General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Madaxweynaha DFKMG ah & Boqorka Sacuudiga oo wada socda Boqorka Sacuudiga oo salaamaya madaxdii Soomaalida ee uu casuumay
  2. SOURCE Daawo Sawirrada Booqashadii uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku tagay dalka Yeman { 15 Sep 2007} waxaa la daabacay Sat 15 Sep 2007 15: 07: 29 Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa la filayaa inuu ka warbixiyo safarkii uu dhawaan ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Yeman. Guddoomiye Maxamed wuxuu muddadii uu dalkaas joogay kulamo kala duwan la yeeshay madax kala geddisan oo ka tirsan maamulladada Magaalooyinka iyo kuwa dowladda Yeman, isagoo kala hadlay sii adkeynta xiriirka wax wada qabsi ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Waxaan halkaan idiibnkugu soo gudbinaynaa qaar ka tirsan sawirrada madaxdii uu kula soo kulmay dalkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin ku xigeenka duqa Magaalada Sanca Amiin Jumaan, duqa Magaalada Sanca, booqashooyinkii uu Guddoomiyaha ku tagay xarumo kala duwan oo dalkaas ah iyo casharro aqoon is weydaarsi ah oo uu kaga soo qayb galay dalkaas. Guddoomiye Maxamed Dheere oo booqday xafiiiska dowladda Hoose ee Sanca Warbixinta guulaha safarka Guddoomiyaha waxaan idiin soo gudbin doonnaa dhawaan kadib marka uu guddoomiyaha qabto shir jaraa’id oo uu ku faahfaahinayo arrimahaas. Email: admin@gobolkabanaadir.com Gobolkabanaadir.com
  3. Brother, there is need for peacekeepers to replace the Ethiopian excuse for violence. However the more training and better equipment our national security apparatus gets the easier to deal with these groups. Who are not that sophisticated, even in Mogadishu its a case of not enough boots and intel.
  4. Somaliland's "success" is a Somali success. The South's "failure" is a Somali failure. Nothing complicated about these things.
  5. Boqor Cabdalla ibnu cabdul casiis aala sacuud oo taageero buuxda siiyay Dawlada somalia iyo heshiis ay kala saxiixdeen Madaxda DFK iyo Qaar kamida ergadii shirka. Shir sadex geesood ah oo dhexmaray Ergadii shirwaynaha qaran ee Muqdisho,Madaxda Dawlada somalia iyo Madaxda Dalka Sacuudiga ayaa laga soo saaray qodobo wax ku ool ah kuwaasoo ay kamid ahaayeen ciidamo carbeed oo la keeno somalia, Dibu heshiisiin buuxda oo dhexmartay Ergada shirka iyo Madaxda Dawlada iyo hirgalinta qodobadii ka soo baxay shirkii Muqdisho. Boqor Cabdalla ayaa ka codsaday Dawlada somalia inay wadahadalo nabadeed u furto dhamaan garabyada ka soo horjeeda Dawlada oo ay ugu horayso kooxda Asmara oo ah isbahaysi ay samaysteen maxkamadihii laga awood roonaaday iyo rag horay xilal sare uga hayay Dawlada somalia. Boqor cabdalla wuxuu soo dhaweeyay ciidamo ka socda Jaamacada Carabta iyo Midowga africa korna ay ka maamusho QM oo la geeyo somalia isagoo ku tilmaamay arintaas mid horseedi karta somalia oo dib ugu soo laabata masraxa aduunka. Madaxwaynaha somalia ayaa isaguna ku baaqay in ciidamo la geeyo somalia sibuu yiri ay ugala wareegaan ciidamada hada ku sugan somalia oo buu yiri abaal badan ku leh somalia. Dhinaca kale odayaal dhaqameed kor u dhaafaya 400 horayna uga qayb galay shirwaynihii qaran ee lagu qabtay magaalada muqdisho ayaa hoosta ka xariigay inaysan marnaba khilaafi doonin heshiiskii ay horay usaxiixeen iyo qodobadii ka soo baxay shirwaynihii somalida ee Muqdisho lagu qabtay iyagoo sheegay inay dadkoodiina kula laaban doonaan dibu heshiisiin iyo nabad waarta. Warqabadka shabakadda allmudug.org.
  6. You welcome brother Emperor, one saw the ammusing reaction from certain quarters to this news. Great news, those who wanted Arab support should be happy right now.
  7. Madaxda Somalia oo heshiis dib u heshiisiin ku saxixay Saudi Arabia Jeddah (HRNet):-Madaxda Dowladda KMG ah ee Somalia, ayaa heshiis dib u heshiisiin ku saxiixay dalka boqortooyada Saudi Arabia oo iminka ay booqasho iyo wada hadallo u joogaan. Heshiiska ayaa waxaa lagu waramay inuu la xiriiro shirkii dib u heshiisiinta qaran ee lagu soo geba gebeeyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho bishii tagtay. Wakaaladda wararka Saudi Arabia ee SPA, ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska uu goob jog ka ahaa boqorka dalkaasi boqor Cabdalla, oo doonaya in xasilooni lagu soo dabaalo dalka Somalia. Waxaa sidoo kale ku sugnaa madasha Odey dhaqameedyada Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee bishii Agoosto lagu soo geba gabeeyey magaalada Muqdisho. Hase yeeshee wakaaladda ilaa iyo hadda ma aysan bixin wax faah faahino ah oo ku saabsan nooca uu ahaa heshiiska. Saudi Arabia, ayaa dhamaan dhinacyada Soomaalida ugu baaqday inay xushmeeyaan heshiiska ayna taageeraan bayaanada Madaxweynaha Somalia oo ah in ciidamada shisheeye ee alka jooga ay bedel;aan kuwa ka socda carabta iyo Africa, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona Ciidamada QM, si xasilooni loogu soo celiyo Somalia. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, Ra’iisul Wasaare cali Maxamed Geedi iyo guddoomiyaha Baarlamanka, ayaa dhamaantood ku sugan dalka magaalada ku taala badda cas ee Jedah, halkaasi oo ay kulan u joogaan. Dowladad Somalia, ayaa u muuqata inay ogolaatay in ciidamada isugu jira Carab iyo African oo hoos tagaya QM ay bedeli doonaan Ciidamada Ethiopia ee dlaka jooga. HorseedNet.com
  8. ^^^Thanks lads, and I hope you enjoyed the report and the PICS, as much as I did. [ September 17, 2007, 12:29 PM: Message edited by: The Duke ]
  9. Riyaad: Boqor Cabdallaha Sacuudi Carabiya oo taageeray baaq uu jeediyay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf 17. September 2007 Riyaad(AllPuntland)- Boqorka dalka Sacuudi Carabiya Boqor Cabdalla Bin C/casiis oo ka qeybgalay xaflad casho sharaf ah oo xalay ka dhacday magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya ayna ka soo qeybgaleen madaxda sare ee dowladda KMG, Boqor Cabdalla iyo ergadii shirkii dib u heshiista ee Muqdisho heshiiska ku gaaray kuwaasi oo uu hadal uu u jeediyay Boqor Cabdalla Bin C/casiis kulaa dardaarmay in ay mira dhal ka dhigaan heshiis ay xalay halkaasi ku saxiixdeen madaxda dowladda iyo ergadii shirweynihii dib u heshiisiinta. Boqor Cabdalla Bin C/casiis ayaa ugu baaqay kooxaha Soomaalida ee isku haaya siyaasada om ay qadiriyaan heshiiska la gaaray ayna ku dhaqaaqaan sidii ay u mira dhal ugu dhigi lahaayeen baaqa Madaxweynahooda Soomaaliya ee dhigaya in ciidamo nabad ilaalin la geeyo Soomaaliya taasoo uu sheegay in loo arko xal nabadeed. “Waxaan idinku boorinayaa ergooyinkiina in aad dhaqan gelisaan qodobada heshiiskii aad ku gaarteen shirkii Muqdisho ka dhacay kaasoo ah mid Soomaali u horseedaya nabad, horumar iyo guul” ayuu yiri Boqor Cabdalla Bin C/casiis oo Soomaalida ka codsaday in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo in la muujiyo tanaasul. Ugu danbeyntii Boqor Cabdalla ayaa u sheegay madaxda dowladda iyo ergadii la socotayba in dowladda Sacuudi Carabiya ay diyaar la tahay in ay taageero dhaqaale u fidiso dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda, wuxuuna ugu baaqay Soomaalida in la muujiyo isku xernaan. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  10. The host with the most the guest More guests An overview picture
  11. President Yusuf signs the agreement "Si loo xoojiyo howlaha dib u hishiisiinta qaranka , waxaan minbarkaani kaga baaqayaa in Soomaaliya loo soo diro ciidamo Carbeed iyo kuwa African ah oo Qaramada Midoobay hoos imaanaya si ay u qabtaan mas`uuliyada nabad ilaalinta iyo amaanka Soomaaliya" , sidaa waxaa yiri Madaxweyne Yuusuf.
  12. Heshiis lagu kala saxiixday Sucuudiga Jedah, Sacudi Arabia (Calanka) 17-Sebtember-2007 Jiddah(Calanka)Madaxda sare ee dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ergadii ka qeyb gashay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliya ayaa magaalada Riyaad ku saxiixday hishiis kaasi oo ay taageereyso dowlada Sacuudiga. Madaxweynaha dowlada KMG ah oo hadal ka jeediyay xafladii saxiixa ayaa ku baaqay in Soomaaliya loo soo diro ciidamo nabad ilaalineed oo ah African iyo Carab ah kuwaasi oo hoos tagaya Qaramada Midoobay . Waxa uuna madaxweyne Yuusuf tibaaxay in ciidamadaasi ay badalayaan kuwa Itoobiya ee iminka dalka jooga ee dowlada KMG ah gacanta ki siiyay in dalka ay ka saaraan kooxihii maxaakimta. "Si loo xoojiyo howlaha dib u hishiisiinta qaranka , waxaan minbarkaani kaga baaqayaa in Soomaaliya loo soo diro ciidamo Carbeed iyo kuwa African ah oo Qaramada Midoobay hoos imaanaya si ay u qabtaan mas`uuliyada nabad ilaalinta iyo amaanka Soomaaliya", sidaa waxaa yiri Madaxweyne Yuusuf. Boqorka dalka Sacuudi Carabiya Boqor C/llaha Bin C/casiis ayaa carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay muhiim u tahay nabad ku soo dabaalida Soomaaliya iyo in hor mar gaaro. Boqorka Sacuudi Carabiya ayaa hishiiskaasi ku tilmaamay waa cusub oo xanbaarsan amaan iyo barwaaqo isla markaana soo dadajinaya hormarinta iyo dhismaha Soomaaliya . Waxaana xafladii saxiixa goob joog ka ahaa ra`isul wasaare Geedi , gudoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe iyo xubno ka tirsanaa odayaashii ka qeyb galay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliya .
  13. Madaxda Sare Ee Dowlada KMG Ah Oo Dhoofay Dalka Sacuudi Carabiya Posted to the MOL September 16, 2007, 7:26 am Wafdi heer sare ah oo ay hogaaminayaan madaxda sare ee dowlada KMG ee ah ayaa maanta u duulay magaalada Riyaadh ee dalka Sauudi Carabiya . Madaxweyne Yuusuf , Ra`isul wasaare Geedi iyo gudoomiyaha baaralamaanka Soomaaliya ayaa lagu waramay in uu qaadanayo muddo sedex cesho ah , iyadoo safarkaani uu ka dambeeyo martiqaad ay ka heleen boqorka Sacuudi Carabiya C/lla Bin C/casiis . Mas`uuliyiinta ugu sareeya dowlada KMG ah ayaa waxaa safarkooda ku wehliya ilaa 400 ergo oo ka mid ah ergadii ka qeyb gashay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed . Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya safarka madaxda sare ee dowlada, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dowlada Sacuudi Carabiya ay dhex dhaxaadineyso madaxda sare ee dowlada oo la sheegay in uu qilaaf u dhaxeeyo. Afhayeenka xafiiska Ra`isul wasaare Geeddi C/laahi Muxidiin (Codka) ayaa meesha ka saaray in uu jiro wax qilaaf ah o u dhaxeeya madaxda sare ee dowlada KMG ah Waxa uuna safarkaani soo baxayaa xilli dalalka Sacuudi iyo Masar ay wadaan qorshe lagu qabanayo shir ka dhaca Riyadh kaasi oo lagu taageerayo natiijooyinkii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliya . Xafiiska Mudugonline, Muqdisho
  14. Madaxda Dowladda KMG ah oo u ambabaxay Dalka Boqortooyada ee Sacuudi Carabiya. Muqdisho, Axad, 16 Septemper - 2007 [Radio Simba] Wafdi ay hogaaminayaan madaxda ugu sareysa dowladda KMG ah ee Somalia, ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoona kusii jeeday Dalka Boqortooyada ee Sacuudi Carabiya. Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Madax weyne C/llaahi Yuusuf, waxaana ku wehliya Ra'iisal wasaare Cali Max'ed Geedi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda KMG ah, Salaadiin iyo Mas'uuliyiin kale, kuwaasoo goor dhoweyd ka ambabaxay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde International Air Port ee magaalada Muqdisho. Safarka mas'uuliyiintan ayaa yimid ka gadaal markii, ay casuumaad ka heleen, Boqorka Dalka Sacuudiga, Boqol Cabdalla Bin C/casiis, sidaasi waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay Ra'iisal wasaare Geedi. R/wasaaraha ayaa hadalkan sheegay ka hor inta uusan Garoonka Aadan Cadde ka ambabixin, isagoona tilmaamay in uu jiro balan qaad hore oo ay ka heleen Boqor Cabdalla, kaa oo ku saabsan in marka lasoo gaba gabeeyo Shirkii Muqdisho lagu qabtay, uu kulamo la qaadan doono Ergadii Shirkaasi ka qeyb gashay.
  15. ^^^No its quite expensive all this is costing the poor folks in Asmara, wont make any real dent to the TFG. Trust.
  16. Madaxda DF oo jooga Sacudiga 16 Sep 16, 2007 - 12:02:59 AM Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia, ayaa maanta ka amba baxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaga oo kusii jeeda dalka Saudi Arabia, halkasi oo uu ku casuumay boqorka dalkaasi. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Cali Maxamed Geedi iyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur "Madoobe", ayaa halkaasi joogi doona illaa waqti aan la cayimin, iyaga oo wada hadalo la yeelan doona Madaxda waddankaasi. Ammaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka garoonka Aadan Cadde, ayaa si aad ah loo adkeeyay si loo xaqiijiyo bad baadada saddexda mas'uul. Wasiirka warfaafinta Somalia Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa ayaa casuumadda ku macneeyay mid ay xukuumadda Riyad ku ayi-deyso, sida uu hadalka u dhigay shirkii dib u heshiisiinta ee Muqdisho lagu soo gaba gebeeyay. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadad Riyadh ay waddo dadaalo ay ku dhex dhexadineyso dhinacyada is haya ee Somaalida, taasina ay keentay casuumada ay madaxda u fidisay. Dowlada Saudi Arabia oo ay wehliso Masar, ayaa wada dadaalo ay doonayaan inay xal siyaasadeed ugu helaan arrimaha Somalia. Ahmed Ali Shiekh, Muqdisho
  17. ^^^Garowe's airport is under construction adeer, I dont know why thats simple fact seems to confuse you.
  18. Islamist opposition chief denies al Jazeera report from Somalia 16 Sep 16, 2007 - 1:29:07 PM ASMARA, Eritrea Sep 16 (Garowe Online) - A leading Somali Islamist official who was recently elected to head an opposition movement based in Eritrea has dismissed a critical video report aired by Al Jazeera TV last week as propaganda. Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, executive chairman of the Alliance for the Re-liberation of Somalia, said in the Eritrean capital Asmara on Sunday that the Al Jazeera report is a "complete fabrication." Sheikh Sharif, ARS chairman "The Islamic Courts do not need foreign fighters for we have enough Somali fighters," Sheikh Sharif said, referring to video images of masked non-Somali fighters somewhere in the jungles of southern Somalia. The Al Jazeera report showed masked gunmen, including foreign fighters, target practicing their assault rifles and detonating landmines. The Al Jazeera reporter also interviewed Sheikh Hassan "Turki" Abdullahi Hersi, the commandant of a training camp for Islamist fighters somewhere in the deep jungles of Somalia's Lower Jubba region. Sheikh Turki was a leading military commander under the Islamic Courts movement when they were in power last year throughout central and southern Somalia. He provided safe haven for retreating Islamist fighters and leaders as they withdrew from Mogadishu in the face of an Ethiopian army onslaught over the New Year. U.S. warplanes bombarded Lower Jubba jungles in January, allegedly targeting fleeing Islamist commanders and al Qaeda operatives being "hidden" by the retreating Islamists.
  19. ^^^Adeer he wants to destabalise my country further, a nation that has been suffering for 17 years, to me thats a great crime.
  20. Rw Geeddi oo ka war bixiyey safarkooda Sacudiga Mogadishu 16, Sept. 07 ( Sh.M.Network)-3da Mas’uul ee ugu sareysa dowladda Somalia ayaa barqanimadii maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda waddanka Boqortooyada Sacudi Arabiya, waxana wafdiga madaxadaasi sidoo kale ku jira xubno ka tirsan ergadii ka qeyb gashey shirkii dib u heshiisiinta beelaha Somaliyed ee 30 kii August ku soo dhamaadey magaalada Muqdisho. Ka hor inta aaney ka ambabaxin wafidagan garoonka Aadan Cadde International Airport, ayuu shir jaraa’id oo uu ku qabtey garoonka Muqdisho ku sheegey Rw Somalia Cali Max’ed Geeddi in socdaalkooda uu salka ku hayo sidii ergo 400 gaareysa oo shirkii dhamaadey ee Muqdisho ka qeyb gashey ay u aadi lahaayeen Sacudiga si halkaasi loogu soo duceeyo islamarkaana ay isku cafiyaan. Prof Geeddi ayaa hoosta ka xariiqey in dhawaan socdaal uu ku tagey waddanka Sacudi Arabia ay ballan ku wada galeen isaga iyo boqorka Sacudiga in marka uu dhamaado shirka dib u heshiisiinta, qaar ka mid ah salaadiinta Somaliyed iyo saraakiishii la shaqeyneysey la geeyo Xaramka, iyadoo ay hogaaminayaan madaxda dalka. Ergadan qaar ka mid ah ayaa shaley ka duuley garoonka halka kuwa kalena ay maanta raaceen wafdiga uu madaxweynaha hogaaminayo. Wafdiga ayaa waxa ka mid ah Madaxweynaha dowladda Somalia C/laahi Yuusuf Axmed, Rw Cali Max’ed Geeddi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Madoobe), xubno ka tirsan dowladda Somalia iyo qeybo kale oo ka mid ah ergadii Shirka Muqdisho ugu soo dhamaadey. Click here to find this article in English
  21. NGOONG, fear of what, this recent movement is posative for the TFG as have outlined above. The opposition is foreign based, with Eritrea's Christain boss as head. Its not a religious movement, but a somewhat confused mix of interest, personality and as the world will see it "terror". Domesticly, the people will see Eritrea's involvement and the foreign fighters as a vindication of the TFG's position of getting as much outside military support as possible. Externally; the local neighbourhood will do their utmost to isolate Aferwarki and his troubles and the threats against Ethiopia, Kenya and so on will only push their support for TFG deeper. Its a win, win situation for us. Even the Americans will come out more hawkish than before.