General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Its a former military air strip, which has been used as the cities main strip.
  2. Waftigii ugu balaarnaa oo ka socda Dawlada Somaliya oo siwayn loogu soo dhaweeyay Garoonka Cabdulcasiis ee Magaalada Barakaysan Jiddah. Wafti baaxadle ayna hogaaminayaan Madaxda ugu saraysa wadanka somaliya sida Madaxwaynaha somalia Cabdulaahi yusuf axmed,Gudoomiyaha barlamanka Sh. Aadan Madoobe iyo Raisal wasaaraha somalia cali maxamed geedi iyadoo soo dhawayn balaaran loogu sameeyay garoonka caalamigaa ee Abdulazis. Waftiga Dawlada somalida oo ahaa kii ugu balaar naa ee abid soo gaara wadanka Sacuudiga ayaa siwayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha iyadoo waftiga loo galbiyay goob ay ku nastaan ka hor inta aysan kulamo balaaran la qaadan Boqortooyada Sacuudiga. Boqorka sacuudiga Boqor Abdalla ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha waftiga dawlada somalida isagoo ugu hambal yeeyay ramadaanka iyo sidoo kale ifafaalaha nabadeed oo ka soo ifaya wadanka somaliya isagoo sanadka sanadkiisa kale ilaahay iga rajeeyay khayr iyo nabad buuxda oo taam ah. Waftiga madaxwaynaha ayaa lagu wadaa inay todobaadkan ku sugnaan doonaan wadanka sacuudiga iyadoo lagu wado inay kula kulmaan wafti ka socda Kooxda asmara ee mucaaradka ku ah Dawlada somaliya iyadoo aan la shaacin qaabka wada hadalka iyo wakhtiga uu dhacayo. Xarunta Warqabadka Shabakadda Allmudug.org.
  3. Wafdigii ay hogaaminayeen hogaamiyasha qaranka Somaliyeed oo ka degay Jedda Last Updated::2007-09-16 16:48:58 Jedda:-Waxaa goor dhaweyd ka soo degay madaarka caalamiga ah ee boqor Cabdul casiis ee Jeddah wafdigii ay hogaaminayeen hogaamiyasha qaranka Somaliyeed Madaxweyne Cabdulahi Yusuf, Ra'isal wasaare Cali Maxamed Geedi iyo afhayeenka barlamaanka Somaliya Adam Maxamed Nuur iyo wafdigii balaarnaa ee ay hogaaminayeen isuguna jiray xildhibaano ka tirsan barlamaanka iyo hogaamiyaal dhaqameedyo. Wafdigan ayaa waxaa madaarka Jeddah ku qaabilay madaarka boqor cabdul casiis Amiirka magaalada Makka Mukaramah Khaalid Faysal bin Cabdulcasiis iyo masuuliyiin ka tirsan dawlada Sucuudiga. Dawlada Sucuudiga ayaa sheegtay in ula jeedada socdaalka wafigan ay tahay sidii ay qalinka ugu duugi lahaayeen go'aamadi ka soo baxay shirkii dibu heshiisiinta qaran ee beelaha Somaliyed ee dhowaan lagu soo geba gebeeyay magaalada Muqdisho. Ilaa iminka lama oga in dawlada Sucuudiga ay balaarin doonto qorshahan iyada oo ku soo daraysa kooxaha mucaaradka ah iyo in qorsahani ku koobanan doono DFKMS keliya. Wixii ka soo kordha wararkas kala soco HorseedNet Warqabadka HorseedNet oo laga taagay ilo wareedyada ku dhaw Sucuudiga iyo Wafdiga Somaalida Faysal Wakaalad HorseedNet.com
  4. Muqdisho: Wafdi uu hoggaaninayo Madaxweynaha dowladda KMG oo ay ka mid yihiin Sh. Aadan Madoobe, Prof. Geeddi iyo ergo oo u duulay Sacuudi Carabiya 16. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Sadaxda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Sheekh Aadan Madoobe iyo Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa barqanimadii maanta ka ambabaxay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Wafdigan uu hoggaaminayey Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa ergadii shirweynihii dib u heshiisiinta ee Muqdisho ku soo gabagabooway iyadoo ujeedada socdaalka wafdigan uu ka warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ka hor inta aysan duulin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu uu la xiriiro sidii ergada shirkii dib u heshiisiinta loogu soo dhaarin lahaa xaramka si loo fuliyo qodobadii lagu heshiiiyay wuxuuna Ra’iusul Wasaaruhu uu sheegay in arintan ay ka danbeysay kadib markii uu dhawaan socdaal uu ku tegay Sacuudi Carabiya ay isla garteen Boqor Cabdalla in ergada shirka la keeno Xaramka iyadoo ay horkacayaan mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka. Prof. Geeddi ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan Boqorka dalka Sacuudi Carabiya oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha dalka Soomaaliya, xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Sacuudi Carabiya ugu qeyb qaadan laheyd arrimaha dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa raaciyay in qaar ka mid ah ergada ay shalay ka duuleen garoonka halka kuwa harsan ay maanta raaceen wafdiga Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Socdaalka wafdiga Madaxweynaha uu horkacayo ayaa lagu waramayaa in mudo sadax maalmood ah ay ku sugnaan doonaan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Ka hor inta aysan wafdigan ka ambabixin magaalada Muqdisho ayaa saakay aroornimadii ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Ethiopia ay xereen qaar ka tirsan wadooyinka magaalada Muqdisho si loo adkeeyo amaanka wadooyinka waaweyn ee gala garoonka diyaaradaha iyadoo markii danbe dib loo furay wadooyinkaasi. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  5. 400 oo ergo oo ey wehliyaan madaxda sare ee DF oo u duulay Sacudiga Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 16-Sebtember-2007 Wafdi heer sare ah oo ay hogaaminayaan madaxda sare ee dowlada KMG ee ah ayaa maanta u duulay magaalada Riyaadh ee dalka Sauudi Carabiya . Madaxweyne Yuusuf , Ra`isul wasaare Geedi iyo gudoomiyaha baaralamaanka Soomaaliya ayaa lagu waramay in uu qaadanayo muddo sedex cesho ah , iyadoo safarkaani uu ka dambeeyo martiqaad ay ka heleen boqorka Sacuudi Carabiya C/lla Bin C/casiis . Mas`uuliyiinta ugu sareeya dowlada KMG ah ayaa waxaa safarkooda ku wehliya ilaa 400 ergo oo ka mid ah ergadii ka qeyb gashay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed . Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya safarka madaxda sare ee dowlada, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dowlada Sacuudi Carabiya ay dhex dhaxaadineyso madaxda sare ee dowlada oo la sheegay in uu qilaaf u dhaxeeyo. Afhayeenka xafiiska Ra`isul wasaare Geeddi C/laahi Muxidiin (Codka) ayaa meesha ka saaray in uu jiro wax qilaaf ah o u dhaxeeya madaxda sare ee dowlada KMG ah . Waxa uuna safarkaani soo baxayaa xilli dalalka Sacuudi iyo Masar ay wadaan qorshe lagu qabanayo shir ka dhaca Riyadh kaasi oo lagu taageerayo natiijooyinkii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliya . Maryama Xuseen Axmed seymuun@hotmail.com Muqdisho, Calanka . [ September 16, 2007, 05:52 PM: Message edited by: The Duke ]
  6. Mogadishu and the NRC Somalia is free independent, it has its flag souring high in the sky. Its governemnt is tackling the same warlord, militia that occupied our capital destroyed our national institutions and cripled our nation.
  7. Issias Afwerki Oo Ka Qeyb Galay Shirka kooxaha mucaaradka Asmara Asmara, Eritrea (Calanka.com) 14-Sebtember-2007 Madaxweynaha dalka Eritrea Issias Afwerki ayaa maanta ka qeyb galay shirka kooxaha mucaaradka ah uga socda magaalada Asmara ee dalka Eritrea halkaasoo la sheegay in uu hadala ka jeediyay walow wararka qaarna ey sheegayaan in shirkan maanta lasoo gabagabeynayay. Shirkan oo shalay lagu doortay gudoomiyaha jabhadda ey ku dhawaaqeen eyna ugu magac dareen "Jabhadda Dib U Xoreynta Somaliya" kaasoo gudoomiye looga dhigay Sheekh Shariif Sh. Axmed oo isagu ahaa gudoomiyihii Maxkamadihii Islaamka ee dalka Somaliya laga eryay halka gudoomiye ku xigeen looga dhigay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
  8. Neef La goowracay Geedo Kama Weecdo Xakuumadda kaligii taliyaha Isaias Afewerki ayaa qarka u saaran inay kala daadato ka dib markey fashilaadii ugu weyneed kaga timi markuu hoosta Soogashtay ninka hogaamiyo Argigixisada Geeska Afrka Col-Xasan Daahir Aweys,
  9. ^^^One never expected you to understand the jest, it was between two familiar fellows.
  10. ^^Adeer your absolutes are as irrelevent as the what you are arguing for. The TFG is in the process of resurecting the nation, its institutions external and internal. Its for incremental change, consensus and development from the bottom up. Also what was Xasan Dahir, but the occupier of lower Shabbele, who was IndaCade, Goobanle, Seeraar if not the very example of warlords without a clue or even a real cause. Sharif Ahmed that you laud was a stooge of Mohamed Dheere, when Mohamed Dheere was getting support from Ethiopia. We can go on and on, even Hussain Aydeed who was sacked by the TFG is embraced by these groups. They have emraced a coptic christan as savour [Aferwaki], they have also embraced a secular constitution, thus proving their whole agenda of religion was as false as a secessionists concerns for Mogadishu. Security will come when these armed groups are defeated and that will happen insha Allah as our security apparatus gets more established.
  11. ^^Adeer the deaths in Mogadishu and siplacement that has been taking place for 17 years is a tragedy to us all. Those who wnat to continue war, like Xasan Dahir should bare the blame. The TFG is on route to ending the war that started in 1991. Those who benefited from it and laundhed the recent clan Jihad should be asked, what price they are willing to pay.
  12. Adeer, what ever Xasan Dahir is he is in exile, his base under control, the farms he looted liberated, the state he occupied is back to local clans hands. These people and their children will testify to what Xasan dahir is. I do thank him, and so does ina Yusuf Yey the hero of the age.
  13. Honest Xasan Somali rebel chief calls Kenyan leader "U.S puppet"
  14. The return of the Sharifs & the Xasan’s is a blessing for the TFG. Coming out of the closet as one might say regarding the reemergence of the defeated clan courts leaders has given a surprised windfall to the TFG and its aims of totally securing the nation and returning a working government to Somalia. How so one might ask? Simply by focusing the world’s attention to the, “real plight” of Somali’s, that of outside negative interference contrary to the needs of the Somali people as well as the international communities plan for stabilization. The TFG will now have a face to put behind all its recent troubles with regards to security, Aferwarki, Xasan Dahir, Turki and the other usual suspects. Eritrea is no longer hiding its real, deep and consistent support to the criminal networks & desperate groups it is trying to portray as a rebel national movement. The shadow of the ever present excuse for “terror” will also be used to focus the minds of western nations and China in terms of developing our young security forces as well as national institutions. The TFG will no longer have to explain that its fighting home grown clan insurgents, but ones trained by Abu Mansuur al Ameriki [what a name] in the bushes. Those foreign fighters will give the security forces an edge in dealing with all sorts of trouble makers. Getting rich No doubt Sharif Xasan & Ahmed will get some money from gullible Diaspora supporters and some shadowy networks under their new titles of “Liberators”, yet this money will not go past their bank accounts and will have no effect in the great game in Mogadishu. Crackdowns of Xasan Turki and his movement will become something common place and used to cripple all opposition. Ethiopia, Kenya, Uganda, Sudan & Yemen will further give support as a means of isolating Aferwarki and his delusions. We are already feeling the windfall of the Xasan’s and the Sharif’s ever constant ********* and selfishness. Long may it continue.
  15. ^^^Adeer you seem to be daydreaming as usual. Those children were sent to their deaths while Xasan fled and then pretended to be in the country. Anyhow, Xasan Dahir, Cayrow,Indace & Xasan Turki were a godsend to Yey's governemnt the longer they speak the better for the TFG. Even the Asmara tea party has been a great blessing for the TFG.
  16. ^^^lool. You dont know the difference between praise and reporting news. I commended when he was wrong and wright more often he was wrong. As for the Asmara tea party, it will not make any difference. They have proven what I have been saying for time, this movement was never religious and was based on the wants of Eritrea. Eritrea itself is of no real relevence forget about the clowns in Asmara.
  17. Sh. Xasan will go into history books as one of the true Somali leaders who resisted Ethiopia’s hegemony in the Horn. " have ever of the phrase “History is written by the victors." if so, he will most likely go into the history as that old terrorist who was responsible for the for the downfall of that terrorist org ICU. lool. The man sent children to war while he was housed in Asmara from day one. In an interview with the BBC he was asked his location, the response was "I am in my country", well this bull highlights what a man he is. The man who compared his clans occupation of lower Shabbele to the admins of Puntland & Somaliland will no doubt go in history as what he is....
  18. Garoowe: Xukuumada Puntland oo udirtay Gudi Kormeera Xuduudaha Sool,Sanaag iyo Cayn oo dhaqdhaqaaqyo ka jireen. 15. september 2007 Garoowe(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in gudi ka kooban 5 xubnood oo iskugu jira Wasiiro ,wasiiro kuxigeeno iyo taliyaasha ciidamada Puntland loo diray kormeer guud ay ku sameeyaan Xuduuda gobalka Sool la wadaago Maamulka Somaliland oo maalmihii ugu danbeeyey laga soo sheegayay Dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan Maamulka Somaliland la baxay. Gudigan oo howshiisa ka bilaabaya magaalada Laascaanood ayaa booqanaya sida ay sheegayaan wararka laga helayo Madaxtooyada Puntland dhamaanba Xuduud Puntland la wadaagto gobaladaasi ,ayadoo lakulmaya qeybaha kala duwan ee Bulshada ay booqanayaan kalana hadlaya xoojinta amaanka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Wafuudan oo aan magacyadooda la shaacin ayaa waxa ay sidoo kale hadal ujeedinayaan ciidamada Maamulkooda oo jooga Xuduudaha mudo dheer halkaasna kaga jira Difaac xoogan oo ay kaga hortagayaan dagaal kaga yimaada gobalada Sool,Sanaag iyo Cayn ciidamada Maamulka la baxay Somaliland. Kormeerkan gudigan ayaa wuxuu ka danbeeyey markii todobaadkii hore israsaaseyn xoogan dhexmartay labada ciidan oo aan dhaasafo dheer kala fogeyn ,markaasi ka dib waxa ay bilaabeen ciidamada Somaliland dhaqdhaqaaqyo Milateri inkastoo Xukuumada Puntland ay wado dhaqdhaqaaqyo kuwaasi la mid ah. Gudigan ayaa lafilayaa in uu maalinta bari ah ka ambabaxo magaalada Garoowe ee xarunta Maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland una socdaalaan Xuduudaha dheer ee uu maamulkoodu la wadaago Maamul gobaleedka Somaliland. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  19. ^^^No its Conco airstrip adeer outside the capital city of Puntland. Garowe is still a growing city, its main airport is under construction.
  20. ^^^lool. Adeer you got lost in translation. I was having a few jests with my cousin Horn, as we tend to do. Nothing more or less.
  21. Red Sea, adeer whats all the noise for? Who are you trying to convince? Me, lool. Puntland state is part of Somalia's Federal framework. Thus what you respect, or like, or hate is neither here nor there.