guleedyare

Nomads
  • Content Count

    56
  • Joined

  • Last visited

  1. Dadka waxa wada qoraa lakiin qoritaan kan oo kale. Dhan waa ka baro afsoomilga. dhan waa xusuusin dhaqanka. dhan waa waano aad iyo aad u qiimo badan Allah hakaa abaalmiriyo.
  2. Waxaan Allah uga bariyaynaa Janada in uu geeyo Ehelada qaraabada uu ka geeriyooday samir iyo iimaan kasiiyo
  3. SSDF,SNM,MAAKHARI,AWDAl and SSC. Bahal higlo afqadhmuun kuma kala tagto waxana iskuma biiriso. Dad muslim ah baa dhintay waa arin laga naxo runtii Waxa kala qaybinta ku faraxsan,dhiiga islaamka iyo walaalaha iyo qaraabada isku diray waa ethopian prime minister waa ninka kaliya ee ku qoslaya dhacdada maanta. Markaa Somali caqliyar qabiil bay u dhalanaysaa u dhimanaysaa naarta ku galaysaa.98% dadka soo gala qaybta siyaasada waxay difaacayaan qabiil. Waa fahmay ka lagu soo duulay haduu dhibsado oo sheego wixii uu tabanayo waxaan layaabanahay ka duulaya ee leh waxabaan salaxayaa anigaa amaanka sugaya inagaa xaqa ku taagan.
  4. baashe waa arin aad looga naxo in maanta muqdisho oo aan waligeed amxaaro soo weerarin ay ku garaacaan diyaarado. waxaa nasiib daro ah in ilaa 3 kun in ka badan oo wiil ay dagaalo cusub ayku dhaawac maan ama ku dhintaan waxa aan la garanayn. Arintu waxay ku qurux badnayd in ay labada nine abdulaahi iyo aways ay hishiiyaan xili hore siiba intii ayan ciidanka aways badhabo weerarin. soomaalidu waxaa ilaa iyo hada ayan kala aqoon. xalka iyo xaqa. dawlad xaqa waxaa u danbaysay tii cabdirishiid iyo aadan cade. wixii ka danbeeyay ragbaa xal xaq mooday oo dowlad ka dhigtay. Hadab intaan xoogii wanaagsanaa markii hore ee xamar xoreeyay ayan baydhabo weerarin baa hishiisku ku wanaagsanaa waxa hishiiskaa diiday waan ognahay waxa isu qaatay hiilkii Ilaahay iyo kaalmadiisii is yiri waad muuqunin kartaan Dawlada kumeel gaarka ah. waa indha cade oo 7 casho u qabtay waa isaga ninka yiri waxay wadaadadu bakhti bay noo afuufeen oo ictiraafeen waa isaga hadalkaa waa dhagaysanayay wuxuu iska dhigay inuusan kamid ahayn wadaadada waana tii marwalba shacab badani lahaayeen indha cade wadaad ka fog. maanta dagaalku wali mid dhow oo sidaa ku dhamaanaya ma ah. xamar iyo shacabkay wadaadadu hoosgalayaan wayna adag tahay inay taasi si yar ku dhamaato. waa nasiib daro maalintay guul somaliya ugu dhowayd waa hadii 61 nin ee laga soodoortay qabiilka moqdisho lagu wareejin lahaa wadaadada xamar. qisaas ilaa dhaxal inta aan ka ahayn siyaasad iyo dhaqaale kitaabka lagu dhaqmi lahaa. inta kuwaana xaq iyo daliilo cad oo lagu maamule laga heliyo. ethopia xamar ma duqayseen hadii ayan green light ka haysan maraykan. shiikh aways wuxuu tagay masar wuxuu la kulmay muqaabaraadka masar Arinta aam aadka uga naxay baytaasi ahayd wixii uu u sheegay muqaabaraadka masarana CIA Maraykana waa og yihiin. Markaa hadalkayga aakhirkii waxaan ku gaba gabanayaa khasaare kale iyo dhibaato iyo jab uun bay ku dhamaatay . Haday xaq yihiina ilaa iyo 91 wadaadadu maamulkoodu ma jabeen. laakiin wiilasha yaryar ee aan kamid ahaan jiray ee magaca iyo kalimada ilaahay inay kor noqoto u dagaalamay oo u dhintay iyaga jano iyo baraare baaan u rajaynayaa. gushii Ethopia ayay raacday.Cabdulaahi 40 sano buu xukun doon ahaa xasan daahir markuu indha cade ka dhigtay wasiirka amaanka malintaasay ii cadaatay inuu isuguna xukun doon yahay . markii hore lakiin waxaan oran jiray midna bariiskaan la cuni lahaa midna salaadaan ku dabo tukan lahaa. Baashe aan adiga kugu soo celiyee rabi baa garan halkay ku dhamaane bal sadaali oo maxaad qiyaastii aad is leedahay bay ku dhamaan.
  5. war anagaa yaab aragnay xuduudaad sheegaysaa waa tee. tii gumaystuhu sameeyay hadaad aamin san tahay waa laguu yabaa. dagaalkana ninkii aamin san inay xabadaadu kartaa lagu cabsiiyaaye. hadii reer buuhoodle casumeen cade insha allah wuu tagi wuuna kasoo noqon. hadii uu uga baaqado cabsina laascanood isagoo madax waynaha ka naqon maayo. mark my word.
  6. SOMali baa yiri nin naagi wado iyo rati rati wado midna kaama leexdo. Bari baa 3 wiil oo jaamacada lafoole dhigta baa u yimi islaan dukaan haysata. labadii jaamacada ku cusbaa baa english ku wada hadlay islaantii baa waxay tiri war ma english kaa inii cusub kii kale baa soo booday oo yiri eedo anigu sanad kan baa qalin jabin waa labadane maxaad ku garatay? hadaba wiilkan dood wadaag english kaga hadlayow waan ku gartay. armood baan kugu daayaye 1 muran beena 2 magacaaga oo ah waxa la fuulo 3 waalid aadan aqoon caydiisa 4 ragii aan faduuliyaye oo ka gaabsaday 5 gabaygaaga oo ah jacbur aad ku hurdo seegtay
  7. Guleed ashaxii gabaye waa hayaa iyo asluubtiiye Xiinow adaan hanaan gabaye aqoon iyo hadalka qaarkiise Adigaa hadba meel u howle sidii howtelhamagiiye Adigaa ku hurdo seegay oo hadana heelo daabacaye Ka hilaabo yaan sidii hebelladaan ugaa haada ku cunsiine Afartaa horudhac gabay iyo higaadii dheh Halkuu ina hasan ka hayn jiray iyo asaaskii dheh Hosaasintii cali aadan iyo haybadii mire dheh Waxa aad la hees heesaysaa waa cabdiaan weedho ka horgeeyay Inaaan ku hayo oo halbowlaha ku jaray oo hooskii kaa kiciyay Wadigaa hinqaday oo hanaddadii doodwadaag hiilo ugu baaqay Marhadayan howd iyo ka iman hoyadii gabayga Hurin hurin baan habaaska u cunsiin oo heegan baan ahaye Warka hagoogo haweenkuna haday doonayaan inay ku hiilshaane.
  8. xiinow meelaha kale intaan hadalka dhataq kasiiyo baan ka dhaqaaqaa meeshan laakiin doodwadaag baa liyiraahdaa. Hadaadan cararina waxa badan baad hurdo seegi doontaa adeer. anigoo qoonxun daba jooga baad isoo gashay warma qaareenkii ay qabsadeen baad tahay. Marwaduna afkeeda caano riyaad lagu qabaye iyadaaba ku hiilanaysa adeer oo kaa hadal khatarsan. waxay sheegtay inaanay ku jurin qoonkii aan maagay hadalkeeduna waa ii cadeeyay. somaalidu labo shariif bay leedahay mid nin aan ogahay iyo umadii somaaliyeed baa ka dhaqaaqi la midna somaliaonline buu ku jiraayoo libaax buu doonayaa inuu la lagdamo. war ilayn nin aan libaax aqoon baa lax ka rida. shariif anugu uma hurdo seegee 5 daqiiq isii aan heestaada uga jawaabo. nin aftahanimo rabi haybad u siiyay iyo nin buug ka higaad shay isma haybsankaraan oo halmawadaagi karaane inta aanan ku halgaadin iska hooyo habeenyahow.......
  9. abaayo hadaan gabyayo saan dhihi lahaa nooh hablihii qurbaha hoteeley noqdeen hooses loo kaco eh taan habeenkii la heline way habaaramiye hiirtii intay kacado bay hoogayeey odhane hooyooyinkeen kuma jiraan iyo kuwii hogoognaaye
  10. Xiinow Waaq weedhii aan ari hadaad wali daba joogto war waa afkeenii hore oo waayo soo jiraye war waa kii walideenteen iyo waladadii kiinka war sedexdaasi waa waano gabay iyo waxa istusaalaneeee Wadaad bayd gaaba baa lagu yiqiin inuu waranyar tuuraye war waxagarad kolkuuse afka uga galaa wadhi ka yeedhaaye war waataad supzerohaad ogayd wiish la caariday warka noqo yaanan Washintontaad joogto wiiqa soo dhiganeee
  11. xiinow erayadan Waaq,Ilaah, iyo God waa ka horeeyeen intaan diintu ina soo gaadhin God iyo Ilaah somali badan baa isticmaasha iyadoon afkoodii ayan ahayn.Waaq waa weedha saxa ah ee udhiganta asalkeedu wuxuu doona haka soojeedee. waa kalmada somaalidii hore iyo kuwa taariikhada somaalida yaqaanaa ay wali isticmalaan. Baabka inoo diidaya inaan afkeenii hooyo waxa ku sheegno iyadoo macanihii isku midka yahay waa kee. Waxaa jirta magaalooyin iyo heeso ay ku jirto erayga Waaq qiyaastiina aan jeclahay in lagu magacaabay iyo in latiriyay diintu intay ina soogaadhay kadib sida ceelwaaq, caabudwaaq.
  12. Guutooyin galiilyooday oo miirana baan soo galbinayaaye Gulucda qarso yaan indha qiiqu kaa gaaline Gift baan u helay oo sidii waxiye iguma soo guurin Waa guarded missal oo aan ku dhicin naag garays xirane Waa geraan wareegtoo lada ah gaatamoo kale Afartaa gubaabo gabay gogal dhigiisii dheh Ma uganay sidii gantaal oo gees ma qabad siiyaye Giraankalena waa gabanadan gow isoo yidhi eh Gambooley baa lagu yiqiin hadal jid gooya a he Mise qoonkii aan gowracayaye baad hiil wadaagtaaneh Gabikalena waa aniga iyo gaar u hadalkayga Gilgilay oo gubaabiyay oo wali qoortii baydhigane Gasri hadaan ka dagay iyo gurigan geedaale Oo aan ku guursado gabadhan guule garanaysa Oo aan galidiyo waxii Rahmaan gaarka isiiyaye Oo aan ka gaabsado munaafiq iyo ducfigan dabo higlaynaaya Gartayweeye oo way igaran qoon garaado ahi
  13. Subzero Waaq baa iiga maraga hadaad intaad tiri aad tix kadhigi kardho inaad fagaaraha keeni lahayd nin la careeyey ba aad noqotide. Guutooyin galiilyooday oo miirana waan soo galbinayaaye guluc layda qarso yaan indhaha gaasku kaa galine
  14. Galiilyooday hadaad gabyi kardho waa iska garankadhaa Waxaa tariyay qoraha waana u furan yahay akhyaarta xerta caano geel isugu timi siiba jamaal, baashe, sophist iyo ruuxii gabay jecel oo dhan. Xalay galin dhexaadkii baan gami iyo jiif diiday Gobta dalkaan ku ahaa baan gees walba ufiirshay Gogasha halkaan dhigan jiray oo gubanaysaan eegay Khayraadka badaha gaamuri jiray oo gam laga siiyay Suntii naagasaaka gumaaday oo nalagu aasaayo Gudin iyo gubniin baa lala galay geedihii udaga waynaaye Afartaa sidii garnayl qarxay gow makaga siiyay Ma garansiiyay qof garaadleh oo gacal ma gaadhsiiyay Gardarada ragaan aqoon iyo gafafaka qaarkiisa garyaqaan hasoo galo maansadaan soo gunaanadayo Gaarida iyo gabanadan sidee geel xeryaha lagu xeraynaayo Ee sangadhuudi iyo cagogaab quudhsadee ul ladabo joogo Ee Jahiima iyo utaanga ilmada gabax ka siinaya Galiilyooday imasaa badwayn laash la caariday Garabkaga bidix miyaa go ay maalintaan ina gashaan waayay Gabikalana waa nimankii noo horkacay guuldaro iyo hooga Gunta guntu dhashay ee xoolaha agoomeed ku laba canleynaaya Ee Gacal iyo xigaal dhexdhigay jac iyo baaruuda Ee qoomu luudkii aydhaleen reer galbeedku gowsaha ubuuxshay Qawsaaradan iyo gabdhahan kashbacay ee aad wada gidaarmoodo Galinka hore qayb qaybin iyo community cusub furid bay go uqaadtaane Galinka danbena gaaladii balagta dheerayd bay gacanta haystaani Guruucdan gaagmareebtada dhigay ee wali usii qooqan Gafuuraxuntan goaansatay inaan qaranimo ka dhalan gabiga somaali Jahanama inay galahayaan oon aan loojid bixinaynin Gullaa inoo sheegay iyo jesaska qaarkoodeh Galadle uma gargaaro qoonkaan ceeb ka dhiidhiyine Garaaca oo gowraca ilayn geeridu marbay nolasha dhaantaaye
  15. qix qix qix inaa qoslahayo ayaad modaa fandhaal waad iga qoslisaye tan adna iga qabo. Nin baa xaas kiisii waxay ka heshay codkii mu adinka Masaajidka. Maalin walba markuu wadaad kaasi salaada dadka ugu yeedho waxay tiraah daa Alla shiikhu cod macaanaa. Ninkii qabay gabadhaa waxuu qaadan waayay arintii. Maalin buu wuxuu kuyiri xaaskiisii waan safarayaaye oo waxaan maqanaanayaa ilaa labo maalmood. Waxaba magaaladii kama tagin wiil yar buu usoo dhiibay hilib wuxuu kuyiri gabadhaa u gee oo waxaad ku odhanayasaa wadaadka masaajikaa ka adima baa ku soo dhiibay wuxuuna yiri hilibka soo shiil magribkana iigu kaalay geedo magaalada xoogaa u jira oo layiraahado Ilmo nuune. wuxuu soo xidhay qamiis madaxan cimaamad buu ku duub tay si aanay xaaskiisu u garan ul aan lafah jabin laakiin xanuun badana wuu soo qaatay Markay geedihii timi buu ku garaacay iyadoo kab na laa laadinaysa kabna sidata bay soo carartay. Maalin tii danbe buu gurigiisii ninkii kusoo noq day wadaadkii baa casarkii eedaan ku dhuftay waxaba way odhan wayday Magrib buu hadana ee daamay waxa may odhan, markaasuu ninkeedii yiri Alla wadaad kaasi cod macaanaa markaasay xaas kiisii soo booday oo tiri war nagadaa waxa geedah ilmo nuune buu dadka ku laayaaye.