gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. Ninkaan markii xilka laga qaaday wuxuu iska dhiibay hargaysa wuxuuna cafis waydiistay biixi oo uu ka codsaday in la cafiyo, mar danbana uusan u noqon doonin khaladkii ka dhacay.

    Subxannalaah, wajigiisa waxaa ka muuqata cibaado, kana xishoon maayo munaafaqada asagoo saxaafadda hor tasgan.

     


  2. Galbedi
    mucaaradka halistaa ma'ahan nimankaan usc oo shiraya horta waa inaad ogaataan midaas

    usc waa beel isku raaci karta inay wax dumiso laakiin aan isku raaci karin inay wax dhisto wayna ogyihiin markay wax dumiyaan inay suuq bacaad iyo bakaaro kala aadayaan.

    mucaaradka halistaa waa dulaalinta  hor boodaya shisheeyaha kenya iyo carabta sida Deni iyo madoobe.

    khayre way u takhdiideen si fudud bayna khadka uga saareen.

    Arinta kaliya oo ay is leeyihiin N/N waa lagu tuuri karaa waa inay  iska hor keenaan khayre iyo farmaajo.

    maxay sameeyeen marka?

    waxay la xiriireen khayre waxayna ka codsadeen inuu war-wareejiyo dirashada qof iyo cod waa dalab fudud, lakiin uusan garanayn cawaaqibkiisa.

    waraaqihii xaliimo yarey hoos buu dhigtay ilaa uu ku dhawaaqay qorax dhicii doorasho dadban.

    maxay tahay doorasho dadban?

    Doorasho dadban waa ninkii xoog leh aa xabagta goosaaya lahjadii reer awoowe.

    waa shaqo laandheere iyo laaluush.

    way ogyihiin labadaas maamul in qof iyo cod ay ku lumayaan dadkuna ka daalay qabiilaysi.

    khayre caawa waa laangaab tolkiis shaaha u dirsanayo shalayna wuxuu ahaa ninkii qsluu ta shacabka gilgilayay karti iyo cod labadaba.

    Opa
    nimankaan aad u ololaynayso darajada labaad bay kuu arkaan ayaga iyo puntland labaduba. 

    Dad waxaa kuugu sokeeya siyaad barre iyo ehelkiisa sidii qaranku u burburayna maalin qabrigiisa lama siyaaran waana caqli xumada laydinku xaman jiray weligiin.

    • Like 1

  3. Dr. Galbeedi
    Opophis, waa "atheist" cibaado kale ma leh, godka wuxuu kasoo baxaa markii d'oqon adeerkiis ah la waraysto.

    Qalbi dhagax waxay u isticmaalayaan olole siyaasadeed mana kala yaqaano wakhtiga loo yeeray subax iyo gabal-dhac mid ay tahay.

    Markii wariyuhu waydiiyo xasan sheekh, sanbalooshe, khayre, neeftaa ku dhagaysa. 

    Markii farmaajo la waydiiyana way kasoo baxaysaa ilaahay amarkiis, farmaajo wuxuu u noqday machine'kii neefta soo saari jiray.

    Hadaladii khayre waxaa ka mid ahaa berigii uu daa'uuska u ekaa.

    Anaga wax nalooma yeeriyo.

    Nalama cabsi geliyo.

    U joojin mayno dad dana gaar ah wata.

    Dalkaan dhalinyaradiisaa ku filan iwm.

    Maantayna wuxuu gacanta bidix ka dhunkaday Cc-shakuur asagoo u eg shinbir qoyday. 

    "war tolow yaan meel cidla ah layga tegin".

    Mushkilada khayre waxay tahay aragtidayda, hogaamiyaasha usc hor boodaya waxaa u badan niman isu arka inay ka miisaan culus yihiin haday noqoto madaxweynayaal hore ama xataa habka qabiilka ee 4.5 oo markii hoos laysugu noqdo aysan waxba usoo baxayn.

    Wuxuu wax ku noqon lahaa qof iyo cod aragtidayda shacbiyad badana wuu lahaa, lakiin shalay maanta lagama dhigi karo waa karaamo beelay.


  4. Khayre ma ogolayn in ONLF urur argaxiso lagu daro, markii golihii wasiirada is mari waayeen yaa mahdi guuleed warqad jeebka kalasoo baxay oo uu ka siday farmaajo, markaas ka dib yaa lagu dhawaaqay liiska madoobaa oo taariikhda galay

    Xasan sheekh ma ogolayn in nala taabto oo asagaaba nagu ilaalin jiray muqdisho. 

    Dhaantadii uu ina iley la tuntayna wax macno ah ma lahayn iyo hadaladii uu yiri waa arin aan asaga u fiicnayn laakiin halgankeena waxba uma dhimayn.

    Qalbi dhagax wuxuu u olo-olaynayaa asagoo soo been halgamay, 13 musharax oo beel ahaan u shirtay, kana xishoon waayay war waxaad u tartamaysaan gudoomiyaha muqdisho ma'ahan ee waa madaxweynaha soomaaliya.

     


  5. 20 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

    Haddee meel sida Shabeellada Hoose ama Dhexe dadka saa'idka ah degan degnaan lahaayeen see u kala qeybin lahaayeen? Sodon gobol?

    mmacruuf 
    Waligaa ma tagtay waqooyiga soomaaliya?

    waxay isugu yeeraan beesha dhexe dhul ahaan ma wayna degaankoodu, marka laga reebo ama laga jaro gobolada ay u bixiyeen daafaha.

    Siyaasad ahaan waxay isu arkaan sida tigreega dad kalena waxay ku khasbayaan inay iska daba socdaan.

    Dhanka ciyaaraha
    waa wax fiican in bulshadu is dhex gasho oo ay is bartaan, laakiin dhalintii ayagoo jir ahaan caafimaad qaba bay maskaxdii qabyaalad iyo cuqdad ka geliyeen.

    See maskax jiran, jir caafimaad qaba u wadi kartaa?


  6. Togdheer, awdal, sool, sanaag waa la gartay.

    Daad- madheedh, maroodi- jeex iyo hawd ma xaafadahaa hargaysaa mise waa gobolo jira?

    Ma jamhuuriyadii yaa barakowday intii la kala maqnaa?

    Waxaa fiicnaan lahayd inay qabiilaysiga toos koobka ugu dhigaan, intii ay gobolo aan jirin dadka ku waali lahaayeen.

    Waxaan fiirsaday "clip" ay leeyihiin 
    Guusha yaa leh H.Y
    Guusha yaa leh H.J 

    Waagii ay W/ galbeed ciyaaraha uga qayb geli jireen "gob" bay ahaayeen mooska iyo cambaha jecel kuligiidna waxaa loogu yeeri jiray dheereeye.

    • Like 1
    • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

  7. MMacaruuf.
    Waan kugu khilaafsanahay anigu waxaan kasoo horjeedaa in dalalka gaalada loo hijroodo ama nolol laga doonto.

    kuwa qoyskayga ka jirana caruurtoodii yaan soomali ahayn dhaqan ahaan kuna noolaan karin soomaaliya.

    Waan ka xishooday inaan ku dhaho kuwaas hadiyad u siiya ee adinku soo noqda.

    Waxaan qiimihii ka qaadnay dalkeenii oo aan ka dhignay meel aan lagu noolaan karin

    Markay ka fogaadaana waxay iska dhigaan muwaadiniin dal jecel, 

    Calan yar bay xaflad ku ruxaan  kii waynaa na ogola inay hoos istaagaan.

    Qof dalkiisa quursaday haybad kuma leh qof uu dalkiisa joogo.

    Dhulku dambi ma leh waa dhul udgoon oo ilaahay khayraad dhigay waa anagga soomaalidaa mushkiladu.

    ma taqaan waxa soomaalida ka khaldan?
    Aragtidayda

    Waa qanaacada in lagu qanco wixii alle kuu gartay.

    Dalkaaga ku qanac
    dhalashadaad ku qanac.
    xabada canjeelada ah ku qanac.
    cudur iyo caafimaad ku qanac.

    Alle ugu mahadi wuxuu kuu qoondeeyay, hubaal wuu ku siyaadin.

    Dadka ku nool galbeedka kuwa ugu xafidan maalintii waxay dambaabaan 79 jeer kuwa kalena 99.9 boqolkiiba.

    Indhahaagu haday ku dhacaan
    naag qaawan, doofaar qalan, dukaan kkamaar iyo khamri
    Ey labisan oo afka laga dhunkanayo kuligood waa dambi.

    indhaha isku qabsada  gawaaridana iska ilaaliya suurta gal noqon mayso. 

    Ciyaalkii baadi bay bay noqdeen kuwa badbaadayna, ayagana caruurtoodaa target ah.

    Dalkiina ku midooba, been kuu sheegi maayo gaajo ma taal.

    "Democrats" dalka way naga rari fiisihii way furi, gabdhihii muxaafidka ahaa way dhunkan maalinta dhalashadooda.

    Donald Trump 
    waa nin muxaafidka gaalada been u sheegay oo ku yiri adinkaa laydin dhalan rogayaa xaqiiqna ma aha.

    Waa faa'iido noo wanaagsan inuu dalkiisa noo diido fiisaha naga xiro, dadkiisana nagu diro oo waliba si cad noogu sheego inuu muslinka neceb yahay.

    Nin la heli karo ma'ahayn waligayna ma arag gaal ka wanaagsan.



  8. Donald Trump was great president my view.

    wuxuu lahaa dhaqanka reer guuraaga oo sheega wuxuu kuu qabo.

    Halka Democrats ka dhahaan give them big smile.

    jamhuurigu waa muxaafid intaan ka fahmay.

    Democrats'kuna waa dhaqan tuur.

    Gaal dhaqan leh waa ka fiican yahay mid aan lahayn, codka soomaalida u codaysay Democrats waa khasaariyeen.
     


  9. Haday doonayaan hogaanka soomaaliya waqooyigu waa dadka ugu mudan xaal-marin fiicana u noqon kara.

    Balse ma'ahan waxa ay u shirayaan arrintaas waa duminta koonfurta iyo hagar-daamo,  aysan snm waligeed ka toobad keenayn.

    tusaale.
    magacaan D...r't waxay lasoo baxaan maalinta ratigu u istaagi waayo.

    waakan wasiirka warfaafinta oo u jawaabaya shirka

     


  10. Waxay ku abaal mariyeen dhul banaan oo aad goor dhaw maqli doonto  qoyska madaxweynaha yaa dib u dhacay.

    Waxay kaloo ku abaal mariyeen passport diplomatic ah oo hargaysa kaliya ka shaqeeya

    Ma abaal marinbaa mise waa bah-dil, nin u foorarsaday oo aqbalay in dalkiisa iyo dadkiisa la kala gooyo?

    Ujeedkoodu waa hadaf siyaasi ah oo ay kaga qayb qaadanayaan doorashada federaalka si codka ilma samaale loo mideeyo si ku meel gaara.

    • Like 1

  11. 6 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

    s0227.gif s0227.gif

    Intuu deganyahay hadda?

    Wuxuu sheegay inuu ku nool yahay Luxembourg oo berigaas loo qaaday ilaa iyo hada.

    Waxay ku abaal mariyeen sacab daciif ah iyo ayagoo ciyaalka ka codsaday inay funaanadaha ku sawirtaan, si ay cuqdada ugusii kobciyaan.

    Haday daacad u yihiin waxay ku dhihi lahaayeen.

    Buurta sheekh agteeda guri aan kaaga dhisno, gabar ilko casna aan ku siino abaalkaaga snm ma gudi kartee, waa haduu qoriga xabad gelin karo oo aysan da' hayn.

    Su'aal kasta oo la waydiiyay duuliyaha waxaa ka dhalanaysay su'aal kale, laakiin snm ma doonayso in mashruuca laga shakiyo.

    tusaale
    Wuxuu sheegay in meelaha loo cayimay inuu duqeeyo lasoo tusay asagoo diyaarad kale saaran.

    meelaha maxaa ku jiray nooma sheegin, ma jabhadaa ku jirtay? ma suuq yaanyada lagu gado bay ahayd? ma guryo shacab bay ahayd? ma wada xasuuq baa lagu yiri?

    Waxaan ku qiyaasay markaan fiiriyay hadalkiisa asagoo buufis u qaba inuu yurub iska dhiibo in diyaaradii cilad baqdin galisay ku timid dhanka cimilada, sidaasna uu sheekadii ugu badalay tacaaduf iyo qalbi furnaan.

    Siyaad barre allaha u naxariisto dadka wuu iska cantoobsan jiray macnaha qabiil  uma kala saari jirin.

    Haduu dadka kala saari lahaa midkaanoo kale duuliye qaran ma noqdeen lo'duu maakaalka kusiin lahaa jawhar iyo aadan yabaal dhexdooda.

    Wuxuu ag fadhiyaa casaabad gooni goosad ah waxay arkaana waxay ugu neceb yihiin calankii buluugga ahaa oo wax soo baray inuu difaacana xaqa ugu yeeshay.

    Muu waydiiyo haduu fiyowyahay siyaad barre kaligii taliye aan ka wada adkaanay buu ahaa ee walaalayaal maxaad ku nacdeen midabka buluugga ah iyo calanka soomaaliya?


  12. On 10/20/2020 at 11:50 PM, maakhiri1 said:

    Runtani waa tii shacabka laga qarinjirey, Been 30 sano lagu shubaayey in laga shubo weeye, ninkanina waa istaahilaa booskaa

    Maakhir.

    Ayagaa iska shubi kara cid kale ma rumaysanayaan, hadaad runta u sheegto waxay kuugu yeeri magicii foosha xumaa 


  13. 17 hours ago, Xaaji Xunjuf said:

    So you think Somaliland inay nin kaliya wax u noqonayso. 

    Think again. 

    Hal-doorku qof qudha ma'ahan lahjadaada xaaji-ugaasow, waa indhaha shacabka oo idil.

    Waa boqorada shinida oo kale shacabkuna waa shaqaale, macaan sameeya hadaan been lagu maaweelin.

    Sodon sano bay snm sararta dhinaca lafaha tusaysay dhalin-yarada, iminka dhankii cadka iyo baruurta lahaa bay arkayaan.


  14. "zaciim" waa kalmad carabi ah hadaad soomaali u fasirto waa "Hogaamiye"

    kalmadaas adigoon wax kale ku darin waxay noqon kartaa amaan ama wanaag.

    Hadii aad ku darto waa aftahan baalaasha la kala baxa si haybadiisu u muuqato markuu hadlayo 

    Iskuma daro hadalka oo wuxuu dhaxaysiiya 60 second si sacab iyo mashxarad loo dhex geliyo ninkaasuna waa zaciim.

    mowduuceenu halkaas ma'ahan walaalayaal.

    Aragtidayda 
    Soomaaliya waxay leedahay sirdoon soo kobcaya.

    Wuxuu u qaybsamaa labo, mid gudaha ah iyo mid dibadda ah.

    kan gudaha xaalkiisa waan la wada soconaa waa bukaan socod baxnaano u baahan.

    Midka dibadda aad buu u dhisan yahay waana midka waafaqsan mawduuca Mr.khayre. 

    Sirdoonka soomaaliya ee dibadda wax af soomaali ku hadla uma shaqeeyaan, 7 daqiiqo gudahood yuu kugusoo af-jari. 

    Hadalkaaguna waxuu ka bilaaban markaad tagayso anigoo "Og" asaguuna aamusku ka bilaaban.

    (Nin anbaday halkuu aaday waa ula ekoonaatay)


  15. federaal qabiilaysigu wuxuu ku abtirsadaa jahliyada qabiilka waana isbaaro aad u culus oo cawaaqib xun,xaqiiqdiina bahdilkuu dalka iyo dadka u gaystay waa muuqataa.

    Hir-shabeele waxay doonayaan in beel kaliya ku tartanto madaxweynaha ku xigeenkana beel kale la siiyo waa lama taabtaan hanaanka federaalka.

    Koonfur galbeed sidoo kale
    Jubaland waa la mid
    Gal-mudug iska daa warkeeda 19 shaati kuma filna.

    Gudoomiyaha Gobolka banaadir waaba boqortooyo ka hadalba ma leh waa heer-mataan.

    Waxaasoo habaara waxaa dhalay, walaalaheen puntland oo dadka ugu heesay ku dayo puntland.

    puntland waa jufooyin qaruumo hore is muquuniyay oo xadaaradoodu fog-tahay.

    jufo walba waa taqaanaa gacanta boqorka meeshay ka dhunkanayso.

    Dadkeenaan soke oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jirta maxaa na waalay oo federaal qabiil nagu khasbay? waa su'aal aanan jawaabteeda sugayn ilaa gumowno.


  16. Dr. Galbeedi
    Aragtidayda midkaan markaan qiyaasay hadalkiisa farmaajo wuxuu u jirsaday ilaa 20 mitter meel xafladu ka jirtay waxaana u badinayaa xafladii calan saarka.

    farqiga u dhaxeeya siyaad barre iyo farmaajo waxaa weeye.

    Mr.barre, markuu dhintay ka dib yaa la helay mujaahidiin badan kuwa dhirbaaxay kuwo biyo ku shubay kuwo miiska uga kacay iwm.

    farmaajo asagoo nool yaa qalinkii lagu qabsaday oo la dharbaaxay oo la handaday waxa wax ku haystana waa dadkaa aad u jeedo, mid firinbi loosoo dhiibo mid ilmaha shan jirkaa la caqli ah kuwa kaloo kasii daran.

    Asagu ma hadlo cidna uma jawaabo, waa runtiis iyo waa beentiis midna dhihi maayo.

    Ninka la waraysanayo waa inta kaliya oo uu garanayo inaysan dhacayn.

    Waxa difaacaya farmaajo waa jinni aan garan waayay cidda maal gelisa mucaaradkii oo dhana hadalkii iyo garashadii ka lumisay.

    War kaloon cadaeeyo ma hayo walaalo, adigu xaalkaagu soo ma fiicna?


  17. Caqligii asagoo dadka macluulaya kor taagan uu ku dalbaday Naaftada wali godkuu ula socdaa.

    1960kii guriga lagu qiyaasay 4500$ oo uu qirtay inuu xaday maalintii uu afarta kun oo doolar xasan sheekh u geeyay intee joogay qiimihiisu?

    qiyaastii waa afar boqol oo kun waa intaas hantida lagu leeyayahay.

    Markii ciidamada ina carte qaalib ku yiri hubkiina ku wareejiya USC Iyo SNM ma uusan ogayn ayaan dhaw yaa loo sheegay in arintaasu dhacday intuu nadaxweynaga ahaa.
    shalay xabba-tari maa eebow.


  18. Waxaa dhacday hada ka hor, ninbaa gaarigii uu watay taayar uga baxay isbitaalka dadka waalan lagu hayo hortiisa.

    Markuu arkay taayirkii oo banaanka yaala, afartii burqina ka lumeen yuu talo waayay iyo meel uu wax ka bilaabo.

    Nin dadkii waalan ka mida yaa ku yiri maku caawiyaa walaal?

    Markaasuu ku yiri maxaad ii qaban kartaa adigaaba xanuunsane?

    wuxuu ku yiri ii dhiib baanada ama burqi furaha, ka dibna wuxuu sadexdii taayar oo kale ka furay  hal burqi kiiba oo ku xiray taayarkii banaanka yaalay.

    halkaas waxaa kasoo baxay afar taayar oo kiiba sadex burqi ku shaqayn kara.

    wuxuu ku yiri maxaa isbitaalka laguu keenay haday maskaxdaadu sidaa u wanaagsan tahay?

    wuxuu ugu jawaabay waan xanuunsanahay lakiin doqon maahi.

    waa qiso dhex nartay villa kismaayo iyo villa muqdisho.