General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. The foreign clowns who lead Al Shabaab should no longer view Somalia as a safe haven for them to have a great time at the expense of the poor Somali's. As for the insults, less of that would do lads..
  2. I always wondered why the likes of Godane and his ilk never threaten to attack Ethiopia? Al Shabaab always makes threats and have even carried out attacks againts Uganda, Burundi and Kenya. I have never come across them making deep threats against Ethiopia or its cities. They reason maybe is they were always afraid of the Ethiopians and hence even now are running when they enter Somalia, so much for the bravado we have all come acustomed to.
  3. Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa Maanta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee uu ka arimiyo maamulka Galmudug booqday Wasiiro,Xildhibaano,Siyaasiyiin,Waxgarad,Cuqaal & Saraakiil reer Puntland ah kuwaas oo Galmudug u tagay dhamaystirka gudiyadii kaladuwanaa ee heerka gobol ee heshiiskii Puntland & Galmudug ee Garoowe kuwaas oo kulamo xasaasi ah la qaatay madaxda Maamulka Galmudug ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Waftigan sare oo uu horkacayey Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada & Isboortiga Dawlada Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indha-guran) waxaa kamid ahaa Wasiirka Haweenka & Hormarinta Qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye,Wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha Puntland Cali Yuusuf Cali (Xoosh) Wasiir kuxigeenka Beeraha Maxamuud Maxamed Ibraahim,Taliye kuxigeenka guud ee ciidanka Booliska Puntland Gol,Muxiyadiin,La taliyaha madaxweynaha Puntland ee Arimaha Amaanka Gen,Cabdullaahi Cali Mire (Careys),Taliyaha ciidanka Daraawiishta Aaga Mudug Gol,Maxamed Muuse Xussen (Ilkadheere),Gudoomiye xigeenka Golaha Deegaanka Gaalkacyo Axmed Muuse Nuuryare Taliyaha qeybta Booliska Mudug Aadan Nuurqaal & Siyaasiyiin uu kamid yahay Siyaasiga Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) & Xubno kale oo aad u badnaa. Waftiga reer Puntland waxaa Koonfurta Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey madax katirsan reer Puntland oo uu horkacayey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Maxamed Caalin & gacansiiyaha arimaha Hormarinta Maamulkaas Jen,Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid) iyadoo ay kamid ahaayeen Wasiirada maamulkaas & xubno kale,waxaana ay qaateen shir waqti kooban socday oo ku saabsanaa xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaana kan gobolka Mudug & dhaqangelinta Heshiiskii Puntland & Galmudug. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Maxamed Caalin oo shirka ka hadlay ayaa gacmo furan kusoo dhaweeyey Waftiga reer Puntland ee booqday Koonfurta Gaalkacyo,waxaana uu sheegey in ay ku faraxsanyihiin isdhaafsiga booqashooyinka ee dhinacyada Gaalkacyo,isagoo intaas kudaray in ay Galmudug diyaar u tahay dhaqangelinta heshiiskii ay Puntland la gashay dhawaan,wuxuuna intaas kudaray in Puntland ay ku amaanayaan wanaajinta Soomaali inteeda kale. Wasiirka Wasaarada Shaqada,Shaqalaaha,Dhalinyarada & Isboortiga dawlada Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) oo isna dhankiisa ka hadlay shirka ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin imaanshahooda Koonfurta Gaalkacyo,wuxuuna Saraakiisha Galmudug gudoonsiiyey Warqad ay ku qoranyihiin magacyada gudiga heer gobol ee dhamaystirka Heshiiskii garoowe oo xubnaha goboladu ay qeyb ka ahaayeen. Kulanka waxaa ka hadlay Xubno kamid ah Dhinacyadii kulankan ka qeybgalay,waxaana ay goobta ka jeediyeen hadalo kaladuwan oo gubaabo ah oo shacabka Gobolka Mudug looga codsanayo inay isku duubnaadaan islamarkaasna ay nabada kawada shaqeeyaan,waxaana ay isla maanta Waftigii Puntland ee Koonfurta Gaalkacyo booqatay,waxaana ay tani noqonaysaa Booqashadii ugu heerka sareysay ee ay madax katirsan Puntland ku tagaan Koonfurta Gaalkacyo tan & wixii ka danbeeyey dhamaadkii 2006-dii waqtigaas oo dhinacyada Mudug ay iska kaashanayaan dagaalkii ka dhanka ahaa Maxaakiimtii Muqdisho ee awoodooda kol hore la wiiqay. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  4. Wasiiradii Puntland oo kulamo la qaatay bulshada Reer Maakhir News/Articles Waiirka arimaha gudaha Puntland General Ilko Jiir ,Wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire ,wasiir ku xigeenka gaadiidka bada Puntland Abshir Siciid,wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdi Jamaal,wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Cabdi Bootaan,wasiiru dawlaha amniga Puntland Cali Xamari iyo Xildhibaano,Ganacsato, aqoonyahano ayaa waxay ku sugan yihiin Degaanda Maakhir oo ay halkaa u tageen sidii ay ugu dhisi lahaayeen maamulo dhamaystiran oo ah kuwo tayo leh dadkuna soo doortaan xildhibaanadooda ,iyaga oo maamuladani la jaan qaadi doona maamulada kale ee ka jira gobolada Maamul goboleedka Puntland . Wafigan ku kala sugan Magaalooyinka Badhan iyo Dhahar oo ah caasimadaha labada Gobol ee Sanaag iyo Haylaand ayaa waxay bilaabeen wada tashi ay la qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada iyaga oo kala tashanaya wadada ugu fiican oo lagu gaari karo maamul bulshada u horseeda horumar,nabad iyo kala danbayn Allsanaag oo xiriiro kala duwan la samaysay Madaxda Puntland oo ku sugan Maakhir iyo Bulshad degaanka ayaa waxaan ku ogaanay in Wasiirka arimaha gudaha Puntland General Ilko Jiir doonayo in uu sameeyo Gole degaan oo ku dhisan wada tashi,ka dibna golaha degaanku ay dooran doonaan Gudoomiyaha Gobolka iyaga oo haba yaraatee lagu faro gelinayn doorashadooda oo ay noqonayaan kuwo u madax banaan,doorashada Gudoomiyaasha gobolada ,Gudoomiyaasha Goboladuna iyaguna ay noqon doonan kuwo doorta xubnaha maamulkooda , sida taliyaasha amniga oo aan ka ahayn Taliyaha Daraawiishta oo isagu noqon doona federaalka (dawlada Puntland). Maamulkan oo markii horeba cagaha jiidayeen qaar yar oo ka mid ah dadka degaanka u dhashay ayaa maantana sidii caadadu ahayd waxay ku sugan yihiin Magaalda Hargaysa iyada oo sida la sheegay kulan la qaatay Dhiigyo cab Siilaanyo,wada tashi dheer oo ay la qaateen Siilaanyo ka dibna lagu arinsaday ama lagu soo diray Cadami isaga oo caawa ku sugan Magaalada Ceergaabo oo ilaa hadana la garanayn waxay noqon doonto talaabada uu qaadi doono iyo in uu soo gaari doono Magaalada Badhan. Allsanaag.com
  5. Wasiirka arimaha gudaha iyo Dawladdaha Hoose ee Dawladda Puntland oo maalmahaan isaga iyo wefdi kale booqasho ku jooga gobolka Sanaag ayaa booqasho ku tegay xarumaha Dawladda ee degmada Baran. Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa kormeer ku sameeyey Xerada Ciidamada Daraawiishta gobolka Sanaag,Taliska qaybta ee gobolka iyo xarumo kale. Wuxuu ugu horeyn warbixin xerada Daraawiishta Ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee gobolka Sanaag Cabdullaahi Cumar Canshuur,wuxuuna sheegay in dib u habeyn loo baahan yahay in lagu sameeyo Ciidanka halkaas ku sugan. Sidoo kale wuxuu xarunta Taliska qaybta kula kulmay Saraakiisha Booliska oo ka warbixiyey xaaladdaha Ciidamada Booliska iyo baahiyaha ay qabaan xilligaan in ay helaan. Wasiirka arimaha gudaha ayaa ugu dambeyntii yimid xarunta gobolka halkaas uu kulan kula qaatay Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur ”Dabayl”. Gudoomiyaha ayaa warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda gobolka siiyey Wasiirka,wuxuuna ka warbixiyey dhanka nabadgalyada iyo abaaraha ka taagan dhamaan degmooyinka gobolka. Waa booqashadii u horeysay uu Wasiirku ku tego xarumaha Dawladda ee degmada Baran tan iyo markii uu dhowaan halkaas gaarey isaga iyo wefdi Wasiiro ah uu hogaaminaayo. Horseed Media
  6. In 2011 the SNM are looking to be massacred in SSC before they realise the truth. Only then will comon sense prevail. Lol. You got to love Somalina she is shaming the secessionist bigwigs. Keep it up my dear.
  7. There is no doubt that Al Shabaab are on the back foot.
  8. I think they should claim all of it. It serve the secessionist right. Lol
  9. You can easily search it on YouTube Adeer. It's the one about the ICU days in Mogadishu.
  10. The funny thing here is that one can even watch the video of this on YouTube and still claim that this man is a Mujahid and so on. All these clowns are using other peoples children as canon fodder. While theirs are safe and sound going about their daily lives.
  11. Somalina, I am not sure if you ever watched that documentary in which Mukhtar Roobow just before the attack on Badoa claimed that he was ready to become a martyr and he was willing to have two young sons die as shaheeds to fight the Ethiopian enemy. Then a week later when the minute war began, he took his family and ran of to Jeddah. These Al Shabaab folks talk a good game and the. Hide behind young children and now old men when the heat comes to them.
  12. Well said Liqaye, the Somali people will no be fooled again by the fake religious sentiment. It's time to unite and purge these ****** from our lands.
  13. The students of Maulana Abu Manssur Roobow exhibit the same trait. They waffle allot act brave and then make a run for it when the times get tough. Just like their maser who boasted about fighting Ethiopians and then made a run for it to Jeddah.
  14. STOIC;699408 wrote: Haha they are having a field day on this one.I will wager my left foot that most of the people in here are not concerned about the welfare of women, but scoring a point against SL .! The problem here my son is that the secessionist policy makers and its leadership were in this instance concerned about the health and well being of the pervert and not the abused women.
  15. Jiiroow Bakaal;699567 wrote: Once they pass Guriceel They are on the retreat everywhere. You mean "if" they pass Guriceel?
  16. Muqdisho(Allpuntland)-Shalay, xalay ilaa saaka ayaa lagu waramayaa in magaalada Muqdisho ay soo galeen gurmad kuwii ugu badnaa abid oo aan tababar qabin kuwaasi oo magaalada Muqdisho laga soo geliyey Gobolada Sh/Hoose, Sh/Dhexe , Baay iyo Bakool. Maamulada Al Shabaab ee Gobolada Gurmadka laga keenay ayaa bilaabay marka hore in dadka ay isu yeeraan meelo fagaaraha iyagoona wacyi gelin ka dib ugu baaqayey in ay ka qeyb qaataan dagaalada ay ugu yereen jihaadka ee ka socda Muqdisho iyo Gobolada qaar. Olalaha dagaal ugu yeerka ah ayaa waxaa qiirad lagu geliyey dhalinyaro xaafadeed kuwaasi oo iska diiwaan geliyey goobo maamulada Shabaabka ay cayimeen, waxaana durbo dhalinyaradaasi lagu geliyye xerooyin. Madaxda Shabaab ayaa waxaa ka daadigi waayey gurmadka dhalinyaro ee isu diiwan gelisay ka qeyb qaadashada dagaalada, waxaaan kulamo lala qaatay Odayaal Beleedyada gobolada oo loo sheegay in dhalinyaro badan nin walba beeshiisa uu uga soo xeri geliyo Shabaab hasa ahaatee qaar ka mid ah odayaasha ayaa keeni waayey tiro ku dhow cadadi laga rabay, waxaana ka dib iyaga qudhooda laga dhaadhiciyey iyadoo qasab uu ku laran yahay in dagaalada ay ka qeyb qaataan. Mid ka mid ah dhalinyaro laga soo ka xeeyey Degmada Afgooye ayaa APl u sheegay in tababar kooban la siiyey oo ah sida qoriga loo qabsado iyo sida loo rido oo kaliyah, waxa uuna sheegay qof kasta loo dhiibay qori iyo rasaas aan badneyn. Dadka degan degaanka Suuqa xoolaha oo ay soo marto wadada ka timaada degaanada Gobolada Sh/Dhexe iyo kuwa ku nool degaanka ceelasha Biyaha ee ay soo marto wadada iyana ka timaada gobolada Sh/hoose , Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in ay indhooda mar walba qabtaan gaadiidka kuwa Xamuulka ah oo ay ka buuxaan dhalinyaro iyo Odayaal qaarkood da' ah oo isugu jira dad ku faraxsan ka qeyb galka dagaalada iyo kuwa caajis laga dheehan karo. Qaar ka mid ah Eheleda Shabaabka ay soo dagaal geliyeen wiilashooda iyo Odayadooda ayaa sheegay in caruurtooda xamaasad ay soo qaaday halka Odayaashan qasab lagu soo kaxeeyey, waxa ayna shegeen in Shabaabka jooga Gobolada ay aad u madax adag yihiin oo ay adagtahay in rabitaankooda laga horyimaado, waxa ayna Alaah ka baryayeen in wayeelada iyo Dhalintaba iyagoo bad qabo uu dib ugu soo celiyo deegaanadooda. Sidoo kale Gurmad sidaan oo kale ah oo laga uruuriyey qeybo ka mid ah Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa la geeyey duleedka magaalada Beledweyne oo ay isu horfadhiyaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab iyana waxaa jirta in gurmad laga uruuriyey Gobolada Jubooyinka iyo Gedo kuwaasi oo lagu xoojiyey dagaalada Degmada BeledXaawo ee Gobolka Gedo.
  17. Al Shabaab loses momentum. They have been unable to capture the capital and in recent fighting ended up on the losing side. Their response has been quite confused and contradictory with emphasis on showing the corpses of a few dead African soldiers. In the central regions a great deal of new trained militias have poured into Ahlu Sunna held towns to create a new fronts against Al Shabaab. They are pinned down in BeledWeyen and have yet to come with the rain in Guriceel. Everywhere the Shabaab movement seems a shadow of its former self. The Africans are pouring in and holding the higher grounds in the strategic war.
  18. lol@ Omar Mukhtar , however they are sending these kids to their deaths, while Abu mansuur will run to Jedda as he did last time when his life was in danger..
  19. oba hiloowlow;699383 wrote: It looks like the officers is his body guards... The way they are hugging him.. Funny stuff
  20. ^^^The sister is not attacking the public, just the fake "Amir" and the secessionist junta that attack other Somali's and are humble in front of a German pervert..
  21. lol. He is giving a press conference..