
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
He was killed by a small bomb that hit his vehicle. the other was a hand grenade. Nothing sophsticated. This is a price warriors have to pay Cayrow and others have been taken out of the picture, they are hiding and these types of attacks will not deter the TFG.
-
They will be replaced. May Allah grant them peace and their families strength.
-
Baidoa: President Yusuf arrives in legislative capital of Somalia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxwaynaha SOmaliya iyo wafti uu hogaaminayo oo soo gaaray Magaalada Baydhabo. Madaxwaynaha Somaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah Dawlada SOmaliya kadib safar uu kaga soo amba baxay magaalada Nairobi. Waftiga Madaxwaynaha ayaa siwayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo iyadoo soo dhawaynta waftiga ay ka qayb galeen dhamaan golayaasha dawlada somaliya sida Barlamanka iyo golaha xukuumada. Sidoo kale Labada masuul ee ugu sareeyay madaxda dawlada ee horay ugu sugnaa Baydhabo waa Sheekh Aadan madoobe iyo Nuur caddee ayaa ka qayb qaatay soo dhawaynta madaxwaynaha iyagoo kaga hortagay gagida diyaaradaha ee Baydhabo. Madaxwaynaha ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada isagoo aan wali wax war ah siin saxaafadda balse lagu wado inuu shir jaraa'id ku qabto madaxtooyada wakhtiyada soo socda shirkaasi oo uu kaga warbixin doono arimo ay ka mid tahay xaaladiisa caafimaad. Madaxwaynaha ayaa muddo bil ku dhaw xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa isagoo gaaray magaalada London oo uu joogo dhakhtarkiisa khaaska ah oo horay ugu sameeyay qaliin dhinaca Beerka ah. -
Baidoa: President Yusuf arrives in legislative capital of Somalia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya oo ka dagey magaalada Baydhabo Madaxweynaha Dawlad Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo xubno la socda ayaa goor dhaweyd ka degay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay oo iminka fariisin u ah hay'adaha federaaliga Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Ra'isalwasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), Gudoomiyaha Baarlamanka FKMG ah Sheekh Aadan Maxe'd Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo xubno fara badan oo ka tirsan Baarlamanka KMG ah. C/laahi Yuusuf oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa waxaa uu horey uga yimid magaalada London ee caasimada wadanka Britian halkaasi oo ku joogay baaritaano dhanka caafimaadka. Madaxweynaha ayaa socdaalkiisa waxaa ku xirnaa magacaabista golaha xukuumada DFKMG ah ee laga sugayo Ra'isalwasaare Nuur Xasan Xuseen, iyadoo Nuur Cade uu diyaariyey liiska xubnaha golaha wasiirada ee ka kooban 18 xubnood, waxaana magacaabistaasi si weyn isha ugu haya shacabka Soomaalida iyo beesha caalamka. Wariyaha SBC International ee magaalada Baydhabo Maryan Saylac ayaa soo sheegaysa in markii uu madaxweynuhu uu soo gaarey magaalada Baydhabo uu kulan deg deg ah markiiba la qaatey Ra'isalwasaaraha DFKMG ah iyo Gudoomiyaha Baarlamanka, kulamadaasi oo lagu macneeyey kuwa ku aadan ku dhawaaqista Ra'isalwasaare Nuur Cade ee xubnaha golaha xukuumada cusub. SBC International News Desk -
Maamulka Guri ceel oo beniyay in ciidan Taabacsan maxaakiimta islaamiga ay la wareegeen deegaankaasi Sh, M network 29 Dec 07, 08:27 Mogadishu 29, Dec. 07 ( Sh.M.Network)Cismaan Ciise Nuur oo ah gudoomiye xigeenka Gobolka G/Gaduud oo u waramayay shabelle ayaa waxba kamjiraan ku tilaamamay warar sheegayay in ciidamo taabacsanaa maxaakiimtii islaamiga ay la wareegeen Gacan ku heeynta Magaalada Guri Ceel. Sidoo kale gudoomiye xigeenka waxaa uu sheegay in gacan ku heeynta magaalada Guri ceel iyo amaanka uu gacanta ugu jiro maamulka degmada isla markaana ya ciidamada maamulka wadaan qoresh ku aadan sidii ay u dajin lahaayeen dad fara badan oo iskuugu soo baxay magaaladaasi oo muujinayay sidii ay ugu faraxsanaayeen ka bixida ciidmada Ethiopia ee deegaanadaasi. Maamulka degmada guri ceel waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in ciidamo fara badan oo taabacsan maxaakiimtii islaamiga lagu soo arkay dhulka baadiyaha ee hoos taga degmada Guri Ceel waxaan uu ku tilmaaya gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Cismaan Ciise Nuur,in ay yihiin ciidamo tabacsan maamulka degmada isla markaana ay xoojin u yihiin ciidanka degmada.
-
Baydhabo: Madaxweynaha Soomaaliya oo Baydhabo tagey Maanta,lana Kulmay Sheekh Aaden Madoobe Iyo Nuur Cadde!!. 31. december 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay , ka dib todobaadyadii ugu danbeeyey oo uu booqanayay Dalala shisheeye. Madaxweyne Yuusuf ayaa soo dhaweyn kala kulmay Madaxda dowlada Soomaaliya ee joogtey Magaalada Baydhabo iyo Kumanaan dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ah ,isagoo markaasina bilaabay wada hadalo ku aadan soo xulitaanka Wasiirada dowlada Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyey joogey Magaalada Nayroobi isagoo halkaasi kula kulmayay Madaxda dowladaasi iyo Deeq bixiyaasha Caalamka oo uu kala hadlay arimaha ku aadan sidii taageero xoogan loo siin lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya. Warar hoose oo ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in uu Madaxweynuhu la kulmay Madaxweynaha Kenya ,isagoo ugu hanbalyeey Doorashada uu ku guuleystay isagoo tibaaxay in looga baahan yahay in sare loo qaado xiriirka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya & Kenya. Madaxweynaha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka bilaabay Xarunta Madaxtooyada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo madaxda dowlada Soomaaliya ,gaar ahaan Raysalwasaare Nuur Cadde iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aaden Madoobe oo ay ka wada hadlayaan waxyaabihii ugu danbeeyey ee ka dhacay dalka Soomaaliya ,gaar ahaana Magaalada Muqdisho. Tagitaanka Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili beri laga dhowrayo Raysalwasaare Nuur Cadde soo dhisida dowlad Tayo wanaagsan leh ,kana kooban 18-wasiir oo qura ,iyo marxalada Magaalada Muqdisho oo dagaalo ay ka dhacayaan. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
Guriceel, the clan region of Xasan dahir, Cayrow, indacade and all the warlords that made up the leadership of the courts, the JVA as well as Abdiqasin's group Maamulka Guri ceel oo beniyay in ciidan Taabacsan maxaakiimta islaamiga ay la wareegeen deegaankaasi Sh, M network 29 Dec 07, 08:27 Mogadishu 29, Dec. 07 ( Sh.M.Network)Cismaan Ciise Nuur oo ah gudoomiye xigeenka Gobolka G/Gaduud oo u waramayay shabelle ayaa waxba kamjiraan ku tilaamamay warar sheegayay in ciidamo taabacsanaa maxaakiimtii islaamiga ay la wareegeen Gacan ku heeynta Magaalada Guri Ceel. Sidoo kale gudoomiye xigeenka waxaa uu sheegay in gacan ku heeynta magaalada Guri ceel iyo amaanka uu gacanta ugu jiro maamulka degmada isla markaana ya ciidamada maamulka wadaan qoresh ku aadan sidii ay u dajin lahaayeen dad fara badan oo iskuugu soo baxay magaaladaasi oo muujinayay sidii ay ugu faraxsanaayeen ka bixida ciidmada Ethiopia ee deegaanadaasi. Maamulka degmada guri ceel waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in ciidamo fara badan oo taabacsan maxaakiimtii islaamiga lagu soo arkay dhulka baadiyaha ee hoos taga degmada Guri Ceel waxaan uu ku tilmaaya gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Cismaan Ciise Nuur,in ay yihiin ciidamo tabacsan maamulka degmada isla markaana ay xoojin u yihiin ciidanka degmada. Ka bixida ciidmada Ethiopia ee degmada guri ceel ayaa waxaa farxad xooga ka muujiyaya dadka deegaanka waxaana ya intii ay ku suganaayeen ciimadaasi ay qab qabtee dad fara badam oo ay ku jireen gancasato caan ka ahaa deegaankasi. Xiligii ay ku sugnayen ciidamada Ethiopia ee degmada guri ceel ma jirin wax iskum socod dadka ah waxaana ay dadku xaroon jireen xiliga habeenkii ah fiidka hore iyagoo ka baqdin qabay in gacanta ay u galaan ciimadaaasi.
-
New Trained troops arrive + national troops tighten grip on capital
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
In 2008 Mogadishu will be a new city for all the Somali's. -
Somaliland Delegation Meets with the US Ambassador in Ethiopia
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Red Sea, Puntland is not going anywhere. And the TFG is a power that your littles secess can not play with. It took down bigger men with more money than your little group. -
New Trained troops arrive + national troops tighten grip on capital
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Baydhabo: Ciidamo Soomaali ah oo tababar ugu soo xirmay Burundi soona gaaray Baydhabo. 28. december 2007 BAYDHABO(AllPuntland)- Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo bilihii ugu danbeeyey tababaro uga socdeen dalkaasi Burundi ayaa todobaadkan soo gaaray dalka Soomaaliya ,ayagoo ka soo dagey Magaalada Baydhabo. Ciidamadan oo aan tiradooda la aheyn ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey soo qaadanayey tababaro ku aadan sidii ay ula dagaala milahaayeen Kooxaha Magaalooyinka ku dhex dagaalama. Ciidamadan ayaa tababarada waxaa siinayay Saraakiil Khibrad uleh dagaalada sida looga hortago iyo Ilaalinta wadan mudo dowlad la'aan ahaa ,Maadaama dalka Soomaaliya aysan dowlad ka jirin. Garoonka diyaaradaha markii ay ciidamadan ka soo dageen waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah Taliyaasha ciidamada dowlada Soomaaliya ,ayagoo Saraakiishiisii ciidamadaasi horkacayso ay gaareen Magaalada Muqdisho. Dowlada Soomaaliya ayaa horey uga codsatey dowladaha Africa iyo Beesha Caalamka in tababaro lasiiyo ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ,si ay amaanka dalka ugala wareegaan ciidamada Shisheeye ee uyimid wadanka Cawinta dowlada Soomaaliya. Xukuumada Burund-ina waxa ay horey usheegtay in ay tababaro Casri ah siineyso ciidamada dowlada Soomaaliya ,ayna ciidamo nabad ilaalin ah geyneyso dalka Soomaaliya ,ayagoo qeybahoodii ugu horeeyey todobaadkii hore ay tageen Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho. Tababaradan kala duwan ee ay soo qaateen Saraakiishan Soomaalida ah ayaa la filayaa in mudooyinka dhow laga dareemo dalka Soomaaliya oo dhan ,gaar ahaana goobaha ay dowladu hada amaankooda sugeyso ee ay ka mid yihiin Caasumada Soomaaliya ee Xamar. Mahan markii ugu horeysay oo tababaro ciidamo Soomaaliyeed oo soo qaatey ay tagaan Magaalada Muqdisho ,ayagoo maalmihii ugu danbeeyey Magaalada ay tagayaan ciidamada Itoobiya kala wareegaya amaanka Muqdisho. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland -
Sign of stability arrival of international envoys - PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer time has proven who was the fool. A year ago these groups had manpower, money and control of the capital. Their leaders were on a Jihad. Now they are all in exile and they claim they are in Mogadishu while they are in Asamara. Look the TFG has not lost a single street, the port airport, Villa Somalia and major districts, all these are under control. We are taking incremental steps, the AU troops came because they know there is little danger in Somalia today. The opposition parrot meaningless attacks like you do, they have no agenda or plan, just desperate clan confusion. What happened to the Asamara group and their promise of war & liberation? [/b] A few bombs here and there to grab headlines means nothing, even in Puntland its just for show. We are moving forward, its a fact that Gen Darwish, gen Qaybdeed and Mohamed Dheere are in Mogadishu, its fiction that any of the courts leaders are there. Stability has arrived, and these people who want to continue to fight will be hunted down, arrested and executed. -
Somaliland Delegation Meets with the US Ambassador in Ethiopia
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^^Adeer you are way to slow, more like a snail and I never heard of winning any race. TFG is like email and secessionist poor old snail-mail. -
Sign of stability arrival of international envoys - PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Why are you fooling yourself, Cayrow is dead. Hence the new Ammir of the Shabaab. The courts have become a mere myth, the clan looters who are making attacks themselves are becoming weaker, now its pistols and F1 hand grenades. -
President Yusuf flies back home after break - PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
M/weyne C/Yusuf oo ka dhoofay London, UK London, UK (Calanka.com) 28-Desember-2007 Madaxweynaha Somaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa qadar daqiiqado ka hor ka dhoofay magaalada London oo uu u joogay safar xaga caafimaadka ah, waxaa uuna safarkiisa iminka ku wajahan yahay sida la sheegay dhinacaas iyo Somaliya. Madaxweynaha ayaa transit ku ah magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo lagu wado in caawa ku baryo dabadeedna kaga dhoofo halkaa berito oo laga sugayo magaalada Baydhabo. C/laahi Yuusuf ayaa soo gaaray magaalada London horaantii bishan halkaasoo uu ku marayay baaritaan xaga caafimaadka ah oo uu sanad waliba usoo gaaro. Wareysi uu saxaafadda siiyay madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uu si toos u abaarayo magaalada Muqdisho oo iminka xarun u ah marka ey u dhamaadaan baaritaanada caafimaad ee uu u yimid Britain. Maxamuud Maxamed Xasan Shire London Uk Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda -------------------------------------------------------------------------------- La Xiriir -
Sign of stability arrival of international envoys - PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Che. Were is Turki & Airow? As for Sharif Ahmed, what has he done in 2007, apart from make noise from Asmara? -
^^^I agree with you that shirt is quite bad. As for Lazygirl, your comments are like your name, quite slow and with no ounce of excitment. Wake up.. Yusuf is the man of the year for his acheivements. 1. Defeating the Eritrean terror networks in Somali soil and exiling them to their home in Asmara. 2. Taking control of Mogadishu's vital infrustructure for the national governemnt. The sea * airport and all governemnt properties now belong to the public. 3. Keeping the TFG together at that most difficult of times and the skillfull way he removed the PM and appointed a more capable fellow. The opposition who a year ago were in Mogadishu parading women and children and occupaying large areas of the country are now waging their Clan Jihad on the airways and dayniile.com. Thats why Yusuf is the man of 2007, he brought the Somali government back. Before him government used to bitedn, now it bites back.
-
Sign of stability arrival of international envoys - PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Stability is here and the third republic is born Two years left, and each will surpass 2007 in progress. -
President Yusuf flies back home after break - PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxwayne Yusuf oo ku sii jeeda Magaaladda Nairobi. Kadib markii uu ka soo dhoogay Caawa London. Sh, M network 28 Dec 07, 14:26 Mogadishu 28, Dec. 07 ( Sh.M.Network)Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, C/laahi Yuusuf Axmed oo Muddooyinkii ugu dambeeyay Hawlo Caafimaad u joogay Magaaladda London ee Dalka Ingiriiska ayaa Caawa u soo ambabaxay Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya. Madaxwayne Yusuf ayaa la filayaa in marka uu soo gaaro Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya inuu kulamo la qaato Wakiiladda Beesha Caalamka u jooga halkaasi. Wuxuuna dabeeta uga soo gudbi doonaa Kenya Magaaladda Baydhabo oo Xarun Ku Meel Gaar ah u ah Baarlamaanka Somalia, sida Shabelle ay u xaqiijiyeen Xubno ka tirsan Xafiiska Madaxwaynaha. Halkaasoo la filayo in Toddobaadka soo socda looga dhawaaqo Xukuumadda Federaalka Ku Meel Gaarka ah ee Somalia oo laga sugayo inuu soo dhiso Ra’iisu Wasaare Nuur Cadde. Madaxwayne Yusuf oo London u tagay Hawlo Caafimaad ayeey qaar ka mida Eheladiisa oo ku sugan London u sheegeen Shabelle inuu ka baxay Isbitaalka Toddobaadkii hore. Wuxuuna wixii waqtigaasi ka damebeeyay Madaxwaynuhu kulamo kala duwan la lahaa Jaaliyadaha Soomaalidda ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska oo Madaxwaynaha ku soo booqanayay Hoteelkii uu ka daganaa London -
Ciidamada dawlada oo xiray wadada dheer ee isku xirta Balcad iyo Muqdisho kadib hawlgalo. Ciidamada Dawlada oo ay gacan siinayaan ciidamada nabad ilaalinta wadanka Ethiopia ayaa xiray wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo balcad kadib markii halkaasi ay ka sameeyeen hawlgalo xoogan oo lagu sifaynayo kooxaha qaran diidka. Ciidamada dawlada ayaa la arkayay maanta iyagoo ku qalabaysan gaadiidka dagaalka oo gaaf wareegaya jidka dheer ee laamiga ah oo ka soo gala dhinaca Balcad halkaasoo gaadiidka soo galaya magaalada mqudisho loo diiday inuu u soo talaabo dhinaca ex-kontool balcad. Lama oga wali sababta rasmiga ah ee ka dambaysa xiritaanka wadadan iyadoo xiritaankan uu ka dambeeyay kadib markii ciidamada ethiopianku ay shalay hawlgal ay ka sameeyeen dhinaca suuqa xoolaha ay ugu soo talaabeen dhinaca ex-kontorool Balcad halkaasoo ay si wada jir ah uga hawl galayaan kuwa dawlada somaliya. AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somalidaba. Please Contact Us.