
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
This group is terrible. Thanks and keep positing.
-
Alas, the Chinese are moving away from "made in China" to now "thought in China". A billion smart people can not be stopped.
-
^^^ Bashi, hold your horses old man. These are talks between a recognised government and an armed opposition. The secessionists are not the issue at this time.. We the government supporters would like to see a ceasefire agreement, decommissioning of weapons, disbanding clan militias. Recognition of the national government. Whats on offer, coming back from exile, sharing ministerail posts, contesting the 2009 elections fairly and freely. Shariah Law is not an issue to be debated, its seential to the future of Somalia. Governemnt supporters welcome its real implementation as its based on fairness, which the opposition hate. As for the secessionists, there is no military option god forbid we have another Somali war.
-
IndaCade and his thugs are going crazy. This is their tactics to terrorise people. Even the Shiekh from Al Hidaaya Masjid was killed by them.
-
Bashi, great analysis. Cadow is not a bad fellow at all. And if he leads these talks for the **** group then it may very well work. IndaCade is a clown and he is scared of any deal. Let the talks continue.
-
Japan did emerge as an economic power, it is still in second place, however Japan & Germany were defeated nations who became basic clients of the new world order. Take China, its growth has never been seen in human history, its remarkable. Combine this with their historic rivalry, confidance and long successfull history and you do have serious competition with the west. With Russia and India they have not lost the war either, have huge military and their only major issue was wealth. That has changed now. thus you can not compare those situations.
-
THE FRANCE 24 INTERVIEW: Somali President
General Duke replied to wacdaraha_aduunka's topic in Politics
A nice interview. -
Abu-Geeljire. This article is spot on. 20 years ago was the first time we had a single super power. Now we have China, India and Russia emerging, they all have vast lands, huge resources and military power Nukes. The US is not finished but its not the supeme power it thought it was. Camir again thanks /
-
Yup they who held the people in bondage will now save them? Laugh init
-
Former Islamist-allied warlord rejects peace talks in Djibouti 13 May 13, 2008 - 10:20:26 AM MOGADISHU, Somalia May 13 (Garowe Online) - A former warlord allied to Somalia’s collapsed Islamic Courts movement has rejected peace talks that opened in Djibouti yesterday. Yusuf “Indho Ade” Mohamed Siad, one of the country’s most notorious warlords, told a Mogadishu radio station Tuesday that delegates at the Djibouti talks “do not represent the opposition.” “The Djibouti Conference is intended to destroy the Asmara Alliance, and this is not acceptable,” said Indho Ade, who now holds the post of defense secretary for the Eritrea-based Somali opposition group, the Alliance for the Re-liberation of Somalia (ARS). Yusuf Indho Ade, former Somali warlord The ex-warlord said the delegates in Djibouti who are planning to meet with Somali government officials “cannot speak on behalf of the Asmara Alliance,” while warning the international community to be cautious of such “self-appointed opposition members.” The United Nations is sponsoring the Djibouti-based peace talks between opposition leaders and the Somali government, with ARS Chairman Sheikh Sharif Sheikh Ahmed openly saying a delegation from the ARS is in Djibouti City to meet with UN representatives. “We [ARS] do not want to talk with Somali government officials, because they have committed many crimes,” Mr. Indho Ade said. Although the Djibouti talks have officially started, there has not been any face-to-face meeting between the two Somali sides yet. The ARS was established in Asmara in September 2007 as a united front against Somalia's Ethiopian-backed interim government. The ARS, which is dominated by Islamists, also includes former government officials and Diaspora activists. Mr. Indho Ade was a warlord who ruled the fertile region of Lower Shabelle using brutal clan militias, who murdered and subjugated the local population at will for five years. He played a key role in the initial military success of the Islamic Courts, who expelled warlords from Mogadishu, and he was later appointed as the movement's defense chief. In December 2006, the ex-warlord issued a seven-day ultimatum for Ethiopian troops to leave Somali soil or face jihad, while calling on Muslim foreign fighters to join the war. When the Ethiopian army began its advance on Islamist-led Mogadishu, Mr. Indho Ade and Islamic Courts chief Sheikh Hassan Dahir Aweys fled Somalia, as thousands of young men fought a costly war against Ethiopia's superior armed forces. Source: Garowe Online
-
Indho Cadde oo diidey shirka Jabuuti ka furmey 13 May 13, 2008 - 7:06:51 AM Xoghayaha Gaashaandhigga Isbahaysiga Asmara Yusuf Max'ed Siyaad [indha-cadde] oo la hadlay saxaafadda Muqdisho ayaa sheegay in ergooyinka ku sugan Jabuuti aysan matalin Isbahaysigooda. Yuusuf Indho-cadde. wuxuu carrabka ku dhuftay in xubnaha ku sugan Jabuuti ee ka qaybgalaya shirka u dhexeeya DF iyo Mucaaradka ay yihiin kuwo iskood u socda, ayna tahay inay halkaas isaga tagaan, maadaama aysan matalayn isbahaysiga uu ka tirsan yahay. "Shirka Jabuuti waa mid lagu doonayo in lagu burburiyo Isbahaysiga Asmara, taasna suuragal ma nqonayso inay aqbalaan madaxda Isbahaysiga" ayuu yiri Yusuf Indha Cadde oo diiday inuu sheego halka uu ku sugan yahay. Indha-cadde; ayaa sheegay in xubnaha ku sugan Jabuuti ee sheegaya inay matalaan Isbahaysigooda aysan ku hadli karin magacoda, ayna besha caalamku ka digtoonaato, maadama ay yihiin kuwo iskood isku magacaabay. "Annagu ma doonayno inaan la hadalno xubno ka tirsan DF, waayo waxay galeen dambiyo kala duwan, inta taas ay kasoo laabanayaan ma dhacayso inay wadahadallo na dhex maraan" ayuu yiri Indha-cadde. Hadalka xoghayaha Gaashaandhigga Isbahaysiga Asmara ayaa u muuqda mid kasoo horjeeda hadal uu saxaafadda siiyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu ku sheegay inay ergooyin ka tirsan Isbahaysigooda ay ku sugan yihiin Jabuuti ayna la kulmayaan Qarammada Midoobay. Yusuf Indho-cade oo horey u ahan jirey dagaal ooge gacanta ku hayey gobolka Shabelada Hoose ayaa lagu tiriyaa inuu yahay ninkii sababay inay Maxkamaduhu waayaan awoododii ay ku haysteen inta badan gobollada Konfurta iyo qaybo ka tirsan bartamaha Somalia, kaddib markii uu ku baaqay inay dagaal la galayo ciidamada Ethiopia oo markaas gacan siinayay Dowlada Somalia oo ku sugnayd Baydhabo. Jabuti aya waxaa ku wada sugan ergoyinka ka kala socda DF iyo Isbahaysiga Asmara, kuwaasoo shir rasmi ah uu uga furmay shalay magaalada Jabuuti; inkastoo ay weli jiraan kala fikir duwanaasho u dhexeysa dhinacyada. Garowe Online, Muqdisho
-
Kismayu: Huuraale's thugs place roadblocks at every corner
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Horn adeer you seem to be defending these clowns as usual. -
Kismayu: Huuraale's thugs place roadblocks at every corner
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Kismaayo: Dadweynaha Kismaayo oo cabasho ka muujinaya amaan La'aanta Magaalada & Isbaarooyinka yaala gudaha Magaaladaasi. 13. maj 2008 Kismaayo(AllPuntland)- Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose oo aysan ka talin dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa dadka ku dhaqan waxa ay cabasho xoog leh ka muujinayaan Amaan La'aanta ka jirta Magaaladaasi. Kumanaan dad ah oo iskugu tagaya Goobaha ay dadku ku falanqeeyaan xaaladaha Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayaa siweyn waxa ay ugaga hadlayaan xaaladaha amaan ee Magaalada Kismaayo & Wadooyinka uxiran Kooxaha Maleeshiyaadkaa. Odayaal Iskood isku taagay iskuna dayay Qaadida Isbaarooyinkan ayaa ku guuldareystay waxaana soo baxaya in ay Kooxahan Isbaarooyinka dhigtay sheegayaan in ay meelahaasi ay ku sii heynayaan Isbaarooyinkooda. Odayaashan ayaa walaac ka qaba dhibaatooyin amaan daro oo ka dhaca meelo ka mid ah Magaalada Kismaayo hadii ay dhacaan Iska horimaadyo dhexmaraya Kooxaha Magaalada Kismaayo gacanta ku haya & Kooxahan hubeysan. Gaadiidka Magaaladaasi galaya ayaa laga qaadayaa Lacago kala duwan oo ay kala qaadayaan Labo Maleeshiyo beeleed oo ka soo wada jeeda Halka Beel ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose gacanta ku heysa. Guryo dhowr ah oo kuyaala Magaalada Kismaayo ayaa habeenkii xalay ahaa Kooxo hubeysan gudaha uagleen ,waxa ayna ka qaateen Alaabooyin kala duwan ,inkastoo ay geysteen Falal ka soo horjeeda Xuquuqda Aadanaha. Lama ogaan karo meel xaal ku dambeyn doono ,waxaana soo conaya dadaalo ay markale isku dayayaan Odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose oo Sannadahan ay ku soo badanayeen falal noocaan oo kale ah. F. C. Geylan AllPuntland -
Yaa dilay Sheekh Saciid Yaxye? 13 May 13, 2008 - 6:47:16 AM Iyadoo dabayaaqadii bishii hore [21 April, 2008] lagu dilay Sheekh Saciid Yaxye Masjid lagu magacaabo Al-hidaaya oo uu Imaam ka ahaa kuna yaalla xaafadda Waxara-cadde ee Degmada Huriwaa; ayaa warar soo baxaya waxay dilkiisa ku eedeynayaan inay ka dambeeyeen xoogagga dagaallada kala horjeeda DF iyo ciidamada Ethiopia. Allaha u raxmadee Sheekh Saciid Yaxye ayaa la sheegay in dhowr xabbadood laabta looga dhuftay taasna ay keentay inuu dhinto, waxaana goobjooge ka mid ahaa ardaydiisa uu u sheegay Warsidaha Garowe Online in dilkiisa uu ka dambeeyay wiil dhallinyaro ah oo ka tirsan mucaaradka DF. "Sheekha iyo Aniga ayaa mar qura wada nimid Albaabka oo si xooggan loo garaacayay, waxaan ka eegnay meel duleesha oo ka mid ah albaabka weyn ee Masjid, waxaan aragnay dhallinyaro hubeysan oo ay cabsi ka muuqato wajiyadooda, dabadeedna sheekhu wuxuu furay Albaabka" ayuu yiri ardaygaan u warramayay Warsidahan oo ahaa goobjoogihii xiliga dalka dilka uu dhacayay. Wuxuu sheegay in Sheekha iyo kooxaha hubeysan uu muran aad u badan dhex maray, kaasoo ku saabsanaa inaan la ogoleyn in majidka hub lala galo, "Mid ka mid ah raggii watay kooxahaas ayaa ku dhawaaqay kalimadda ah "WAA GAAL EE HALA DILO" sidaa daraadeed Sheekha waxaa lagu dhuftay dhowr xabbadood oo uu u dhintay" ayuu yiri ruuxaan goobjoogaha ah. Dilka Sheekh Saciid Yaxye ayaa dhaliyay muran weyn iyadoo ay isku eedeeyeen dilkaan DF iyo mucaaradka ka horjeeda, waxaase guddoomiyaha Gobolka Banaadir Max'ed Dheere oo la hadlay saxaafadda dilkaas kaddib uu sheegay in wararka uu helay ay tibaaxayaan in Sheekha ay toogteen Mucaaradka DF. Garowe Online ayaa weydiisay ardayga aan warkaan ka helay su'aal ahayd; Sideed ku xaqiijinaysaa inay mucaaradku toogteen Sheekha, maadaama ay wararki hore sheegeen in Sheekha iyo dhowr culumo oo kale ay toogteen ciidamada Ethiopai qaarkoodna la bireeyay? wuxuuna ku jawaabay. "Taas waa been... taas waa been... taas waa been... Aniga ayaa la joogay Sheekha markii la tooganayay, haddii aan si cad u sheegi lahaanna waxaan ka baqay inay i beegsadaan kooxaha ka horjeeda Dowlada. Sheekh Saciid Yaxye ayaa ahaa madaxii Tabliiqa Somalia, waxaana dilkiisa uu caro weyn geliyay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, iyadoo lagu aasay Marxuumka gudaha Masjidka Al-hidaaya oo ku yaalla xaafadda Waxaracadde ee Degmada Huriwaa. Garowe Online, Muqdisho
-
Kismayu: Huuraale's thugs place roadblocks at every corner
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^"Great" never, but we thought the man had changed -
Kismayu: Huuraale's thugs place roadblocks at every corner
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
A new form of nationalisam at work, thanks to Dr Taano & Co. -
Isbaarooyin la dhigay dariiqyada magaallada Kismaayo iyo adeega oo taagan Kismaayo (WNT)-Waxa dariiq kasta la dhigay isbaaro malayshiyaadka magaalada Kismaayo gacanta ku hayaa ay ku baarayaan dadka deegaanka waxaana guud ahaan istaagay isu socodka gaadiidka magaalada ka shaqeeya. Waxaa sidaas oo kale irdaha loo laabay gancasigii magaallada sida dukaamada iyo bakhaarada iyadoo nin walbaa ka cabsi qabo in malayshiyaadkaasi ka boobaan xoolihiisa. Arintaa ayaa yimid ka dib markii malayshiyo beeleedkaan magaalada mudada haystay ay u kala jabeen laba kooxood,oo midna midna kale aysan arki Karin waxaana qolo weliba isbaaro dhigtay meesha ay soo gaartay. Xilbaan Barre Hiiraale oo isagu maalmihii uhu danbeeyey ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa sida lagu soo waramayo isku deyey isku dubarido oo mideeyo malayshiyaadkan hase ahaatee arintaasi waxaa ay u muuqataa mid aan shaqayn,iyadoo dhibka ugu weyn ay la kulmayaan dadka deegaanka Kismaayo oo iyaga 9kii sano ee ugu danbeeyey xoog lagu haystay. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la weeray malayshaadkii dooxada Juba 23kii bishii ay ka soo gudubnay iyagoo meesha ka saaray maamul aan tabar lahayn oo dawlada FS halkaasi ka samaysay,waxaana wixii intaasi ka danbeeyey magaallada ku dhintay dad kor u dhaafaya ilaa 100 ruux oo haybtooda loo dilay. Xarunta wararka Waayaha.net editor@waayaha.net
-
Hargaysa: secessionist falter donors take back money
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
lol. Adeer you are the secessionists, a break away province, a group that want to leave the union. Also the flag you hate so much was firts flown over Hargaysa, and not the new SNM/India flag. -
We must try for peace. The TFG has arrived and is in support, thus why are the clowns of Asmara against it? Another miscalculation on their part.
-
Shirka Soomaalida ee Djibouti oo furmay Yusuf Hassan BBC Djibouti Shirka Soomaalida waxa uu ka furmay magaalada Djibouti Wada hadalkii Dowladda KMG ah ee Somalia iyo Isbahaysiga Dib U xoreynta ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Djibouti. Warbixinta Shirka Shirka oo ay sidoo kale ka qeybgalayaan diblomaasiyiin, mas'uuliyiin ka socota ururada Midowga Africa, Jaamicadda Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiinta ka kala socotay dhinacyada dowladda iyo mucaaradka oo labaduba ka hadlay sida ay u doonayaan in xal loogu helo dhibaatada Somalia. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Ahmedou Ould Abdalla ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in labada dhinac ay isa soo horfariisteen, iyadoo ay tiro kooban ka socdaan dhinac walba.
-
Kooxda Asmara Oo Ku Sugan Jabuuti Oo Labo Garab U Kala Jabay Wararka shabakada wararka allmudug.org ka soo gaaraya Magaalada Jabuuti ee Caasimada Dalka Jabuuti ayaa Sheegaya In Urur-ka Dib u xoraynta Soomalia Xubnihii Ugu Sugnaa Jabuuti ay u Kala Jabeen Laba Qaybood, Wararka ayaa sheegaya In Lada Garab ee ay Xubnuhu u kala jabeen aya kala hogaaminayaan Ibraahim Xasan Cadow iyo Cabdi Raxmaan dheere oo ku wada sugan Magaalada Jabuuti, Ururkaan ayaa la sheegay inay isku Khilaafsanyihiin Qaabka ay wada hadalka ul agalayaan Xubnaha Dowlada Soomaalia ee iyaguna ku sugan Magaalada Jabuuti, Sheekh Shareef ayaa isagu sheegay inaysan Wax wada hadal ah la galaynin Dowlada Soomaalia Isla Markaasn aysan Jirin Dowlad Ka Jirta Dalka Soomaalia oo ay aqoonsanyihiin, Hadalkaan ayaa waxaa ka horeeyay Hadal ka soo yeeray Gudoomiyihii Hore ee baarlamaanka Soomaalia Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Sheegay inay Aqbaleen Wada Hadal ay lagalaan Dowlada Soomaalia oo ay Tanaadul Ka Muujiyeen Qodobkii ay Shirka Ku Xirijireen, Hada Wararka aynu ka helayno Magaalada Asmara ayaa Sheegaya In Madaxweynaha Dalka Eritrea uu sheegay InaY Xilka Ka Qaadayaan Labada Shariif Hadii aysan Joojin Hadalada Hadalada IS Khilaafsan ee ay Warbaahinta Ka Sheegayaan, ,b>Wixii ka soo Kordha hamoogaan allmudug.oorg,
-
Xaflad loo qabtay Wada Hadallo ay yeelanayaan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Magaalada Djibouti ka furantay Isniin, May 12, 2008(HOL): Xaflad lagu furayay Wada hadallada ay Magaalada Djibouti ku yeelanayaan Ergooyinka ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa goor dhow ka furantay Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti. Xafladdan oo ay ka qeybgelayaan Diblumaasiyiin ka socda Qaramada Midoobay iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee Dalalka daneeyo Arrimaha Soomaaliya, ayaa waxaa ujeedkeedu yahay in looga dhawaaqo in ay furmeen wada hadalladii xalka loogu raadinayay mushkiladda Soomaaliya ee ay isku so horfariisanayeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ee ka soo horjeeda. Waxaa lagu soo waramayaa in xafladdan uu furay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jibouti Maxamuud Cali Yuusuf, kaasi oo uu Dalkiisa martigelinayo Wada hadallada ay isku soo hor-fariisanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda. Haddiiba dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay isla ogolaadaan in ay si toos ah isu soo hor-fariistaan ayaa waxaa waxyaabaha ajende ahaan u hor-yaala ee ay ka wada hadlayaan waxaa ka mid ah Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, sidii Ciidamada Itoobiyaanka looga saari lahaa Soomaaliya iyo Xaaladaha Bani’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya. Warkan ku saabsan in galabta magaalada Djibouti lagu qabanayo xaflad lagu furayo Wada hadallo dhexmaraya Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo mas’uuliyiin u hadlay Isbaheysiga Dib u xoreynta ay sheegeen in aysan wax wada hadal ah la geleynin Dowladda Federaalka, halka mas’uul u hadlay Dowladdana uu sheegay in ay mar walba diyaar u yihiin wada hadallada. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay ka war dhowrayaan waxa ka soo baxa Wada hadallada ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadineyso ee is-af-garadka looga dhex dhalinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda oo muddo sanad ka badan ku dagaalamaya Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimaddiisa Muqdisho oo inta badan dadkii deganaa ay uga barakaceen dagaallo ka dhaca. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
Hargaysa: secessionist falter donors take back money
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xiisadii Siyaasadeed ee Somaliland oo meel xasaasi ah mareysa May 12th, 2008 Hargeysa(HR Media):-Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Ciro) ayaa ku fashilay dhex dhexaadintii Dowlada iyo mucaaridka Soomaliland. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada maamulka la baxay Somaliland ayaa sheegay inuu dhex dhexaadin ka dhex waday labada xisbi ee mucaaridka ah ee Kulmiye iyo UCID iyo dowlada Daahir Riyaale Kaahin. Wuxuuna sheegay Cabdiraxmaan Ciro inuu joojiyey wadahadaladii uu waday asagoo sheegay in mucaaridka iyo dowlada diideen in ay isu tanaasulaan wadahadalka. Cabdiraxmaan oo warbixin siiyey Golaha Wakiilada ayaa sheegay in muddo labo todobaad ah u waday dadaal uu doonayey in la isku soo horfariisiyo dhinacyada. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland diiday inuu la kulmo hogaamiyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah, halka Mucaaridkana diideen in ay aqbalaan xil kordhinta Xukuumada. Madaxweyne Rayaale oo ka jawaabay hadalada guddoomiyaha golaha Wakiilada, ayaa sheegay in dadaalkii uu waday Guddoomiyaha ku guuleysan waayey, isla markaana meesha murranka keentay ay tahay in Mucaaridka ay diideen in ay aqoonsadaan in Golaha Guurtida uu yahay mid awood ulleh xil kordhinta taasi oo keentay in ay adkaato in wadahadalka bilowdo sida uu sheegay Daahir Riyaale Kaahin. Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegay in lagu kala bixi doono Sharciga iyo Dastuurka, asagoo ku nuux nuuxsaday in marka hore looga baahan yahay in mucaaridka marka hore aqbalaan sharuucda dastuuriga ah ee ka soo baxay Golaha Guurtida (xil kordhintii Dowlada), arrintaasi oo ay mucaaridka weli diidan yihiin. Dhinaca kale waxaa la joojiyey lacago deeq ahaan oo loo siin lahaa Somaliland in doorashooyinka lagu qabto diiwaan gelinta ayadoo lacagtaasi oo dhan 8 milyan oo dollar ay hada dib ulla noqdeen hay’adaha caalamiga ah. Horseed Media -
Qaraxyo weerar lala begsadey ciidanka Ethiopia
General Duke replied to Che -Guevara's topic in Politics
Predictable, they dont want the talks thus they will start a fight, their supporters will get happy, when they loose they will cry "people are daying" ... But hey its a routine we have become used to.