
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Liverpool who are they? Exactly
-
One must have Pan Somali'sm before we can graduate to that level.
-
Kidnapped yachtie returns to Somaliland to claim his yacht
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
'They put on a Mickey Mouse show,' he said, dismissing them with a wave of the hand. 'They will never catch a thing.' Western ****** and the Somali's who love them. -
Tired of AMISOM troops being used as an excuse
General Duke replied to Sherban Shabeel's topic in Politics
There is no difference between Ethiopian or Ugandan, Burundian troops they are all AU troops and the HQ of the AU is Addis Ababa. Thus the foreign troops were never the issue, its the Somali's who love to fight in their capital. -
some say the Nigerians are coming this week?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Beacuse adeer Somalia is even weaker than them today, and our refugees are in those countries. Thus lets get our act together. -
some say the Nigerians are coming this week?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^They are in Somalia because of the funding, they get paid better in Mogadishu than in Kampala. Thus its all about the funding and it seems the Nigerians, are much better equiped and trained than the East Africans. Though sending them to N0 50 and Blidoogle seems ******. -
Nayroobi: " Waxaan ku faraxsanahay Nabadda iyo horumarka gobalada Puntland, waxaana leenahay dadka Puntland horumar wanaagsan" Xubin ka tirsan Wafdigii Talyaaniga ee shalay tagay deegaanada Puntland. 3. maj 2009 Nayroobi(AllPuntland )- Shir saxaafadeed ay magaalada Nayroobi ku qabteen wafdigii ka socday dawladda Talyaaniga ee shalay gaaray dalka Soomaaliya, gaar ahaana deegaanada Puntland ayaa ka hadlay waxyaabihii ay indhahooda ku soo arkeen, markii ay tageen caasumada maamulka Puntland. Safiirka Talyaaniga uqaabilsan dalalka Soomaaliya & Kenya ayaa shirkan oo uu ku qabtay xarunta safaarada wuxuu kaga warbixiyay xaalada deegaanada Puntland, wuxuuna amaanay Madaxda dawladda Puntland iyo Shacabka Puntland oo uu sheegay in ay wax badan qabsadeen, intii ay dagaaladu ka socdeen Soomaaliyada Koonfureed. Safiirka ayaa ku sheegay Puntland meel horumarsan, oo uu sheegay in ay ka jirto nabadgalyo wanaagsan, wuxuuna sidoo kale sheegay in uusan arag wadan ay ka muuqdaan raadadkii dagaalada ee dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay in uu soo arkay dowlad waqti kasta shaqeyneysa oo la helayo. " Waxaan ku faraxsanahay Nabadda iyo horumarka gobalada Puntland, waxaana leenahay dadka Puntland taageera Maamulkiina, Soomaaliyada kale dagaalo xun ayaa ka muuqda, balse shalay waxaan umaleynay in aan joogno meel ka mid ah wadamada aan dagaaladu ka jirin, waayo ma arag wadan uu dagaal ka muuqdo ama xabad ujoog ah, nabad balaaran ayaa soo aragnay, wax hub ah kuma aanan arag meelihii aan tagnay, gaar ahaana Aqalka Madaxtooyada, marka laga reebo ciidan kooban oo albaabka hore ee Madaxtooyada jooga" Ayuu yiri Masuulkan. Dhinaca kale uqeybsanaha wasaarada arimaha dibada Talyaaniga ee Africa ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Puntland in ay sii wadaan shaqada culus ee ay hayaan, wuxuuna ku sheegay in shalay si wanaagsan loogu qaabilay deegaanada Ismaamulka Puntland, inkastoo uu sheegay in uu waqti ku yaraa ama diyaarad ujoogtay garoonka diyaaradaha ee magaalada oo wax badan ka durugsan Magaalo Madaxda Puntland ee Garowe. Madaxdan waxa ay qireen in uu amaan iyo kala dambeyn ka jirtay deegaanada Puntland, waxa ayna shalayba ka sheegeen gudaha xarunta Madaxtooyada in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashadooda, waxaana Suxufiyiin la socotay wafdiga ay ku sheegeen Puntland meel amaan wanaagsan ka jiro, oo ay ugu baaqeen dhinacyada Puntland in ay ushaqeeyaan Shacabkooda. F. C. Geylan AllPuntland
-
Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID oo ****olka ka Qaaday in aanay Kalsooni Buuxda ku Qabin Komishanka Doorashooyinka “Labada xisbi ee mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID waxay soo jeediyeen in dhammaan xubnaha Komishinka doorashooyinka Somaliland la bedelo” Guddoomiye-ku-xigeen ka 2aad ee KULMIYE Hargeysa (Jam)- Labada xisbi ee mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, ayaa ****olka ka qaaday in aanay kalsooni buuxda ku qabin Komisanka Doorashooyinka Qaranka, iyaga oo ku eedeeyen karti-darro aanay kaga dabbaalan Karin qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta, sidaa darteedna waxay labada xisbi mucaarid ku baaqeen in qaar cusub lagu bedelo xubnaha Komishanka, marka laga reebo Md. Xasan Cumar Hoorri oo ah xubin cusub oo ku soo biirtay Guddida Doorashooyinka. Sidaana waxa ku dhawaaqay Guddoomiye-ku-xigeen ka 2aad ee xisbiga KULMIYE, Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Cali Guuleed (Cali Maarshaal) oo shalay si wada jir ah jir-jaari’d ugu qabtay xarunta xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa, iyaga oo halkaasi ka cadeeyey in labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay isla qaateen in labedelo xubnaha Komishanka Doorashooyinka, waxayna madaxweyne Rayaale ugu baaqeen in uu la qaato soo jeedintooda xubnaha komishanka lagu bedelayo. Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir wuxuu ****olka ka qaaday in labada xisbi mucaarid ay isku raaceen inaanay kalsooni ku qabin xubnaha Komishinka doorashooyinka Somaliland oo ay ku baaqeen in la bedelo marka laga reebo Xasan Cumar Hoori oo ahaa xubintii cusbayd ee dhawaan la magacaabay Komishanka, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi; “Labada xisbi ee mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID waxay soo jeediyeen in dhammaan xubnaha Komishinka doorashooyinka Somaliland la bedelo marka laga reebo xubintii cusbayd ee maalintii dhawayd la ansixiyay, oo la bedelo lixda xubnood ee kale oo muddo laba todobaad ka badnayna bedelkoodii lagu keeno, inta la soo buuxinayana ay xilkoodii sii wataan nimankan imika meesha sii joogaa.waxaanu rajaynaynaa in Mr. Rayaale, dawladiisa iyo xisbigiisu nala qaataan in la bedelo xubnahaas Komishanka… Saddexda xisbi, gaar ahaan laba mucaaradka ah wax kalsooni cad ah oo ay Komishanka ku qabaan ma jiro, wayna adag tahay sidaanu doorasho ugu galno Komishankaas oo halkaas jooga, dhibaato iyo is-horimaad ayaanu u malaynaynaa inuu ka imanayso, markaa xalka waxaannu u aragnay in nimankaas la beddelo.”
-
Puntland Cabinet passes 2009 budget, parliament votes next 2 May 2, 2009 - 1:20:07 PM GAROWE, Somalia May 2 (Garowe Online) - The Council of Ministers in the Somali federal state of Puntland formally passed the 2009 budget presented by the Ministry of Finance, with President Abdirahman Mohamed "Farole" presenting the budget to parliament for ratification Saturday, Radio Garowe reports. The Cabinet meeting was held Friday in the conference hall at the presidential compound, where President Farole, Vice President Abdisamad Ali Shire and members of the Cabinet listened to a presentation of the 2009 budget by Finance Minister Farah Ali Jama. Puntland leaders Out of 38 Cabinet ministers and deputies present, 32 voted in favor of passing the budget and six voted against thereby passing the budget. On Saturday, parliament Speaker Abdirashid Mohamed Hersi formally opened the Puntland Parliament meeting with 52 out of 66 MPs present at parliament hall in Garowe, the administrative capital of Puntland. President Farole addressed the lawmakers, saying: "As promised, we have brought the 2009 budget to parliament after taking into account global economic conditions and our [Puntland] resources." Finance Minister Jama spoke next, explaining to lawmakers about changes made to increase the budget from 363billion Somali Shillings (US$11.7million) in 2008 to 545 Somali Shillings (US$17.6million) in 2009. "We [Puntland] do not have a strong fiscal policy because the Central Bank that protects and mints currency does not exist [in Somalia], and therefore our budget is not one that reflects the economic reality in Puntland," the Finance Minister stated. He divided the 2009 budget into two distinct periods, with the first period covering the temporary budget phase (Jan. to Apr.) and the second period covering the remaining months of 2009 (May to Dec.). During the first period, the budget allocated 32billion Shillings (US$1.03million) per month of government expenditure and 52billion (US$1.7million) per month for the second period. According to Finance Minister Jama, government revenue is expected to increase during the second period for a number of reasons. "We will increase taxes on commercial goods, continue enhancing our revenue collection methods and estimate license costs collected from resource development initiatives," he explained. The Ministry of Finance budget noted that license costs from resource development existed as a revenue source in recent years, but that "no allocation was ever included in the previous budgets." Finance Minister Jama said the larger budget takes into account higher government expenditure for the ministries' day-to-day operations, and higher wages for government workers including parliamentarians, Cabinet ministers, civil services employees and security forces. President Farole, who was elected in January as Puntland's third president, has promised to improve security, to balance the budget and to improve social services and infrastructure rehabilitation. Puntland MPs are expected to review the 2009 budget and to convene for a parliamentary vote soon. Last week, President Farole's government released The First 100 Days in Office report, detailing the new government's successes and ambitions since coming to power on a platform of change. REPORT: First 100 Days in Office Located in northeastern Somalia, Puntland is a relatively stable region with a functioning government and a vision of being the role model state in a future Federal Republic of Somalia. The region has been renowned as a center of piracy operations along the Gulf of Aden and Indian Ocean coastlines since 2007. Source: Garowe Online
-
Hargaysa: Riyaale divides the Mugged ones again
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wacdaraha_Aduunka: Brother Riyaale has Mugged them for 10 years now. No recognition, no change, no progress other than for his family, friends and a few kinsmen. We have the SNM group on the ropes, confused and battered. SOOL is part of Somalia juts like the areas ruled by Hargaysa today ya Norf. He, he, he.... -
Sheekh Aweys oo ku baaqay dagaal ka dhan ah dowladda Shariif Monday, May 4th, 2009 at 12:15 pm Horseed Media Newsdesk Hogaamiyaha isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka Casmara Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ku gacanseyray inuu wadahadal la furo madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sheekh Aweys waxa uu dalka ku soo laabtay bishii la soo dhaafay iyadoo markaasina ay jirtay hadal hayn ku aadan inuu la shaqeyn doono dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Hase yeeshee waxa uu ugu baaqay kooxaha Islaamiga ah ee dgaalka kula jira dowladda kmg ah inay sii wadaan dagaalkooda. Sheekh Aweys iyo Sheekh Shariif waxay ahaan jireen saaxiibo wadashaqeyn jiray, hase yeeshee waxay kala f******** markii sheekh Shariif Sheekh Axmed uu oggolaaday inuu wadahadal la galo dowladda kmg ah. Wadahadalladii uu sheekh Shariif la galay dowladdii madaxweyne Yuusuf waxay u suurtogelisay in isaga ay baarlamaanka la ballaariyay ay u doortaan madaxweynaha dalka. Hase yeeshee sheekh Aweys oo markii horeba ka biyo diidanaa wadahadalaasi ayaa misna ku gacanseyray inuu soo dhoweeyo dowladda uu madaxweynaha ka yahay sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo madaxweyne Shariif waxay mar si wadajir ah u dhiseen maxkamadihii Islaamiga ee ka adkaaday hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho. Lix bilood oo ay Muqdisho ku soo celiyeen amni iyo kala dambeyn, ka dib waxaa awoodoodii wiiqay ciidamo Itoobiyaan ah oo garabsiinayay ciidamada dowladda kmg ah. Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu ku jiraa liiska Maraykanka ee shakhsiyaadka looga shakisan yahay inay yihiin argagixiso xiriir la leh shakabada al-Qaacida.
-
some say the Nigerians are coming this week?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The funds are the only thing stopping the Amisom mission and now they are avaliable the Nigerians seem to be on their way. The areas they are going are already opposition areas. It seems more conflict and search for a new solution as always. -
Warar dheerad ah:Madaxii warfaafinta madaxtoyada Somalia ee ku dhex fakaday Dalka Bilguim >>>>> Axad 03 May 2009 Madaxii warfaafinta madaxtoyada Somalia ee ku dhex fakaday Dalka Bilguim C/laahi Khadar kadib markuu halkaa gaaray asgoo ka mid ah Wafdigii Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lasheegay in ay qaar ka mid ah Ehaladiisa hoose kasoo kaxeeyeen Dalka Bilguim ayagoo kusoo wajahan Wadamada scandinavien ama Engriska si uu isga dhiibo qaxooti ahaan halkaasi sida ay noo xaqiijiyeen asxaab aad ugu dhun daloosha C/laahi Khadar. Bileyska Magaalada Brussels ee Dalka Belgium ayaa wada baritaano ku aadan arintaasi, waxeeyna su’alo ka weydiiyeen dhalinyaro Somaliyeed oo ay ku tuhun sanaayeen ineey ka qeeyb qaateen qarinta Madaxii warfaafinta madaxtoyada Somalia, warar lagasoo xigtay Bileyska Dalka Belgium ayaa sheegaya in ay galiyeen magac iyo masawiradiisa Interpool-ka ayna ku amran dhamaan wadamada reer yurub in lasoo qabto Madaxii warfaafinta madaxtoyada Somalia C/laahi Khadar si loogu caliyo Dalka Somalia, sidoo kale waxeey Bileysku baaritaano ku hayaan dad la tuhun sanyahay ineey ku lug leeyihiin arintaasi oo hadeey ku cadaato ay sababi karto in ay muteystaan xarag ama in laga ceshto sharciga. Dhinaca kale Warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka heleyno illo ku sugan wadanka belguimka ayaa waxeey ku waramayaan ugu yaraan 15 ka mid ahaa wafidigii Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariid Sheekh Axmed, in ay iska dhiibeen Magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka xero qaxooti oo ku taala waqooyiga magaalada Brussels kadib markii lacago farabadan ay ku baxsheen in loo ekeysiiyo wafdi ka socda dowlada somalia sidaana ay ku tagaan dalka Belgium-ka. Dadkaan Somaliyeed oo qaxooti doonka ah, isla markaan ku dhex fakaday dalka Bilguimka ayaa waxaa ka mid ah C/laahi Khadar oo ahaa agaasima warfaafinta madaxtooyada madaxweynahana saxaafada u matali jiray laguna xasuusto socdaalkii uu madaxweyne sheekh shariif uu ku marayay dalalka Turkiga iyo Masar ayaa isguna goosashadiisa waxaa ay timid ka dib markii la tagay Brussels halkaas oo uu madaxweynaha iyo wafdigiisa kaga qeybgalayeen kulankii loogu yaboohayey dawlada Somalia dhaqaale gaarayey 250 milyan $. Dadkaan soomalida ee ku dhex fakaday Dalka Bilguimka ayaa waxeey wararku sheegayeen in ay dalka Kenya magaalo madaxdiisa Neyroobi ay ka soo raaceen Wasiirka Maaliyada Shariif Xassan Sheekh Aadan, waxaana lagu tuhun san yahay in uu qorshuhu lacagtaasi tirada badan laga helay uu wax ka ogyahay wasiirka maaliyada shariif xassan Sheekh Aadan. Illo xog ogaal ahi oo ka mid ah ehelada somalida qaxootinimada isu dhiibay islamar ahaataana ku sugan dalka Bilguim ayaa Radio Ogaal u sheegey in qofkiiba laga soo qaatay 7000 $ .
-
some say the Nigerians are coming this week?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho:Ciidamo ka socda dawlada Neyjeriya oo loo qorsheyeyey in ay saldhigyo ka sameystaan garoomada Balidoogle iyo N50 ee GSh/Hoose 4. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Ilo wareed lagu kasoonan karo oo aan ka helnay xubno dawlada ka tirsan ayaa sheegaya in todobaadyada soo socda ay so dagi doonaan gaasas ciidamo ka socda dalka Neyjeriya. Ciidamadaan ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in saldhig looga dhigi doono garoomada Balidoogle iyo N50 ee dhaca G/Sh/Hoose. Ciidamadaan oo tiradooda lagu qiyaasay 2000 oo Askario ayaa ku imaan doono maraakin dagaal oo ay leeyihiin dalal reer galbeed . Ciidamadaan ayaa loo dajinayaa garoomadaan si ay u xayiraan hubka kaga imanaya mucaaradka qaar dalka Eritrea sida uu sheegay shalay Wasiirka amniga qaranka Cumar Xaashi. Horey aya dhawr jeer waxaa ay midawga Africa u sheegen in ay dawlada Neyjeriya ay ciidamadeda diyaarsanyihiin ayna ku soo socdaan Somalia. Xubnaha aan warkaan ka helnay ayaa sheegaya sidoo kale in dawladu ay gali doonto dagaal ka dhan ah mucaaradkeeda , waxaaana ay noo sheegeen in ay ka bilaabi doonaan Caasimada Muqdisho. Meelaha loo asteyey in ay dagaan Ciidamadan ayaa ah meelo ay gacanta ku hayaan mucaaradka lamana yaqaano sida ay ku tagi karaan. Dawlada uu madaxweynaha ka yahay shariif Sh.Axmed ayaa ah mid aad u jilicsan dhanka Ciidamada iyo isku xirka ciidamadeda . Xafiika wararka Muqdisho AllPuntland -
Najeeriya Oo Ciidamo U Soo Dirtay Somaliya 03 May, 2009 04:50:00 Toronto Font size: Nairobi,04-May-2009: -Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku sugan magaalooyinka Muqdisho & Nairobi ayaa sheegaya in todobaadyada fooda nagu soo haya ay dalka soo gaari doonaan Ciidamo ka tirsan kuwa Najeeriya, kuwaasoo qeyb ka ah Ciidamada AIMOSOM ee loogu talo galay iney amaanka gacan ka siiyaan Dowalda Islaamiga ah. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ciidamadaani tiradoodu lagu sheegay 2000 oo Ciidam ama hal Guuto oo aad loo xoojiyay, iyagoo la sheegay iney hadda ku soo jiraan safar dhinac abadda ah ah ayna saaran yihiin markab dagaal oo laga leeyahay wadamada reer galbeedka, waxeyna fariisimo ka dhigan doonaan garoomada diyaaradaha ee Balidoogle iyo N50 ee dhaca G/Sh/Hoose. Ciidamadaan ayaa loo dajinayaa garoomadaan si ay gacan uga geystaan inuu dhaqan galo xayiraada hubka ee Mucaraadka Dowalda oo maalmihii ugu dambeeyay la sheegay iney hub iyo rasaas kala soo dageen garoonka Bali doogle ee Gobolka Sh/hoose. Horey aya dhowr jeer waxaa ay midawga Africa u sheegen in ay dawlada Neyjeriya ay ciidamadeda diyaarsanyihiin ayna ku soo socdaan Somalia. Xogtaan ayaa sidoo kale tilmaamay in dhaqdhaqaaqyadii nabada lagu baadi goobaayay ay ku sii socdaan fashil kadib markii Madaxa Mucaaradka Xoogaga Islaamiyiinta Sheekh Xasan daahir uu ku adkeystay inuusan wax wada hadal ah la geli doonin Dowlada uu horseedka ka yahay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana la yabaa in talabadaasi ay horseedi karto in Dowlada ay gali doonto dagaal ka dhan ah mucaaradkeeda, iyadoo la sheegay in goobaha ugu horeeyay oo ay ka bilaawdaan dagaalka uu noqon doono Caasimada Muqdisho. Meelaha loo asteyey in ay dagaan Ciidamadan ayaa ah meelo ay gacanta ku hayaan mucaaradka lamana yaqaano sida ay ku tagi karaan, Dowlada uu madaxweynaha ka yahay shariif Sh.Axmed ayaa ah mid aad u jilicsan dhanka Ciidamada iyo isku xirka ciidamadeda .
-
Parliment must say No to KENYA getting our sea
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: " Ma jirto sabab dib loogu dhigo Fadhiyada baarlamaanka, oo aan ka aheyn in ay Shariifka iyo Aaden Madoobe uxalaaleeyaan Kenya qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya" Mudanayaal katirsan baarlamaanka Soomaaliya. 4. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )- Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa eed kulul dusha uga tuuray Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Aaden Maxamed Nuur, oo ay sheegeen in ay sababo ugaar ah ay dib ugu dhigeen fadhigii golaha baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaano dhowr ah oo lasoo xiriiray AllPuntland ayaa ku sheegay sababaha dibka loogu dhigay fadhiyada baarlamaanka in ay tahay in uu meelmar noqdo heshiiskii ay galeen Xukuumada Soomaaliya & xukuumada Kenya. Xildhibaanada ayaa sheegay in ay tahay siyaasad in fadhiyada baarlamaanka dib loo dhigo, ee aysan aheyn sababaha ay sheegayaan gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ee ah in aan amaan jirin. " Adeer waxba kama jiraan mar-marsiiyaha ay sheegteen Madaxda dawladda, balse waxa ay doonayaan in la gaaro 13-ka May-2009 oo ah maalinta ay Kenya yeelaneyso qeyb ka mid ah badda Soomaaliya,anaga waxaan dooneynaa in aan afka ciida udarno heshiiskaasi oo aysan Kenya waxba bad ah helin, isla markaasna aan talaabo ka qaadno cidii ka dambeysay heshiiskaasi" Ayuu yiri Mudane baarlamaan oo u hadlay xildhibaano gaaraya 50 xildhibaan. Eed ka timid mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya wali kama uusan jawaabin xaafiiska Madaxweynaha iyo kan gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in maalmaha nagu soo aadan wafdi ka socda dawlada Soomaaliya ay aadayaan magaalada Nayroobi oo ay kala xaajoonayaan heshiiskii la gaaray ee qalinka lugu duugay. Eedaha iska soo daba dhacaya ee ku aadan dawladda Shariif Sheekh Axmed heshiiska Kenya loogu ogolaaday in ay sheegato qaar ka mid ah Biyaha Soomaaliya ayaa soo badanaya, waxaana dadweyne badan oo Soomaaliyeed ka dagi la'a beeninta ay sameynayaan Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya, ayadoo Xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda gobalada Jubooyinku ay sheegeen in uu heshiiskaasi yahay mid aan waxba ka jirin, isla markaasna ay talaabo cad ka qaadayaan cidii ka dambeysay arintaasi. F. C. Geylan AllPuntland -
Parliment must say No to KENYA getting our sea
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub Maxamed Xuseen Owliyo oo ugu baaqay baarlamanka Soomaliya iney waddaniyad muujiyaan marka ay ka doodayaan mooshin ku saabsan heshiiska xuduud badeedka ah ee dowladaha Soomaliya iyo Kenya Isha warka: Danan Radio | Muqdisho | April 29, 2009 Ka hor inta uusan baarlamanka Soomaliya ka doodin arrinta heshiiska xuduudaha Soomaliya iyo Kenya ayaa waxaa baarlamanka Soomaaliya loo soo jeedinayaa aragtiyo kala duwan. Afahyeenka Ahlu Suna wal Jameeca ee Yurub Maxamed Xuseen Owliyo oo hada ku sugan waddanka Britain oo xalay la hadlayay Radio DANAN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baarlamanka Soomaliya ay la gudboodn tahay iney ka hor imaadaan arrintan, wuxuuna Maxamed Xuseen Owliyo ka codsaday baarlamanka Soomaliya iney muujiyaan waddaniyad oo ay cod aqlabiyad leh ku diidaan arrinta heshiiskan, oo sida uu sheegay luminaya dhul Soomaliyeed. Mr. Owliyo ayaa sidoo kale sheegay in baarlamanka Soomaaliya looga baahan yahay iney u midoobaan, arrinta heshiiskan sidii ay kal hore ugu midoobeen ansixinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa horay u sheegay in hadii la ansixiyo heshiiskani ay Kenya yeelan doonto ku dhawaad 38.000KM, oo laba jibaaran, oo dhulka Soomaliya ah, kaa soo ku eg jasiiradaha Lamashaaqa ee dhulka Soomaliya. Kenya iyo Soomaliya oo ah laba dal oo daris ah ayna gumeysteen waddamada Britain iyo Italy, ayaa leh xuduud muuqata oo ay sameeyeen gumeyste yaashasi sanadii 1924-tii. Aqoon yahanada Soomalida ayaa heshiiskani ugu magac daray dantii Kenya iyo doqonimadii Soomaliya. Ka Dhagayso Halkan ama soo rogo (Radio Danan) isha: DANAN RADIO Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2009 -
Parliment must say No to KENYA getting our sea
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Even Sharif's old tool states that the sea must not be sold. Xildhibaan ka tirsaan baarlamanka Soomaliya ayaa ku eedeeyay DF in ay iska indha tireyso la tashi ay kala sameyso dadka aqoonta buuxda u leh arrimaha Badaha heshiiskii ay la gashay dowladda Kenya Isha: Radio Danan | Muqdisho | April 29, 2009 Iyadoo la filayo in dhawaan baarlamanka Soomaliya uu ka doodo heshiiskii xuduudaha ee dhex maray dowladaha Soomaliya iyo Kenya ayaa waxaa muuqanaya kala qeybsanaan baarlamanka dhexdiisa ah. Xildhibaan Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah mudane ka tirsan baarlamanka Soomaalida kana mid ah xildhibaanadii u arka heshiiskii ay wadaageen dowladaha Soomalia iyo Kenya mid luminaayo dhul Soomaliyeed, ayaa u sheegay Radio DANAN ineey dowladda Soomaliya ka meer meereyso iney arrinta heshiiskan kala tashato dadka aqoonta u leh arrimaha badaha iyo heshiisyada caalamiga ah. Wuxuuna sidoo kale sheegay in heshiiskani uusan aheyn sida ay DF u sheegeyso oo ah mid is afgarad ah, balse heshiiskaasi uu dhabtii yahay mid u daneynaayo dowladda Kenya oo qura. Xildhibaan Tarsan ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in arrintani ay horay u diidday dowladdii madaxweyne C/laahi Yuusuf, Kenya ay wax badan raadineysay arrintaan, balse ugu dambeyntii ay fursad u heshay in la siiyo wixii ay raadineysay waqti dheer. Baarlamanka Soomaliya ayaa dhawaan la filayaa inuu ka doodo arrintii heshiiska xuduudaha lamana oga waxa ka soo bixi doona kal fadhigaas lagu madlaan yahay, waxaase dadka wax odorosa ay qiyaasayaan inaan baarlamaanka Soomaliya laga fileyn inuu u doodo qaabkii u u doodi jiray oo aheyd iney lakala saftaan hogaamiye yaashooda sar sare, maadaama ay arintani tahay mid ka dhexeysa in ka badan 8-milyan oo qof. Isha warka: DANAN RADIO -
Aragtida Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay... Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin Dr. Faroole" (Maqabo) in ay cid xaq u leedahay wax dalka Soomaaliyeed qayb ka mid ah cid kale heshiis lagula geli karo source
-
Sharif Ahmed first President to question Somali sea?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Sharif Ahmed first President to question Somali sea?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Marka Shariifow Meeshaad Kenya dhulka maqan kala hadli lahayd miyaad badiina ugu dartay? Waxaa Mahad Leh Allaah Subxaanu Watacalaa i solin siiyay inaan ka hadlo dhibka wadankayga ka jira ama hadda ugubka u ah, yacni horay aan uga dhici jirin taas oo ah arinta Badda Soomaaliyeed ee dhererkiidu dhan yahay, 3330km . Waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo sano 20-aad ku jira, waxaana maskaxdayda ka guuxaya arinta badda oo runtii dadbadan oo Soomaaliyeedna sidoo kale ay ila guuxayaan, waxaan ka xumahay in dadka Soomaaliyeed ee dhibku haystay 20-ka sano in haddana dhibkii mid ka daran la galiyo kaas oo ah jaahawareer dhulkoodii la galinayo. Wali aduunka kama dhicin, Madaxwayne dal xukuma oo wadankii u xukumay baddiisii bixinaya kuna doodaya khilaaf ayaa ku jira badeena, marka waxaan iswaydiiyay Madaxwaynugu maxuu hadalkaas ka wadaa , maka aqoon daro baa mise wax uusan ahayn wadani, Dugsiga sare ayaan ku soo dhigtay qodobada "National Integratinka " oo qodobkan ka mid yahay, wadanku waa inuu leeyahay Madaxwayne wadani ah kaas oo wadanka wakiil uga ah caalamka, marka wakiilnimadiisii maxay noqotay meeshuu wadanka difaaci lahaa inuu ka loogo, waa arin la yaab leh oo maskaxdayda ku waynaatay. Mida kale, xagee ayuu ku yaal heshiiska la yiraahdo Isfaham, waa mid igu cusub runtii , marka anaga iyo kenya Isfaham badeed ayaa na dhexmaray maxay tahay micnadeedu waa Su'aale? Madxwaynaha Cusub waxaa uu dhihi jiray markuu mucaaradka ahaa, waxaan ku jirnaa jihaad, waxaan la dagaalamaynaa gaalada wadanka ku soo duushay, waxaan la dagalamaynaa dawlada Ethiopia keentay, Maanta wax uu keenay markuu madaxwayne noqdey inuu baddii Soomaaliya dal heshiis kula galo,marka Shariifow shalay dhulkaad lahayd waan xoreyn miyaad Maanta saxiixday? Wadanka Soomaaliya hadda waxa jira dhib badan, oo runtii qof walba oo Soomaali ah uu la socdo, dawladan cusub waxa looga fadhiyey inay dib u heshiisiin ka shaqeyso , oo ay dadka iyo dalka isku keento dhibkana ka saadho ee loogama fadhin inay badeena khalkhal galiso. Waxaan kaloo dadweynaha Soomaaliyeed waydiin, ma iswaydiiseen dawladihii ka horeeyay tan waxay heshiisyo noocaan oo kale u gali wayday, maxase loo burburiyay oo loo taageeri waayay miyaysan ahyn , waxaa laga waayay dantii laga lahaa oo ahayd inay bada iyo dhulka saxiixaan inta xuduudaha xigta, markii laga wayay waxaa laga goostay dhaqaalihii loogu deeqi jiray, dawladan Shiikh Shariifna markay Saxiixday oo la arkay inay tahay dawlad wixii la doono laga gaarayo ayaa Reer yurub waxay u aruusheen lacagta aad maqasheen ee 250 malyuun ee doolar, dawladii hore miyay fashilmi lahayd haday lacagtaas heli lahayd, su'aashu waa maya. laakiin dawladaas way diiday in ay heshiisyo gasho waxayna cududaar ka dhigan jirtay heshiis ma gaari karno ilaa dalku xasilo oo dawladan kmg ah laga baxo oo dawlad caadi ah , dastuur sax ah la qoro. "Balgarwaaqso Warankaad Gantiyo Golaha aad joogto". Waxan ula jeedaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxaad wadataa Magca ah Madaxwaynihii Soomaaliya sida Caalamku kuu yaqaano, marka adoo magacaas wata oo golahaas joogaa ayaad waxay dawladaasu gashay heshiis aad ugu yeerteen Isfaham, oo aan Soomaali waxba ugu jirin laakiin Kenya uu u yahay muhiim ama guul ay idinka gaadhay oo ay badbalaarsi wado inleen awal ayy dhul naga haysayay. Qoraal aan ka aqriyay Somalitalk oo Waraysi Shiikh Shariif Radio Danan laga sii daayay, ayaa ahaa si aan uga hortagno in dhul naga dhumo ayaan heshiiskan isfamka ah u galnay, marka madaxwaynuhu wuxuu yiri si aan hadhow dhulka ugala hadalno ayaan kenya ula galnay, marka Sheeko Soomaaliyeed ayaan ku maqli jiray caruur nimadaydii, waxayna ahayd sidan. Islaan ayaa xaabo doonatay , waxay aruursatay xaabo badan, waxay damacday inay qaado xaabadii badnayd ee ay soo aruursatay, markaas ayay qaadi waysay oo ay ku cuslaatay, markaas ayay xaabadii xaabo kale ku darsatay, meeshii laga rabay haday xaabada qaadi waysay inay iska dhinto oo ay lasoo harto in ay qaadi karto. marka Shariifow meeshaad Kenya dhulka maqan kala hadli lahayd miyaad badiina ugu dartay? C/qaadir Warsame Yuusuf Gaalkacyo Soomaaliya Email. abdiqadir72@hotmail. com Mobile:+25290680441 -
Sharif Ahmed first President to question Somali sea?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha DFKMG ee Jamhuuriyaadda Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxa uu ku jawaabay