Caano_Geel

Nomad
  • Content Count

    625
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Caano_Geel


  1. Hadda ka hor ayaa waxa igu dhacay jacayl, aan ruux u qaaday, qofkaas oo niyaddu aad ugu bogtay. Jacayl kaasi wuxuu ahaa mid ka dhashay day-madii ugu horaysay ama is aragii qadh-dha hore ahaa, wixii maalintaa ka danbeeyay, si joogta ah ayuu sii fidaayay ilaa uu gaadhay meel aan loo dul qaadan karin.

     

    Dabcan Jacaylku sida aynu wada og-soonahay waa wax jira, ama aaminsanow ama ha aamin sanaan, noloshuna sideedaba jacayl la'aan teed dhadhan ma laha...Wallow ay dadku ku kala duwan yihiin, sida loo kala abbaaro, looguna kala nugul yahay, dareenka dhabta ah ee nolosha aadmiga.

     

    Yeelkeeda si kastaba aniga waxa i helay nooc uun jacaylka ka mida, kaasoo si fiican ii laasimay..In badan ayaan ka been sheegay jacaylka, oo aan xataa dafiray mararka qaar!.. Haddaba muxuu ahaa waxan igu dhacay ma jacayl mise wax kale????? Bal adiguba is waydii.

     

     

    ''Waxa caynba cayn looga dhigay ha is cajabiyaane'' Boodhari

     

    Naftani waa bini aadan wuxuun bay iska jamataa, adiguna awood uma lihid inaad qalbiga intaad furto, gabigiisaba soo saartid, ka dibna wixii uu doonayay ka maydhid oo ilaw-siisid, waa mustaxiil, oo waa wax aan dhacayn taasi..iyadoo sidaasa haddana naftu waxa lagu qanacsiin karaa inay hesho wixii ama ay waydo......bal ka waran haddaba haddii aad labadaa dhec-dooda aad taagan tahay, taas oo wixii aad doonaysay aanad helin, aanadna waayin...

     

    TO BE CONTINUED..


  2. Aaliyyah waan iska tijaabinaayay uune luuqada beri horaa iigu danbaysay, oo ilaa muddo sagaal sano iyo badh ah kumaan hadal mana qorin, in kastoo Carabigayga qoraalkii wali fiican yahay, waan intii yarayd ee aan Soomaaliya kasoo bartay uun, waan jedlaan lahaa inaan muraajiceeyo haddaan wakhti u helo.


  3. Bahasha ma ku hadashaan? Imisa ku hadla ayaa jooga halkan SOL? Ma qortaan?

     

    Muddo iminka laga joogo 9 sano iyo dheeraad ayaa iigu danbaysay goor aan arabic qoro kuna hadlo, markaa waxaabad moodaa inaan is masaxay, Carbigu wuxuu ahaa my favourite subject class-ka dhan xiisadan baan ugu jeclaa, maxaa Soomaaliga ayaan ka jeclaa.


  4. Runtii aqoon fiican uma lihi ninkan...laakiin wuxuu u eeg yahay nin siyaasada Soomaaliya ee maanta wax ka bedeli kara.

    Mar aan dhagaysanaayay waraysi uu bixiyay, waxaa iiga soo dhex baxday, inuu ninkani leeyahay hammi aad u dheer iyo is bedel siyaasadeed.

     

    Waxa kale ee aan ku taageersanahay waa inuu yahay xubin fir-fircoon oo ka tirsan ururka Islaax, oo taageeri weyn u muujiyay gacana ka gaystay guushii Ururka walaalaha Muslimiinta Egypt iyo tii Tunisia ba,


  5. wyre;845661 wrote:
    Intaad Ku Baqtin Laheyd Adoo Ku Dhintaa Laguu Qaatay Show
    :D

    Waar u kaadi sidaa maahee, lah-jad kala duwanaan ayaa jirta, ee si kale ha u fahmi. Anigu waxaan uga jeedaa si dhakhso aha usoo noqon maayo isha allah ee wakhti badan ayaan ku qaadan doonaa.


  6. Valenteenah.;845591 wrote:
    Oh, it's like that miyaa? You only thanked inadeertaa. OK.

     

    Waan kaala noqday my good wishes and on top of that waxaan kuu rajaynayaa calool qushqush. :mad:

    Sorry walalo, khalad haa i fahmin, maan arkayn ba comment-gaaga, aad ayaad u mahadsan tahay Valenteenah...

     

    Akhyaarta kale dhammaan idina waad mahadsan tihiin.