
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Mogadishu: TFG warns Asmara tea party gang.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Dowladda KMG ah oo sheegtay in tallaabo laga qaadi doono xubnaha ka qeybgalay shirka Asmara ee ku soo laabanaya dalka 15. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaatay in tallaabo cad oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono xubnaha ka qeybgalay shirkii Maxkamadihii Islaamiga, kooxda la magac baxay baarlamaanka xorta iyo qurbo joogta Soomaaliyeed ay ku yeesheen magaalada Asmara ee dalka Erateriya. Wasiirka warfaafinta dowladda KMG Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ka dhawaajiyay in aysan suurtagal aheyn in cagta ay soo dhigaan gudaha dalka xubnaha ka qeybgalay shirkii Asmara ee looga shirayey in dalka xasilooni daro looga abuuro, taasoo uu sheegay in aysan dhici doonin oo aysan ku guuleysan doonin kooxahaasi buu yiri hadafkooda ku aadan in dalka laga abuuro nabadgelyo xumo. Madoobe Nuunow ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan cid kasta oo ka qeyb gashay shirka Asmara hadii ay cagta soo dhigto gudaha dalka Soomaaliye, wuxuuna wasiirka uu sheegay in dhulka iyo cirka ciidamo la socda ay dowladda diyaarisay. Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa diyaar garow ugu jirto la socodka kooxaha dib ugu soo laabanaya dalka ee ka qeybgalay shirka Asmara, iyadoo ciidamo dhar cad ah la diyaariyay oo la dhigay garoomada diyaaradaha ee dalka. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
DF oo ka hadashey Asmara 15 Sep 15, 2007 - 4:27:52 AM Madoobe Nuunoow Maxamed oo ah Wasiirka Warfaafinta Dolwada KMG ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday markii ugu horeysay inay wadaan abaabulo xoogan oo lid ku ah isbaheysiga kooxaha mucaaradka ku ah DF ku soo dhiseen dalka Eritrea. Madoobe oo Saxaafada la hadlay ayaa yiri “Habeen iyo Dharaar waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan ugu hortagi laheyn isbaheysiga sharka ah ee lagu soo dhisay Asmara, kaasoo lagu doonayo in lagu burburiyo ammanka Somalia iyo geedi socodka nabadda”. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in beesha caalamka ay taabacsan tahay siyaasada dowladiisa, isla markaana adduunka oo dhan ku wargaliyeen qorshaha diban daabyada ay ku jirto ee Asmara kasoo baxay. “Xubnahan anaga nagu sheegi jiray inaan gacan ka helno gaalada, iyagaaba la ogyahay inay taageerto Yahuuda, isla markaana shirka Asmara ka dhacay qarashka ugu badan ayay bixisay dowlada Israel” ayuu yiri Madoobe Nuunoow Waxa uu sheegay in shirkasi ay ka qeyb galeen kooxo addunka oo dhan uu radsanayo oo Argagaxiso ah, isla markaana ay ka qeyb galeen ragii doonayay inay burburiyaan dowlada KMG ah. Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray mas’uulkaan dhinaca warfaafinta u qaabilsan DF ayaa kusoo beegmaya xilli xalay Asmara lagu soo gaba gabeeyay shirkii kooxaha mucaardka uga socdey. Cabdi Fatax Axmad,GO
-
^^^lool. you live in fantasy adeer.
-
Saudi Arabia invites Somali government opposition?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Saudi Arabia oo u yeertay Yuusuf, Geedi iyo Sh. Aadan Madoobe. Last Updated::2007-09-15 11:26:31 Muqdisho (HRNet):- Dowladda Boqortooyada Saudi Arabia, ayaa dalkeeda ugu yeertay saddexda Mas’uul ee ugu sareysa Somalia, Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf, Ra’iisul Wasaare Geedi iyo guddoomiyaha Baarlamanka Sh.Aadan Madoobe. Sida uu xaqiijyay wasiirka warfaafinta Somalia, saddexda mas’uul ayaa lagu wadaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu amba baxaan dalkaasi, iyaga oo tixraacaya casuumadda loo fidiyay. Waxaa sidoo kale socdaalkooda ku wehlin doona oo Dowladda Saudi Arabia ay u yeerat qaar ka mid ah ergooyinkii ka qeyb galay shirkii dib u heshiisiinta ee lagu soo geba gebeeyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Madoobe Nuunow, ayaa casuumadda ku macneeyay mid ay xukuumadda Riyad ku ayideyso, sida uu hadalka u dhigay shirkii dib u heshiisiinta ee Muqdisho lagu soo geba gebeeyay. Hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in laga yaabo in Saudi Arabia ay sidoo kale casuumad u fidiso kooxaha mucaaradka ee jooga dalka Eritrea si ay labada dhinac u wada hadlaan. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in halkaasi lagu xalin doono khilaafaadyo yar yar oo ka dhex jira madaxda Soomaaalida, laakiin illaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo ku saabsan nooca wada hadal ee ka dhici doona Saudi Arabia. -
Puntland is dead? According to a secessionist, lool. Adeer, Puntland and the TFG are much stronger than at anytime in their respective history. The man of honour [NN], made the only real valid points here when he said and I quote. first, we need to stop this cult of personality. "we need this one guy to come in and safe us from the mess that we are in". Cade muuse and president Yusuf are one member each of large institions that we have created and it is those institions and their laws that have allowed them to do what you are disagreeing with. if you want to get to the bottom of the problem, you need to change the laws and the institions the govern instead of the people that run those institions. I salute you sir.
-
Garowe: World Bank UNDP delegates meet Puntland admin PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Wafti ka socda Baanka Aduunka iyo UNDP oo soo gaarey Puntland, gaar ahaana Magaalada Garowe Friday, 14-Sep 2007 Garowe PLGOV.NET Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Maxamed Cali Yuusuf{Gaagaab} iyo Wasiirka kaluumeysiga iyo Dakadaha Puntland saciid Maxamed Raage, ayaa Garoonka Diyaaradaha ee kanoko ee Magaalada Garowe ku soo dhaweeyey Wafti balaaran oo ka socda Baanka Aduunka iyo UNDP oo ay hogaamineysey Madaxa Baanka aduunka ee Soomaaliya Sabeel Salasuki. Weftigaan ayaa waxay kulamo Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula yeesheen Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Kaluumeysiga,Wasiirka Qorsheynta, Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Wasiir kuxigeenka Qorsheynta, Agaasimayaasha Guud ee Maaliyadda,Agaasimaha Guud ee Qorsheynta, ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowlada,Agaasima Waaxeedyadda Wasaaradda maaaliyadda iyo Aqoonyahano. Waxaana kulankaas hadalo ka jeedshey Wasiiradda Maaliyadda Puntland iyo Qorsheynta Puntland oo sheegey in Puntland ay hada dooneyso sidii ay u horumarin laheyd Dhulkeeda taas oo ay Baanka Aduunka iyo UNDP ka doonayaan in ay gacan ka siiyaan islamaraasna ay umahad celinayeen Waftiga ka socda Baanka Aduunka iyo UNDP, Madaxa Waftiga ayaa sheegtay in ay u socdeen in ay wax ka qabtaan arrimo ay ka mid yihiin, 1.Siyaasada Guud, Maamulka iyo Maareynta, 2.Maareynta Dhaqaalaha Guud oo ay ku jirto in ay ogaadaan sida wax looga qabankaro Sacir bararka iyo inta ay le’egtahay Lacagta ku jirta suuqa. 3.Dowlad Waanaga iwm. Waxayna sheegtay in ay 22 Bishaan imaan doonaan Puntland khuburo kuxeel dheer Arrimahaas, Waftiga ayaa waxaa xalay casho sharaf u sameeyey Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Maxamed Cali Yuusuf,Waxaan kazoo qaby galay Madax kakala tirsan Golayshaa Dowlada Puntland,Aqoon yahano,Madaxa jaamacadaha Boosaaso iyo Garoowe. Sawiro
-
Saudi Arabia invites Somali government opposition?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Madaxda Qaranka Soomaaliya iyo Madaxdii Maxkamadihii Muqdisho qaar ka mid ah oo Sucuudigu uyeeray. 15. september 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Sadexda masuul ee ugu sareeya dalka Soomaaliya oo kala ah Madaxweynaha dowlada Faderaalka C/laahi Yuusuf Axmed,raysalwasaare Cali Maxamed Geedi iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aaden Maxamed Nuur iyo qaar ka mid ah ergadii joogtay Muqdisho maalmihii la soo dhaafay looga yeeray dalka Sucuudi Careebiya. Wasiirka Warfaafinta ee dowlada Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in Madaxda dowlada Soomaaliya dhawaan ka baxayaan magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayadoo lafilayo in ay sidoo kale safarkan ku weheliyaan Madaxda Qaranka Sarakiisha shirweynihii lugu soo xiray magaalada Muqdisho. Boqortooyada Sucuudiga Careebiya ayaa warar hoose oo soo baxaya waxa ay sheegayaan in ay wada hadal siineyso Madaxda dowlada Soomaaliya oo khilaaf yar udhaxeeya isla markaana sidoo kale ay ka wada hadlidoonan howlaha nabad ku soo celinta ee Soomaaliya. Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in safarkaasi Madaxda qaranku bilaabanayo maalmaha soo socda isagoo ka dhawaajiyay in laga yaabo in madaxdu maalinta bari ah ka dhoofaan magaalada Muqdisho. Warar kale oo ka soo baxaya Riyadh ayaa sheegaya in sidoo kale loo yeeray Madaxdii Maxkamadihii Muqdisho qaar ka mid ah oo jooga meelo ka mid ah dalka dibadaasi gaar ahaana magaalada Casmara. Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ,raysal wasaaraha DFKMGS iyo gudoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmay ayadoo magaalada Muqdisho ay ka dhacayaan qaraxyo kala duwan. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland -
Madaxwaynaha Somalia oo lagu wado inuu u dhoofo wadanka Sacuudiga si uu ula kulmo ergo ka socota Kooxda Asmara. Warar aan la shaacin oo ay shabakadda allmudug ka helayso Madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia ayaa sheegaya in madaxwaynaha somalia uu marti qaad ka helay wadanka Boqor Cabdallaha wadanka Sacuudiga iyadoo lagu wado in wada hadalo ay u furmaan Madaxwaynaha waftigiisa iyo...... Madaxwaynaha oo sida warar hoose sheegayaan hogaamin doona wafti balaaran oo ay ka mid yihiin Raisal wasaaraha,Gudoomiyaha Barlamanka, Gudoomiyihi shirwaynaha qaran cali mahdi iyo Xubno kale oo ka mid ah hawl wadeenadii shirwaynihii muqdisho. Waxaa lagu wadaa inay kulan balaaran kula yeeshaan magaalada Riyad wafti ka socda Ururka la baxay (Ururka xoraynta iyo dibu soo celinta somalia) oo fadhigiisu yahay magaalada asmra kadib markii Boqorka sucuudigu uu labada dhinac u kala diray fariimo casuumaad ah oo lagu dhex dhexaadinayo. Kulanka sacuudiga ayaa hadii uu qabsoomo rajo u noqon kara umada somaliyeed oo is jiid jiid siyaasadeed la daalaa dhacaysay 17kii sano ee la soo dhaafay iyadoo caasumada wadanka somalia ay wali ka socdaan dagaalo Gurile ah oo sida muuqata aan dhamaad lahayn kuwaasoo u dhexeeya ciidamada dawlada oo taageero ka helaya kuwa ethiopia iyo kooxaha taageera Maxkamadihii laga awood roonaaday kal hore. Xarunta Warqabadka Shabakadda Allmudug.org.
-
Xiisad ka taagan degmada Cabudwaq 13 Sep 13, 2007 - 8:36:55 AM Xiisad kulul ayaa lagu waramayaa in ay ka taagan tahay degmada Caabud Waaq ee gobolka Galgaduud taasoo ka dhalatay kadib markii 11-kii bishan lagu dilay degmadasi madaxii tallaalka dabeysha ee hey’adda WHO u qaabilsanaa gobolka Marxuum Faarax Warsame Diiriye “Jiifaa”. Maliishiyoyinka beesha uu ka tirsanaa marxuumkan ayaa lagu waramayaa in ay ababul xoogan wadaan halka kuwo kale oo deeganka ah ay is-horfadhiyaan. Waxaa jira dadaal ay wadaan odayaasha dhaqanka ee deegaankaas oo la doonayo sidii loogu xakameyn lahaa dhaqdhaqaaqa iyo abaabulka labada maliishiyo beeleed ee isku degaanka ah, inkastoo la sheegay in laga heshiiyay dilkii sarkaalkaasi caafimaad oo maliishiyo beeledkii ka danbeysay ay odayaasha dhaqanku ku xukumeen in ay bixiyaan 300 halaad oo geel ah iyo ganaax ay dhaqanku u yaqaanaan Casaaro. Deegaanada Galgadud ayaaney ku cusbeyn falalka loo geysto sarakiisha caafimaadka iyo kuwa hey’addaha gargaarka kaasoo la xiriira isqabqabsi dhinaca shaqada, kirida, ilaalada iyo gaadiidka hey’adaha samafalka kaasoo dhaliya in mararka qaar dhibaato loo geysto mas’uuliyiinta hey’addahaasi isaga baxaan gobolka. Garowe Online,Muqdisho
-
Mogadishu: Geedi meets defeated oppositions backers
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Ra’iisul Wasaare Geeddi oo ka warbixiyay Safarkii Jabuuti iyo kulamadii dib u heshiisiinta uu la yeeshay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan iyo C/qaasim 13. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa shir jaraa’id uu maanta ku qabtay Muqdisho kaga warbixiyay safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti iyo kulamadii uu halkaasi kula yeeshay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo dhaqaale fara badan ku bixiyay jiritaankii maxaakiimtii Islaamiga ee dalka laga ergayay, isagoo sheegay in guulo laga gaaray wada hadaladaasi. Prof. Geeddi ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan uu ahaa mid dib u heshiisiin kaasoo qeyb ka ah buu yiri dib u heshiisiinta dalka, wuxuuna sheegay Ra’iisul Wasaaraha xubno ay ka mid ahaayeen ganacsade Maxamed Deylaaf, Sh Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo xubno kale uu dalka Jabuuti kula kulmay isagoo sheegay in dhamaan kulamadaasi looga wada hadlay sidii dhibaatada dalka ka jirta loo soo afjari lahaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisa ee Jabuuti ay aheyd sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhaxeeyay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan iyo dad uu sheegay in ay ehel yihiin wuxuuna caddeeyay in la soo afjaray wixii mad madow ahaa ee ka dhex jiray. Prof. Geeddi ayaa waxa uu sheegay in in sidoo kale magaalada Muqdisho uu kula kulmay Madaxweynihii hore ee dowladdii Carte C/qaasim Salaad Xasan oo uu kala hadlay arimaha dib u heshiisiinta wuxuuna sheegay in ay isku afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen. Mar uu ka hadlayey arrimaha nabadgelyada ee Muqdisho ayuu sheegay in iminka ay ka soo reyneyso sidii hore, isagoo intaa raaciyay in ciidamada amniga ay wax badan ka qabteen kooxo uu sheegay in ay dowlad diid yihiin. Prof. Geeddi ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha dalka erateriya Isayas Afawerki oo uu ku tilmaamay in uu yahay Madaxweyne naceyb u qaba Muslimiinta caalamka gaar ahaan kuwa Erateriya oo uu sheegay in uu ka dhigay kuwo uu laayey, kuwo uu qaxiyay iyo kuwo xabsiyada uu dhigay, isagoo nasiib daro ku tilmaamay in kooxo Soomaaliyeed oo sheeganaya Muslim ay Erateriya u tagaan shir nabadeed. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
Ra`isul Wasaare Geeddi Oo Sheegay In Xukuumadiisu Ay Sii Wadeyso Dadaalada Dib U Heshsiisiinta Posted to the MOL September 14, 2007, 7:53 am Ra`isul wasaaraha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa daboolka kaga qaaday shir jaraa`id oo uu ku qabtay Muqdisho in dowlada ay sii wadeyso dadaalada dib u heshiisiinta ee dalka. Wasiirka koowaad ee golaha wasiirada dowlada KMG ah Mr Geeddi ayaa tibaaxay in xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho ay iminka soo reyneyso ayna ciidamada dowlada sii wadi doonaan dadaalkaasi. Geeddi waxa uu canbaareeyay shirka Asmara oo uu ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhineyn , iyadoo uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in koox Soomaali ah oo muslim sheegayana ay maciin bidaan Asmara. Waxa uuna hadalka Geedi soo baxayaa xilli kooxahaasi ay xalay doorteen gudoomiyaha isbaheysiga ay ugu magac dareen dib u xoreynta Soomaaliya Dadka magaalada Muqdisho ayaa aragtiyo kala duwan muujiyay ururkaas asmara lagu sameeyay , iyadoo badankooda ay sheegeen in uusan wax soo kordhin karin isla markaana ay adag tahay in uu saameeyo xaaladda dalka . Cismaan Xasan Cali(Fantastic)
-
""Qaraxyada Muqdisho Halkan ayaan ka maamulnaa""Xassan Turki oo Maanta TVga aljazeera ka soo muuqday isagoo ku sugan meel aan ka fogayn magaalada kismaayo oo lagu tababarayo kooxaha uu hogaamiyo. Xassan Turki oo ah nin siwayn ay u raadiyaan xukuumadaha Washingtone,Addisabab iyo Muqdisho ayaa maanta si toos ah looga daawanayay TVga aljazeera isagoo ku sugan dhulka kaymoolaydaa ee dhaca Galbeedka magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose, Shekh Turki oo markii waraysiga laga qaadayay sitay qori nooca daran dooriga u dhaca ah hareerihiisana ay dhoobnaayeen koox si aad ah u hubaysan ayaa sheegay inay ku jiraan xaalad dagaal. Xassan turki oo ay wajigiisa ka muuqatay diif iyo daal farabadan ayaa waraysiga markii laga qaadayay ku sugnaa teendho yar oo cagaar ah kuna xero ay ku leeyihiin meel kayn ah oo aad ciriiri u ah isagoo siwayn ilaalo ay uga hayeen rag ku hubaysan qoryaha garabka lagu qaato una badan Baasuuke,iyo Qoriga BKMka oo somalidu u taqaan Dabajeexa. Wariyaha aljazeera oo ka warbixinayay sida ay ku gaareen goobta uu ku sugan yahay xassan turki ayaa yiri waxaanu ka baxnay magaalada kismaayo anagoo nalagu qaaday gaari nooca 4WD ah oo siwayn loo ilaalinayay in guuxiisa la maqlo iyadoo aanaan adeegsanayn indhaha gaariga inta badan xiliyada hamaynkii ah meelaha qaar waxaanu ifsanaynay Tooshash lagu hagayay gaariga kuwaasoo booskii indhaha u joogay gaariga.
-
loool. Adeer Xasan Turki and myself belong to the same clan that has vacated Kismayu to the JVA militia. The same family of ina Gaboose and Koojar and Afgaduud. You know that, we aint a minority like our distant kisnmen. I have always had respect for this warrior, unlike Xasan Dahir and Sharif Ahmed who are all talk, and run, this man fights and does not hide. I commend him for that.
-
Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda KMG iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku soo laabtay dalka 14. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa duhurnimadii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho isagoo magaalada Addis Ababa kaga qeybgalay xafladda qarniga cusub ee sanadka Ethiopia iyo munaasabada kale ee xuska bilashada sanadka bila tirsiga kalandarka dalka Itoobiya gaarka u ah ee loo yaqaan Meskerem. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa mudadii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa waxaa uu kulamo kala duwan kula yeeshay madaxda dalkaasi, Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kale oo lagu casuumaday xafladda qarniga cusub ee dalka Ethiopia. Md. Yuusuf ayaa Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Ato Males Zenawi ugu hambalyeeyay qarniga cusub ee Ethiopia iyo xuska bilashada sanadka Meskeremka isagoo u rajeeyay shacabka Ethiopia in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad, horumar iyo midnimo. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno uu horkacayey Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo maamulka gobolka Banaadir. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Hogaamiyaha labaad ee Kooxda Al-Shabaab Xasan Al-Turki oo Maleeshiyo kamid ah Maxaakimtii Burburtey ku tababaraya Keymaha Buur-gaabo ee G/Jubooyinka Xasan C/llaahi Xersi “Xasan Al-Turki” oo ka mid ah Golahii Shuuradda ee Maxaakimti Beelaha Midoobay,ayaa waxa uu keymaha G/Jubooyinka ka sameystay Xarun lagu Tababaro Maleeshiyadkii Maxaakim Beeledka,iyadoo ay halkaana si weyn isugu uruursanaya. Xasan Turki oo ah Hogaamiyaha labaad ee Kooxda Xagjirka Al-Shabab ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Weriyayaal ka socday TVga ee xaruntiisa dhexe tahay A dalka Qatar ee Al-Jazeera,iyadoo Wariyayaashana ay halkaa ku booqdeen,waxaana ay Wariyayaasha soo bandhigeen Filim Soconaya 30-Daqiiqo oo toos kaa oo lagu soo bandhigay iyadoo Maleeshiyada la barayo sida wax loo qarxiyo,iyo sidoo kale iyagoo sameynayey leylin adag oo dhinaca liifka ah ama toogashada ah. Xerooyinka ay Maleeshiyada Maxaakimta ku tababaranayey ayaa waxa ay ku yaalaan dhulka kaymaha Koonfurta Somalia Sida uu sheegay Wariyaha Al-Jazeera ee Soo tabanayey Warbixinta Xerooyinka Maleeshiyada Maxaakimta. Xasan Turki ayaa Mar wax laga weydiiyey sababaha uu Xeradda Tababarka uga asaasay Koonfurta Somalia,waxa uu sheegay in xaallad dagaal lagu jiro,isla markaana ay geli doonaan dagaal muddo dheerqaata,waa sida uu hadalka u dhigay Hogaamiayahaas labaad ee Kooxda xiriirka la leh Al-Qacida. Maleeshiyada Maxaakimta ayaa waxa ay baqdin xoogan dhinaca kale ka muujiyen Weerar Suurtagal ah in Hawada ay uga soo qaadaan Ciidamada Dawlada Federaalka iyo Nabad ilaaliayaasha Ethopai,waxaana ay sheegen in baqdntaa ay tahay mid taagan. Xasan turki ayaa intii ay Wariyayaasha la joogeen waxa uu tusay gawaari dagaal oo ay burburiyen Diyaardaha Dagaalka Mareykanka xiliyadii Duqeynta lagu waday. si kastaba Cajaladaan muuqaalka ah ayaa waxa ay ku soo beegmaysay xili maanta mas'uul ka tirsan Mareykanka ku sheega in Usama uu jooga Somalia Warbixinta uu Telefishinka Aljazeera ka diyaariyey Xeradda Tababarka ee uu Sheekh Xasan C/llaahi Xeri “Xasan Turki” ka furay Koonfurta Somalia, ayaa lagu sheegay in Kooxda. Weriyayaasha ee Wareysiga iyo Filimka soo qaaday indhaha laga waada xiray, isla markaana ay hayinka u qabteen dagaalyahanno hubeysan, si aysan Kooxda Suxufiyiinta u aqoonsanin halka ay Xeradda Tababarka ku taallo. Waxayna Wertiyayaasha tilmaameen in indhaha laga furay marka la geeyey barxad weyn oo ay Dagaalyahannadda ku tababar-qaataan noocyadda hubka fudud iyo kuwa culus. Dagaalyahannadda, ayaa la sheegay inay qaarkood toogasho ku baranayeen dhowr alwaax oo lagu dul-qoray magacyadda Madaxweynaha Maraykanka, Ra’isu-wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Meles Zenawi, waa sida lagu xusay Warbxiina uu Telefishinka Aljazeera ka diyaariyey Tababarkaasi. Dhinaca kale, warar aan la xaqiijinin ayaa waxay sheegayaan in Xeradda ay Dagaalyahannadda Kooxda Sheekh Xasan Turki ku tababar-qaataan ku taall dhulka kaymaha ee Hawdka Koonfurta Buur-gaabo ee Gobalka J/hoose. Si kastaba ha ahaatee, Boqolaal ka tirsan Dagaalyahanno u daacad ah GMIS ay isku urursanayaan qeybo ka tirsan dhulka hawdka fog ee Goballadda Koonfurta Somalia, ma cadda Tababartkaasi kadib, halka ay u soo ruqaansan doonaan, inkastoo ay Dagaalyahannaddu sheegeen inay ka walaacsan yihiin inay Diyaaradaha Dagaalka ee dalka Maraykanka duqeyn xooggan u geystaan xerooyinka ay ku tababar-qaataan Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia
-
Shiekh Xasan Turki Xassan Turki oo Aljazeera Wareysi siiyey oo sheegay in ay diyaargarow ku jiraan (Daawo Sawiro) Last Updated::2007-09-14 18:03:05 Muqdisho:- Telefishonka Aljazeera ayaa maanta siidaayey Wareysi khaas ah oo ay la yeesheen Shiikh Xassan turki oo kamid ahaa hogaamiyaashii maxaakiimtii laga saaray gobalada Koonfurta Soomaaliya. Sheekh Xasan C/llaahi Xersi oo loo yaqaan (Xasan Turki) ayaa waxaa wareysi filim ah kasoo qaaday koox suxufiyiin ah oo dhawaan booqasho ku tagay Goobo aan la magacaabin oo ku yaal hawda gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya. Waxaana halkaasi ka muuqday tiro kamid ah maleeshiyooyinkii maxaakiimta oo tababaro halkaasi ku qaadanaya. Waxaana warbixintan ka muuqday kooxahan oo xabado shiish barad ah ku dhufanaya Alwaaxyo lagu xardhay magacyada Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Geedi, Raíisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Magaca Madaxweynaha Maraykanka Mr.Bush. Sheekh Xasan Turki ayaa sheegay in uu furay xarun ciidamadan lagu barayo dagaalyahanadan sidii ay u geli lahaayeen dagaal daba dheerada oo ay la galaan dowlada Soomaaliya iyo kuwa taageera oo uu sheegay inuu hormuud u yahay dalka Maraykanka. Shiikh Turki ayaa beeniyey inuu ku lug lahaa qaraxyadii safaaradihii Maraykanka ee dalalka Tanzaniya iyo Kenya ka dhacay sanadkii 1998dii, falalkaasi oo horey loogu eedeeyey kooxo islaamiyiin ah oo la sheegay in ay gacansaar la leeyihiin kooxahan ku sugan koonfurta dalka Soomaaliya. Kooxdan uu hormuudka u yahay Xassan Turki ayaa hada ku sugan goob aan shaacin, ayagoo sheegay in ay ka dhuumanayaan diyaaradaha Maraykanka, oo ay sheegeen in ay duqeyn ba'an u geysteen, isla markaana hada weli dul heehaabaan goobo kamid ah koonfurta Soomaaliya. Warbixinadan la xariira maleeshiyooyinkii ka haray Maxaakiimtii islaamiga ayaa kusoo beegmay xili urur cusub looga dhawaaqay shirkii Mucaaradka uga socda dalka Eritera caasimadiisa Asmara. Shiikh Xassan Turki ayaa ka dhawaajiyey dagaalada ay qaadi doonaan inuu ahaan doono mid qarsoodi ah, asagoo carabka ku dhuftay in dagaalyahanadooda ay hada ka dagaalamaan gudaha magaalada Muqdisho. Xassan Turki ayaa baaq udiray shacabka dalka Kenya, oo uu sheegay in ay soo doortaan dowlad cusub oo ka gedisan tan hada dalkaasi ka jirta. Xassan turki oo hadalkiisan ku beegay xili ay ololaha doorashooyinka ka socdaan dalka Kenya, ayaa sheegay in Xukuumada Kibaki ay khilaaf iyo xumaan dhex dhigtay Soomaalida iyo Kenyaatiga. Asagoo intaasi raaciyey in ay iska illaawi doonaan waxaas oo xumaan ah hadii dowlad cusub lasoo doorto. Kooxahan ku sugan goobo kamid ah Koonfurta Soomaliya ayaa waxaa ku jira dagaalyahano ajaanib ah, ayadoo markoodii ugu horeeyey lagu arkay shaashadaha caalamka. Kooxdan ayaa sheegay in ay dagaal xun la geli doonaan ciidamada DFKMG, kuwa Itoobiya, dalka Ugandha, Kenya iyo Maraykanka. HorseedNet.com
-
Cawad Axmed Xasharo “fowdada Asmara shir laguma tilmaami karo ee waa talaabo cadowga Soomaaliyeed loogu adeegayo” Guddoomiyaha guddiga war faafinta ee baarlamaanka dalka Soomaaliya Cawad Axmed Xasharo ayaa wax damiirka wadaninimo uu diidayo ku tilmaamay in la tago Asmara oo uu ka soconayo shir qoolka dhan ah ummadda Soomaaliyeed ,isagoo waxa Asmara ka soconayana ku tilmmay fowdo. “fowdada Asmara shir laguma tilmaami karo,ee waa talaabo cadowga Soomaaliyeed loogu adeegayo” ayuu si kulul u yiri guddoomiyaha Gudiga war faafinta baarlamaanka dalka Soomaaliya Cawad Axmed Xasharo oo u warramayay TV-ga Al Jazeera ee dalka Qadar. “Dadka Asmara ku sugan uma maleynayo in ay yihiin kuwo bedqaba,waxaana muuqata in ay ku sucodaan wado marin habaabin ah “ayuu yiri mar kale guddoomiyaha guddiga baarlamanka dalka Soomaaliya Xasharo oo inta ku sii daray in dadka Asmara ku sugan markii horaba lagu yaqinay inay cadowga ummadda Soomaaliyeed la shaqeeyaan haatana aanay ceeb ku ahayn in sidaa ay u dhaqmaan. Hadalka cawad Axmed Xasharo ayaa kusoo begmaya xilli kooxaha kusugan Asmara dhexdooda uu soo kala dhex galay khilaaf ku aadan sida hoggaanka loo qeybsanayo,iyagoona shir ku shegoodii uu gabagabo yahay,hase ahaatee waxaa laga dhur sugayaa halka ay ku dambeeyan. Xafiiska warqabadka shabkadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
-
Cawad Axmed Xasharo “fowdada Asmara shir laguma tilmaami karo ee waa talaabo cadowga Soomaaliyeed loogu adeegayo” Guddoomiyaha guddiga war faafinta ee baarlamaanka dalka Soomaaliya Cawad Axmed Xasharo ayaa wax damiirka wadaninimo uu diidayo ku tilmaamay in la tago Asmara oo uu ka soconayo shir qoolka dhan ah ummadda Soomaaliyeed ,isagoo waxa Asmara ka soconayana ku tilmmay fowdo. “fowdada Asmara shir laguma tilmaami karo,ee waa talaabo cadowga Soomaaliyeed loogu adeegayo” ayuu si kulul u yiri guddoomiyaha Gudiga war faafinta baarlamaanka dalka Soomaaliya Cawad Axmed Xasharo oo u warramayay TV-ga Al Jazeera ee dalka Qadar. “Dadka Asmara ku sugan uma maleynayo in ay yihiin kuwo bedqaba,waxaana muuqata in ay ku sucodaan wado marin habaabin ah “ayuu yiri mar kale guddoomiyaha guddiga baarlamanka dalka Soomaaliya Xasharo oo inta ku sii daray in dadka Asmara ku sugan markii horaba lagu yaqinay inay cadowga ummadda Soomaaliyeed la shaqeeyaan haatana aanay ceeb ku ahayn in sidaa ay u dhaqmaan. Hadalka cawad Axmed Xasharo ayaa kusoo begmaya xilli kooxaha kusugan Asmara dhexdooda uu soo kala dhex galay khilaaf ku aadan sida hoggaanka loo qeybsanayo,iyagoona shir ku shegoodii uu gabagabo yahay,hase ahaatee waxaa laga dhur sugayaa halka ay ku dambeeyan. Xafiiska warqabadka shabkadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
-
Qad merchant Clan leader struggle at Asmara tea party
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Kooxaha ka soo horjeeda dawlada Soomaaliya ee shirku uga soconayo magaalada Asmara oo muran xoogan soo kala dhexe galay Kooxaha ka soo horjeeda xukuumada Soomaaliya ee dhawaan ku dhawaaqaday Urur siyaasadeed ka dhan ah xukuumada Soomaaliya iyo dowladaha dariska la ah Soomaaliya kaasoo lagu magac daray"Ururka dib u xureynta iyo soo nooleynta shacabka Somaliyed" ayaa siweyn isugu haya ciidi loo dooran lahaa gudoomiyaha urukaas Wararka ka imaanaya magaalada Asmara ayaa sheegay in ciidamo boolis ah la geeyey goobta uu shirku ka soconayo iyadoo xukuumada Asmara, ku dadaalayso sidii ay gudoomiye ay ayadu rabto ugu soo saari lahayd urukaas. Mid kamid ah ka qeyb galayaasha shirkaas oo ka gaabsaday in magaciisa uu sheego ayaa waraysi uu siiyey idaacad kutaal magaalada Asmara, sheegay in kooxaha uu shirku uga soconayo asmara uu is fahan weyn soo kala dhexe galay kadib markii ay isku soo sharaxeen rag fara badan in ay qabtaan hogaanka uruka ay ka ga dhawaaqeen magaalada Asmara. Raga is ku soo sharaxay in ay qabtaan hoganka ururkaas ayaa waxaa kamid ah Gudoomiyihii hore ee Baaralamaanka Somaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah xubin sare oo ka tirsanaa Maxaakiitii burburtay,Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo ah hogaamiyihii Maxaakiimta Islaamiga ahaa ee kal hore dagaalka xoogan la galay ciidamada dowlada Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa dowlada Ethiopia. xubnaha ka qeyb galaya shirka ka soconaya Asmara ayaa siweyn uga soo horjeeda in hogaanka sare ee Ururka dib u xureynta iyo soo nooleynta shacabka Somaliyed, ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Asmara in hogaan looga dhigo, Sheekh Xasan Daahir Aweys,oo ku jira liiska Argagaxisada Caalamiga ah iyadoo dhawaan xukuumada Bush iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys, ay is dhaaf sadeen erayo kul kul. Dhanka kale xubnaha sida weyn loogu tuhun san yahay inay ku guulaystaan hogaanka sare ee Uruka dhawaan looga dhawaaqay magaalada Asmara ayaa waxaa kamid ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo xukuumadaha Ethiopia iyo Maraykanku u yaqaanaan qun yar socod, iyo sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo siweyn ula garab ah siyaasada xukuumada Asmara. Said Ahmed Husein Email: umalx85@hotmail.com