General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Shariif "Shaki kuma jiro in Shabaab Argagixiso tahay, Tallaabada Ingiriisku waa mid lala soo daahay" Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay tallaabada Dowladda Ingiriiska ku mamnuucay Ururka Alshabaab oo horay Mareykanku ugu daray Liiska Argagixisada. Shirka jaraa'id ee Madaxweyne Shariif oo Warbaahinta Muqdisho u qabtay oo ahaa mid dhinacyo badan taabanayay ayaa waxaa uu sheegay in tallaabada Dowladda Ingiriiska ku mamnuucay Shabaab uu yahay mid lala soo daahay, isagoo ku booriyay dalalka kale in ay qaataan tallaabadaas mid la mid ah. "Shaki kuma jiro in Shabaab ay argagixiso tahay, tallaabada Ingiriiska waxay aheyd mid lala soo daahay, dalalka kalena waxaa ku wargelineynaa in ay qaataan tallaabadaas mid la mid ah"ayuu yiri Madaxweyne Shariif. Mar uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaam ayuu ugu baaqay in ay khilaafkooda xaliyaan, isla markaana ay qaataan Nabada lana midoobaan Dowladda KMG. Shariif ayaa gacan midig u taagay Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, isagoo ugu baaqay in ay nabada qaataan, isla markaana ay shacabka ka joojiyaan, dilka cabsi gelinta iyo boobka ay ku hayaan hantidooda sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale codkiisa ku biiriyay lamanayaasha Ingiriiska ee u afduuban Burcad badeedka, isagoo ugu baaqay in ay sii daayaan, si shuruud la'aan ah, waxaana uu qeyla dhaan xoogan ka muujiyay falalka burcad badeednimada ee wali sii baahaya. Shirka jaraa'id ee Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya, xilli todobaadka soo socda lagu wado inuu booqashadiisa u horeysay ku tago dalka Ingiriiska, halkaasoo kula kulmi doono Mas'uuliyiin ka tirsan iyo Soomaalida ku dhaqan. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
  2. Sheikh Shariif;”Shaki kuma jirto in Al-Shabaab ay tahay Argagaxiiso” March 4, 2010Madaxweynaha DFKM ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta Shir Jira’id uu ku qabtay magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho ka hadlay arimo ay ka mid tahay go’aanka ay dhowaan Dowladda Ingiriiska ka qaadatay Xarakadda Al-Shabaab ee ku aadan in ay ku darayso Liiska Argagaxiisada Caalamka. Waxaana uu sheegay in go’aankaas ay tahay mid Dowladda Ingiriiska ay lasoo daahday isla markaana aysan shaki ku jirin in Xarakadda Al-Shabaab ay tahay Urur Argagaxiiso ah. ”Go’aanka ay Dowladda Ingiriiska ka qaadatay Al-Shabaab waa mid ay lasoo daahday,shakina kuma jirto in ay ka mid tahay Ururada Argagaxiisada Caalamka”,ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sheegay in usoo dhoweynaayo talaabadaas isla markaana sheegay ay Dowladda Britain ay kala garab geli doonaan,waxaana u ugu baaqay in ay ansixiso. Sheikh Shariif ayaa Xoogaga Mucaaradka ee kasoo horjeeda Dowladiisa ugu baaqay in ay joojiyaan dagaaladda ay wadaan isla markaana heshiis lasoo galaan Dowladiisa. Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli Dowladda Britain ay dhowaan ku dhawaaqday in ay xayiraad kusoo rogayso Xarakadda Al-Shabaab kaas oo ku aadan in ay ku darayso liiska Argagaxiisada Caalamka. Horseed Media
  3. Che: Adeer you made no point. If the secessionist enclave was part of Somalia, who would care if LA, was in that state or with Puntland? "Somaliland" main problem is the idea that Somalia can be divided, but that the old colonial British Somaliland can not. SSC, does not want to be part of the secessionist enclave because of the idea of secession. Puntland on the other hand as you well known does not covet anyones land, does not even try to muscle in on parts of Galkacyu or Erigavo that does not belong to the state. Thus Somaliland Vs Puntland = Secession Vs Union, there is nothing else to argue over..
  4. Originally posted by Xaji_Xunjuf: Wa been warkaasi Waxba kama jiran erey run ah xata maqaalka kuma jiro Hargeysa (Somaliland.Org)-
  5. Ibti: Adeer you can not fool all the people, all the time. Your secessionist support for the Mugged ones is well known & documented in this site. Also dont take yourself too seriously lass, aside from the jesting no one has any interest political or otherwise when it comes to your person. You are a sister, but when you come here advertsising the waffler and Co, we have set you stright. Aw Ismael, keep up the good work adeer.
  6. ^^^ Most of the secessionist here are good folk but out if touch with reality. The only man who knows his things is JB and he spends his days covering up, Riyaale's Mugging of the SNM clans hope. Oodweyne is the man who predicted that November 2003 was the month of recognition, he is a man lost in the hype of his SNM militia and the lies they told. Now the rest of the London raised groups don't know what Somalia and no one should take them seriously, NGOONGe is the one I can tolerate and the reason being he knows little of Somali politics and does not pretend to be an expert like the rest of the secessionist. Now back to the topic, I like how Farax is crying.
  7. Inalilah wa inailahay rajicuun. May Allah SWT give him his mercy & strength to his family.
  8. Lool ,Ibtisam as usual rushes in to defend the clan, our only female warlord secessionist of SOL , who does a poor job of pretending to love the "Ummah" while wanting to divide the Somali nation. As for Sakhar, he is a much better thinker than that lame waffler you mentioned. Keep it up lad, the secessionists have no friends and the this clown has brought SOOL closer to the rest of the population of free Somali's.
  9. Who said he was banned to land in Puntland? Is that not the same nonsense you were saying about the Garad, and he landed in Bossaso? Puntland is the home of Suleiman Xaglatoosiye he needs no invitation to come there and will be welcomed..
  10. ^^Yes it was done today. I am not sure if all were there though, but they are now taking over their posts.
  11. Originally posted by Shaakirullaah: quote:They control large swathes, yet can not set up a single functioning admin. Miskiin,, they govern more of Somalia than your apostate traitor uncle could, and they have done more for the people than he will ever do. You are no more than a misguided child. The Al Shabaab have indeed, killed, beheaded, stoned and desecrated graves, they thrive on fear and fakeness the “good” that they have brought only you know. Somaliland, Puntland & Central Somalia is free from their nonsnese. They are bogged down in Mogadishu unable to defeat 4000 Ugandans, but they want to liberate Alaska. Even the taxes from the Qad, they continue to use. They have lost already adeer, my uncle like you will meet his maker, but you don’t have guarantees and the way to heaven is not behind the women shroud worn by Amir Al Monkey Ahmed Godane.
  12. ^^^lool@"like Cowke said" thats the best compliment you could give me. I am not a Pirate, real or fake, I am a Somali from Puntland.
  13. Zack, you are not making any sense adeer, desperate is how you comes across right now. Farah is a Kenyan MP, from a maraganalised and much abused ethnic group. his own clan folk gets tortured by the Kenyans and are second class citizens in their own land. Lets not go there my boy. He went into Somalia and took sides, and even insulted a large population of Somalia, why? No Kenyan, no Ethiopian & no Somali or Afar from Djibouti did what this man has done. That makes him a clown, and you a supporter of a clown.
  14. Zack: Now you are being silly adeer, Faroole is a founding father of Puntland state. The man you are talking about is an MP in the government that massacred his people. Zack you are losing the battle here, dont lap dance for secessionist its not a good thing. At least Faroole is more than an equal for Riyaale.
  15. ^^^He was a spy for Siyad Barre like the rest, yup and his grandfather was a spy for the British.
  16. Duke, adeer faroole is a governor of one of the many states in somalia while farah is a an MP and deuputiy speaker of an entire country, unless u r on complete non-sense u know which of the two is more powerful. Obviously, Farax is so powerful he can hold the Kenyans for the massacres and crimes they commited against his fellow Somali's? The arrests a month or so ago, did Farax use his magical wand and stop them? Faroole is a powerful man, because he has a great deal of freedom Farax works 9-5 and is soon scheduled to meet his supervisor.
  17. Dajiye: We knew some of you took pride in taking orders from Addis, and some were proud to work and spy for Nairobi. Given these are capitals of nation states, now you are here defending a man who took pride in taking orders from a regional state capital Hargaysa? what is the world coming to.
  18. ^^^I know, one of the biggest mistakes he made, and no doubt there will be a price to pay for that when the time comes.
  19. ^^^lool. Dr Faroole is the President of the state of Puntland, and a leader which I expect a high degree of good behavior and manners. I had to verify that he actually uttered those words. The man you are defending is a low level conman who’s very actions and words as “pious wadani” in the time of the courts don’t match his travel to the secessionist occupied, Somali unity center of SOOL. Now try again lad, you are not making much of a point, much like Farax Clown.
  20. The Zack, adeer, your views towards anything Puntland is noted, but Dr Faroole uettered the wrong words, which he will have to pay a political price when the time comes, this Farax clown traveled to SOOL on behalf of Riyaale and the SNM clan, againts thw wishes of the Somali loving people of that region, and now wants to break Somalia apart, how is this even his business? Alas, it seems you are in a rush to cover up the horrible mistake of your cousin Farax Clown, when you do not need to.
  21. Kufsigii ugu Naxdinta iyo Yaabka Badnaa oo Hargeysa ka Dhacay March 2, 2010Qisadan waa mid ka yaabisey qofkasta, waxaana qorey Joornaalka Jamhuuriya ee ka soo baxa Hargeysa, waxaana u soo daabacney in waalidiinta caruurtu ay ku baraarugaan falalka naxdinta leh ee hareerahooda ka dhacaaya: Kufsigii ugu naxdinta iyo yaabka badnaa ayaa dabayaaqadii toddobaadkii hore ka dhacay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kadib markii la faraxumeeyey gabadh yar oo jirta 7 bilood iyo wiil ay walaalo yihiin oo isagana da’diisu tahay laba sanno iyo badh. Labada carruur ah ee la faraxumeeyey oo falkaas axmaqnimada ah dhaawacyo culus ka soo gaadheen oo hadda lagu daaweynayo cusbitaalka Guud ee Hargeysa, aya sida la sheegay waxa arrintaas ciidammada boolisku u qabqabteen dhawr nin oo lagu xadhiidhinayo inay ka dambeeyeen falka cadowtinimada ah ee lagula kacay ubadka saqiirka ah. Agaasimaha Maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, isla markaana madax ka ah qaybta baadhista iyo la socoshada tacadiyada ka dhasha kufsiyada Mr. Axmed Daahir Aadan oo koox weriyeyaal ah shalay subax kula kulmeen gudaha cusbitaalka, ayaa xaqiijiyey in carruurtaas yaryar ee walaalaha ah lagula kacay faraxumayn cadowtinimo waxyeello weyn ka soo gaadhay. Mr. Axmed Daahir waxa uu xusay in falkani yahay kii ugu horreeyey noociisa ee lagu faraxumeeyo wiilka iyo gabadhan walaalaha ah oo noqonaya carruurtii ugu da’da yaraa taariikhda ee soo mara Cusbitaalka Guud ee Hargeysa. Agaasimuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in wiilka iyo gabadha walaalaha ah oo cusbitaalka la geeyey Jimcihii toddobaadkan loo geystay kufsi dhaawacyo culus ka soo gaadheen labadoodaba, isagoo dhinaca kalena shaaca ka qaaday inay sii kordhiyaan falalka kufsiyada ah ee ka dhaca caasimadda Hargeysa. “Arrinta kufsigu waa wax si weyn inoogu soo kordhaya, waxyaabo aynaan dhaqan u lahayn, waxaabaynu maraynaa maanta in carruur yaryar oo 7 bilood jira in la keeno cusbitaalka oo kufsi loo gaystay, waa laba carruur ah oo walaalo ah oo gabadh 7 bilood jirta iyo wiil laba sanno iyo badh jira, waxaana loo gaystay dhibtaasi oo ka muuqata, waxaanay iminka yaalaan cusbitaalka oo la keenay Jimcihii. Way jiraan kufsiyada noocan ahi oo waxa la arkay 3 sanno, 7 sanno , laakiin dhacdadani waa da’dii ugu yarayd. Waxaannu codsanaynaa in la sameeyo wacyigelin fara badan, gaar ahaan warbaahintu, waa arrin aan loo dulqaadan karayn oo carruur aad u da yar ayaa la keenayaa, waxaanan qabaa in carruurnimada aanay waxba sheegi karin lagaga faa’iidaysanayo,” ayuu yidhi Dr. Axmed Daahir, waxaannu intaa ku daray, “Waxaan maqli jiray inanka geel jiraha ah oo caano ka dhergay ayaa wax samayn jiray, kadibna dalkaba wuu ka tagi jiray oo wuu baxsan jiray, iminka qofkii dhibtaa gaystay ayaa is difaacaya oo mararka qaarkood lagu odhanayaa waxba kama jiraan.” Agaasimuhu waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey xafiis loogu talogalay inuu ka shaqeeyo falalka kufsiga oo laga sameeyey cusbitaalka Guud dhexdiisa, kaas oo hadda gacanta ku haya falka kufsiga ah ee loo gaystay labada carruur ah ee yar yar. Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xafiiska SARC waxa loo sameeyey inuu ka shaqeeyo arrimaha kufsiga, gaar ahaan dumarka oo loo keenay hablo baadhitaan ku sameeya, waxaana iska shaakada Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda UNDP. Runtii xafiiskani waxaad moodaa inuu faa’iido badan leeyahay, waayo qofkii dumarka ahayd qof la jinsi ah ayaa waraysanaysa oo qaadaysa oo maxkamadda gaynaysa. Dadweynahana waxaannu ku dhiirigelinaynaa cidii dhibtaa la kulanta inay xafiiskan yimaadaan oo ay ka helayaan caafimaadkii, booliskii iyo baadhitaankiiba, waxaannu xafiisku ku dhexyaalaa cusbitaalka Guud ee Hargeysa.” Inkasta oo aan ilaa hadda xogo sugan laga hayn sida uu u dhacay falka axmaqnimada iyo nacasnimada leh ee lagula kacay ubadkaas iyo cidda fulisay toona, haddana sida aabbaha carruurtaas iyo adeerkood oo shalay ku sugnaa gudaha cusbitaalka Guud u sheegeen suxufiyiinta labadan carruurta ah oo ka soo jeeda qoys kala tegay, waxa faraxumaynta lagula kacay xilli ay gacanta ku haysay hooyadood oo sida la sheegay badhtamihii toddobaadkii hore kala soo wareegtay ayeydood aabbo o haysay, balse afar maalmood kadib markale hooyadood dib ugu celisay gacanta ayeydood, isla markaana ku wargelisay in carruurtu xannuunsanayaan, una raadinayso daawooyin dhakhtar u soo qoray, laakiin aanay dib ugu soo noqon ilaa hadda. Waxa kale oo ilahaasi xuseen in markii ayeydood ka dareentay carruurta xaalad caafimaad-darro iyo oohin aan joogsi lahayn darteed isku dayday inay baadhis dhinaca jidhka ah ku samayso kadibna ku baraarugtay dhaawacyo culus oo ku yaal labada ubad ah, dabadeedna ula carartay dhinaca cusbitaalka, sidaana lagu ogaaday in waxyeellada soo gaadhay carruurtaasi ka dhalatay faraxumayn aan weli la caddayn siday u dhacday iyo cidda geysatay midna. Haseyeeshee, sida wararku tibaaxeen waxa falkaas u xidhxidhan dhawr nin oo lagu tuhunsan yahay masuuliyadda tallaabadaas yaxyaxa iyo foolxumada leh ee lagula kacay gabadha toddobada bilood jirtay iyo wiilka yar oo isagana da’diisa lagu sheegay laba sano iyo badh. Dhacdadan la yaabka leh, ayaa dad badan ku abuurtay argagax iyo fajiciso maskaxdooda ka dhaadhiciwayday, marka lo eego da’da carruurta la faraxumeeyey oo ah kuwo aanay weligood xataa ku riyoon in wiil rag u hunguroodo. Geesta kale, saraakiisha laanta baadhista dambiyada ciidanka booliska (CID-da) oo sida la sheegay iyagu gacanta ku haya eedaysanayaasha u xidhxidhan falkan oo aannu isku daynay in aannu la xidhiidhno xalay cawayskii si wax looga waydiiyo xogaha la xidhiidha faraxumaynta lagu kacay walaalaha abaydinka ah iyo cidda lo ohayo, ayaanay noo suurtogelin. Xigasho: Jamhuuriya Newspaper
  22. Castro, adeer keep the clanish nonsense to yourself. Well done to the people of Cayn and keep up the hard work folks.
  23. He is a clown, was when he was supporting Al Shabaab a year ago and is now. Anyhow another loser disguised as a man.