General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Xaaji Cabdi Iimaan oo sheegay inay shirka dib u heshiisiinta qaran ka qeyb qaadanayaan. July -08-2007-HornAfrik, Mogadishu. Guddooomiya beelaha ****** Xaaji Cabbdi Iiman ayaa sheegay inay ka qeyb galayaan shirka dib u heshiisiinta qaranka iyadoo qaar ka mid ah Beelaah ****** ay qaadaceen shirkaasi. Shir jaraa’id oo maanta uu qabtay Guddoomiyaha Beesha ****** Xaaji Cabdi Iimaan ayaa waxaa uu daboolka ka qaaday in kooxda diiday in la dhameeyo khilaafaadka yarka ah ee ka dhaxeeya beelaha ****** ay iyagu diideen in nabad la gaaro sidaasi darteedna ay shirka ka qeyb galayaan oo ay doonayaan in babad iyo kala dambeyn la helo kuwaas diidayna ay yihiin kuwa yar. Xaaji cabdi imaan oo la waydiiyey su’aal ku aadaneed in odoyaasha kale ee ****** ee la baxay odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha ****** iyo kuwa uu isagu uu hogaaminayo la kala gaday ayaa waxaa uu sheegay inaysan jirin waxyaabahaasi oo iyagu ay go’aan sadeen inay shirka aqbalaan oo ay ka qeyb qaataan. waxaa sidoo kale hadalka xaajiga uu soo baxayaa xili ay kulamo uga soconayaa Hotel Lafweyn guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar xabeeb maxamed dheere iyo waliba odoyaal iyo waxgarad ka mid ah Beelaha ******. Shirkaan maanta uu qabtay Xaajigu ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin fara badan oo uu ka mid yahay Afhayeenka dhinaca siyaasada Beelaha ****** C/laahi Sheekh Xasan. Dhawaan ayey ahayd markii uu fashilmay kulankii wada tashiga beelaha ****** oo ay qaadaceen garab katirsan Beelaha ****** oo sheegay inaysan dani ugu jirin ****** waxyaabaha dalka soomaaliya iminka ka soconaya. Waxaa la is waydiinayey oo dad badan ay ka dhowr sugayeen qaabka uu noqon doono shirka dib u heshiisiinta qaran mar hadii ay is khilaafeen qaar ka mid ah beelaha ugu awooda badan Soomaaliya balse arrintaasi ayaa waxaa ay u muuqanaysa mid is bedel uu ku yimid kadib markii maanta qaar kood beelaha ****** ay ayideen shirka dib u heshiisiinta qaranka ee dhawaan uu iclaamiyey Madaxweyne C/laahi yuusuf Axmed,iyadoo uu labo mar oo hore lagu guul dareytay in shirka uu furmo. Ilaa imina majiraan warar ka soo baxay garabka kale ee beelaha ****** kuwaas oo si wayn gaashaanka ugu dhuftay in shirka dib u heshiisiinta ay qeyb ka qaadanayaan. Arrintaan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili ay maalmo qur ah uu ka harsan yahay shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed mana la oga sida ay wali suuragal u tahay furitaanka shirkaasi maadaama Magaalada Muqdisho ay tahay goob habeen iyo maalinba ay ka dhacayaan falal ammaan daro oo baahsan oo ay u sii dheertay Bandow saaran caasimada Muqdisho
  2. 0dayaasha Dhaqanka ee Beelaha ****** oo Shirweyne Wada-tashi ah uga furmay Hotelka Laf-weyn ee magaalladda Muqdishu Mugadisho, Axad, Julaay 08, 2007 Guddiga Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha ******, ayaa waxa uu maanta Shirweyne Wada-tashi ah uga furmay Hoolka shirarka ee Hotelka Laf-weyn ee magaalladda Muqdishu, xilli aysan 0dayaal-dhaqameedyo caan ka ah Beelahaasi soo xaadirin kulankaasi oo ah kii labaad isku-day lagu doonayo in la isku soo dhaweeyo Garabyadda 0dayaasha Dhaqanka ee ******. Guddoomiyaha Guddigaasi, Xaaji Cabdi Iimaam Cumar, oo kulaankaasi guddoominayey, ayaa sheegay in kulankaasi looga xaajoonayo sidii loo mideyn lahaa Aragtiyaha taagan, isla markaana loogu diyaar-garoobayo Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia ee isbuuca soo socda ka furmi doona Xarunta Gaadiidka Boliska ee magaalladda Muqdishu. Mar wax laga weydiiyey inaan shirka Laf-weyn u dhamaynin Beelaha Hawiyaha, waxa uu gaashaanka ku dhuftay arrintaasi, isagoo xusay inay Odayaasha Beelaha ****** u dhan yihiin kulankaasi, waa sida uu hadalka uu u yiri, wuxuuna intaasi ku daray inaan loo xayirnaan doonin Shaqsiyaadka qaadacay Shirweynahaasi. Dhinaca kale, Kulanka Wada-tashiga Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha ****** uga furmay Hotelka Laf-weyn, ayaa waxaan ka muuqanin xubno jaal dhow la ahaa Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka ee Beelaha ******, Xaaji Cabdi Iimaam Cumar, oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Guddigaasi, Axmed Diiriye Cali iyo G/xigeenka Guddigaasi, Ugaas Cabdi-daahir iyo xubno kale. Kulan-dhaqameedka ka furmay Hotelka Laf-weyn, oo socon doona muddo 3-maalmood ah, ayaa waxa uu u muuqdaa mid lagu afgembiyey Shirkii Wada-tashiga Dhaqanka ee laagu waday inuu Khamiistii hore ka furmo Hotelka Shaamo ee magaalladda Muqdishu, kaasi oo Turtunrrooyin Siyaasadeed darteed u dhicisoobay. Xeeldheerayaasha, ayaa rumaysan inaan si fudud lagu xalin karin khilaafaadka soo kala dhex galay Garabyo-dhaqameedyadda Beelaha ****** ee haatan ku kala irdhoobay. Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho Somalia
  3. Kulan Ka Furmaya Maanta Hotel Lafweyn Muqdisho(Calanka.com) 08-Luulyo-2007 Waxaa lagu wadaa maanta in uu ka furmo hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho shirweyne ey isugu imaanayaan beelaha ****** kaasoo ey uga wada hadlayaan khilaafka ka dhex aloolsanaa dhexdoo iyo sidii ey xal mideysan uga wada gaari lahaayeen. Kulankan oo dhowjeer oo hor baaqday ayaa waxaa uu qobsoomidiisu yimid kadib markii garab ka mid ah odayaashii beelaha ****** ey ku kala qeybsameen in lala kulmo garabka kale ee beelaha ****** kuwaasoo ey mucaarad isku ahaayeen iskana soo horjeedaan siyaasad ahaan. Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/laahi Sheekh Xasan oo iyagu kasoo jeeday garabkii Odayaasha Beelaha ****** ee ku kala qeybsamay ka qeybgalka shir ey isugu yimaadaan beelaha ****** ayaa gabi banaanka ka istaagay garabkii ey kasoo jeedeen kadib markii ey isfahmi waayeen isqabqabsina dhexmaray. Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/laahi Sheekh Xasan ayaa shalay la qaatay kulan xasaasi ah gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere kaasoo kasoo dhameeyay xubnahan in ey ka qeybgalaan kulanka maanta ka furmaya Hotelka Lafweyn ee Muqdisho. Kulankan maanta qabsoomaya ayaa waxaa uu dhabarjab ku yahay odayaashoo qaadacay ka qeybgalka shirkii wadatashiga beelaha ******, waxaana uu shirkan gogol xaar u ahaan doonaa shirweynaha Qaran ee soo socda oo ey ka harsan tahay 9 cisho. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  4. Their flag was raised in Accra, however they were refused to attend the meeting.. So what does it matter about the piece of cloth.
  5. Muqdisho: Maamulka G.Banaadir oo gacanta ku dhigay goob iyo rag farsameynayey waxyaabaha qarxa amrayna in la xero shirkaddaha Hormuud iyo Telcom 8. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen xarun lagu farsameynayey waxyaabaha qarxa iyo afar qofood oo arrimahaasi ka shaqeynayey isla markaana sheegay in dhawaan sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo soo taagi doono. Md. Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) Guddoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa arintan maanta kaga hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Taliska ciidanka Booliska isagoo halkaasina ku soo bandhigay qaar ka mid ah hubkii ay laga farsameynayey waxyaabaha qarxa oo uu sheegay iney isugu jireen rasaasta sabanada oo biro iyo masaamiir laga buuxshay iyo qalab kale oo ka mid ahaa haraadigii diyaarad dhawaan ku soo dhacday duledka magaalada Muqdisho. Dhanka kale Maxamed Dheere ayaa sheegay in in maamulka gobolka Banaadir uu amray in maanta albaabada loo laabay xarunaha shirkaddaha isgaarsiinta Hormuud iyo Telcom isagoo sheegay in shirkadda Hormuud qeybteeda Huriwaa dhowr jeer halkaasi rasaas xoogan looga soo furay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya isla markaana ay goob u aheyd kooxaha weerarada gaadmada ah ka wada deegaanadaasi, sidoo kale shirkadda Telcom ayaa iyaduna lagu eedeeyay markii la amray in ay hubkooda soo dhiibaan ay soo wareejiyeen afar qori oo kali ah baaritaan uu maamulka gobolka ku sameeyayna xaruntaasina uu sheegay Maxamed Dheere in laga helay hub, qoryo, rasaas iyo waxyaabaha qarxa, wuxuuna amray in la xero maanta shirkaddahaasi. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  6. Xaaji Cabdi Imaam Cumar iyo Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo shaaciyey inay ka qeybgeli doonaan Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, oo ay horey u mucaaradi jireen Mugadisho, Axad, Julaay 08, 2007 Guddoomiyaha Guddiga Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha ******, Xaaji Cabdi Iimaan Cumar iyo Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan Cali ayaa lagu soo waramay inay muujiyeen debecsanaan siyaasadeed, kadib, markii ay sheegeen inay ka qeyb geli doonaan Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, xilli ay Labadaa mas’uul xiriir la soo yeesheen Madaxweynaha DFKMGS iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu. Xaaji Cabdi Iimaam Cumar iyo Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan, ayaa arrintaasi ku soo bandhigay Shir Jaraa;id oo ay maanta ku qabteen Hotelka Laf-weyn ee magaalladda Muqdishu, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay ka qeyb-galaan Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, oo bishan 14-da ka furmi doona Xarunta Gaadiidka Boliska ee magaalladda Muqdishu. Labadaa mas’uul, waxay kaloo faahfaahin ka bixiyeen kulankii ay shalay Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu, Md. Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” kula yeesheen Hotelka Lafweyn ee Magaalladda Muqdishu, waxayna sheegeen inuu kulankaasi ahaa mid horumar laga gaaray, oo lagu xaliyey khilaafkii dhinaca Ra’yiga ee jiray, waa sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale, War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Xaaji Cabdi Iimaan Cumar iyo Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan Cali, ayaa waxay ku sheegeen inay ka soo qeyb geli doonaan Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, oo ay horey u sheegeen inaysan ka qeyb geli doonin. Nuqul ka mid ah War-saxaafadeedkaasi oo la soo gaarsiiyey Xarunta Idaacadda Somaliweyn, ayaa waxay kaloo labadaasi Mas’uul ku xuseen inay aqbaleen codsi uu Maxamed Dheere kaga dalbaday inay Odayaasha sameeyaan Tanaasulaad si xal kama dambays ah looga gaaro arrimaha dalka Somalia. War-saxaafadeedka, ay soo saareenXaaji Cabdi Iimaan Cumar iyo Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan Cali, waxaa kaloo lagu sheegay inuu Maxamed Dheere la xiriiriyey Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, isla markaana uu Madaxweynuuhu soo dhaweeyey Tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid loo qaaday dhinaca nabadda. Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho Somalia
  7. Muqdisho: Xaaji Cabdi Iimaan iyo Cabdullaahi Sh. Xasan oo ka tanaasulay mowqifkii ay horay u qabeen. 8. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo ah Guddoomiyaha Dhaqanka Beelaha ****** iyo Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ah Afhayeenka Siyaasadda beelaha ****** ayaa maanta si cad shaaca ugu qaaday iney ka tanaasuleen fikradihii hore ee ay ku diidanaayeen ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed iyo kan la isugu keenayo beesha ******. Shir jaraa’id uu ku qabtay Hotelka Lafweyn magaalada Muqdisho Xaaji Cabdi Iimaan ayaa waxaa uu ku sheegay iney diyaar u yihiin ka qeybgalka shirweynaha dib u heshiisiinta ee ay dowladda KMG ku dhawaaqday isla markaana ay ka qeybgalayaan shirka ay ku kulmayaan beelaha ****** kaasoo saacaddaha soo socda ka furmaya Hotelka Laf-Weyn. Xaaji Cabdi Iimaan ayaa sheegay in ka tanaasulka diidmadiisa ku aadaneyd shirka dib u heshiisiinta iyo kan beelaha hawiya aysan aheyn mid uu dhaqaale ku helay balse tanaasulkiisa uu ku saleeyay marxalada dalka iyo sidii dib u heshiisiinta beelaha u noqon laheyd mid guuleysta isla markaana la soo afjaro dhibaatada dalka ka taagan si loo helo midnimo qaran. Xaaji Cabdi Iimaan ayaa sheegay in fikrada cusub ee uu qaatay ay ku taageersan yihiin inta badan xubnaha Golaha uu Guddoomiyaha u yahay, wuxuuna intaa raaciyay in ay jiraan koox tiro yar oo diidan mowqifka cusub ee uu qaatay balse aysan aheyn kuwo tayo leh waa sida uu hadalka u dhigay. Isbadalkan cusub ee Hoggaanka sare ee Golaha iyo midnimada beesha ****** ku yimid ayaa ah mid u muuqda iney soo afjarmeysa khilaafka ka taagan siyaasadda magaalada Muqdisho iyadoo arintan ay ka danbeysay kulan shalay iyo xalay dhex maray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere iyo Xaaji Cabdi Iimaan iyo Cabdullaahi Sheekh Xasan oo is afgarad uu dhex maray. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Hotelka Lafweyne ee magaalada Muqdisho uu ka furmo shirweynaha beelaha ****** ee ay ku soo afjarayaan khilaafka u dhaxeeya iyo mideynta beesha ******, iyadoo shirkaasina uu ka qeybgeli doono sida la filayo Maxamed Dheere iyo Xubnahan cusub ee mowqifkooda isbadalka ku yimid. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  8. ****** Waa Ka Qeybgalaa Shirweynaha Qaran Muqdisho(Calanka.com) 08-Luulyo-2007 Muqdisho – Guddoomiyaha Odayaasha Beelaha ****** Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday in beelaha ****** ay si shuruud la'aan ah ay uga qaybgalayaan Shirka Qaran. Xaaji Cabdi Iimaan wuxuu sheegay inay arrintaas keentay kaddib markii ay xiriirro kala duwan la sameeyeen Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Maxamed Dheere iyo Cali Mahdi, wuxuuna sheegay in khilaafaad u dhexeeyay Beelaha ****** iyo Dowladda Soomaaliya la dhameeyay. "Waxaan u caddeynayaa Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Beelaha ****** in shirka Qaran uu ****** uga qaybgalayo si shuruud la'aan ah, Hawiyena uu doonayo in la dhameeyo khilaafaadka beelaha Soomaaliyeed", ayuu yiri Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo ah guddoomiyaha Gole dhawaan ay ku dhawaaqeen beelaha ******. Mar uu ka hadlay xubno ka tirsan beelaha ****** oo sheegay in shirka Qaran aysan waxba ka soo baxay ama uu yahay shir aan dan u ahayn Ummadda Soomaaliyeed ayaa wuxuu yiri: "Kooxahaas waa kuwo aan shacabka dantooda ka shaqeynayn, ama aan ahayn kooxo doonaya in heshiis laga gaaro dhibaatooyinkii dhexmaray Ummadda Soomaaliyeed". Xaaji Cabdi Iimaan Cumar, wuxuu sheegay inuu yahay madaxa Golaha Beelaha ****** uuna u caddeynayo dunida iyo shacabka Soomaaliyeed Inaysan beelaha ****** ahayn beel doonaysa in Soomaaliya ay dhib ku sii jirto, balse ay doonayaan inay dalka u horseedaan nabad iyo kala dambeyn. Mar la weydiiyay Xaaji Cabdi Iimaan in Odayaasha Beelaha ****** ay kala jaban yihiin oo qolo ay doonayso inaan shirka laga qaybgelin, isaguna uu doonayo in laga qaybgalo ayaa wuxuu yiri: "Kooxaha aan doonayn ma ahan ****** ee waa kuwo doonaya inay dhib dalka ka abuuraan, waxayna baajiyeen shirkii hore ee ****** isugu imaan lahaan iyagoo doonaya inay shirka weynna baajiyaan". Waa markii ugu horreysay oo Xaaji Cabdi Iimaan uu sheego in ****** uu ka qaybgalayo shirka Qaran ee Muqdisho ka furmaya Malaitna 15-ka bishaan, iyadoo Afhayeenkii Beelaha ****** Axmed Diiriyana uu sheegay in shirka Qaran aysan waxba ka soo baxayn. Xigasho:
  9. During the Occupation (Sept. 1995 - June 1999) Baidoa, the headquarter of Bay region, was occupied on Sept 17, 1995 just about six months after the declaration of the autonomous Riverine State. In those six months, Bay region has made a tremendous social and economic recovery. Baidoa was a focal point of the country's catastrophic famine in 1992. Baidoa represented Somalia's effort to scratch back to normalcy. Its market offered a range of foods and clothing, even simple appliances and electronic goods. It is one of the few areas in the country where several clans lived together in relative peace. As the country's agricultural center, it serves an area that grows 80 percent of Somalia's staple food (sorghum). After Aideed invaded the town, thousands of families fled. Aid agencies, which had an estimated $300,000 in equipment looted by Aideed's militia, also left. And, perhaps most important, trucks have had difficulty getting out of Baidoa to take food to other parts of Somalia. Aideed's invasion represented a step back to the days in 1992 and 1993 when clans took over areas where they historically had not been present. The takeover of Baidoa endangered the food supplies throughout Somalia. Food shortages have once again become a concern in Somalia, because 1995 sorghum harvest of 71,000 metric tons fell in hands of Aideed. After the occupation however, Aideed's militia set a rudimentary colonial type presence in the region. The rest of the Inter-riverine particularly, the Riverine and the Coastal regions were already occupied since 1991. Aideed's militia introduced into the region all forms of colonial policies. They are not taking only people and products, but also confiscate properties and extort ransom from kidnapping. The Riverine regions have been suffering from forced labour since 1991. Baidoa jails are full of detainees waiting to be freed with ransom money. On January 16, 1996 Huddur the capital city of Bakool region was invaded. In the same week Tiyeglow (an important trade center) fall also in the hands of Aideed's militia. Thus the occupation of the inter-riverine regions was completed. August 1, 1996 his son Hussein took over and continued the infamous policies on the region. September 21-25, 1996 Aideed's militia led by Mohamed Jumale Farah burned down the villages of Alyow Mumin, Manas, Goofgaduud and many other hamlets. They killed hundred of innocent people destroyed farms, food storages and raped women. In Alyow Mumin and its environs, they burned 2000 houses and raped more than ten women- including an underage girl who died while she was being raped. 1 October 1997 the forces of Hussein Mohamed Aideed massacred 260 Rahanwein civilians and 20 villages torched. February 5, 1998 Hussein Mohamed Aidid, has pledged to abide by the agreement to withdraw his troops from the southern town of Baidoa on schedule but later failed to do so. February 23, 1999 Mass killings took place Husein Aydid's militia killed dozens of civilians in and around the south-central town of Baidoa. The civilians had been rounded up in Baidoa and the nearby village of Daynuunay before being shot. 23 people were killed on 21 February 1999 and 17 on 22 February 1999. As relations deteriorated between Eritrea and Ethiopia, Eritrea sought to distract attention from the disputed border areas, Eritrea backed Oromo fighters recruitment by Hussein Aideed, a major critic of the Sodere agreement. In February 1999 Aideed returned from a visit to Asmara with three planeloads of weapons and some 1,500 Oromo fighters to join hundreds of other Oromos trained earlier at Qoryoley in southern Somalia to consolidate their grip over the fertile land of Digil & Mirifle. source
  10. Its ammusing. One minute the TFG is out to get the clan of Mogadishu and the next it gets insulted for employing some junior members of the former groups. Make up your minds people.
  11. ^^^Oh no the noble child killers have nothing to do with it. Though the former Qat merchant and tools in Asmara can do nothing much.
  12. Its ammusing. Horn comes out and says 1/2 million got killed in Mogadishu over the past few months. Must be Hiiraale bombing that makes him speak so. Jabhad what happened in Bay&Bakool wasdone by who? Ethiopians or the USC & SNF groupings? OLD MAN BEGS FOR HELP FROM SOMALI GUNMAN IN CITY OF BAIDOA, SOMALIA
  13. Laba Bam gacmeed oo lala beegsaday shaqaalaha shirkada Dahabshiil ee magaalada Muqdisho (WYNET)Muqdisho:-Inta la ogyahay 8 ruux ayaa dhaawactay oo ka dib markii lagu weeraray bamka gacanta laga tuuro ee loo yaqaan F1. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah 6 ka mid ah shaqaalaha shirkadda Dahabshiil iyo mid ka mid ah ciidamada Booliiska. Labada qarax oo aan wax sidaas ah kala danbayn ayaa ka dhacay wajahada hore dhimaha ay xafiiska ku leeyihiin shirkada Xawillaada dahabshiil,ee Suuqa ganacsiga Bakaaraha. Dad goobta ka dhowaa ayaa sheegay in qaraxyadaan loola dan lahaa ciidamada Booliiska Soomaalida hase ahaatee guud ahaan waxyeeladu soo gaartay shaqaalaha shirkada Dahabshiil ee magaalada Muqdisho. Weli lama soo sheegin cid dhacdadaan loo soo qabtay, waxaana arintaani dab socotaa qalalaase xoogan oo inta badan lala beegsado ciidamada Booliiska dawlad FS,kuwa Ethiopianka iyo weliba masuuliyiinta dawlada,kuwaasi oo inta badan ay wax ku noqdaan dad rayad ah oo aan waxba galabsan sida galabta iyo marar horeba dhacday. Xarunrta wararka Waayaha.net Waayahanet@hotmail.com
  14. ^^^Of course the TFG is the only legitimate governemnt entity for Somalia, and has been two full years before the changes of Mogadishu. Even the clan courts clowns recognised them. The TFG never recognised the clan courts as nothing more than a "new reality". Thus adeer dont shoot yourself in the foot.
  15. Muqdisho: Dawlada FKMGS oo Suuqa Bakaaraha Saldhig Milateri ka dhex sameynaysa. 7. juli 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dawlada Faderaalka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay Suuqa ugu weyn dalka Soomaaliya ee Bakaaraha ka dhexsameynayso saldhig weyn oo Milateri. Saldhigaan laga furayo gudaha suuqa Bakaaraha ayaa waxa uu noqonayaan mid suga amaanka suuqaasi. Ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa waxa ay maalmihii ugu danbeeyey la tacaalayaan sugida amniga Suuqaasi,oo lugu tiriyo in uu yahay meelaha ugu amaanka xun Soomaaliya. Taliyaha howlgelinta Ciidamada dawlada Soomaaliya G/sare Yuusuf Xuseen Cusmaan ayaa wuxuu sheegay in ay dawlada Soomaaliya bilowday qorshahaasi ,uuna yahay mid DFKMGS soo dhameystirtay qorshahaasi. Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu yahay midka ugu weyn Soomaaliya ,wuxuuna kuyaala meel istaraaji ah dawlada Soomaaliyana waxa ay ka wadaa hawlgallo balaaran oo amaanka dhiniciisa wa looga qabanayo,waxa ayna hubkii ka dhigtay ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayadoo ciidamo ka tirsan Booliska ka wareejisay amniga. Maalmihii ugu danbeeyey Suuqa bakaaruhu ,wuxuu ka mid noqday goobaha sida weyn hubku yaala ,balse mar kale ayay shalay galeen ciidamo xoogan waxa ay soo qab qabteen hubab fara badan oo ay dawladu soo bandhigay. G/sare Yuusuf Xuseen Cismaan ayaa wuxuu intaas raaciyay in dhamaan ciidamada DFKGM ee Soomaaliya doonayaan in ay dhamaan dhigaan wadooyinka soo gala suuqaasi ,wuxuuna ku tilmaamay talaabadaasi nabada ku soo celinta caasumada Soomaaliya. Talaabadan waxaa u sacaba tumay dad badan oo Reer Muqdisho ,doonaya in ay mar kale soo laabto nabadgalyadii caasumada Soomaaliya lugu yaqiiney. Talaabadan ayaa waxa ay ku soo beegantay xili ciidamo kale duwan oo ay horkacayaan ciidamada dawlada Soomaaliya wadaan ,hawlgallo kala duwan oo amniga ku saabsan. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  16. Baaritaano Ka Socda Wali Qeybo Ka Mid Ah Mag. Muqdisho Muqdisho(Calanka.com) 07-Luulyo-2007 Baaritaano balaaran ayaa waxa ey maalinkii sadexaad ka soconayaan caasimadda Muqdisho kaasoo lagu adkeynayo amaanka laguna uruurinayo hubka ku jira gacanta shacabka. Howlgalkan oo sidoo kale maanta lagusoo qabqabtay hub fudfudud ayaa waxa uu ka soconayaa degmooyinka Hodan H/wadaag iyo Wardhiigley halkaaso gabi ahaanba la xiray wadooyinkii soo galayay iyadoo lagu amrayay gawaarida ey dib u laabtaan. Howlgaladan maanta oo sidoo kale lagu baarayo dadka lugeynaya ayaa waxa ey qeyb ka yihiin howlgaloo labadii cisho ee lasoo dhaafay laga fuliyay isla goobahan isla markaana lagu soo qabqabtay dad la tuhunsan yahay iyo hub faro badan. Baaritaanadan ayaa waxaa si wada jir ah u fulinaya ciidamada dowladda federalka oo isugu jira bolis iyo maleteri iyo kuwa Itobia. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  17. weerar bombaano oo maanta lagu weerar xurunta Shirkada Dahabshiil ee magaalada Muqdishu Posted to the MOL July 7, 2007, 11:26 am Xurunta weyn ee Shirkada xawilaada Dahabshiil ee Muqdishu ayaa maanta waxaa weerer bombaano ku qaaday kooxaha waxqarxiya. Qaraxyada lala beegsaday shirkada Dahabshiil kii ugu horeeyay lagu weeraray gaari uu watay nin ka mid ahaa shaqaalaha shirkada. Qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay dad dhowr ah. Qaraxaha labaad ayaa ahaa mid qof ka mid ahaa dadkii goobta joogay soo tuuray. Waxaana qaraxaas ku dhaawacmay dad badan oo ku soo xoomay meesha qaraxii hore ka dhacay. Inta la ogyahay 10 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyadaas 2 kalena waa ku dhinteen. Dadkaas ayaa dhamaantood ahaa dad shacab ah oo intooda badan u shaqaynayay shirkada iyo kuwa ka mida macaamiisha shirkada. Kooxaha waxqarxiya ayaa hadda caadeystay inay laayaan dadka shacabka ah. Shalay ayay ahayd markii miino ay kooxahaasi ku aaseen suuqa xoolaha ay ku kacday caruur kubad ku ciyaaraysay halkaas oo 5 ka mida ku dhinteen 3 kalena dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxaaas ay maanta u dhinteen. Iyadoo tirada caruurta ee ku dhintay qaraxaas hadda gaarayaan 8 dad kalena dhaawacii ka soo gaaray wali cisbitaal ugu jiraan. Qaraxaan ay gaysteen qolyaha wax qarxiya ayaa gaystay tiradii ugu badnayd ee caruur ah ee Muqdishu ku dhinta hal mar wallow ay horey qaraxyo kale ay ku dhinteen caruur kale. Mudugonline.com