ANWAR

Nomads
  • Content Count

    1,616
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by ANWAR

  1. - Yusuf Mohammed Siad Inda'ade - Barre Aden Shirre Hiiraale BOTH have responsibility for security affairs and Defense WHERE ARE THEY ?????????????????
  2. Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 8/05/07 Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ayaa la sheegayaa inay olole xoogan ugu jiraan sidii Jamhuuriyadda isku magacowday ee Somaliland loo ogoleysiin lahaa inay la midowdo Soomaaliya inteeda kale. Warar hoose oo laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in dadaal loogu jiro in Somaliland la ogoleysiiyo inay ka sii mid ahaato Soomaaliweyn taas bedelkeedana loo ballanqaaday inay kaalin muhiim ah ku yeelato dowladda xilligan u dhisan Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in madaxda Somaliland loo ballanqaaday in la siinayo jagada Ra'iisal Wasaaraha iyo inay la yimaadaan Xildhibaano ay raalli ka yihiin oo u bedela Xildhibaanada hadda ku jira Baarlamaanka ee goboladaas matala. Ololahan oo sida la sheegay xoogan ayaa soo baxay markii ay Dowladda Federaalku la wareegtay Soomaaliya inteeda kale. Somaliweyn Media Center (SMC) ................................................ if this is true so bay bay warabe
  3. TO LIVE IN, IN THE FUTURE choose between THOSE three -Mogadishu -Hargeisa -Bosaso I pick Mogadishu, for the reason that IT lieS in southern part of somalia where it's not so dry. AND we all know Mogadishu past
  4. Mogadishu 07, May.07 ( Sh.M.Network) War ka soo baxay xafiiska abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Somalia Gen. C/laahi Cali Cumar ayaa lagu sheegay in looga guuro muddo 5 maalmood goobaha ay leeyihiin ciidamada. War saxaafadeed ka soo baxay taliska xoogga dalka Somalia ayaa waxaa lagu amray dhamaan dadweynaha Somaliyeed ee deegaan ka dhigtay xarumihii wasaaradda G/dhigga mudada 16 ka sano ah ee dalka jahawareerka uu ka jirey in ay si deg deg ah uga guuraan. Xarumaha la xusay in laga guuro ayaa waxaa ka mid ah Villa Baydhabo, wasaaradda G/dhigga, xarunta shirkole, wasaaradda tolmada, dhismayaasha ku dhow warshadda caanaha, xarunta Kulyadda, 77, Axmed Gureey, Guulwadayaasha, Istaraatiijiyadda iyo xarunta Horseed ee xoogga dalka, xero ruush, Isbitalka xoogga, iyo xeryaha ciidamada cirka, dhulka iyo badda. Amarkaan ayaa waxaa ku saxiixnaa sareeye guud C/laahi Cali Cumar. Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli dhowaan wareegto ka soo baxday taliska booliska lagu sheegay in la baneeyo xarumaha ciidamada booliska. .......................................... LONG LIVE SOMALIA ARMY
  5. I cry EVRE time i see this video LONG LIVE SOMALIA ARMY
  6. Originally posted by Emperor: Geedi loughing and Yey loling while thinking deep of his strategy. I bet Yey made this joke that made them all bust loughing, something like "Waar waanu layn doontaa Somalilandtaan"... hehehe hehehe FUNNY LOOOOL
  7. HERE IS MY DREAM ARMY FOR SOMALIA
  8. BUT IF THEY touch BAKARA MARKET FOR NOW reason Then SAY god bay to TFG :mad:
  9. Because WE ALL KNOW you will never be Recoqnition BUT still god luck to you
  10. Tahliil Are you saying, you dont want Females in the army. Because THEY will get rapet bay habashis
  11. Tahliil WHAT DO YOU MEAN MY **Brother**??
  12. If MOGADISHU hear this, THEN we must wait another 16 year
  13. http://vids.myspace.com/index.cfm?fuseaction=vids.individual&videoid=2017591516 IN THE future they will be SOMALIEN prideful ARMY
  14. Xubno ka tirsanaa Maxkamadaha oo ka baxsaday Muqdisho iyo Ciidamadda Dowladda oo sii dabagalay Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 01/04/07 Dowladda Federaalka KMG ah ayaa la sheegay in ciidamo xoogan oo ku hubeysan hubeysan gawaarida dagaalka ay u dirtay degmooyin ka tirsan gobolada dhexe, waxaana ciidamadaasi oo maray wadada xeebta ah ee isku xirta degmooyin ka tirsan gobolada dhexe iyo Muqdisho. Arrintaas ayaa timid kadib markii ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamadii dagaalka kula jiray Dowladda Federaalka kana dagaalamayay magaalada Muqdisho ay maalmo kahor halkaasi u dhaqaaqeen iyagoo wata gaadiid dagaal oo ay ku buufsadeen astaanta ay leeyihiin ciidamada Booliska iyo raxan gawaarida loo yaqaan Homey oo ku xiran samaacado dhaadheer, kuwaasoo la sheegay inay ka gudbeen tuulada Caaraga-ceelle, kuna sii hoyday degmada Cadale. shaaciyo ayaa sheegay inay arrintaasi jirto, dowladda Federaalka ahna ay il gaar ah ku eegeyso isla markaasna ciidamada la diray lagu amray inay soo qabqabtaan si loo hor geeyo sharciga. Warar kale oo aanu ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ciidamadan firxadka ah ee u dhaqaaqay dhinacaas ay suurtagal tahay inay la socdeen wadaadka sida weyn ay u doon doonayaan dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya iyo Aadan Maxamed Xaashi Ceyrow, Sheekh Fu'aad Maxamed Xaashi, halka warar kale ay sheegayaan in Saraakiil Ereteriyaan ah ay ka dhoofinayaan degaanada Xaradheere iyo Hobyo. Warar kale oo aanu ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ciidamadan firxadka ah ee u dhaqaaqay dhinacaas ay suurtagal tahay inay la socdeen wadaadka sida weyn ay u doon doonayaan dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya iyo Aadan Maxamed Xaashi Ceyrow, Sheekh Fu'aad Maxamed Xaashi, halka warar kale ay sheegayaan in Saraakiil Ereteriyaan ah ay ka dhoofinayaan degaanada Xaradheere iyo Hobyo.
  15. Kismaayo:Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay sarkaal sare oo ka tirsanaa maxkamadihii Islaamiga ee laga awood roonaaday. Taliyaha Guutada koowaad ee ciidamada dowlada KMG C/risaaq Afgaduud oo ku sugan gobolada Jubbooyinka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda ay gacanta ku soo dhigeen xubin sare oo maxkamadaha ka tirsanaa isagoo ku dhuumaaleysanayey Kamsuuma. C/risaaq Afgaduud waxaa kaloo intaa raaciyay in hub fara badan iyo walxaha qarxa ay la soo qabteen sarkaalkaasi oo uusan magacaabin, wuxuuna sheegay in ay jiraan dad kale oo ku dhuumaaleysanaya howdka gobolada Jubbooyinka. "Waxaan qabanay sarkaal sare oo ka tirsanaa maxkamadaha iyo hubka wax lagu weeraro ee hoobiyayaasha iyo walxaha kale" ayuu yiri Col. C/risaaq Afgaduud oo intaa raaciyay in ay jiraan rag fara badan oo maxkamadihii ka haray oo weli ku dhuumaaleysanaya gobolada Jubbooyinka qaar kalena ay ka carareen iyagoo haatan ka qeyb qaadanaya dagaalada Muqdisho. Lama oga sarkaalkan sare inuu ka mid yahay xubnaha ugu saree maxkamadaha Islaamiga iyo saraakiisha kale ee maxkamadaha in uu ka tirsan yahay. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  16. Afhayeen u hadlay madaxweynaha Somaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu sheegay goor dhaweyd in ciidamada dowladda federalka iyo kuwa Itobia ey la wareegeen dhamaan goobihii ey dagaaladu ku dhexmarayeen iyaga iyo kooxaha kasoo horjeeda dowladda. Afhayeenka Madaxweynaha isla markaana ah Madaxa Warfaafinta Madaxtooyada Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ey ka guuleysteen kooxihii kasoo horjeeday dowladda eyna ka saareen dhamaan goobihii ey kasoo tuuri jireen hoobiyeyaasha, waa sida hadalka uu u dhigaye. Afhayeenka ayaa sheegay sidoo kale in ey ciidamada dowladda iyo kuwa Itobia ey iminka baacsi ku hayaan kooxahan oo galay xaafado cusub kadib markii ey ka awooda roonaadeen. "Ciidamada dowladdu uma sii gudbi doonaan xaafado kale, mana kula dagaalameyso kooxahan, balse waxey dowladdu ka codsaneysaa shacabka deegaanadan ey iminka galeen kooxahan in ey iska soo saaraan", ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha. Wuxuu intaa raaciyay Xuubsireed in dagaalki socday mudadii 3-cisho lasoo afjaray intiisa badan iminka balse ey hartay wali shaqo badan oo ey ku raadsanayaan kooxahan oo uu ku tilmaamay in ey yihiin argagixisada caalamiga iyo haraadigii maxkamadaha Ialaamka. Dagaaladii ka socdau 3-cisho magaalada muqdisho ayaa waxa uu geystay qasaarooyin badan oo isugu jira naf iyo maalba, iyadoo xaafadahan dagaaladu ka socdeen laga barakiciyay dadkii rayidka ahaa ee daganaa xaafadahan. Calanka.com
  17. Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 31/03/07 Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta fuliyay howlgalkii ugu ballaarnaa oo lagu sugayo nabadgelyada, waxaana madax ka tirsan maamulka G/Banaadir oo saakay kormeero ku sameeyay 18-saldhig oo ku yaala magaalada Muqdisho ay ku xaqiijiyeen xaalada nabadgelyo ee ka jirta 8-degmo oo ku yaala magaalada Muqdisho. Ku xigeenka duqa magaalada dhinaca arrimaha Bulshada isla markaana ah ku simaha ku xigeenka dhinaca ammaanka ee duqa magaalada Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) oo hor kacayay ciidamo Boolis ah ayaa saakay howlgal ballaaran ka sameeyay gobolka Banaadir qeybo ka mid ah, waxaana Md. Dhagaxtuur oo Warbaahinta uga hadlayay ujeeddooyinka howlgalkooda iyo waxyaabihii dhaliyay ayaa yiri: "Howlgalkeena wuxuu ahaa mid ku wajahan dhinaca nabadgelyada, maadaama ay magaalada Muqdisho dadka ku nool ay la soo derseen barakac dagaalada awgood" ayuu yiri Md. Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur. Waxa uu sheegay inay dagaal ba'an kula jiraan kooxaha burcadda ah ee falalka dhaca ah kula kacaya dadka rayidka ah, isagoo tilmaamay in howlgaladii ay maanta fuliyeen gacanta ku soo dhigeen ilaa iyo shan burcad ah oo qoryo ku hubeysnaa, kuwaasoo ay ku xireen xabsiga saldhigga Bari . Ku xigeenka duqa magaalada dhinaca ammaanka Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) waxa uu sheegay in degmooyinka ay howlgalada ka fuliyeen ay kala ahaayeen: Degmooyinka Yaaqshiid, Xamar weyne, Xamar Jajab, Boondheere, Shangaani, Kaaraan, C/Casiis iyo Shibis, isagoo kulamo la yeeshay Saldhigyada degmooyinkaasi qaarkood, taasoo ay uga wadahadleen arrimaha nabadgelyada iyo sidii ay ciidamada Boolisku uga hortegi lahaayeen kooxaha burcadda ah ee u dhaadhaca guryaha laga qaxay. Dhinaca kale Md. Dhagaxtuur waxa uu sheegay in howlgalkii nabadgelyo sugida G/Banaadir uu ahaa mid aad loogu baahnaa, waayo ayuu yiri dadka Muqdisho oo maanta ay la soo deristay dhibaatooyin iyo inay ka qaxaan guryahooda ayaa ku kaliftay in maamulka gobolka Banaadir iyo ciidamada Boolisku iska kaashadaan sidii loo xaqiijin lahaa xaaladda nabadgelyo.
  18. Mogadishu 31, March.07 ( Sh.M.Network) Dagaalo xoogan oo bilowday xalay 2:30 Am ayaa ilaa iyo wali ka soconaya magaalada Muqdisho, iyadoo dagaaladaasi oo ah kuwo aad u culus la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan. Dagaalo aan lagu kala jiifan oo xalay galinkii dambe ka bilowday caasimadda Somalia ayaa ka soconaya agagaarka Stadio Muqdisho iyo wadada Xamar Bile, iyadoo ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda ay halkaasi si xun ugu dagaalamayaan. Wali lama oga qasaaraha dhabta ah ee dagaaladaan ka dhashay, iyado marba marka ka dambeysa ay sii xumaaneyso xaaladda, isla markaana dhinacyada dagaalamaya ay helayaan gurmadyo caaboon. Hugunka madaafiicda iyo daryanka rasaasta ayaa si weyn looga maqlayaa magaalada Muqdisho, iyadoo lagu arkayay saakay wadooyinka boqolaal dad ah oo u badan haween iyo caruur kuwaasi oo lug uga baxsanaya caasimadda. Ma jiro wax isku socod gaadiid ah oo ka jira caasimadda Somalia, ka dib markii dagaalka uu saameeyay wadooyinka qaar. Dagaaladaan oo galay maalintii 3aad ayaa u muuqanaya kuwo aan kala joogsaneyn, iyadoo wali aysan jirin waan waan laga dhex wado kooxaha dagaalamaya. Madaafiicda BM ka ee ciidamada Ethiopia ay ka tuurayaan dhanka Madaxtooyada ayaa ku dhaceysa Xaafadaha General Daauud, Xamar Bile, qeybo ka mid ah Towfiiq iyo Suuq-bacaad, taasina waxa ay keentay in dad badan oo rayid ah ay ku nafwaayaan, iyadoo saakayna halkaasi uu ka jiro barakicii ugu weynaa. Dagaalkaan oo soconaya maalintii 3aad ayaa waxaa ku nafwaayay in ka badan 70 ruux halka tiro ku dhow 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
  19. Adis-ababa 30, March.07 ( Sh.M.Network) Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerada muhiimka ah ee ay siinayso dowlada federaalka KMG Somalia, sida ay qortay wakaalada wararka ee dalka China ee Xinhua Males Zenawi, Ra'isulwasaaraha Ethiopia Warbixin waqtiga dhexe ah oo u jeediyey aqalka hoose ee wakiilada dadka ayaa Meles waxa uu sheegay in Ethiopia ay taageeri doonto dowlada KMG oo ay tababar siinayso ciidamada dowladeeda. Waxa uu sheegay laba meelood saddex meel ay ciidamada Ethiopia ka baxeen Somalia, iyadoo kuwo harayna ay ka bixin doonaan dalkaasi, sida qorsheysan. Midowga Afrika ayaa halgan xoogan ugu jira in ilaa sided kun oo ciidamo ah u diro Somalia, iyadoo wadamada Nigeria, Malawi, Burundi iyo Ghana ay balan qaadeen ciidamo. Ciidamada Ethiopia ayaa bishii December ee sanadkii hore waxa ay ku gacan siiyeen dowlada KMG in ay dalka ka saaraan maxaakimtii Islaamiga ee gacanta ku hayn jiray bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya mudo lix bilood ah oo ay nabadgalyo ku soo dabaaleen. Shabelle Media Network Ethiopia
  20. DO YOU NOW THE word Xabash IF YOU DO explain IT IF YOU DONT THEN DONT USE IT DO I MEK MY SELF :mad:
  21. Originally posted by A.J. Timacadeh: Well wherever the filthy ethiopians go we know who is to blame THE ICU right :confused:
  22. Originally posted by BiLaaL: quote:Originally posted by Jabhad: Warar lagu kalsoon yahay oo ilo xog agaal laga helayo ayaa ku waramaya in Janaraal Gabre oo isagu ah taliyaha ciidanka Tigreega ee Soomaaliya ayaa fariin uu usoo diray odayaasha Muqdisho kaga codsaday in dagaalka la joojiyo si uu ciidankiisa ula baxo , laakiin odayaasha arrinkaas kaga jawaabeen in uu isagu yahay ninkii laga kari waayey inuu dagaalka joojiye kuna hanjabay in jidka loo furo ama uu cagta marinayo dadka kasoo horjeed. Odayaasha have learnt their lesson. You get into agreements with civilised people, the Xabasha can never be trusted. There are reliable reports indicating that a large number of Ethiopian troops are held up in a stadium, where they spent the night. They are sorrounded and cannot move. The resistance should annihilate them before any reinforcements arrive. MY BROTHER YOU ARE dreamING YOUER SO called reliable reports ARE FROM ICU WEBSIDE DONT LIE TO US