General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Hub culus oo laga soo saaray dhismihii idaacada Hornafrik iyo goobo kale oo ka mida magaalada Muqdishu Posted to the MOL June 6, 2007, 6:46 pm Ka dib markii maanta dawlada KMG ah ahi xirtay idaacadaha Horfafrika, Shabele iyo Iqra ayaa ka dib xiritaankii idaacadaadahaas waxaa la baaray dhismayaashoodii, baaritaankaas oo ay sameeyeen ciidamada Itoobiya iyo booliiska Muqdishu oo iskaashanaya ayaa waxaa laga helay dhismihii idaacada Hornafrika hub culus oo aad u tiro badan. Hubkaas oo lahaa noocyo kala duwan ayaa waxaa ka mida qoryaha lidka diyaaradaha, baasuukayaal, rasaas fara badan iyo qoryaha culus ee gacanta. Hubkii laga soosaaray dhismaha idaacada Hornafrik ayaa wuxuu buuxiyay gaari xamuul ah taas oo ka yaabisay dadkii deganaa xaafada oo isugu soo baxay barxada idaacada markii hubkaas la rarayay. Masuuliyiintii idaacada Hornafrik ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan hubkaan laga helay gudaha idaacadooda. Qoraal maanta ka soo baxay Wasiirka warfaafinta ee dawlada Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa albaabada loogu laabay 3-da idaacadood ee aan soo sheegnay ka dib markii dawlada KMG ah ku eedaysay taageerida argagixiso iyo hurin colaadeed oo horey degniin looga siiyay. Dhinaca kale waxaa manta sidoo kale Magaalada Muqdishu hawl galo ay sameeyeen ciidamada Booliiska Somaliyeed ku soo qabteen hub iyo rasaas aad u fara badan. Warsaxaafadeed ay wadajir u wada qabteen duqa magaalada Muqdishu Maxamed DHeere iyo taliyaha Booliiska Somaliyeed Cabdi Qaybdiid ayaa lagu soo bandhigay hubkaas. Waxaa magaalada Muqdishu ka socda howlgalo culus oo lagu baarayo guryaha xaafaha ay ka dhamaan waayeen shaqaaqada iyo isqarxinta. Waxaana hadda muuqata in dawlada kmg ah iyo maamulka magaalada Muqdishu oo kaashanaya ciidamada Itoobiyana inay si tartiib ah ugu guulaysanayaan inay soo celiyaan nabadgalyadii caasumada oo waayadaan faraha ka sii baxaysay. Mudugonline.com
  2. ^^^Oh the wisdom of these groups. Anyhow any new predictions, or is the game up?
  3. Abwan, I dont get it mate from copy and paste to Bush? Also how they get upset at their groups gettoing touched yet never think about the actions these groups cause. Its always after the fact for them.
  4. ^^^Ok so they throw you a small scrap and you get excited, these remarks are encouraging. We will continue providing support to the TFG as it establishes a stable national government based on national reconciliation in Somalia. We intend to provide technical assistance for the Somali investigation," the statement said. "The Somali people want security and stability, and we are helping lead international efforts to bring this about," it said. "We will continue supporting the efforts of the TFG, and of all Somalis who renounce violence, eve national reconciliation, particularly through the upcoming National Reconciliation Congress." Those being chased have yet to renounce violence.
  5. ^^I told you that the criminal actions, terror tactics would be countered with tough measures. Have you noticed there has not been a single incident since the police and troops took to the streets and started hunting these groups. So tell your friends to be careful calling for assasinations, killings and suicide bombings will not be un answered attacks on top leaders, civil servants will not go un answered. The law is back in town.
  6. Maalintii Labaad oo ay Ciidamada Booliiska iyo kuwa Itoobiya ay hawl gallo ka wadaan Caasimada Soomaaliya. Last Updated::2007-06-06 13:35:51 Mogadischo:-Ciidamada Booliiska Dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee ku sugan Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ay fulinayaan hawl gallo Balaaran. Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa ah labada Ciidan meelaha ay hawl gallada ka fulinayaan, waxaana ay saaka ay xireen wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada Dawlada iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa waxaa ay guud ahaan sameynayaan Baaritaano xoogan oo ay ku baarayaan gawaarida mareyseysa, Shaaricdyada ay sida aadka ah u maraan Gaawarida iyo dadweynaha. Meelaha ay xanibaada saareen Ciidamada oo ay ka mid tahay wadada dhinaca Florenca ayaa waxaa ay ku amreen dadweynaha in aysan u soo jirsan ilaa iyo 1KM. Hawl galadaan ay wadaan Ciidamada Dawlada iyo kuwa Itoobiya ayaa waxa ay socdaan maalintii labaad, waxaana sida muuqata ay baajiyeen weeraro Maqcquul ahaan lahaa in ay dhacaan maalintii shaley, iyada oo aysan dhicin wax weeraro ah shaley. Hawl galadaan ay wadaan Ciidamada ayaa waxaa ay u muuqdaan kuwo ay doonayaan Ciidamada in ay Gacanta ku dhigaan dadka doonaya in ay ka fuliyeen hal gallada ismiidaaminta iyo qaraxyada ah ee laga fuliyey Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Mohamed Ali (Dalmar) Horseednet News Desk.
  7. QORYOOLEY: Gaari ay ku raran yihiin waxyaabaha qarxa oo ciidammo Booliis ah ay ku qabteen Degmada Qoryooley, iyadoo lagu hayo... Posted to the Web Jun 06, 15:03 Qoryooley (PP) – Gaari nooca Toyota loo yaqaan ah oo la sheegay inay ku rarnaayeen waxyaabaha qarxa ayay booliiska Degmada Qoryooley ku qabteen maanta Degmadaas oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose. Talyiaha Booliiska Degmada Qoryooley Jabriil ayaa u sheegay saxaafadda in gaarigaas la qabtay ee ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa la doonayay in howgallo lagu qasayo ammaanka gobolka looga fuliyo qaybo gobolka ka tirsan. “Waxaan qabannay oo aan gacanta ku haynaa gaariga iyo ruuxii watay oo hadda ku sugan saldhigga degmada Qoryooley, waxaan sidoo kale wadnaa baaritaanno ay ku sameynayo si aan u xaqiijinno halka uu ka yimid iyo ujeeddada uu lahaa” ayuu yiri Jabriil oo ah taliyaha ciidanka Booliiska Degmada Qoryooley. Degmada Qoryooley oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay maamulka Cusub ee Gobolka dhawaan uu u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi; iyagoo kulammo kula lahaa halkaas madaxda cuqaasha degmadaas. Mudane C/qaadir Xaaji Maxamed Nuur oo ah guddoomiyaha loo magacaabay Gobolka Shabeellada Hoose ayaa dhawaan wuxuu ka sheegay Degmada Qoryooley in maamulkiisa uu wax weyn ka qabanayo howlaha nabadgalyo xumo ee ka jira Gobolka Shabeellada Hoose. Arrintaan ayaa waxaa walaac weyn ka muujiyay dadka ku dhaqan Gobolka Shabeellada Hoose, waxayna sheegeen shacabka Degmada Qoryooley in falkaan haddii uu dhici lahaa uu sababi lahaa qasaare aad u fara badan oo dhaliya dhimasho, dhaawacyo iyo sidoo kale burbur hantiyeed. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  8. ^^^lol. the motive arguments continues. The peopel of Somalia sre in support of their governemnt and your days of delusions are over. Prepare to come to Mogadishu at the court of Yusuf yey and Somaliweyn.
  9. Xiin On the contrary those who know me understand that I am a reasonable person, logic and sound argument are those I admire in politics. I must admit I find it quite annoying when those who present themselves as reasonable are unable to reason with others. I presented fact after fact that this process took more than four years, from an all inclusive two year long reconciliation conference. The lifting of the arms embargo, the parliament vote to allow any country in an emergency including Ethiopia. To the involvement of Eritrea, Ormo groups as well as terror networks in the propping up of the anti government groups. To their defeat politically and militarily. You on the other hand were quite a disappointment, your arguments hollow and without much verve. They seem to be no more than what one hears from elderly female relations of mine whose sole reference seems to be what they heard from other old neighbor of theirs. Baseless arguments masked with long waffle, though you are the finest of the lott here without exception. Again, the process was long, legal and necessary to cripple the Asmara group and dash dirty mud on the hopes of the secessionists and the looters Inc groups. Today the anti government groups are being hunted, their terror networks being dismantled, their media outlets suffocated. Today you have locals in every region enjoying self rule for the first time, I present the case of Lower Shabbele as a success story, what do you people present Xasan Dahir and Ahmed Diriye’s clan concerns?
  10. http://www.somaliweyn.com/pages/news/June_07/6June11.html
  11. Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia, oo sheegay inay hawlgalkii maanta ku soo qabteen hub isugu jiray Gantaallo, Hub Culus iyo mid fudud Muqdisho Arbaco 06/06/07 (SMC) Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia, Jeneral Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”, ayaa ka shanqariyey in horumar laga gaaray Hawlgalkii ay Ciiddamadda Ethiopianka iyo kuwa DFKMGS maanta ka fuliyeen qeybo ka tirsan Magaalladda Muqdishu. Jeneral Qeybdiid, ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu, Md. Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” ku qabteen Hotelka Bin Cali oo ku yaalla Xaafadda Towfiiq ee Degmadda Yaaqshiid, wuxuuna tilmaamay inay Ciiddamaddu hawlgal ka fuliyeen Xaafaddo ka tirsan Degmadda Yaaqshiid, gaar ahaan Zoonaha Towfiiq, Telefishinka ilaa iyo Isbitaalka Carafaad. Shirkaasi Jaraa’id, waxaa lagu soo bandhigay dhammaan hubkii cuslaa iyo kuwii fududaa ee ay Ciiddamadda Ethiopianka iyo kuwa DFKMGS ku soo qabteen Hawlgalkaasi oo ahaa kii ugu ballaarnaa ee maalmahan laga fuliyo Magaalladda Muqdishu, waxaana hubkii la soo qabtay kala ahaayeen:- Hal qori nooca Lidka Diyaaradaha ee 37 iyo rasaastiisa. Saddex qoriga B-10. Labo Xabbo oo Gantaal-ridaha Hoobiyaha, nooca 60-mm Hal qoriga Zuu badeedka Z-20, khasnadiisa iyo rasaastiisa. Saddex qoryaha boobaha culus ee BKM, oo ay Soomaalidu u taqaano daba-miishaarka. Labo qoryaha Zaka’uuga ee ay Soomaalidu u taqaano Daba-dhiibtada. Labo Gantaal-ridaha RBG, oo ay Soomaalidu u taqaano Seven-ka iyo 20-xabbo oo rasaastiisa ah. Dhinaca kale, Bandhig-hubeedka ay Maamulka Gobalka Banaadir iyo Taliska Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, ayaa ku soo beegmay Xilli ay maalmo kooban ka harsan yihiin Furitaanka Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia ee ay Dowladda Federalka gogosheeda dhigtay.
  12. lol. Why make accusation? Oh I forgot thats whast the defeated groups are good at. Orderlyn pro Somali demo.
  13. Howlgal Lagusoo Qabqabtay Maanta Hub Faro Badan Muqdisho(Calanka.com) 06-Jun-2007 Taliyaha ciidamada boliska Somaliyed mudane Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraa`id ku qabtay Muqdisho ayaa kaga warbixiyay howlgalka ey maanta ka sameeyeen ciidamada boliska xaafadaha qaar ee Muqdisho. Gen. Qeybdiid ayaa ku tilmaamay howlgalkii maanta ey kusoo qabqabteen hub iyo rasaas tiro badan oo dadka guryaha ugu duugnaa, wuxuuna intaa raaciyay in hubkan uu isugu jiro kuwa cul-culus iyo kuwa fududba. Degmooyinka ey saakay baaritaanada ugu dhaqaaqeen ciidamada boliska ayaa waxaa ka mid ahaa degmada Yaaqshiid iyo wardhiigley, baaritaanadan ayaa waxa uu taliyaha ku sheegay in ey la xiriiraan dhinaca amaanka caasimadda. mudene Cabdi Qeybdiid ayaa sidoo kale sheegay in howgaladan ey sii wadi doonaan kuna soo uririndoonan hubka sharci darada ah ee ku baahsan ama yaala xaafadaha magaalada Muqdisho. Howlgalkan ayaa noqonaya kii labaad oo hub tiro badan lagusoo qabqabtay tan iyo markii uu gen. Cabdi Qeybdiid la wareeyay jagada taliyanimada ciidamada boliska Somaliyeed. Waxaa sidoo kale uu kusoo beegmay howlgalkan balaaran ee labada cisho isku xigta socda xilli ey ciidamada bolsika iyo maamulka gobolka banaadir si buuxda la wareegeen gacan ku heynta gobolka Banaadir. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  14. Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka waramay Hub culus iyo mid fudud oo ay Ciidamada Booliska soo qabteen Arbaco, June 06, 2007(HOL): Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraa'id ku qabtay Hotelka Bin Cali ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka lagu soo qabtay hub culus iyo mid fudud oo lagu qariyay guryo ku yaala Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir. Taliyaha oo sababta uu shirka jaraa'id uu u qabtay ay ahayd in uu soo bandhigo hub ay Ciidamada Booliska saakay ka soo qabteen xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay hubkaas isugu jiraan Qoryaha ZUU 23 B10, ZUU 20, RPG, BKM, Hoobiyayaal iyo rasaastooda. Cabdi Qeydiid ayaa ka codsday Shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan Ciidamada Dowladda Federaalka sidii hubka loo heli lahaa, wuxuuna si gaar ah uga codsaday dadka hubka heysta in ay si tabarucaad ah ay Dowladda ugu wareeejiyaan ka hor inta aanan la baarin oo aan xoog looga qaadin. Sidoo kalena Saxaafadda ayuu ka codsaday in ay Dowladda kala shaqeeyaan sidii dadka looga dhaadhicin lahaa in hubka uu khatar ku yahay nolosha aadanaha, isagoo taasi haddii la helana carrabka ku adkeeyay in ay yaraato dhibaatada hubka lagu geysanayo. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in howlgal ay shalay sameeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka lagu soo qabtay Hub iyo Gaadiid ay isticmaalaan dadka is-qarxiya, wuxuuna sidoo kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 1000 dhalinyaro oo loo tababarayay sida la isu qarxiyo. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  15. Xasan Daahir aweys Oo Idaacadahiisii Hornafrik, Shabelle, iyo IQK oo nasiib u yeeshay in lagu xiro Dikreetadii ugu horeysay ee ka soo baxay xafiiska maamulka G/Banaadir kadib amarkii ka soo baxay wasaarada warfaafinta ee dawlada Soomaaliya ayaa waxaa ciidamada dawlada Soomaaliya waxa ay gudaha ugaleen xarunta idaacada gaarka loo leeyahay ee Hornafrik waxa ayna ka soo qabteen hubab kala duwan. Hubkan laga soo qabtay gudaha Idaacada Hornafrik waxaa lasheegay in ay ka mid yihiin 37- oo ah lidka diyaaradaha,B10-oo ka mid ah qoryaha ay ku dagaalamaan kooxaha soomaalida. Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa waxa ay hubkaasi geeyeen saldhigyada ay ku leeyihiin duleedka caasumada Soomaaliya ee Muqdisho. Warar goor dhoweyd aanu ka helnay xafiiska maamulka gobolka Banaadir ee Max'ed Cumar Xabeeb Maxamed dheere ayaa sheegaya in Dikreeto ka soobaxay xafiiskaasi lagu sheegay in albaabada loo laabo idaacadaha FM-ta ah ee Hornafrik, Shabelle iyo Qur'aanka Kariimka, IQK. Dikreetadan oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Muane Max'ed Cumar Xabeeb Maxamed dheere ayaa la gaarsiiyay maamulada idaacadahan oo ka dhisan gudaha magaalada Muqdisho. Idaacadda iyo TV-ga Hornafrik ayaa noqotay idaacadii ugu horeysay ee u hogaansantay amarka Dikreetadan, iyadoo daqiiqado ka horna hawada ka baxay, waxaana laga yaabaa in saacadaha soo socda ay iyaguna u hogaansamaan idaacadaha kale ee la faray inay hawada ka baxaan. Ma ahan markii ugu horeysay ee saddexdan idaacadood eek ala ah, Hornafrik, Shabelle iyo IQK lagu amro inay hawada ka baxaan, iyadoo kol horena sedan oo kale amaro loo siiyay wallow wadahadalo kadibna ay dib hawada u soo galeen. Mataan Gaaboow Muqdisho Abaaqaroow.com wiil waal
  16. Xiin, the major war stated in Mogadishu with the demise of central governance, it ended with Mogadishu and the rise of central governance. Take Lower Shabbele, a success story of you ask any local of that region.
  17. Xiin, you asked me for my opinion regarding mistakes that have been made. I gave you what to me were the gravest mistakes. Again you are trying to score points which I find rather amusing and quite absurd. Yet to counter a few claims you made, the classic one about no military solution, I agree strength of clan or muscle even if outsourced wont solve much. However as you know but will loath to admit the TFG charter, Parliament and executive came through a long drawn out political process, in which all players Arab backed, Western backed and so on discussed, debated, even had a fist fight to create this transitional institution. No one clan or group was missing even the courts preeminent leader Abdiqasin took part in the elections and lost. Thus the political foundations are solid, the TFG was two years old before it ever moved in an offensive direction against any of the armed groups who wanted to derail the process as they have done so before on many occasions. The fact that this government fought back and successfully so is what seems to alarm most pundits, it was not suppose to be like this. The Clan Courts should have won? Now the fact of the matter is that the most comprehensive peace process that in Nairobi produced this government which has gained the support of the international community which led to the defeat of most armed groups. There needs to be some reflections, evaluation, changes and there will be an opportunity for these to take place in the coming national conference as well as the 2009 national elections insha Allah
  18. Adeer I should have put a question mark on old Diriye, but I suggest you read your tabloids before you attack the Duke. Nabadoon Axmed Diiriye & Goobaale Oo Xabsiga La Dhigay... Wadanka top headline, so again careful when you accuse others of telling an untruth.
  19. Uganda oo Safaarad Soomaliya ka furaneysa. Last Updated::2007-06-06 15:12:33 Mogadischo:-Afahayeenka Ciidamada AMISOM Captain Pady Akunda ayaa shaaca ka qaadey in Uganda oo Safaarad ka furata Caasimada Soomaliya ay tahay wax Sumcad u ah wadankiisa isla markaana uu daneynayo. Kabtanku waxaa uu sheegey in Uganda oo noqota Dawlada ku xigta Ethiopia oo safaarad ka furata Caasimada Soomaliya ee Muqdisho ay tahy wax aad loogu farxo isla markaana uu isugu shakhsi ahaantiisa uu daneynayo. Waxaa uu sheegey Captain Paddy Akunda in ra’iisul wasaaraha Soomaliya Cali Maxamed geedi uu horey ugu baaqey wadamada kale ee Caalamka in ay ka furtaan Caasimada Soomaaliya Safaaradahooda isla markaana ay ka qeyb qaataan hawlaha dib u dhiska wadanka Soomaaliya. Afhayeenka Ciidamada waxaa uu sheegey in xili horeba loo magacaabey Safiirka Uganda ee Soomaaliya, waxaana uu sheegey in ay harsantahay oo qura in uu ka hawl gallo Soomaaliya oo uu ka furto Safaarad. Hadii wadanka Uganda ay macqul noqoto in ay ka furuto wadanka Soomaaliya Safarad waxaa hubaal ah in ay noqoneyso wadankii labaad oo safaarad ka furta Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo haatan wali ay nabad gelyo dari ay ka jirto. Uganda waxaa ka jooga Soomaaliya Ciidamada Nabd ilaalin ah oo ku hawl galayo Magaca AMISOM oo gaaryaa ilaa iyo 1500 oo Askari. Mohamed Ali (dalmar) Horseednet News Desk.
  20. Ku: - Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho. Ku: Taliyaha ciidamada booliska Somaliyeed == Muqdisho. Ku: Taliyaha ciidanka nabad sugidda qaranka== Muqdisho. Og: Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia. Ujeedo: Xerid idaacadaha gaar ahaaneed ee ku xadgudbay nidaamka warbaahinta xorta ah ee ka furan magaalada Muqdisho. Tixraac warqadaan sumadeedu tahay XRW/906/07 ee June-4-2007 kana soo baxday xafiiska ra'isulwasaaraha waxaa lagu wargalinayaa dhamaan Mas'uuliyiinta ay warqadaan sida tooska ah ugu socoto in raadiyeyaashooda kala ah Horn-Afrik, Shabelle iyo idaacadda Qur'aanka kariimka ay ku sifoobeen colaad abuuris, Taageero argagixiso, ku xadgudub nidaamka xorta ah, wareerinta shacabka iyo dowlad diidnimo. Sidaasi darteed waxaa la idinka doonayaa in aad qaadataan talaabooyinka deg dega ah ee lagu xiraayo dhamaan idaacadaha kor ku xusan, milkilayaashana lagula xisaabtamo xadgudubyada kor ku tilmaaman. Waxaan idinka rajeynayaa in aad arintaan si deg deg ah u fulisaan. Howl-wacan. Wasiirka warfaaafinta dowladda KMG ah Madoobe Nuunoow Max'ed
  21. Muqdisho:Hawlgaladii ciidamada dawlada oo lugu qabtay raga uu ka mid yahay taliyihii Ciidamadii isbaheysigii Dooxada Juba. 6. juni 2007 Muqdisho(AllPuntland)-Ciidamada dawlada Soomaaliya oo maanta hawlgalo dheeraad ah ka sameeyey xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen xubno la tuhunsan yahay in ay xiriir laleeyihiin kooxaha qaraxyada ka wada caasumada Soomaaliya ee Muqdisho. Ciidamadan dawlada waxa ay galeen guriga uu dagan yahay taliyihii ciidamadii isbaheysigii Dooxada Juba Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) waxaana lasheegay in ay haatan su'aalo weydiinayaan sirdoonka dawlada Soomaaliya. Waxaa sidoo kale gacanta lugu soo dhigey mid ka mid ah odayaal sheegta Odayaasha beesha ****** gaar ahaana xilka gudoomiyaha beelaha ****** oo lugu magacaabo Xaaji Cabdi Iimaan Cumar waxaana lugu eedaynayaa in uu xiriir la leeyahay kooxaha waqtigan amaandarada ka wada gudaha Magaalada Muqdisho waxaana su'aalo weydiinaya sirdoonka dawlada Soomaaliya. Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaray taliska ciidamada Milateriga ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale la soo qabqabtay dad looga shakisan yahay xiriirka maxkamadihii dalka laga saaray dhamaadkii 2006-dii. Ciidamada dawlada Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa dawlada Itoobiya ayaa waxa ay shalay bilaabeen hawlgalo amaanka caasumada wax looga qabanayo waxaana lasheegay in ay ku guuleysteen gacan ku dhigida xubno looga shakisan yahay ka danbeyn weerarada ka dhacaya Muqdisho. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland