
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
VOA interview with President Yusuf, again he corrects the TFG..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
WAREYSIGII AY VOA LA YEELATAY MADAXWEYNE YUSUF U DHACAY Posted to the MOL August 23, 2007, 8:28 am Waxaa dhawaan wareysi la yeeshay madaxweynaha dawlada KMG ah ee Somalia Mudane c/laahi Yuusuf idaacada Maraykanka ee Voice of America (VOA). Wareysigiina wuxuu u dhacay sidaan:- VOA: Sidee ayay dowladda KMG ah wax uga qabaneysaa rabshadaha ka socda Muqdish? President Yusuf: Meeshu waa caasimaddii dalka, dad badan oo kala duwan ayaa jooga, ma dooneyno in aan xabado ku ridno shicibka masaakiinta ah, waxa kaliya oon ugaarsaneynaa oon raadineynaa waa dadka shidada wada. VOA: Ra’iisalwasaare Geedi ayaa laga soo xigtey in laga fikirayo in aad sameysaan aag loo bixinayo ‘green zone’ oo nabagalyo leh, fikirkaas ma ammaan darro ayaa keentey, sideed adigu u argataa? President Yusuf: Fikirkaas anigu wax kuma lihi, dowladuna iima sheegin, Ra’iislawasaarahana markii uu iddaacadda ka hadlayey ma aan dhageysan, go’aan dowladu leedahey oo noocaas ahna lama socdo. VOA: Waxa jirta in urur u ololeeya xuquuqda aadamaha uu edeymo idiin soo jeediyeen dhammaantiin garabyada Muqdisho isku haya, sideed u argataa eedeyntaas? President Yusuf: Waxa aan u arkaa in waxaas uu yahey wax aan wax ka jirin oo been ah oo la abuurey, waxa waxaas sameenayana waa dadka doonaya in arinka Soomaaliya uu nabad noqdo oo la dhameeyo. VOA: Laakiin madaxweyne soo suurtogal maaha , haddii meesha ay dagaallo ka dhecayaan, oo xabado waawayn lays dhaafsanayo oo dad shacab ah ay ku dhimanayaan iyo dowladdiiba, in ama kama ha ahaato ama ula kacba'e ay dambiyo ka dhan ah aadaminimada ay ka dhici karayaan magaalada Muqdisho? President Yusuf: Yaa kallifaya laakiin inay waxaasi dhacaan, oo dagaallo ay dhacaan? Argagixisadaa kallifeysa, dowladdu nina la dirimayso, shacabkana layn mayso ee waxqabadkeedu waxa weeye, wax sharciga, nadaamka iyo danta guud ee soomaaliya ku salaysane, ee dadka argagixisada ah oo shacabka ku dhex dhuumanaya oo laynaya oo in meesha dagaal ka dhaco kallifaya ayaa horta iska leh dambigeeda ee dowladdu ma leh, ciidamada Ethiopiana ma laha, ciidamda Amisom-na ma laha. Wax xalaal ah haddii ay wataan maxay u tilmaami waayeen oo ay u oran waayeen waxa Xamar ka socda waxa kallifaya waa nimanka Shabaab la baxay, maxkamadihii islaamiga ahaa la baxay oo anagu aan argagixiso u naqaan, kuwaasaa shiddada Soomaaliya ka socota wada, kuwaasaa shacabkii iyagoo aan u kala aabo yeelin laynaya, kuwaasaa dilaya qofkii aan la fikrad ahayn oo dhan ama ha ahaado wax garad amaba siyaasi kuwaasi may eedeeyaan. VOA: Madawweyne, iyaguna way eedeeyeen oo way ku sheegeen inay dhibkaasi sameynayaan, laakiin intiinii ma qaadateen adinku? President Yusuf: Anagu wax la yiraahdo xuquuqda bini’aadamka ayaad ku xad gudubteen ma qaadanayno, mana oggolin, waddankaan amnigiisa inaan xasilino waa ku khasban-nahay. VOA: kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Jendia Frezier waxay sheegtay in dowladda xilli adag ay ku jirto, dadaal wayn aad samayseen, sidii aad mucaaradka ula xiriiri lahaydeen, nabadda aad u soo celin lahaydeen, laakiin haddana dhinaca kale waxay tiri dowladdu waxay samaysaa xiritaan aan loo kala aabbo yeelin, isla markaana waxay cadaadis ku haysaa saxaafadda. President Yusuf: waxaan anigu u aqaan qof soomaaliya saaxiib la ah runtii oo dooneysa in Sooaaliya ay xasisho oo sharafteedii iyo qaran-nimadeedii la soo noqoto, waxaanse hadalkaa oranaya iyadoon aan laga fiirsan baa dadka layska xir xiraa u arkayaa inay tahay wax aan waxba ka jirin. VOA: Dhinaca saxaafadda laakiin madaxweyne waa jiraa caadis ah in idaacado la xiro, marka waa maxay bay kula tahay sababta dhibkaa loo gaysanayo? President Yusuf: Mar kaliya ayaanu billowgii maalin kaliiya la xiray idaacadda la yiraahdo Horn Afrik, ka dibna waa la furay, dib dambana idaacad looma xirin, laakiin idaacaduhu adiga aan ku waydiiyee haddii raadiyayaashu ay dadka ku guubaabiyaan dowladda diida, nbadda diida, shirka qaranka oo socda diida, dadka shacabka ah laaya haddii ay ku guubaabiyaan, adiga maxay kula tahay inaan yeelno. VOA: Madaxweyne goormaa laga yaabaa inaad ka maarantaan joogitaanka ciidamda Ethiopia oo ay dad fara badani ka cabanayaan? President Yusuf: ciidanka Ethiopia dad badan ka carari mayaane, dadka ka cararaya waxa weeye kuwa aan nabadda rabin, Ethiopia cidna wax ma yeelin, dhibaatana uma gaysan, dadka argagixisada kaliya ayaanu hor taagan-nahayoo shacabka Soomaaliyeed taanu rabno inaanu ka saarno dhibka shiddada weeye. VOA: Dhibka ciidamad Ethiopianku ay gaystaan yaa masuul ka ah? Ma iyaga mise adinka? President Yusuf: haddaan Lillaahi kuu sheego, dowladda Ethiopia ciidankeeda waxaa u yeeratay dowladda Soomaaliyeed, labadan dowladoodna ula jeeddadooda waxa weeye inay badbaadiyaan oo xasiliyaan waddankan ela jeeddadu waa intaa uun. VOA: madaxweyne-nimadu waa howl adag, inkastoo aad dadaal fara badan ku soo bixisay, maka daashay bay kula tahay shaqadan hadda, maxaase ku caajis galiya? President Yusuf: Adeer daali mayo anigu, waayo waxaan ogahay waajibka isaaran. Waxaa diyaarshay Mohamed Hussein osman -
Maamulka Gobolka Banaaadir sheegay in la furay suuqii weynaa ee Bacadlaha degmada Xamar weyne Mogadisho, Khamiis , August 23 2007 SMC Qoraal ka soo baxay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaaadir Max’ed Cumar Xabeeb (M.dheere) ayaa wareegto uu soo saaray lagu sheegay in albaabada loo ballaqay suuqii weynaa ee Bacadlaha degmada Xamar weyne. Sidoo kale waregto kale oo iyane ka soo baxday isla xafiiska duqa magaa alda muqdisho ayaa lagu amray milkiilayaasha gaadiidka dadka qaada ee pl ka oo u kala baxa 3 qeybood 1- B-L ka xamar 2- - Gaadiidka gobolada 3- Tagsiyada Waxaa la farayaa in ay isla diiwaan geliyaan xafiiska iskaashatada gaadiidka gobolka banadir eek u yaala ka soo horjeedka Ex – fiyoore laga bilaabo 23 -08-07 kuna eg 07-09-2007. Waxaa kale oo la farayaa gaadiidka gobolka banadir iyo kuwa gobolada u baxa in ay degaan boostejooyinka barxada shineemo hodan iyo ka so horjeedka isgoyska fagax ee xerada kaluunka . Waxaa sidoo kale la farayaa ciidanka joogo koontroolada xamar babuurkii aan wadan warqada fasaxa iskaashatooyinka ,in lagu ganaaxo sh: so: 1.500.000 (halmalyan iyo shanboqol oo kun ). Cidii u hogaansami weyda waxaa lagu ganaaxayaa sh: so: 3.000.000 sadax milayan waxaana loo aqoonsanayaa cid kazoo horjeedo awamiirta ay bixiso dowladu wada shaqeyn wacacan Wareegtadaan ayaa waxaa ku saxiixnaa gudoomiyaha gobolka banadir ahna duqa magaalad amuqdisho Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.
-
Muqdisho: Guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir oo dhagaxii ugu horeeyay dhigay dhismaha MCH cusub 23. August 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada Md. Maxamed Cusmaan Dhagax Tuur ayaa maanta dhagixii ugu horeeyay dhigay dhismaha xarun lagu daryeelo hooyada iyo dhalaanka (MCH) oo ku taal degmada Dharkinleey ee Gobolka Banaadir. Munaasabada dhagax dhigan oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka tirsan agaasimayaasha waaxyaha maamulka G/Banaadir oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Waaxda dabagalka canshuuraha Aamino Muuse Cadde, Agaasimaha warfaafinta ahna afhayeenka Gobolka Maxamed Muxiyaddiin Cali, Guddoomiyaha degmada Dharkeenley Xaaji Cabdullaahi Cali Hilowle iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay dadweyne aad u fara badan. Md. Dhagax Tuur oo ka hadlayey fagaarihii dhagax dhigaas ayaa sheegay in dhismaha MCH-kan uu hirgelinayo maamulka G/Banaadir, ujeedada ka danbeysana ay tahay in Gobolku arko Hooyo iyo Dhalaan ka fiyoow cudurada, oo hela dawooyin lacag la’aan ah, wuxuuna intaas raaciyay in 16-ka degmo ee G/Banaadir uu gobolka go’aansaday in degmadii aan laheyn MCH loo dhiso. Guddoomiyaha degmada Dharkeenley oo isagana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadweynaha Dharkeenley ay farxad u tahay dhismaha MCH-kan oo uu sheegay inuu noqon doono kii ugu horeeyay ee laga hirgeliyo deegaankaas. Guddoomiye ku xigeenka iyo madaxda la socotay waxay kaloo soo kormeereen dhismaha Kawaanki iyo balanbaladi hore ee suuqii Dharkeenley, taas oo Guddoomiye ku xigeenku sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan leh loo dayactiri doono si dadka deegaankaas ku nool ay ugu baxaan dhibaatada xaga suuq la’aanta ah ee heysata. Md. Dhagax Tuur wuxuu isla maanta sidoo kale kormeer ku tegay xarunta Hooya iyo dhalaanka ee degmada Wadajir halkaasoo uu warbixin kaga dhageystay Safiyo Maxamuud Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiinta MCH-kaas, taasoo sheegtay in maamulka G/Banaadir ay ka codsaneyso iney gacan ka geystaan baahida qalab, dayactir iyo adeeg ee MCH-kaas u baahan yahay, wuxuuna Guddoomiye kuxigeenku u balan qaaday in inta karaankiisa ah uu Gobolka Banaadir xooga saari doono wax u qabashada hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed. Mudada uu socday kormeerka Guddoomiye ku xigeenka uu ku marayey degmada Wadajir wuxuu kaloo soo booqday saldhiga Booliska ee degmadaasi, isagoo warbixin kaga dhageystay Taliyaha saldhigaas Dhamme Aadan Maxamed Yuusuf (Aadan Boolis), wuxuuna Guddoomiye ku xigeenku ku booriyay booliskaas iney xooga saaraan adkeynta nabadgelyada degmada Wadajir, isagoo intaa raaciyay in maamulka gobolku gacan ka geysan doono baahida ciidamada Booliska ee saldhigaas Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Rwanda trains Somali forces Edwin Musoni And Charles Kazooba Monday, August 20, 2007 KIGALI / KAMPALA (New Times) - RWANDA is currently offering professional military training to Somali government forces in a bid to enable them deal appropriately with the raging conflict in the troubled Horn of Africa country. "Following requests from the African Union and the Somali Transitional Federal Government to contribute to the peace process in Somalia, Rwanda pledged to provide professional training to the TFG's forces, and that has started," Military Spokesman Major Jill Rutaremara said yesterday. He said that the training of the Somalis started on May 21 at RDF military schools. He however declined to disclose the duration of the training, and the exact venues where it is being administered from. "The training is being funded by Rwanda and it is in line with the Rwanda Defense Forces' constitutional obligation of Regional and International peace maintenance," said Rutaremara. Rwanda has thousands of military and police peacekeepers in various parts of the world including Sudan's Darfur, where a hybrid AU-UN force is expected to take over from an exclusive AU mission later this year. Other African countries contributing to Somali peace process include Uganda - the only country that has so far sent peacekeepers to the troubled country, Ethiopia and Tanzania. Earlier this year, Somali President Abdullahi Yusuf visited Rwanda and personally requested the latter to contribute to the peacekeeping mission in his country. However, President Paul Kagame later promised that Rwanda would provide any form of contribution including training but peacekeepers since it was already engaged with several other peacekeeping operations. Meanwhile Uganda's Defence Minister Crispus Kiyonga said last week in Kampala that Ethiopia, Rwanda, Tanzania and Uganda, and the African Union (AU) were considering modalities of training Somali forces into a modern army. He said the training would most likely take one year. Kiyonga said his government would soon send another 250 troops in addition to the current 1,500 Ugandan peacekeepers in Somalia. The peacekeepers are there to protect the Transitional Federal Government and its installations, develop the capacity of the forces and also protect distribution of relief. "We are both encouraging dialogue and building capacity in Somalia. That was part of our mandate and we shall go ahead. But we are still talking with AU and if all goes well in less than a month we shall have sent the troops," Kiyonga said. Other countries that had promised peacekeepers are still reluctant to commit their troops to the mission, which is still considered by critics as risky. Kiyonga said because of the constrained small peacekeeping force, the mission was limited to protecting the president, premier and airport, which is vital for the incoming supplies and the seaport. However, Kiyonga said that Uganda, Rwanda and Tanzania will train the Somalis independent of Ethiopia, which has been accused of occupying Somalia. Ethiopian troops single-handedly secured Boidoa - the seat of the TFG - in December 2006 from the Islamic militants who had threatened to dislodge the transitional government. Authorities in Kampala disclosed that the Somali Defence Minister met his Ugandan counterpart to access the situation recently. Kampala is worried that the African countries that had promised to offer troops for the peacekeeping mission may after all not honour their commitments. But Ugandan officials argue that when the UN takes over the mission from the poorly financed AU "things could improve." Since early this year, the peacekeepers have only been paid the salaries for March and April yet at the end of July, the mandate was extended by six more month. Source: New Times, Aug 20, 2007
-
The Last Hope for Somalia and the Wahabi Threat
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. -
-
Major clans of Bay & Bakool sign agreement. source
-
The Last Hope for Somalia and the Wahabi Threat
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Why? -
The Last Hope for Somalia and the Wahabi Threat
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Why? -
National Security forces display more weapons seized from criminals
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
DKMG ah oo soo bandhigtay hub laga soo uruuriyay qeybo ka mid ah Muqdisho Mogadishu 20, August 07 ( Sh.M.Network) Xarunta taliska ciidamada booliska ayaa maanta lagu soo bandhigay hub ay ciidamada dowladda ku soo qabqabteen howl-gallo ay ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banadir. G/lle Cabdi Waaxid oo tusaya saxaafadda sunta dadka ka ilimeysa oo ay soo qabteen ciidamada dowladda Qoryo gacmeedyo badan oo ciidamada dowladda ay ku soo qabteen howl-galladooda baaritaanada ah Rasaasta B-10 ka Mid ka mid ah hoobiyeyaashii ay soo qabteen ciidamada dowladda Afhayeenka ciidamada booliska dowladda KMG ah C/waaxid Max'ed Xuseen ayaa waxa uu saxaafadda uga war bixiyay hubkaan, isagoo tilmaamay in ciidamada booliska ay ku soo qabqabteen hubkaan howl-gallo baaritaano ah oo ay ka sameeyeen meel u dhow Hotel Ramadaan, deegaano ku dhow Suuq Bacaad iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho. Hubkaan ay ciidamada dowladda soo bandhigeen ayaa waxaa ku jira qoryo Gacmeedyo iyo miinooyin aan qarxin oo ay la socdaan Remote kii laga hagayay. Afhayeenka waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay wali badaan baaritaanada ay ku uruurinayaan hubka. Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli dowladda KMG ah ay wado dadaalo ay ku dooneyso in ay ku soo celiso amaanka, inkastoo wali ay socdaan qaraxyo iyo weeraro lala beegsanayo fariisimada ciidamada dowladda. -
US support for TFG to the tune of $149 million,
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Washington,DC: Dowlada Mareykanka oo soo dhaweysay qodobadii ka soo baxay Shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed. 20. august 2007 Washington,DC(AllPuntland)- Warsaxaafadeed laga soo saaray Wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey Qodobadii shalay ka soo baxay shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed. Xukuumada Mareykanka ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso shirka Muqdisho sida uu socda ,isla markaana qodobadii shalay yihiin kuwa lugu farxo loogana baahan yahay beelaha Soomaaliyeed in ay sida ay tahay fuliyeen. Xoghaya arrimaha dibeda ee dalka Maraykanka Condoleezza Rice ayaa sheegtay in ay cod ku taageerayso shirka Dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ,ayadoo ergada ugu baaqday in aysan qodobadii ay gaareen aysan Muqdisho uga tagin. Condoleezza Rice ayaa intaasi raacisay in looga baahan yahay ergada in Jawiga labaad ee shirka siwanaagsan looga wada hadalo ,si bay tiri dalka Soomaaliya looga saaro dagaalo ahli ah oo ku jiray waqti dhan 17 sanno. Dowlada Mareykanku waxa ay sidoo kale ku baaqday in kooxaha ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya ay tagaan magaalada Muqdisho kana qeybgalaan shirweynaha soomaalidu iskugu timid ee Magaaladaasi ka socda. Warsaxaafadeedkan ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa ku soo beegmay ayadoo shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo si xawli ah uga socda magaalada Muqdisho. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland -
The Last Hope for Somalia and the Wahabi Threat
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Excellent article which carries insightful views and the sentiments of the majority of the people. From brother Camir. -
The Last Hope for Somalia and the Wahabi Threat by Sarmaan Ramses Saturday, August 18, 2007 Source: Hiiraan.com Somalia is going through a dire change, a change which can make it or break it for good. And it’s the assumption of the well-intentioned Somali public at large that there’s a glimpse of hope in regaining lost nationhood through the current political process in Somalia. Those who support the existing political process, however, are not in support of the individuals behind the scenes nor even hold some of these individuals in higher esteem. But the expectation is that, at least this process will usher in much needed law and order, institution building, human rights and property rights protections and all the other foundations of a civilized society. In the past, Somalis were hastily disillusioned with the imperfections inherent in any peace process outcome, thus expecting perfections from the get go—that mindset must have changed now, after witnessing failure after failure of the past countless reconciliation conferences’ outcomes. However, lately it became customary for the international community namely the EU, US, and the UN, as well as a number of Somalis in the Diaspora, to strongly urge the Transitional Federal Government (TFG) for an inclusive reconciliation with the ICU and other dissident groups. So who’re this opposition groups that the TFG should negotiate with and include into the political process? The opposition to the TFG is mainly composed of two groups with different agendas. One group is the Islamic Courts Union (ICU), and the other group is mostly the disgruntled group of warlords and other opportunists who insist on their way or the highway, without any clear agenda except to preserve their looted wealth and status acquired by the point of the gun during the civil war. This latter opposition group is composed of hollow individuals and war profiteers without the least weight in the opposition except hiding behind the ICU and its Wahabi groups. By far the most determined opposition to the TFG is the Islamic Courts Union (ICU) and its cohorts. The ICU initially started as the protectors of the abhorred war profiteers’ interest in Mogadishu and are mainly composed of one clan, and the majority of Somalis perceive the Islamic courts’ leaders as the same old warlords and politically motivated groups--just this time under the smokescreen of religion. Thus, it’s only reasonable to argue, how should these clan elements be included now in the Somali political process while deceptively using religion as a gambit—which is another new dimension into the Somali turmoil? Moreover, the Somali political institutions are already clan based representation such as the Somali Federal Parliament which later elects the president. Also, all the clans already make up the composition of the cabinet of ministers or at least expected to be. Therefore, should one accept the ICU to act as moral judges on the other clans and we should create just for them an additional layer on the current political institutions –– say, an ICU upper house of the parliament! It’s preposterous. However, let’s even say for the sake of peace, that we agree to include the ICU into the political process, but eventually, the religious masquerade the ICU’s cohorts (the Wahabi) espouse will in reality pose the greatest threat to the existence of Somalia. Particularly, in a volatile region as such that is already much of the focus on the conflict between the West and the Wahabis. Nevertheless, this is just one face of the ICU and to that effect it is the most negligible face of it as long as it’s a clan domination agenda. The other lethal and most destructive face of the ICU is the International Wahabi (Salafi) Groups who later joined the ICU—the key word here is, later joined-- and started mobilizing themselves all over Somalia and abroad in order to exploit and expand upon the opportunity when the ICU defeated the other warlords in Mogadishu, and the prospect of a complete Wahabi take-over on Somalia proper became almost an attainable objective. Thus, the Wahabi groups’ key goal is to use Somalia as another front for the Jihad against the West and as a battleground for confrontation with Western secularism and what they consider as a direct threat to Islam. This is not a secret plan, but it’s a plan that had been continually echoed by the various International Wahabi groups, to have as many fronts as possible to wage war against the secular West—that’s why many more Wahabi foreigners were trickling into Somalia to fulfill that aim. Somalis should very well be aware that the Wahabi groups are not mainly concerned with the welfare of the Somali people and their nostalgia for a stable state that takes care of its citizens and rebuilds the country after the many years of a devastating civil war. Also, in spite of what any Wahabis’ aim might be whether justified or unjustified to confront the West, Somalia should be off limits to their craze of using it as another battleground front. As we witness the situation in Iraq and Afghanistan, country rebuilding and stability is the least of the Wahabi groups’ concerns as long as they can wage a Jihad against the secular West and therefore get their ultimate prize – a ticket to paradise. The Wahabis believe everything else is meaningless and worldly pleasure, and worse yet, any civilian casualty is just a collateral damage as the situation is today in Mogadishu—this is a dangerous thought to entertain and very ungodly. Somalia and many other developing countries have a recent bitter experience from the Cold War era, when these countries became a test ground of might and outmaneuver between the two major opponents of the cold war at that time, namely the Soviet Union and the US. And this is mainly what contributed to the civil wars, guerilla wars and underdevelopment that many of these countries had endemically suffered. Thus, any rational Somali patriot would by any cost avoid implicating Somalia in another ideological conflict regardless how grandiose the ideology might be, as that ultimately will not benefit Somalia—the Wahabi groups should have learned from the history and implications of the Cold War, but obviously they could care less as they are more geared unwittingly towards the afterlife. Additionally, many Somalis directly blame the ICU for the reason Ethiopia overtly invaded Somalia by issuing threats against her and engaging in the oft misapplied rhetoric of Jihad, and also resuscitating old hatreds that historically led the two countries on to a blood path. The Wahabis or any religious extremists for that matter, unsophisticated as they are, always lack any foresight to their actions except naively believing that God is constantly on their side and will eventually make them the winners— only one wonders what they’re thinking now in Somalia! That naiveté and lack of forethought is what inevitably brought Somalia under a foreign occupation of the worst kind—what many Somalis deem as a shameful occupation from a poor neighbor and a former adversary. Thus, those who unwisely support the ICU and its Wahabi cohorts are only prolonging the shameful Ethiopian presence in Somalia, because Ethiopia achieves a lucrative business from her Somalia adventures through aid and other financial support from the West as an ally against the war on the Wahabis, and her presence in Somalia serves as a great distraction from the world attention on her homeland woes—this is a new life line for her survival. More importantly too, if the Wahabi groups ever gain control over Somalia -God forbid- it will be a real disaster for the future of the country, as Somalia’s almost entire cadre and best educated children immigrated to the West and elsewhere. It will be impossible for these expatriates to eventually return their country and coalesce under the leadership of these extreme and unsophisticated individuals who only think and act in extreme measures under the guise of applying God’s laws, while also muzzling the freedoms of speech and expression that many Somalis became accustomed to and cherish while living among democratic societies. Unarguably too, the real plight of Somalia was not only the emergence of the warlords onto the scene but the greatest catastrophe of all was the brain drain that ensued the civil war. Therefore, Somalia has its own problems and this Wahabi agenda would further make matters worse. So far, the facts on the ground indicate that the Wahabis have already well subdued the general population in Somalia during the long civil war years, by spreading and imposing with the Saudi and the other Gulf states’ Wahabi funds a fanatic ideology on the Somali Muslims. While using the miserable civil war as a pretext to cement and propagate the Wahabi formula of Islam as a successful formula that would lead to a better society with high morals, and since they make believe the old formula of Islam in Somalia failed to solve the problems that led to the civil war—this was no brainer to convince anyone, because in desperate times all desperate measures become viable options. Thus, forcing the TFG to negotiate with these extreme Wahabi groups and including them into the political process will in the future open a Pandora’s Box for these groups to outmaneuver anyone else in an open democratic society, since they have the advantage of having already Talabinized almost the whole society in Somalia. And to make matters far worse, the US intelligence (CIA) recognizing the fact of the meteoric rise of these extreme Wahabis in Somalia started funding the reviled warlords in order to get rid of the ICU and its Wahabi cohorts, this misstep was by far the gravest mistake and biggest blunder of all. This strategy adopted by the CIA led the Wahabi groups and the ICU to get far more support than they would have ever expected to gain, and significantly strengthened their argument and position that the West is an arch enemy to the Somali Muslims as long as the US openly sponsored and supported the reviled warlords who kept that nation hostage for almost two decades—it’s from this perspective where they gained the term “grass roots movement”. Now, it’s the same mistake again, if the direct Ethiopian presence in Somali soil continues, especially that it’s well known that the Ethiopian forces are there with the blessing and material support of the US government. This Ethiopian presence will be another rallying cry for the ICU and its Wahabi cohorts to unite the already Talabanized general public in Somalia and enable them to continue their campaign—is there a lesson learned? In conclusion, the international community should not make a condition on the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia to engage with those who harbor the International Wahabi Groups’ agenda to use Somalia as a battleground front, along the same lines of Iraq and Afghanistan. The world community should instead help Somalia now more than any other time before, in strengthening the existing institutions and providing all the necessary support to bring about peace and order in that country as that eventually will contribute to regional peace and later to world peace. Somalia badly needs creating its own strong security forces and all the other necessary tools for a state to function, in order for the TFG to rid itself as soon as possible from the disgraceful Ethiopian influence on it, which only enhances the Wahabi groups’ justifiable call to overthrow the TFG—the Ethiopian red herring must be eliminated as a raison d’etre for the ICU and Wahabi groups’ survival and possible metamorphosis into nationalist movement. -------------------------------------------------------------------------------- Sarmaan Ramses, Sarmmani@yahoo.com
-
National Security forces display more weapons seized from criminals
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
pics -
Taliska Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay hubka ay howlagaladooda ay ku soo qabteen maalmihii ugu dambeeyay. Muqdisho (WNT)-Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta waxa ay soo bandhigeen hub aad u fara badan oo ay howlgalada ugu dambeeyay ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho. Madaxa xariirka dadweynah iyo saxaafada ee ciidamada Booliska C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa waxa uu sheegay in hubkaan ay ka soo Qabteen degmada hilwaa xaafada Suuq bacaad wuxuuna sheegay in hubkaan uu isugu jiro Qoryaha garabka laga rido ee loo yaqaano R.B.J (Baasuuke) iyo hubkale oo aad u fara badan isla markaana howl galkaan ay sii wadayaan ciidamada ilaa iyo in ta laga xaqiijinayo Amaanka Magaalada Muqdisho Madaxa xiriirka dad weynaha iyo saxaafada ee Ciidamada booliska DFKM waxuu in taasi raaciyay in hubkaan ay soo qabteen ay ku soo war galeyeen dad weynaha ku dhaqan xaafadha ay ciidmadaan howl galka ay ka sameeyeen. Soo ban dhigida hubkaan ayaa ku soo aaday xilli uu Maamulka G/banaadir uu shaaciyay in uu wax ka qabandoono amni darada ka taagan Magaalada Muqdisho. Maxamuud Maxamed. Waayaha.net,Xafiiska Muqdisho,Soomaaliya
-
Mayor names the head of the snake, they will be sent to Eritrea
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maamulka Goblka Banaadir oo eedeeyey qaar ka mid ah idaacaha Muqdisho Muqdisho (WNT)-Gudoomiyaha G/banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho ayaa Maanta ku eedeeyey Qaar ka mid ah idaacadaha Magaalada Muqdisho in ay wadaan Barakicinta shacaba wuxuuna,iyadoo idaacadahaani doonayaan in ay ka shaqaynayaan sidii iskaga horkeeni lahaayeen shacabka iyo Maamulka dowlada DFKM. Maxamed Dheere oo Maanta ka hadal ka jeeday hub ay soo bandhigeen taliska booliska G/banaadir ayuu sheegay in idaacadahaan ay wadaan barakicinta shacabka isla markaan ay idaacadahaan ay doonayaan sidii ay iskaga horkeyni lahaayeen shacabka iyo dowlada DFKM, asagoona Tusaale usoo qaatay idaacada Hornafric waxuuna idaacadahaan ugu baaqay in ka hadlaan xaqiiqda dhabta ah ee Markaasi taagan. Max'ed Dheere ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dadka u barakacay n Muqdisho iyo Afgooye ay yihiin dadka wax ka og Qaraxyada ka dhaca Magaalada muqdisho waxuuna sheegay in dadkaan looga baahanyahay in ay dib ugu soo laabtaan gooba ay ka barakaceen. Maxamuud Maxamed. Waayaha.net,Xafiiska, Muqdisho,Soomaaliya. -
US support for TFG to the tune of $149 million,
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Condoleezza Rice oo dhambaal bogaadin ah u dirtay shirka dib u heshiinta Somaliya Last Updated::2007-08-20 07:31:27 Xoghaya arrimaha dibeda ee dalka Maraykanka Condoleezza Rice ayaa waxaa ay dirtay ka qayb galayaasha shirka dib u heshiinta qaran ee ka socda Muqdisho dhambaal ay --- ku bogaadinayso guulihii uu shirka ka gaaray wajigiisi kowaad ee laga soo gudbay iyo horumarka uu gaaray shirku ilaa iminka . Waxaa Condoleezza Rice ay dhambaal keeda ku sheegtay in xalinta colaadaha mudada dheer ee ay ka qayb qaataan dhamaan beelaha ,ururada bulshada ,ururada haweenka iyo culu'ma'udiinku iyo ganacsatada waaweyni ay tahay talaabada u horeeysa ee loo qaaday dhinaca ku soo dabaalida Somaliya xasilooni iyo nabad waarta. Waxaa ugu damaynti ay Rice ku sheegtay dhambaalkeeda mawqifka Maraykanka ee ku aadan in dhamaan Somalidu ay ka qayb gal waxku ool ah ka geystaan shirka dib u heshiisinta qaran kaas oo u jeexaya DFKS tubta mudada uga harsan waqitigeeda si markaas loo qabto doorooshooyin qaran sanadka 2009 Faysal wakaalad wakaalad@hotmail.com -
Maraykanka oo ku balan qaaday inuu DFKS siinayo 149.3 malyan oo dollar Last Updated::2007-08-20 07:33:36 Madaxweynaha Somaliya Cabdulahi Yusuf Axmed ayaa daboolka ka qaaday in dawlada Maraykanku ay ku balan qaaday in ay DFKS siinayso 149.3 malyan oo dollar taas oo qayb ka ah taageerada Washington ee ku aadan dawlada Somaliya Madaxweyne Cabdulahi Yusuf oo dhowaan ka soo laabtay booqasho uu ku tegay magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in kaalmadani ay muujinayso in dawlada Maraykanku ay diyaar u tahay ina ay ka taageerto DFKS sidii ay Somaliya uga saadhi lahayd xasilooni darrida isla markana ay u xaqiijin lahayd nabad waarta oo ka aslaxda dalka Somaliya . Waxaa madaxweynaha Somaliya intaa raaciyay in horumarkan la gaaray wada xaajoodyo kadib dhex maray isaga iyo ergayga Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somaliya John M. Yates iyo madaxa hay'ada USAID Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaliya Cabdulahi Yusuf Axmed oo ka faalooday hawlgalada xoogan ee dhinac amaanka ee ay magaalada Muqdisho ka wadaan ciidamada DFKS oo ay garab siinayaan ciidamada Ethiopia ayaa waxaa uu sheegay in hawgaladan ay ka sii socon doonaan gebi ahaanba Somaliya ilaa laga soo afjarayo amaan darrada ka taagan dalka. Faysal wakaalad HorseedNet.com
-
Max'ed Dheere oo ku eedeeyey odayaasha beelaha iyo Baarlamanka xorta ahi inay ka danbeeyaan ammaan darida ka jirta Muqdish Muqdisho (WNT)-Guddoomiyaha G/banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Maxamed Dheere ayaa Maanta ku eedeeyey Odayaasha dhaqanka iyo midnimada bewelaha ****** garabka uu hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad iyo kooxda la Magac baxday baarlamanka xorta ah ee jooga Magaalada Asmara in ay ka dambeeyaan qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Magaalada muqdisho. Hadalkaan ayuu ka sheegay Maxamed Dheere xarunta Taliska booliska G/banaadri oo manta lagu soo bandhigay,waxana uu ku eedyeeyey uu sheegay in dhibaatada ka tagaagan Magaalada muqdisho ay ka dambeeyaan odyaasha ****** garabka uu hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad iyo kooxa lamagac baxaday Baarlamaanka xorta ah isla markaana uu sheegay in hadii falalka ay ku juraan ay ka joogi waayaan ay cawaaqib xumo la kulmidoonaa sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir. Maxamed dheere ayaa sidoo kale sheegay in Odayasha ****** ay doonayaan sida ay u majo xaabinlahaayeen maamulka Gobolka Banaadir islamarkaana ugu baaqay odayaasha in dalka ay isaga baxaan oo ay Aadaan dalka Eritrea oo ay ku sugan yihii golihii Maxaakimta islaamiga iyo kooxda la Magac baxday Baarlamaanka xorta ah. Eedaantaan ka soo yeertay Maamulka Goblka banaadir ayaa waxa ay noqoneysaa Markii 2aad uu u soo jeediyo Odayaasha ****** garabka uu hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad xilli uu maamulka gobolka banaadir uu dhawaan uu sahaaciyay in uu wax ka qabandoono amni darada ka taagan Magaalada Muqdisho. Dhinaca kale odayaasha ****** oo eedayntaas uu jeediyey Max'ed Dheere ka jawaabayey ayaa sheegay inaysan ka dambeynin qaraxyada ka dhaca Magaalada muqdisho waxeyna sheegeen in aysan ka baxeyn dalka isla markaan Maxamed Dheere looga Baahanyahay in uu raali galin uu ka baxiyo hadalka uu ka sheegay idaacadaha Magaalada Muqdisho. Odayaashaan oo aanu qaarkood khadka telefoon aanu kula xariiray ayaa waxaa ay in taasi ku dareen in Maxamed Dheere kolkii uu wax ka Qaban waayay amni darada ka jirta Magaalada Muqdisho uu edeyn u soo jeedinayo odayaasha ****** iyagu aan wax lug ah ku lahayn dhacdooyinka ka jira magaalada Muqdisho waa sida ay hadalka u yiraahdeene. Maxamuud Maxamed. Waayaha.net,Xafiiska Muqdisho,Soomaaliya.
-
-