General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. 1- In beelaha Somaliyeed ay ka heshiiyeen wixii colaad ah ee horay u dhex maray. 2 - In hubka ay dhigaan beelaha laguna wareejiyo dowladda. 3 - In la helo goobo lagu dhaqan celiyo maliishiyooyinka beelaha, ayna furto dowladda goobahaas. 4 - In la dhowro oo ay muqadas tahay midnimada Soomaaliyeed. 5 - In la isu celiyo hantidada ma guurtada ah ee muuqata. 6- In beeshii ka hortimada danta guud ay beelaha hal meel ugu soo wada jeestaan. 7 - In beesha caalamku laga codsado taageero ay u fidiso natiijada shirka beelaha.
  2. 1- In beelaha Somaliyeed ay ka heshiiyeen wixii colaad ah ee horay u dhex maray. 2 - In hubka ay dhigaan beelaha laguna wareejiyo dowladda. 3 - In la helo goobo lagu dhaqan celiyo maliishiyooyinka beelaha, ayna furto dowladda goobahaas. 4 - In la dhowro oo ay muqadas tahay midnimada Soomaaliyeed. 5 - In la isu celiyo hantidada ma guurtada ah ee muuqata. 6- In beeshii ka hortimada danta guud ay beelaha hal meel ugu soo wada jeestaan. 7 - In beesha caalamku laga codsado taageero ay u fidiso natiijada shirka beelaha.
  3. Qodobo Muhiim Ah Oo Lagu Kala Sixiixday Shirka D/Heshiisiinta Muqdisho, Somaliya (Calanka) 19-Agosto-2007 Shirkii dib u heshiisiinta beeelaha ee maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu saxiixay todobo qodob oo ay soo diyaariyeen guddigii loo saaray iney soo habeeyaan go’aanadii ergooyinka kaasoo ay maanta saxiixeen afar beelood. Qodobada ay maanta saxiixeen beelaha 1- In beelaha Somaliyeed ay ka heshiiyeen wixii colaad ah ee horay u dhex maray. 2 - In hubka ay dhigaan beelaha laguna wareejiyo dowladda. 3 - In la helo goobo lagu dhaqan celiyo maliishiyooyinka beelaha, ayna furto dowladda goobahaas. 4 - In la dhowro oo ay muqadas tahay midnimada Soomaaliyeed. 5 - In la isu celiyo hantidada ma guurtada ah ee muuqata. 6- In beeshii ka hortimada danta guud ay beelaha hal meel ugu soo wada jeestaan. 7 - In beesha caalamku laga codsado taageero ay u fidiso natiijada shirka beelaha. Gudoomiye Cali Mahdi Maxamed oo kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay in ay ergooyinka beeluhu ku talaabsadeen tallaabo horumar leh Kulanka ayaa baaqa loogu jediyay in la joojiyo dagalada ka socda deganada Galgadud, Hiiraan iyo Sh/Dhexe, iyadoo isimada, Suldaanada, Boqorada iyo duubabka ay hal cod ugu baaqeen dowladda Federaalka in ay kaalin ka qaadato joojinta dagaaladaasi isla markaana ay diyaariso tasiilaadka lagu aadi lahaa goobaha dagaalada ka socdaan. Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King Kong) oo hadal ka jeediyay ayaa sheegay in aanu suuragal aheyn in shirku sii socdo iyadoo ay isdilayaan dad Soomaaliyeed oo wada degan degano deris wada ah, ayna haboon tahay in lagu baxo daminta coladaas. Dhanka kale waxaa kulanka maanta tacsi loogu diray ehelada qaraabada iyo mushtamaca uu ka geeriyooday Nabadoon Macalin Haaruun Macallin Yuusuf oo ka mid ahaa ka qeybgalayaashii shirka. Calanka.com: Isha Wararka Xaqiiqda
  4. ^^^These are initial steps nothing has been agreed to. As for how long the TFG stays in power it already outlasted all other admins, from A/qasin,Ali Mahdi Aydeed and the clown courts who are now refugees in Asmara.
  5. Somali woman dies in botched rocket attack Friday, August 17, 2007 MOGADISHU (Reuters) - A woman was killed and a police officer was wounded in a botched rocket attack by insurgents in Somalia's capital, police said on Friday. Insurgents opened fire on a police station late on Thursday in the latest episode of sporadic fighting between suspected Islamist militants and Somalia's Ethiopian-backed interim government. "A woman was killed after a rocket fired by the insurgents missed its target and landed on her house, which was next door," senior police officer Abdi Hassan told Reuters. A police officer was wounded in the attack, he said, adding that he was not aware of any other casualties from the ensuing gunfight in northern Mogadishu -- a stronghold of Islamists fighting the government. On Thursday, Uganda said it would send 250 extra soldiers to bolster a 1600-strong African Union peacekeeping mission plagued by the failure of other nations to commit troops. Somalia has been without a functioning government since the fall of military ruler Mohamed Siad Barre's regime in 1991, but violence has worsened since allied Somali-Ethiopian troops ousted Islamist fighters from Mogadishu in December. Source: Reuters, Aug 17, 2007
  6. Muqdisho: Dad fara badan oo lugu qabtay Muqdisho 24 saac ee lasoo dhaafay oo ay ku jiraan dad Ajnabi ah. 17. august 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxda xafiiska xiriirka warbaahinta & dadweynaha ee ciidanka Booliiska G/lle Cabdi-Waaxid Max’ed Xasan ayaa sheegay in ay ciidamada dowlada Soomaaliya soo qabteen 24 saac ee lasoo dhaafay dad kala duwan oo ay ku jiraan Ajnabi uu sheegay in ay argagixiso yihiin. Ciidamada dowlada Soomaaliya ayuu sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad boqolaal gaaraya oo uu sheegay in ay yihiin kuwa qaraxyada ka wada Magaalada Muqdisho ,isla markaana wuxuu sheegay Cabdiwaaxid Maxamed Xuseen in ay dadkaasi ku jireen dadka farsameeyo qalabka wax lugu qarxiyo isla markaana Waqti dhow Maxkamad lasoo taagayo. Madaxda xafiiska xiriirka warbaahinta & dadweynaha ee ciidanka Booliiska G/lle Cabdi-Waaxid Max’ed Xasan ayaa sheegay in dadkaasi waqtigan lugu hayo xabsiyada ay dowladu gacanta ku heyso ,asagoo dhinaca kale sheegay in aysan wax khasaare ah ciidamada ka soo gaarin howlgalladii dadkan lugu soo qabtay. G/lle Cabdi-Waaxid Maxamed Xasan oo la weydiiyay sida ay ku ******** in ay kooxaha ajnabigaa yihiin Argagixiso ayuu sheegay in ayaga ka heleen warbixino kala duwan oo arintaan ku aadan. Sarkaalkan ayaa wuxuu kaloo shaaca ka qaaday in gabi ahaanba lasoo gaaray gabagabadii soo qaqabashada dadkaasi qaraxyada ka wada magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Waa markii ugu horeysay oo ay ciidamada dowlada Soomaaliya si rasmi ah usheegaan in ay soo qabtaan kooxo ka tirsanaa kooxaha weerarada la beegsada ciidamada dowlada Soomaaliya. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  7. Suuqa 2-aad ee suuq bacaad ee Magaalada Muqdisho oo saaka xiran. Mogadishu,17, August 2007 (HornAfrik Media) Ciidamo itoobiyaanka ah ayaa saaka howlgalo baaritaano ah waxaa ay ka bilaabeen deegaanka suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho iyadoo la xirey wadooyinka. Waxaa saaka lagu arkayay deegaanka qeybo ka mid ah Ciidamo aad u hubeysan oo itoobiyaan ah iyo waliba Ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya kuwaas oo soo buuxiyay wadooyinka soo gala suuq Bacaad, waxaana dhamaanba albaabada loo laabay saka goobihii ganacsiga ee suuqaasi. Howlgaladaan ciidamada itoobiyaanka ay gacanta ku siinayaan kuwa dowladda KMG ah ee soomaaliya ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii shalayto deegaanka suuq Bacaad uu ka dhacay weerar bam gacmeed ah oo lala lala bartilmaameedsaday gaadiid ay saarnaayeen ciidamada dowladda, FKMG ah Dhinaca kale waxaa hakad galay saaka howlihii dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee suuqa labaad ee Magaalada Muqdisho suuq bacaad kadib markii ay saameyn xoogan ku yeelatay qul qulatooyinka ka socda deegaankaasi.
  8. Whatever he is Kashafa, the Ethiopians obviously see something that led them to invite him That line from Horn is nearly as ammusinga s wehn he claimed Taano was governer of Lower Juba. Hiiraale is washed up and when it comes you will complain. Remember after Mogadishu its Kismayu turn to be cleansed of JVA. Oh also remmeber Galaal, Culusow and Ugas Dahir of the senior clan used to go to trips to Adis to no avail. Why? Remmeber Ahmed Diriye's claims "we made a deal with Ethiopia". Because its the TFG that decides who gets dealt with in good time. Wait for it son, untill then keep looting, charcoal exporting and claiming every other ***** is Governor mayor of the south.
  9. It will take time, 17 years of mayhem will not change in a year or two. But Somalia is on the road ro recovery.
  10. Keynaan2. The new Kings power is to keep order within the family and families, to give voice to their concerns and to keep traditional customs alive. We in Somalia have a number of royal families, however the title is now less political than symbolic. In Puntland the elders, are well respected they also have played a key role in maintaining order and bringing the various clans closer together. That we all would agree is a wonderful thing.
  11. Boqor lagu Caleemo Saarey Maanta Magaalada Boosaaso Last Updated::2007-08-15 20:59:58 Bosaso:-Waxaa Maanta Hoteel Karaama 2 ee Magaalada Boosaaso lagu Caleemo Saarey Boqor Cumar Ismaacil Maxamed (Sanweyne) kaas oo ay beeshiisu u Caleemo saaratey in uu noqdo Boqorka Beesha. oo ka mid ah Beelaha ugu Balaadhanayaa waxaa ay xilli hore ay go’aan ku gaareen in Cumar Ismaacil (Sanweyne) loo doorto. Xafladii Maanta ka dhacey Hoteel Karaamo two oo ay ka hadleen Mas’uuliyiinta Beesha, Waxgarad, Aqoonyahano, iyo Sugaanyahano, ayaa waxaa ay guud ahaantoodba ay xuseen Baahida loo qabo in uu soo kordho mid ka mid ah Odey Dhaqameed looga baahnaa Saaxada Odey dhaqameedyada Soomaaliyeed. Waxaa ay xuseen Baahida loo qabo in la helo Cadaalad, is Afgarad iyo Xallin Khilaaf sidaas darteedna loo baahanyahay in la helo Odey dhaqameed kaalin baaxadleh ka cayaara dhamaan arimahaas kaa soo ku soo biira Saaxadda Odey dhaqameedyada Soomaaliyeed. Waxaa Madashii Maanta lagu Caleemo saarey Tix Gabey ah ku soo koobey waxaa looga baahanyahay, waxa loo doortey iyo in loo baahanyahay Cadaalad, isaga oo sidoo kale u duceeyey Boqorka Xasan Cali Boos oo ka mid ah Abwaaniinta Deegaanada Puntland sida weyn looga yaqaan. Waxaa sidoo kale halkaas hadalo ka soo jeediyey Ganacsatada iyo Waxgaradka Beesha waxaana ay guud ahaantood ay u soo jeediyeen taageerada ay u hayaan in xiligaan la helo Mas’uul ceynkaan oo kale iyaga oo sheegey in looga baahan yahay dhex dhexaadnimo iyo Cadaalad Sameyn, iyaga oo ilaahey oga baryey in uu u fududeeyo xilka uu qabtey Maanta. Waxaa isna Madashii Maanta hadal ka soo jeediyey Boqorkii Maanta la Caleemo Saarey Boqor Ismaacul Cumar Maxamed (Sanweyne) waxaana uu sheegey in ilaahay idankii uu ka soo baxayo waxa loogu Caleemo saarey , waxaana uu sheegey in xilka ay la wadaagaan Dadka oo dhan loona baahanyahay in ay ku taageeraan Dhamaan wax yaabaha loogu doortey. Boqorka waxaa uu Ilaah uu ka baryey in u fududeeyo Mansabka loo doortey kaas oo uu sheegey in ay ku timid Awooda Rabi. Guud ahaan Munaasabadii Maanta ka dhacdey Hoteel Karaama Two ayaa u soo afjarantey sidii loogu talagaley waxaana dhamaan dadkii ka soo qeyb galey Munaasabadii wajiyadoodii ka muuqatey Farxad. Dhinaca kalena dadka Deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyey Calaama Saarka Boqorka Waxaana ay sheegeen in ay si aad ah ugu faraxsanyihiin in Odey dhaqameed Ceynkaan oo kale ah uu ku soo biiro Odey Dhaqameedyada Deegaanka. Dhinaca kalena waxa la rajeynayaa in dhawaan lagu qabto Degmad Carmo ee Gobolka Bari Munaasabad ka balaadhan tii maanta oo ay ka soo qeyb gallayaan hadii uu alle Isimo Odey dhaqameedyo Soomaaliya Caan ka ah . Mohamed Ali (Dalmar) Ibnucalixirsi@hotmail.com HorseedNet News Desk.
  12. Madaxweynaha Dawlada Federaalka Ah ee Somaaliya oo Shirar kala Goon Gooni ah uga Socdaan Caasimada Dalka Kenya Ee Nairobi Somaliweyn , Khamiis, August 16, 2007 SMC Madaxweynaha Dawlada Federaalka Ah ee Somaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo soo gaaray caasimada dalka Kenya ee Nairobi aya si diiran loogu soo dhaweeyey markuu kasoo dagayey Garoonka caalamiga ah ee Jomma Kenyatta International Airport iyadoo Soo Dhaweynta Madaxweynaha ay si habsamileh uga wada qayb qaateen Masuuliyiin katirsan dawlada Somaaliya iyo Dowlada Goboleedka Somaaliyeed ee Puntland sidoo kale Soo Dhaweynta Madaxweynaha waxaa ka qayb qaatay dad weyne Somalaiyeed oo soo wada qaatay Maryo u eg Calanka Jamhuuriyada Somaaliya. Madaxweynaha ayaa markuu soo gaaray Magaalada Nairobi ayaa waxa uu shirar is daba joog ah la yeeshay masuulyiin kale duwan isgaoona sidoo kale la shiray Madax kasocota dawlada Maraykanka isagoona shirkaas uu aha amid aan loo ogolayn Saxaafada oo ay Al baabadu uxirnaayeen Madaxweynaha iya ragaas ayaa la sheegayaa in ay kawada hadleen Arimo dan u Ah Dad ka iyo dalka Somaaliya. Warar Hosaad soo baxaya ayaa sheegaya markuu Madaxweynuhu dhamaysto shirar kiisa in uu ugudbi doono dalka Ingiriiska Gaar ahaan caasimada Dalkaas ee Lonodon iyadoona ana la shaacin waxa uu madaxweynuhu Lonodon ka doonayo, Dhan ka kale waxaa magaalada Nairobi kusugan R/wasaaraha Dalka Somaaliya Cali Maxamed Geedi isagoona la filaayo in Maalmaha soo socda dib ugu Laabto Dalka Somaaliya gaar Ahaan caasimada Muqdisho Somaliweyn Media Center “SMC” Nairobi/Kenya
  13. ^^Adeer Hiiraale id no longer a figure within the executive branch his moves are to protect the clan militia who hold Kismayu. Just like Riyaale, Selanyo and other secessionists clowns only ever make trips to Adis Ababa. To protect the notion of clan that is Somaliland. Anyhow it wont make a ny difference. The only thing that stops an attack to the JVA is the daily pleading of Bixi and Sayid. Thus its politics. Hiiraale is a washed up man, good luck to him.
  14. ^^^Ethiopia ivited him to tell the old foggy the truth. He can not oppsoe the TFG if he wats to do that then by all means he must go to Asmara. Hiiraale will be briefed well, thats all.
  15. Dawlada Ugandha oo ciidamo cusub u soo diraysa Somaliya Posted to the MOL August 16, 2007, 11:09 am Dawlada Ugandha ayaa maanta ku dhawaaqday inay ciidamo cusub u soo direyso dalka Somaliya. Saraakiisha ciidamada Ugandha ayaa arintaan ogaysiiyay baarlamaanka wadanakaasi. Ciidamadaan oo tiradooda lagu sheegay 250 ayaa ah tababarayaal ciidan oo tababari doona ciidanka dawlada KMG ah. Dawlada Ugandha ayaa horey waxay Somaliya ugu soo dirtay ciidamo gaaraya 1500 oo askari kuwaasoo la rabay inay qayb ka ahaadaan 8000 oo askaro oo ururka midnimada Afrika u balanqaaday Somaliya balse illaa hadda dalalkii ciidamdaas balanqaaday aysan keenin wax ciidan ah. Dawlada Ugandha ayaa u muuqata mid ka dhabaynaysa balanqaadkeedii wallow dalalka kale ee Afrika ay arintaas uga gaabsadeen dhaqaale la’aan soo foodsaartay iyo cabsi ay ka qabaan ciidanka ay u soo dirayaan gudaha Somaliya. Mudugonline.com
  16. Ciidamo Horleh Oo Dowladda Uganda Usoo Direyso Somaliya Kampala, Uganda (Calanka.com) 15-Augosto-2007 Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ey u direyso dalka Somaliya ciidamo horleh oo gaaraya tiro lagu qiyaasay 250-askari kuwaasoo tababaro u fidin doona ciidamada dowladda Somaliyeed. Ciidamadan ayaa la sheegay in ey gaari doonaan magaalada muqdisho 30-cisho gudohood, waxeyna qeyb ka ahaan doonaan ciidamada midowga Afrika ee ka jooga Somaliya gaar ahaan kuwa Uganda oo ey ka joogaan iminka Somaliya ilaa 1500 oo askari. Aronda Niakarima oo ah taliyaha ciidamada Uganda mar uu ka hadlayay ciidamadan kusoo fool leh Muqdisho ayaa ku sheegay in ey yihiin oo kaliya kuwo halkaa u tagaya howlo tababar isla markaana eysan shaqo ku leheyn howlo kale. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in tababarkan ey u furayaan ciidamadooda kuwa Somaliyeed uu qaadan doono fakta hore mudo lix bilood ah. Ciidamada midowga Afrika ee ka jooga Somaliya ayaa waqti loogu daray kadib markii uu ka dhamaaday xilligii loogu talo galay oo ahaa 6-bilood, waxaana loogu kor dhiyay iminka lix bilood oo kale. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  17. Wafdi caalami ah oo maanta Muqdisho gaaray 16 Aug 16, 2007 - 12:51:08 PM Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda kooxda lagu magacaabo guddiga la talinta shirweynaha dib u heshiisiinta iyadoo ay kulamo kala duwan la yeesheen guddoonka shirweynaha dib u heshiintaa beelaha Soomaaliyeed. Wafdigan ayaa waxaa horkacayey xubin ka tirsan xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayna xubno ka ahaayeen wafdigan dalalka Norwey, Belgium, Ururka Midowga Africa iyo Jaamacadda Carabta, iyadoo wafdiga ay sidoo kale kulan la qaateen garab ka mid ah beelaha ****** ee ka soo horjeeda shirweynaha dib u heshiisiinta. Rina Chrismin oo wafdiga ka tirsaneyd kana socotay safaaradda Norweyn ay ku leedahay Nayroobi ayaa saxaafadda ugu warbixisay waxyaabihii ay kala hadleen iyadoo sheegtay in guddigan qaabilsan la talinta caalamiga ah ee shirweynaha dib u heshiisiinta in ay qaadi doonaan tallaabooyin la isugu keenayo dhinacyada ka soo horjeeda shirweynaha isla markaana kooxda ugu weyn ee mucaaradsan shirweynaha ee fadhigoodu yahay ay sheegtay in ay kula kulmi doonaan dalka Jabuuti. Rina Chrismin ayaa sidoo kale sheegtay in garabka mucaaradka ee beelaha ****** ay kala hadleen sidii ay shirka ugu qeyb qaadan lahaayeen isla markaana waxyaabaha ay tabanayaan miiska wada hadalka u soo dhigi lahaayeen, taasoo ay ku guul dareysteen guddigan. Guddigan ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan wada xaajoodyada ay la galayaan cid kasta oo ka soo horjeeda shirweynaha dib u heshiisiinta, iyadoo kulankii ay la yeesheen Guddoonka shirka ay soo dhoweeyeen in shirka laga soo qeybgeliyo koox kasta oo mucaaradsan nidaamka shirka u socdo. Wafdigan ayaa dib ugu laabtay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya halkaasi oo ay ka soo duuleenkii markii hore. Cali Muxiyaddin Cali, Garowe Online Muqdisho, Somalia
  18. Madaxwayne Cadde Muuse oo warbixin siiyay labada gole ee Xukuumada puntland Posted to the MOL August 16, 2007, 1:31 pm Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse Xersi ayaa maanta kulan la yeeshay labada gole ee xukuumadda, wakiilada iyo garsoorka, isagoo faah faahin dheer ka siiyay booqashadii isaga iyo wafdigii la socday ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho. Gen. Cadde Muuse ayaa sheegay in maamul goboleedka Puntland uu kutallaabsaday guulo wax ku ool ah sida dhameystirka saxiixa heshiiska ay wada gaareen dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Puntland taasoo uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu bilowgii ku saxiixay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Generaal Cadde ayaa sidoo kale sheegay in maamul goboleedka Puntland iyo dowladda Federaalka ay isku afgarteen heshiis ay horay Puntland ula gashay dowladda Yeman kaasoo ku saabsan ilaalinta xeebaha iyo badda Soomaaliya oo uu meesha ka baxay khilaaf ay horay u soo jeediyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo maamulka Puntland ku eedeeyay ineysan xaq u laheyn heshiis ay la gasho dal dibada ah iyadoo la ogeysiin dowladda Soomaaliya. Rabiile Gabanow Mudugonline Gaalkacyo