
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Heerarkii ay soo Martey Buundada Liiqliiqato ee Beled weyne- Bishii May ee Sannadkii Hore ayay ahayd markii Buundadii Liiqliiqato ay gabi ahaanba ay burburtey ka dib markii Gaari Xamuul ah ay la Go’dey , wixii Waqtigaa ka dambeeyey Waxaa kala G’oay isku socodkii Dadkii degenaa Galbeedka iyo Bariga ee Magaalada Beled Weyne , dadkana waxay ku gudbi jireen Doonyo. Xarakada Alshabaab oo Gacanta ku haysa Magaalada Baledweyne ayaa waxay Bulshada Ku dhaqan u gudbiyeen Qorshe Dib loogu dhisayo Buundada Liiqliiqato ka dib markii si aad ah loo dareemey Howhshii ay Buundaas u haysey Bushada Baled Weyne taasoo ay si aad ah u soo dhaweeyeen, waxaana bilowdey Qaaraanka dib loogu dhiseyo Buundada iyadoo Xarakada Alshabaab iyana isku dubaridey qaabkii loo dhisi lahaa Buundadaas. Xaflad lagu furayey Buunda liiqliiqato ayaa ka dhacadey meel aan sidaa uga fogeyn halkii ay ku taaley Buundadaas Waxaana ka qaybgaley Masuuliyiin ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, Culamudiin, Odayaasha Dhaqanka iyo dadweyne aad u fara badn , waxaa ugu horeyntii halkaa ka Hadley Waaliga Wilaayada Gobolka Hiiraan Shiikh Yuuusf Cali Ugaas oo sheegey in Muddo 11 Bilood ka dib ay Howlgasho Buunada Beledweyne , wuxuu sheegey in dib u dhisida Buunada Liiqliqato ay ku timid Iskaashi aad u balaaran oo dhexmarey Xarakada Alshabab iyo Bulshada Gobolka Hiiraan. “Bulshada marka ay garato inay isku tashadaa oo ay ka maarmaan Hayadaha Shisheeye Horumar aad u weyn bay gaari karaan marka waa arrin aad loogu farxo in maanta ay dadka iyagu wax qabsadaan” ayuu yiri Shiikh Yuuusf oo u soo jeediyey Bulshada Gobolka Hiiraan in ay Gacmaha is qabsadaan islamarkaan ay Maskaxdooda ka saaraan u haqal taagida Hayada Shishiiye oo uu ku tilmaamey kuwo doonaya in ay is hotaagaan in shacabku wax qabsadaan. Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan oo iyana ka Hadley Xafladii lagu furayey Buundada Liiqliiqato ayaa u mahadceliye Xarakada Al-Shabaab oo sheegey in la’aantooa maanta aysan dhismi lahayn Buundadaas oo si weyn uga qayb qaadan jirtey isku socodka Badeecooyinka ka kala Gudba Waqooyiga Soomaaliya, iyo Koonfurta , waxaa sidoo kale dib u dhisida Buundada soo dhaweyey dadweynaha Gobolka Hiiraan oo sheegey in marka dadka isku Tashadaan ay gaari karaan Horumar aad u weyn. Haddii aan dib u raacno heerarkii ay soo martey Buunda liiqliiqato waxaa la dhisey Xiligi Gumeysiga waxayna markaas ahayd Buundo ka sameysan Al Waax la isku dhijiyey waxaana mari jirey dadka keliya oo ku adkeyd in laba qof si ku maraan, waana meeshas meesha loogu bixiyey Magaca Liiqliiqato waayo marka ay dadka marayaan ayay la liiqliiqan jirey ama la dheelin jirey, waxaana Sannadihii Todobaatameeyadii xili Barqo ah waxaa Gebi ahaan Burburey Buundadii liiqliiqato oo Alwaaxda ka sameysneyd waxaana ku dhintey Dhowr qofood oo ardey ay ku jireen , waxayna Go’dey Xili aan ka soo gudbey . Dowladii Maxamed Siyaad ayaa deg deg u dhistey Buudadii Liiqliiqato waxaana Gebi ahaaba laga dhigey Buundo ka sameysan Bir Xajmigedu aad u wanaagsan yahay , waxaana Bilowdey in Gaadidka ay maraan hase yeeshee Nasiib Darro 22 Bishii May ee Sannadkii Hore 2010 ayay Buundadii la’ Go’dey Gaari ENA-3 oo sidey Sonkor, wixii waqtigaa ka dambeyey waxaa Xarakada Alshabaab u Howlgashey in dib loo dhiso Buundadii Liiqliqato waxaana furitaankeedii markiiba lagu tijaabiyey Gawaari waaweyn iyo Kuwo yar yar ah ,iyadoo Furitaankeeda isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo ku faraxsanaa dib u dhisida Buundada Liiqliiqato.
-
Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada oo ka da’ay Galgaduud Cadaado: (Sh. M. Network) Roobab lagu diirsaday ayaa saacadihii u dambeeyay waxaa uu ka da’een degmada Caadaado ee gobolka Galgaduud. Roobabkaani oo ahaa kuwa si wayn loogu diirsaday islamarkaana ay soo dhaweeyeen dadka uu ka uu ku dul hooray ayaa ka da’ay deegaano ay ka mid tahay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud halkaasi oo mudooyinkii dambe ay ka jirtay abaaro baahsan oo saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyda ku nool halkaasi. Sidoo kale Roobabka maanta lagu diirsaday ayaa waxaa deegaanada uu ka da’ay ka mid ah inta u dhaxaysa Magaalooyinka Galinsoor iyo Cadaado Godin labe sida ay sheegayaan dadka uu ka dul hooray Roobabkaasi. Roobabka ayaa la sheegay inay buuxiyeen ilaha waraha biyaha ee laga cabo, waxaa sidoo kale biyo ay galiyeen Baraakadaha ka dhisnaa halkaasi, iyadoo dadka iyo duunyada ku nool halkaasi ay si wanaagsan ugu diirsadeen Roobabkaasi. Inta badan deegaanada iyo degmooyinka uu Roobka ka da’ay labadii maalin ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ay ahaayeen deegaanada ay ku dhifteen abaaraha daran, iyadoo Roobakaasi ay rajjo wanaagsan galiyeen dadkii ku noolaa goboladii ay ka da’een.
-
Galkacyu: The birth pangs of a new Mudug Somalia . ...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Galkacyo, April 27 - Guddiga amniga iyo nabad-galyada gobolka Mudug iyo maamulka cusub ee dhawaan gobolka iyo degmada loo soo magacaabay ayaa xaalad dag-dag ah ku soo rogay magaalada Gaalkacyo. Go'aankan ayaa yimid kadib maalin rabshado isu badalay dagaal khasaare badan gaystay ay magaalada ka dhaceen. Guddiga ayaa shir-jaraa'id oo ay galabta qabteen waxaa ay ku shaaciyeen qodobbo dhawr ah oo amniga iyo nabad-galyada la xiriira, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen bandaw lagu soo rogay magaalada Galkacyo kaasi oo ka bilaabanya 5-ta makhribnimo soconayana illaa 5-ta aroornimo. Go'aanadaan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa manuucid lagu soo rogay dhammaan noocyada kala duwan ee hubka, kaasi oo guddigu ku tilmaameen mid ay ku xakameeynayaan dilalka xadka ka baxay ee ka socda magaalada. Bandowga ayaa waxa uu gabi ahaanba mamnuucayaa isku socodka dadka iyo gaadiidka inta lagu jiro saacadaha bandowga. Xaalad degganaansho ayaa laga dareemayaa haatan magaalada Galkacyo kaddib markii maanta xaafadda Garsoor uu dhacay ka iska-hor-imaad hubaysan oo gaystay khasaare dhimasho oo gaarsiisan illaa 4 ruux iyo dhaawaca 7 qof oo kale. Iska-hor-imaadkaan oo ahaa mid xooggan ayaa u dhaxeeyey ciidamada amniga iyo koox hubaysan, kaddib markii la dilay nin caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Guray kaasi oo rag dablay ahi ay ku toogteen agagaarka Cagaar-wayne ee xaafadda Garsoor. Wararka qaar ayaa sheegaya in markii dilkaasi uu dhacay ay halkaasi gaareen dhallinyaro hubaysan oo ay ehel ahaayeen ninka dhintay ka hor intaan ciidamada amnigu halkaasi gaarin, intaa ka dibna waxaa si lama-filaan ah ku bilaabatay rasaas xooggan oo dhawaqeeda laga maqlayey dhammaan xaafadaha kale duwan ee magaalada. Ma jirto cid ka tirsan dawladda iyo qaybaha bulshada oo si rasmi ah uga hadlay rabshadda amaba sababeeya waxa dhaliyey iska-hor-imaadka. Xaaladda ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maraysa heerkii ugu xumaa tan iyo asaaskii dawladda Puntland. Dilal taxane ah oo magaalada ka dhacay iyo weeraro lagu qaaday qaar ka mida masaajidda magaalada ayuu madaxwaynaha Puntland Cabdiraxamaan Maxamed Faroole waxa uu dhammaanba kala diray maamulkii hore isaga oo magacaabay Guddoomiye gobol isla markaana ah duqa magaalada Gaalkacyo. Cabdiraxmaan Maxamuud Cuuke oo isla maanta la wareegay xilkiisa ayaa waajibaadka laga sugayo waxa ka mida in uu sugo ammaanka magaalada isla markaana ka shaqeeyo isu soo dhawaynta bulshada reer Mudug. Dad badan ayaa u arka in ay yihiin waajibaad ay aad u adagtahay in la fuliyo. Cabdifitaax C Geeddi Daljir Galkacyo. -
Spring Showers Start Falling in Central Region 27 April 2011 -------------------------------------------------------------------------------- Email|Print|Comment Share: Adado — As the country is still in a state of drought, people are happy right now after spring showers started to fall in parts of Galgudud region in central Somalia. Rains mostly poured in the town of Adado and villages around it, local residents reported. Adado, a town about 660 kilometers (410 miles) north of the capital, has been one of the most affected placed by the drought that claimed the lives of many people including toddlers and livestock. Monsoon showers also reported to have dropped in the areas between Adado town and Gilinsor. However, central Somalia has been most affected by the drought. People there are bracing for good rainfalls to start in the Hiran, Galgudud and Mudug regions. At least 30 people, many of them children and elderly, are reported to have died from famine-like conditions in central and southern Somalia only last month. Much of the country has endured a severe lack of seasonal rainfall for the past three
-
Roobab Ka Da’ay Deegaano Ka Tirsan Puntland 4 hours ago | 0 comments 0 Roobabkii gu’ga ayaa ka da’ay deegaano ka tirsan gobolada Cayn iyo Bari, xili abaaro xoogan ay ka jiraan mudooyinkii ugu danbeeyey deegaanada Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya. Guddoomiyaha gobolka Cayn ee maamulka Puntland Xariir Maxamuud Axmed oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in roob saacado farabadan socday uu ka da’ay maanta [Arbaco] deegaano hoostaga gobolka Cayn. Wuxuu intaasi ku daray in deegaanada uu roobku ka da’ay ay kala yihiin: Buuhoodle Ceegaag Widhwidh Xamar lagu xidh Yayle Farjano iyo deegaano kale. Mudane Xariir ayaa sheegay in roobkaasi uu biyo dhigay baraago kuyaaley deegaanadaasi isla markaasina ay dadweynuhu si weyn uga cabeen. Mar uu ka hadlaayey dareenka dadweynaha kunool gobolka Cayn ayaa wuxuu sheegay in dadweynuhu ay aad ugu farxeen raxmada EEBE. Degmada Qandala Roobabka gu’ga ayaa ka da’ay degmada Qandala oo ka tirsan gobolka Bari. Guddoomiyihii hore ee dagmada Qandala Siciid Waaberi Maxamed oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in roobkaasi uu biyo dhigay degmada Qandala iyo deegaano kale oo hoosyimaada. Deegaanada uu roobku biyo dhigay ee hoosyimaada degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa waxaa qayb ka ah: Dhadaar. Dhasaan Xijiijle Canjeel iyo deegaano kale Siciid Waaberi ayaa sheegay in in deegaanada uu roobku ka da’ay ay fuustada biyaha ay gaartay lacag gaareysa 100.000 oo shilin Soomaali ah. Waxaa sheegid mudan in sidoo kale deegaano kale oo ka tirsan Puntland laga dareemayo raxmada EEBE. Roobkan ayaa kusoo beegmaya xili abaaro xoogan ay ka jiraan guud ahaan dalka Soomaaliya. Roobka ayaa horey uga da’ay gobalada kale ee Soomaaliya sida, Hargeysa, Jubbada Hoose, Gedo, Bay iyo Bakool, Sh.Dhexe iyo Sh.Hoose. Cabdiqani Qalabad Horseed Media Bosaso, Puntland
-
Galkacyu: The birth pangs of a new Mudug Somalia . ...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
XX, adeer the recent problems in Galkacyu have shown the need for a total overhaul of all the structures of government in the whole region. The old admin has gone and the new one will lead to drastic positive change. -
Galkacyu: The birth pangs of a new Mudug Somalia . ...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
ANWAR, Galmudug has nothing to do with it, nor even the main clans, this was a fight between militias out of clan anger. This will be settled insha Allah. -
Galkacyu: The birth pangs of a new Mudug Somalia . ...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gaalkacyo:(Allpuntland)-dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa canbaareysay dagaakii maanta qaarkamid ah beelaha wada dega magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,waxaana ay dawaldu sheegtay in dagaalkaasi uu ahaa mid ku qarxay si deg deg ah islamarkaasna uu yahay mid aanan loo baahnayn inuu sii socda iyadoo dhanka kalena dawladu sheegtay inay qeybteeda ka qaadanayso dejinta xaalada magaalada. Wasiirka Cadaalada & dhaqancelinta ee dawlada Puntland islamarkaasna ah gudoomiyaha waftiga Wasiirada Puntland ee Gaalkacyo jooga Mr.Cabdikhaliif Xaaji Xassan (Ajaayo) ayaa canbaareeyey dagaalkii maanta,waxaana uu sheegey in dagaal bulshada dhexmaraya uusan wax faa'iido ah u lahayn shacabka,isagoo dhanka kalena ku celceliyey in dawladu ay ku baaqayso in shacabku ay isdejiyaan islamarkaasna ay u hogaansamaan awaamirta dawlada. Mr.Ajaayo wuxuu sheegey in dawladu ay ku dadaalayso ka shaqeynta maslaxada Ummada,islamarkaasna ay maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanayaan xilkawareejinta maamulkii hore ee gobolka & kan cusub,isagoo sheegey in gobolka Mudug uu yahay mid xasaasi ah islamarkaasna xuduud la leh koonfurta Soomaaliya oo imika holcaysa. Cabdiqani Xayir Allpuntland -
Maamulka cusub ee gobolka Mudug iyo Gaalkacyo oo xilkii la wareegay; sugidda amniga oo ay siin doonaan mudnaanta koowaad. Wed, 27 Apr 2011 12:47:49 -0400 pm -04:00 -14400 -------------------------------------------------------------------------------- Galkacyo, April 267 - Xaflad xil-wareejin ah ayaa maanta lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee magaalada Gaalkacyo taas oo ay xilalka kula kala wareegayeen, guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamuud Cuuke oo noqonaya guddoomiyaha cusub ee gobolka iyo magaalada Gaalkacyo iyo duqii hore ee Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud X. Xasan. Xafladdaan xil la kala-wareegidda ah ayaa waxaa goob-joog ka ahaa xubno wasiirro ah oo ka tirsan golaha xukuumadda Puntland, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada caddaaladda, shaqada iyo shaqaalah, caafimaadka iyo sidoo kale taliyaha guud ee bilayska Puntland iyo xubno kale oo ka tirsan qaybaha bulshada iyo maamulka. Intaan la kala tirsan maalka iyo mas'uuliyadaha awoodeed ee degmada ayaa maamulkii hore ee degmada waxaa ay sharraxaad dheer ka bixiyey wax-qabadkoodii muddadii ay xilka hayeen iyagoo sheegay in ay ku tallaabsadeen hormar badan oo iskugu jira, xagga kobcinta dhaqaalaha, dhissidda hab-maamuleedka, dhawrista amniga, dhaqan-galinta sharciyo muddo dhul-yaal ahaa iyo dhaqaajin arrimo badan ee xagga hormarinta danaha bulshada ah. Maamulkii hore ee degmada waxay tilmaameen in ay soo food-saareen caqbado badan oo dhinacyada bulshada iyo maamullada ka soo wajahay kuwaasi oo degmo ahaan ka miisaan-waynaa ayna maarayn waayeen iyadoo dawladda dhexe ku dhaliilay in ay ka gaabisay hawlihii looga fadhiyey gaar ahaan amniga magaalada Galkacyo. Dhinaca kale guddoomiyaha cusub ee maanta xilka la wareegay Cabdiraxmaan Maxamuud Cuuke ayaa ku dheeraaday xil la-wareegid kaddib wax-qabadkiisa iyo qorshaha cusub ee uu doonayo in uu ka hirgaliyo gobolka, waxaana uu sheegay tallaabadiisa ugu horrayso in ay noqon-doonto sugidda amniga iyo nabad-galyada. Guddoomiyyuhu wuxuu amar ku-bixiyey laga bilaabo maanta magaalada dhaxdeeda in aan wax hub ah lagu wadan-karin, ciddii lagu arko hubna tallaabo cad laga qaadi-doono, iyagoo taliska bilayska gobolka faray in ay gutaan waajibaadkooda sharcigana la tiigsadaan ciddii ka hortimaadda go'aamadii guddiga nabad-galyada gobolka oo mamnuuc ka dhigaya qaadashada iyo ka-ganacsida hubka noocyadiisa kala duwan. Munaasabaddaan maanta ka dhacday xarunta D/hoose ee ay xilalka kula kala wareegeen maamulkii hore ee degmada Galkacyo iyo midda cusub ee dhawaan loo soo magacaabay mas'uuliyadda heer gobol iyo mid degmo ee gobolka Mudug ayaa waxa ka sii horraysay isla xaflad kale oo shalay galinkii danbe lagu qabtay xarunta maamulka gobolka taas oo iyana ay xilal kula kala wareegayeen maamulkaan iyo midkii hore ee gobolka. Farxaan Jeemis Cabdulle, Daljir Galkacyo.
-
Gaalkacyo:"Maanta laga bilaabo hub Gaalkacyo laguma dhexmari karo,Askarina Canshuur raadinayana shacab Xabad kuma ridi doono"Gudoomiyaha cusub ee Mudug ahna duqa Gaalkacyo. 27. april 2011 APL Gaalkacyo:(Allpuntland)-Gudoomiyaha cusub ee gudiga Amaanka & hormarinta gobolka Mudug Iyo Degmada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay awaamir culus oo ku saabsan amaanka gobolka Mudug & wadashaqeynta shucuubta gobolka Iyo ciidamada Amaanka ee gobolka,waxaana uu gudoomiyaha cusubi sheegey in tani ay tahay tilaabooyin deg deg ah oo uu maamulkiisu ku doonayo inuu si deg deg ah wax uga badalo howlaha cakiran ee gobolka Mudug gaar ahaana magaalada Gaalkacyo oo furdaamintooda loosoo magacaabay. Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke oo ka hadlay xaaladaha kaladuwan ee gobolka Mudug ayaa sheegey in ay ka xunyihiin falalka dhacaya,waxaase uu sheegey in dawladu ay hirgelinayso go'aankii gudigii hore ee amaanka gobolka Mudug,isagoo docda kalena ku dhawaaqay awaamir ay kamidyihiin in ciidamada amaanku aysan shacabka xabad ku ridi doonin islamarkaasna ciidanka wadooyinka oo kaliya loo idmay inay canshuurta bilaha ah ee gawaarida soo uruuriyaan si asluub lehna ula dhaqmaan shacabka magaalada. "Gaalkacyo uma imaan inaan xil doonayo,waxaad ogtihiin inaan ahaa agaasime guud (Wasaarada Waxbarashada),hoos ayaan usoo dagay oo ehelkayga ayaan doonayaan inaan wax u qabto,uma dulqaadan doono in ciidanku ay shacabka rasaaseeyaan kuna marmarsiiyoodaan waxaanu raadinaynaa canshuur taasi waa dhamaatay,maanta laga bilaabo askari qori wata canshuur ma raadin doono,dhanka kale waxaanu shaqada u horaysa ka dhigaynaa amaanka magaalada waxaanu amraynaa shacabka in aysan hub la dhexmari gudaha magaalada uma dulqaadanayno taas cidii jabisana sharcigaanu horgeynaynaa mana ka yeelayno waa madax..aabihiisa nabadoon ah Ama marmarsiiyo kale"Ayuu yiri Mr,Cuuke oo ka hadlayey xaflad uu maamulka degmada ugala wareegeyey xilka oo maanta Gaalkacyo ka dhacday. Cabdiqani Xayir
-
Galkacyu: The birth pangs of a new Mudug Somalia . ...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The delegation that brought the new governor to the city was led by the Justice Minister of Puntland who happens to be from Goldogob. This is an unfortunate incident but one that will again lead to the rapid change that is needed in the city of Galkacyu and the important region of Mudug. -
Galkacyu: The birth pangs of a new Mudug Somalia . ...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gudi Odayaal & Waxgarad ah oo Loo saaray Xalada Gobolka Mudug. Posted by Ali on April 27th, 2011 Galkacyo(Puntlandi.com);- Kulan balaaran oo ay wadaqaateen Gudiga Nabadgalyada iyo Hormarinta Gobolka Mudug iyo Odayaasha,Waxagaradka oo ka dhacay aqalka madaxtooyada Galkacyo ayaa lagu gorfeeyay dagaalkii maanta Galkacyo ka dhacay iyo sida lagu joojinkaro. Madasha kulanka waxaa goobjoog ahaa wasiiro katirsan xukuumada Puntland iyo saraakiisha ciidamada waxaana dhamaantood ay odayaasha iyo nabadoonada ugu baaqeen in si deg deg ah xaalada u qaboojiyaan, Kulanka kadib ayaa lasameeyay gudi kakooban Nabadoonada Gobolka Mudug kuwaa oo loogu talagalay in xaalada ay dhaxgalaan dhinacyada dagaalka dhaxmarana isfaham ka dhax abuuraan. Odayaasha ayaa looga fadhiyaa in ay bilaabaan wadatashiyo u dhaxeeya labada dhinac iyo in ay ilgaara ku eegaan cida dhibaatada wada. Dagaalkii ayaa hada joogsaday waxaana shacabka kamuuqda dhiifoonaan gaara waxaana magalada ka dhaqangalay bandaw mamulka ku soo rogeen magalada. Mamulka cusub ee Gobolka Mudug ayaa ku dadaalayaa sidii ay Gobolka ugu soo dabaalilahay amaan iyo dagaansha waarta. Puntlandi.com Galkacyo. -
Somalina;714413 wrote: URGENT ALERT: FORCED DISSAPPEARANCE OF MS. FAHMO ABDI SHEIKH ADEN A MEDICAL DOCTOR AND UNIVERSITY LECTURER IN SOMALILAND To: Somaliland Law enforcement agencies To: Red Cross and Red Crescent Offices in Somaliland and Ethiopia To: Media Date: April, 21 2011 URGENT ALERT: DISSAPPEARANCE OF MS. FAHMO ABDI SHEIKH ADEN A MEDICAL DOCTOR AND UNIVERSITY LECTURER IN SOMALILAND Dr Fahmo Abdi Sh. Aden, Somali female medical doctor have been missing since her disappearance in Gabiley district of Somaliland in the Sunday late evening on 17 April 2011. Somaliland Impartial Human Rights Organizations Network (SOHIRA-NET) fears she may be subjected to torture and other ill-treatment including 17 April 2011, Dr Fahmo Abdi Sh. Aden told her family that she will go to Gabiley district to collect some documents and return back to her home immediately. Unexpectedly her family members told to the human rights researchers from SOHIRA-Net that she had sent short massage from her mobile cell phone “ an armed men dressed with civilian dress had kidnapped me in Gabiley. Somaliland Impartial Human Rights Organizations Network (SOHIRA-NET)’s concerns are heightened by persistent reports of torture and other ill-treatment as well as prolonged detention without charge or trial in the Somaliland. Somaliland Impartial Human Rights Organizations Network (SOHIRA-NET) fears that the arrest and detention of the three men in conditions amounting to an enforced disappearance puts them at a great risk of torture or other ill-treatment. Dr Fahmo Abdi Sh. Aden is the owner a private medical center in Xero Awr village in Hargeisa since 2006 when she fled the civil wars in Mogadishu, Somalia. She also was University Lecturer at Faculty of Health at Camuud University in Borama. In Somaliland forced disappearances and deportation of lawful refugees to Ethiopian security have become the routine work of the Somaliland intelligence agencies. Yesterday 21/4/11 Somaliland intelligence had deported Ethiopian refugee man called Cabdisalan Mukhtar Haji who has a refugee status at the UNHCR Office in Hargeisa. During last several years Somaliland government had detained many Ethiopian refugee and asylum seekers in Hargeisa and handed to Ethiopian security. Has the good doctor been found yet?
-
Galkacyu: The birth pangs of a new Mudug Somalia . ...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maamulka cusub ee gobolka Mudug iyo Gaalkacyo oo xilkii la wareegay; sugidda amniga oo ay siin doonaan mudnaanta koowaad. Wed, 27 Apr 2011 12:29:14 -0400 pm -04:00 -14400 -------------------------------------------------------------------------------- Galkacyo, April 267 - Xaflad xil-wareejin ah ayaa maanta lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee magaalada Gaalkacyo taas oo ay xilalka kula kala wareegayeen, guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamuud Cuuke oo noqonaya guddoomiyaha cusub ee gobolka iyo magaalada Gaalkacyo iyo duqii hore ee Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud X. Xasan. Xafladdaan xil la kala-wareegidda ah ayaa waxaa goob-joog ka ahaa xubno wasiirro ah oo ka tirsan golaha xukuumadda Puntland, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada caddaaladda, shaqada iyo shaqaalah, caafimaadka iyo sidoo kale taliyaha guud ee bilayska Puntland iyo xubno kale oo ka tirsan qaybaha bulshada iyo maamulka. Intaan la kala tirsan maalka iyo mas'uuliyadaha awoodeed ee degmada ayaa maamulkii hore ee degmada waxaa ay sharraxaad dheer ka bixiyey wax-qabadkoodii muddadii ay xilka hayeen iyagoo sheegay in ay ku tallaabsadeen hormar badan oo iskugu jira, xagga kobcinta dhaqaalaha, dhissidda hab-maamuleedka, dhawrista amniga, dhaqan-galinta sharciyo muddo dhul-yaal ahaa iyo dhaqaajin arrimo badan ee xagga hormarinta danaha bulshada ah. Maamulkii hore ee degmada waxay tilmaameen in ay soo food-saareen caqbado badan oo dhinacyada bulshada iyo maamullada ka soo wajahay kuwaasi oo degmo ahaan ka miisaan-waynaa ayna maarayn waayeen iyadoo dawladda dhexe ku dhaliilay in ay ka gaabisay hawlihii looga fadhiyey gaar ahaan amniga magaalada Galkacyo. Dhinaca kale guddoomiyaha cusub ee maanta xilka la wareegay Cabdiraxmaan Maxamuud Cuuke ayaa ku dheeraaday xil la-wareegid kaddib wax-qabadkiisa iyo qorshaha cusub ee uu doonayo in uu ka hirgaliyo gobolka, waxaana uu sheegay tallaabadiisa ugu horrayso in ay noqon-doonto sugidda amniga iyo nabad-galyada. Guddoomiyyuhu wuxuu amar ku-bixiyey laga bilaabo maanta magaalada dhaxdeeda in aan wax hub ah lagu wadan-karin, ciddii lagu arko hubna tallaabo cad laga qaadi-doono, iyagoo taliska bilayska gobolka faray in ay gutaan waajibaadkooda sharcigana la tiigsadaan ciddii ka hortimaadda go'aamadii guddiga nabad-galyada gobolka oo mamnuuc ka dhigaya qaadashada iyo ka-ganacsida hubka noocyadiisa kala duwan. Munaasabaddaan maanta ka dhacday xarunta D/hoose ee ay xilalka kula kala wareegeen maamulkii hore ee degmada Galkacyo iyo midda cusub ee dhawaan loo soo magacaabay mas'uuliyadda heer gobol iyo mid degmo ee gobolka Mudug ayaa waxa ka sii horraysay isla xaflad kale oo shalay galinkii danbe lagu qabtay xarunta maamulka gobolka taas oo iyana ay xilal kula kala wareegayeen maamulkaan iyo midkii hore ee gobolka. Farxaan Jeemis Cabdulle, Daljir Galkacyo. -
Galkacyu: The birth pangs of a new Mudug Somalia . ...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The new governor & mayor has a tough time, but is competent enough for the job. -
War Deg deg ah:Puntland oo bandow kusoo rogtay Magaalada Gaalkacyo. 27. april 2011 APL Gaalkacyo:(Allpuntland)-Iyadoo ay weli gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kasii soconayaan falalka dilalka ah islamarkaasna xalay & Maanta gudaha magaalada lagu dilay sadex ruux oo kaladuwan ayna isla Gaalkacyo ka qarxeen dagaalo u dhexeeya qaarkamid qaabaa’ilada dega gobolka Mudug ayaa ay dawlada Puntland ee Soomaaliyeed goordhaweyd ku dhawaaqday bandow deg deg ah. Gudoomiyaha cusub ee gudiga Hormarinta & Amaanka gobolka mudug islamarkaasna maamulaya degmada Gaalkacyo Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke ayaa goordhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay bandow soconaya Shanta Galabnimo ilaa Shanta Aroorinimo,isagoo sheegey in ay doonayaan Inay si deg deg ah wax uga qabtaan xaalada magaalada. Mr.Cuuke wuxuu sheegey inuu socdo shir culus oo u dhexeeya saraakiisha Amaanka,madaxda ciidamada,Wasiirada Puntland ee Gaalkacyo jooga & xubno kale kaas oo looga wadaxaajoonayo sidii si deg deg ah loo xalin lahaa xaalka Gaalkacyo oo maraya heerkii ugu hooseeyey tan & markii Puntland la aas aasay. Cabdiqani Xayir Allpuntland