General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Muqdisho:Idaacada Hornafrik oo laga soo saaray Hub kala duwan. 6. juni 2007 Muqdisho(AllPuntand)-kadib amarkii ka soo baxay wasaarada warfaafinta ee dawlada Soomaaliya ayaa waxaa ciidamada dawlada Soomaaliya waxa ay gudaha ugaleen xarunta idaacada gaarka loo leeyahay ee Hornafrik waxa ayna ka soo qabteen hubab kala duwan. Hubkan laga soo qabtay gudaha Idaacada Hornafrik waxaa lasheegay in ay ka mid yihiin 37- oo ah lidka diyaaradaha,B10-oo ka mid ah qoryaha ay ku dagaalamaan kooxaha soomaalida. Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa waxa ay hubkaasi geeyeen saldhigyada ay ku leeyihiin duleedka caasumada Soomaaliya ee Muqdisho. Idaacada Hornafrik ayaa waxa ay ka mid tahay idaacadaha gaarka loo leeyahay ee ka hawlgali jiray magaalada Muqdisho,balse ay maanta albaabada ulaabtay dawlada Soomaaliya lamana hayo war kusaabsan hubkan laga soo dhexhelay idaacada cid ka hadashay oo ka tirsan idaacadaasi. Eedaymihii loo jeediyay idaacadaha Muqdisho ee ku qornaa warqadii lugu xiray waxaa ku jiray taageerida argagixiso,hurin colaadeed oo ay wadeen gudaha magaalada Muqdisho ayna sababtay in albaabada loo laabo. Wasiirka warfaafinta ee dawlada Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed qoraalkii uu maanta soo saaray ee albaabada loogu xirayey idaacadaha madaxbanaan waxaa ku sheegay in idaacadahan ay ku tunteen sharciga saxaafada madaxbanaan. Hubka ay ciidamada dawlada Soomaaliya ka dhexhaleen xarunta Hornafrik wuxuu ku soo aadayaa ayadoo eedaymo kulul ay dawladu usoo jeedisay idaacadaha kala ah Hornafrik ,Shabelle iyo IQK oo ka mid ahaa saxaafada Muqdisho. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  2. MUQDISHO: Gen. Cabdi Qaybdiid: “Howgalkii baarista ahaa ee saakay waxaa lagu soo qabtay hub fara badan” Posted to the Web Jun 06, 12:06 Muqdisho (PP) - Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybiid) oo dhawaan saxaafadda ugu warramayay Muqdisho ayaa sheegay in ciidammada booliiska ay soo qabqabteen hub fara badan oo uu ku Sheegay in laga soo saaray guryaha xaafaddaas. Gen. Cabdi qaybdiid oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in hubkaas ay ka soo saareen guryo ku yaalla xaafadihii Saakay la baaray oo uu sheegay inay ka mid yihiin Yaaqshiid iyo Wardhiigley. “Halkaan wadaa ku arkaysaa hub kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa culus iyo kuwa fudud, waxaana dhammaantood lagu soo qabtay howlgalkii saakay laga sameeyay xaafado dhowr ah” ayuu yiri Gen. Cabdi Qaybdiid Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Goobta lagu qabtay shirka jaraa’id ayaa waxaa la soo dhigay noocyo kala duwan oo hub ah, waxaana noocyadaas hub ay kala ahaayeen: 3-qori loo yaqaan BTain-ka, 2-qori oo Zuu ah, 2-Qori oo Zuu Badeed ah, 2-Qori oo Hoobiyeyaal nooca 60mm loo yaqaan ah, Qoriga Zekawaha loo yaqaan ah oo laba xabbo ah, Baasuukayaal, Qoriga Dabomiishaarka loo yaqaan iyo sidoo kale rasaas aad u fara badan. Howlgalkaan lagu soo qabtay hubkaan ayaa noqonaya kii labaad ee ay Muqdisho ka sameeyaan ciidammada booliiska oo kaashanaya ciidammo Ethiopian ah, waxaana shalay uu sheegya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inay hub fara badan oo kala duwan ay ku soo qabteen howlgalladaas. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  3. Idaacadaha Qaar Ee Muqdisho Oo Irdaha Loo Laabay Muqdisho(Calanka.com) 06-Jun-2007 Wareegto kasoo baxday dowladda federalka cadeeyayna taliyaha ciidamada bolsika Somaliya Gen. Cabdi Qeybdiid ayaa irdaha loogu laabay qaar ka mid ah cidaacadaha madaxa banaan ee ka howl gala magaalada Muqdisho. Wareegtadan ayaa lagu amray idaacadahan in ey si deg-deg ah u joojiyaan howlohooda, mana cada ilaa iyo iminka sababta irdaha loogu laabay. Idaacadahan ayaa la sheegay in ey ka mid yihiin Horn Afrik, Shabelle iyo IQK oo gidogood ey leeyihiin shaqsiyaad somali ah. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in hub iyo rasaas laga soo dhex helay xarumaha idaacadahan qaarkood laakiin ilaa iyo iminka ma cada wararkaas oo ah kuwa suuqa ku jira. Ma ahan markii ugu horeysay oo irdaha loo laabo sadexdan idaacadoo waxaana laba jeer oo hore ey dowladuu irdaha ugu laabtay sababo la xiriira marin habaabin iyo iska horkeenka shacabka iyo dowladda oo ey wadeen idaacadahan. Amarkan maanta la gaarsiiyay idaacadahan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli ey dowladdu soo saartay sharciyo quseeya saxaafadda xorta ah iyo kuwa dowladaba oo ey u sameysay sharciyo ey raacayaan warbaahinadan madaxa banaan. Ka Akhriso Halkan Sharciyada Dowladdu Usoo Saartay Saxaafadda Xorta Ah. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  4. We urgently need an Embassy in Somalia Tuesday, 5th June, 2007 article By Capt. Paddy Ankunda I had the honour to be invited to the opening of the Ethiopian Embassy in Mogadishu on May 26. The function, I must say, was rather colourful. It was attended by Somali President HE Abdullahi Yusuf, the Prime Minister, Hon Mohamed Gedi, several government ministers, the mayor of Mogadishu, His Worship Mohamad Dere and other VIPs. The Prime Minister started it all by calling upon other countries to emulate Ethiopia and open embassies in the Somali capital. As soon as he said that, the BBC correspondent, who was seated just next to me asked: “When are you guys opening your embassy?” I boldly told him that the Ugandan envoy had already been appointed and what was remaining is for him to relocate to Mogadishu and start shuttling. I hope time will not prove me to be a liar. The opening of the Ethiopian embassy reminded me of the experience Ugandans went through in Juba. Fortunately, that was when I was working as the Government of Uganda Spokesman to the Peace talks with the LRA there. Apparently, some countries like Kenya had moved fast and signed an Economic Cooperation agreement with the Government of South Sudan and their businessmen found no trouble at all in entrenching their commercial hegemony in Juba. While our businessmen were being arrested in Yei, Kenyans were busy finalising deals. Although Uganda contributed immensely to the entire liberation struggle, it was evident that the mechanisms to help our people reap where they sowed had not been put in place. Four months later, our Ministry of Foreign Affairs did the needful and Ugandans are now happily competing with all the others. Back to Mogadishu, I have seen a number of delegations come and go, of course wearing a humanitarian gear. I also see on a daily basis commercial aircrafts land and take off, offloading passengers and taking cargo. Mogadishu seaport is now one of the busiest ports north of Mombasa. Dubai is just a stone throw. One can see that Somalia clearly provides a new commercial opening for East Africa to the Asian continent. Besides, Somalis have not hidden their love for ‘Ugandes’ (the way they call us). It is therefore possible that we can tap into this goodwill and assist the Somalis to regain stability but also tap into this stability to further our relationship with the Somali people especially in areas of trade. Despite the 16 years of conflict, Somalia boasts of one of the most successful telecommunication networks on the continent. This is where MTN and UTL come into the picture. In Somalia, you can sell anything because everything is lacking. The TFG is slowly but steadily taking shape. Relative security has equally returned. I sincerely urge Ugandans to give it a try. To begin with, our investors in air transport can make some flights. This will more importantly enable us to connect back home. However, it will also provide an opportunity to thousands of Somalis living in Uganda to come back to their country after many years. AU troops (UPDF) have fully secured the airport. This includes the security of a 10km stretch for landing and take off. There should therefore be no reason to worry. Of course, I write all this in view of the hope that the Ugandan envoy will come soon and not turn me into a liar. The writer is the AU Spokesman for the UPDF contingent in Somal
  5. "The United States condemns the attempted assassination of Somali Transitional Federal Government (TFG) Prime Minister Gedi on June 3," the statement said. "We have spoken with Prime Minister Gedi assuring him of our support for the TFG. This attack highlights the efforts of extremists and terrorists to disrupt the Somali national reconciliation process. They will not succeed," it said.
  6. U.S. condemns assassination targeting Somali PM www.chinaview.cn 2007-06-05 19:58:34 NAIROBI, June 5 (Xinhua) -- The United States on Tuesday condemned the attempted assassination of Somali Prime Minister AliMohammed Gedi which left at least seven people dead and 10 injured on Sunday. In a statement from the U.S. Embassy in Nairobi, Washington said the attack on Gedi highlighted the efforts of extremists and terrorists out to disrupt the Somali national reconciliation process, warning that they won't succeed. "The United States condemns the attempted assassination of Somali Transitional Federal Government (TFG) Prime Minister Gedi on June 3," the statement said. "We have spoken with Prime Minister Gedi assuring him of our support for the TFG. This attack highlights the efforts of extremists and terrorists to disrupt the Somali national reconciliation process. They will not succeed," it said. Gedi, whose interim government is struggling to control the war-ravaged Horn of Africa nation, blamed al-Qaeda for Sunday's suicide car bombing on his Mogadishu residence, in which seven of his bodyguards were killed. The Ethiopian soldiers allied to the transitional government shot and killed a would-be suicide bomber targeting their headquarters on Monday. The would-be attacker was racing toward the command base in western Mogadishu and had already run two blockades when Ethiopian and government soldiers fired at his car. But despite the attacks, Washington vowed to continue supporting the transitional government in its efforts to stabilize the Horn of Africa nation which has been without a central rule for 16 years. "We will continue providing support to the TFG as it establishes a stable national government based on national reconciliation in Somalia. We intend to provide technical assistance for the Somali investigation," the statement said. "The Somali people want security and stability, and we are helping lead international efforts to bring this about," it said. "We will continue supporting the efforts of the TFG, and of all Somalis who renounce violence, to achieve national reconciliation, particularly through the upcoming National Reconciliation Congress." There have been near-daily attacks on government targets by local insurgents and Islamist militants since Ethiopian forces went into Somalia last year to back up the transitional government in Mogadishu. The latest attacks occurred as the global panel spearheading efforts to bring normalcy in Somalia, the International Contact Group (ICG) is set to meet in London to review the security situation in the Horn of Africa nation. The ICG which groups European Union, Italy, Norway, Sweden, Tanzania and the United States, is to meet on Tuesday and Wednesday in London to seek ways of deploying more African Union troops in the war-ravaged nation. The transitional government, which is due to pave the way for elections in 2009, was established in 2005 in the 14th attempt to bring central rule to the Horn of Africa nation since the 1991 fall of military strongman Mohamed Siad Barre ushered in anarchy.
  7. Ciidamada Dawladda iyo kuwa Ethiopian-ka oo ku jira hawlgallo culus Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopian-ka ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay hawlgallo ballaaran oo lagu sugayo ammaanka caasimadda. Ciidamada ayaa baaritaanno ka sameeyey xaafadda Heliwaa ee magaalada Muqdisho, Suuqa Xoolaha iyo Waxara Cadde iyadoo ay goobahaas ka soo qabqabteen dad la tuhunsan yahay. Hawlaha ammaanka lagu adkaynayo ayaa ka dambeeyey ka dib markii maalmihii la soo dhaafay xasiloonida caasimadda ay saameeyeen dilal iyo weeraro qarax oo ismiidaanin ah, loona adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, iyadoo lala beegsaday goobo ay ka mid ahaayeen hoyga Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia. Cabdi-Jamaal Macallin SBC Muqdisho
  8. DHEGEYSO:-Warbixintii mudaharaadkii maanta ka dhacay magaalada London London:- Mudaharaad balaaran ayaa ka dhacay magaalada London ee xarunta wadanka UK oo ay soo abaabuleen ururka Somali Peace Council oo lagu muujiyey taageerida Dowlada ku meel gaarka ah iyadoo ay mudahaaraadkani kasoo qeybgaleen dad tiro badan oo ay isugu jiraan Aqoon yahano, Dhalin yaro, Haweenka iyo caruurba. Boocame.com iyo Radio Laasqoray ayaa iska kaashatey warbixintan HALAKANNA KA DHEGEYSO WARBIXINTII. AUDIO (Dul qaado waa dheer yahay e)
  9. Banaanbax Nabadeed oo Saaka ka Dhacay Buuhoodle (Daawo sawiro) Banaanbax balaadhan oo ay qabanqaabiyeen ayna horkacayaan Ergooyinkii nabadeed ee ka akla yimid gobolada dalka ayaa waxa uu ka dhacay badhtamaha magaalada Buuhoodle, waxaana ka qayb galay dad kor u dhaafay 3000 oo ruux. (Daawo Sawiro) Banaanbaxan ayaa lagu taageerayey hawshan waanwaanta nabadeed ah ee ay ergooyinkani wadaan, waxaana lagu adkaynayey go,aamadii ay shalay isla gaadheen ergooyinka & ardaaga reer hagar, kaasoo ahaa in aan wax hub ah lagu dhex arki Karin magaalada. Banaanbaxa oo socod dheer lagu soo maray wadooyinka dhaadheer ee magaalada ayaa waxa lug kaga qayb qaatay guud ahaan isimada, cuqaasha, Culimaa’udiinka, mas’uuliyiinta Heer wasiir & heer baarlamaan, Ururda bulshada iyo dadweyne aad u badan. Banaanbaxani intuu socday ayaa waxaa dadweynaha laga dareemayey rabitaanka nabadda waxaana guud ahaanba aan saaka la arkin wax dad ah oo hub ku sita magalada taasoo ay ka mahadceliyeen Ergooyinku. Galabnimada maanta ayaa waxaa la filaya inay kulmaan ergada nabadaynta & Ciidamada Buuhoodle saraakiishooda, halka maalinta berritona ay ergooyinku la kulmayaan Ardaaga . Boocame Online News Warbaahinta Qarniga Cusub Buuhoodle@Boocame.com
  10. Mudaharaad lagu tageerayo Dawlada Federalka Somaliya oo kadhacay Magaalada London.(Daawo Sawirada) (WYNET)London:-Mudaharaad ay Soo agaasimeen “Ururka Somali Peace Council” oo ay kasoo qayb Kaleen Dadweyne Aad u fara badan oo isugu Jira Dhaliyaro, Odayaal, Haween iyo Caruur sida Calanka Somaliya,kuna dhawaaqayry hal ku dhigyo lagu taageerayo FKMG ah. Banaanbaxaas ayaa waxa kaoo qaybkalay Dadweyne aad ufara badan ayaa wuxuu daba joogay mudaharaad kale dhacay Asbuucii hore magaalada London kaas oo lagu taageerayo Dawlada Federalka Somalia. Banaan baxaa Ayaa waxa Khadka telofonka kaka soo qayb kalay Raiisul wasaraha Somaliya Cali Maxamed Geedi oo isagu hadda Muqdisho ku sugan. Cali Maxamed Geedi ayaa Shacabka somaliyeed Ee ku dhaqan Magaalada London Usoo jediyay Amaan isla markaana u mahadceliyay waxa uu ugu yeeray Halganka ay wadaan iyo sida wanaagsan oo ay utaageersanyihiin Dawlada federalka Somaliya. Waxaa kale oo Banaanbaxaas Joogay Fanaaniin Waa wayn oo halgaas ka qadayay Heeso ay kamid yihiin Soomaliyeey Toosoo Toosoo isku diirsada iyo Hantiyay Macaan waa midan hoy lagaa orane…. ugu danbayn Mudaharaadkaan ayaa waxaa kale oo lagu doonayey in fariin taageero xambaarsan lagu gaarsiiyo ururka Xiriirka Somaliya oo barri kulan ku yeelan doona magaalada London,isla markaana kaga hadli doona arrimaha Somaliya
  11. Xaqiiqda dhabta ah ee iminka ka jirta caasimadda dalka iyo waliba guud ahaan Somaliya ayaa runtii ah mid aad iyo aad uga fog sawirka ey ka bixiyaan saxaafadda somalida ee badankood laga hago dalka dibadiisa iyagoo shaqsiyaadka qora ama furtay warbaahinadan eysan Somaliya il saarin sanooyin badan iyagoo tusaya walaalohood qurbaha la jooga kuna dhibaateysan runtii sawir kale oo ku saleysan ama muujinaya neceyb, qabiil iyo diidmo oo ey ku sheegaan in shacabka reer muqdisho badankiis mucaarad ku yahay dowladda iyadoo xaqiiqdu ey tahay in boqolkiiba sagaashan ey shacabka reer Muqdisho taageersan yihiin dowladda iyo nidaamka ey wado. People want governance and peace. The Starbucks fans in the diaspoar are trying to keep the status quo going. What will the talk about when the clan struggle is over?
  12. Maxamed Dheere:- “Waxaan soo qabanay Shaqsiyaad iyo gaadiid la doonayey in la gu fuliyo falal is-qarxin ah” Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 05/06/07 Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu, Md. Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere”, waxa uu faahfaahin ka bixiyey Hawlgal ballaaran oo ay Ciiddamadda Ammaanka ee DFKMGS iyo kuwa Ethiopianka ka fuliyeen qeybo ka tirsan Magaalladda Muqdishu. Md. Maxamed Dheerem oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalladda Muqdishu, ayaa ku nuuxnuuxsaday inay Hawlgalkii maanta ku soo qabteen 14-qof oo ku labisnaa dharka Milliteriga DFKMGS, kuwaasi oo uu xusay in loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Magaalladda Muqdishu, waa sida uu hadalka u yiri. Guddooimiyaha, waxa kaloo uu sheegay inay Hawlgalka ku soo qabteen dhowr gaari oo uu sheegay inay diyaar u ahaayeen in lagu fuliyo falka is-qarxinta ee maalmahan ka dhaca gudaha Magaalladda Muqdishu iyo Milkiilihii lahaa gaari loo adeegsaday mid ka mid ah qaraxyaddii ka dhacay Magaalladda Muqdishu. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu, waxa uu qiray inay maanta hawlgal ka fuliyeen Masjidka Al-Hidaaya oo ku yaalla Degmadda Huri-waa, halkaasi oo uu sheegay inay ku soo qabteen Tobaneeyo qof oo ka mid ah Koox-diimeedka Tabliiqa, wuxuuna xusay inay hub fara badan ka soo heleen gudaha Masjidkaasi, waa sida uu hadalka u yiri. Hawlgalka ay Ciiddamadda Boliska ee DFKMGS iyo Milliteriga DFKMGS sida wadajirka ay maanta uga fuliyeen Magaalladda Muqdishu, waxa uu ku soo beegmay hal maalin kadib, markii uu Wasiir-ku-xigeenka Difaaca ee DFKMGS, Md. Salaad Cali Jeelle sheegay in Ciiddamadda DFKMGS laga wada saaray Magaalladda Muqdishu, si Ciiddanka boliska iyo Maamulka Gobalka Banaadir loogu gacan banneeyo Sugidda Ammaanka ee Magaalladda Muqdishu.
  13. Taageerada Dowladda Federalka Oo Sii Kordheysa Muqdisho(Calanka.com) 05-Jun-2007 Tan iyo markii ey dowladda federalku la gashay dagaalka Midowgii Maxkamadaha ee ka talin jiray konfurta Somaliya ayaa waxaa soo ifbaxayay taageero waxtar leh oo ey ka heleyso dowladda federalka gudaha dalka Somaliya iyo dibaddaba. Taageerooyinkan oo isugu jira mid dhaqaale iyo midka shacabka reer Muqdishaba ayaa waxaa hadeer oo ey dowladdu ku xidideysatay caasimadda Somaliya ee Muqdisho si weyn looga dareemayaa guud ahaan dalka Somaliya gaar ahaana caasimadda Muqdisho. Dowladda Federalka ayaa iminka ah mid aad ugu xooggan caasimadda dalka ee Muqdisho maamulkeeduna ku baahsan yahay, waxaana ey dowladdu maalinba maalinka ka danbeysa ku howlantahay sidii ey dib ugu soo celin leheyd shacabka adeegyadii dowliga ee ey u baahan yihiin . Shacabka reer Muqdisho badankiis ayaa ah mid doonayo nidaam iyo dowladnimo, waxaana taas daliil kuugu ah sida ey gacan uga geysanayaan nadaafadda iyo soo celinta bilicda caasimadooda, waxaana shacabka reer Muqdisho boqolkiiba sagaashan ey taageersan yihiin dowladda iyo howlaha soo celinta qaranka oo ey ka wado dalka. Hadaba waxaa dhacdo oo aan warbaahinada sida gaarka ah loo leeyahay ku maqalno ama ku aragno in aan waxba laga soo qaadin shacabka boqolkiiba sagaashanka ah ee ku sugan dalka Somaliya ee u ooman dowladnimada iyo qaranimadii luntay mudadii 16-ka sano, waxeyna warbaahinadan badankood u adeegayaan ama buunbuuniyaan kooxaha diidan in nidaam iyo kala danbeyn kusoo laabato dalka taasoo loo fasiran karo in ey ilaashanayaan oo kaliya danahooda gaarka ah eynan wax dan ah ugu jiran wax la yiraahdo qaranimo. Xaqiiqda dhabta ah ee iminka ka jirta caasimadda dalka iyo waliba guud ahaan Somaliya ayaa runtii ah mid aad iyo aad uga fog sawirka ey ka bixiyaan saxaafadda somalida ee badankood laga hago dalka dibadiisa iyagoo shaqsiyaadka qora ama furtay warbaahinadan eysan Somaliya il saarin sanooyin badan iyagoo tusaya walaalohood qurbaha la jooga kuna dhibaateysan runtii sawir kale oo ku saleysan ama muujinaya neceyb, qabiil iyo diidmo oo ey ku sheegaan in shacabka reer muqdisho badankiis mucaarad ku yahay dowladda iyadoo xaqiiqdu ey tahay in boqolkiiba sagaashan ey shacabka reer Muqdisho taageersan yihiin dowladda iyo nidaamka ey wado. Marka la eego iyadana taageerada beesha caalamka ey u fidiyaan dowladda federalka ayaa ah mid aad loo taaban karo, waxaana ey ka wada siman yihiin in lasii xoojiyo taageerada ey iminka u hayaan dowladda federalaka iyo in qalalaasaha laga saaro dalka Somaliya oo 16-sano dowlad la`aan ahaa. Ugu danbeyntii waxaa la iclaamiyay shirweyne qaran, kaasoo dhacaya 14-juun ee sanadan eynu ku jirno, waxaana dadka badankiis ey u arkaan shirkan mid mira dhala kana saaraya qabaa`ilada iyo beelaha Somaliyeed cuqdada ey isu hayaan. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  14. Tahliil, is pretedning to be something he is not. Thats a given since the clan courts also pretended to be what they were not. Burcad Laga Soo Qabtay Degmada Huruwaa Muqdisho(Calanka.com) 05-Jun-2007 Madaxa maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxammed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo shir jaraa`id ku qabtay Ex-KONTROL Balcad ayaa ka war bixiyay howlgal balaaran oo ey maanta si wadajir ah u fuliyeen ciidamada boliska g/Banaadir iyo ciidamada Itobia. Howlgalkan oo ahaa kii ugu baaxada weynaa ayaa waxaa uu ka dhacay xoogiisa degmada Huruwaa halkaasoo laga soo qabtay kooxo isugu jira burcar xiran dareska cidamada geystana dhac iyo dilal iyo sidoo kale kooxo argagixiso ah oo qorsheynayay in ey fuliyaan falal amni darro oo ey ka mid yihiin gawaari ey bomb kusoo xiraan. Mudane Maxamed Dheere ayaa sheegay in mar ey baaritaan ku sameeyeen meel masaajid ah oo loogu soo sheegay in ey ku jiraan kooxo argagixiso ah ayaa waxa ey ka dhex heleen gudaha masaajidka ilaa dhow qori oo noocyo kala duwan iyo rag markaasi qorsheynayay falal argagixisnimo. Waxaa uu sidoo kale sheegay masuulkan in ey sidoo kale soo qabteen ilaa sadex gaari oo loo adeegsan lahaa falal argaxisnimo iyo ku dhawaad 1000 caruur ah oo sida uu sheegay loo tababarayay sidii ey isku qarxin lahaayeen. Maxamed dheere ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah ilaaladiisa ey geysteen falal boob ah oo uu ku sheegay in ey eheyd lacag gaareysa 700.000 shilin somali, lacagtaasoo uu sheegay in ey dowladu gudi doonta xabsigana loo taxaabay ilaaladaas geysatay falkan.
  15. Meles ayaa xarunta Villa Somaliya kula qaatay kulan albaabada u xiran yahay masuuliyiinta sare ee dowladda Somaliya, mana cada ilaa iyo iminka wax ey uga wada hadleen kulankan masuuliyiintan. Waa markii ugu horeysay ee uu soo caga dhigo carada Somaliya ra`iisal wasaaraha Itobia tan iyo markii uu ku joogay Somaliya magangalyo siyaasadeed ee dowladii marxuum Maxamed Siyaad Barre xiligaas uu Meles ahaa ahaa mucaarad kasoo horjeeda xukuumadii Mingistu ee Itobia
  16. Meles Zanawi Oo Muqdisho Yimid Muqdisho(Calanka.com) 05-Jun-2007 Ra`iisal wasaaraha dalka Itobia Meles Zanaawi ayaa waxa uu ku yimid dalka Somaliya booqasho aan horay loo shaacin iyadoo wafdigii uu hogaaminayay oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Somaliya mudane C/laahi Yuusuf ey kasoo dageen garoonka diyaaradaha caalamiga ee Muqdisho. Wafdiga Meles Zanaawi oo amaankoodu aad loo sugayay ayaa waxa laga galbiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaana la geeyay madaxtooyada ee Villa Somaliya. Meles ayaa xarunta Villa Somaliya kula qaatay kulan albaabada u xiran yahay masuuliyiinta sare ee dowladda Somaliya, mana cada ilaa iyo iminka wax ey uga wada hadleen kulankan masuuliyiintan. Waa markii ugu horeysay ee uu soo caga dhigo carada Somaliya ra`iisal wasaaraha Itobia tan iyo markii uu ku joogay Somaliya magangalyo siyaasadeed ee dowladii marxuum Maxamed Siyaad Barre xiligaas uu Meles ahaa ahaa mucaarad kasoo horjeeda xukuumadii Mingistu ee Itobia. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  17. One will take those suggestion into account, though most are nothing more than rantings. The TFG will change but will not wither away.
  18. ^^^Juje, I have no time to debate with you on such issue, my former posts should be enough for you. As for Geedi you are right we should not comoare him to those men, since their assailents were successful and he is still standing. However he is a leader of a country just like those one were.
  19. ^^^Adeer spare me the jest we have heard this song of your before. The game is up, those who want to keep Somalia s it was for 16 years have failed. Also my aunts, uncles, and grandparents live in Mogadishu today and insha Allah will continue to do so. The only occupation taking place is in your minds since the golden age of 1991-2006 is over.