General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Faalo: WAA FAKTAY WAA FIYOOWYAHOO… GEEDDI FIISHADIYOOW FADHAA. (Laba Shariif Hal Waa Shabaab Halna Sheydaamankoow Shirshaa) 10. June 2007 Muqdisho:-Tan iyo xiligii dhidibada loo taagay dowladda Federaalka KMG waxay ka fuqday oo soo dhoweeyay Soomaalida nabada jecel marka laga reebo kuwo yar oo diidan in dalku yeesho nidaam, sharci, kala danbeyn iyo xisaabtan, waayo kuwaasi waxaa u dan ah dilka, fowdada iyo nidaam la’aan. Marka xiligan sidow xaalka yahay la fiiriyo balaayo kama horeyn 15/9/2004 saqdii dhexe ee habeenimo oo ku beegneyd doorashadii guddoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan oo iminka ka mid ah koox yar oo isu dhiibtay xukuumadda Asmara ee Isaias Afewerki oo isagu caddeystay cadaawada uu u qabo dowlad ka dhalata Soomaaliya, waayo hadey Soomaalidu toosto oo Itoobiya degto wuxuu ka baqayaa in geeridii galbeed laga sheeko uu gundahiisa ka fisho ileyn abaal uma erganee. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, Ra’iisul Wasaare Geeddi iyo madaxda IGAD waxay dadaal u galeen oo hadba shir dib u heshiisiin oo xukuumadda dhexdeeda ah loo fariistaba waxaa loo taag waayay in Shariif Xasan iyo inyar oo ku fikir ah loo taag waayay Shariif Xasan iyo inyar oo ku fikir ah ay yeelaan tallada inta badan taasoo keentay in 17/1/2007 ay cod aqlabiyad dhan 183 xildhibaan u coddeeyeen in xilka laga xayuubiyo halka 9 ay diideen kaasoo kooramka ka dhigeysay 192 xildhibaan oo noqonaya nidaam sax ah. 31/1/2007 markii Sheekh Aadan Madoobe loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka xubnihii xukuumadda u kala baxeen in badan oo muwaadiniin dalkooda jooga ah iyo inyar oo mucaarad dibad joog ah, balse Ra’iisul Wasaare Geeddi xiligaas kadib wuxuu xil ka qaadis ku sameeyay xubnihii howshooda gudan waayay kuwaasoo boosaskoodii ay buuxiyeen mas’uuliyiin damiir wadaninimo leh (LABA SHARIIF HAL WAA SHABAAB HALNA SHEYDAAMANKOOW SHIRSHAA), bal u fiirso hadaladooda, “Dalka iyo dadka waa lagu soo duulay, xorna ma ahan marka inta dalka uu ka huroobayo dibadaha ayaan iska joogeynaa, aalamkana waan u sheegeynaa in nala haysto”. “Dalka iyo Diinta waxaa weerar qaawan ku soo qaaday caddowgii soo jireenka ahaa ee Itoobiya, qofkastana waa ku waajib iney difaacdo inta laga gaarayana dibada ayaan ku sugnaaneynaa” ayey kaga dhegtay labada Shariif. Markii si buuxda ay dowladda ula wareegtay gacan ku heynta dalka waxaa bilowday weeraro gaadmo ah, dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala beegsanayo goobo iyo mas’uuliyiin muhiim ah kuwaasoo madaxda dowladda Federaalka ay ku eedeeyaan iney ka danbeeyaan haraadigii Maxaakiimta iyo kooxo argagixiso ah oo xiriir la leh Al-Qaacida!. Aragtida Soomaalida ayaa kala noqotay kuwo dibad joogayaal ah oo la baxay magacyo kala duwan gaar ahaan dalalka Yurub sida Britain ay 20 qofood isugu soo baxaan dariiqada Londan lagu sheego in 600 qofood oo Soomaali ah ay bannaanbaxeen ayna aaminsan yihiin in dalka la heysto, kuwaasoo ka badin waayay abaabulida bannaabaxyo iyo borobogaando laga baahiyo qeybo ka tirsan warbaahinta oo kooxahaasi taageero isla markaana iska indha tirayo dadaalka iyo waxqabadka Madaxda dowladda gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir oo ku guuleystay iney soo celiyaan bilicdii magaalada oo xitaa ka wanaagsanaato xiligii Maxaakiimta sida nidaaminta Suuqa Bakaaraha, Kaaraan, Suuq Bacaad, Siinaay, Sanca iyo dhamaan goobaha sharci darada lagu deganaa 17-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo dadweynuhu isku xil qaameen iney iyagu wax qabsadaan Tusaale (qashinkii dhulka daadsanaay waa la daad gureeyee, daa’inkey ha daayee Dumarkaa ku dadaaleen) ayey ku heeseen haweenka Banaadiriga oo ku howlgalayey iskaa wax u qabso ka socotay degmada Xamar Weyne. Qeybta kale waa kuwo taageersan waxqabadka dowladda oo jecel in laga gudbo fowdada iyo fashilinta maamulkii la sameeyaba tusaale ahaan qorshihii u danbeeyay 3-dii bishan ayey aheyd markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ganjeelka gurigiisa ay ugu geliyeen kooxo naftooda huray taasoo ka dhigeysa markii afaraad ee weerar toos ah lagu qaado Ra’iisul Wasaare Geeddi.
  2. The anti-governemnt groups have created an alliance in Asmara. This alliance highlights the fact that this group was never a home grown affair but based on the wishes of Asmara to score points against its rival.
  3. War deg deg ah Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo hub fara badan oo hor leh gacanta ku soo dhigay howlgal ay saaka ka sameeyeen deegaaanka Suuqa xoolaha Waxaa weli halkiisii ka sii socda howlgalo isdaba joog ah oo maalmahanba ay ka wadeen deegaano ka tirsan magaalada Muqdisho ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo ay ku baarayeen goobo kala duwan oo ay ku tuhunsan yihiin in hub lagu qariyey, iyadoo howlgalkii ugu dambeeyey oo saaka ay ka fuliyeen deegaano ku yaala Suuqa xoolaha la sheegay in hub fara badan ay gacanta ku soo dhigeen. Sida warku sheegayo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka galay labo garaash oo ku yaala dhabarka dambe ee Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee SOS, halkaasoo la sheegay iney ka soo fageen hub fara badan oo dhulka lagu aasay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen labo qori oo ah nooca loo yaqaano Zuu-ga ah, tiro qori gacmeedyo ah iyo rasaas noocyo kala duwan leh oo aad u fara badan. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaalada Muqdisho Mudane Maxamed Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) iyo taliyaha ciidanka booliska G/Banaadir Mudane Col. Cali Saciid ayaa la sheegay iney goob joog ka ahaayeen markii Hubkaasi la soo bixinayey, waxayna saxaafada u sheegeen in hubkan lagu wareejin doono gacanta ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo xusay iney sii wadi doonaan howlgalada noocan oo kale ah ee ay ku bartilmaameed-sanayaan goobaha ay ku tuhmayaan in hub lagu qariyey. Shalay ayey aheyd markii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay howlgal ka sameeyeen deegaanada ku teedsan Towfiiq ilaa Ex-Koontrool Balcad oo ka tirsan wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay ka soo qabteen hub aad u fara badan oo ay ka soo heleen xarumo iyo garaashyo halkaasi ku yaala oo ay ka mid tahay xarunta shirkadda isgaarsiinta Telcom Somalia ay ku leedahay deegaanka Heliwaa sida uu sheegay ggudoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere oo saxaafada kula hadlayey xarunta gobolka ee degmada X/weyne. Howlgalada ciidamada dowladda ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku gacan siinaya ciidamada Itoobiya iyadoo mudo todobaad ka badan magaalada laga wado baaritaano guryaha iyo goobaha kale ee laga shaki qabo. Mtaan Gaaboow Muqdisho Abaaqaroow.com wiil waal
  4. No one is above the law, A/Qasin,Culusow,Daylaaf and their networks.
  5. Ok, this visit was a short one to meet with the admin, the Ugas and to start training programm for the local armed forces numbering nearly 2000. They gained a huge welcome, no rumour and it is even posted in Dayniile.com fans of Geedi I guess.
  6. I think there was a search but not like the way they describe it. No one house is safe saxib. And this dude is not Adan Cade may Allah give him peace..
  7. Muqdisho: Maxamed Dheere: “Waxaa cad in shirkadda Telcom Somalia aysan aheyn shirkad Ganacsi oo Hoggaamiye Kooxeedyo ay yihiin”. 10. June 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxaemd Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa ku eedeeyay shirkadda Isgaarsinta Telcom Somalia in aysan aheyn shirkad ganacsi balse ay tahay shirkad Hoggaamiye Kooxeed. “Waxaa cad in shirkadda Telcom Somalia aysan aheyn shirkad ganacsi oo Hoggaamiye kooxeedyo ay yihiin” ayuu yiri Maxamed Dheere Guddoomiyaha gobolka Banaadir isagoo intaa raaciyay in maamulkiisa uu si buuxda ula xisaabtami doono isla markaana go’aan cad ay ka qaadan doonaan guddiga iyo hey’addaha amaanka. Hadalkan ayaa yimid kadib markii shirkaddaha ganacsi ay horay u gudbiyeen liisas ay ku qoran yihiin cadadka hubka ay hayaan, iyadoo shirkadda Telcom ay gudbisay in labo qori oo lagu ilaalinayo xarunta shirkadda hase ahaatee baaritaan ay ciidamada Booliska ku sameeyeen garaash shirkadda Telcom ay laheyd laga soo bixiyay noocyada kala duwan ee hubka waaweyn taasoo ka careysiisay Maxamed Dheere. Lama oga tallaabada Maxamed Dheere iyo maamulkiisa ay ka qaadan doonaan sidii ay ka yeeli lahaayeen shirkadda isgaarsiinta Telcom Somalia. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  8. Golaha Badbaadinta Gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn: Tacsi Geeridii Madaxweynihii Hore Marxuun Aadan Cabdulle Cusmaan. Golaha Badbaadinta Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, isagoo aad uga tiiraanyeysan geeridii Madaxweynihii hore ee Ummadda Soomaaliyeed Marxuun Aadan Cabdulle Cusmaan, wuxuu tacsi u dirayaa dhamaan Ummadda Soomaaliyeed Golaha Badbaadinta Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, isagoo aad uga tiiraanyeysan geeridii Madaxweynihii hore ee Ummadda Soomaaliyeed Marxuun Aadan Cabdulle Cusmaan, wuxuu tacsi u dirayaa dhamaan Ummadda Soomaaliyeed meel ay Adduunka ka joogaanba caam ahaan, khaas ahaanna qoyskiisii iyo eheladiisii. Waxaannu qireynaa inuu ahaa hogaamiye sharafna loogu doortey Madaxweynimada Soomaaliya, sharafna kaga degey markii uu si dimuqraadi ahna doorashadii u waayey. Wuxuu Golaho Ummadda Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in abaal-marin looga dhiga in looga duceeyo Masaajidada iyo maalaha kale ee khayrka leh ee lago kulmo muddo 3 ilaa 7 maalmood ah. Waxaannu kale oo ku hambalyeyneynaa Dawladda Dhexe ee Federaalka ah go'aanka ay gaadhey in aas Qaran loo sameeyo iyo in Garoonkii Caalamiga ahaa ee Muqdisho magaciisa loo bixiyo. INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Guddoonka Golaha Badbaadinta Gobolada SSC. Kala xiriir guddidassc@yahoo.com CARMOOYIN.COM
  9. Muqdisho: Qabuuraha Talyaaniga oo laga soo faagay hub fara badan. 10. June 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Howlgal ballaaran oo mudo todobaad ah ka soconayey magaalada Muqdisho ayaa maanta howgalkii ugu danbeeyay ciidamada dowladda KMG ay ku soo faageen hub fara badan oo ku aasnaa Qabuuraha Talyaaniga oo maxkamadihii Islaamiga ay burburiyeen kana dhiseen Masjid ka sameysan jiingado, iyadoo qeyb ka mid ah qabuurahaasi tababar lagu siin jiray maliishiyooyinkii Islaamiga ahaa ee Maxkamaddaha. Howlgalkan maanta laga fuliyay xaafadda SOS ayaa waxaa ay ciidamadu galeen qabuuraha Talyaaniga iyadoo ay ka soo faageen hubka noocyadiisa kala duwan iyo miinooyinka qaraxa sameeya, waxaana howlgalkaasi maanta laga fuliyay Qabuuraha Talyaaniga goob joog ahaa Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Qeybdiid, Taliye ku xigeenka ciidamada nabadsugida Nuur Shirbow, Aggaasimaha nabadgelyada gobolka Banaadir Nuur Daqle, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Col. Cali Saciid iyo xubno kale. Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay in hubkan laga soo faagay masjid ku dhex yiilay qabuuraha Talyaaniga oo maxkamaduhu dhiseen iyadoo hubkana uu qeyb ka yahay hubkii Maxaakiimtii laga awood roonaaday, wuxuuna sheegay in howlgaladooda ay sii wadi doonaan inta nabadgelyada gobolka ay ka xasileyso. Howlgalada ciidamada dowladda ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku gacan siinaya ciidamada Itoobiya iyadoo mudo todobaad ka badan magaalada laga wado baaritaano guryaha iyo goobaha kale ee laga shaki qabo. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  10. Sh. Cali Dheere Oo Xil U Magacowday D.F.S Muqdisho(Calanka.com) 10-Jun-2007 Dowladda federalka Somaliya ayaa waxa ey shaaca ka qaaday in ey u magacowday agaasimaha wasaaradda Diinta iyo Garsoorka Sheekh Cali Sh. Maxamuud (Sh.Cali Dheere) oo ah sheekh si aad ah looga yaqaan dalka gaar ahaan K/Somaliya. Sheekhan oo ah ninkii ugu horeeyay oo aas-aasa maxkamad Islaami ah oo dhaqan galisa shareecada islaamka sanadii 1996 taasoo ka hirgashay W/Muqdisho kuna soo dabaashay shacabka ku dhaqan deegaanadaas nabad iyo daganaansho. Warar kale ayaa sheegaya in uu soo dhaweeyay jagada loo doortay Sh. Cali Dheere, mana jiraan ilaa iyo iminka hadal uu saxaafadda kasii daayay uuna ku ogolaanayo jagadan cusub ee loo dooray. Sh. Cali Dheere ayaa ah nin kasoo bixi kara booskan ey dowladdu ku magacowday, waxaana sida la sheegay uu kasoo qabtay jago ceynkan oo kale ah dowladii Carte ee mudane C/qaasim Salaad Xasan. Sheekha ayaa gabi ahaanba laga tuuray daaqadda marki ey talada la wareegeen Midowgii Maxkamadihii Islaamka ee ka curtay K/Somaliya sanadkii hore, waxaana ey si dadban ugu tilmaameen sheekh Cali Dheere in uu yahay nin aan waxba kusoo kordhineynin diinta iyo shareecada ey Midowgii Maxkamadaha wateen uuna aaminsanyahay Sh. Cali Dheere wax fikirkooda ka duwan. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  11. Muqdisho: Sheekh Cali Dheere oo loo magacaabay Aggaasimaha waaxda Diinta ee Wasaaradda Garsoorka. 10. June 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Sheekh Cali Sh. Maxamuud (Sh.Cali Dheere) oo ka mid ah culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Agaasimaha waaxda Diinta Wasaaradda Garsoorka ee dowladda Federaalka KMG Soomaaliya. Sheekh Cali Dheere oo lagu xasuusto hoggaankii maxkamaddii Islaamiga ee ka dhisneyd Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu noqonayaa aggaasimaha waaxda Diinta ee wasaaradda Garsoorka iyo caddaalada. SH. Cali Dheere ayaa soo dhoweeyay xilka cusub ee loo magacaabay isagoo balan qaaday inuu xilkiisa si caddaalad ah u gudan doonoisla markaana waxaa uu sheegay in uu si caddaalad ay ku dheehan tahay ugu shaqeyn doono garsoorka iyo caddaaladda. Xiligii dowladdii Carte lagu soo dhisay ee C/qaasim Salaad hoggaamin jiray ayaa waxaa uu Sheekh Cali Dheere wuxuu ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Gobolka Banaadir. Waxaa lagu xasuustaa Sheekh Cali Dheere nabadgelyadii uu ka dhaliyay Waqooyiga magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/Dhexe oo ka jirtay maxkamaddii Islaamiga ee uu hoggaamin jiray, wuxuuna Sheekh Cali Dheere uu fuliyay xukuno isugu jira dil, gacan iyo lug goysmo ah iyo xukuno kale taasoo horseeday in dadka Waqooyiga Muqdisho ay helaan nabadgelyo buuxdo. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  12. Prof. Geeddi iyo wafdigii uu horkacayey oo ka degay garoonka dayuuradaha Ugaas khaliif, si weyna loogu soo dhoweeyey gudaha B/weyne Ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa barqanimadii maanta ka degay garoonka dayuuradaha Ugaas Khaliif oo ku yaala duleedka magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan halkaasoo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen xubnaha maamulka gobolka, safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis ababa iyo xoogag ka kala socday ururada bulshada rayidka ah ee ku dhaqan magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan. Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Max’uud Guuleed Gacmadheere ayaa markiiba u dhaqaaqay dhinaca xerada tababarka ciidamada ee Ceelgaal, Halkaasoo uu tababar uga furay boqolaal askari oo ka mid noqon doona ciidamada dowladda Soomaaaliya. Khudbad uu munaasabadii furitaanka tababarkaasi ka jeediyey ra’isul wasaare Geeddi ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay booqashada u maanta ku tegay B/weyne oo uu tilmaamay iney tahay mid taariikhi ah, isagoo uga mahad celiyey dadweynaha reer B/weyne sidii diiraneyd ee ay u soo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa Wuxuuna ku dheeraaday Prof. Geeddi amaanta magaaalada B/weyne oo uu tusaale u soo qaatay madaxweynihii geeriyooday ee Aadan Cabdulle Cisman (Aadan Cadde) iyo xubno kale oo ka mid ahaa ururkii xornimadoonka ee SYL in dhamaantood ay ahaayeen kuwo ka soo jeeda gobolka Hiiraan, wuxuuna sidoo kale ka hadlay qorsheyaasha dowladiisa ee ku aadan nabad ku soo dabaalida dalka, dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska, isagoo ciidamada tababarka uu maanta u furnayna u rajeeyey iney si wanaagsan uga faa’iideystaan duruusta ay qaadan doonaan bacdamaa ay sugeyso howl Qaran sida uu yiri. Ra’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdigiisa ayaa u gudbay gudaha magaalada B/weyne, isagoo xarunta gobolka ee magaaladaasina kulamo kala duwan kula qaadanaya xubnaha maamulka gobolka, ururada bulshada iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha gobolkaasi dega, iyagoo ka wada hadlaya sidii dowladda federaalka iyo dadka deegaankaasi ay isaga kaashan lahaayeen horumarka gobolka iyo wax ka qabashada arimo ay ka mid yihiin nabadgelyada, lamana oga in ra’isul wasaaruhu uu fara gelin ku sameyn doono sidii loo xalin lahaa khilaaf iyo mad-madow dhowaanahanba ku kala dhex jiray xubnaha maamulka ee gobolkaasi, mana cada iney caawa ku negaan doonaan magaalada B/weyne iyo iney isla galabtaba dib ugu soo laaban doonaan magaalada Muqdisho. Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia dayniilecom@hotmail.com
  13. Wafdi Uu Hogaaminayo Geedi Oo Gaaray Mag. Baladweyne Muqdisho(Calanka.com) 10-Jun-2007 Ra`iisal wasaaraha Somaliya mudane Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafdiga ra`iisal wasaaraha oo ka mid ahaa wasiir ku xigeenka G/dhigga Somaliya mudane Salaad Cali Jeelle iyo wasiirka arimaha gudaha mudane Maxamud Maxamed (Gacmo Dheere) ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka Baladweyne safiirka Somaliya u fadhiya Itobia mudane C/Kariin Laqanyo iyo xubno kale. Socdaalka wafdiga ayaa la sheegay in uu ku saabsan yahay wadahadal ey lasoo yeelanayaan madaxda gobolka Hiiraan, waxaana uu mudane prof. Cali Geedi isla maanta tababar uga furay xero lagu uruuriyay ciidamo gaaraya ilaa 500 oo askari. Ra`iisal wasaaraha ayaa qudbad dheer u jeediyay ciidamadii tababarka uu u furayay ayaa u badneyd amaan uu u jeedinayay ciidamadaas oo ah kuwii dagaalka kusoo qaaday ururkii Maxakamadaha Islaamka isla markaana ka xoreeyay dalka, waxa uuna intaa ugu daray in tababarkan cusub ey ku heli doonaan qibrad dheeraad ah oo ku aadan dhinaca sugidda amaanka. Mar uu sidoo kale la hadlay mudane Geedi masuuliyiin ka tirsan gobolka ayaa waxa uu sheegay in dalka Somaliya uu leeyahay cadow badan oo soo adeegsada dad muuqaalka somali ka ah oo ku gabada diin marmarna qabiil, waxa uuna intaa ku daray Geedi in ey cidna uga heybadsaneynin la dagaalanka iyo cirib tirka kooxahan cadowgu soo adeegsado. Wafdiga mudane Geedi ayaa lagu wadaa in ey dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho kadib booqashadooda. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  14. BALADWEYNE: Wafdi uu hoggaaminayo Prof. Cali Maxamed Geeddi oo gaaray Magaalada Baladweyne laguna wado inay kulammo kula.... Posted to the Web Jun 10, 13:10 Baladweyne (PP) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay xubnaha dowladda ee halkaas ku sugan iyo dadweyne fara badan. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ka mid ah; Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmodheere) iyo xubno kale oo fara badan oo ka tirsan labada gole ee Dowladda. Socdaalka wafdigaan ayaan si dhab ah loo garanayn waxaase warar iskhilaafsan oo soo baxaya ay sheegayaan in socdaalkaan uu salka ku hayo isqabqabsi xooggan oo soo kala dhexgalay maamulka ka jira gobolka Hiiraan oo maalmihii ugu dambeeyay is dhaaf-dhaafsanayay erayo kul-kulul. Xiliga ay ku beegmeen wafdigaan Magaalada Baladweyne ayaa ah wafdi uu ku sugan yahay Magaaladaas C/kariim Faarax Laqanyo oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia, isla markaana ah Wakiilka Soomaaliya ee Ururka Midowga Afrika, waxaan lagu wadaa inay kulammo ku qaataan Baladweyne. Warar kale ayaa waxay sheegayaan in sababta dhabta ah ee ay xubnahaan uu hoggaaminayo Prof. Cali Maxamed Geeddi ay la xiriirto sidii ay ugu tacsiyeyn lahaayeen ehelladii uu ka dhintay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan oo gallinkii dambe ee Jimcaha ku geeriyooday Nairobi, isagoo 99-jir ah; maadaama ay ka mid yihiin guddiga Qabanqaabada Aaska Qaran ee Marxuumka. Lama garanayo illaa hadda sababta dhabta ah ee keentay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana wararku sheegayaan in lagu wado in isla maanta uu dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho, dabadeedna uu faahfaahin ka bixiyo safarkaas gaaban ee uu ku tagay Baladweyne. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  15. Predictable as ever. Adeer Goobanle, Cirfo, Daylaaf, and the rest are no saints and the reason these men are being touched is that they are linked to the violence, anyone who is should be dealt with. Their past actions are not important, the days when one could hide behind clan is over.
  16. Dhagayso Tariikh nololedkii Aadan Cabdulle 9 Jun 9, 2007 - 8:35:42 AM Allaha u naxaristee Madaxweynihii ugu horeeyay Somalia Aadan Cabdulle Cusman ayaa maalintii shaley ku geeryoodey wadanka Kenya. Marxuum Aadan Cabdulle ayaa ahaa Madaxweynhii ugu horeeyay Afrika oo xillka wareejiya kadib markii doorasho looga adkaadey. Halkan ayaan waxaan idinku soo gudbiney tariikhdii Marxuumka oo aan ka soo xiganey BBC-da laanteeda Af-Somaliga iyada oo khudbad uu jeediyay Alaha u naxariistee Aadan Cadde aad ka garan kartid heerka Somalinmo iyo qaran jaceyl uu ka joogey xilligaas. audio
  17. Garoonka Muqdisho Oo Loogu Magac Daray Aadan Cadde Written by Abdullahi Shiine Saturday, 09 June 2007 Ra`iisal wasaaraha Somaliya mudane prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shaaca ka qaaday maanta in garoonka caalamiga ee diyaaradaha magaalada Muqdisho loogu magac daray madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliya marxuun Aadan Cabdulle Cismaan oo shalaytoole ku geeriyooday magaalada Neirobi ee dalka Kenya. Dowladda federalka ayaa isku raacday kalana tashatay ehelada marxuun Aadan Cabdulle Cusmaan in ey u bixiyaan magaciisa iyagoo ku xurmeynaya madaxweynihii nabadda Somaliya, sida uu sheegay Geedi. Garoonka caalamiga Muqdisho ayaanan laheyn wax magac ah tan iyo sidii loo dhisay waxaana ey dadku iska oran jireen "Garoonka Muqdisho". Waxaa inta badan caalamka loogu magac daraa garoomada qaranka ee diyaaradaha dadka ama shaqsiyaadka dalkaasi u soo hoyay guul ama laga xushmeeyo, waxaana ey noqoneysaa talaabtan mida ugu horeysa ee loogu magac daro muwaadin Somaliyeed garoon caalami ah sida kan Muqdisho. Masuuliyiinta dowladda, ehelada marxuumka iyo dhamaan shacabka Somaliyeed ayaa soo dhaweynaya magac loo bixiyay garoonka ee lagu sharfayo madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliya marxiim Aadan Cabdulle Cismaan.
  18. Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo maalintii shanaad howlgallo ka wada Maga Written by Osman Dhayib Waxaa magaalada Muqdisho maalintii shanaad ka socda howlgallo ay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay ku baarayaan guryo ku yaala Degmooyinka Gobolka Banaadir. Howlgalka ay ciidamadan sameynayaan oo lagu sheegay mid lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, isla markaana lagu uruurinayo hubka iyo waxyaabaha qarxa ee Muqdisho yaala, waxayna saakay ciidamadan ka howlgaleen Xaafado hoos-taga Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Gobolka Banaadir. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho, isla markaana hubka lagu uruurinayo, iyadoo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegay in hubka ay Muqdisho ka uruuriyaan ay ku wareejinayaan Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan, inkastoo aan ilaa iyo haatan ciidamadaas lagu wareejin hub ay Ciidamada Booliska iyo kuwa Itoobiyaanka ay ka soo qabteen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir. Xaafadaha saakay baaritaanada laga sameeyay oo ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa dadka ku dhaqan loo diiday in ay guryahooda ka soo baxaan, isla markaana ay isu socdaalaan, inkastoo bandowgaas maalmeed uu saarnaa intii ay socotay howsha baarista ah, kadibna laga qaaday. Last Updated ( Saturday, 09 June 2007 )
  19. Bal eeg meeshan kore wuxuu ninkaan ku qoray. Marna wuxuu meesha ka dhigayaa meel dhimatay oo wuxuu leeyahay "sheekadi haddii ay rooti waayen ma doolshe cunnan miyaa" markaasuu ku xijeynayaa inuu isiga naftigiisa uu meesha "shopping like in any market" camal ka sameeyay. Bal qoraalkaas muxuu sheegayaa sidee baa see loo turjumaa? The argument from the defated groups and their ill advised supporters is usually contradictory, some agree that 16 years of civil war were bad, but then they say the governemnt is not needed. "Or we will fight till the death", but then they cry "why arrest us and shoot back at us"? Tolow dadkaan ma janaazey u qaban lahaayey hadii la dudumiyo oo la badalo Bakaraaha? Bakaraha is the HQ and symbol of resistance against Somali governance, since taxes is a thing these groups hate the most. All Im saying is this, one group have won, we should let them rule and disarm, it is better to have something than have nothing, and please don't twist words and mislead poeple, it's not my clan that have won but a group of men with the same idealogy, Dhere, qabydid and Ghedi don't share clan with the president, and I believe that clan of theirs are the centre of power in Mogadishu hence leading the clean up of the city... The PM, Interiror, Police Chief, Minister of Commerece, Planning, the governemnt of the capital is not enough, one can make an assumption that all they want is to keep the loot and those who looted it.
  20. Hub aruurin baaxadleh oo ka socota Muqdisho ) Last Updated::2007-06-09 21:47:25 Muqdisho:- Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa maalintii 4aad ka wada baaritaano qeybo kamid ah magaalada Muqdisho. Ciidamadan ayaa xaafadaha qaarkood guri guri u galaya ayagoo ku raad joogo wax alaale oo hub sida ay HorseedNet u xaqiijiyeen qaar kamid ah Shacabka degen Suuqa xoolaha oo maanta kamid ahaa goobihii baaritaanka laga sameeyey. Ciidamada Dowlada oo ay wehliyaan cutubyo ah ciidamo Itoobiyaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku guuleystay in ay soo qabtaan hub aad u badan oo qaarkood si qarsoodi ah loogu hayey xarumo ku yaal magaalada Muqdisho iyo guryo si gaar ah loo leeyahay. Baaritaankan ayaa bilowday kadib weerarkii bambaano ee lalal beegsaday Gurigii Ra'iisul Wasaaraha ayadoo goobaha sida aadka ah loo baaray ay kamid tahay suuqa weyn ee Bakaaraha, Hawlwadaag iyo Xaafada Towfiiq. Tan iyo intii ay hawlgaladan bilowdeen ayaa waxaa hoos u dhacay weeraradii ka dhici jiray magaalada Muqdisho oo had iyo gooraale lala beegsan jiray ciidamada DFKMG iyo xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiyaanka ah. Guddoomiyaha Guddiga Maamulka ee Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu, Md. Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere", ayaa sheegay inay hawlgalkii maanta ku soo qabteen 12-dagaalyahan oo xubno ka ah Kooxda Tababaran ee Al-shabaab ee Golihii Maxkamadaha Islaamka Somalia. Md. Maxamed Dheere oo Suxufiyiinta kula hadlay Xaruunta Gobalka Banaadir, waxa kaloo uu xusay in Hawlgalka ay Ciiddamadda Boliska iyo kuwa Ethiopianka ka fuliyeen Xaafadaha Suuqa Xoolaha, Gubta, Zoonaha Isbitaalka Carafaad iyo agagaarka Wershaddii hpre ee Sigaarka iyo Taraqa ku soo qabteen labo gaari oo Tekniko ah, hub iyo qalab kale oo Isgaarsiin ah oo la sheegay in loo adeegsan jiry Hoggaaminta Madaafiicda. Sidoo kale, Ciiddamadda Boliska iyo kuwa Ethiopianka, waxay hawlgal ka fuliyeen Geerash uu lahaa Guddoomiyihii hore ee Guddiga Shuuradda ee GMIS, Sheekh Xasan Daahir Aweys, halkaasi oo ay ka soo heleen Hal gaaari oo Tekniko ah oo uu saarnaa qoriga Lidka Diyaaradaha ee 37, 19-qoryaha K37 iyo Hal qori oo nooca BKM oo ay Sooamalidu u taqaano Daba-jeex Dhinaca kale, Ciiddamadda Boliska Somalia, waxay maanta hawlgal burburin ah ka fuliyeen Suuq-bacaad oo ah Suuqa Labaad ee ugu weyn Magaalladda Muqdishu, iyadoo la burburiyey dhamaan goobihii ganacsiga ee sharci-darradda ahaa. Hawlgalkan, ayaa ah kii ugu horreeyey ee laga fuliyo Suuqaasi, iyadoo isbuucyaddii la soo dhaafay hawlgal xooggan laga fuliyey Suuqa Bakaaraha, iyadoo la burburiyey goobihii ganacsiga ee Isku-raranka ahaa ee sida sharci-darradda ah loogu ganacsanayey 16-kii sannadood ee la soo dhaafay. Maxamed Cabdi HorseedNet.com