General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Whats the foreign diplomats name? Or is the lazy author just rehashing yesterdays news. The meeting was a success, its job was to make peace between the clans who fought each other. It was not to form a government or reconcile defeated Xasan Dahir and his clowns to President Yusuf. Thats a long term issue.
  2. Emperor & Camir. I think some people wanted everything to improve with this single meeting. It was not a panacea, but a firts step towards peace. There will be many other steps taken insha Allah but the clans have made peace in all places Mogadishu.
  3. Oodweyne you have a right to your opinion but the clans from Somaliland did send reps.
  4. Yes indeed elders from Somaliland attended as memebers of the wider clan who also reside in the south.
  5. Xaaji Cabdi IImaan Cumar Xaaji Cabdi Imaam Cumar oo ah Gudoomiyaha golaha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo ka hadley shirka ayaa wuxuu xusey in shirka ay ku faraxsan yihiin beel ahaan dhamaan qodobada lagu gaarey, waxaana Xaajigu uu carabka ku adkeeyey in beel ahaan fulin doonaan wixii shirka ka soo baxa.
  6. Boqor C/laahi Boqor Muuse Boqor C/laahi Boqor Muuse oo ah boqorka Beelaha oo ka mid ahaa xubnihii shirka ka hadley ayaa sheegay in uu si weyn ugu mahadcelinayo gudiga shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna Boqor King Kong uu ka codsadey ergooyinka shirka ka qayb galaya inay bilad sharaf gudoonsiiyaan Gudoomiyaha shirka Cali Mahdi Max’ed kaalintii uu ka geystey in uu isku keeno dadka cadadkaasi le’eg ee dagaalsanaa. Boqor King Kong wuxuu sheegay in beel ahaan ay si buuxda ugu faraxsan yihiin qodobada shirka iyo waliba inay fulin doonaan wixii heshiiska lagu gaaray.
  7. Sheekh Aadan Madoobe Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Shekh Aadan Madoobe) oo ka mid ah madaxdii ka hadashey xafladaasi ayaa daboolka ka qaadey in uu si weyn ugu faraxsan yahay in shirka uu maanta ku soo dhamaado jawi wanaagsan, waxaase uu Sheekh Aadan Madoobe uu ka hadley dad uu sheegay inay carqalad ku yihin nabada Soomaalida.“Waxaa jira qolo dibada ku sugan oo xiligan wada abaabul lagu fashilinayo shirweynahan dib u heshiisiinta oo ah kii ugu horeeyay ee ka dhacay gudaha Soomaaliya, waxayna abaabulayaan shir dhawaan dhici doona oo ujeedo siyaasadeed leh” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamanka oo aan si buuxda u shaacin shirka, waxaase uu loo qaatey dadkaasi inay yihiin Kooxaha kala duwan ee Eritrea ku sugan ee mucaaradka ku ah DFKMG ah oo halkaasi beri shir uga furmayo.
  8. Cali Mahdi Gudoomiyaha gudigii qabanqaabinayey shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida Cali Mahdi Max’ed oo hadal halkaasi ka jeediyey ayaa ku nuuxnuuxsadey in shirkan ay ka soo baxeen miro wax ku ool ah iyo go’aamo la taaban karo oo ka qayb qaadanaya dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida, waxaana uu sheegay Cali Mahdi in ergadii shirka ka qayb galaysey ay si buuxda isugu raaceen go’aamo kala duwan oo ay ka mid tahay in beelaha Soomaaliyeed iska cafiyaan wax walba oo horey u dhexmarey, in laga gudbo colaada iyo in dalka laga qabto doorashooyin xor ah sanadka 2009, waxaana Cali Mahdi uu sheegay in Madaxweyne C/laahi Yuusuf ay u gudbiyeen qoraal cadeynaya qodobada ergooyinka isku raaceen. Cali Mahdi Max’ed wuxuu sheegay Shirku wuxuu sheegay in shirka uu ahaa mid bilow ah oo uu ahaa kii ugu horeeyay oo ay Soomaali qaban qaabiyaan kana dhaca dalka gudahiisa, waana sii socon doonaa wuxuuna gaarayaa gobolada degmooyinka iyo tuulooyinka” ayuu yiri Cali Mahdi, waxaana uu sheegay in ay jiraan kooxo siyaasiyan oo ka soo horjeeda shirka la soo gabagabeeyey waxaase uu sheegay in ugu baaqay in ay diyaar u yihhiin wada hadal ay la galaan dhinacooda.
  9. C/laahi Yuusuf Xafladan shirka lagu soo xirayey waxaa hadalo ka jeediyey masuuliyiintii kala duweynd ee goob jooga aheyd, Madaxweynaha DFKMG ah C/laahi Yuusuf Axmed waxaana madaxweynuhu uu tibaaxay in shirka dib u heshiisiinta uu lahaa ahmiyad balaaran oo si weyn ay uga faa’ideysan doonaan bulshada Soomaaliyeed, waxaase madaxweynuhu uu caranka ku dhuftey inay jiraan dad uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa dagaal wax ku doonaya, isagoo sheegay in dadkaasi aanay ku gaari doonin dagaal ujeedooyinkooda isla markaana aysan jirin wax ka wanaagsan in dib u heshiisiin lagu dhameeyo wax walba oo khilaaf ah.
  10. Faahfaahin xafladii lagu soo xirayey Shirkii dib u heshiisiinta beelaha Somalida Munaasabad balaaran oo lagu maamusayey soo gabagabeyntii shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida ayaa maanta lagu qabtey magaalada Muqdisho gaar ahaan xaruntii hore ee Gaadiidka Booliiska oo aheyd xaruntii shirku uu ka socday 45-kii cisho ee la soo dhaafey. Xafladan oo aheyd mid si wanaagsan loo soo agaasimey isla markaana amaankeeda si weyn loo adkeeyey ayaa waxaa ka soo qayb galey madaxda sar sar ee dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, sida Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, Ra’isalwasaare Cali Max’ed Geedi, Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), wasiiro, xildhibaano, wafduud caalami ah oo ka socda beesha caalamka, wadamada daneeya arimaha Soomaaliya, gudiga shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida, Ergooyinka ka qayb galayey, marti sharaf kala duwan iyo waliba dadweyne kale oo fara badan. Wafuuda caalamiga ah ee ka soo qayb galey gabagabadii shirka ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Itoobiya Max’uud Diri, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya François Loncly Fall, wasiiru dawlaha arimaha dibada Kenya iyo wakiilo ka socdey beesha caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya.
  11. The 45 days that changed a nation. The national reconciliation conference (NRC) of Somalia proved two important points. 1. That the desperate Somali clans could be brought together. 2. That this grand gathering could be held in the much scared, neglected and beloved capital Mogadishu. The naysayer, self hating Somali’s and servants of extremist clan sentiment made much ado about the insecurity of Mogadishu. The defeated clan militias of Xasan Dahir made threats against the delegates and promised to stop the meeting. Their threats resulted in the deaths of our precious children and terrorizing poor civilians. However the organizers led by Ali Mahdi paid no attention to the extremist clan serpents and the meeting went on as planned. Logistic difficulties and lack of funds postponed the meeting a number of times however the delegates led by the noble clan chiefs came pouring into the capital, regardless of threats and with the singular aim of meeting their countrymen who they longed to make amends with. After 17 years as equals the traditional leaders, poets, religious elders, former statesmen, women leaders as well as the youth of Mogadishu came together in a single venue. The gun was no longer the status symbol and unarmed clans were as powerful as the former bigwigs. Forgiveness and the end of 4.5 Clans from here and there aired their grievances, what was done to them, how it was done and who did it. Talk about therapy on a scale unseen in this country. How many years we suffered in silence as crimes upon crime was committed in the name of our clans. It was in this meeting, unique in our history that the leaders of the clans reclaimed their birth rights from unscrupulous politicians and shadowy business men. It was the elders who forgave each other, for we can not return the dead nor go back in time. On the Koran the kings of Bossaso and Mogadishu made up. It was on this holly book they took to the elders of the NorthWest and asked for forgiveness it was then they who went to the nobles of Bay and asked for forgiveness. And then the train of peace and forgiveness landed at the important fifth clan, who complained of being made “others” and not given due respect. It was in this land mark meeting that this clan regained for themselves their due rights. This meeting aired and dealt with many issues but the most important has to be the forgiveness, the return of property, the equality of all clans and citizens of the state and the fact that all the clan agreed that security is the sole responsibility of the state. Conclusion Today the landmark grand conference of our generation has come to an end. The meeting has taught us the vocabulary of a new language, that which is spoken in many nations but hitherto unknown or forgotten in ours. That precious language of peace. The Somali delegates have forgiven each other, have outlined a simple framework that we can be at ease with each other. No longer can militias claim to fight for the clan, nor can the serpents hiding in their hole claim they alone speak for the clan. 45 days of peace in which 2000+ delegates made Mogadishu their home. Adan Ade would have been proud, I know I am. Duke.
  12. Thanks brother for the news and pics. So many bottles there must be a black market trade going on. They should go for the individuals behind it all. Well done to Bossaso Police Department for the work.
  13. Muqdisho: Shirkii dib-u-heshiisiinta Qaran oo maanta xirmay iyo ergada Puntland oo ku baaqday in Cali Mahdi la siiyo "Billadda Nabadda Soomaaliyeed" 30. August 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Xarunta Gaadiidka Booliska ee gobalka Banaadir ayaa waxaa ka socda Munaasabad lugu soo xirayo Shirweynihii beelaha Soomaaliyeed uga socday magaalada Muqdisho ee caasumada dalka Soomaaliya. Degmada C/casiis amaankeeda waxaa maanta siweyn usugaya ciidamo fara badan oo ka socda dowladaha Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya iyo waliba kuwa Midowga Africa waxaana muudaa in amaanku yahay mid siweyn ciidamadu usugayaan. Xafladan hada socota waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay Boqoro ,Suldaano ,aqoonyahano iyo Siyaasiin kala duwan ,ayadoo halkaasina maanta ay ergadu ku cadeeyeen in ay Umada Soomaaliyeed tahay mid guuleystay ayagoo sheegay in maanta laga bilaabo Soomaalidu tahay heshiis. Dad ilaa hada ka hadlay goobta waxaa ka mid ah Boqor ka socda gobalada Waqooyi galbeed ,wuxuuna sheegay sida ay utaageersan yahay yihiin guulaha ka soo baxay shirweynaha beelaha Soomaaliyeed "Umadii Soomaaliyeed waxaan usheegeynaa in uu Shirweynihii halkaan ka socdey 45 Cisho noqday mid guuleysta waxaana lagu gaaray Guulo wax ku ool ah" Ayuu yiri boqorkaasi. Boqorka Beesha ******* Boqor C/laahi Boqor Muuse oo halkaasi hadal kasoo jeediyay ayaa mahadcelin balaaran ujeediyay dhamaan beelaha Soomaaliyeed ,isagoo Umada Soomaaliyeedna usheegay in maanta shirweynihii lasoo xirayo kana soo baxeen qodobado muhiim ah. Boqorka Beesha ******* Boqor C/laahi Boqor Muuse ayaa maanta Ergadii Fadhiday ugu baaqay in ay Siiyaan Gudiga Cali Mahdi Maxamed hor boodayo Biladii nabadda ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay muteysteen ,maadaama buu yiri ay isku keeneen dad dagaalsanaa 17 sanno. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha gudiga Odayaasha Dhaqanka Beelaha ****** Iimaan Maxamuud Iimaam Cumar wuxuuna imaanku sheegay in shirkan maanta lasoo xirayo laga gaaray guulo waa weyn ,isagoo sheegay in ay beesha ****** fulindoonto dhamaan waxyaabihii lugu heshiiyay intii la joogay Magaalada Muqisho ee caasumada dalka Soomaaliya. Dhamaan Waxgaradka ilaa hada ka hadlay xiritaanka Shirweynihii beelaha Soomaaliyeed ,waxa ay hanbalyo ujeediyeen Madaxda Qaranka Soomaaliyeed ,Umada Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida ee amaanka goobta shirweynuhu ka socdey sida weyn usugayay. Akhristayaal Warbixino dhameystiran oo ku saabsan xiritaanka Shirweynaha beelaha Soomaaliyeed kala soco www.AllPuntland.com Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  14. Kooxda baanbeeyda oo halkaasi ku soo bamdhigay gaado ka ciyaar, iyagoo qaadaya astaanta qaranka Ergooyinka shirka dib u heshiisiinta oo ku faraxsan gabagabada shirka
  15. Madaxda sar sare ee dowladda oo lagu soo dhaweynayo shirka Cali Mahdi Max'ed oo soo dhaweynaya wafuud ka socota beesha caalamka
  16. Madaxda dowladda KMG ah oo soo dhaweyneysa wafuud caalami ah oo ka soo qeybgashay shirka Ergooyinka shirka dib u heshiisiinta
  17. Madaxweynaha Soomaaliya oo rasmi ahaa u soo xiray shirweynihii Dib u heshisiinta Muqdisho 30 August, 2007. -NRC- Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay shirweynihii dib u heshiinta. Shirka oo soo bilowday bartamihii Bishii July ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah iyadoo heshiis guud laga gaaray dagaaladii sokeeye iyo dhibaatooyinkii dalka ka dhacay. waxaan xafladii xiritaanka shirweynaha ka soo qeyb galay ergada shirweynaha, guddoonka shirka, marti sharaf, dhammaan madaxda sare ee dowladda KMG ah iyo wufuud ka kala socotay Beesha caalamka, Q/Midoobay, dalalka deriska ah iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeye. Madaxweynaha dowladda KMG ah wuxuu go'aanadii shirka ee talo soojeedinta ahaa ka guddoomay guddoomiyaha shirka Md. Cali Mahdi Maxamed, wuxuuna balan qaaday inay dowladu fulin dooto qodobadaasi. dhinaca kale wuxuu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu baaqay kooxaha weli xoog talada ku doonaya inay ka waantoobaan oo haddii ay xukun rabaan doorashada la qaban doono 2009-ka ka soo qeyb galaan isuna diyaariyaan. Madaxda dowladda KMG ah ee xaflada ka hadashay waxaa kamida Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, Ra'iisal wasaaraha Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale, waxaa kaloo halkaasi khudbado ka jeediyay Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Francios Fall iyo xubno kale.
  18. Muqdisho: Munaasabadii shirka dib u heshiisiinta oo la soo gabagabeeyay 30. August 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa goor dhow xaruntii Ex-Gaadiidkii Booliska lagu soo gabagabeeyay munaasabad ballaaran oo lagu soo gabagabeynayey shirkii dib u heshiisiinta beelaha oo socday mudo 45 cisho ah iyadoo ay munaasabadan ka soo qeybgaleen mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda Federaalka, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaaraha dowladda Prof. Cali Maxamed Geeddi, wasiiro, xildhibaano iyo wafuud ka socotay beesha caalamka gaar ahaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, wakiilka Xoghayaha guud u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Francius Fall, Wasiirka dalxiiska iyo qaranka xukuumadda Itoobiya Maxamuud Dirir, Wasiirul Dowlaha arrimaha dibada ee Kenya iyo xubno kale oo lagu casuumay xaflada. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ka hadlayey munaasabadaas ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo doonaya iney dagaal wax ku raadiyaan xiligan, “ Taasi ma aha mid guul lagu gaarayo, waxaana ugu baaqeynaa in wada hadal iyo dib u heshiisiin wax dhaama aan la heleyn” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda KMG ah oo ku dheeraaday ka hadalka shirka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka hadlayey xafladaasi ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay dhamaan intii gacanta ka geysatay kulanka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed isagoo ugu baaqay in ay ergooyinka deegaanadii ay ka yimaadeen ay ka sii wadaan dib u heshiisiinta. “waxaa jira qolo dibada ku sugan oo xiligan wada abaabul lagu fashilinayo shirweynahan dib u heshiisiinta ee ah kii ugu horeeyay ee ka dhacay gudaha Soomaaliya, waxay abaabulayaan shir dhawaan dhici doona oo ujeedo siyaasadeed leh” ayuu yiri Sh. Aadan Madoobe oo aanan sheegin qolodaasi kuwa ay yihiin. Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Md. Cali Mahdi Maxamed oo kulankaasi ka hadlayey ayaa isna sheegay in shirka laga soo saaray document-yo ku cad qodobada loogu heshiiyay shirka oo ay ku wareejiyeen Madaxweynaha dowladda Federaalka oo ay ku wareejiyeen, qodobada ku jiray qoraalkaasi ayuu sheegay iney ka mid ahaayeen dadka Soomaaliyeed laga qaado afti iyo tiro koob hor dhac u ah doorasho dalka ka dhacda 2009-ka marka ay dhamaato xiliga jiritaanka dowladda Federaalka. “Shirku wuxuu ahaa mid bilow muhiim leh waayo waa kii ugu horeeyay oo ay Soomaali qaban qaabiyaan kana dhaca dalka gudahiisa, waana sii socon doonaa wuxuuna gaarayaa gobolada degmooyinka iyo tuulooyinka” ayuu yiri Md. Cali Mahdi oo kooxaha siyaasiyan ka soo horjeeda ugu baaqay in ay diyaar u yihhiin wada hadal ay la galaan dhinacooda. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  19. Warbixin ku saabsan munaasabadii xeritaanka shirka dib u heshiisiinta iyo mas’uuliyiintii ka hadashay { 30 Aug 2007} waxaa la daabacay Thu 30 Aug 2007 14: 35: 25 Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka dib u heshiisiinta beelaha ee mudada 45 cisho ugu socday ergooyinkamagaalada Muqdisho iyadoo munaasabadaasna ay ka soo qeybgaleen Madaxweynaha DF Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe iyo xubno ka socday Q/Midoobay oo uu hoggaaminayey Francius Fall, Wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka dowladda Itoobiya Maxamuud Dirir, Wasiirul Dowlaha arrimaha dibada Kenya, wakiilo ka kala socday ururka Midowga Africa, Jaamacadda Carabta, Masar, Shiinaha, Norwey Biljimka iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha guddiga Shir guddoonka dib u heshiisiinta beelaha Md. Cali Mahdi Maxamed oo halkaasi ugu horeyn faah faahin ka jeediyay ayaa ku dhawaaqay in shirka lagu gaaray guulo wax ku ool ah ayna ka soo baxeen qodobo aas aaas u ah heshiisyo dhex maray beelaha Soomaaliyeed, iyadoo xeritaanka shirka aysan macnaheedu aheyn in dib u heshiisiintu xeran tahay, waxayna ku sii socon doontaa gobolada degmooyinka iyo tuulooyinka. “Qodobadii ay beeluhu ku heshiiyeen iyadoo Documenti qoraal ah ayaan u gudbinay Madaxweynaha inagoo rajeyneyna in madaxda dowladda ay dhinacooda ka wadi doonaan dhinaca wada hadalka iyo dib u heshiisiinta, waxaana mar kale ugu baaqeynaa kooxaha ka horjeeda siyaasada dowladda iney dhinacooda wada hadalka ugu soo qeybgalaan iyagoo fiirinaya danta shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Cali Mahdi. Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkan iyo natiijada ka soo baxda ay guul u tahay dowladda Federaalka oo iyadu xiligan iyo wixii ka horeeyayba guntiga u xeratay howlaha baaxada leh ee horyaala kadib burburki, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ku tallaabsatay dhabo cad oo wax ka qabaneysa sugida amaanka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u howlgelinta adeegyadii guud ee bulshada. Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in shirkan uu yahay kii ugu horeeyay ee Soomaaliya gudahiisa ka dhaca oo ay Soomaali soo qaban qaabisay wuxuuna sheegay in ay jiraan kooxo dibada ku maqan oo wade qorshe iyo shirar lagu fashilinayo kan dib u heshiisiinta kuwaasoo uu ugu baaqay in ay ku soo biiraan wadatashiga iyo dib u heshiisiinta ka socota gudaha dalka. Madaxweynaha dowladda Federaalka Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed hadal kooban halkaasi ka jeediyay isagoo ugu horeyn mahad naq u jeediyay ergooyinka shirka ka qeybgalay iyo guddigii intaasi soo waday howsha dib u heshiisiinta, wuxuuna ka codsaday ergooyinka iney dib u heshiisiinta ballaariyaan oo ay gaarsiiyaan deegaanadii ay ka yimaadeen. “Waxaa jira dad doonaya iney dagaal iyo xoog ay wax ku raadiyaan, kuma deg degi laheyn hadey garanayaandhibaatada uu dagaalka leeyahay,mana jirto wax guul ah oo lagu gaaray, waxaana leeyahay hadaad wax isku heysaan doorasho baa la qaban doonaa marka dowladda xiligeeda dhamaado, diyaar ayaana u ahay inaan xilka ku wareejiyo cidii la doorto” ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf. Wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka Maxamuud Dirir ayaa mahad celin kadib gaashaanka ku dhuftay warar sheegaya in aanu dowladda Itoobiya dooneyn in ay ciidamadeeda ka bixin gudaha Soomaaliya oo ay rabto iney sii joogto ama Itoobiya aysan rabin in dowlad xoog leh ay ka dhalato, taasoo uu ku tilmaamay dacaayad raqiis ah wuxuuna caddeeyay in dowladdiisa ay rabto deganaanshaha Soomaaliya oo ay ka hirgasho dowlad hanata amanka taasoo dan ugu jirto wadamada gobolka iyo beesha caalamka. Wakiil ka socday dowladda Shiinaha oo lagu magacaabo Sam Seng ayaa madasha shirka ka caddeeyay in dowladda Shiinuhu ay ugu deeqday dalka Soomaaliya hal Milyan oo Dollar oo loogu talagalay dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska. Waxaa kale oo madasha shirka hadalo kookooban oo isugu jiray mahadnaq, dhiiri gelin iyo balan qaadyo kaalmooyin dhaqaale ka jeediyay qaar ka tirsan diblumaasiyiintii ka socotay beesha caalamka, kuwaasoo amaankooda si weyn ay u sugayeen ciidamada Ugandha kadib ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Gobolkabanaadir.com
  20. There is no need why Ethiopian troops or any other should go to Somaliland.
  21. Duke will it be too much to ask of you, if you can outline what you believe the future holds for somalia and her people? (And of course Allah knows best) I believe personally that Somalia as a nation state is on the road to recovery. We are past the days of the war, but we have not recovered fully, the war wounds have yet to be healed. The idea of war is still fresh. In this response I will not outline what the ideal situation or a utopia. What I will try to convey rather is the prospects ahead of us considering the imitations of our system. 1. The best deal is to continue with the present system and to give federalism the chance since this will appease Somaliland, Puntland as well as Bay and Bakool or what will be the Southwestern regions. There is already talk of a regional federal entity in the works comprising Banadir, Upper and Lower Shabbele and maybe Hiiraan. Yes these regions will be made of clans but once organized these clans will no doubt bring order and development as their kinsmen have achieved in Somaliland and Puntland. Also note that as a citizen of the federal state one can reside in any of these states as one can reside in any state of the US. Thus in terms of security, meeting local proprieties and even creating checks and balances the centralized region must be done away with and devolution real ones must be given to the regions. 2. Somalia must play a key role and maintain diplomatic relations and become members of as many world clubs as possible. The Islamic world, AU, Arab League, IGAD, Indian Ocean, Horn and so on. With many allies we will reduce conflicts with any party and hedge risk. 3. Somalia I would say will become a more religious society and hence the Shariah law should be the one that runs the nation. This will come when there is security and order and the people are taught their rights within the law. What I would like to see, as Duke is. Creation of national parks, in the south. In order to better protect the environment. A national audit office to oversee corruption in public as well as private sector. Transparent accounts for every official at every level. I want to know how much these people earn and it should not be millions. Creation of a national voluntary sector which helps with urban clean up. I would like to see big ideas in terms of providing clean water, sewage and education for every child. That’s my two cents for today ya Khalaf.