General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Cabdullaahi Yusuf oo waayaha ku shabahay markii uu xilka ka tagay, beesha caalamkana ku tuhmay in ay Soomaaliya la doonayaan gumaysi. Thu, 14 Apr 2011 13:16:20 -0400 pm -04:00 -14400 Sanca, April 14 - Madaxwaynihii hore ee dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa dhaliilay shirkii wada-tashiga ee arrimaha Soomaaliya kaasoo shalay lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi. Cabdullaahi Yuusuf ayaa sidoo kale ka qayb-galka Puntalnd ee shirka ku tilmaamay mid gaar ku ah madaxwayne Faroole. Cabdullaahi Yusuf oo la hadlay laanta af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa taageero u muujiyay mowqifka xukuumadda federaalka KMG ee Soomaaliya isaga oo dhaliilay mowqifka guddoonka barlamaanka shirku uga qayb-galay shirka. Md. Yusuf waxa uu jiho uunan carabaabin ku tuhmay in ay Soomaaliya la doonayso gumaysi, waxase uu si toos ah beesha caalamka ugu eedeeyay in ay hay'adaha fadaraalka ka hortaagan tahay ka talinta danaha dalka, isaga oo sheegay in waxa haatan socda ay yihiin dhamatstirka sababihii uu isaga shaqada uga tagay. Mar uu ka hadalayay ka qayb-galka shirka ee Puntland, ayuu sheegay in uu yahay qof reer Puntland ah, waxana uu ku tilmaamay madaxwayne Faroole in uu fikirkaas ku matalo naftiisa. Waxa uu sheegay in uusan ka soo horjeedin madaxwayne Faroole, balse waxa uu intaa raaciyay waa sida uu hadalka u yiriye "...ninkii sidaa madaxwayne ku raadiya isagaa isna eedi doona." Waa markii ugu horeeysay ee uu madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu si cad oo qayaxan siyaasadda uga hadlo isaga oo dhinacna taageeraya dhinacna naqdinaya. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa madaxayne ka soo noqday dawladdii ugu horeeysay ee federaalka KMG ee Soomaaliya 2004-tii illaa 2008-dii markaa oo uu xilka iskaga casilay kadib cadaadis ba'an oo uga yimid beesha caalamka. Cabdullaahi Yuusuf waxa uu haatan ku nool yahay magaalada Sanca ee dalka Yemen. Diiwaanka Wararka, Daljir
  2. oba hiloowlow;711842 wrote: Shariifka maxaa lo diidan yahay maskiinka daacad waaye. . No Sharif is a weak leader, incompetent and beyond corrupt. Somalia deserves much better. As for the singers you mentioned.
  3. Did I think Yusuf was not a patriot? Come again, I think the consultative meeting was positive one, however reconciliation conference should be done at home. Me and the old legend are clear on that.
  4. The old mans position is clear, outside meetings are a waste of time. And he comends Farmaajo's team as competent.
  5. C/laahi Yusuf oo Shirka Nairobi Canbaareeyey Madaxweynihi hore ee Somalia, C/laahi Yusuf ayaa sheegay in shirka Nairobi ay wataan dowladdo shisheeye oo doonaya inay Somalia gumeystaan Abdulaziz Osman | Washington, DC Khamiis, 14 April 2011 Madaxweynihi hore ee Somalia, C/laahi Yusuf ayaa ka hadlay shirka wadatashiga ee xalay lagu soo afjaray Somalia. C/laahi Yuusuf, wuxuu sheegay in shirkaasi aanay ku jirin danta Somalia, isla markaana ay ka danbeeyaan dowladda doonaya inay Somalia gumeystaan. Madaxweynihii hore wuxuu taageerray go'aanka DKMG ay ku diiday inay ka qeybgasho shirka Nairobi, isagoo si weyna u canbaareeyay ergooyinkii Soomaalida ee shirkaasi ka qeybgalay. Mar uu ka hadlayay khilaafka hadheeyey madaxweyne Shariif iyo guddoomiye Shariif, wuxuu sheegay in guddoomiye Shariif ay dabada ka riixayaan dowladda shisheeye oo aan dan u wadin Somalia. C/laahi Yusuf, wuxuu kaloo xusay in ka qeybgalka Puntland ay ka qeybgashay shirka Nairobi uu yahay go'aan shaqsi ah oo uu qaatay madaxweynaha maamulka Puntland Max'ed Faroole, go'aankaasina lama qabaan dadka Putland ayuu sheegay C/laahi Yusuf. Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.
  6. Madaxweynihii hore Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo si kulul u cambaareeyay Shirka wada tashiga Nairobi, kana digay shirqoolo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay shirka wada rashiga ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Nairobi, isagoo ka digay shirqoolo ka dhan ah umada Soomaaliyed. Wareysi gaar ah oo uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu sheegay in shirkaas aanu danta Soomaaliya ku jirin, isagoo sheegay inay jiraan Dowladi doonaya in Soomaaliya ay gumeysteen. "Shirkan waxa kale ma ahan waxaa wixii aan aniga shaqada uga tagay, Dan soomaali ma ahan, Dad aan dal soomaali rabin Dowladnimo dooneyn baa wada shirkaas"ayuu si kulul u yiri Madaxweynihii hore Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo ku sugan Magaalada Sanca ee dalka Yemen. Col. C/llaahi Yuusuf ayaa taageeray go'aanka ay qaadatay Xukuumada ee ay ku diiday shirkaas, isagoo ku tilmaamay Xukuumada inay ku jiraan dad mutacalimiin ah oo qurbaha ka yimid. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Soomaalida inay tashtaan oo ay gartaan kuwa u maleegaya shirqoolka, isagoo hadalkaas uu u badnaa mid uu dhinacyo kala duwan uu ku durayay, waxaana uu si kulul u cambaareeyay ergooyinka shirka ka qeyb galay. "Aniga iyo Mahiga isma naqaan, laakiin amarka waxa siinaya waa cidii Soomaaliya rabtay inay qaranimo iyo Dowladnimo gaarin, Shariif Xasan waa tagi karaa shirka, laakiin waxaa loo baahan yahay inuu Baarlamaanka ku soo celiyo sidaas ayaana ah mida sharciga ah"ayuu yiri Col. C/llaahi Yuusuf Axmed. Waxaa uu sheegay in la doonayo in Soomaaliya aanay ka bixin waxa ay iminka ku jirto, isla markaana aanan la helin qaranimo, inkastoo aanu magac dhabin Dowladaha doonaya hadafkaas hadana waxaa uu sheegay in xalka uu u arki karo in shir dib u heshiisiin oo Soomaalida ay maamuli karaan lagu qabto gudaha dalka. "Go'aanka Dowladda sax bey ahaayeen shirkaas, Soomaaliya lagu qaban karay, meel soomaaliya lagu lagoynayo in la geeyo ma aheyn"ayuu yiri Col. C/llaahi Yusuuf oo intaa ku daray intii aan wali garan uu garansiinayo waxa Soomaaliya lala damacsan yahay oo uu yiri in la gumeysto. "Aniga midna gooni ulama dirirsani, laakiin Baarlamaanka Jabuuti lagu soo dhisay, laftiisa waa kala qeybsan yahay, Gudoomiyaha Shariif Xasan iyo Group uu watay sax ilama aheyn inuu ka qeyb galo shirka, Inlee waxbaa laga balan qaaday wixii baa u cad, waa wax uu si gaar u doonayo soomaalina uma qabanaayo"ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo muujinaya hamiga siyaasadeed ee Shariif Xasan xilliga ku jiro. "Waxaan shaqada kaga tagay waaye, daba ****** in la iga dhigtaa la rabay wan diiday, qaar daba ****** la sameystaa hada la rabaa, waxay na yiraahdeen waxbaa idin yeerinaynaa ee yeela, qof qaa'inula wadan baana yeelo kara, marka waxay rabaan qof sidaas oo kale"ayuu si kulul u yiri C/llaahi Yuusuf. Dhinaca kale mar wax laga weydiiyay aragtidiisa ka qeyb galka shirka Madaxweynaha Puntland ayuu sheegay in taasi ay u gaar aheyd Faroole, hase ahaatee waxaa uu xusay inuu aamisan yahay in dadka reer Puntland aanay la qabin. "Aniga reer Puntland baan ahay, qof shaqsi oo dan wata wixii uu go'aamiyo ma quseyso, hadii Madaxweynimo uu doonayo, aniga Faroole shaqsi ahaan ulama dirirsani, laakiin ka fiirsada baan leeyahay, iyo wixii uu meesha kula soo kulmay inuu ula tago dadkiisa"ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo intaa raacisay in isagu aanu dooneyn in Soomaaliya la kala qoqobo, waxaana uu sheegay in Soomaliweyn meel kasta ay joogaan ay tahay inay soo ceshadaan qaranimadooda. Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa noqonaya kii ugu kululaa ee uu ku yeero qaar ka mid ah dalalka deriska, dalalka Beesha caalamka, isagoo ku cambaareeyay shirkii Qaramada Midoobey soo qaban qaabisay ee lagu qabtay Magaalada Nairobi, kaasoo dhinacyada Soomaalida ay ka soo wada horjeesteen dal iyo dibadba. Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com jowharcom@gmail.com
  7. Farmaajo has done a good job thus far. Its Sharif who has lacked nay sort of backbone and now wants more time. I say let the man go and the other lead, or let thme both sink.
  8. Oba, Shiekh Umal is a learned man, well respected throughout the Somali world. The point I made about the Presidency it would be a non excutive position. Thus it would go to someone elected by parliment who had contributed to the Somali people, wanted the post and would be a symbol of the nation. Al Maskiin, why is Dr Hawo, or Fadumo Jibril a joke, they would be President of Somalia and not the Caliph of the Islamic Ummah,thus no problem.
  9. Xukuumadda KMG ah oo sheegtay inay dalka gudihiisa ku qabanayso shir dib u heshiisiineed Khamiis, Abriil 14, 2011 (HOL) – Kulan ay golaha wasiirrada xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya maanta ku yeesheen xafiiska ra'iisul wasaaraha ee Muqdisho ayay kasoo saareen qodobbo ay ka mid yihiin in Muqdisho lagu qabto 11-ka illaa 16-ka bisha June ee sannadkan shir dib u heshiisiineed oo ay kasoo qaybgalaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo ay ku jiro Xarrakatul Shabaab. Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa looga dooday xilliga kala guurka ah ee dowaldda DKMG ah iyo shirkii wadatashiga ahaa ee xalay lagu soo gabgabeeyay magaalada Nairobi kaasoo ay ku sheegeen inaysan kasoo bixin qodobbo miro-dhal ah sidoo kalena uu ahaa mid aan ka tarjumaya danaha dadka Soomaaliyeed. Qodobbada kasoo baxay gabagabadii shirka ay wasiirrada DKMG ah ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa in dowladdu ay diyaar u tahay in wadatashi, isla xisaabtan iyo dib u heshisiiin dhab ah ay la yeelato dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida: maamul goboleedyada dalka ka jira, ururrada bulshada rayidka, kooxaha dowladda kasoo horjeeda, madaxda dhaqanka iyo culummaa'udiinka. Sidoo kale, qodobbada ayaa waxaa ka mid ahaa in la saaro guddi heer wasiir ah oo kasoo talo-bixiya habka ugu habboon ee lagu qaban karo shirka ka dhacaya dalka, kuwaasoo sida ugu dhaqsiyaha qorshahooda ugu soo gudbiya golaha wasiirrada. Xukuumadda KMG ah ayaa sheegtay in ajnadayaasha iyo macluumaadka shirka ay kala tashanayso dhammaan qaybaha uu quseeyo oo ay ku jiraan shacabku uu ku jiro, sidoo kalena ay qabashadiisa la kaashan doono beesha caalamka iyo Qarammada Midoobay. Go'aanka ay xukuumadda KMG ah ku gaartay inay ku qabanayso shir watashi ah gudaha dalka ayaa imaanaya xilli xalay lagu soo gabgabeeyay dalka Kenya shir ay horay u qaadacday oo qodobadii kasoo baxay ay ka mid ahaayeen in lasoo doorto madaxweyne iyo guddoomiye baarlamaanka oo cusub inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan oo uu xilliga dowladdu ku ekaa. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  10. Warsaxaafadeed (Muqdisho – Khamiis, 14 April 2011)—–Shirkii caadiga ahaa ay Golaha Wasiiradu yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin shirkii ka dhacay Nairobi iyo marxaladda kala guurka ah. Golahu waxey dib-u-eegid ku sameeyeen kulankii wadatashiga ‘heerka sare’ ee ka dhacay Nairobi 12kii iyo 13kii April 2011. Kulankan ma noqon mid miro dhal ah oo buuxiya waxii laga filayey, mana aheyn mid matala danaha shacabka soomaaliyeed. Ka dib Golahu markii ay ka hadleen mustaqbalka iyo xilliga kala guurka ah iyo sida ugu habboon ee loo raadin karo nabad, wadatashi iyo dib-u-heshiisiin dhameystiran, isla markaana ka doodeen ayey waxey Golahu isku raaceen arrimaha soo socda: In Dowladda FKMG ah ay diyaar u tahay in wadatashi, isla xisaabtan iyo dib-uheshiisiin dhab ah ay dhex marto dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, ha noqdaan Maamuladda Gobolada, Ahlu Sunna WalJameeca, ururada bulshada, madaxda dhaqanka iyo kuwa diinta iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda. Guddiga siyaasadda ee heer wasiir ah inay ka soo talo bixiyaan habka ugu habboon ee shir Somalida isagu timaado waddanka gudihiisa isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan Golaha Wasiiradda. In shir wadatashi iyo dib-u-heshiisiin heer sare ah lagu qabto dalka gudihiisa bisha June 11keeda ilaa 16-ka, shirkan oo ah mid ay Dowladda FKMG ah horseed ka tahay iyadoo la tashaneysa isla markaana kaashaneysa beesha caalamka iyo Qaramada Midoobey. In agendaha, macluumaadka iyo qorshaha shirkan uu noqdo mid dhammaan ka qeybgalayaasha lagala tashto si uu u noqdo mid ay dhammaan ka qebygalayaasha isku raaceen. Golahu waxuu isku raacay in dhammaan qeybaha bulshada la gaaro oo lagala tashto ajendaha iyo waxa la filayo inay ka soo baxaan shirka. Shirkan ayaa noqon doona mid wadatashi siyaasadeed isla markaana looga hadlayo habka loo wajahayo mustaqbalka shacabka soomaaliyeed. Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha media@opm.gov.so -DHAMAAD-
  11. ^^^lol@ consistency, adeer you are against foreign occupation of Western Somalia, yet support those who occupy NFD arming your clans new Messiah Ghandi? Adeer spare us the nonsense, Yusuf visited Ethiopia, many times, he never declared Jihad on Melez Zanawi and two years later claimed he is a “brother leader”. That’s the difference. Also was Sharif not “different” brand new and religious as some claimed. PS: When Yusuf moved to Jowhar, it was the Somali troops from Puntland & others that secured the city with the help of Mohamd Dheere's admin, not a single Ethiopian militia was there at the time.
  12. ^^^lol@ Zack, adeer you can not choose your own facts. Yusuf on his last days visited Qardho for the Kings inugaration, then went to Nairobi to meet a few memmbers of the international community then resigned. Again, he controllled all of Puntland, and many parts of Somalia, and even traveled by land to Jowhar without any outside support. Yusuf was a true leader, Ghandi is trying to do what he achieved in Puntland 12 years ago, however he is uanbele to even set foot inside Somalia and is being supported and housed by our brothers the Kenyans. Dont open your mouth son if you can not bring up facts..lol
  13. Zack Yususf in his time as leader visited all of Puntland, Mogadishu, AFgoyee, Baidoa, Beledweyn, Jowhar and other parts of Somalia. Sharif has visited only Villa Somalia and the Airport. Ghandi has not even set foot in the Juba's and yet is their President. lol. Yeah we can all call ourselves leaders, but Ghandi & Sharif Ahmed could never shine Yusuf shoes let alone lead.
  14. Wafdiga waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ahna Wasiirka Difaaca Mudane Abdihakim Mohamud Haji FIQI, Wasiirka maaliyadda Hessien Abdi Halane, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abdulkadir Moallim Nur, Madaxa Protocolka Xafiiska Madaxtooyada Mursal Saney. Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxey la kulmayaan Prime Minister ka Dalka Ethiopia Melez Zenawi si ay ugala hadlaan arrimo la xiriira sii xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah, iyo arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga Soomaaliya iyo dalalka geeska Africa. Shirkan ayaa daba socda shirkii IGAD ee ka dhacay Addis Ababa dhammaadkii Janaayo oo ay labada mas’uul ba goob joog ka ahaayeen iyo shirkii Wasiirada Difaaca oo uu dhowaan Addis Ababa uga qeybgalay Mudane Abdihakim oo suurto galiyey booqashada maanta. the two friendly countries to meet? lol
  15. Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka dhoofay Muqdisho Khamiis, Abriil 14, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka amababaxay Muqdisho iyagoo ku wajahan dalalka Itoobiya iyo Tanzania sida uu warbaahinta u sheegay Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow). Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka maaliyada iyo lacagta Xuseen Cabdi Xalane, wasiir u dowlaha madaxtooyada C/qaadir Macallin Nuur iyo mas'uuliyiin ka tirsan xafiiska madaxweynaha. Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa ku hormaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyagoo lagu wado in isla maanta ay kulammo la qaataan ra'iisul wasaaraha dalkaas Meles Zenawi iyo golihiisa wasiirrada. Inkastoo aan la sheegin inta casho ee uu qaadanayo safarka ay ku tagayaan dalka Itoobiya ayaa haddana waxaa lagu wadaa in marka uu u dhammaado ay u gudbaan dalka Tanzania oo ay kulammo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kula yeelan doonaan madaxda dalkaas. Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo xalay lagu soo gabgabeeyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya shir loogu magac-daray wadatashiga arrimaha Soomaaliya oo uu ka qaybgalay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu khilaaf xooggan kala dhexeeya madaxweynaha. Madaxweyne Shariif ayaa toddobaadkan kasoo laabtay safarro uu ku tagay dalalka Burundi iyo Uganda oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya iyo dalka Ruwanda oo aad u daneeya arrimaha Soomaaliya, iyadoo la sheegay in kulammadaas looga hadlay ammaanka dalka Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  16. Sharif Xasan wins, and the States win. An extension to the parliment is a big problem, but they will "reformed" as many state. The argument that Sharif /Farmaajo who control very little real estate in Somalia can bar any Somali stakeholders from high level meetings to discuss the Somali republics dilema and ending the transition has been proven false. There are 4 months left and little time to extend anything,. Let the same Parliment that elected him, hold him accountable.
  17. Shirkii wadatashiga ee ka soconaayey magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa la soo gabagabeeyey,waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah. Shirkaasi oo Nairobi ka soconaayey laba maalmood ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay,waxaana si qoto dheer looga hadlay xaaladda Soomaaliya ay mareyso. Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay Dawladda Puntland,Baarlamaanka Dawladda KMG ah,Gal-mudug iyo Ahlusunna Waljameeca. Gabagabadii kulankaasi ayaa waxaa laga soo saaray bayaan ay ku qoranaayeen qodobo ay ugu muhiimsanaayeen: In bisha Agoosto ee sanadkan la qabto doorasho,taasi oo lagu soo dooranayo Madaxweyne cusub iyo Guddoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigenadiisa In baarlamaanka Dawladda KMG ah muddo laba sana ah loogu kordhiyo wakhtigiisa. In dib u habayn lagu sameeyo baarlamaanka Dawladda KMG ah ayna ka qaybqaataan maamul goboleedyada ka dhisan gudaha Soomaaliya. Si kastaba arrimaha ayaa kusoo beegmaya xili madaxda Dawladda KMG ah ee Soomaaliya aysan u dhameyn shirka lamana oga sida ay ku aqbali doonto xukuumada Dawladda KMG ah qodobada kasoo baxay shirka. Horseed Media
  18. QM oo xukuumada cadaadis ku saareysa shir lagu qabto Somaliya Nairobi: (Sh. M. Network) Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Augostine Mahiga ayaa waxaa uu cadaadis ku saarayaa Xukuumadda KMG Soomaaliya inay bilaawdo ololo loogu gogol xaarayo sidii doorasho guud loogu qaban lahaa dalka Soomaaliya ka hor bisha August ee soo socota. Mahiga ayaa waxaa uu sheegay in uu ka dalbanayo Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo Urarada Siyaasadeed inay ka qeyb qaataan Doorashadaasi oo uu tilmaamay inay taageero wayn u hayso Qaramada Midoobay. “Waa in la hagaajiyaa xaaladaha amaan iyo tan siyaasadeed ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya ay dagaaladu aafeeyeen ka hor inta aan la gaarin bisha August si loo qabto doorasho ku dhacda nabad galyo” ayuu yiri Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Augostine Mahiga mar uu la hadlayay Wakaaladda Wararka ee Routers. Waxaa jira qilaaf xoogan oo ka dhaxeeya Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay kaasi oo salka ku haya xiliga ay Xukuumadda ku kororsatay jiritaankeeda, iyadoo ilaa iyo iminka QM ay ka biya diidantahay muddo kororsigaasi, waxaana la’ogayn sida Xukuumadda ay ugu hogaansamayso baaqyada isdaba joog ah ee kasoo baxaya Qaramada Midoobay.
  19. ^^^Since that tribe holds 70% of everything in NW Somalia or the old British colony, why should hey be rewarded huh? Like I said a comrpomise is needed. Chimera made a valid point, however not sure how Hawo Abdi will become President unless you mean, just a head of state with no power. Then yes, the President should go to a Somali worthy of that stature.. Hawo Abdi, Abdi Bile Abdi[ No relations] Nurudin Farah Shiekh Umal Raage Omaar [when he retires] Fadumo Jibril And the PM would then be someone with executive power and manager of government affairs Mustapha Duxulow Gen IlkaJiir Farmaajo Dr Juxa [Puntland Minister of Education] Ahmed Ismael Samatar Abdi Ismael Smatar .............Capable men who can run an office and understand the modern world. Creation of 10 cabinet Ministers with 3 women, capable of steering the country out of trouble. A parliment of no more than 100 clean Somali's who never belonged to any of the old factions, secular or religious. Marka/Barava (executive) Baidoa (judicial) Garowe(legislative) Mogadishu- Largest city- Financial capital
  20. ^^^Yup well said, 70% for the SNM clan. Using violence to force people villages under occupation.
  21. XX is right, 70% for his clan is the "fair share" in his opinion. After all the other combine get 30 %, more than enough for the minorities.