
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Madaxweynaha PL oo dib u soo noqdey, la kulmey Mahiga 24 Mar 24, 2011 - 1:45:28 PM Madaxweynha dowoladda Puntland Dr. Craxmaan sheekh Max'ed Farole ayaa maanta 24.03.2011 dib ugu soo noqday dalka. Madaxweynaha oo safar ku soo maray dalalka Talyaaniga & Ethoipia ayaa toddobaadyadii tegay ku sugnaa magaalada Adis Ababa. Dr. Cabdiraxman Sheekh Maxamad ayaa garoonka dayuradaha ee Garowe waxaa ku soo dhoweeyey inta badan mas'uuliyiinta saddexda gole ee dawladda oo uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire, Isimo ay ugu horeeyaan Islaan Ciise Islaan Maxamad iyo Suldaan Siciid, maamulka Gobolka kan Degmada & qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka dhexmuuqdaan ururada haweenka & ardayda. Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray qasriga Madaxtooyada waxa warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda dalka uu ka dhagaystay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdi Samed Cali Shire, waxaana uu diirada ku saaray abaaraha ka jira oo uu sheegay in dawladdu ay la tacaalayso inta karaankeeda ah. Madxweynaha dawladda oo Puntland Dr Cabdiraxmaan Shiikh Max'ed oo dalka ka maqnaa muddo soddon maalmooda ayaa ka warbixyey safarkii uu ku tegay dalka talyaniga, waxaana uu sheegay in in najax ku soo dhamaaday safarkooda talyaaniga, wxuuna xusay in wafti ka socda dowla talyaaniga dhawaan imaandoonaan Puntland. Madaxweyne Cabdiraxmaan Shiikh Max'ed waxa uu soo hadal qaaday xaaladda Somalia gaar ahaan khilaafka ka taagan kororsiimadii Barlamanka waqtiga sii dhaamanaya & go'aankii Puntland ay ka qaadatay DFKM ah, Wuxuuna Dr. Craxmaan Faroole uu ku nuuxnuuxsaday in go'aankii ay Puntland qaadatay uu halkiisii taaganyahay, balse meesha kama saarin in wadahadalku furanyahay. Madxweynuhu waxa kele oo uu hoos u dhigay nidaamka 4 dhibic shan oo ku tilmaamay inuu yahay mid xaqdaro ah oo au ku dulmanyihiin puntland oo in badan oo ka mid ah mujtamaca soomaaliyeed. Dhinaca amaanka Madaxweyne Cabdiraxman Sheekh Maxamad waxaa uu ka hadlay hawlgaldii Galkacayo ay ciidamada amaanka ka fuliyeen wuxuuna amaan bala sugida amaan ee Gaalkacayo. Madaxweynaha oo ka hadlaya Hawlgalkii ciidamada amaanka iskaga horyimaadeen Burcadbadeedka & Ciidamada amaanka Puntland ayuu ku tilmaamy inay muujinayso in Puntland aysan marnaba ogalayn in dawladda aysan raali ka ahayn in dad la haystayaala aan marnaba lala soo aadi karin dhulkeeda, wuxuuna tacsi u diray eheladii ay ka geeriyoodeen ciidamadaas. Ugu dambeyntii waxaa islamaanta booqasho kusoo gaarey Puntland u qaybsamaha xoghayaha QM arrimaha Somalia Augostino Mahiga isaga oo shir albaabda u xiran yahay la galey Madaxweynaha Puntland iyo Wasiiro. Kulankas kadib ayaa shir jaraa'id ay ku qabteen albaabka hore ee qolka shirarka ee Madaxtooyada Puntland ayey ku sheegeen in kulakaas ku dhamaadey guul. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegey in kulakaan Mahiga uu kala hadley xaalada abaarta ee ka jirta dalka iyo guud ahaan xaalada Somalia. Mahiga ayaa sheegey in Madaxweynaha Puntland u gudbiyey casumaad taasoo ku wajahan kulan wada tashi oo dhexmari doona Puntland, TFG, maamulka Galmudug iyo Ahlu sunah waljamaaca. GAROWEONLINE
-
Bashiir;705386 wrote: Lol. I think Duke and other simpletons need to pull themselves outside the box, and get enlightened how pure competition is done around circle of business. Bashir that asinine comment of yours highlights who the simpleton is here.. Anywho thanks for blowing your cover..
-
Aliya keep up the struglle little cousin. The song was not bad, not sure how it helps, but not bad at al.
-
Again not sure how this helps? To attack Siilanyo and his goons is one thing. The secessionists are a fair target, but Saado needs to make a song about Xabsade & other traitors before attacking these institutions..
-
Somalina;705210 wrote: Outch... Anyhow this story has legs..
-
NGONGE;705236 wrote: Like I said, I don't believe it saaxib. As for calling Kaahin & Siilaanyo, do you really think every Tom, Dick & Harry can just call them just like that (including me)? Yeah as proven in this thread, any old Marfish guy can call upon your leaders to divulge sensitive information.
-
I think this is a bit over the top. This song does not help anyone. But hey the whole thing is one big dirty clan feud.
-
Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo Kulan La Qaatey Dr.Faroole 4 hours ago | 2 comments 0 Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Dr.Augustina P. Mahiga iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta soo gaarey Caasimadda Puntland ee Garoowe. Wefdiga Dr.Mahiga ayaa waxaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland oo isaguna maanta soo gaarey Garowe. Shir ay albaabadu u xirnaayeen kadib ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadley Madaxweyaha Puntland iyo Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya. Dr.Faroole ayaa sheegay in ergayga iyo Puntland ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo weliba arimaha bini’aadanimada iyo dadka gargaarka u baahan. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ergayga Qaramada Midoobey uu aad ugu mashquulsan yahay xaaladda isbedelka Soomaaliya taas oo meelo kamid ah Soomaaliya uu u booqdey. Madaxweynaha Puntland ayaa saxaafadda u sheegay in mowqifka Puntland ay u gudbiyeen Qaramada Midoobey iyo sida ay u arkaan xalka Soomaaliya iyo halka ay ka dhawdahay in laga bilaabo, waxaana uu ku amaaney Dr. Mahiga dedaalka uu ugu jiro sidii Soomaaliya xal loogu helilahaa. Dr.Augustina P. Mahiga ayaa dhankiisa sheegay, in Qaramada Midoobey ay garwaaqsan tahay doorka Puntland ee ku aadan xal u helida siyaasadda Soomaaliya, waxaana loo baahan yahay qaababkii hore loogu dayey in Somaliya ay xal yeelato wax laga baddalo isla markaana la helo dhabbooyin kale oo ka waxtar badan. Maalintii shalay ayaa Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu tegay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa halkaas oo kulamo ku aadan xaaladda Soomaaliya kula soo qaatey Madaxda Somaliland ee iyagu saxaafadda ka sheega in aan sinaba loogu darin Miiska Soomaaliya. Waxaa socda dedaaladdii u danbeeyey ee Soomaaliya dawlad cusub loogu soo dhisi lahaa taas oo beddesha tan uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif marka la gaaro bisha August ee sanadkan, waxaana fashil ku dhamaadey shir hordhac ah oo la doonaayey in lagu qabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaas oo ay ka soo qaybgeli lahaayeen dhamaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, marka lagareebo Xarakada al-Shebab ee ka talisa inta badan Koonfurta Soomaaliya. Booqashada wafdigan heerka sare ah ee ka socda Qaramada Midoobay ayaa loo badinayaa inuu qeyb ka yahay sidii Qaramada Midoobay ay xal ugu heli lahayd khilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay Dowlada Puntland iyo Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Dowlada Puntland oo ah dowlada kaliya ee ka jirta gudaha Soomaaliya ee horey xiriirka iyo waxqabadka uga dhaxeeyey Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay joojisay xiriirkii ay la lahaayeen Dowlada Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, kadib markii lagu eedeeyey madaxda sare ee DFKMG inay caqabad ku noqdeen dadaalo badan oo ay dooneysay Puntland inay kaga qeyb qaadato arrimaha siyaasad Soomaaliya iyo dhanka horumarinta. Wax faah faahin ah Madaxweynaha Puntland iyo Ambassador Mahiiga kama aysan bixin in wax xal ah loo helay khilaafkii jiray, xili wakhtiga u haray Dowlada Federaalka uu marayo heer gabo gabo ah, isla markaana Qaramada Midoobay isu diyaarineyso sidii loo heli lahaa Dowlad Cusub oo Federaal ah oo ay Puntland taageerto. Dowlada Puntland ayaa gebi ahaan diidan in wax wakhti ah loogu daro ama loo kordhiyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ee xiligan jirta, sidoo kale Dowlada Puntland ayaa dooneysa in wax laga bedalo qaabka awood qeybsiga ee 4.5 taasi oo ay Puntland sheegtay inaysan dooneyn, isla markaana ay ku raacsan yihiin maamulada ka jira gobalada iyo dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunna Waljamaaca, sida uu Madaxweynaha Puntland ku sheegay warbixintii uu bixiyey markuu dalka dib ugu soo noqday. Ambassador Mahiiga ayaa horey kulamo noocaan ah ulla yeeshay madaxda Dowlada Federalaka Soomaaliya walow aysan jirin weli wax natiijo ah oo kulamadaasi kasoo baxay. Cabsida ugu weyn ee Qaramada Midoobay ka qabto dhanka DFKMG ayaa ah in burbur ku yimaado maamulkaasi ay horey wax badan usoo taageereen, xili uu sidoo kale khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay Baarlamaanka DFKMG iyo Xukuumada oo isku heysta xil kordhintii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku darsaday wakhtigiisii muddo 3 sano ah. Maxamed saciid yuusuf Wakiilka Horseedmeedia Garoowe-Puntland
-
Watch the Video above. Universal TV was banned because the truth was diffcult for Siilanyo to take.
-
Somaliland Vice President - Seylici " There was no xasuuq against innocent people in Kalshaale" Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Gaashaanka Ku Dhuftay In Ciidamada Somaliland Ay Galeen Xusuuq Wakhtigii U Socday Dagaalkii Kalshaale. Hargeysa (Ramaas) Mar.24, 2011 - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici), ayaa beeniyay in ciidamada qaranka Somaliland ay galeen xusuuq ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo loo gaystay dad shacab ah intii uu socday dagaalkii deegaanka Kalshaale ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada kooxda falaagada ah ee SSC. Md Saylici waxa uu sheegay in aanay jirin wax xasuuq ah oo ay galeen ciidamada Somaliland muddadii u socday dagaalkii Kalshaale, laakiin ay ciidamadu iska difaacayeen wareero ay ku soo qaadeen kooxda nabad-diidka ahi, isla markaana aanay suurta gal ahayn in xasuuq loo gaysto qayb ka mida shacabka Somaliland. Waxaana uu yidhi isaga oo arrintaas ka hadlaya “ Ma qabo in cidi xasuuq samayn karto qarnigan 21-aad mana jirto wax xasuuq ah oo dawlada Somaliland gaysatay nabada ayaana u dana cid walba ummada reer Somaliland cid la xasuuqayo ma jirto waxa ummada Somaliland kan Buhoodle jooga ka jooga Laascaanood iyo jooga Lawya-cadaba nabad ayay dani ugu jirtaa” Waxa kale uu Madaxweye ku xigeenku ka hadlay furashada ururada siyaasada, isaga oo sheegay in ay tixgalin doonaan natiijada rayi ururinta la filayo in ay sameeyaan guddida ka soo talo bixinta furashada ururada Siyaasadu. No one believes you mate....
-
Turkey and France clash over Libya air campaign(Thank you Turkey)
General Duke replied to nuune's topic in General
^^^I agree with you. A settlement that saves the unity of Libya is neede. -
Turkey and France clash over Libya air campaign(Thank you Turkey)
General Duke replied to nuune's topic in General
Erdogan is a world leader..