
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Garowe: Puntland cabinet sworn in: PICS + Audio
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
AUDIO -
Garowe: UN delegation hold talks with Puntland President: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Garoowe: Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland 19. Januar 2009 Garoowe(AllPuntland)- Wafdi ka socda Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hey'addaha samafalka ayaa gelinkii danbe ee maanta waxaa magaalada Garowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland soo gaaray wafdigaasi oo uu hoggaaminayey isu-duwaha hawlaha bani’aadanimo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Wafdigan oo ka soo degay garoonka diyaaraddaha ee ku yaal duleedka magaalada Garowe, ayaa markii ay soo gaareen magaalada waxay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, kuwaasi oo ka wada hadlay arrimaha gargaarka iyo xilka ka saaran Hey'addahan u gargaarida shacabka Puntland. Warar laga helayo xarunta Madaxtooyadda ayaa sheegaya in kulankani aan si weyn la iskula soo qaadin howlaha baaxada leh ee Hey'addaha Qaramada Midoobay looga fadhiyo iney ka qabato deegaanada Puntland, hase ahaatee wafdigan ayaa hambalyey iyo soo dhoweyn u jeediyay Madaxweynaha cusub, iyadoo berina kulan lagu lafo gurayo arrimaha horyaala hey'addahan iyo xukuumadda cusub uu ka dhici doonaa xarunta Madaxtooyadda. Kulankaasi ayaa la filayaa in looga hadli doono arrimaha gargaarka bini'aadanimo ee Hey'addaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan Puntland, iyadoo sidoo kale looga hadli doono arrimaha amaanka iyo suurtagalnimada sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen Hey'addaha Qaramada Midoobay Puntland oo horay ay uga baxeen kadib markii xaaladaha amaan ee ka jira Puntland cabsi ka muujiyeen, howlaha gargaar ee loogu talagalay Puntland-na ay ka wadeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo magaalooyinka kale ee xasiloonida ka jirta. AllPuntland, Garoowe -
Garowe: Puntland cabinet sworn in: PICS + Audio
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Garoowe: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay munaasabad maanta lagu dhaarinayey Wasiiradda uu soo magacaabay 19. Januar 2009 Garoowe(AllPuntland)- Xarunta Madaxtooyada Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa saakay lagu qabtay xaflad lagu dhaarinayey Wasiiradda cusub ee uu Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole soo dhisay Axadii, taasoo uu ka soo qeybgalay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), Madaxweyne Kuxigeenka Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo inta badan xubnaha golaha wasiirada . Xafladaan dhaarta ayaa waxaa ka maqnaa Nuuraddiin Aadan Diiriye oo ka tanaasulay jagadii Wasiirnimo ee aheyd Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga, Saleebaan Ciise Axmed oo isna loo magacaabay Wasaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, halka Wasaaraddaha Haweenka iyo arrimaha Qoyska, Arimaha Gudaha iyo tiro wasiiro Kuxigeeno ah ay ka maqnaayeen goobta dhaarinta, kuwaasi oo lagu sheegay iney ku maqan yihiin howlo shaqo, iyo labo wasiir kale oo uu Madaxweynaha sheegay iney ku maqan yihiin dalka dibadiisa. Madxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa khudbad ka jeediyay isagoo ka hadlay Magacaabista Wasiiradda, kuwa is casilay iyo kuwo ka maqnaa goobta, wuxuuna Madaxweynaha uu sheegay in looga baahan yahay Wasiiradda dhaarta maray iney si daacadnimo ku jirto ay xilkooda u gutaan waajibaadka ka saaran Shacabka ee ah u adeegida dalka iyo dadka Puntland, wuxuuna ku booriyay in Wasiir walba shaqada hortaala sida ugu dhaqsiyaha badan uu u bilaabo, maadaama buu yiri ay na hortaal howl baaxad weyn. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in sababta tirada Wasaaraddaha ee gaaraya 16-ka iyo Wasiir Kuxigeenada intaasi ka badan u magcaabay ayaa ku macneeyay inuu ula jeeday qancinta beelaha Puntland iyo in la helo taageerada deegaanada Puntland, isla markaana wuxuu carabka ku adkeeyay in ay jiraan baahiyo nabadgelyo xumo iyo kala daadsanaan jira awgeed, sidaasi darteedna in si wada jir ah looga wada qeyb qaato xukuumadda loo dhan yahay oo dadka taageersan yihiin. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu aqbalay codsiyo ka yimid xubno ka tirsanaa Musharaxiinta oo loo magcaabay Wasaaraddo muhiim ah, kuwaasi oo uu tilmaamay uu ku qancay codsigooda, booskoodana la gelin doono shaqsiyaad kale. Md. Faroole ayaa sheegay in kalsooni uu ku qabo Golaha uu soo dhisay, kana soo bixi doonaan howsha loo xil saaray, isagoo sheegay in uu ku soo xulay karti iyo aqoon ay u leeyihiin xilalka mid walba uu qabanayo. Munaasabadaasi ayaa waxay ku soo gabagabowday jawi deganaan iyo isu hambalyeyn Wasiiradda cusub ee Madaxweynaha soo magacaabay, waxaana horyaala Wasaarad kasta howl adag, maadaama Wasaaraddihii ka horeeyay lagu eedeyn jiray waxqabad la'aan. Dadka Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlayo magacaabista uu Madaxweynaha magacaabay Xukuumadiisa cusub, iyadoo ay dadka dhowrayaan bilooyinka ugu horeeya qaabka shaqo ee Wasaaraddaha iyo isbadalka ay soo kordhinayaan heerka uu gaarsiisan yahay. AllPuntland, Garoowe -
Garowe: Puntland cabinet sworn in: PICS + Audio
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Garowe: Puntland cabinet sworn in: PICS + Audio
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xukumada PL oo la dhariyey, wafti yimid Garowe 19 Jan 19, 2009 - 12:06:00 PM Madaxweynaha oo la kulmaya waftiga QM Munaasabad ballaaran ayaa maanta 18-01-2009 ka dhacday xarunta Madaxtooyadda ee MGPL, taasoo lagu dhaarinayey Golaha Wasiiradda cusub ee Madaxweynaha Puntland ku dhawaaqey dhowaan., Madaxweynaha PL oo ka hadley goobtaas ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dhaarinta Golaha Xukuumadda unua ku boorinayo Wasiiradda cusub iney si daacad ah xilalkooda u gutaan. . "Waxaan caddeynayaa in dadka reer Puntland ay aqbalen Dowladdii iyo xukuumaddii la soo dhisay, wey iska jiri kartaa dad saluugsan, ama beelo ka maqan wey iska jiri karaan, waxaanse idiin leeyahay tirada Wasiirada & ku-xigeenadooda anigu-na aan qabo iney ka badan tahay wax yar tiradii xukumaddii hore, waxana kalifay waa darufta maanta dalka ka jirta ee burburka ah, oo loogu jeedo in la helo taageerada deeganada iyo beelaha Dowlad Goboleedka Puntland ka kooban tahay oo dhan, iyadoo ay jiraan daruufo nabadgelyo taasoo loo bahan yahay in laga wada qeyb qaato si wada jir ah. Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in qeyb ka mid ah Musharaxiintii Puntland uu ku soo daray xukuumadda uu dhisay, taasoo sheegay in uu ula jeeday in dalka isbadalka uu ka hirgalo, balse nasiib daro murashax kamid ah cududaar keeney kaasoo laga aqabley. Madaxweynaha dhowana la doortey ayaa sheegey in Xukumadda cusub laga sugayo howl badan, loogana baahan yahay yahay Mas'uliyiinta la magacaabay in dadka heerka ay hada fadhiyaan in kor looga qaado iyadoo laga eegayo dhinac kasta amni iyo dhaqaale intaba. "Wasaaraddo qaarkood ayaan kala qaadnay waxaana u sababeynay dhowr meelood oo Wasaaradaha qaarkood isugu yimaadeen, taasoo oo aan ula jeednaa inaan fursad u siino rag aqoon u leh shaqadaas iney ka howlgalaan oo meelaha dalku ugu baahan yahay horumarku ama adduunyadu ay u dooneyso in lagala qeyb qaato" ayuu yiri Madaxweyne Faroole oo ka hadlayey tayada Golahiisa Wasiiradda, -
Garowe: UN delegation hold talks with Puntland President: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dhinaca waxaa galabta saacadu markii ay ahayd afartii galabnimo Garoonka Konoko ee Magaalada Caasimada DGPL ee Garowe ka soo degay Wefti qaramada Midoobay ka mid ah oo uu hoggaaminayo xiriiriyaha arrimaha Bani’aadanimada ee Soomaaliya Mr Mark Bowden. Weftigan ayaa markii ay soo degeenba waxa loo soo gelbiyey xarunta Madaxtooyada ee DGPl,waxaana halkasi ku qaabilay Madaxweynaha DGPl iyo ku xigeenkiisa,waxaa kaloo joogay wasiir Ammniga iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada. RADIO GAROWE -
^^^Che, as usual you are talking out of your backside lad. The Change you want is a blood bath in Puntland and insha Allah that will never emerge. Puntland will not become Norway overnight, we are changing, and we have a long way to go. As for this topic sorry it did not turn out the way you wanted.
-
Actually it’s your celebratory tone in this thread that’s doing disservice of what you stand for if your intentions are good. Of course I have no way of estimating your intentions adeer. If these men were after reform, they should take every opportunity to do so. Being part of regions cabinet represents such a good opportunity to make difference in average Farax's lives. I can understand if the complaint were about the process by which Faroole’s rose to power. But these media stunts should not be seen as a ‘great move’. Spot on, if the aim was to serve the people then he should have taken the position and at least tried to bring the "change" he spoke about.
-
Garowe: UN delegation hold talks with Puntland President: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Garowe: UN delegation hold talks with Puntland President: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Wefdi ka socda Qaramada Midoobey oo maanta soo gaarey Garoowe Monday, January 19th, 2009 at 7:54 pm Horseed Media Garowe Waxaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland soo gaaray Mike Bowden isuduwaha hawlaha bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Mr. Bowden waxa uu ka soo degay garoonka dayuuradaha ee magaalada Garowe galabnimadii Isniinta isagoona wadahadal kooban la qaatay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud. Kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo Mr. Bowden wuxuu ahaa mid soo dhoweyn ah, waxaana la filayaa in maalinta berri ahay yeeshaan kulan ay looga hadli doono hawlaha UN-ka ee Puntland. Waxaa la filayaa Mr. Bowden inuu xukuumadda cusub ee Puntland uu kala arrinsado arrimaha la xiriira ammaanka iyo sidii shaqaalaha UN-ku ay ugu suurtogeli lahayd inay dib dalka ugu soo laabtaan.
-
Garowe: Puntland cabinet sworn in: PICS + Audio
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Waxaa maanta hoolalka shirarka ee Xarunta Madaxtooyada DGPL ee Garowe lagu qabtay xafladii dhaarta golaha wasiiradda ee xukuumadda Cusub,Xafladdan ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha DGPl iyo ku xigeenkiisa,Maxkamadda sare oo uu goob joog ka ahaa guddoomiyaha Garsoorka,sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah guddiga joogtada ee golaha wakiilada DGPL. Hadaba furitaankii xafladaasi ayaa waxa lagu bilaabay dhaartii wasiiradda oo loo dhaariyey afar afar xubnood. Dhaarta ka dib aya waxa hadal kooban xafladaasi ka jeediyey Madaxweynaha DGPl Mudane Dr:Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud (Faroole)wuxuuna ugu horrayn sheegay in xukuumadda cusub ay taageereen shacabka reer Puntland intooda Badnayn raalina laga yahay,wasiirada is casilyna waxaan idiin sheegayna in aan ka aqbalnay iscasilaadooda,hadaba waxaa la rabaa haddii aad tihiin golaha cusub in wasiir kasta uu ka shaqeeyo arrimaha nabadgelyada,Dhaqaalaha iyo Horumarka nin kastana waxaa waajib ku ah in uu wax ka qabto arrimaha nabadgelyada,waayo waad aragtaa sida uu amnigu yahay,sidaa la socotaana waxaan dhowaan magacownay guddi soo tirakoobta Ciidamada iyo diinwaagelintooda si aynu u helno ciidanka saxda ah. -
Garowe: Puntland cabinet sworn in: PICS + Audio
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Garowe: Puntland cabinet sworn in: PICS + Audio
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
] -
Garowe: Puntland cabinet sworn in: PICS + Audio
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Garowe: Puntland cabinet sworn in: PICS + Audio
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xukuumada Cusub Ee Puntland Oo maanta badi lagu dhaariyay Garoowe Xafklad balaaran oo ka dhacday Xarunta madaxtooy DGPL ayaa lagu dhaariyay Golihii wasiirada Cusbaa Ee uu soo magacaabay madaxweynaha DGPL C/raxmaan Max’ed Faroole . Dhaartaasi ayaa waxaa inta badan ka soo qeyb galay wasiiradii la soio bagacaabay ayadoo aysan goob jog ka ahyen qaar kamid ah wasiiwadii uu soo magacaabay Madaxweyne Faroole oo ay ka mid ahaayee wasiirka Haweenka PL wasiirka Arimaha Gudaha wasiirka Dowladaha hoose iyo reermiga iyo wasiirka Kaluumeysiga Bada iyo weliba tiro yar oo wasiiro ku xigeen ah kuwaas oo lagu micneeyay in ay ka maran yihiin Caasimada Puntland . Madaxweyanaha Puntland Dr C/raxmaan Fraroole iyo Ku xigeenkiisa Gen C/samad Cali Shire aya Goobjoog ka ahaa Xafladani iyo weliba qaar ka tirsan Xildhibaanada DGPL . Ugu horeyn dhaarta ka din ayaa halkaasi waxaa ka hadalo ka soo jeediyay islamarkaana quseysay wasiirada uu soo magacaabay ee goobta ka maqnaa iyo kuwii istaqaaladooda dhiibay madaxweyanah Haatan Ee Puntland C/raxman Faroole asagoo ugu horeyn tibaaxay in ay muhiin lamailaabaan ah tahay in laga qeyb qaato si wada jir ah xukuumad loo dhan yahay , waxaana uu madaxweynuhu ka hadlay Habdhismaha Xukuumada iyo meelaha ay ka eegeen , waxuuna madaxweyanuhu sheegay in ay ka aqbaleen wasiirada uu soo magacaabay ee soo gudbiyay istaqaladoodii . Gabagabadii Xafladan dhaarinta ah ayaa waxaa ay ku soo gaba gabowday sidii loogu talagalay . C/naasir Yaasiin SBCInternational- Garowe -
Golihii Cusbaa ee Xukuumada Puntland oo la Dhaariyey iyo Madaxweyne Faroole oo ka Hadlay Wasiiradii is casiley Monday, January 19th, 2009 at 10:09 am Cabdalle Muumin HR Media Monitoring Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in xarunta madaxtooyada lagu dhaariyey goor dhoweyd xubnihii golaha wasiirada ee uu magacaabay madaxweynaha Puntland. Inta badan xubnaha golaha wasiirada ee habenimadii Axada uu soo magacaabay mdaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka qeybgaley dhaarinta iyadoo uu joogay munaasabada dhaarta madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, waxaase dhaartaasi kka maqnaa labo xubnood oo ka mid ahaa wasiiradii la magacaabay oo iyagu sheegay inay ka cudurdaarteen xilalka loo magacaabay. Labada wasiir ee ka tanaasushay xilalkooda wasaaradood waxay ahaayeen Nurradiin Aadan Diiriye oo loo magacaabay wasaarada Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga iyo Saleebaan Ciise`Axmed (Xagla toosiye) oo isaguna loo magacaabay wasaarada Kalluumeysiga. Mdxweynaha Puntland Cabdiraxman Faroole oo munaasabada dhaarinta wasiirada ka hadlay ayaa sheegay in uu wada tashiyo badan ka magacaabay wsiirada isagoo ilaalinaya sidii loo heli lahaa gole xukuumadeed oo tayo leh, waxaana uu ka hadlay wasiirada is casiley isagoo muujiyey sida uu u doonayo inuu bedelkood u magcaabo wasiirada iscasiley. Warar kale oo isla munaasabadas ku saabsan oo ay ku jiraan sawirada iyo muuqaalka dhaarinta goor dhow ayaan idin soo gudbin doonaa Insha Allaah.
-
Bossaso: Puntland Hospital a modern project: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^We need the docs to go back. There are many and I know a few briliant young men who will no doubt be of value in the future. But I agree with Nino's pont that hospital is wonderful. One needs to be set up all over Puntland. -
Bossaso: Puntland Hospital a modern project: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Bossaso: Puntland Hospital a modern project: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Bossaso: Puntland Hospital a modern project: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Bossaso: Puntland Hospital a modern project: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Puntland sidoo kale wuxuu leeyahay Farsamiye laga heli karo dawooyin casri ah oo lagu xafidey meel qabow, waxaana Farsamashiga kuugu diyaar ah shaqaale aqoon leh oo loo diyaariyey u adeegida bulshada & waliba macaamiisha gaarka ah ee Isbitaalka. Sidaasi si la mid ah Puntland Hospital wuxuu diyaariyey qolal loogu tala galey in la jiifiyo bukaanka, qaybta Gargaarka deg deg ah, waxaana Isbitaalku uu shaqeeya 24-ka saac, waxaana uu leeyahay koronto joogto ah. ................................