
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Mogadishu: Police sharp shooter gets reward
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Toban Milyan Sh.So ah siiyay askari dilay nin bambo ku soo weeraray Booliska 27. August 2007 Muqdisho(AllPuntland)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa saakay toban Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah ugu deeqay askari ka tirsan ciidamada Booliska ee saldhigga Afar Irdood ee degmada Xamar Weyne, kaas oo saakay ku guuleystay inuu toogto nin bambo ku soo weeraray saldhigga Booliska afar Irdood. Guddoomiye Maxamed Dheere wuxuu sheegay in askariga wanaagsan uu yahay midka sida geesinimada leh uga hortaga falalka wax u dhimi kara amniga muwaadiniinta, wuxuuna ammaan gaar ah u soo jeediyey taliyaha saldhigga booliska afar irdood iyo ciidamadiisa. Waxaa kale oo goobtaas soo booqday madaxa hoggaanka hawlgelinta ciidamada Booliska Soomaaliyeed Col.Yuusuf Dhuumaal, Guddoomiye ku xigeenka gobolka banaadir ee dhinaca Siyaasadda Mudane Cabdullaahi Xasan Ganay Firimbi, wariyayaal iyo dadweyne fara badan oo u soo daawasho tagay inay arkaan Nabad-diidka la dilay. Ninkaan la dilay ayay dadka xaafadda Raqayga Xamar Weyne arkeen isagoo gacmaha ku sita bambooyin isuna diyaarinaya inuu bambadaas ku tuuro saldhigga Booliska, hase ahaatee Booliska ayaa markey ka war heleen arrintaas waxay hareereeyeen ninkaas, waxayna ciidamada amniga ku amreen inuu iska dhigo bambada, isna dhiibo, wuxuuna tuuray bambo u diyaarsaneyd oo uu ku riday guri ay lahaayeen cid masaakiin ah, hase ahaatee cidina waxba kuma gaarin, dabadeedna waxayna Boolisku ku fureen rasaas, halkaas ayuuna ninkii ku dhintay sida ka muuqata sawirka la socda warkan. Ninka ay Boolisku toogteen ayaa ahaa nin aad loo raadinayey muddooyinkaan dambe, kaas oo ahaa ninkii dhawaan bambada ku tuuray gidaarka xarunta maamulka gobolka Banaadir, isla markaana bambada ku tuuray hotel Madiina oo ay degganaayeen qaar ka tirsan ergada shirka dibuheshiisiinta Soomaaliyeed. Booliska iyo sirdoonka ciidamada nabadsugidda Soomaaliyeed ayaa waxay ku raad joogaan laba nin kale oo iyagoo nool baxsaday lana socotay ninka la dilay, kuwaas oo saraakiisha boolisku sheegeen inay heleen xog rasmi ah oo ku saabsan goobaha ay ku nool yihiin iyo kooxaha ay ku xiran yihiin. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
10-Malyan Oo La Siiyay Askari Toogtay Nin Bom Kusoo Tuuray Saldhigga Afar-Irdood Muqdisho, Somaliya (Calanka) 27-Agosto-2007 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa saakay toban Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah ugu deeqay askari ka tirsan ciidamada Booliska ee saldhigga Afar Irdood ee degmada Xamar Weyne, kaas oo saakay ku guuleystay inuu toogto nin bambo ku soo weeraray saldhigga Booliska afar Irdood. Guddoomiye Maxamed Dheere wuxuu sheegay in askariga wanaagsan uu yahay midka sida geesinimada leh uga hortaga falalka wax u dhimi kara amniga muwaadiniinta, wuxuuna ammaan gaar ah u soo jeediyey taliyaha saldhigga booliska afar irdood iyo ciidamadiisa. Waxaa kale oo goobtaas soo booqday madaxa hoggaanka hawlgelinta ciidamada Booliska Soomaaliyeed Col.Yuusuf Dhuumaal, Guddoomiye ku xigeenka gobolka banaadir ee dhinaca Siyaasadda Mudane Cabdullaahi Xasan Ganay Firimbi, wariyayaal iyo dadweyne fara badan oo u soo daawasho tagay inay arkaan Nabad-diidka la dilay. Ninkaan la dilay ayay dadka xaafadda Raqayga Xamar Weyne arkeen isagoo gacmaha ku sita bambooyin isuna diyaarinaya inuu bambadaas ku tuuro saldhigga Booliska, hase ahaatee Booliska ayaa markey ka war heleen arrintaas waxay hareereeyeen ninkaas, waxayna ciidamada amniga ku amreen inuu iska dhigo bambada, isna dhiibo, wuxuuna tuuray bamboo u diyaarsaneyd oo uu ku riday guri ay lahaayeen cid masaakiin ah, hase ahaatee cidina waxba kuma gaarin, dabadeedna waxayna Boolisku ku fureen rasaas, halkaas ayuuna ninkii ku dhintay sida ka muuqata sawirka la socda warkan. Ninka ay Boolisku toogteen ayaa ahaa nin aad loo raadinayey muddooyinkaan dambe, kaas oo ahaa ninkii dhawaan bambada ku tuuray gidaarka xarunta maamulka gobolka Banaadir, isla markaana bambada ku tuuray hotel Madiina oo ay degganaayeen qaar ka tirsan ergada shirka dibuheshiisiinta Soomaaliyeed. Booliska iyo sirdoonka ciidamada nabadsugidda Soomaaliyeed ayaa waxay ku raad joogaan laba nin kale oo iyagoo nool baxsaday lana socotay ninka la dilay, kuwaas oo saraakiisha boolisku sheegeen inay heleen xog rasmi ah oo ku saabsan goobaha ay ku nool yihiin iyo kooxaha ay ku xiran yihiin. G/Banaadir + Calanka Calanka.com: Isha Wararka Xaqiiqda
-
Wafdi ka socda kooxa xiriirka Soomaaliya oo maanta ka degay Muqdisho Wafdi caalami ah oo ka socda kooxda xiriirka Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Muqdisho ee caasimadaha ah, iyagoo kulamo la qaatey gudiga shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida. Wafdigani ka socda kooxda caalamiga ah ee xiriirka ayaa waxaa hogaaminaya Bruno Mpondo ayaa waxay barqanimadii ka degeen garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho, waxaana isla markiiba ay abaareen xarunta gudiga maamulaya shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Muqdisho, iyagoo kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshey gudiga. Wariyaha SBC ee magaalada Muqdisho Xasan C/casiis Mutawakal ayaa soo sheegaya in wafdi ay hadal ka jeediyeen xarunta shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida ee magaalada Muqdisho, iyadoo hadal uu halkaasi ka jeediyey madaxda wafdigaasi uu sheegay in qaramada Midoobay ay si weyn u taageersan tahay shirka dib u heshiisiinta Beelaha. Madaxda wafdiga oo ah sarkaalka qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha siyaasada ayaa wuxuu sheegay in ay ku faraxsan yihiin in shirka uu ku socdo wadiiqo wanaagsan, isagoo tilmaamey in gudiga ay ku gacan siin doonaan guulaysashada shirkan. Wafdigan ayaa waxay sidoo kale kulamo la qaadanayaan madaxda DFKMG ah oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha iyo Ra'isalwasaaraha. Socdaalka wafdigan uu ku tagay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta shirka dib u heshiisiinta ayaa ku soo aadaysa iyadoo xaley weeraro qarax oo ka dhacay lagu dhaawacay qaar ka mid ah ergada shirka dib u heshiisiinta ka qayb galaysa. SBC News Desk
-
Reconciliation conference a success so far, update
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha jamhuuriyada oo taageeray natiijooyinka ilaa iminka laga gaaray kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran. Madaxweynaha Jamhuuriyada federalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa taageeray si weyna usoo dhaweeyay natiijooyinka ilaa iyo iminka laga gaaray kulan weynaha dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo galay wajigiisii labaad. Madaxweynha qaranka oo la hadlayay ka qeyb galayaasha oo uu shalay qado sharaf usameeyay ayaa sheegay in uu aad u amaanayo qaabka uu us oconayo shirku,isagoo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay sida haatan ay u soo dhaweysay oo kale usoo dhaweyn doonto una dhaqangelin doonto go’aanada kama dambeynta ah ee shirka lagu gaaro. “Shirku waa mid beesha caalamka iyo Soomaalida inteeda badani ay taageersanyihiin kuwa maqana waxaan rajeynayaa in ay kusoo biiraan “ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo shegay in lasoo dhaweynayo cid kasta oo kulanka ka maqan kunasoo biirta haatan kaddib. “Xabad iyo qori caradii wax guul ah laguma gaarayo”ayuu mar kale yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda fedralka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in shirkani uu yahay dhameystirka shir weynihii ka dhcay Kenya ee lagusoo dhameeyay khilaafaadkii xagga siyaasadda. Waxaa madaxweynaha Umada Soomaaliyeed C/llaahi Yuusuf uu amaan ballaaran ujeediyay madaxweyne Hore cali mahdi iyo guddigiisa shir guddoonka,oo u sheegay in habka ay wax u maamulayaan uu yahay mid lagu wada qanacsanyahay . “Aad ayaan ugu rajo weynahay in shirka qeybaha ka harsan lagu guuleysan doono”ayuu yiri madaxweynaha Soomaliya oo kuwa wali maqan ugu baaqay in ay nabada kusoo biiraan hadii ay wax tabanayaana ay soo bandhigtaan si looga qanciyo Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com -
Madaxda Qaranka Oo Kulan La Qaatay 250-Ergo Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 25-Augosto-2007 Xaflad casuumaad oo si weyn loo soo agaasimay oo ey ku casuumeen madaxda sare ee dowladda 250-ergo oo ka qeybgalayay shirka dib u heshiisiinta ayaa waxaa ey ka dhacday safaaradii hore ee Shiinaha ee degmada Xamarweyne. Casuumaaddan oo ey hadalo ka jeediyeen madaxweynaha Somaliya iyo ra`iisal wasaaraha ayaa waxay isugu jirtay anaam iyo dardaaran ey kula dardaarmayeen madaxda ergooyinkan. "Shirkan dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed wuxuu noqonayaa mid looga hadlayo qaarkood aan filayo in laga wada hadlay yoolka Qaranka sidii loo tiigsan lahaa loona gaari lahaa tubta nabadda, Midnimo iyo heshiis Soomaali oo dhan isku raacsan tahay", ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf . Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ergooyinkan in ey daba qabtaan qaranimada Somalia ee sii dhaceysa eyna kasoo saaraan shirkan go`aano Somali wax u tara dibna ugu soo celiya dowladnimadoodii iyo isjeclaantii la aqoon jiray. Waxaa sidoo kale ka hadlay halkaa ra`iisal wasaaraha Somaliya mudane Cali Maxamed Geedi oo isna dardaaran iyo guubaabo la mid ah kuwii madaxweynaha usoo jeediyay ergooyinkan. "Waa hubaal inay idinka go’an tahay inaad shirka Qaran ee beelaha Soomaaliyeed ka miro dhalisaan, waana idinku taageersannahay haddaan nahay madaxda sarsare ee Dowladda Federaalka, wax walba waxay u baahan yihiin isku dayid, wax aan laga meel gaaraynna ma jirto, sida aad haddana uga gudbeen qaybtii hore ee shirka",ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geeddi. Ergooyinka qaarkood oo iyana ka hadlay casuumaadan ayaa sheegay in ey ka go`an tahay in kuligood sidii qaranimadii Somaliyeed dib loogu soo celin lahaa, waxeyna ku amaaneen madaxda qaranka sida ey ugu howlan yihiin sidii dalkan sharaftuu lahaa dib loogu soo celin lahaa.
-
Wafdiga QM uu Hogaaminayo Bruno Mpondo oo saaka soo gaaray Muqdisho Last Updated::2007-08-25 15:52:08 Muqdisho:- Wafdi ka socda QM ayaa soo gaaray madasha shirka dib u heshiisiinta uu ka socda ee xarunta gaadiidka booliska ee degmada C/casiis ayadoo wafdigan u kuur galayo shirka dib u heshiisiinta oo galay wajigii 2aad ee siyaasada. Dib u dhac ayaa ku yimid booqashada wafdigan oo la filayay maalintii khamiista laakin saaka ayay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya madaxa xafiiska siyaasada Bruno Mpondo QM waxaana la filayaa in ay kulamo la yeeshaan madaxda DFKM iyo guddoonka shirka dib u heshiisiinta. QM ayaa dhawaan ansixiyay in 6 bilood oo kale loogu daro ciidamada nabad ilaalinta Africa ee ka hawl gala dalka Soomaaliya inkastoo dawladda Uganda oo qura ay ciidamo nabad ilaalin ah u soo dirtay dalka Soomaaliya. HorseedNet.com
-
Wafti caalami ah oo gaarey Muqdisho 25 Aug 25, 2007 - 9:08:07 AM Wafdi ka socday beesha caalamka oo uu horkacayey Mr. Bruno Pono oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Q.Midoobay kuwaasoo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan hey’adaha samafalka, safiirada Yeman, Kenya iyo Norwey ayaa maanta booqasho ay ku yimaadeen Muqdisho kaga qebgalay shirka dib u heshiisiinta beelaha ugu socda magaalada. Mr. Bruno oo halkaasi khudbad gaaban ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qeyb galka markii ugu horeysay shirka dib u heshiisiinta oo ku aadan imaanshihii ugu horeeyay ee Soomaaliya. “Waxan u nimid sidii aan ugu qeyb geli laheyn doorka dib u heshiisiinta aad u fadhidan, waxaan idinkaga mahad celinaynaa sida geesinimada leh ee aad ugu guntateen ka qeybgalka shirka, beesha caalamka waxay indhaha ku heysaa natiijada ka soo bixi doonta shirkan oo ay diyaar u tahay iney gacan ka geysato balse waa inaad dhexdiina ka heshiisaan, anagoo u bandhigi doona guulaha aad ku tallaabsadeen” ayuu yiri Mr. Bruno oo sadax kalmad oo Soomaaliya ah ku hadlay oo yiri “Soomaaliya nabad, ha midowdo” taasoo si weyn loogu sacbiyay. Waxa kaloo kulanka hadalo gaaban ka jediyay safiirka Kenya oo shegay in wadamada daneeya Soomaaliya ay diyaar u yihiin sidii ay u taageeri lahaayeen shirka iyo natiijada ka soo baxda, sidoo kale ergayga Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay ergooyinka shirka in ay dhexdooda ka heshiiyaan oo khilaafka xaliyaan isagoo Ilaahey ugu baryey inuu dhibaatada ka saaro ugana duceeyo shacbiga inuu shirkan noqdo kii lagu dhameeyo oo lagu ilaawo dhibaatada . Wafdiga ayaa intaa kadib kulan gaar ah la yeeshay shir guddoonka iyo ku xigeenadiisa kuwaasoo ka wada hadlay sidii beesha caalamka gacan ugu geysan laheyd shirka dib u heshiisiinta iyadoo Md. Cali Mahdi Maxamed uu warbixin ka siiyay guulaha laga gaaray wajiga koowad iminkana la guda galayo wajiga labad oo ah khilafka siyaasadda, kulan kaasoo dhamaaday is afgarada sida uu warbahinta u sheegay guddoonka shirka. Kulanka maanta ee ergooyinka ayaa laga dooday qodobka ah xaquuqda Haweenka kuwaasoo ay ergoooyinka isku raaceen in haweenku yihiin laf-dhabarka bulshada. Shirka beelaha uga socda Muqdisho ayaa socda xilli ay magaalada ka dhacayan qaraxyo iyo dilal qorsheysan kuwaas oo la beegsanayo ciidmada dowlada iyo dadka lagu tumo in ay la shaqeeyaan. Garowe Online,Muqdisho
-
Muqdisho: Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo soo gaaray magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya. 25. august 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Wafdi ka socda Beesha Caalamka ,Qaramada Midowbay iyo Midowga Africa ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasumada dalka Soomaaliya. Wafuudan amaankooda waxaa siweyn usugayay ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ,ayadoo haatan Jooga madasha shirweynaha beelaha Soomaaliyeed ayagoo halkaasi hadalo ka jeedinaya. Waxaa hogaaminaya Madaxa QM ee dhinaca siyaasadda Bruno Mpondo iyo Madax kale ayadoo lafilayo saacadaha soo socda in ay lakulmaan Madaxda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya oo ay kala hadlayaan arimaha Soomaaliya iyo shirweynaha beelaha Soomaaliyeed. Bruno Mpondo oo ah Madaxa QM ee dhinaca siyaasadda ayaa shirweynaha beelaha Soomaaliyeed ka horjeedinaya wuxuuna sheegay ilaa hada in ay Qaramada Midowbay ay taageerayso shirweynaha beelaha Soomaaliyeed ,wuxuuna ku booriyey Ergada shirweynaha in ay ka tashadaan Aayaha dalka Soomaaliya. "Dalkaan Soomaaliya oo mudo burbursanaa ,waxaan filayaa maanta waxaad isugu timaadeen in aad ka hadashaan Xaaladaha dalka Soomaaliya ,waxaan idinka codsaneynaa in aad muujisaan Firfircooni dheeri ah si looga baxo dagaalada Soomaaliya" Ayuu yiri Madaxa QM ee dhinaca siyaasadda. Madaxdan ka socota Qaramada Midowbay ayaa lasheegayaa in ay ku soo xigaan Madax kala duwan oo ka socota wadamo kala duwan oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Jaamacada Carabta wadamada ku mideysan. Wixii war ah ee ka soo baxa kala soco www.AllPuntland.com Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
Mogadishu: Security forces hunt criminal gangs and bombers
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Howlgalladii ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo qaarkood la soo afmeeray inkastoo hubab fara badan lasoo qabtay. 25. august 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Ayadoo maanta Magaalada Muqdisho ay ka socdeen howlgallo wajiyo badan leh ayaa lasheegayaa in qaarkood la soo afmeero. Howlgallada ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa lugu soo qabtay hub iskugu jira noocyada kala duwan ,waxyaabaha Qarxa oo laga soo qabtay deegaano ka mid ah degmooyinka Huriwaa iyo Gubta inkastoo aan la aqoon cadadka uu dhan yahay ayadoo ciidamaduna meelahaasi hada ka wada howlgalladan. Afhayeenka xafiiska isku xirka dadweynaha, saxaafada iyo ciidamada Booliiska G/lle Cabdi Waaxid Max'ed Xuseen ayaa sheegay in maanta laga fuliyay goobo ay ka mid tahay deegaanka Ceelka biyaha ,halkaasoo laga soo helayay hubab kala duwan ,waxaana ay goobahaasi ka mid yihiin meelihii dhawaan uu sheegay gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb in ay joogaan Argagixisada magaalada Qaraxyada ka wada. Waxaa lasheegayaa in hubkaasi layskugu geeyey goobo lugu uruuriyo hubabka inta badan lugu soo qabto howlgallada ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa dowlada Itoobiya ,waxaana kaloo wararku sheegayaan in la soo qabtay dad gaaraya 6 qof oo lugu qabtay ayagoo faraha kula jira Waxyaabah qarxa . Gaadiidka dadweynaha oo maanta galinkii hore xirnaa ayaa galabta dib ubilaabay ,waxaana dadweynuhu isweydiinayaan ciidamada dowlada Soomaaliya ee wali jooga goobihii laga sameeyey howlgallada ayadoo lasheegayo in ay ciidamadu dageen fariisimo kuyaala degmooyinka laga sameeyey howlgalladan. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland -
Ciidamada qalabka sida ee Jamuuriyada somalia oo maanta hawlgalo lixaadle kawada magaalada muqdisho. Ciidamada qalabka sida ee Jamuuirayada somalia ayaa maanta hawlgalo lixaadle kawada inta badan caasumada somalia ee muqdisho iyadoo la arkayo saaka kawaariada qafilan oo lagu gooyay wadooyinka waawayn ee isku xira magaalada muqdisho qaarkood. Iyadoo goobaha sida wayn loo baarayo ay ka mid tahay Xerada maslax,warshadii baastada iyo jidka wayn ee isku xira labadaasi xaafadood. Waxaa sidoo kale saaka weerar gaadmaa lagu qaaday kolonyo ciidamada ethiopia ah oo marayay wadada warshadii baastada oo xarun u ah ciidamada ethiopia ee ku sugan gudaha somalia. weerarkan oo loo adeegsaday miino dhulka hoostiisa lagu aasay oo laga hagayay gacanta ayaan cidina wax ku noqon iyadoo isla markiiba kor laga xiray goobtii qaraxu ka dhacay walina ay ka socoto hawl baaritaan oo xoogan oo guri guri loo galayo xaafadaha ku xeeran goobta qaraxu ka dhacay. Hawlgaladan ayaa noqonaya sida ay sheegeen saraakiil ciidan kuwo ciribtir ah oo lagu baacsanayo kooxaha nabad diid ka ee ku dhuumaalaysanaya magaalada muqdisho gudeheeda kuwaasoo dilal iyo qaraxyo la eegta dadka wax garadka ah.
-
Mogadishu: Police kill and capture bandits.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Jab Loo Geystay Kooxo Weerar Soo Qaaday Xalay -------------------------------------------------------------------------------- Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 24-Augosto-2007 Afhayeenka xafiiska Saxaafadda iyo xiriirka dadweynaha ee ciidamada boliska gaashaanle C/waaxid Xuseen oo saxaafadda la hadlay ayaa ka war bixiyay dagaal qaraar oo xalay ka dhacay xaafadda SOS ee degmada Huruwaa iyo xaruntii ciidanka Guul-Wadayaasha ee magaalada Muqdisho. C/Waaxid ayaa sheegay weeraradii xalay in ey qasaare weyn ugu geysteen kooxihii weerarka kusoo qaaday ciidamada boliska, wuxuuna qasaarahaas ku sheegay in ey isugu jireen dhimasho iyo maxaabiis ey kasoo qabteen ragii weerarka soo qaaday. Afhayeenkan ayaa sheegay in ey ka dileen ilaa 7-ruux ragga weerarka soo qaaday tiro kalena ey kasoo qabteen, wuxuuna intaa ku daray in qasaaraha soo gaaray dhinacoodu uu yahay dhimashada hal askari iyo dhaawada sadex kale. Jabkan uu sheegay afhayeenku in ey geysteen ciidamada bolisku ayuu ku sheegay in uu ahaa mid qorsheysnaa isla markaana ey ciidamada bolisku diyaar u ahaayeen weerar kaga yimaada kooxahan. Waa markii ugu horeysay oo ey sheegaan ciidamada bolisku jab ey sheegeen in ey u geysteen kooxaha habeenkii wax weerara iyadoo xalay ey eheyd habeen uu da ayay roob aad u xooggan. Afhayeenka ayaa sheegay sidoo kale howlgallo laga fuliyay maanta xaafadihii ey xalay iska hor imaadyadu ka dheceen lagu soo qabqabtay dhalinyaro iyo hub lagu tuhun sanyahay in ey yihiin kuwa habeenkii wax weerara. -
Ciidanka qaranka oo howlgallo xalay ay fuliyeen kusoo qab qabtay qaran diidyo aad u farabadan. Ciidamada qaranka ee sida gaarka ah u qaabilsan amaanka magaalada Muqdisho aya xlaay waxa howlgallo ay ka fuliyeen deegano ay ka mid yihiin :Howlwadaag,Black Sea,Warshadda Cnaha iyo meelo kale,waxaana hwolgalladaa lagusoo qab qabtay qaran diidyo aad u farabadan oo ka qeyb qaatay qaraxyada iyo rabshadaha kale ee dilalka abaabulani ay ka mid yihiin. Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle C/waaxid maxamed Xuseen oo saaka saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qarandiidyada gacanta lagu soo dhigay ay haatan ku xiran yihiin saldhigga Howl-wadaag,oo baaritaano lagu bilaabi dono saacadaha inasoo aadan,kadibna la marsiin doono cadaaladda. “Waad ogtihiin xalay magalada Muqdisho waa ay daganayd marka laga reebo labo bambo oo si fulaynimo ah loogu tuuray hotelka Lafweyn”ayuu yiri afhayenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle C/waaxid maxamed Xuseen oo saaka saxaafada la hadlay. Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee qaabilsan amanka gobalka Banaadir ay laoo bexeen istaraatiijiayd cusub oo ah howlgallo habeenkii la flinayo si loo cuuryamiyo loona qab qabto kooxaha qas wadayaasha ah ee xilliyada habeenkii rabshdaha sameeya. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
-
Xarakada Al-shabaab oo qaadacay ka qeyb galka shirka Asmar
General Duke replied to Juje's topic in Politics
Its great news for the TFG. The rest is unimportant. -
UN security council vows to defend Somalia regime
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
In a resolution unanimously adopted on Monday, it authorised AU peacekeepers to stay for another six months to provide security for a National Reconciliation Congress and to protect the government against Islamist and other opponents. The Council’s warning follows suggestions last week by a senior US state department official that Eritrea, which has been accused of supplying weapons to Somali Islamists, might be placed on the US list of ‘state sponsors’ of terrorism. Read it ans weep. Secessionists, child bombers and the clowns who are in Asmara beware. -
UN vows to defend Somalia regime By Mark Turner at the United Nations and agencies The United Nations Security Council has warned it will “take measures” against anyone threatening Somalia’s western-backed transitional government and told Ban Ki-moon, secretary-general, to draw up plans for a possible UN takeover from African Union troops there. In a resolution unanimously adopted on Monday, it authorised AU peacekeepers to stay for another six months to provide security for a National Reconciliation Congress and to protect the government against Islamist and other opponents. The Council’s warning follows suggestions last week by a senior US state department official that Eritrea, which has been accused of supplying weapons to Somali Islamists, might be placed on the US list of ‘state sponsors’ of terrorism. “We have to put together the case against them. That information is being collected right now,” Jendayi Frazer, assistant secretary of state for African affairs, last week said. “The information so far that we’ve collected is fairly convincing about their activities in terms of ‘state sponsor’ in Somalia.” Isaias Afwerki, the Eritrean president, responded by accusing the US of fuelling conflict in the Horn of Africa. “The US attempt to put into effect its strategy of monopoly and dominance through fomenting confrontation among peoples is leading the world to a dangerous path,” he was reported as saying by the ministry of information. The Council asked Mr Ban to report back in 30 days on how the UN might support the AU mission, and to develop contingency planning for a peacekeeping mission – although diplomats say political and security conditions are not yet in place. The UN will also examine how it can bolster reconciliation talks, which are being boycotted by Islamist leaders, and will report on obstacles to their success. Soucer: Financial Times
-
Walle bal car waakasi qof siifacan uhela halaga helo dadkan. No wonder you folks can't get anythign together. Words from a "Mujahid" who wants to save us. Adeer we have got our act together. Its you who claims SSC and can not take the trip to LAS ANOOD, BADHAN and LAS QORAY. Even though the British once ruled those folks by force.
-
Muqdisho: Maamulka G/Banaadir oo shaaca ka qaaday in maanta ay bilaabatay howlgelinta waaxaha, laamaha iyo tabeelayaasha 23. August 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 23/08/2007 in si rasmi ah loo howlgeliyay dhamaan maamulka waaxaha, laamaha iyo tabeelayaasha degmooyinka gobolka Banaadir. Waxaa kaloo howlgalkan qeyb ka ah dhamaan shaqaalaha nadaafada Gobolka Banaadir, iyadoo Guddoomiyeyaasha degmooyinkana la faray in ay kormeer joogto ah ku sameeyaan maamuladaas iyo shaqaalaha nadaafada G/Banaadir, sidoo kale waxaa la faray iney warbixin joogto ah ka keenaan wixii ku soo kordha si looga mira dhaliyo arimahaas. Madaxda waaxaha, laamaha iyo tabeelayaasha degmooyinka iyo shaqaalaha nadaafada Gobolka Banaadir waxaa iyagana la faray iney guda galaan gudashada waajibaadka loo xil saaray. Sidoo kale Taliyeyaasha saldhigyada Booliska G/Banaadir laga bilaabo 23-08-2007 ayaa la faray in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada degmooyinka, waaxyaha, laamaha, tabeelayaasha iyo shaqaalaha nadaafada G/Banaadir, iyadoo booliska loo xilsaaray nabadgelyada maamulkaas iyo shaqaalaha howsha ku jira. Taliyaha qeybta guud ee Booliska G/Banaadir waxaa lagu wargeliyay isagana inuu saldhigyadaas ku kormeero howlaha ay u xil saaran yihiin si nabadgelyada G/Banaadir loo xaqiijiyo. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Al-Shabaab Oo Qaadacay Shirka ASMARA Muqdisho, Somalia (Calanka.com) 23-Augosto-2007 Kooxda Al-Shabaab ee ka tirsanaa Midowgii Maxkamadihii Islaamka ayaa bayaan ey soo saareen waxa ey ku qaadeceen ama diideen ka qeybgalka shirweyne ey soo abaabuleen golihii Maxkamadaha Islaamka iyo qolada la baxday Barlamaanka xorta ah kaasoo ey ku dhawaaqeen in uu ka furmi doono 01/09/07 magaalada Asmara ee dalka Eritrea halkaaso ey ku sugan yihiin inta badan labadan kooxood. Bayaankan ayaa xarakaadka Al-shabaab ku sheegeen in shirkan uu yahay mid ey isugu imaanayaan kooxo cilmaaniyiin ah (gaalo raac) iyo islaamiyiin qunyar socod ah kuwaasoo doonaya in ey la qaraabtaan ama la shaqeystaan gaalada, waa sida ey hadalka u dhigeene. Al-shabaab ayaa ku eedeeyay kooxda islaamiyiinta ah ee ku sugan Asmara (Eritrea) ee shirkan iclaamiyay uuna horkacayo gudoomiyihii gudiga fulinta Maxkamadahii Islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed in ey yihiin kuwa ka saaray talada gacantii aaminka aheyd islamarkaana ku casuumay shirka cilmaaniyiin diinlaawayaal ah, gaalo raac, daneystayaal iyo haween lasoo qalday. As for their plan and vision, one laughs at such statements. They threatened the NRC and could do nothing more than this.
-
^^^No he is reporting whats on many sites. Its a great news because it proves Sharif Ahme and others in Asmara are without clothes.
-
Mogadishu: security update +interior minister+3000 new police
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Guddomiye Maxamed Dheere “Muqdisho xaalkeedu si weyn ayuu isu badalay wanaag ayaana Muuqanaya iyo amaan la isku haleynkaro” MOGADISHU, Aug 23 (Reuters) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada maxamed Cumar maxamuud (maxamed Dheere) ayaa sheegay in xaaaldda amaan ee Muqdisho ay si weyn usoo hagaageyso oo is badal weyna la dareemayo. “Muqdisho xaalkeedu si weyn ayuu isu badalay wanaag ayaana Muuqanaya”ayuu yiri guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo intaana sii raaciyay in halistii argagixisadu ay sii yaraaneyso Guddoomiye Maxamed Dheere oo u waramayay wakaalada wararka reuters ayaa sheegay in xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho ay soo hagaageyso marka la bar badhigo sidii ayahayd bilihii lasoo dhaafay lagasoo bilaabo 1991-kii markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya. "Boqollaal ayaa ku dhiman jiray Muqdisho maalintiiba,laakin hadda dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa dhintay dhowr ruux oo iyagana sababsabsaday qaraxyada ay haraadiga argagixisadu wadaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Banaadir. "Inta badan dhaqaaleheena waxaanu ku bixinaa xagga amaan sugidda”ayuu yiri Guddoomiyaha oo sheegay in si weyn amaanka looga shaqeeyay inta dhimana lasoo afmeeri doono. Mr.Dheere waxa uu intaa ku daray in ciidamada amaanka ee gobalka Banaadir ay yihiin kuwo isku filan ayna heystaan sirdoon la isku haleyn karo. "haradiga aan badneyn ee argagixisada ah ee wali Magaalada Jooga ama guud ahaan dalka waanu ku daba jirnaaa,meel kasta oo ay galaana waanu uga daba tageynaa”ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Guuddoomiye dheere. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com -
Mogadishu: security update +interior minister+3000 new police
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Ciidamada dowlada Soomaaliya oo hubab iyo Waxyaabaha qarxa ka soo qabtay Magaalada Muqdisho degmooyinka mid ah. 23. august 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada dowlada Faderaalka ee Soomaaliya oo howgallo balaaran ka wada Magaalada Muqdisho. Ciidamada dowlada Soomaaliya oo howlgalladan ka sameeyey deegaano door ah ka mid ah gobalka Banaadir ayaa lugu soo qabtay dad fara badan oo shaki weyn laga qabo ,hub kala duwan oo ay jiraan waxyaabaha qarxa. Afhayeenka dhinaca saxaafadda u qaabilsan ciidamada dowladda C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa sheegay in dadkaasi la soo qabtay ,markii la sameeyey howlgalo aysan u kala harin Boolis iyo Milateri inkastoo laga sheegayo in hubkaan dhawaan la soo bandhigidoono. C/waaxid Maxamed Xuseen oo AllPuntland uwaramayay ayaa sheegay in haatan ay dhow dahay guushii laga gaari lahaa kooxaha nabad diidayaashaa ,balse wuxuu sheegay in laga yaabo 3-da todobaad ee fooda nagu soo heysa lasoo afmeero qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho. Howlgalladan ay Muqdisho ka wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya ,waxaana lugu soo qabtay dad gaaraya 12 qof ayadoo dadkaasina haatan lugu hayo Xabsiyada Magaalada Muqdisho ,waxaana lugu wadaa Baaritaano ku aadan tuhumada loo soo qabtay. Mahan markii ugu horeysay oo ciidamadu soo qabtaan hubab ay ku jiraan waxyaabo qarxa oo dhibaato ku heysa Shacabka Magaalada Muqdisho iyo dad siweyn looga shakisan yahay in ay ka danbeeyaan qaraxyada ka wada magaalada Muqdisho. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland -
^^^I thank you for welcoming me adeer.
-
Ciidamo Bolis Oo Kusoo Fool Leh Mag. Muqdisho ( 3.000 ) Muqdisho, Somalia (Calanka.com) 23-Augosto-2007 Sida ey shaaciyeen masuuliyiinka ka tirsan ciidamada boliska iyo maamulka G/Banaadir ayaa waxaa kusoo fool leh magaalada Muqdisho ciidamo bolis ah oo tababar loogu soo gabagabeeyay mid ka mid ah xerooyinka ciidamada ee duleedka Muqdisho kuwaaso lagu wado in ey kaabaan ciidamada boliska ee horay ugu sugnaa caasimadda. Ciidamada ayaa lagu sheegay in ey qeyb lixaad leh ka geysanayaan sugidda Amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidankaan badankiis ka howl gali doona labada degmo ee ey qaraxyada ka geystaan kooxaha kasoo horjeeda dowladda iyo burcadda kusoo badanaya degmooyinka. Tirada ciidamadan boliska ah oo lagu sheegay 3.000 oo askari ee kusoo foolka leh caasimadda ayaa kusoo beegmay xilli ey dowladdy shaaca ka qaaday in ey wax ka badali doonto amaanka guud ee caasimadda mudo sadex isbuuc gudohood isla markaana ey ka sifeyn doonaan magaalaa kooxaha argagixisada iyo kuwa burcada ah ee caadeystay waxyeeleynta dadka rayidka ah. Amaanka guud ee caasimadda oo ah mid dagan ayaa hadana waxaa kusoo badanayay degmooyinka qaar qaraxyo iyo falal burca nimo ah oo ey badanaa wax ku noqdaan dad shacab ah oo an waxba galabsan. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
-
VOA interview with President Yusuf, again he corrects the TFG..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somali President Rejects Human Rights Watch Report PRESS RELEASE - Washington, D.C., Aug. 21, 2007 - Abdullahi Yusuf, President of Somalia's Transitional Federal Government (TFG), rejected a recent Human Rights Watch report that accused all parties in the Somali conflict of widespread human rights violations and accused the rights group of perpetuating violence in Somalia. In an exclusive interview with VOA's Somali service today, President Yusuf reacted to the report stating, "It's the insurgence groups that ought to be condemned for human rights violations. The TFG is doing all it can to stabilize Somalia, which is a very difficult thing to do." According to the report, Ethiopian groups who backed the government bombed civilian areas indiscriminately, and the government impeded relief efforts for displaced people. It also states that insurgents placed civilians at great risk by deploying in populated neighborhoods. President Yusuf also rejected remarks by the Assistant Secretary of State for African Affairs, Jendayi Frazer, who on Thursday commended the TFG for its reconciliation attempt, but chided it for curtailing the freedom of the press by closing several media outlets and detaining journalists without charge. "I believe [Frazer] was lied to...we believe we are a democratic state that protects the freedoms of the press," Yusuf said.