn iyo sharaf soo arkay.

    ka waran kuwa maanta masiirka soomaaliya lagu-lug xiray?

    Deni muxuu ahaan jiray berigaas? ma garanayo, allahu aclam. 
    Laakiin waxaan u malaynayaa inuu doomaha garaasayn jiray meel laga talinayana uusan ag istaagin.

    Axmad madoobe go'iisa yuu saldhaysan jiray dugsi quraan iyo makiinad bulikeeti samaysa yuu hor fadhiyi jiray cadaado, maantana waxaa la waydiinayaa masiir umadeed geopolitics, gedo iyo gudi farsamo.

    usoo noqo mawduuca
    ciidamada goodir, haramcad,danab,gorgor, shabeel, ma inay cambuulo kariyaan yaa loosoo tababaray? 

    Waa inay xuduudka, kala dambaynta iyo sharciga dalka ilaaliyaan.

    Odayaashii wadanka soo xukumay wax kale yaa u sawirnaa, waxay aaminsanaayeen in ciidanka iyo ururada bulshadu markay hadlaan darbiga madaxtooyada ku boodi doonaan.

    Waa arrin wanaagsan inay xaqiiqda ay fahmi waayeen si taabasho ah wax uga bartaan.

    CCShakuur
    wuxuu ku calaacalay asagoo surweelka dhiiqo ku wata, tolbeelay....
    Aaway rooble?
    Aaway guud-laawe?
    Aaway cumar finish?
    Aaway qoor-qoor?
    Aaway odowaa?
    Aaway ragaygii
    Ma caydiidbaa god lagu hubsaday, tola'ay.!

    Xataa Deni iyo madoobihii kabaha usoo geliyay qabyaalad darteed buu uga tagey.


  6. Allaha u naxariisto suldaanka.

    Suldaanka looma doorto sida duqa hargaysa.

    Waa dhaqan soo jireena oo sida boqortooyada laysaga dhaxlo, waa maamuus lagu qadariyo awoowayaashii hore, oo ahayd talada ay wada gaaraan si madax banaan inuu asagu gudoonka yeesho waa dhaqan qurux badan oo sida baarlamaanka oo kale ah.

    Waa la maal-geliyaa oo qabiilkoo dhan yaa xoolo siiya si uu kaligii mas'uuliyad wayn  u qaado, mararka qaarna, waxaa dhacda inuu kaligiis mag bixiyo.

    dictator meelna kamasoo galo hoosna looma dhigo ugaaska, boqorka, malaaqa, suldaanka, beel,-daajaha, waberka Iwm.

    Waxaa dhacda in mararka qaar dhimashadiisa ka dib, wiilashiisa la kala doorto oo laga yaabee in qaarkood fudud yihiin ama balwad leeyihiin xanuunsan yihiin, taasna waxaa kala saara qabiilka wax dooranaya.

    Waa loo duceeyaa haday dhintaan haday nool yihiin labadaba waana laga ducaystaa.

    baryahan danbe waxaa soo baxay dhaqan xumo aflagaado loo gaysto waxaana filayaa inay sabab u tahay gaalada lagu fidnoobay iyo dhaqan guurka ku dhacay awlaadii saalaxa ahayd.

    Mar labaad naxariistii jano allaha ka waraabiyo wuxuu ahaa sidaan maqlay, suldaan fac wayn oo soo jireena.

    Eed laga waayi maayo soomaali macawis jiidanaysa.
     


  7. farmaajo meelna kamasoo galo qadiyaddaan waa qowmi

    Kenya waxa u doodaya waa soomaali

    dhul baa nooga maqan soomaaliya waxa dhahaya waa soomaali

    Doorasho iyo dadnimo waxa diiddan waa soomaali

    waxa doonaya in hawadii soomaaliya in kenya dib loogu celiyo waa soomaali

    Mucaaradka ha la waydiiyo kenya warkeedu waa cadyahaye, maxaa adinka kenya idinkaga maqan?

    Waan hubaa inay oranayaan farmaajo.


  8. On 10/02/2021 at 9:31 AM, maakhiri1 said:

    Gooni,

    ninka la hadla oo go'aan qaado dheh,  Ama waa guulaysan oo meel  fiican Somali ku ogaan, ama baddey kala cabbi! Geesinimo waa in yar Cagaha dhulka lagu dii haayo!!!, waa maxay ninkan heehaabaya, oo damiin khaayimin aan wax laga helin , dan Somaliyeed ogoleeyn wax ka sugi!

     Maakhir
    Puntland nin ay lageday waa nin naagu legeday farmaajo caaqibo ma leh saaxiib.

    Puntland haday helaan hogaamiye daacada, isaga kaca lagama karo intaa ka badan ciidda haku camcaminine.

    Hadii la helo halyay siyaad barre oo kale ah waxay u qaybsami lahaayeen wax la shaqeeya iyo wax carara.

    Ninkaan waxaan laga qaniinay godkii uu khayre qoday aragtidayda.

    khayre reer "mundul" buu gaadaashooda fariistay, ayadoo camera'du in yar wajigiisa ka qabanayso hadalna looma ogola tol waynaha dhexdiisa.

    Arrinta la yaabka leh waxaa weeye shacbiyad badan yuu farmaajo leeyahay wali, cid la tartami kartaa ma muuqato doorasho dadban iyo mid toosa intaba.

    Musharixiintii waxay noqdeen qabiilaystayaal is bahaystay.

    Halka farmaajo qabiilkiisii aakhiro u dirayaan, waana arrinta mucjisada lagu arkay soomaaliya.

    Waxay kaliya oo ay naawilayaan, in fowdo timaado odoyaashii xalkana ayagu noqdaan, si kale kuma wajihi karaan farmaajo, intaas iga qor.

    Hadii usc sida yementu qabiilka u nacday ayaguna u nici lahaayeen wadanku waa noo hagaagi lahaa aragtidayda.
     

    • Thanks 1

  9. Arinta gedo yaan dhagaystay dad badan oo siyaabo kala duwan uga hadlaya, waxaa ugu darnaa qaar badan oo ay professoro noogu sheegeen.

    Jaamacadaha gaaladu markay shaqo siinayso qofka waraaqaha aqooneed wata, waxay u dooraan inuu wuxuu bartay ardayda i dhigo kaliya.

    Hadii saxaafadda reer galbeedka u baahato inay wax ka waydiiso taariikhda afrika waan hubaa inaysan mar labaad wax waydiin doonin.

    Cabdi ismaaciilidu soomaalidu waxay uga qancday waa professor, wax alle, wixii saxaafaddu waydiiso wuu ka jawaabayaa, marnaba oran maayo anigu kaluunka waxba kama aqaano iyo noocyadiisa.

    xataa dariiqada loo hadlo ma yaqaano dhaqAn ahaan. 


    Gedo waa "dal" gobol ma'ahan markii shisheeye soo faro geliyo.

    Wax kasta farmaajo haka tanaasulo laakiin arrinta gedo waa xad dhuleed, lagumana wareejin karo axmad madoobe iyo deni oo dhiigga shacabka gedo daadiyay, iskuna diray dad faqiira oo walaalo ah ayagoo adeegsanay lacago shisheeye ugu talo galay dagaalka farmaajo.


  10. 2 hours ago, Abdi90 said:

     

    Are we the somali people ready for another mini Siyad Barre? or the likes of Ismail Omar Guelleh, El-Sisi and Yoweri Museveni? who use state apparatus to destroy democracy and fare elections, and rape the nation and its people?

     


    How you compare somalia to jabuti  egypt and Uganda, don't you know somalia no exist therty years in this planet.
    dictator better than chaos and brainless traitors.


  11. Aqalka sare awood malaha, waxaana awoodii ka qaatay maamul goboleedka oo ka dhigay waxaan jirin talo u goyn karin oo aan macno lahayn.

    Abdi xaashi wuxuu ka dhiganayaa inuu  yahay aqalka sare tuul uu kula dagaalamo dawladda federaalka.

    D@ir waa afarta qabiil ee qaybsaday awoodda dalka waxayna leeyihiin dhawr iyo lixdan sida kuwa kale.

    maamulkii waqooyigu waa falaago gooni u go'day, maxay tahay sababta ay agoonta isaga dhigayaan marka?

     


  12. Useless Farmaajo baad weli rajo ka qabtaa miyaa? Lol  

    Gooni, saaxiib,  stop deluding yourself! That Cheese is toast!

    talo mooge

    Saaxiib farmaajo waa nin sabur badan qab soomaalinimo leh xaq baan u leeyahay inaan iska ag fariisto, ilaahay indhaha iyo caqliga ima tirin mid ka fiican hadaan helno waa alle mahadi.

    Adigu wax yar banaanka usoo bax si aad hawo fiican u hesho oo indhahaagu wax fiican u arkaan.

    Waa markii ugu horaysay oo aan arko taariikhda, soomaali kala qabiil ah oo madaxweynahooda difaacanaysa.

    Walaale tolmooge.
    Hadii aad doorato inaad qabiilka iska ag fadhido, reerkii dib ugu noqo,  noo keena boqortooyo noo eg, nagu dhaqan ah oo dadkoodana u diir naxaya iskuna dirayn.

    Dr. Deni markii gaalka UN'ku, u tagay, yaa fahamkii diinta iyo dhaqankiiba kusoo noqday, luuqadda ingiriiska iyo nin cad kaliya yaa wax fahamsiin kara.

    ka warran haduu madaxweynaha soomaaliya noqon lahaa? soo gurigiisa kurshiinka kaliya kama seexdeen, sida ka muuqata hab-dhaqankiisa?


  13. 6 hours ago, Xaaji Xunjuf said:

    Allowumanaxariistaha will not be missed by the majority of the people. A one proud nation bu ku so koobay. Xoolo reerkisu leeyahay ayu ka dhigay. isku dirka iyo  xumaan beerista shaqadisa ayay ahayd. 

     

    Xaaji siyaad barre ilaahay naxariista snm uguma dhiibin

    Adeerkaa cigaal baa sidaas oo kale yiri BBC geeridiisii ka dib, labadaba allaha u naxriisto.


  14. Wax wayn ma'ahan, nin is qaawiyay soomaalida waa ku badnaa sanadahan danbe.

    Dadka jabuuti in badan baan sheegay waa shacab qalbi nadiif ah.

    Oday geelle wuxuu isu arkay inuu soomaaliya iska haysto markuu maqlay (hiil walaal)

    Waa wiil aabihiis ku yiri anigaa ku dhalay oo kale intaadan maslaxad kale yeelan isoo ogaysii.

    Gabdho heeso nagu guubaabiya ka waayi mayno hiil kalena awalba kumaanan haysan.


  15. Jabuuti waxay u diray kenya snm'ta xag jirkaa oo u badan seediyadii

    waxay soo saareen in kenya laga gar daran yahay ayagoo xaqiraya dhiiigii caruurta iyo hooyada soomaaliyeed 

    Ma waxaysan soo arag inuu indho-koray kenya dhex deggan yahay kana soo duulo.

    xataa ha ugu yeereen inuu yahay wasiirka amniga jubaland.

    Dhulka Eritrea ka haysato oo ay heesaha ku xorayn waayeen miyay farmaajo ugu caraysan yihiin xaqiiqdaba ku ag mareen?

    maxaabiistaan xakay baan mandheera kasoo gudubnay ma beenbaa😁

     

     


  16. Qaxooti siyaad barre cidna kama dhigin kuwii kasoo qaxay dhulka Ethiopia haysato 77 waxay ahaayeen muwaadiniin la  xaquuq ah kuwa kale ama loogaba siyaadiyo.

    Dadku ayagaa doortay dagaal sokeeye ayagoo akhristay kitaabkii c/laahi yuusuf.

    Wuxuu ku dhihi jiray, beerihiina tabcada kaluunkiinana lasoo baxa caruurta iskool lacag la'aana geeya nabad ku seexda  oo shaydaanka iska naara.

    Soomaaliya waxaa burburiyay waa "been" ay "addicted" "mudmin", ama balwad aysan ka maarmin u noqotay.

    Waxaan xasuustaa kuwa iga nolol fiicnaa oo guryahooda shimbiro ka dhex sharqami jireen, yaa koorso yurubtii shuuciga naloogu wada diray, intoodii badnayd shaatigay iska baxiyeen, ayagoo feero qaawan bay gaaladii  yurubta waqooyi been u sheegeen.

    Dadka laga tirada badanyahay baan ahay kow

    Hooyaday buulkii baa siyaad barre ku duqeeyay.

    Caruurtaydii meel kuma sheego xaaskiina waa hore yaa layga kaxaystay.

    Warqad bay iisoo direen ay leeyihiin beentaas kusoo cid gal.

    Beentaas ay sheegeen maalintaas ilaa iyo maanta caruurtoodii bay ka goyn la'yihiin, masaajid kasta way geeyeen dhaqan celin kasta way u sameeyaan dhakhtaradii way kala quusteen.

    Daawadii wali way daba marsan yihiin.

    War bal beenta jooji si ducadaada loo aqbalo.

    Eedadaa aabahaa la dhalatay hadaad yurub ku gayso inaad qabto oo ay xaas kuu tahay, waa xaaskaaga shaydaan baa kugu meheriyay.

    Beentu waa dambiyada ugu waawayn shareecadeena suuban.

    Siyaad barre iyo farmaajo waa labo nin oo aad u kala fog 

    Hadaad aragto nin kugu dhaha siyaad barre yaan la kulmay waa shilkiisii ka dib.

    Waligiis dawaco miis u fadhiyo kuma cayaarin sida farmaajo.

    Aragtidayda waxay ahayd maalin madaw oo dhashay sodon sano oo madaw, allaha u naxariisto zaciimkaas.

    (Allow yaa noo diga markaan duqa ku yaacaynay) 
    Bacadle naxariistii jano allaha ka waraabiyo.