
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Dhuusa-Mareeb: Heavy fighting many dead Al Shabaab out of city
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer I think you are replaying to the wrong thread. Our exchange was in another one. As for this is it news my dear lad, I am sad that the warlords strategy is working. -
Dhuusa-Mareeb: Wararkii ugu dambeeyey ee caawa ku aadan dagaaladii maanta ee Magaalada Dhuusa-Mareeb. 29. januar 2009 Dhuusa-Mareeb(AllPuntland)- Kooxaha Al- Shabaab iyo Ehlu Suna Waljameeca ayaa dagaalo qaraari ay ku dhexmareen Saakadii hore degmada Dhuusa-Mareeb, waxa ayna dagaaladan geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida ay ku waramayaan wararka laga helayo Magaaladaasi. Dagaaladan ayaa geystay inta laga warqabo dhimashada 11 qof oo rayid ah, halka dhinacyada kalena ay jiraan Dagaalyahano badan oo kaga geeriyooday dagaaladan. Al- Shabaab ayaa lugu waramay in laga saaray gudaha Magaalada Dhuusa-Mareeb, isla markaasna ay Kooxdaasi ay isku uruuriyeen Saldhigyadooda Milateri ee kuyaala gobalka Galguduud meelo ka mid ah. Hogaamiye ka tirsan Al- Shabaab ayaa usheegay Saxaafada Soomaalida in ay sababta ay uga baxeen Dhuusa-Mareeb ay tahay, ayagoo uxanaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada, isagoo intaasi ku daray in ay doonayaan in ay wax ka qabtaan xaalada Magaaladaasi. Afhayeen uhadlay dhinaca kale ee Ehlu Suna Waljameeca ayaa siweyn uga soo horjeestay in ay Al- Shabaab isaga baxeen Magaalada, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin warkaasi ee dagaal adag looga saaray Magaaladaasi, wuxuuna sheegay in ay doonayaan in ay Al- Shabaab kula dagaalamaan meel walba oo ka mid ah dalka Soomaaliya. Afhayeenkan wuxuu sidoo kale beeniyey in ay ayagu weerar ku qaadeen Magaaladaasi, balse wuxuu sheegay in lugu soo qaaday dagaal xoog leh ayna iska difaaceen weeraro la doonayay in lugu soo wajaho Magaalada Guriceel oo ay Ehlu Suna Waljameeca la wareegtay todobaadyo ka hor. Qabsashada cusub ee xarunta gobalka Galguduud ayaa ka dhigan mid muujineysa in ay Ehlu Suna Waljameeca isku balaarinayaan gobalada dhexe ee Soomaaliya, ayagoo la dagaalamaya Kooxda ka soo horjeeda ee Al- Shabaab, waxa ayna labadan kooxood yihiin kuwa maalmihii ugu dambeeyey dagaal adag ka dhaxeeyey. F. C. Geylan AllPuntland
-
Lool. We do? How intelligent of you. As for Shiekh Sharif adeer he is no problem, if he wins we will welcome him as we do every Somali leader. You must be sad he is not from Guriceel, since you have admitted your political fortunes depends on that group..
-
Horn: No doubt saxib the same intelligence that made you support Hiiraale all along and had you believe that sad donkey rider would be elected President of Somalia. That’s intelligence beyond comprehension.
-
Horn adeer, you seem to be confused as hell and as ever trying to prove to others how insightful you are. The ARS group have no legitimacy to name anyone using the clan base. If they stuck to their guns and said we will name our people using our formula it is one thing, but to say we will use the 4.5 and I will name who is from this and that clan makes no sense. That’s the contentious point, you say this is not EMBAGATHY, again pretentious of you lad, why use the 4.5 and why retain the constitution and even the speaker of parliament. This my dear boy is only replacing the President even Adan madobe is retaining his post, further confusing the issue. This is a free styling peace process, that only make sense to those smart individuals who claimed Hiiraale would be elected President in Baidoa a few days ago and that it was right and just to occupy peoples homes in Kismayu.
-
Horn, adeer your understanding is ridiculous the ARS group does not run any region nor has it a single admin. They shoose the 4.5 formula and thus conceded that Somalia is made up of clans. Who names clan reps, elders and leaders and not a man sitting in Djibouti that’s the contentious point? If it is so yesteryear and this is the future why use the bankrupt 4.5 ? Why enlarge the parliament to the largest in the world? Thus you whole arguments are as weak as Hiiraales latest invasion of Kismayu.
-
Puntland its population come against Djibouti process
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
I like the discourse, you have a secessionist who insults his rival region because they want to get a fair share and correct what they perceive to be a rush to failure. Then you get the fake Mujahid who adds to the secessionist points and takes a deeper dig. Whats suprising is the other fake Puntlander wannabe who pretends to be impartial then repeats the earlier twos insults. Its childish and the worst case of clanist attack. Let me make it clear ya confused lads, Puntland is a power to be reckoned with in Somalia, its size and strength of its people can not be wished away and mere words from hostages of the online bubble can do nothing. Norf adeer, keep it up your fear has been noted and know that your claims over certain lads are over, stick to Shankaroon Land ok. -
Che, adeer Mr Horn is just upset his hero is no where to be seen, the President of Donkey magic has disappeared with no fanfare and no one cares. Where is Hiiraale and the donkeys?
-
Lool. Horn adeer, who is an Abdullahi Yusuf supporter, Galayr, Jess, Morgan, Casha Abdalle? You sound even more ridiculous than usual. The facts on the ground is we lose nothing here, we want a system that works and a chance that can be seized upon for the republic. Already Yusuf and his base have secured for the Somali people 40% of the land. You on the other hand seek nothing but cheap talk and militias killing militias led by roadblock owner Hiiraale, what did he secure for the Somali people? Instead he pushed into the homes of civilians in Kismayu.. Good luck with Ahmed Abdi-Salaan and your state of Guriceel
-
Breaking News: Australians take over Puntland...Pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. Even Faroole is from Australia. East London needs to do a coup I tell ya. -
The case for Al Shabaab - interesting piece
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dharbaaxada Al-Shabaab: Xalka Soomaaliya waxaad moodaa in samada lagu laahay, dad geelooda cirka lagu maalayana arintooda Alle ka dhigay. Balse waxaa hubaal ah in hadii ay Al-Shabaab cayaaraan takhdiid ama taatiko siyaasad iyo feejignan leh inay noqon karaan awood Soomaaliya ka samata bixin karta dhagarta cadowga isbiirsaday ama ha noqondo midka Jabuuti shirku sheega ka wada ama ha noqdo Siyaasada guracan ee Itoobiya iyo beesha caalamkaè. Dad badan ayaa laga yaabaa inay iswaydiiyaan sababta igu kaliftay in aan Al-Shabaab u arko sidan, anigoo ka mid ah ahaanjiray dadka ugu cadcad ee afcaasha Al-Shabaab ka soo horjeeda. Akhristow Soomaalidu waxay tiraahdaa Gaal dil Gartiisana Sii, marka Al-Shabaab afcaal iyo afkaar badan oo lagu diidi karo ayay la yimaadeen, (sida Rajmintii Gabadhii yaray ee Kismaayo, Gowraca Wiilka ay murtadka ugu yeereen, ismiidaaminta ay ku gumaadaan shacabka aan waxba galabsan iyo iwm), sidoo kale afcaal iyo afkaar lagu raaci karo oo naadir maanta ku ah Soomaaliya ayay la yimaadeen sida: (inay ka xoroobeen QABYAALADDA iyo inay ka hor yimaadeen dhagarta shisheeyaha), waxaa intaa sii dheer inay xoreeyeen deegaamadii Jubooyinka iyo Shabeelooyinka goobahaas oo lagu dulmay dadka laga tirade iyo tabartaba badan yahay. Sidaa awgeed waxaan is leeyahay hadii ay khaladkooda saxaan Allaha wayna uga toobad keenaan , shacabka Soomaaliyeed hortiisana raaligelin ka sameeyaan qirtaana khaladkooda, sidoo kaleTalo galiyaan Culimadda, Soo dhaweeyaan Odayadda , indheergaradka iyo dhamaan xubnaha kala duwan ee bulshada, dadka ay deegaamadooda ka taliyaan taladda wax ka siiyaan, meelaha maamuladdu ka jirona wadahadal iyo wax wadaqabsi la yeeshaan , waxaa dhici kari lahayd inay shacabka Soomaaliyeed ee Qabyaaladda iyo Qaxarka dagaalku dulaystay ay ka saaraan dhibaatada una horseedaan cadaalad iyo wada noolaansho samata bixin kara Mustaqbalka Jiilka danbe. Hadiise madax adaygii, is mahadintii, kaligii Muslimkii, kaligiis Wadaadkii, iyo kaligiis wax garad la yimaadaan waxaan qabaa inay soo dedejin karto jabkooda iyo burbur aysan ka soo waaqsan kaas oo Soomaaliya u horseedi kara dagaal Huwan magac diimeed oo lagu hoobto, iyo in Itoobiya dalka ku soo laabato iyadoo adeegsanaysa caamiliin aan dad iyo dal u aabayeelayn, taas oo dhalin karta dhamaadkii wax loogu yeero Soomaaliya. Imisa Dal iyo Dad ingaa awood , caqli iyo cilmi badnaa oo ifka saarnaa ayaa maanta noqday taariikh la soo dhaafay oo laga sheekeeyo. Bal dib u yara jaleec, Rooma, faaris, faraaciintii, maaya iyo xadaaradihii kale ee dunida soo maray. Walee wadadii ummaddihii inaga horeeyay ku hoobtaan, kuna hungoobeen ayaynu haynaa hadii aan la is daba qaban oo aan caqligu ka awood badnaa caadifada qabiilka iyo jahliga, danta guud laga hormarin midda gaarka ah ogaada taariikhda ayaynu baal madow ka geli doonaa dadkeenuna ku danbayn doonaa tiih iyo qaxootinimo ciribteeda tirtirta. Farah Aw-Osman awosman@gmail.com -
The case for Al Shabaab - interesting piece
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dhagarta Itoobiya Itoobiya: Waxaa xaqiiq ah in Itoobiya aysan sidaa ku tegin, balse ay cayaarayso shaxda loo yaqaan Jeeska. Ulajeedadeeda oo koobana waa dhowrkan qodob: · Iyagoo og bixitaankooda ka dib in Al-Shabaab qabsan doonto goobkasta oo ay ka baxaan · Iyagoo og in arintaasi walaac ku dhalin doonto wadamada reer galbeedka · Iyagoo og in uusan jirin wadan ciidan u soo diri doona Soomaaliya maadaama nabad la sugaaba meesha oolin · Iyagoo og in shirka Jabuuti fashil ku dhamaan doono Ayay goàansadeen inay iska dhigaan wax baxay balse kulaalaan xuduuda Soomaliya, iyagoo rajo ka qaba inay dhici doonto sidan: · In kadib marka Al-Shabaab la wareegaan awooda koonfur Soomaaliya , ay weerari doonaan Ciidamada Africaanka ah , taasna sabab ama fursad soo noqosho u noqon doonta Ciidamada Itoobiyaanka iyo Xulafadooda Hororka ah ee Dagaal oogashaaya · Dabadeed in beesha caalamku siiso Itoobiya waxa loogu jeero (open cheque) jeeg furan , oo micnaheedu tahay inay waxay doonaan ka samayn karaan Soomaaliya cid danbe oo iswaydiin doontaana aysan jirin · In Itoobiya dhaqaale iyo awood milatari ku heli doonto qabsashadeeda danbe ee Soomaaliya taas oo Dalkii loogu yeeri jiray Soomaaliya ka dhigi doonto ZONE 6 iyo maxamiyad looga taliyo Adis, ilayn maantaba hadaynaan is indha tirayn Adis iyo Zanaawi ayaa loo kala dhuuntaaye. -
The case for Al Shabaab - interesting piece
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
· Sida Is casilistii Cabdullahi Yusuf: Bilowgii burburka TFG · Doorashada Puntland: bilowga maamulka Faroole iyo dhamaadka maamulkii Cadde Muse · Bixitaanka Ciidamadda Itoobiya: jabkii labaad ee Dagaal oogayaasha · Dharbaaxada Al-Shabaab: Fashilkii dhagarta Shirka Jabuuti, jabkii Itoobiya iyo Burburkii TFG. Dhamaan arimahaas kor ku xusan waxay saamayn ku yeesheen dhabarjabna ku noqdeen Shirka ka socda Jabuuti kaas oo dad badan ay ka dahsoon tahay xaqiiqadiisa dhabta ah. Dhalanteedka Jabuuti: Shirka Jabuuti waa shir ay bilowgiisiiba ku hareeraysnayd daruur shaki iyo khilaaf xambaarsan. Shirkaasi oo ay isla soo agaasimeen, Ergayga UN, Safaaradaha Maraykanku ku leeyahay Nairobi iyo Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar geele. Sadexdaas xulafo midkasta dan gaar ah buu ka lahaa welina ka leeyahay shirkaas isaga ah: Ergayga Gaarka ah ee UN-ta: Mr. Ahmedou waxaa laga dhaadhacsay meesha soomaaliya ka quruntay oo hadii xal loo helo colaada Soomaaliya soo afjarmi karta waa Muqdisho, sidoo kale waxaa lagu yidhi qabiilka Muqaawamadu ka socdo , deegaan ahaana degan Muqdisho waa ****** sidaa awgeed hadii aad noo saamaxdid oo nagu taageertid waxaanu samayn doonaa xalin khilaafaadka dhexyaala beesha , sidoo kale waxaanu nabad ka dhalin doonaa dalka oo dhan laakiin shuruuda oofinta balantaani waa sidan: · -In meesha laga saaro nabad-diid Cabdulahi Yusuf · In Itoobiya ka baxdo dalka si aan u helno taageerada beesha iyo kalsoonida muqaawamada Maraykanka: Waxaa laga dhaadhacshay in awooda habka lagula dagaalami karo loogana adkaan karo Al-Shabaab ay tahay in laga soo jaro Maxkamadaha , maadaama garabka uu hogaamiyo Shariifku aysan lahayn hadaf aan dhaafsiisnayn bixitaanka Itoobiya sidaa awgeed, kadib markii Itoobiya baxdo, dowlad ay ku midaysa yihiin Maxkamadaha iyo TFG la sameeyo, waxaa la bilaabi doonaa dagaal waji cusub kaas oo la mid ah kan lagula dagaalamay Al-Qaacidada Ciraaq, kaas oo ah waxa loogu Yeero “Surge”. Sidaa awgeed waxaa maraykanka lagu yiri cida degan Muqdisho maanta waa anaga sidaa awgeed waxaan kuu balan qaadaynaa hadii aad hadafkaan iyo siyaasadaan cusub nagu taageerto inaan dagaal ku qaadno Al-Shabaab , u diidno hoy ay ku dhuuntaan, soo qabano dadka ajaanibta ah ee aad danaynaysaan. Sidaa awgeed, maraykanku wuxuu istusay dagaal aan cidi uga dhimanayn, Cadowgiisiina lagu jabin karo, sidaa awgeed taageero buuxda ayuu siiyay shirka Jabuuti. Jabuuti: Ismaaciil Cumar Geele waa nin maskax ganacsi leh, meeshii shilin ku jiro aan loo tilmaamin, maslaxado kale ee isxulafaysi iyo ahdaaf intaa ka wayn leh, sidaa awgeed waxaa is tustay shir UN iyo beesha caalamku lacag ku bixin doonaan, maadaama isaga marti loo yahayn uu talo ku yeelan karo, dantiisa shakhsiyadeed iyo aragtidiisa siyaasadeedna ku oofsan karo. Sidoo kale wuxuu istusay in maadaama dakad wayn uu maanta haysto , ciidankii Maraykankuna Xarun ku leeyihiin dalkiisa in Jabuuti noqon doonto xarun loo isticmaalo ladagaalanka Burcad badeeda, Dib u dhiska Soomaaliya, taas oo suuqa ka saari karta dulaalayda Nairobi fadhiya sida UN iyo NGO kaleba. Hadaba akhristow waxaa iswaydiin mudan cida lagu heshiisiinayo shirka jabuuti, waxaa kaloo iswaydiin mudan raga shirka jabuuti fadhiya awooda ay ku gorgortamayaan waxa ay tahay iyo meesha ay taal, maadaama aysan jirin goob ama buqcad ay ka taliyaan TFG iyo ARS labaduba. Dalkii la oran jiray Soomaliya maanta waxuu u qaybsamay sadex aag oo an ka kala taliyaan Somaliland (waqooyi Galbeed) , Puntland (waqooyi Bari), Al-Shabaab oo ka talisa Koonfurta Soomaaliya. Kolkaa waxaa iswaydiin mudan cida Jabuuti ku shiraysa dadka iyo deegaamada ay matalanaa, kol hadii Somalialand qaadacday shirka, Puntland cadaysan inaysan goobjoog ahayn sidaa awgeedna ay ka soo horjeedaan waxkasta oo ka soo baxa, Al-Shabaab qaadaceen qoortan u dheerayn doonaan waxa ay ugu yeereen caamiliinta ridowday. -
Dhagarta Itoobiya, Dhalanteedka Jabuuti iyo Dharbaaxada Al-Shabaab Posted to the MOL January 29, 2009, 9:30 am Isbaddalada Siyaasadeed, Milatari iyo awoodeed ee Soomaaliya ayaa noqday mid aan la saadaalin Karin, laguna wareeray. Sadexdii sanadood ee ugu danbeeyay ayaa dadka badankii filayeen in xaaladda Soomaaliya ka soo rayn doonto maadaama ay awoodii iyo taladdii dalku ku ku soo uruurtay kooxo fara ku tiris ah sida TFG, Puntland, Somaliland iyo Maxkamadaha, taas oo rajo laga qabay kadib in marka TFG iyo Maxkamaduhu heshiiyaan in loo gudbi doono heshiis kale oo lagu soo dabaalo maamul-goboleedyada dalka ka dhisan. Nasiib darro sadaashaas waa lagu hungoobay. Muddo laga joogo dhowr bilood ayaan soo bandhigay maqaal aan ugu yeeray Burburka TFG kadib maxaa dhici doona? anigoo maqaalkaas faalo dheer kaga baxshay asbaabta keenay burburka TFG-da , iyo anigoo gaba-gabada maqaalkaasi ku odorosay sadex arimood oo aysan ka fursanayn in midkood dhacdo. Kuwaas oo kala ahaa: 1- In Nuur Cadde ama uu is casilo ama shaqada ay ka eryaan xubnaha Baarlamaanka TFG-anigoo cadeeyay waxa uu ku galabsaday shaqo ka joojintaasi 2- In Cabdullahi Yusuf is casilo, anigoo maqaalkasi ku faahfaahiyay ciribta talaabadaas laga dhaxli doono 3- Iyo in labadda odayba waa Nuur Cadde iyo Cabdullahi Yusufe meesha ka baxaan taas oo aan tilmaamay in ciribta laga dhaxlaa noqon doonto Al-Shabaab oo awooda Koonfurta Soomaaliya la wareegi doonta , taas waxa ka dhalan karana maqaalkaas isaga ah ayaan iyadana ku xusay. Muddadii aan maqaalkaas qoray kadib waxaa dhacay isbadalo badan oo saamayn ku yeeshay awooddaha siyaasadeed iyo milatari ee Soomaliya. Sida Is casilistii Cabdullahi Yusuf: Bilowgii burburka TFG
-
Secessionists will change the name Somaliland
General Duke replied to Garyaqaan2's topic in Politics
Maybe he should name it Warrabeland after himself. There is Saudi Arabia, why not Warrabe republic? Lovely topic. -
Horn adeer like Hiiraale you make a frontal attack without thinking of the consequences. You mentioned the legend Yusuf and his holiday, indeed where is Hiiraale vacationing now? Last time I checked his militias were being chased out of Gedo under the wings of Ethiopia. What came of your jubilant prediction he would be elected in Baidoa? Elected maybe to Donkey rider and chief. As for the post these men have a right to make their voices heard. Remember the last time this happened in Cairo back in 1996 we had the creation of Puntland state thereafter. Now we have nothing to lose like some, it seems Sharif Ahmed will be the new leader and I know that sadness you since it wont be one of your bosses from Guriceel. No Hiiraale, no Abdiqasin, no Ahmed AbdiSalaan , no functioning anything and Yusuf walked all over the JVA. What has become of Horn and his delusions?
-
Breaking News: Australians take over Puntland...Pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Another Australian 1- In Ciise Maxamud Farax [ Dholawaa] loo magacabey Agaasimaha Guud ee Agaasinka Guud ee Macaadinta & Shidalka DGPL taasoo hoos imaaneysa Madaxtooyadda. -
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyada Waxaan ahay nin Cusub waxaan wadaa wax Cusub (Cod + Sawiro) Finance Minister from Australia Waxaa maanta xilkii la wareegay Wasiirka Cusub ee Wasaardda Maaliyadda DGPL, Mudane Dr.Farax Cali Shire, wasiirka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta uu xilka la wareego, Dr Farax oo ah aqoonyahan deganaa muddo dheer Dalka Australia ayaa maalinimadii shalay loo dhaariyey Wasiirnimo kadib markii uu magacaabey Madaxweyne Faroole. Wasiirkii hore ee DGPL Maxamed Cali Yusuf Gaagaab ayaa ku wareejiyey xilkii maanta waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Gaagaab ayaa sheegay in uu ku wareejiyey Wasiirka deyn gaamurtey cimrigeeduna gaarsiisan yahay 6sano, Waxaan kugu wareejiyey Deyntaa Mudane Wasiir waana in la baxshaa ayuu yiri Gaagaab. Dr.Farax Cali Shire ayaa sheegay in aan wax deyn ah lagu lahayn isaga iyo wasaaradda Maaliyada wax uu bixinaayona aysan jirin mar hadii la bixin waayey hadda ka hor, haloo sheego dadkii idiin imaan jirey deyntu hadey gaarto 5 sano waxaa aduunka lagu sameeyaa Red off marka deyntaasi waa wax wadanka galay ayuu yiri Wasiirku. Dr.Farax Cali ayaa sheegay in uu yahay nin cusub, waxa uu wataana ay tahay nidaam cusub, sheeko cusub, weji cusub, Waxaan bilaabaynaa is bedelka uu keenay Madaxweynuhu in aan samayno in la raaco nidaamka, in la iska ilaasho doc ka faruur, isla markaasna kordhino in aan nahay dad la aaminay. Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxay tahay mid kamid ah halbowlayaasha Wasaaradaha Puntland, hadaba bulshada Puntland waxa ay isha kuwada hayaan habka uu raaco wasiirka cusub, iyo sida uu u maareyn lahaa mushaharaooyinka shaqaalaha , Ciidanka, isla markaana loo ilaalin lahaa Canshuuraha laga qaado bulshadda Puntland in aysan ku dhicin gacmo kale oo si gaar ahaan uga faa’iideysta
-
Agaasimaha Guud ee Macdanta iyo Shidaalka Puntland oo la magacaabay Thursday, January 29th, 2009 at 1:02 pm C/weli Gooni gooni@hotmail.co.uk HR-MEdia Garowe Wareegto goor dhaweyd ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa waxaa lagu magacaabay Agaasimaha Guud ee Macdanta & Shidaalka DGPL toosna u hoos tagaya Madaxtooyada sida ku cad Wareegtada.Wareegtay Madaxweynaha ayaa waxaa Agaasimaha Guud loo magacaabay Ciise Max’uud Faarax(Dhoola waa) Wareegtada uu Madaxweynaha ku magacaabay Agaasimaha guud ayaa waxa ku cad in ay dhaqan geleyso marka Madaxweynaha Saxiixo , madaxweynaha waxa uu saxiixay Goor dhaweyd.
-
Duke's position on the outcome of the Djibouti process
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Its good old Sophist is bussy, will foreword you a line, I need an update on London. Check your PM. -
^^^You hit it on the head old boy..
-
^^^All they are missing is Hiiraale and Turki and its a Kismayu revival.
-
Duke's position on the outcome of the Djibouti process
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The secessionist thinks stating the obvious is amusing and so does the child. If one reads the original post I have stated the Sharif is not my candidate but I will not be a hater and will wish him luck. Yusuf was my candidate and I supported him early on even before he chased out the secessionist cowards from SOOL. -
Puntland its population come against Djibouti process
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Farole: "Ma Aqoonsan doono Natiijadda Shirka Djibouti" 28 Jan 28, 2009 - 1:11:02 PM Madaxweynaha DGPL Madaxweynaha Maamulka goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay inuusan aqoonsan doonin natiijooyin kasta oo ka soo baxa wadahadalada Djibouti haddii aan maamulkiisa lagala tashan xubnaha Barlamaanka cusub ee ay soo xulayaan isbahaysiga Mucaaradka. Cabdiraxman Faroole ayaa wareysi uu siiyay Laanta Af-Soomaaliga VOA ku sheegay inuu dhaliil weyn u soo jeedinayo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya oo uu ku tilmaamay inuu qaab deg-deg ah u wado shirka kooxaha Soomaalida uga socda Djibouti. Farole wuxuu sheegay in maamulkiisu xaq-u leeyahay inay qeyb ka qaataan howlaha dib-u-heshiisiinta Socota, balse wuxuu ku hanjabay in hadii taas laga baaqsado aanay maamulka Puntland aqoonsan doonin dowlad ka soo baxda dibuheshiisiinta Somaliya. Madaxweynaha Puntland, wuxuu sheegay in la joojiyo magacaabista iyo balaarinta Barlamaanka Soomaaliya, taasoo ku sababaynayo in Puntland aan lagala tashan xulitaanka xubnaha cusub ee ay soo xuleen mucaaradka Soomaaliya. Mr. Cabdiraxmaan Faroole wuxuu carabka ku dhuftay in xubnaha Barlamaanka cusub ee la ansixiyay ay gobolada Konfureed kaliya khuseeyaan. Madaxweyne Faroole,wuxuu sheegay in shaqsiyaadka ka soo jeeda Puntland ee u sharaxan jagada Madaxweynaha Somaaliya aysan wakiil ka ahayn Puntland. Faroole wuxuu xusay in maamulkiisu hadii uusan ka mid ahayn ama aysan xubno ka wakiil ah aysan wadahadalada ku jirin uusan ogolaan doonin natiijooyinka ka soo baxa Djibouti. Faroole wuxuu soo jeediyey in marka hore wadahadal iyo dib-uheshiisiin loo sameeyo Koonfurta Somaaliya, kadibna loo gudbo dibuheshiisiin guud oo ay ka soo qeybgalaan dhamaan dhinacyada Soomaalida. -
BREAKING NEWS: PUNTLAND WILL DECLARE INDEPENDENCY.
General Duke replied to NABAD x 3's topic in Politics
^^^I know who Che is brother, dont worry about us. He needs to get some help...