General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^This is enough for me adeer, killings today is more than a wake up call.
  2. The attacks have taken place in a number of cities, at the same time period and have targeted symbols of the state, a judge, a lawmaker and the municipal HQ of a key city. It’s the state and its symbols that are under attack, and its time it executed a few trouble makers to send a clear message.
  3. Garowe: Mudane ka tirsan barlamaanka Puntland oo goor dhaw lugu dilay Garowe. 11. november 2009 Garowe(AllPuntland)- Xildhibaan Ibraahim Cilmi Gaab oo ka tirsanaa baarlamaanka Puntland ayaa goor dhaw lugu dilay magaalada Garowe ee caasumada Puntland, sida ay APL usheegeen Wariyaal iyo dhinacyo kale oo ku sugan caasumada Puntland. Ibraahim Cilmi Gaab oo ka mid ahaa Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa lugu dilay gudah caasumada Puntland ,gaar ahaana isago marayay gudaha caasumada, sida ay sheegayaan Wariyaasha Madax banaan ee caasumada Puntland. Dawladda Puntland madaxdeeda qaar ka mid ah ayaa sheegay in la dilay Mudahan barlamaan, isla markasna aysan garan karin cidii ka dambeysay falkan oo ay baxsadeen, waxa ayse sheegeen in ay ku jiraan baaritaano xoog leh oo ku wajahan arrimahan. Faahfaahin kale ma aysan bixin Madaxda dawladda Puntland, waana falkii sadexaad oo caawa ka dhaca gudaha Puntland, ayadoo maqribkii lugu dilay Boosaso gudoomiyihii Maxkamada darajada koowaad Maxamed Cabdi Awaare, Galkacyo oo qarax lala eegtay Xarunta dawladda Hoose iyo Garowe oo lugu dilay Mudanahan baarlamaan, dad badan oo ku dhaqan Puntlanda ayaa qaba walaac xoog leh oo ku adan arrimahan oo aan dhamaantood la garan karin cid ka dambeysay. F. C. Maxamed AllPuntland, News Desk
  4. War deg deg ah : Xarunta Dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo oo Bambo goor dhaw lugu tuuray.. 11. november 2009 Gaalkacyo(AllPuntland)- Xarunta dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa lugu tuuray Bambo kuwa gacanta ah,taasoo aan la garan karin cida ka dambeysa, waxaana ciidamadu amaanku ay rideen rasaas lasheegay in lugu kala cayrinayay dad badan oo iskugu soo xoomay Xarunta dawladda Hoose. Ciidamada amaanka ayaa xiray wadooyinka soo gala Xarunta dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo, waxaana qaar ka mid ah madaxda dawladda Hoose ay usheegeen APL in ay rasaas ku rideen qof looga shakiyey in uu ka dambeeyey tuurida Bambooyinkan, isla markaasna aan gacanta lugu soo dhigin. Saraakiisha Amaanka ee dawladda Hoose ayaa sheegay in ay hada ku jiraan adkeynta amaanka, isla markaasna ay wadaan baaritaano ku aadan cida ka dambeysay qaraxan lugu tuuray aqalka dawladda Hoose. Shaqaalaha dawladda Hoose ayaa uxaqiijiyey APL in aysan cidna wax ku noqon qaraxan, luguna beegay xili aysan socon wax shaqo ah, luguna tuuray goobta dawladda Hoose oo aysan ka ag-dhaweyn Ilaalada Xarunta oo waqtiyadan oo kale Xarunta ilaalo xoogan ka qabta. Duqa magaalada Gaalkacyo C/rixmaan Xaaji Maxamuud Xasan iyo Saraakiil kale oo dhanka amaanka ah ayaa galay gudaha Xarunta, waxaana dadka loo diiday in ay udhawadaan goobta dawladda Hoose. F. C. Maxamed AllPuntland, News Desk
  5. War deg deg ah: Gudoomiyihii Maxkamada Darajada koowaad ee gobalka Bari oo goor dhaw ay kooxo toogteen. 11. november 2009 Bosaso(AllPuntland)- War goor dhaw soo gaaray AllPuntland ayaa sheegaya in magaalada Boosaaso ay kooxo hubeysan ku toogteen gudoomiyihii Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso Maxamed Cabdi Awaare, waxaana dilkan fuliyey kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan. Laamaha caafimaadka ayaa usheegay APL in dhaawac culus uu soo gaaray Maxamed Cabdi Awaare,una geeriyooday intii aan laga qaadin meeshii ay rasaastu ku haleeshay, waxaana aan la garan karin cid ka dambeysay. Saraakiisha Amaanka ayaa usheegay APL in aysan cidna uqaban dilkan, balse waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano xoog leh oo ku aadan cida ka dambeysay, waxaana la xiray guud ahaan meesha uu falkan ka dhacay. Rag madax qarsaday ayaa fuliyey falkan, waxaana lasheegay in ay baxsadeen, goob-joogayaal ayaa usheegay APL in ay xarada oo dhan laga kala yaacay markii ay rasaastu dhacday, isla markaasna uu falkan ku dhacay si lama filaan ah. F. C. Maxamed AllPuntland, News Desk
  6. ^^^Indeed, its time to take calculated actions, regardless of who it is. I doubt this is Al Kebaab group, there is a sinister motive going on. A state of emergency is in order and the much vaunted PIS should be let loose.
  7. One must be concerned, that things are getting out of hand.
  8. Originally posted by Malika: ^ , says the new 'Duke'. Pardon madam, but there is only one Duke.
  9. ^^^ladies some of us dont speak Hutu, thank you very much.
  10. Nice one, insha Allah I will strive for that, perfection.
  11. Sad news, may Allah give his mercy to the deceased.
  12. People usually think I am crazy, weird, kind, loving an intellectual with depth, a rebel without a cause and a fundamentalist cleric all at the same time.
  13. SULDAAN JAAMAC XASAN OO SI KULU U BEENIYAY HADALKII ONLF. Suldaan Jaamac Xasan Ibraahim oo ka mid ah Issimada Beesha ******, oo ku sugan Magaalada Bosaso ayaa sii kulul u beeniyey warar Maalmahan dambe aay Sheegayeen Warbaahinta Somalidu Suldaan Jaamac Xasan ayaa sheegay in wararka sheegaya in Jirdil lagu dilay Marxuum Cabdullaahi Xasan Cali aay yahiin kuwa been abuur ah, Isla markana u isagu la joogay Marxuumka dhintay uusana u dhiman Jirdil, Sidoo kale Suldaan Jaamac waxa u sheegay in Wax Hanjabad ah oo ka timid ONLF oo ku socota Puntland aysan jirin Dadka Labada Gobolna yahiin Walaalo Sidaa u hadalka u yiri ”Dadka Shacabku waa dad walaalo ah, ONLF dad uma Hanjabin, Wixii dhacyna hada ayaa loo fadhiya sidii loo xalin laha” ”Anigu hada Xabsiga Bosaso ayaa fadhiya, waxa ilaa fadhiya Wiilashii Afarta aha, Waxii dhacna lama yirahdo maxay u dhaceen, Ninkii dhinta Jirdil loma geysan aniga ayaa la joogay xiita xiligii u Geeriyooday, Dadka leh jirdil ayaa loo geystana waa beentood, arrinka wax ka jiro ma jiran, Waa dhamaatay Arrinkaasi waana isku afgaranay Maamulka, Wiilashana waa la sii deynaya , Ninkii Dhintana Arrinkiisa waa la saxaya, Dadku xal ba la Eegaya ee la iskama qayliyo” Ayuu Yiri Suldaan Jaamac Xasan oo u waramay Idaacadaha Maxaaliga ah ”Walahay Arrinkaasi aad ayaa la iskula dhexmaray, Lakiin wixii xaqiiqo ah kole waa la helaya, Shanta Wiil Xariga soo gaaray ma ahane wax kale oo jira ma jiro, dadkana waxa lagu qancinaya wax cad oo loo wada jeedo, waxa kasta oo dhaca maxay u dhaceen lama dhaho ee xal ayaa la gaaraya wixii dhacay lagu xalin laha” Hadalka Ugaaska Beelaha ****** ee degaanada Puntland ayaa ku soo beegmaya iyada oo Maalmahan dambe la isla dhexmarayo In Ciidanka Xabsigu jirdil ku dileen Allaah ha u naxariiste Marxuum Cabdullaahi Xasan Cali oo ka mid aha Maxabiista loo heysto inay ka tirsan yahiin Jabhada ONLF ee ka dagaalanta dalka Ethoipia Puntland News Center Muxiyadiin Cabdile
  14. ^^^How are we to trust you over the man, he is after all an elder, a man who is on the ground, and a man who's words will bring him much trouble from those who he leads if he is lying? You on the other hand, is hiding behind an avatar and living in the west and lead no one. Again lets use the common sense the lord has given us.
  15. A&T, adeer it is unfortunate that now you even call the Suldan on the ground a dishonest fellow. The fact is the stories you kept vomiting on her were made up and you were either naive and just believed them or spiteful and just spread them
  16. Bosaso: “ Waa Been in Itoobiya dad loo dhiibay, qarna Xabsiga ay ku dhinteen, dadka Walaalaha ee ****** iyo Puntland ayaa ladoonayaa in laysku diro” Suldaanka Beesha ****** ee Puntland oo la hadlay Saxaafada. 11. november 2009 APL Tool Bosaso(AllPuntland)- Suldaanka Beesha ****** ee gobalada Puntland Suldaan Jaamac Xasan Ibraahim Suldaan ayaa ku sheegay wax laga xumaado hadalo laga baahiyay Warbaahinta Soomaalida, wuxuuna sheegay in ay aad uga xumaadeen hadaladaasi oo uu sheegay in ay xaqiiqadoodii ay radinteda galeen, soona heleen. Suldaanku wuxuu guud ahaan waxba kama jiraan ku sheegay warka sheegaya in dad udhashay Beesha ****** loo dhiibay dawladda Itoobiya, wuxuu sheegay in ay la kulmeen Madaxda ugu sareysa Puntland oo ay kala hadleen arrimahaasi, loona geeyey goobaha ay ku xiran yihiin dadka la tuhmayo in loo dhiibay Puntland. Suldaan Jaamac wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin arrintaasi, wuxuu cadeeyey in dad doonaya in ay isku diraan Puntland & ****** ay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay labada dhinac isku dhici lahaayeen, isla markaasna cadaawad loo abuuri lahaa, isagoo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay wax hubsadaan. “ Ilaahay hadaan laga baqeyn wax walba waa lafaafinayaa, waa been in dad udhashay ****** laga kaxeeyey Puntland oo lageeyey Itoobiya, waa been cad, waxaan la kulmay Madaxda Puntland ugu sareysa masuuliyiinta hada joogta Boosaaso, waan isla aragnay waxa lasheegayo in ay been cad yihiina waan aragnay” Ayuu yiri Suldaan Jaamac Xasan Ibraahim Suldaan. Suldaanku wuxuu sheegay in uu la kulmay madaxda Puntland ayna usheegeen in 4 qof ay hayaan ay sharciga Puntland, marin doonaan oo aysan dhici doonin in haba yaraatee in cid kale loo gacan galiyo, sida maalmihii ugu dambeysay la hadal-hayay dawladda Itoobiya oo laftigeeda Sirdoon ay leeyihiin uu uga xiran yahay xabsiyada aadka loo ilaaliyo ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari. Suldaanka oo la weydiiyey Hanjabaadii ka soo baxday ONLF, ee ahayd in ay la dagaalamayaan Puntland, wuxuu sheegay in uu hadalkaasi ku yimid si qaldan, qoladaasna loo geeyey war-qaldan oo ay sii gudbiyeen dad aan dooneyn wada dhalashada dadka walaalaha ah, isagoo ugu baaqay ONLF in ay raali galin ka bixiyaan warkaas oo uu sheegay in uu ahaa mid been abuur ah. “ Soomaalida qaarkeed xumaanta ayay ka macaashtaa, waxaan been ah in Puntland dad udhiibtay Itoobiya, ONLF-na warkaas waxaa ugudbiyey dad aan waxba garaneyn, oo aan garan karin xataa wax faa’iidada ah ee ugu jira arrintaasi, waxaana leenahay hadii uu jiro in ONLF hanjabtay haka laabato warkeeda” Ayuu yiri Suldaanka oo umuuqday mid soo xaqiiqsaday xaalada rasmiga ah ee jirta.
  17. Again no joke lads, Puntland is an indpendent Somali entity ruled by it's unity loving population. The rest is just hate on your part may Allah cleanse your souls of such evil.
  18. Nayrobi: “ Puntland horumar ayay gaartay, Washington-na wey gacan qaban doontaa” Uqeybsanaha Xiriirka Africa ee baarlamaanka dalka Mareykanka. 11. november 2009 APL Tool Nayrobi(AllPuntland)- Sarkaalka ugu sareeya Laanta Xiriirka Africa uqaabilsan golaha Sanete-ka ee dalka Mareykanka Donald M. Payne ayaa ka hadlay horumarka laga gaaray dhinacyada amaanka iyo horumarinta dhaqaalaha ee Puntland, isagoo sheegay in ay dawladda Puntland ee waqtigan wax badan ka badashay qababkii shaqo ee dawladda Puntland. Mr, Payne wuxuu sheegay in ay hada dawladda Puntland ka heli doonto dawladda Mareykanka kaalmooyin milateri oo wax badan ka badali doona xaaladaha Puntland, isagoo sheegay in ay uaqoonsan yihiin Puntland meel nabadgalyo ka jirto, isagoo cadeeyey in ay taageeri doonaan geedi socodka nidaamyada hada ay wado dawladda Madaxweyne Faroole. Uqeybsanaha baarlamaanka Mareykanka ee Africa wuxuu sidoo kale sheegay in ay dawladda Puntland & Mareykanku hada leeyihiin xiriir dhaw oo ku aadan xaajad labada dhinac, isagoo intaasi ku daray in ay jiraan waxyaabo badan oo ay kala hadleen Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed oo ay wada hadalo ku qaateen magaalada Nayroobi. Donald M. Payne ayaa horay ugu soo dhaweeyey Madaxweyne Faroole magaalada Washington oo uu ku casumay, markii uu halkaasi Madaxweynuhu ka jeediyey khudbad dheer oo ku wajahan xaaladaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana deegaanada Puntland ee uu masuuliyada weyn uhayo, isagoo waqtigaas ka codsaday Washington taageerooyin balaaran. Kulan dhexmaray labada masuul maalinadii shalay ayaa si qoto dheer loogu soo qaday arrimaha ka taagan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana xaajada gobalada Koonfured, isagoo uu sheegay Madaxweynaha Puntland in ay Puntland gacan adag ku qabatay amaankeeda, isla markaasna ay ka hor timid cid kasta oo amaan daro ka geysan karta deegaanada Puntland. Kulankan dhexmaray Sarkaalka ugu sareeya Laanta Xiriirka Africa uqaabilsan golaha Sanete-ka ee dalka Mareykanka Donald M. Payne & Mdaaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud, ayaa ku soo beegmaya xili sannadkan ay dawladda Mareykanku sheegtay in ay deeqo badan uqoondaysay dawladda Puntland in lasiiyo, kuwaas oo ku wajahan dhinacyada horumarinta Siyaasada iyo amaanka. F. C. Maxamed AllPuntland
  19. There are far too many British comedians and TV shows, which one is your favourite? Mine include old classics like, Monty Python, Desmonds [who remmebrs that], Some Mothers do ave em.
  20. Ah Monty Python classic humour indeed.
  21. ^^Adeer this is no joke, and the whole place is not run by Ethiopians but by locals who have managed against all odds to run their own affairs. Ethiopia is a third world country only Somali's like you make it something "special" with influance.
  22. ^^^No one orders the state lads, lets not get confused here its Shankaroon that will never even try to arrest an Ethiopian. Good news indeed, no ONLF, no Amhara spies.