
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Somalia: Sharif Appoints a Political Novice to PM
General Duke replied to Thankful's topic in Politics
Allamagan adeer dont make it harder for the poor admin, as Sharif stated today they are having a hard time dealing with Cadaado, let alone take on Puntland State.. Anyhow do go on and make snide comments, and be assured we will give you as good as it gets. -
Recognize secessionists lose big time; Case of [Ximan iyo Xeeb]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The scramble for power over the coming "South Central" Somali State has begun.... -
Sharif Ahmed rebukes Ahlu Sunna' take over of Cadaado...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
M/Shariif oo qabsashada Ahlu-Sunna Wal-Jameeca ee Cadaado ku tilmaamay gardaro Posted by Muqdisho Friday, October 15 @ 09:20:57 EDT Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareyn dusha kaga tuuray tallaabada maleeshiyo uu horboodayo qabqable dagaal Cabdishukri Cali Xirsi ay ku qabsadeen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kuna tilmaamay gardaro cad. Isagoo khudbad ka jeedinayey Masjidka xarunta Madaxtooyada Salaaddii Jimcaha kadib ee maanta ayuu sheegay in wax laga yaqyaqsado ay tahay in iyadoo lagu duulayo magaca Ahlu-Sunna Wal-Jameeca lala wareego deegaanno nabdoon oo maamul uu ka jira. ''Waan cambaareyneynaa, waanan ka xunahay in Ahlu-Sunna ay qabsato Cadaado, taasuna ma ahan mid wanaagsan in itadoo lagu duulayo magac diimeed in rabshad laga abuuro dhul ay nabad ka jirto'' ayuu yiri madaxweynaha oo aan looga baran in uu Ahlu-Sunna tallaabooyinka ay ku kacaan cambaareeyo. Dagaalka maanta ka dhacay Cadaado ayaa dabo-socda afduub laba kamid ah shaqaalaha hay'adda carruurta ee Save the children saakadii hore loogu geystay gudaha degmada mar ay xafiiskooda ku sugnaayeen. Mid kamid ah howl-wadeenada la afduubay wuxuu u dhashay dalka Zimbabwe, halka ninka kalana uu ahaa Somalia, qafaalashadooda ayaa lagu eedeeyey maleeshiyada sargaal Cabdishukri ee Cadaado la wareegtay. C/llaahi Axmed Culusow Gedoweb, Muqdisho. -
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa cambaareeyay falkii ay ASWJ ay maanta kula wareegeen degmada cadaado. Sh. Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in aysan Dowladdu ku taageereynin Ahlu-Sunna in ay ku dulaan deegaan Nabadoon isagoo sheegay in ay markii hore ku taageereen in iska difaacaan kooxihii ku soo duulay deeganadooda. Haddaba lama oga hadalka Madaxweynaha sida ay uga jawaabi doonaan Ahlu sunna. HALKAN KA DHAGEYSO HADALKA MADAXWEYNAHA http://radiomuqdisho.net/news/wararka/2118-madaxweyne-shariif-oo-cambaareeyay-dagaalkii-ka-dhacay-ca daado-dhegeyso.html Nuuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow
-
Recognize secessionists lose big time; Case of [Ximan iyo Xeeb]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
source -
Recognize secessionists lose big time; Case of [Ximan iyo Xeeb]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gaalkacyo(Puntlandi.com) Maleeshiyaad ka duuley koonfurta Gaalkacyo oo uu horkacayo Cabdishugri Ali Xirsi ayaa saaka lawawareegey magaalada cadaado ka dib dagaal culus oo halkaas ka dhacey, dagaalka ayaa saaka aroornimadii ka bilowdey degmada Godinlabe ka dibna waxaa la isla aadey dhinaca Cadaado,halkaasoo ay ciidamada uu horkacayo Cabdishugri ay gacanta ku dhigeen Godinlabe iyo Cadaado. Abdi Shukri is expanding his base, so much for Tiicay, and his nonsense. -
Recognize secessionists lose big time; Case of [Ximan iyo Xeeb]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Jacaylbaro: quote: Arrinta jiritaanka Somaliland waxaan u arkaa muqaddas, sababtoo ah dimuqraadiyaddu waa wuxuu shacbku rabo, hadday shacbku dawladnimadooda rabaan cid u diidi kartaa ma jirto, 20-kii sanno ee la soo dhaafay shacabka Somaliland inay ka sii horumaraan halkay joogan mooyee waxba dib ugama dhicin, waxaan qabaa in caalamku indho gaara ku eego oo rabitaanka shacbku wuxuu yahay la tixgeliyo -
Tiicey, the man who mistook his Village for a State & recognised "Somaliland" Magaalada Cadaado ayaa waxa gacanta ugu hayay maamulka Ximan iyo Xeeb. Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa waxa uu sheegay in ay u soo gurmadeen magaalada Cadaado oo uu sheegay inay joogeen wax uu ugu yeeray kooxo Khawaariij ah oo uu yiri waxa ay dhibaato ku hayeen dadka deegaan. Maxamed Aadan Tiiceey oo madax u ah maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in kooxo doonaya inay qasaan xasiloonida deegaanka ay weerar ku soo qaadeen, haatanna ay ku jiraan is difaac. Lama oga khasaaraha guud ee uu geystay dagaalka halkaasi ka dhacay.
-
^^^Lad of course you are part of Somalia.
-
Minneapolis controversy over attending an “interfaith service”
General Duke replied to AYOUB's topic in General
The pics Ayoub posted do highlight the mistake they made. You can even see how uncomfortable some of them are standing there. However this was not a prayer and the comments from Shiekh A/Qani and subsequent attacks by the wild website just made the whole thing worse. This whole thing could have been solved by those concerned having a private meeting with the Imaam’s and even going over the pics and listening to their point of the story. But to have a war of words on the VOA, like politicians back home and to trade attacks within different Masjids, each group with their acolytes going for the jugular is disheartening. Now the wider media is picking this up and will no doubt seize upon the opportunity to further demonize the poor Somali’s and their “extremist” Imam’s. -
Cadaado: Militia warlord Abdi Shukri captures town
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gaalkacyo(Puntlandi.com) Maleeshiyaad ka duuley koonfurta Gaalkacyo oo uu horkacayo Cabdishugri Ali Xirsi ayaa saaka lawawareegey magaalada cadaado ka dib dagaal culus oo halkaas ka dhacey, dagaalka ayaa saaka aroornimadii ka bilowdey degmada Godinlabe ka dibna waxaa la isla aadey dhinaca Cadaado,halkaasoo ay ciidamada uu horkacayo Cabdishugri ay gacanta ku dhigeen Godinlabe iyo Cadaado. Khasaaraha dagaalkaan ka dhashey ilaa hada lama hayo, Puntlandi.com oo la xiriirey aaga dagaalka ayaa loo xaqiijiyey in dagaalka looga gacansareeyey Maleeshiyaadkii horey u heystey nawaaxiga Cadaado oo ay hada isku ururusanayaan meel aan wax saasa ka fogeyn Cadaado. -
Ximin iyo Xeeb oo lagala wareegay gacan ku haynta degmada Cadaado. Cadaado: (Sh. M. Network) Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa la sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud kadib markii ay weerar ay ku qaadeen ciidamo uu wato Cabdi Shukri oo sheegtay in uu ka mid yahay Masuul ka tirsan Culuimaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay waxaa daqiiqado ka hor ciidamo oo uu hogaaminaayo Cabdi Shukri Cali Xirsi oo ay taagayrayaan ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay dagaal kula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Ciidamada Cabdi Shukri iyo kuwa Ahlu Sunna oo iskaa shanaya ayaa saakay weeraro qorshaysan ku qaaday degmada Cadaado kadib markii ay si nabad galyo ah ay kula wareegeen degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo in kabadan halsaac qaatay ayaa inta la’ogyahay waxaa ku dhintay 5-qof oo dhinacyadi dagaalmayay ah, halka dhaawacana la sheegay in uu intaasi ka badan yahay waxaana jira dad ka barkacay Magaalada Cadaado ee lagu dagaalamay. Cabdi Shukri Cali Xirsi oo sheegtay in uu ka mid yahay Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna oo Shabelle la xiriirtay ayaa waxaa uu sheegay in ay weerar ku qaadeen Magaalada Cadaado islamarkaana ay kala wareegeen ciidamadii Maamulka Ximin iyo Xeeb ee kula dagaalmay Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Magaalada Cadaado waxaa iminka gudaha u galay sida la sheegayo gaadiid dagaal iyo Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna kuwaasi oo dadka ugu baaqay in ay is dajiyaan, lamana oga halka ay qabteen Mas’uuliyiintii Maamulka Ximin iyo Xeeb oo lagala wareegay Magaalooyinka Godinlabe iyo Cadaado. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net
-
Somalia: Sharif Appoints a Political Novice to PM
General Duke replied to Thankful's topic in Politics
^^^ Adeer if you care for this man, and knowing thr odds against him don't antoganise a State who's support he will rely on. If you are scoring points by all means go ahead and see where it gets you. Thankful gave his opinion and not the position of Puntland which we will leave Garowe to decide. -
Mogadishu: Sharif picks his PM Mohamed Abdullahi[Farmaaje]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^As long as we know tha its wonderful.. -
Mogadishu: Sharif picks his PM Mohamed Abdullahi[Farmaaje]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Its funny the new PM has a boy that has the exact same name as your avatar. But you knew that right.. -
Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland soo gaaray Wafdi heersare ah oo katirsan Qaramada Midoobey kaas uu uu hogaaminaya Latalaiyaha Arimaha Burcad Badeeda ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mr, Jack Lang. ayaa Waxaa kamid ahaa Xubno katirsan Hay’adaha kaladuwan ee Qaramada Midoobey & Wasiiro katirsan Midowga Yurub oo uu kamid ahaa Wasiir xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada ee wadanka Denmark. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey Xubno katirsan Golaha Wasiirada ee dawlada Puntland oo uu horkacayey Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland,waxaana ay soo dhaweyntii kadib yimaadeen Aqalka madaxtooyada ee Dawlada Puntland halkaas oo ay kula kulmeen madax katirsan Dawlada Puntland oo uu kamid ahaa Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo isagu saacado ka hor dalka dib ugu soo noqday. Saraakiishan ayaa madaxda Puntland kala hadlay Arimo badan oo quseeya ladagaalanka Burcad Badeeda,waxaana ay ku dheeraadeen ka hadalka arimahaaas,iyagoo sidoo kalena sheegey in muhiim ay tahay in lala dagaalamo Burcad Badeeda lana xoojiyo Barnaamijyada ka dhanka ah,Waxaana kulankan oo saacado badan socday kadib ay Wafdigu isla maanta ka anbabaxeen magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland. Lataliyaha Arimaha Burcad Badeeda ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay imaanshahooda Puntland oo uu sheegey inay kamid ahayd Qorshayaasha uu ku doonayo Fududeynta Xilka dhawaan loo magacaabay,waxaana uu Dawlada Puntland uga mahadceliyey sida ay xilkaweyn isaga saartay la dagaalanka Burcada Badaha. Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa dhankiisa kulanka ka hadlay waxaana uu u mahadceliyey Wafdiga soo booqday Puntland oo uu sheegey in loo baahanyahay inay talooyinka ka dhagaystaan Puntland oo uu sheegey in dhibaatada koowaad ay Burcadu ku hayso,waxaana uu intaas kudaray in Dawladiisu ay dagaal culus kula jirto Burcad badeeda. Mr,Faroole Wuxuu sheegey in Xabsiyada Puntland ay kujiraan Boqolaal Burcad Badeed ah kuwaas oo ay Maxkamadi xukuntay,waxaana uu beesha Caalamka ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen wax kaqabashada Burcad Badeeda,isagoo sheegey in Dadka ku nool agagaarka Xeebaha ay Burcadu ka qaraabato kuwaas oo uu sheegey in Xataa Maciishada Cuntooyinka Daruuriga ah lagu qaaliyeeyey. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Somalia: Sharif Appoints a Political Novice to PM
General Duke replied to Thankful's topic in Politics
^^^Why would he not have my support? I believe if he plays his cards right he might rest power from the ignorant buffoons who have led this particular family of ours into the bog. I also would like to state again that no one should place any blame on this man if this ship finally sinks, he has a short time and its Sharif who should take any or all the credit for the coming fire that will blow this weak house down. Yes the new PM, has my support thus far, from what I know of him, heard about him through family channels and the brief conversation we had. -
source
-
Somalia: Sharif Appoints a Political Novice to PM
General Duke replied to Thankful's topic in Politics
^^^That was an ironic statement adeer, a novice in Somali politics of the type we are used to. But he is educated and worldy, will his experience in the US help him navagate the nonsense in Mogadishu? He is not Barre Hiirale, or Taano and thats a wonderful development, if I may add. -
Somalia: Sharif Appoints a Political Novice to PM
General Duke replied to Thankful's topic in Politics
^^^Sharif won’t move towards Puntland, he has enough battles, such as fighting the new constitution, extending his term date and derailing the Federal system. He has many battles that he is readying himself for.