Daandurreey

Nomads
  • Content Count

    122
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Daandurreey

  1. waxaan wuxuushnimo waa ka daran tahay. spy mee u egyihiinbo ilmahaan la laayay. Ilaahay aa u jeedo kuwaan xaqdarro dadka ku leenaayo. nacala abuug.
  2. Dayniile.com Somalia's Rwanda. 1991 Mogadishu. a shocking story about a 16 year old girl and her mukulaaal madoow (rapist dark-skinned moriyaan) story of 3 waccelo kids born out of wedlock, rape, murder and going insane and finally escaping by pretending to be selling tomatoes leaving her waccelo kids behind. all neighbors knew her captivity and watched and did nothing. it is very graphic so please be carful. oohin aa ku qabaneeso. Qiso xanuun badan ... dhibaatooyinka loogaystay dumarka soomaaliyeed ---------------------------------------------- Qof waalidkeeda iyo walaalkeeda lagu hor dilay, hooyadeed-na lagu hor kufsaday , iyadiina afduub loo kaxeystay,caruur si sharci darro ah looga dhalay ( qiso xanuun badan). Waayihii Colaada Soomaaliya (1991-1994) ayey qisadani ka dhacday degmada Xamarweyne ee Muqdisho. Qeybta koowaad Dhacdada 1-aad Bishii Agoosto ee sanadkii 1994-kii ayaan gaari ku kulanay gabar safar aheyd oo dooneysay in ay gaarto dalka Kenya iyadoo dooneysay in ay ka gududbto dhinaca Baardheere, hase yeeshee anigoo safarka gabadhaasi la wadaagay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo ayaan kala sheekeystay xaalad aan la yaabay ka dibna go’aansaday in yaabkaasi layla qeybsado, ka dibna markii aan Baydhabo gaarnay waxaan ku degnay isku guri, taas oo ii sahashay in aan gabadha ka wareystay waxa ku dhacay waxeyna iiga sheekeysay qiso layaab leh oo xasuus iyo xanuun badan. Gabadhan oo aanan wax fasax uga heysan in aan magaceeda qoro, haatana aanan ogeyn meesha ay joogto darteed, magaceeda ma xusayo, laakiin sheekadeedii oo markii ay iiga sheekeysayba ii fasaxday in aan qori karo ayaan go’aansaday in aan qoro, waxey ku bilaabaysaa sidatan. Waxaan ahaa 16 jir markii uu dagaalka ka qarxay magaaladda Muqdishu, waxaan ahaa gabar maqabiyo ah oo aan gurigooda ka soo bixin ilaa markii aan jirey 7 sano, waxaana ka koobneyn 6 caruur ah oo ila dhalatay iyo hooyo iyo aabe, reerkeena waa uu ladnaa oo waxaa lahaan jirnay dhawr dukaan oo ku kala yaaleen inta u dhaxeysa Ceelgaabta iyo Hotel 900 (Bar Noba Jante), ee agagaarka Masjidka Marwaas, markii ay dagaaladda dhaceen, oo dhibaatada badan loo geysanayey dadka aan beelahooda hubka heysan wuxuu qoyskeegii noqoday mid ka mid ah qoysaska dhibaatadii ugu balaarneyd loo geystay hadimada nasiibka u yeeshay. Xilli galab ah ayaa waxaa gurigeena, oo ahaa sedax dabaq kuna yaalay agagaarka Koodka, noogu soo galeen koox maleeshiyo ah oo ka kooban ilaa 10 qofood, waxey irrida banaankeeda ka soo bilaabeen in ay xabado guriga ku soo ridaan, dhinacyadana waxey u ridayeen xabado kale, Ilaahooow Na Badaadi, waxaan na soo wajahday cabsi tii ugu darneed, waxaan galnay welwelkii ugu weynaa adduunka, maleeshiyadii 5 ka mid ah ayaa markiiba guriga horey u soo galeen, 5 tii kalana banaanka ayey ku sugaayeen si ay difaac ugu sameeyaan kuwa guriga soo galay, ugu horeyn waxey baas ku fureen walaalkeyga oo ahaa da’da kaliya oo iga weyn, curadka aabeheey ahaa, balse aysan hooyadeey dhalin, si xun ayey u dhaawaceen isagoo dhiig baxaaya ayuu kushiinka aktiisa ku rafanayaa, ka dibna hooyadey ayaa naxdin dhulka a dhacday, waana isku dhax yaacday waxey shegeyso iyo wax kale ayeyna ku wareertay. Kooxdii waxey qori baadkiisa ku garaaceen aabe, waxeyna waydiiyeen inuu sheego meesha lacagta keydka iyo dahabka ugu jiraan, aabe si uu naftiisa u badbaadiyo ayuu u sheegay meelihii wax keyd ah noogu jireen oo dhan, waloow ay tuugadaasi arxanka darnaa ay aabeheey ka qaateen dhamaanba furayaashii, ka dibna gurigii oo dhan faagteen dhaceenna in ka badan $60,000 Kaasha ah iyo dahab kiilaad ah, hadana kuma aysan qancin oo waxey aabe ku cadaadiyeen inuu sheego lacag iyo dahab kale, markii uu u sheegay in aysan jirin meel ay wax lacag ama dahab ah ugu jiraanna waxey ku yiraahdeen Ashahaado, markii uu ashahaatayna ………oohin ………oohin …… waa ay dileen, waxey xabada kaga dhufteen wejiga iyo caloosha, ka dibna isagoo rafanaayo ayey ka dhaqaaqeen anigiina I kaxeesteen. Inta ay qeyb tuugada ka mid ah ay dilayeen aabaheey, qaar kale waxey faraxumeyn ugu dhaqaaqeen hooyadeey, anigiina inta indhaha garbasaar aan watay la iiga xiray ayaa lay saaray gaarigii ay tuugada saarnaayeen oo hoos yaalay, waxeyna ii sheegeen in aanan hadli Karin, hadii aan ooyana ay i dilayaan, ………oohin………qof waalidkiisa la dilay, walaakiis la dilay, hooyadii hortiisa lagu faraxumeynayo isagana afduub gaari loo saartay sababta uu u oyn waayo anigu ma garaneyn, laakiin oohintii oo aan ceshan waayey darted waa yara miir beelay, waxaana ku dhacay gaarigii sagxadiisa. Dhamaanba dadka deriska ah waa ay ogaayeen waxa nagu dhacaya, mana jirin qof wax gurmad ah noo sameeyay, waloow ay jireen dad ka xun waxa nagu dhacaya, hadana nooma aysan arwaaxi Karin……Ooohin……Oohin……Ilaah baa arxan ku filan. Aniga sidii la ii waday waxaa lay geeyey guri weyn oo meel walba ay ka fadhiyaan tuugadda loo yaqaano ********ta, waxaana la ii sheegay in saacadaas laga bilaabo aan afduubanahay, xitaa ma fahmi Karin waxa loola jeedo Afduub, waayo Af Soomaaligaba dhib ayuu igu ahaa, waayo maqabiyo aan dadka la sheekeysan oo keligeed qol ku jirta ayaan ahaa. Markii gurigii lay keenay, waxaa bilaabatay shuuxshuux iyo in faraha laygu soo taagtaago, qaar aa bilaabeen in ay dhahaan (Caawo Gaal aa god iigu jiree garuun haleykeeno) waxaa la is weydiinayaa goorta kawaanka la I saarayo, dabley kasta wuxuu jeclaan lahaa in mar uun uu maqlo waa la kufsanayaa si feelka dhiniciisa uga soo galo, laakiin ninkii kooxdaasi tuugada madaxa u ahaa ee aahabeey dilay, hooyadeey soo faraxumeeyey wuxuu go’aansaday inuu keligiis i heysto oo nimanka kale aysan ii soo dhowaan. Habeenkii ugu horeysay ee aan ka walwalsanaa sida xaaladeyda noqoneyso iyo waxa ay reerkeyga ku sugan yihiin, meeydkii aabaheey meesha lagu aasay, walaalkey inuu dhintay iyo inkale, hooyadeey waxa gaaray, ayaa anigiina waxaan wajahay dhibaato weyn, balse waan is diyaariyey oo waxaan niyeystay in aan wajihi doono, kufsi iyo dil. Ninkii madaxa tuugada ahaa wuxuu meel dhigtay derin, wuxuuan so oak dhigtay bac ay ku jiraan caws badan, wuxuuna igu yiri kaalay, markii aan u tagayna wuxuu ii sheegay in aan xaaskiisa ahay, hadaan diidana uu i dili doono, isla habeenkii ayuuna wuxuu igu amray in cawska oo ahaa Jaad uu cunaayey aan afka u gelgeliyo. Hadalka ugu yaabka badnaa ee uu habeenkaas I dhahay wuxuu ahaa “Waan geerasheeynaa” aniguse maba aqoonin waxa uu ula jeeday, in aan fahmi karina isaga wuu ogaa, intuu igu qoslay ayuu I dhahay hadaadan garaneyn waa lagu baraa. Aniga Jaadka waan la yaabanaa, waxaana is dhahay dadkaan waa reer baadiyeyaal waxey cunaayaan cawska sidii xoolihii, laakiin maba dareensaneyn in jaadka uu yahay wax lacag badan laga soo bixiyo oo suuqa lagu gado. Isla habeenkii ayaa waxaa ii bilaabatay noloshii ugu mugdiga badneyd oo adduunkaan uu ku soo maro qof bani’aadam ah, hase yeeshee wax walba amar Ilaaheey ayey ku dhacaane, waan wajahay, waayo ma lihi awood ka weyn in wixii sameey lay dhaho aan sameeyo. Nolosheyda waxey soo martay dhawr weji oo aad u xanuun badan. Qeybta labaad Iyadoo ay dhibaatadaasi jirto ayaa waxaa dhacday inuu bilaawday dagaalkii afarta bilood, markii uu dagaalkaasi socday muddo bil ah ayuu ninkii I heystay uu taabsaday guri ay ka qaxeen dadkii lahaa oo gogoshiisa iyo alaabooyinkiisa yaalaan, ka dibna wuxuu i geeyey gurigii, wuxuuna ii sheegay in xaaskiisa aan ahay, meeshii ayaana ku dhalay wiilkeyga curadka ah ee aan meherka ku dhalan balse uu aabihii joogo. Inta aan umusha ku jirey ayuu ninkii maalin maalmaha ka mid ah wuxuu guriga keenay qeyb ka mid ah dahabkii hooyadeey, wuxuuna ii sheegay inuu aniga ii soo gaday, aniga dahabka waan aqaanaa inuu keenii yahay, laakiin isaga sida uu marba reer u dhacaayey wixii ayaa isaga qasmay oo maba kala oga sida ay kala yihiin. Dahabkaasi neef weyn ayuu iga keenay oo intaan qeyb ka mid ah iibiyey ayaan markii uu guriga ka maqan yahay ku soo gadan jirey rooti iyo moos iyo wax la mid ah si aan wax xalaal ah u arko, oo dhuunteyda u maraan wax uun xalaalnimadooda aan ogahay. Habeen walba ninka wuxuu iiga sheekeyn jirey inta dhibaato oo uu soo geystay, wuxuu iiga sheekeyn jirey sida ay dadka u dilaan, sida ay wax u dhacaan, iyo sida ay u wiideestaan wax ay dhacayaan iyo dadka ay afduubaan, anigase shidada I heysay qeyb ka mid ah uun bey ii aheyd arrinta uu iiga sheekeynayo habeen walba, mar walbana waxaan filanaayey in saacadaha soo socda mid ka mid ah uu I dili doono. Inta aan xaaska guriga joogo ahaa, waxaa damcay in aan raadiyo xaaladda reeraheena, laakiin intuu dareemay ayuu I saaray cadaadis badan, la iima ogoleyn in aan guriga ka baxo oo markii uu guriga ka baxaayo wuxuu igu xiri jirey silsilad weyn deriska wuxuu ugu sheekeyn jirey in aan ahay naag saaqidad ah oo isaga diideysa uuna aabaheey igu daray, anigiina dadka waxba uma sheegi karo oo isagii ayaan ka baqayaa oo ii ogoleyn in aan qof la hadlo, haduu I mehersan lahaa waxaa ii sahlanaan laheyd in aan isaga la hadlo oo derbiga nagu hor gudban ee cadaawada ah aan ka talaabo, laakiin nin og inuu afduub igu heysto hadaan ku dayo jiljileec wuxuu u fahmi karaa inaan qorshe damacsanahay sidaas ayuuna igu dili karaa, deriska oo dhan wuxuu ii tusay in aan qof xun ahay, isagiina way yaqaanaan inuu yahay ******** weyn oo Allow imooti lagu ak maro……oohin……oohin. Sidaas anoo ku jira ayaan ku dhalay sedax caruur ah oo mid tahay gabar, labana yihiin wiilal, welina ninkaasi ma go’aansan inuu marna i soo mehersado, reerihiisana gurigeyga ma imaan jirin oo aabihiis wuu dhintay, Hooyadii gobal kale ayey ku nooleyd, walaalihiisana sida uu igu heystay ayeyba raali uga ahaayeen oo maba ii dhaami jirin isaga isku feker ayey ka ahaayeen arrimaheyga, noloshaasna waxey aheyd mid aan la qabsaday oo aan ku dulqaatay in badan go’aansadayna in aan isaga jiro inta uu Ilaah faraj qeyr leh iiga furaayo. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa ninkeyga Xaaraanta ………oohin…… oohin…… isagoo wata kooxdiisa ma naxayaasha wuxuu weerar ku qaaday gawaari jaad siday si ay u dhacaan, gawaaridii waa ay dabsaareen, waxey ku dileen ilaa 8 qofood oo haween dan yar ah u badan, haseyeeshee ilaa in muddo ah uma aysan suuro galin in gawaarida dhacaan oo maleeshiyooyin jaadkaasi galbinayey ayaa iska difaacayey. Waloow tuugadii ninkeyga ay ku guuleysteen in ay soo dhacaan hal gaari oo jaad ah, hadana waxaa laga soo diley laba maleeshiyadii ka mid ah, jaadkii la soo dhacayna waxaa la keenay gurigii aan deganaa, sidii ayeyna damaashaad ku bilaabeen oo jaadkii qeybna guriga qol ka mid ah jawaanadiisa kula raseeyeen, qaarna intay la soo baxeen ayey cunis ku bilaabeen. Qeybta Sadaxaad. Nolosha qaraarka iyo macaanta isku darsatay waxey igu aheyd markii anigoo ninkeygii xoogga igu heystay afka jaadkii uu soo dhacay u gelgelinaayo nalagu soo weeraray gurigii aan deganeyn, waxaa na soo weerareen kooxo hubeysan oo jaadkii laga soo dhacay daba socda, dhinac walba gurigii aan ku noolaa waxaa kaga soo bilaabatay rasaas ka soo dhaceysay qoryaha nooca fudud iyo kuwa waaweyn ee darandooriga u dhaca. Markii ay rasaasta is qabsatay, waxaa soo xasuustay maalintii lay soo afduubaayey, taroomadii ayaa igu soo kacday, cadaabta adduunka ayaan dareemay, waxaan ku sigtay in aan waasho, mar qaylo ayaan bilaabaa, hadana waan aamusaa oo ninkeygii iheystay oo dagaal ku jira in aan ku qayliyana waxaan ka baqayaa inuu intuu igu xanaaqo i dilo. Waxaan bilaabay in marba caruurta mid ka mid ah guriga dhaxdiisa kula carcararo, ugu dambeytii waxaa yara qabowday rasaastii, waxaana arkay iyadoo kooxo hubeysan oo aanan aqoon u laheyn ay gurigii soo galayaan, waxaan ogaaday in dhamaanba 14 istaafka ahaa ee guriga joogeen ee ninkeyga saaxiibadiisa ahaayeen intoodii badneydna la dilay qaarna iyagoo dhaawac ah ay banaabka guriga iyo gudahaba yaalaan, qoryihiina laga wada qaatay. Waxaa guriga daaradiisa loogu soo galay ninkeygii aan la heystaha u ahaa oo isagiina markey rasaastii ka dhamaatay qoriga intuu sariirta hoosteeda ku tuuray doonaya inuu iska dhigo inuusan dagaalameyn, si uu isu badbaadiyo, laakiin waxaan lagu amray inuu gacmaha kor u taago soona baxo banaanka. Nimankii hubeysnaa oo aad u careysnaa waxey ninkeyga waydiiyeen inuu sheego meesha uu geeyey jaadkii, isagoo aad baari u ah ayuu tusay meeshii ay jaadkii ku xareeyeen, dhawr jawaan oo jaadka ahna horey ayeyba u cuneen. Markii jaadkii lagala wareegay ayaa haddana laga qaatay dhamaanba wixii qoryo ahaa ee guriga yaalay oo ay ka mid ahaayeen 2 dabajeex iyo 13 kuwa yaryar ah, ka dibna nimankii waxey bilaabeen in ay dhameytiraan qaar ka mid ah maleeshiyooyinkii dhaawaca ahaa oo cabaadayeen, ugu dambeyntii inta aysan gawaaridoodii fuulin ayey ninkeygii ku dhufteen xabado aad u badan, horteydii ayey ku dileen, waxeyna igu yiraahdeen “haduu in badan kaa qosolsiiyey manta ku dul ooy”. Anigii waxaan bilaabay in aan ku dul baroorto, waa cusub ayaa igu baryey oo maba jirin qof aan isaga aheyn oo aan aqaano, muddo afar sano oo aan laheyste u ahaa isagaan bartay oo uun kale isma arkin, marmar in aan naagtiisa oo run ah ahay ayaan u maleyn jirey, waxaase nasiib iyo nasiib daro is biirsaday ahaa in meydkiisa lay hor dhigay oo sidii uu aabahey iigu hor dilay isagiina la iigu hor dilay ……oohin…oohin. Mar waxaan ku farxay inuu Ilaah ninkii aabahey igu hordilay i tusay isagoo horteyda lagu dilaayo oo waxaan ku farxay inuu Ilaah faraj ii furayo, waayo dhibaato kasta oo igaartay isagaa ka masuul ahaa, marna waan murugooday oo meel aan u ciirsi doonto ma aqaano oo xitaa deris ii garaabayo ma jiro oo waxaa la ii arkaa naag iskiifo ah ********ta la nooleyd, guri dad leeyahay xoog ku deganeyd, mugdi hor leh ayaa i hareeyey, meel aan talo ka bilaabo ayaanan garaneyn maahee farxad iima taalo ninka aktiisa, noloshii fasahaadka ayaa soo afjarmeysay, hase yeeshee dilkiisa xitaa hadaan ku farxay wuxuu ii ahaa “meeshii cir laga filaayey ayey ceeryaamo iiga timid” oo meel aan talo ka bilaabo ma aqoonin. Markii kooxdii ninka dishay ee intii maleeshiyo aheyd ee guriga joogtayna dhameysay ay naga tageen waxaa gurigii yimaadeen kooxo kale oo gurmad u ahaa ninkaan la heystaha u ahaa iyo ********tiisa la laayey. Iyagiina waxey aruuriyeen meedadkii, waxey qaadeen dhaawicii isbitaal ayey geeyeen, gurigii waxaa uu noqday meel qof iyo qori ah oo ay isugu soo uruureen qoladii geesigoodii dilaaga ahaa laga dilay. In badan oo asxaabta ninka ahaa waa ogaayeen inuusan I qabin oo uu xoog igu heysto, waloow ay ku feker ahaayeen oo aysan weligood dhihin gabadhaan islaameed iska fasax ama meherso, markii uu dhintayna kuwa gurmadka soo sameeyey ayey ka mid ahaayeen, waxaan ka baqay in ay I soo damcaan oo ay dhibaato hor leh igu dhacdo dhimashadiisa ka dib. Mabeenkii waan fekeray, inta ay dadka ku mashquulsanaayeen tacsida ayaan waxaan is weydiiyey dhawr su’aalood. Waxaan is dhahay MASHEEGTAA OO MA DHAHDAA HEBEL IMA QABINE XOOG AYUU IGU HEYSTAY, hadana waxaan is dhahay dadkaan careysan hadaad warkaas la hor timaado qof dhimashadiisa ku faraxsan ayey kaa dhigayaan waana ku dilaayaan. Hadana waxaan is weydiiyey SIDEED NAFSADAADA UGA BADBAADISAA DHIBAATO KALE OO KU TIMAADA, ka dib waxaan go’aansaday in aan iska dhigo marwo la qabay oo dhaho Hebel waan is qabnay, waxaan is mehersanay markii uurkii cunugii ugu horeeyey aan qaaday, si aan u qiro in markii hore xoog laygu keenay ka dibna lay mehersaday oo aan marwo noqday, sidaasna assaay been ah ku qaado, TABTA keliya ee aan u dareemay in aan kaga badbaadi karo in aan ******** kale gacantiisa galo ayaa taas noqotay. Subixii dambe ee meydadkii la aasayey ayaa odey reerkii ninka ka mid ahaa I weydiiyey gurigaan yaa lahaa, waan u sheegay dad ka cararay ayaa lahaa ayaan dhahay, ka dibna waxaa lay dhahay hantida dhax taala ee alaabooyinka ka mid yihiina? Waxaan ku jawaabay isla reerkii guriga ka cararay ayaa lahaayeen. Intaas ka dib waxaa la go’aamiyey in gurigaas layga raro, biilna meel la ii saaro inta aan asaayga wado, sidii ayaan ku noqday marwo assaay reer u sida oo la yara tixgelinaayo. Biil ayaa meel la ii saaray, waxaana maalin walba u tagaa dhalinyaro meel jid ah fadhida oo baabuurta lacag ka aruurineysa, aniga waxaan u heystay wax caadi ah, laakiin maalin baa anoo lacagtii meesha ku sugaaya waxaa arkay odey adeerkey ah oo jidka maraaya, adeerkey waa uu naxay markii uu i arkay, waxaan dhahay adeer, ka dibna wuxuu i dhahay adeerkaa ma ihi, waan isu eknahay adeerkaa. Aniga waxaa isku dayayaa in aan la hadlo, oo waa maalintii iigu horeysay oo indhaheyga ay arkaan qof ehelkeyga ah tan iyo markii lay soo qafaashay, waxaana rabaa in aan adeer wareysto oo reerihii warkoodii ka helo isaga wuxuu isleeyahay naagtaan isbaarada taagan armey ku shirqooshaa, nimanka aan la taaganahay oo uu ogyahay wixii ay nagu dhigeen ayuuba igaaga xanaaqsan yahay. Adeerkey waa iga orday, laakiin kama aanan harin, ugu dambeyntii waxaan daba socday ilaa meel dheer oo aan aheyn jidkii ay dhalinyarada lacagta aruurineysa aan biilka kaga soo doonan jirey ayaan sidaan u baryaayey ……oohin ……uu ugu dambeyntii ii istaagay, waan isku duubay, waan ku ooyey, ka dibna waxaan u sheegay xaalkeyga iyo nolosha aan ku jiro, adeerkey waa shakiyey geesaha ayuu iska eegeegay, wuxuu arkay wiil la dhashay ninkii iga dhintay oo marka aan biilka soo doonanaayo I soo raaci jirey, ka dibna wuxuu igu dhahay ninkaas maxaa waaye, waxaan dhahay waa kuwa I heystaan, ka dibna wuxuu I dhahay bax beri inta iigu imaaw isagoo aan qof kula jirin, markaas ayaan kuu waramaa. Maalintii kale markii aan adeer arkay ayuu ii sheegay in aabe uu dhintay, hooyo ay xanuusatay, walaalkey dhaawicii muddo ka dib u dhintay, reerkiina loo raray Yaman. Anigana waxaan uga sheekeeyey xaalkeyga, ka dibna waxaan ku balanay in aan mar walba kulano, si aan uga sheekeysano wax badan, waxaana ku balanay inuu gurigiisa I soo tuso si aan marmar dhuumasho ugu tago oo xaalada reeraha ula socdo. Adeerkey maalin maalmaha ka mid ah wuxuu I weydiiyey sida aan ugu dhaxjiro noloshan baas ee shidada badan, wuxuuna I dhahay isbaaro biilkeeda sideed u qaadaneysaa, isbaaro waxa loola jeedo isagaa i fahamsiiyey ……oohin…… ka dibna wuxuu i dhahay sideed jeceshahy oo aan kuu sameeyaa? Adeer waxaan ka codsaday inuu ii diro meeshii ay hooyadeey joogto, waxaana isla garanay in aan si la igu fahmeyn u baxo oo aanan si bareer ah u bixin, sitaas aan u dhaqan geliyana waxaan ku heshiinay in reerkii caruurtooda aan haayey aan ka dhaadhiciyo in aan shaqeysanaayo oo qudaareey noqonaayo si aan u helo jaanis aan ku safri karo. Adeer hooyadeey ayuu taar ka wacay, wuxuu u sheegay inuu i helay, iyadiina farxad ayey gashay, sidii ayaana la isku afgartay in aan ku fakado si xeeladeysan. Qeybta afaraad. Arrintii iigu adkeyd go’aan ka gaaristeeda. Waxa iigu yaabka badnaa in aan go’aan ka gaaro waxey noqdeen caruurtii aan dhalay. Marka koowaad sharci kuma dhalin, oo waxaan ku dhalay si qasab ah oo aan meher sharci ahna loo soo marin. Marka labaad ninkii aabaheey horteya ku dilay, hantideenii dhacay, walaalkey dilay, hooyadeey faraxumeeyey ayaa iga dhalay oo meel ay gurigeena ka soo galaan maba jirto. Waxaan mar ku fekeray in gabadha oo ugu yareyd qaato, hadana waxaa soo xasuustay dhibaatadii loo geystay reerkeyga iyo in ilmahaba ay yihiin qeyb dhibaatadda la ii geystay ka mid ah oo reerkeenii ay ku ridi karaan cuqdo nafsi aan weligood ka hareyn, waxaan is dhahay adeer makala tashataa, hadana waxaan is dhahay *****adii ninkii xooga ku heystay oo ka dhalay ayey rajo kaleedahay amuu is dhahaa oo kugu xanaaqaa. Ugu dambeyn waxaan isku cadaadiyey in aan ……oohin……oohin…niyadda ka goosto oo aan isaga tago oo dib dambena u sheegan in aan aniga dhalay, mar xitaa waxaan isku dulmiyey in aan subaxa aan dhuuman doono habeenkeeda sun siiyo dhamaantood, hadana waxaan ka baqay inuu Ilaah aakhiro dhiigooda ii qabsado. Ugu dambeyntii waxaan go’aansaday in aan ilmaha ka tago markii aan go’aansado in aan baxo, ka dibna sidii ayaa waxaan ku bilaabay qudaar iibis, igamana aheyn in aan wax ka faa’iido ee waxey iga aheyd in aan jawiga ku fahmo si aan u bixi karo. Hadda waan soo fakaday, waxaan u socdaa Kenya, ka dibna Mombasa ayaan rabaa in aan doon ka raaco oo aan ku tagaayo Yaman, caruurtaasna hadii ay weynaadaan iyo hadii kaleba waxaan ku soo dhaafay gabar booyeeso ah oo aan dhahay qudaar ayaan doonaaye sii haay, hadeey dooneyso haka tagto ……oohin ……oohin…hadii kalana ha heysato aniga jirkeygii qeyb ka mid ah oo hadana aanan noloshoodii farxad ku qabin waaye, aduunkase in aan isku aragno ma jecli oo ilaah waxaan ka tuugayaa inuusan nolol igu tusin caruurtaas, ilaah hana kala qariyo ……oohin……oohin. Gabadhani waa gabar aad u qurux badan, laakiin ay ka muuqato in ay soo martay dhibaato badan, xasuus xanuun badanna gocaneysay, inta aan kala sheekeysanayey waxa ku dhacayna waa ay ooyneysay, aniga xitaa intaan is heyn waayey ayaan yara dabcay oo illin ka masaxay isheyda, hadana waxaan sheekadan u soo bandhigayaa in lagu waano qaato oo laga hortago taariikhda soo socota hadii ay shacabka soo wajahdo masiibo la mid ah tii dhacday 1991-kii ee reebtay waayahani xanuunka badan iyo walbahaarka nololedka ee gabadhan. DAYNIILE.COM
  3. macruuf, taas oo danta shaqsiyeed, ma la oran karoo kuligood waaye ? wax oo lilaahi ahbo adi maa arkey? sheeq shariif handadaada inuu joojiyo waaye oo sharciga raaco. wuu khaldan yahayno. gacan taaga inaan arko aan rabaa waa "lacagteyda wixii cunay inaan arko lee rabaa". runtaa fiican.
  4. Originally posted by NinaNC: MMA, haddii aad sidaas aaminsantahay why were you defending Sakiin on the thread? Xildhibaanada is qarqarinaya ilaahey mey ka baqaan intey is qarqarinaayaan. Danta shacabka why aysan priority uga lahayn agtooda? adi maxaa sheeq shariif u difaacdaa? wadanimo? lool@danta shacabko. shacab maa wax TFG u qabataa bal? Ilaaheey maba laga cabsanooyo. adeerkeey eey jiq ku tahay maanto maa iska sheeto abaay. lool MMA is saying give him a chance to be voted UP or DOWN. Let Malmalaado go through the process is all macruuf said. he doesn't care who become prime minister. meesha wax ma yaalaan uuba ku yiri awalbo. tan kelyto, macruuf oo sakiin difaacaayo halkee ku aragtaybo? mise qofkii sheeq shariif oo faanin oo amaanin waxuu difaacaa qof kale? been iska dhaadhacsii.
  5. sheeq shariif wadaad ma aho zack. bismilaahiyoow. shariif xasan wuu ka saxsan yahay sheeq shariif. khalad waaye handadadaa uu sheeq shariif wado. shariif xasan niman aa loo diray oo loo hanjabay. xamar waaye meesha aad joogto aa lagu dhahey ee is ilaahi. intuu qoslay uu dhahay, inaga dhanbo AMISOM aa na wada ilaaliso ee war kale me heesinoo? shabaab inaga dhan eey na raadinooyaan ee idinkana is jira. shariif xasan nin oo baqo maaho. meeshaaneeyto waa la is jafooyaa. cid u soo hari doonto ILAAHEEY aa og.
  6. dhib lee laga sheegooyaa mar walbo. dadka dhan weey ka dacwoonooyaan PIS, waa maxay sababta? hadeey xun yihiin dowlada meey ka qabato nimankaan shacabko?
  7. ^because i think if shariif's guy is rejected twice, shariif will no longer be president i think according to constitution ku sheega. also shariif feels if he doesn't fight he will be seen as looser. yaan lagaa adkaan waaye. lacag waalan uu bixiyey dhoor habeen ka hor. saxiibadiis aa qeebinaayo doolar waalan. meeshaan game oo culus eey ciyaarooyaan doofaarta xamar joogto. dan meey wadanka ka leeyiinbo.
  8. amazing pictures. thankyou for that.
  9. sheeq shariif wants the vote to be open because he wants to see who stole his money and didn't vote for his guy. Lacag aa la siiyey tuugada paarlamaanka, iyagana lacag eey ka qaateen shariif xasan, laakiin kuligood ma rabaan ninkaan. farmaajo dadka dhan weey arkeen wuxuu yahay iyo qabyaaladiis xun. shariif xasan dirac waaye. waxoow aaminsanyahaybo nacaskaan sheeq shariif inoow isaga meesha keentay oo ceerin karo.
  10. Originally posted by Ismalura: "However, Barre’s gloomy shadow lingered over American integrity. Here was an illegal dictator who neither tolerated political opposition nor so much as attempted to compromise in crafting solutions acceptable in all parties. Rather, he preferred to act as a thug, using force to eliminate any clan-family sympathizing with the opposition. His military forces committed unnecessary atrocities in central Somalia in particular, where they burnt villages, slaughtered thousands of innocent people, and raped women" [/QB] adinka ma fahmin aa u malaynaa qoraalka. si fiican u akhriya. he is describing the image America had of siyaad. the image that was lingering over their integrity. it is not his opinion of siyaad. thats how most people read that paragraph. professor Samatar and Dr. Pham also know that piece of information. farmaje said nothing bad about aabo siyaad. suurtogal waaye inuu isticmaaley the word "ruthless" on another paragraph but that is compliment in somali circles maahinoo?. been maa sheegaa? alamagan already said siyaad barre was "afar xiniinyood". loool. farmaajo sanitized and cleanup siyaad's massacres. he is blaming everyone else but siyaad. every problem is brought by some other event, not siyaad himself. war ninkaa dowladii kacaan ku sheeg cirkoow mariyeybo. been iyo buunbuunis. run ahaantii, what upset people is not what he said about his uncle. it is why he insulted somali clans and attacked dead heroes. Farmaajo nin nadiif ma u eko. shariif laakiin isaga qof puntland neceb lee raadinooyey waana helay. garbage waaye iyagoo dhan.
  11. somaliland maalmahaaneeyto sheeko xun aa ka socoto. bisinka. waxaan dadka leenooya maa la qabto.
  12. Niina, weli oohintii meey waddaa? wexee u egtahay Niino, maanta dhidid xun aa ka soo boodey? wadnaheey farta ku heeysay in Reer Puntland la doorto. Aboow aboow. what would she feel if a Puntlander was selected by sheeq shareef? the prime minister wasn't even a PM for few minutes when she started insulting puntland clans. loooool. soomaaliya waa taas hee. Calan buluug been been ah aa lala ordooyaa oo "viva somalia" lagu leeyahay. Ilaaheey aa noo maqan. good luck to the new pm. Niina wants us to insult him, laakiin we have no reason to attack the new prime minister. looool.
  13. ^^lool. sheeko kale hada gal iyo in wax maalaa yacni laga doodoo. loool. hadbo derbi madaxa ku garaac. looool. waa runtaa. Adeeradaa warlords maaho (nuur cadde was Yeey's yes boy until last minute) laakiin dadka kale oo dhan waa warlords. but what does this have to do with warlords. I said "Somali leaders" move outside when they are done their term. looool horta adi dhagax miyaa taheyno? loool.
  14. Originally posted by NinaNC: I can't speak for pychopaths like Aweys, AS did good deeds in pacifying the South from the Ethiopian invasion, that is the undeniable truth. Maanta mowqifkooda wuu is badalay, oo wuxuu noqdey iney ka amar qaataan Ossama. Aniga waxaan eegaayey objective-ka uu group walba leeyahay. Marka Aweys iyo Eyrow sheekadooda maanta ma taal halkan. Alshabaab mowqifkooda was always the same. they want power. Madaxweyne walaa Yeey, waa isugu mid. anyone who objects to their program will face a war. Ethiopia or Uganda is the same to them. same program, same path, same objective. their boys are not dying bilaash so that someone other than their chosen leader can rule peacefully. abadan. Ok, there goes another lesson. I will keep quoting your stuff.
  15. Originally posted by General Duke: Niina Adeer, he is in Yemen for medical reasons and the fact that he wanted to stay out of politics and give his successors a chance and the room to do their own thing. u sheeg most somali leaders (abdiqasim, gheedi, riyaale, cali mahdi, nuur cadde) all choose to live ouside of somalia because somalia meel lagu noolaan karo maaho maanta. it is a family choice 99% of time. siyaasad iyo taariikh wax lagamo yaqaan, waa la iska murmaa.
  16. Originally posted by NinaNC: We wouldn't have AS if it wasn't for Yey. That sxby is in the history books. looooooooooooooooooooooool. Oh my goooood. oh my God. i almost missed this. the most outlandish, out of this world comment i ever heard on somalia online. Bes, bes ... niina hala daayo. tacbaan waaye qoftaan. looool. Godane, Ceeroow, shangoole, mansuur, cali dheere, afghani, kuligood yeey aa keenay. aboow aboow. weligeey waxaan oo kale ma akhrin. abidkeey forumkaan dad badan aa soo arkay. weli tan oo kale aduunka waa ku nooleed isma laheen. lool. Cabdulaahi even sent mansuur, ceeroow and afghani to Aghanistan in the 90s for them to train. looooooooool.
  17. Niina, qawda lee kaa guraa. kaama haraayi. bac dheh .... ka leexo. loool. Originally posted by NinaNC: Siilanyo spoke against the Ethiopian invasion, a true leader oo aan qof bini aadam ah ka cabsanayn weeye, bless his soul. hadii ogaan laheed the hard times siilaanyo went through against siyaad Barre , the same siyaad you were singing high praises of yesterday (he cleaned up garbage you said), you would just drop everything you are doing and start crying. i know you are little emotion. lol. waan iska qoslay markii arkay aqoon-la'aantaado. lool. ka bax taas ... You still need to answer how Garaad Cali Ciid is a "dhuuso". What made you throw childish insult against a highly respected Somali traditional leader? he is not a politician oo beenloow eh. maxaa afkaa kuu geeyey? areey, kaa harin maa, ilaa yoomal qiyaame. lol
  18. Faroole showed tremendous respect to his older brother Mudane Cabdulahi Yusuf. well done Faroole.
  19. Originally posted by Kool_Kat: Dalabey history la'ogyahay (calanka meeshuu ka yimid, siduu ku yimid, qofkii sameeyay, iwm) buu rabaa inuu inaga indho tiro, whereas, Garaadka uu fikradiisa uun dhiibtay! Hade ilaah baan idinku dhaarshee 'been sheegid' iyo 'fikrad dhiibasho' ma laba wax isku dhowbaa ama la'is barbar dhigo? Ka gudub taa... Koolkat, tan oo SYL iyo "xiriyada loo dagaalamay" ku dar iyadano. He lied about that too. I am still waiting for Niino to answer how Garaad Cali Ciid uu ku noqday "dhuuso". AfricaAwr, stop crying over Riyaale. Work with Siilaanyo, he is your new master. Respect aan ku dhaheey intaa Riyaale sheekadiisa iska dhaato. Oohin ma loo baahno. ka kac.
  20. ^^ eber.com. adi niino iska dhaaf sheekadeeda, let us talk. adeer Riyaale sidii loo ceeriyeybo adi ash ma tihid aa la dhaheey maxaa ka jiro sheekadaa? weli Siilaanyo maa ceeynoosaa adi sidii in adeer riyaale soo noqonooyo? oohin lee ka bixi laadehey maalin walbo eeey dhaheen kuwo waalan. lool. istaqfuralah. aan runta kuu sheego. RIYAALE IS GOINE. He is now renting a cheap apartment in Sharjah. Not even Dubai. No way he is coming back. loool. leave siilaanyo alone. ok? good boy.
  21. Niino, you still didn't answer why Garaad Cali Ciid is a fart or "dhuuuso" as you said. Because he lobbied for the PM to be someone "educated and deserving" within the state of Puntland? taas lee maaa "dhuuuso" ka dhigtay odayga weeyn ee puntland oo dhan laga yaqaano? sharaf dhac maahinoo taas? suldaanada iyo garaadada ineey somali caayin soow ma ogid?
  22. Originally posted by NinaNC: Since we are laughing at Dalabey and the new generation, we might as well laugh at this old fart and one more time please. loool Let the finger pointing begin. Hoo bariiska miyaa sheekadaan. loooool What is your point of insulting a traditional leader from puntland? Why do you have to call a respected elder a "fart? you mean he is fart because he is "urging your uncle to appoint" someone he prefers? What is wrong with that? leeyilaaha ilaalah. didn't your uncles say the same thing when adeer cabdulahi was president? ma u jeedaa waxaan maanta dhan ka hadlooyo? inaa qabiil aad ugu dheereeso oo madaxa kaa galay hada ma is garatey? wax aan weligood wax xukumin aa sidooda u hadashey. miskiin. garaad ciid fartiisa ma gaaroysaan hadii idiinka dhan meel la idinku soo ururiyo (adiga, dalabeey iyo kuwa qabiilka ku adeegto). xusuuso lee, adeer sheeq shareef has few months left. miskiiin.
  23. Originally posted by Kool_Kat: ...Teeda kale aa isaga jiro kuwaas, marka mexeeysan oil-yada iyo baasinka iyo saliida iyo sonkorta iyo cusbadaba isku darin? koolkat stop the qarxis adi. lool. Nina is the new "dalabeey" generation. she was defending this guy on politic forum iyaan horeeto. i knew something woke her up. she listened to this odeey and she was "enlightedned" ma is tiraahdeen. the first qabiil conversation she saw is this one i think. qabyaalad aa dilootey dadkaan, markaaseey ciid iksu soo qarinooyaan oo leeyihiin "ummadda soomaaliyee". by the way, dalabeey was upset and sheeg shareef gave him few dollars that day when Ina Cabderashiid was threatening his position. i don't think he is that angry today. sheekadaan soomalidu waxeey tiraahdaa "awr kacsi" shareefna waa helay booskiisii. sheekadii weey dhamaatey oo Ina Cadirashiid waa tagey maahinoo. looool.
  24. Why was my thread deleted? Why was Naxar_Nugaaleed thread deleted also? What is going on here? Nina oo dadka ceeneeso aa meesha ka buuxdo. Nina, “waali iyo khafiif” hal reer lagu waasho forumka uguma horeeyn adi. Adiga lee soo degaayo. Mingiskaan waa la yaqaan, wuu iska dhamaadaa, markii lagaa neefin waayo dhoowr bilood madaxana lagaa garaaco dhoor jeer. Soon you will be ignored by everyone. lool@Garoowe hadii la duqeen lahaa kulahaa. Siyaad Barre oo dhinteyna meesha ma soo gelisay. Ceeb iyo nus. Ala Soomalino aa ba’daybo. Xoolo kasta waxaan ahay “nationalist” uu ku leeyahay, hal reerna waa caynooyaa maalin walbo. Dadka horta caqli maleh miyaa?. Reerka la ceenaayo maha miyaa Somali iyaga? Nina, this is adeer Cabdulahi Yusuf’s Story. Dhagooleyaashiina kale idinkana listen and pay attention. Looool. 1. adeer cabdulahi was elected by the TFG (the same looser oo adeerkaa Madoobe doortay ). 2. adeer cabdulaahi meelihiisa baadiye (jowhar, baydhabo, ) uu wareegaayey isagoo is leh waxbaa hagaagaayo. 3. then adeer Shareef and abti Xasan Daahir sent a suicide bomber to Baydhabo and killed his guards including his own brother. 4. adeer cabdulaahi forgave the men in moqdisho who sent the suicide bomber and moved on. when he was asked about the death of his own brother, his reply was: "walaalkeey kama duwana soomaalida maalin walbo dhimaneeso ee wuxuushta xamar joogta leenayso. ilaahay ha u wada naxariisto" 5. adeer Shareef iyo adeer Aweys got really ambitious and said, no no ... we need to attack yeey in Baidoa. 6. adeer yeey waited for their arrival. 7. Baidoa capture attempt failed and Cabdulahi Yeey and his friend meles zenawi (shareef's new best friend) pushed back and defeated indhocadde/shareef's boys in baadiye. they were chased all the way. 8. adeer cabdulaahi got ambitious and said I am going all the way and capture Mogadishu, with the advice of adeer Gheedi and maxamed dheere. 9. adeer cabdulaahi captures mogadishu without any sort of fight. Not a single soul died and Alshabaab melted away into the population as confusion mounted. No fight? What? Everybody thought Xamar would be a battle zone. 10. adeer cabdulahi thought this war is over and he started to get government going. 11. al-shabaab were laughing at him. 12. al-shabaab started their campaign. ku-dhufo-ka-dhaqaaq and Bakara Market missiles. 13. adeer cabdulahi fought back, but dhallinyarada (the same one you call now "enemy from within" ) kept fighting door to door, house to house. Alshabaab never gave up. 14. adeer cabdulaahi started having problems with International donors. Al-shabaab was not easy to defeat. adeer cabdulahi quit politics. he wanted result and things were not working his way. 16. adeer shareef got really ambitious 17. adeer shareef made a deal with the ethopians and US that he wants adeer cabdulahi's job 18. adeer shareef got elected by the same parliament that put yeey in power 19. adeer shareef came back to Mogadishu and said "I am the new President. Please respect me" 20. al-shabaab said ... "taas waa laga wada hadli doonaaye, bal marka hore ciidamada AMISOM hanaga baxeen". 21. sheeq shareef said "no I want them to stay, because they help the government". 22. Alshabaab said "no we want them out. we fought so hard to kick the ethiopians out, we want their friends out as well. to us, they are the same. We can worry about government stuff later.” 23. sheeq shareef said "habartiin uurkeed. You are the enemy of Somalia. ". 24. alshabab said "what? Adi ma waalan tahey? Gaaladaan hanaga baxeen maa cadow naga dhigtey hado? waa yahey. hakaa saarto maclinka". 25. sheeq shareef asked Ethiopia to help. ” nimankaa waa cadowga wadanada deriska” He begged senawi. Ogoow alshabaab saxiibadiis waaye uu la shaqeenaayey oo maalin walbo dowladda ceeynaayey bilo ka hor. 26. Ethiopia said this is not our battle anymore. deal with it madoobe. We are not going to send 1 single soldier to Mogadishu again. 27. shareef said, ok ... he fought back, but dhallinyarada (the same one you call now "enemy from within" ) kept fighting door to door, house to house. Alshabaab even expanded and spread to all over the country. People are killed everyday and Bakara is almost deserted know because of Alshabaab and AMISOM exchanges. worst disaster ever occured. 28. somalis turned against sheeq shariif. he is incompetent and killer they chanted 29. Nina got frustrated and started digging old topics about yeey just to distract what is happening. loool. 30. people turned against her on somaliaonline even those who never supported yeey. "isku xishood, leave the elderly they chanted". 31. Nina, feeling ashamed started lashing out even more hoping her uncle incometent sheeq shareef will be rehabilitated by her empty talk. END. End of Story.