gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. Qiimaha dadku, waa qaali markay xukuumad fiican haystaan.

    Wax qiimaha nolosha dadkeena ka hadlaya dawladaan ka hor miyaad aragteen?

    Mayd gaari gacan saaran oo lagu ag ganacsanayo waan soo aragnay,ciddii dishayna ay ag taaganyihiin saxaafad iyo mucaaradba.

    Kuwaan Mucaaradka sheeganaya oo qabiilka isku bahaystay, markay aduunka ka hor qayliyaan oo ay tusaan inay ka walaacsanyihiin nolosha wiilashoodii waa wanaag ay farmaajo usoo jiideen. 
    (Somalia is back again)

    Siyaasadda dhinaca duminta iyo kala fogaynta  bay ka barteen.

    faaska aad wax ku goynayso marbaa laga yaabaa inuu afkiisu doolshe noqdo.

    Waa markii ugu horaysay oo soomaaliya lagu arko 30 sano ka dib, dad ka damqanaya nolosha wiilashooda.

    Habrihii ay waaleen way la hadleen caruurtoodii wayna u sheegeen inay banooni ku ciyaarayaan guriga ay seexdaan gadaashiisa.


  2. faataxada markaad akhrinayso ma waxaad isticmaashaa (maaliki yowmu diin) mise waxaad isticnaashaa (maliku yowmu diin)?

    labaduba waa sax sida tafsiirku quraanka kariimka ah uu qabo.

    cabdi'malik
    cabdi'maalik  waa sidoo kale

    maalik waa lahaansho gaar ah luuqada carabiga waxaa loo isticmaalaa ku hadalka caadi ahaan maalin walba la isticmaalo

    tusaale
    who is the owner of this car?
    minu maalik haadihi siyaara?

    mulku waa akiidinta lahaanshaha

    Carabta marka aad waydiiso gurigaan ma adigaa iska leh? horay kama dhahaan sida soomaalida "HAA"

    Waxay dhahaan al-mulku lilaah
    ayagoo ka baqaya inay lahaansho ku sheegtaan aduunkaan laga tagayo.

    tusaale (mulkiga)
    Are you sure this is your car?
    akiid haadaa siyaara mulkak?
    Ma hubtaa inaad gaariga adigu leedahay?

    warka wuxuu kusoo ururayaa maalik, wal mulku huwa allaah.

    Waxa koonka saaran, alle yaa iska leh, waxa noo muuqda iyo waxaan noo muuqan intaba, rabu samaawaatu wal ardu.

    Allahu aclam intaasu waa fahamkayga.


  3. Generaal Galaal
    Wuxuu niyadda u dhisayaa beeshiisa ujeedo kale kama laha aragtidayda, way oraah hadlaan inta badan reer awoowe ma garasho hadlaan. 

    Guutooyin iyo gaasas laysku daray baa salaan siin jiray uusan aqoon qabiiladay ay yihiin asagana sharciga uma ogolayn inuu dhaho anoo reer hebel ah xataa gurigiisa dhexdiisa

    Maantana afar oday oo madaw buu hor taagan yahay asagoo laandheere sheeganaya.
     


  4. Usc waan idin daba galaynaa walaalayaal wixii aad noo tuurtaana waa qaadaynaynaa idinla tartami mayno waana ku farxaynaa ninkii idinka soo baxa.

    Fasiraadda hadalkiisu waa intaas marka laga reebo suuraha iyo faanka.

    Su'aashu waxay tahay nimankan uu sharaxayo ma yihiin kuwii samankii aadan cadde joogay oo kale.?

    Aragtidayda Siyaasadda puntland waa isbaaro qaran, qabiilna kama tanaasuli karaan waligood, gaal kacyo waxaa ka dhisnaanaya labo madaxtooyo.

    Waxa kaliya oo ay doonayaan inay usc caqligooda ku ciyaaraan, maadaama ay isu haystaan inay ka caqli badan yihiin.

     


  5. We ere not children's god,  we are slaves to allah, that is why we put our face on the floor five times a day.

    if we are childrens we would not have any accountability or responsibility we shall play in the gardens.


    Abdi ama (cabdi) kaligiis carabtu way ka xishootaa inay kuugu yeeraan hadii magac alle kuula socdo waa wanaagsan.

    Markay doonayaan inay kula macaamilaan, magacaaguna cabdi kaliya yahay waxay u badelaan (cabdo)

    "cabdi" ku dhawaaqistiisu waxay u dhigantaa adoon uu asagu leeyahay luuqad ahaan.

    adoonkaygiiyow oo kale, "ii"da ugu dambaysa waxay muujinaysaa lahaanshihiisa.

    "cabdo" way asturantay luuqad ahaan wayna la baxaan magacaas.
     


  6. Madaxda khaliijku waa cashiiro hoose ama hal qoys, waxay isku qabtaan waa wax qolka guriga gudahiisa ka dhacay, meel dhexe ka istaag waa ammaan qiimo badan ayaguna kugu qadirin doonaan.

    Iiraan safaaradeedii waxaa lagu cayriyay 15 daqiiqo markii xukunka uu hayay xasan sheekh 

    Waa waxay horay nooga barteen inay dalkeena telefon iyo dhaqaale yar ku xukumaan wixii dawladda hadda jirta ka horaysay


  7. Master
    Waa runtaa walaale, waana markhaati ma doonto inay arrintaasu jirtay dadka in yar mooyee waxba lama ahayn kacaankii ka hor.

    Waa dulmigii siyaad barre diiday in dadka loo qaybiyo kuwa nool iyo kuwo aan noolayn ayagoo naftii wali ku jirto oo lugaynaya.

    Waxaad ogaataa aadan cadde allaha u naxariistee wuxuu ahaa remote control miiska u saaran reer xididkiis.

    Usc, siyaad barre ka dib waxay ku dooday inuu "aadan" ahaa taariikh qurux badan oo beeshu lahayd oo la daboolay.

    Waxay dhaheen, waa madaxweynihii afirika ugu horeeyay oo si dimuqaaraadi ah lagu doortay, si wanaagsana uga degay xukunka.

    Waxay iska indho tireen taariikhdii siyaad barre umadda ku badbaadiyay alle ka dib, ayagoo been ka doortay.

    Arinta maanta garoowe heritage ku samaysay waa beentii oo kale si raqiis ahna way ku gadanayaan.

    "Caynte" waa hurmuudka heritage, siduu aqoonyahan cilmi baare isaga dhigayay, yuu hal mar ah calool dilaacay, asagoo ka baqay in shirku ka xirmo ayadoo neef kulul calooshiisa ku wareegayso.

    Wuxuu yiri walaalayaal dawladaan farmaajo waxay xaqirtay reer tolkay madaxdii soo martay, waxayna ka dhigtay kuwo aan waxba qaban magacna lahayn. 

    Cilmi baarista heritage waxaan ku ogaanay in colaada musharaxiintu halkaa kasoo bilaabatay.

    Dalalka ay u shaqaynayaan ee gaalada dawlad walba waxay iska dhigtaa in dawladihii ka horeeyay aysan waxba qaban ayaduna mudantahay waa arrin caadi ah 

    Derbi baan dhisnay hawadaan nadiifinay halka kuwii ka horeeyay aysan waxbaba qaban haba yaraatee, waa dhaqan siyaasadeed oo caalami ah, hadii mid qabiil-soomaali loo badelo waa cunto cunis, cilmi baaris ma noqon karto.

    Si kastaba....
    Heritage waxay noogu fadhi dirirtay qabiilaysi waxayna doonaysaa inay aduunka ka gado inay dad bislaaday, oo ilbaxa aqoon is waydaarsi u qababay, qarashka intii hartayna loosoo shubo.


     


  8. Master

    Awoowe jaahil luuqadda carabiga waxaa lagu dhahaa caruurta aan caqligoodu ku filnayn.
    Qof muslin ah jaahil ma noqdo xataa haduusan waxba qorin waxba akhriyin wuu kala yaqaan xaqa iyo baadilka.
    arintaasu waa taas.

    waxaa kuusoo haray kacaanist kacaanku wuxuu la dagaalami jiray dib u dhaca aqoondarada daba-dhilifka cudurada gaajada qabyaaladda iwm.

    Qof dawladii kacaanka soo joogay oo xil kas ah farmaajo ma mucaaradeen sababtoo ah wax la mucaarado meesha ma yaalaan waa 4.5 iyo wax qabiil lagu dhoodhoobay.

    waxaa loo baahanyahay nin siyaad barre oo kale ah inuu noosoo baxo meeshuu doono soomaaliya haka yimaado oo mar labaad na maqashiiya heestii samo-diidoow.

    kolay anigu bil isku dhan yaan xoolo qali lahaa oo alle ugu shukriyi lahaa inay caruurtaydu arkaa dalkii soomaaliya.

    Madoobe iyo Dr deni berigii kacaanka maxay ahaan jireen? see noloshoodu ahayd? wax maka taqaan taariikhdooda?

    madoobe geedkii buraashadu u surnayd oo uu dugsiga quraanka iyo nabad galyada ku hystay cadaado yuu weli ku yaal asagoo qalalay.

    Maantana wuxuu leeyahay xaduud gaara iyo safaarad masuul ha layga dhigo.

    kacaan burburkii meel walba dhib badan yaa ka yimid.

    Deni wuxuu fuluniyaa ajandihii reer tolkiis oo ahaa hooyadii buburinta shaqo cùsub ma'ahan, waa shaqo soo jireen ah, laakiin waxaa nagu cusub sugid la'aanta iyo deg-degga faraha badan uu faaska la kor istaagay laan cagaaran oo aan weli ubax dhalin.


  9. Markaan doodii oo dhan dhagaystay, waxaa ugu dood xumaa Deni iyo Madoobe.

    Deni wuxuu yiri SNM gabdhaan ka qabnaa xidid baan nahay waana inaan u doodnaa wixii xaq ah oo federaalka uga maqan.

    Taa macnaheeda markii aqoonyahanada madaxa banaan fasireen waxay ku sheegeen, waa markii ugu horaysay oo soomaali iyo afrikaan garoowe xididtinimo ku dhex marto, waana ka culustahay tuko-raq iyo kala goynta soomaaliya.

    Reer mudugu arrintaanoo kale waxay dhahaan magac ba'ay.

    Madoobe asna wuxuu shirka ka sheegay in safaaradda soomaalida ee Nairobi qayb laga siiyo maadaama ay xuduudka ugu dheer jubaland Kenya la wadaagto.

    Madoobe cudur-daar badan buu leeyahay wax lala yaabo ma'ahan inuu sidaa u fekero.


  10. The gentleman asks what do you know about the (heritage) not what's your favourite icecream.

    Aragtidayda
    Shaki iigama jiro in heritage ay asaastay gaalo iyo maazuuni is wata.

    Waxay mar walba raadsadaan meeshii ay is leeyihiin nabar baa kasoo baxay ayagoo mudac wata.

    kal hore waxay xoogga saareen snm si ay usoo gocoto waxaan jirin una sii kala fogeeyaan quluubta dadka wada dhashay ee soomaaliyeed.

    Sanadkaana waxay dareemeen in puntland nabar cusub kasoo baxay, nin aan ehel u ahayna reer puntland uu hogaan u noqday.

    way yaqaanaan meeshii fitno laga shidi karo.

    Waxaa u hadla mid ay ugu yeeraan c/rashiid xaashi oo aan u malaynayo asagoo tuulo ku waynaaday sidaydoo kale inay tababarteen.

    wuxuu isticmaalaa erayga barako ma leh asagoon aqoon in waxii barakada la qaado aysan waligeed barako yeelan,caadada muslinka waa ka mamnuuc inaad barako beesho, khayrkaa la hor mariyaa asagaana la dambaysiiyaa.

    ururada rayidka muqdisho waxay helaan maal gelin khafiifa ayaguna sidoo kale waxay adeegsadaan erayga welwel iyo baqdin baan qabnaa. 

    Baqdinta iyo welwelka waligood ka bixi maayaa hadaysan daawadeeda cunin oo ah istiqfaarka iyo alle u niqoshada.

    marka lasoo xooriyo warka, waa dhaqan gaalo wadato waxaan shaqo iyo caado u leenahay naguma shiriyaan.


  11. Muuse waa ninkii wax baray gabadhii 15 jirka ahayd ee lahayd waa nala xniinyo taabtay, waa cadawga caruurta soomaaliyeed.

    snm 30 sano bay hooskeeda iyo maro buluug ah la dagaalamaysay ayadoon wax cadaw ah lahayn 

    snm ingiriis bay kasoo quusteen kuukuuyo waxba kuma kordhin karto aragtidayda.

    Kenya waxay ugu talo gashay inay farmaajo faro gelin uga dhigto si meel dhexe laysugu yimaado ayagoo ka cabir qaadanaya Ethiopia oo joojisay cilaaqaadkii tooska ahaa kuna badeshay mid dadban.

    boogta cid kasta damqin karto waa kala fogaanta soomaalida dhexdeeda iyo midnimo xumadooda.

    ajendahu waa intaas aragtidayda gabal dhacay waa soo baryi doona ma arki karo.


  12. VOA iyo BBC waxaa maamusha wariyaal aad u liita aragtidayda shaqadoodana aan ku filnayn.

    Laakiin waxaan ku dawoobaa markay dhahaan waan isku daynay inaan xakuumadda federaalka cid ka helno laakiin way noo suurtoobi wayday.

    waa kalmadda ay ahayd inay is waydiiyaan,,,, maxaa naga khaldan?


  13. xasan shekh dhismo wuxuu ka yaqaan daar indhihiisa ku dhacda.

    Carab 30 sano bay mugdi iyo haraad ku fiirsanaysay soomaaliya 

    Markii turkigu nalka shiday bay gabdhaheena arkeen quruxdooda waxayna ka codsadeen xasan shekh inuu usoo dhoofiyo wuuna ka yeelay asagoo dhoola cadaynaya.

    Ciidan iyo karaamo la dhiso, wax qabad uma yaqaan, wuxuu u hadal egyahay mudiirka khadaamadaha.

    Carab Yemen baa nooga sokaysa "cadan" "xadra-mowt" waxaa ka taliya dhawr jabhadood oo kala ajenda ah oo waliba la maal geliyo.
     


  14. Walaale khadaafi
    siyaad barre qiyaamaha wax fiican buu mar hore la tagay, waana ehelu janno idinka alle.

    Carab lacag kama rabin nin hanti jecel haduu yahay hotel jazira agteeda bay ka muuqan lahayd daaruhuu dhistay.

    Carabta wuxuu u galay inay garab u noqdaan si uu dalkiisa iyo dadkiisa maqan ugasoo ceshedo Ethiopia iyo kenya.

    khibradda carabtu way nagu yarayd, waxaa kaliya oo nagu filnaa in ilaahay caqiidada nagu mideeyay waana midda fududaysay inaan ku biirno.

    Masaaridu waa shacab cadiim ah, laakiin waxaa laga ilaaliyay inay helaan hogaamiye xoreeya maskaxdooda iyo maalkooda  ilaa samankii fircoon.

    Maanta waxay hoos tagaan dawladaha khaliijka ugu tirada iyo tayada yar si ay hal sano batrool jaban ah u helaan ama free ah.

    Turkey dhaqaale iyo shacab xor ah wata lama tartami karaan, aragtidaya warkoodu waa anna way kan.

    • Like 2

  15. Mucaaradku waxay dhaheen ciirtaada dhame yaa caydaada yaqaan oo ay ula jeedaan reer waqooyiga iyo waxaan usc ahayn ciirteena bay dhamaan, waana inaan anagu u magacawnaa cidii u talin lahayd iyo cidii ka talin lahayd muqdisho labadaba.

    Banaadiriga iyo reer waqooyigu waa inay toos u hoos yimaadaan usc oo na taageeraan, sababtoo ah caanaha anagaa iska leh. 

    Kuwa soo harayna waa inay hoos tagaan axmed madoobe iyo kenya oo aan si ku meel gaara xulufo u nahay.

    Waagii jirde iyo xaaji-dool iyo raggii faraha badnaa daaraha ka dhisayeen muqdusho, nimankaan ciirta ku faanaya, miro ciidda laga qado bay doofaarka kula dagaali jireen gal-gaduud.

    Waa aduunyo caloosha ka raran oo barafuun laysu marsanayo maalin cad.

    xaqiraadu waa dambi aad u wayn, hadaadse ka maarmi waydo inaad wax xaqirto, taariikhdii hore tii dhexe iyo tan la joogaba wax ka baro.

    Walaalaha waqooyi galbeed inta midnamda jecel dadka wanaagsan ee soomaaliyeed yaa xaal idin siiyay oo idinja badan, horay u socda oo tashada umadiina dhib iyo dheefba la qaybsada.


  16. Waa barlamaankii taariikhda ugu horeeyay oo hooyo sheegta asagoo indho iyo dhago la'

    Baarlamaanka puntland, looguma talo gelin la xisaabtan iyo inay dood keenaan. 

    Shaqadoodu waa inay afartii sanoba mar ilmo saleebaan doolshaha u gooyaan.

    wax intaa ka baxsan haday la yimaadaan, xasaanadda waa laga qaadayaa, odayaashuna waa mushaari, haba iska yaraadee, waa u diyaar kii badeli lahaa midka la tuuray.

    • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

  17. Siday doonaan ha u difaaceen madoobe, waa arrimo ayaga u gaara ama ha noqoto dano ay ku raaceen siyaasiyiinta beeshooda oo wax la wada.

    Ama rag iska celin ku waajibtay ha noqotee, kolay way muuqataa inaysan ",xaq" iyo "gar" midna waxba ka aqoon.

    Madoobe qabiil laguma diidin waxaa la tar-tamay jufadiisa kaliya oo u xaq-soori waayay.

    wuxuu isku doortay, buy two get one free.
    ama sadex oday ha la ii keeno midka ii gadmay ha i doortee

    Maxay tahay doodu wiilashaan reer galbeedka tolerate iyo ixtiraamka ku bartay?

    Ma waxay leeyihiin hal xaaraan ah nirig xalaal ah way dhali kartaa? 

    Mise waxay leeyihiin way nuujin kartaa kaliya inta doorashada laga gudbayo?

    madoobe 8-sano waligiis kismaayo dhinac uma dhaafin, mana tegin gobolada uu ka hadlayo gedo wuxuu u diray casaabad 100 jir, xalaal ku koray uu ka ashahaatay.

    Waa afhayeen kenya iyo af ka noole aan waxba gacanta ugu jirin. 

    Waraaqahaan uu marba dhinac u gedinayo waa masiir umadeed, jaahil madax adagna laguma aamini karo.


  18. mmacruuf
    way leeyihiin rag fiican lakiin waa yaryihiin intoodii badnayd way dileen ama xabsi ama toogasho toos ah ayagoo u adeegaya shisheeye.

    kuwa fiican waxay ka ilaaliyaan inay beesha matalaan oo soomaali wax la qaybsadaan.

    Waxay jecel yihiin inay gumayste u adeegaan ma jecla dal xor ah ka talintiisa.

    Siyaad barre allaha u naxariisto wuu ilaalin jiray intii tabartiis ah, wuuna iska ilaalin jiray waana qiimaha dawladnimadu leedahay. 

    Balse hada fursadaasu meesha way ka baxday ayagaa hogaan noo noqday oo gumaystaha nooga tarjuma.

    Waa beel wayn oo qarniyo gumaysi ku hoos jirtay, ama si kale hadaan kuu fahamsiiyo waa "duddun" godod badan oo hadana kayn ku dhex taal.

    Soo maadan ogayn berigaas inay sadexda dawladoodba darajo ka xiran jireen? way dhici jirtay walaalo.

    Is waydii aaway ubadkii ay dhaleen ragaasu markii qarankii soomaaliyeed burburay xagee aadeen?

    Sidoo kale soo maadan arag aqoonyahan ku abtirsada oo ku doodaya in dagaalkii 77 fitno lagu kiciyay ahaa, ayagoo adeegaya oo nabad qaba.

    Usc waxa hor boodaya maanta ilaa kenya oo indhaha ka xajaynaya waayo?

    Soo maadan dhagaysan xasan sheekh oo dadkiisa ugu qodbaynaya markii Nairobi qarax ka dhaco ma seexdo xamarna waa gam'aa.... barkee waa iska caadi anaga xageena.

    Madoobe run buu sheegay ninkii run kuu sheegana wax kale lagama doono ayadaa loogu tagaa

    Wuxuu yiri anoo mayd gacmaha ku wata yaan kismaayo soo galay anoo ubax watana ka bixi maayo.

    waa nin rag ah aragtidayda wuxuu ku jaan-go'an yahay kismaayo mana dhaafsiisna ayada, gobolada kale waa u dhufays siyaasadeed asaga iyo kenya wax dan ah kama lahan.

    intaa maygu waafaqsantahay mise waxbaa kasoo noqday?


  19. Qabqable waa la yaqaan waa dagaal ooge lagu abaal mariyay inuu senator noqdo si shartiisa looga yareeyo cibaadka.

    Gudoomiyaasha ururada bulshadu maxay yihiin?!

    Aduunka Usc niman ka shaati badan waa la waayay, waa nimanka kaliya oo aan la tusi karin nadaam iyo cadaalad si ay u lacagaystaan.

    Sodon sano miyaysan ku filnayn oo ay hogaanka dalka hayeen?

    bini-adamku waxa kaliya oo uu ka dhargi karo waxaa jira ciidda, markuu dhinto, si kale looma dharjin karo.

    Aragtidayda waa laga shar badan yahay caqligooda unbaa suuq madaw iyo boob ku qufulmay.

    laakiin waxaa la rabay inay nin kaliya daba istaagaan si aamusnaan iyo edeb leh,hadhow markuu guulaystana ay weelashooda soo qaataan sidii horayba loogu yiqiinay.

    Waxay u ordayaan soo un xaraash ma'ahan?

    Tuug waxaa ugu liita kan dadkii oo soo jeeda indho adayg lasoo hor istaaga.

    Gartu ilaahay bay taqaan, ee qabiil ma taqaan, nimankan hogaan soomaaliyeed ma qaban karaan, xaqiir qabiilayste ah ma ahi alaa og.

    walaalayaal keena nin farmaajo badeli kara oo dalkeena horay u wada,  ama aamusa oo gar qaata xafladaha arooska kaliya hoteelada uga qayb gal inta noloshiina ka hartay.