wyre

Nomads
  • Content Count

    3,536
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by wyre

  1. Wuxuu ka fekeray inantan iyo Hibaaq tooda qurux badan. Hibaaq waa gabadh uu ilaa yaraantii jeclaa maantana guurkeeda u socdo. Waxaa isugu dambaysey afar sannadood hortood, wuxuuse hubaa dunida dumarka jooga in ay ugu qurux badan tahay. Mar kasta oo uu ka fekero, mar walbana wuu ka fekeraaye, quruxdeeda wuxuu ku lammaansadaa dabeecaddeedii macaanayd ee debecsanayd iyo sidii naxariista badnayd ee ay isaga ula dhaqmi jirtay. Markii uu balligii ka baxay ee socodkii sii watay wuxuu wadajir uga fekerayey gabadhii uu soo arkay iyo Hibaaqda uu ku socdo ee guursan doono. Isaga oo aan ku talogelin ayuu cod dheer ku qaaday heestii ”Damaq jacayl”. Haddii la maqli lahaa waxaa la moodi lahaa qof waalan. aan damaq jacayl dad israba warkood kaa daaddejee waxay ugu darrayd markii aan dul imid taan dunida rabay iyadoo doog dhex jiiftoo daawanaysa ubaxoo sow raaxo damacdayoo durba garayski furatayoo sii daysay timihii… Dhadhankii dhiigga ayuu mar kale dareemay aad buuna u necbaystay. Wuxuu ka fekeray markii uu gabadha daawanayey dhiiggu in uu u dhadhamayey iyo in kale, wuuse xasuusan waayey. Kollay ma uu dareensanayn. Cabbaar markii uu socday oo ay qorraxdu duhur sheegatay wuxuu ku soo baxay saddex doob oo geeljire ah oo geed hadhsanaya. Midkood ayaa bunduq safaysanaya, labada kalena jeegada ayey u jiifaan. Waxay siiyeen gaawe caano geel ah oo qabow, waana ay haybsadeen, isaguna wuu haybsaday. Markii uu ka tegi lahaa waxay u sheegeen in uu la cuno cawl ay disheen hilibkeeda oo u bislaanaya. Wuxuuse la yaabay iyagana weydiiyey hilibka ay ku soorayaan meesha uu ku bislaanayo, waayo wax raq muujinaya agtooda kuma uu arag. Laakiin markiiba labadii jeegada u jiifay ayaa kacay oo meel toban tallaabo u jirta ciidda kala xaadhay, god hilib ugu muufoobayey ayeyna *****lka ka rogeen. Hilibkii oo qiiq badani ka baxayo ayey ku soo dul gureen laamo hohobeed oo ay soo gooyeen, waxayna soo dhigeen halkii la fadhiyey. Wuxuu ahaa hilib macaan oo udgoon oo jilcay oo maraqu ka da’ayo. Laakiin isla markii uu nimanka ka tegay, ee dhadhankii hilibku afkiisa ka dhammaaday, waxaa ku soo noqday dhadhankii dhiigga. Waar balaayadani haddaba waa maxay?! Maskaxdiisu waxay oggolaatay oo aan marnaba ka baxayn Hibaaq. Afartii sano ee ay kala maqnaayeen xaalkeeda joogto ayuu ula socday, wuuna og yahay weli in ay isaga u joogto. Run ahaantii tacliinta uu muddada dheer ku maqnaa, noloshiisa magaalada iyo wax kasta oo kale iyada ayaa uga qiimi badan. Mar kale in uu arko ayaa wax walba uga weyn. Tuulada uu maanta ku abbaaran yahay ayuu ka ogaan doonaa reerkoodu halka uu deggan yahay. Casardheere ayuu tuuladii soo galay. Weli wuu faraxsan yahay, welise afka dhiig baa uga dhadhamaya. Maqaaxidii uu fadhiistay waxaa lala soo gaadhay bakeeri shaah ah oo rasiin ah oo kulul oo ay sonkorta iyo caddaysku ku badan yihiin. Bakeerigii oo faaruq ah haddana weli kulayl la qiiqaya ayuu hortiisa dhigay dabadeed dhidid badan oo ka soo qubtay iska masaxay. Ilaa markii uu hikibka ugaadha cunay aad buu u xaraaradaysnaa. Bakeeri kii hore la mid ah ayuu liqay dabadeed harraad ay biyuhu ka bi’in waayeen ayaa ka ba’ay, daalkiina wuu ka duulay. Inta uu shaaha cabbayo mooyee waqtiga kale oo dhan afkiisa dhiig baa ka dhadhamaya. Waar illayn balaayo! Ragga uu meesha ugu yimid badankooda wuu garanayaa. Wuxuu kale oo si fiican u garanayey nin markii uu isagu maqaaxida soo fadhiistay degdeg kadinka uga baxay. Waxay walaalo yihiin kii gacanta walaalkii ku baxay. Waxaa loo tilmaamay meesha reer walaalkii deggan yahay. Wuxuu kale oo ogaaday Hibaaq reerkooduna in ay halkaa ka dhow yihiin. Taas aad buu ugu farxay. Dabadeed goor ay casar gaab tahay ayuu carraabe u anbabaxay. Markii uu tuulada hagaag uga baxay, oo keligii meel bannaan sii socdo, ayey xabbadi diillinta dhabarka ka haleeshay. Dhankii qaraxa ayaa la wada eegay, waxaana la arkay isagii oo dib u soo ordaya aadna u cabaadaya afkana dhiig ka qubanayo. Neef geel ah mooyee wax sidaas u cabaada weli lama arag. Boorsadii yarayd ee garabka ugu jirtay iyo kiish uu gacanta ku laallaadinayey midba mar buu ka dhacay. Sidii uu u soo ordayey una cabaadayey ayaa xabbad kale laabta lagaga qaboojiyey. Dabadeed wuu istaagay, haddana qunyar labada jilib oo wada socda dhulka ku qotomiyay, haddana sidii qof sujuudaya wejiga dhulka ku horraysiiyay, dabadeed wuu wada qallibmay. Wuu sii yara kurbaday, dabadeed illayn wuu dhintaye wuu dhaqaaq daayey. Bal ha iska noolaadee may iska daayaan... End
  2. Ilaa saaka markii uu toosay dhiig baa afka uga dhadhamayey. Markii hore wuxuu mooday in uu afka ka dhiigayo dhawr jeer ayuuna candhuuf iska soo muudiyey oo eegay dhiigse kuma uu arag, haddana waxaad mooddaa in uu xinjiro afka ku sito. Wuxuu ka fekeray goorta iyo waxa uu dareenkaasi ka soo raacay, wuuse xasuusan kari waayey. Wuxuu isku dayey in uu is illawsiiyo laakiin ma ahayn wax uu is illawsiin karo. Markii waagu guduutay socodkii uu soo bilaabay ayuu weli ku jiraa isaga oo beegsanaya tuulo u jirta gelinsocod dheer. Wuxuu ka soo jarmaaday cidla uu xalay u hoyday halkaas oo uu kaga degay gaadhi magaalo ka soo qaaday. Qorraxda oo la moodo intii shalay lagu ogaa in ay aad uga weyn tahay ayaa barta wejigiisa ku beegan ka soo kudday. Cabbaar ka dibna wuu ku indhodaraandaray, barqadiina dhidid badan ayey ka daadisay. Surwaal jiinis ah iyo shaadh madow waxaa u wehelisa funaanad uu awel shaadhka ka dul gashanaa imikase madaxa ugu duuban. Laba kabood oo uu qorijabka iyo qaniinyada halaqa kaga soo gaashaantay ayuu illan yahay. Garabkana waxaa u sudhan shandad aan weynayn oo ay alaab yari ugu jirto. Imika markii ay cadceeddu kululaatay shaadhkii badhannada wuu u furay oo neecawdu waxay ku dhacaysaa garan cad. Qalbigiisa farxad baa ka buuxda, iyo filasho wanaagsan. Xataa xalay markii uu cidlada joogay wuu faraxsanaa. Degaanka u marayo daawashadiisa wuu ku farxayaa. Aad buu ugu farxayaa. In kasta oo uu muddo afar sannadood ah ka maqnaa geed geed ayuu u garanayaa. Waa dhulkiisii dhalasho iyo dhallaannimo. Hilowga dalka kuu galaa kama yara ka dadka kuu gala. Jeex walba, ban walba, taago walba, godan walba, geed iyo duddun walba oo ay indhihiisu arkaan haddii ay qof yihiin laabta ayuu ku qaban lahaa oo dhabannada ka dhunkan lahaa. Xilligu waa gu dambeed ay dhibicda roobku jeesatay, doogguse weli qof gaaban wuu qarinayaa, dhirtuna caleen ayey la ciiraysaa. Xareeddii dhowaan gelgelimaha jiiftay imika waxay ku dambaysaa balliyada. Duunyadu dabjoog iyo duurjoogba waa ay hamuungoysay oo inta ay daaqayso waxaa ka badan inta ay fadhido ama laacdamayso. Siddeed iyo labaatanka dayrood ee uu jiro inta badan dhulka wuu ka maqnaa, laakiin waa dhulkiisii. Waxaa ka buuxda rayn rayn. Sidaas oo uu u niyadsan yahay waxaa jira dareen dhiillo oo marmar soo weeraraya. Waa walaalkii oo intii uu isagu maqnaa nin ay isku degmo yihiin qudha ka jaray. Laba sano iyo dheeraad baa dhacdadaas laga joogaa, laakiin dilku ma aha waxyaalaha sida fudud ku duugooba. Waxbarasho imika u soo dhammaatay ayuu isagu markaa dalka Masar ugu maqnaa, markii uu dhagartaas maqlayna aad buu uga xumaaday. In kasta oo mashaqada wadahadal lagu qaboojiyey haddana wuu ka welwel qabaa nolosha walaalkii iyo ragga kale ee xigtada ah. Wuuse og yahay ilaa haatan in la nabad qabo. Maanta uma baahna in uu waxaas ka fekero waayo wuu faraxsan yahay. Waxaa ka buuxa dareenno iyo fikrado kale. Wuxuu ku raaxaysanayaa dhulka iyo waxa dul saaran ee uu daawashadooda indhaha iyo nafta ku quudinayo. Wuxuu ku liibaanayaa udgoonka kala duwan ee ubaxyada, xabagaha iyo doogga ka soo baxaya ee sankiisa ku soo ururaya dabadeed sambabbada u gudbaya haddana jidhka oo dhan iyo nafta oo dhan ku faafaya. Codadka shimbiraha, cida iyo guuxa xoolaha, foodhida cambuulaha ay dabayshu afuufayso, jiiqda laamaha isxoqaya, iyo shalalaxda doogga iyo caleenta ay laydhu cayaarsiinayso ayaa kaga filan in uu hoog walba oo dunida ka jira illaawo. Marba geed ayuu midho ka tiigsanayaa ama nicmo kale ayuu ku foororsanayaa. Waa socdaal haddana waa tamashle. Dhulku waa dhulkii. Laakiin dhiiggan baas ee afka ka dhadhamayaa waa maxay?! Geed aad u weyn oo qararro ah ayuu hortiisa ka arkay kuna farxay. Waa geed caan ah. Wuxuu dhinacyada u kala bixiyey laamo aad u laxaad weyn oo ay mid waliba kelideed geed gooni ah noqon kari lahayd. Jirridda aadka u ballaadhani dhexda ayey ka dalooshaa oo waxaa gala biyo badan oo muddo dheer roobka ka dib laga cabbo lagana dhaansado. Jirridda dhirta ee dalooshanta biyaha galaa waa moqor waxaana lagu soo nuugaa dhuun, laakiin run ahaantii kan moqor laguma sheegi karo, waayo weynaan inta uu ka qabo waxaa la darsadaa weelkii la doono. Biyahaas baaxaddooda darteed dadka qaar waxayba ku sheegaan biyo ay xididdadu dhusunka ka soo qaadaan. Geedku waa kii uu yaqaanney. Markii uu gaadhay si gacaltooyo leh ayuu u yara dhirdhirbaaxay cabbaarna calaacalaha ku cadaadiyey oo daaddaawaday. Haddii uu la hadlo malaha wuu afgaran lahaa. Biyihii ayuu gacmaha dardarsaday oo dhiiggii afka uga dhadhamayey kaga luqluqday dabadeed cabbay. Waxay ahaayeen biyo qabow oo nadiif ah oo jidhka iyo naftaba qaboojinaya. Laakiin isla markii uu ka dhaqaaqay dhadhankii dhiigga ahaa afkiisa wuu ku soo noqday. Waar haddaba balaayadani waa maxay?! Wuxuu ku soo baxay adhi badan oo ay intiisa dheregta la jiiftaa ka badan tahay inta daaqaysa. Wuxuu ka dhex eegay cid la joogta markii uu arki waayeyna iska dhaafay. In yar ka dib waxaa ka soo hor baxay balli weyn oo buuxa. Balligu wuxuu ku dhex yaal il bannaan oo doog qariyey dhirtuna ku yar tahay. Biyaha balliga iyo doogga waxaa ku kala lingaxan diillin bacaad ah oo nadiif ah oo diirran oo ay biyuhu ka durkeen. Halkaa wuxuu ku arkay dhar dumar oo yaal, doogga ayuuna ku gabbaday oo eegmada ku daydayay bal cid meesha joogta. Markii uu cid arki waayey sida askari dagaal ku jira ayuu suxullada iyo jilbaha ku gurguurtay oo hore u durkay ilaa uu dharkii u jirsaday toban tallaabo oo keliya. Geed carmo ah oo humbulan ayuu hoostiisa sida diinka isku xabaalay labada indhoodna meel u bannaystay. Haa, gabadh dhallin yar ayaa biyaha ku jirta. Iyada oo baraadla ayey si deggan oo raaxo leh marba dhan u dabbaalanaysaa. Cabbaar ayuu halkii ka daawaday oo marka ay qaarka sare biyaha kala baxdaba eegmada kula suuxay. Haddii uu u tago oo istuso wuu og yahay dareenka aan wanaagsanayn ee ka dhalanaya. Waxay ku xukumaysaa in uu yahay nin aan anshax iyo dadnimo suubbanyn oo goor ay dagan tahay ka danaystay. Isagana taasi waxay ka dhigi lahayd bahal daciif ah. Maya, inantii iskama uu didin iskumana dirin. Ma qurux taa ka sarraysa oo uu arki lahaa baa jirta? Hadhow waxa uu ka helaa waa nasiibkii, imikase ma aha in uu iska didiyo iskuna diro. Run ahaantii waxii uu dabeecadda degaanka ilaa saaka qurux ka soo daawanayey tan ayuu ku illaaway. Ugu horrayn iyo ugu dambayn wuxuu si walba u daawaday laabteeda iyo labadeeda naas ee ugub, iyo qoorteeda, iyo garbaheeda, iyo dhabarkeeda, iyo dhabannadeeda, iyo timaheeda qoyan ee hoos ugu seexday. Labadiisa indhood libiqsan maayaan jeer ay dabayshu xanuunjiso. Wuxuu u tooghayaa oo heegan u yahay marka ay biyaha ka soo baxayso iyo qaarkeeda hoose. Wuu hubaa in aanay jirin wax ka wanaagsan oo uu maanta arki lahaa. Wuxuu bannaystay meel uu marka ay biyaha ka soo baxdo si buuxda jidhkeeda uga wada arki karo. Sawirro aanay quruxdoodu xaddi lahayn oo xubnaheeda hoose ku saabsan ayuu khayaaliga gashaday. Markii ay soo baxdayna sawirradii oo dhami dhakhso ayey u masaxmeen waxaana beddelay kuwo dhab ah oo ka sii qurux badan. Ma waxaa jira wax sidan u abuuran?! Ma qof bani aadam ah baa sidaas u eg?! Wuxuu ku sigtay in uu ku boodo oo isku duubo oo ku ooyo. Markii ay dharka gashatay inta uu indhaheeda iska eegay ayuu soo kacay isaga oo iska dhigaya in uu imika yimid. Laakiin dhar xidhashadeeda iyo imaatinkiisu sida ay isugu dhowaayeen darteed waa ay garatay waxa uu falay. Waa ay isu xanaajisay, markii uu hadal u bilaabayna huruuf ayey ugu jawaabtey. Isaga oo weli la hadlaya ayey ka dhaqaaqday oo dhankii adhiga aadday. In ay la sii joogto ayuu ku dadaalay kana codsaday laakiin dheg uma ay jalaqsiin. Waa ay xanaaqsanayd. Markii ay ka tagtay wuu cidlooday wuuna hiloobay. Dabadeed balligii ayuu isaguna kaga dabbaashay isla meeshii ay kaga dabbaalanaysey isaga oo maryahana dhigtay isla meeshii ay dhigatay. Taas wuxuu ka helay liibaan weyn. Wuxuu maleeyey iyaduna in ay sidiisii meel ka soo eegayso, dabadeed wuu qoslay dan kalese kama gelin. lasoco
  3. Lol @hanad was kikuyu maybe mwai sabaka was a bit better than the name hanad
  4. HEESTAN WELI MA MAQASHEEN? Lafoole Garashada dayoowdaay Isma dhaanta dirirtaay Dibjir wada sarkhaamoo Darandoori laba dhinac Danab iyo madaafiic Magaaladii ku dumisaay Xageebaad hadhoow dagi Taladaba kumeey darin War hooy aan idiin digo Ha la is dilo xal ma ahee Dadku nolol ha raadshee Sida maad ka daysaan Armeey digasho reebtaa Dib armeey u eedaa Dagaalkii sokeeyaha Armeey caro is dooxdaa Sida duulki algu rogay Armaa daadku qaadaa Armeey dawgashiyo taah Hurdadaba la diidaa Taladaba kumeey darin War hooy aan idiin digo Ha la is dilo xal ma ahee Dadku nolol ha raadshee Sida maad ka daaysaan Xal beey waayi doontaa Dhalanbaabi beey noqon Mawjadaa daf siinoo Waxa sidii dabeylaha Dar xumeey ku noolaan Kala durugsanaantiyo Waa waxa loogu dawgalay Dacar ineey kabootee Taladaba kumeey darin Waa waxa loogu dawgalay Ineey dacar kabootee Taladaba kumeey darin War hooy aan idiin digo Ha la is dilo xalma ahee Dadku nolol ha raadshee Sida maad ka daysaan Taladaba kumeey darin BAGE KA DIB USOO NOOLEEYA
  5. http://whatthefacebook.com/
  6. http://whatthefacebook.com/
  7. "Cadowgeeni 1aad ee Bintiland." - Somaliland newspaper `Maxey u yiraahdeen?
  8. wyre

    funny quotes

    Coffee isn't my cup of tea. A pedestrian hit me and went under my car. The other car collided with mine without giving warning of its intention. I thought my window was down; but found it was up when I put my hand through it. Dear School: Please ekscuse John being absent on Jan. 28, 29, 30, 31, 32, and also 33. Lawyer: "Was that the same nose you broke as a child? Witness: "I only have one, you know. I eat computers for lunch.
  9. I walked across the road. A vehicle screeched in front of me. I looked at my friend and waved. The man in the vehicle shouted "ARE YOU DEAF?" at the top of his voice. I waved again at my friend and walked off, the world so deadly silent around me.
  10. wyre

    Suaal

    Isma lol we just want to help the sister, no offence
  11. Aaliyyah;683598 wrote: I am such an i-diot, how did I not recognize him. His name is yusuf yare, the same guy who sang SSC way samaatay...love the way he looks, love his songs..what can I say I love him..naa isoo hel!! adigana ka qalee..mid kale baan ku radinana loools Yup will call u sometime tomorrow. SSC way samaatay sara kaca...cod ba ku dhamaaaday.. salaam I thought you quit listening music
  12. wyre

    funny quotes

    Please do not feed the animals. If you have any suitable food, give it to the guard on duty. (zoo sign in china) Most cars on our roads have only one occupant, usually the driver If you walk backwards, you'll find out that you can go forwards and people won't know if you're coming or going:D The team has come along slow but fast. The fact that no one understand you, does not make you an artist China is a big country, inhabited by many Chinese. Rotarians, be patriotic! Learn to shoot yourself. Football players win football games My sister's expecting a baby, and I don't know if I'm going to be an uncle or an aunt. It depends Most lies about blondes are false. That lowdown scoundrel deserves to be kicked to death by a jackass, and I'm just the one to do it.
  13. mAANta waxaa baaba'ay magacii xizbul islaam, berrina waxeynu sugi in uu baaba'o alshabaab, dadkow iska dulqaata xaqii baa dillaaci rabee
  14. wyre

    Suaal

    Nugul;683246 wrote: Bashiir and yaa tahey, I understand what you are saying, but both cases cannot be applied to someone who has doubts about God's existence. The prophet taught towheed (the monotheism) to Arab polytheists. They were believers in higher existence anyway. What if the person doubts the existence of hereafter, would you advise that person not to mourn for worldly things? No, and that has been my problem. So you mean you don't believe in the hereafter?
  15. wyre

    Suaal

    Asalamu caleykum, Sorry for your problems and may allah accept your duaa, Ask your muslim brothers too, let them pray for you Mid ayaan rabaa inaan kuu sheego' I guess you understand Somali language (alle hadii aad barido It's either three ways, inuu ducadaada kaa ajiibo markaas, ama kaaga qabto big problems oo kugu soo wajahan, ama haddii kale uu kuugu dhigo hereafter) marka just tolerance ayaa lagaa rabaa God is with you sister, The other thing, never say (ilaahow why don't you listen my prayers, why are you doing this or that, so you become a none believer) (ilaah waxaan kaaga baryaayaa inuu kaa ajiibo ducadaada, Annaga dhanna diintiisa xaqqa nagu hanuuniyo) aamiin
  16. Chocolate brownies are delightful. But not with nuts in them. Chewy cookies are delightful. But not with nuts in them. Insane asylums are delightful. But not with nuts in them. Exploding fireworks are delightful. But not with nuts in them. Repetitive statements are delightful. But not with nuts in them :D:D
  17. wyre

    funny quotes

    Please provide the date of your death. I owe a lot to my parents, especially my mother and father I say no to drugs, but they don’t listen Eight more days and I can start telling the truth again:D As far as I know, my computer has never had an undetected error I don't know my mothers name, because she died before I was born I miss being able to wake up when I want and go on stage when I want and pull down my pants when I want I felt like my vote was the vote that put [Obama] into office. It was down to one vote, and that was going to be my vote. And that may not be true, but that's how much power it felt like I had.(p.diddy)
  18. Aaliyah ma naagaha ilkaha la' baad dooni inuu igusoo diro ninkan markaad ileedahay iga dhici wallee anigu ninkan ruuxaamihiisu waan ka baqi
  19. wyre

    Great Somalis

    Belo ma caay bareer ah:D
  20. wyre

    funny quotes

    Smoking kills. If you're killed, you've lost a very important part of your life:D I think that the film Clueless was very deep. I think it was deep in the way that it was very light. I think lightness has to come from a very deep place if it's true lightness I didn't know Onward Christian Soldiers was a Christian song Sure there have been injuries and deaths in boxing - but none of them serious:D How to store your baby walker: First, remove baby Traffic is very heavy at the moment, so if you are thinking of leaving now, you'd better set off a few minutes earlier We are unable to announce the weather. We depend on weather reports from the airport, which is closed, due to weather. Whether we will be able to give you a weather report tomorrow will depend on the weather It isn't pollution that's harming the environment. It's the impurities in our air and water that are doing it.(this is said by algore vice-president) Those who survived the San Francisco earthquake said, "Thank God, I'm still alive." But, of course, those who died, their lives will never be the same again
  21. wyre

    Great Somalis

    Somalina;683253 wrote: Dr. Mahamud M. Yahya (July 18 , 2008). Wyre and the rest of the naysayers, haddaad taqaanaan Somali "heroes", ku soo dhejiye halkaan. Haddii kale calaacalka naga yareeya fadlan. Thank you. Somali iney ganuunacaan uun bey la soo shirtagaan, you can't be happy for each other haye! waaba danbi haddaad qof aqoonsato oo aad ku tiraahdo "great job" "thank you for your tireless effort and hardwork"...please wax iskula hara (Wyre). Dr. Xawo shaqadeeda waa show miyaa hadda oo ay ku raadineyso recognition? do you even read waxaad soo qortey, maxaase ugu soo qori weydey halkan haddaad qof wadankiisa wax u qabtey taqaano? Pah-leeeeeeese! Polanyi, you can stuff your Aweys comments where the sun don't shine. Gracias. Don't bother replying. haddaan gafay raalli haleyga noqdo @somalieta Ok i'll try to add 1 person Hadji muuse sheikh cabdikarim wuxuu dilay 99 lions In his Good empty Hands Xajka ayuu lug kusoo aaday xilligii xilli ahaa oo hadde geela la dhaqan jiray dal shisheeye iyo dowlad la shisheeye lama aqoon kuwo kaloo badanna waan soo aruurin ha sugi waayin
  22. nuune;683049 wrote: Well Done to BANAADIR I predict BANAADIR to be in the finals, Banaadir to win. Ps: I am in Istanbul, and won't be reporting any LIVE updates, so keep up the good work up. Fiqikheyr , keep the updates Ma naagtii jinka aheyd baa weli kugu dhegan nuunow
  23. War yaa raaye oo koobki qaaday anigu intaa baa ii daran lambar seddex iyo lambar labo toona ma rabo inaan ogaadee