General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa soo gaaray maanta magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,waxaana socdaalka Madaxweynaha ku weheliya xubno kamid ah golaha Wasiirada Puntland. Cabdirixmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa la filayaa in magaalada Qardho uu kulan kula qaato hogaamiye dhaqameedka, maamulka degmada iyo kan gobolka Karkaar. Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdiquraan Maxamed Adam oo la hadlay Horseed ayaa sheegay in Madaxweynaha si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho xarunta gobolka Karkiaar. Waxaa sheegid mudan in Madaxweynaha iyo wafdigiisa saaka ay kasoo ambabaxeen magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Qabanqaabo xoogan ayaa laga dareemaya magaalada Bosaso oo la filaayo in saacadaha soo socda uu soo gaaro isaga iyo wafdigiisa gudaha Bosaso, balse ila wareedyo ka ag dhow Madaxweynaha ayaa sheegay in la filayo in uu ku hakado magaalada Qardho, soona gaaro Bosaso maalinimada berito ah oo ay taariikhdu tahay 29.04.2011 Wixii kasoo kordha socdaalka Madaxweynaha filo goor dhow Horseed Media
  2. M. PL oo boqasho shaqo ku jooga Qardho 28 Apr 28, 2011 - 10:50:10 AM Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole ayaa saaka booqasho shaqo ku tagey degmada Qardho oo ka tirsan gobolka Karkaar iyadoo wararku sheegayaan in halkaas si wanaagsan loogu soo dhoweeyey. Madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa ayaa la filayaa in booqashadaas kadib safaro kala duwan ku bixiyaan qaar ka tirsan degaanada Puntland kuwaasoo iminka ka bilowdeen roobabkii Gu'ga. Wararka aan ka heleyno qardho ayaa sheegaya in Madaxweynaha puntland iyo waftigiisa shirar kala duwan la leeyihiin qaybaha kala duwan ee bulshada halkaas ku dhaqan. Puntland oo ka kooban 8 gobol ayaa dhulka ay ku fadhido waxey tahay mid aad u balaaran marka loo eego degaaanada Somalia. Garowe Online
  3. Culima'udiinka Gobalka Mudug oo baaqyo nadeed ka soo saaray dhacdooyinkii magaalada Gaalkacyo. iyadoo malinimadii shalay ahayd magaalada gaalkacyo uu ka dhacay dagaal khasaare nafaad gaystay islamarkaana dagaalkaasi uu ku bilawday kadib markii siyaabo isku xig xigay loo dilay laba nin oo midkood uu ka mid ah culima'udiinka Gobalka halka ninka kalana uu ka mid ahaa ganacsatada magaalada ayaa baaq arrimahaasi la xiriira waxaa jeediyay Qaybaha kala duwan ee Culima'udiinka iyo waxgaradka Gobalka Mudug. Sh Aadan Maxamed Cigaal oo guddoomiyaha guddiga Dacwada ee Gobalka Mudug oo ka hadlay kulan culimadu ay ka yeesheen dhacdooyinka Gobalkan gaar ahaana dagaalkii shalay iyo saamaynta uu bulshada inteeda kale ku yeelan karo ayaa shegay culama'udiinka Gobalka Mudug in ay baaqyo nabdeed ka soo saareen colaada gobalka Mudug islamarkaana ay ugu baaqeen dhinacyada ay dirirtu u dhaxayso in dagaalka joojiyaan islamarkaana ay nabada wada qaataan. Sh Aadan Maxamed Cigaal wuxuu ku dheraaday dhibaatada saamaynta leh ee dagaalada ahliga ah ay bulshada ku reebaan wuxuuna carabaabay dagaalkani in uusan lahayn wax faa'idaha in u khasaare soo dedejiyo mooyaane. Sheekhu wuxuu ugu baaqay bulshada qaybaheeda kala duwan in ay u istaagaan daminta colaada si uusan dhiig dambe u dhalan sidoo kalana ay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan aqoonyahanada, culimada diinka, Odayaasha, iyo Maamulada Dawladu sidii nabada dib loogu hanan lahaa. Dhinaca kale Odayaasha iyo Waxgaradka beesha ******** oo maanta kulan ku qaatay Hotel KAAH ee xaafada Garsoor ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaada taagan waxay carabaabeen dagaalku in uu si fudud ku bilawday iyagoo ka xuna ay ku baaqayaan joojintiisa maadama Dagaalku uusan wiil ku dhalan in uu ku dhinto mooyaane. Nabadoon Cabdulahi Sacid Warsame Kaytoon oo ka mid ahaa nabadoonadii baaqa jediyay ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin in ay nabada la qaataan walaalahooda xurguftu ay soo kala dhex gashay, wuxuuna taabtay Colaadu in aysan lahayn daba la qabto lakin ay leedahay oo kaliya madex la qabto, sidaas darteedna ay ku baaqayaan in nabada lala qaato maadaama Dagaalku uu yahay mid khasaare u soo jiidaya beelaha walaalaha ah ee magaalada wada Degan hadana aan kala maarmin. Sidoo kale Nabadoon Xusen Maxamud Xirsi Gurey oo isna ka mid ahaa Odayaashii baaqan jeediyay ayaa ku nuuxnuuxsaday waxgaradku in aysan farxad galinayn dhiiga walaalahood ee daadanaya wuxuuse ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidoo loo soo celin lahaa nabadii iyo walaaltinimadii beelaha gobalkan wada dega. Arrintani waxay timid kadib markii isla maanta hotelkaasi KAAH Odayasha beeshan ay kulan aan horay loo shaacin kula qaateen Guddoomiyaha Guddiga Nabadgalyad iyo maamulka ee dhawaan Gobalkan Mudug loo soo magacaabay islamarkaana ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira dhacdadan iyo sidii gacan dhab ah looga gaysan lahaa iskaashiga ku salaysan xalinta iyo hakinta Colaadan
  4. Godomiyaha Gudiga Nabadgalyada & Hormarinta Gobolka Mudug Oo Booqday X.Garsoon kulana Laqaatay Odayaasha iyo Waxgaradka Xafada. Posted by Ali on April 28th, 2011 Galkacyo(Puntlandi.com);- Godomiyaha Gudiga Nabadgalyada & Hormarinta Gobolka Mudug Maxamuud C/raxmaan Cuuke iyo ciidamo uu wato ayaa tagay halkii ay dagaalada ka dhaceen shalay waxaana kulan deg deg ah uulaqaatay Odayaasha iyo waxgaradka xafadaa. Kulanka ayaa ah mid albaaba uxiranyahay waxaana uu kalahadlayaa isku dhacii shalay iyo sida lagu joojinlahaa iskudhac kale oo halkaa kadhaca waxaana haatan uu kulanka ka socdaa Hoteelka Kaah ee xafada Garsoor. Ila ka agdhaw kulanka ayaa Puntlandi.com u sheegay kulanka ay oo xaadireen guud ahaan Odayaasha,Waxgaradka iyo Culimada ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkii dilka ugaystay nin ganacsadaa colaadana ay ka oogantahay.
  5. Gaalkacyo:(Allpuntland)-Shirbalaaran oo ay maanta isuguyimaadeen Odayaasha,waxgaradka,Aqoonyahanada,siyaasiyiinta & madax katirsan Qabiilka .......... oo kamid ah beelaha waaweyn ee dega deegaaanada Puntland ayaa ay ku canbaareeyeen islamarkaasna aysan raali ka ahayn dagaalkii saacadaha socday ee shalay sida deg dega ah uga qarxay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo,waxaana ay sheegeen in dagaalkaasi uu yahay mid aan loo baahnayn inuu sii socda. Qaarkamid ah Duubabkii dhaqanka ee shirka ka qeybgalay oo warbaahinta la hadlay ayaa muujiyey sida ay uga xunyihiin dagaalkii shalay oo dhexmaray dad walaalo ah islamarkaasna ah kuwo ay ka dhaxayso walaaltinimo & derisnimo. Dhanka kale ka qeybgalayaasha shirkani waxay canbaareeyeen jiritaanka hadalo la isla dhexmarayey gudaha Gaalkacyo oo sheegayey in xaafada Garsoor ay fariisin u tahay kooxo diidan jiritaanka Puntland,iyagoo sheegey in warkaasi uu yahay mid ay buunbuuniyeen dad kasoo horjeeda jiritaanka & midnimada Puntland. Cabdiqani Xayir Allpuntland A united approach will bring prosperity to the city
  6. Godomiyaha Gudiga Nabadgalyada & Hormarinta Gobolka Mudug Oo Booqday X.Garsoon kulana Laqaatay Odayaasha iyo Waxgaradka Xafada. Posted by Ali on April 28th, 2011 Galkacyo(Puntlandi.com);- Godomiyaha Gudiga Nabadgalyada & Hormarinta Gobolka Mudug Maxamuud C/raxmaan Cuuke iyo ciidamo uu wato ayaa tagay halkii ay dagaalada ka dhaceen shalay waxaana kulan deg deg ah uulaqaatay Odayaasha iyo waxgaradka xafadaa. Kulanka ayaa ah mid albaaba uxiranyahay waxaana uu kalahadlayaa isku dhacii shalay iyo sida lagu joojinlahaa iskudhac kale oo halkaa kadhaca waxaana haatan uu kulanka ka socdaa Hoteelka Kaah ee xafada Garsoor. Ila ka agdhaw kulanka ayaa Puntlandi.com u sheegay kulanka ay oo xaadireen guud ahaan Odayaasha,Waxgaradka iyo Culimada ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkii dilka ugaystay nin ganacsadaa colaadana ay ka oogantahay.
  7. Dagaal Ka Dhacay Gaalkacyo Iyo Bandow Lagu Soo Rogay 2 hours ago | 0 comments 0 Dagaalkaasi oo u dhaxeeyey laba beelood oo wada dega gobolka Mudug ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,waxaana dagaalka oo soconaayey muddo saacado ah ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soona afmeermay galabta gelinkii danbe. Guddoomiye Kuxigeenka gobolka Mudug Daahir Maxamuud Muuse oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in 5-qof ay ku dhinteen halka 10-kalena ay ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeyey laba beelood oo wadadega magaalada. Wuxuu intaasi ku daray in dadka geeriyoday iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan labada beelood ee dagaalamay taasi oo ay kala dhexgaleen ciidmada ka tirsan Booliska iyo dad rayid ah oo ku kala dhex jiray labada dhinac. Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo ay wadaan hogaamiye dhaqameedka oo ay ku doonayaan in ay ku joojiyaan xiisada keentay dagaalka,kaasi oo ka soconaayey Gaalkacyo. Bandow Lagu Soo Rogay Gaalkacyo Guddiga xaalada deg dega ah ee gobolka Mudug ayaa bandow kusoo rogay maanta[Arbaco]magaalada Gaalkacyo,bandowga oo socon doona muddo 10-maalmood ah ayaa sida uu sheegay Guddoomiyiyuhu wuxuu bilaabanayaa 12-makhribnimo ilaa 12-subaxnimo. Mr.Daahir Maxamuud Muuse ayaa sheegay in bandowga ay kusoo rogeen magaalada Gaalkacyo ay ka danbeysay ka dib markii falal lidi ku ah amaanka ay ka dhaceen magaalada,wuxuuna xusay in ay rajeynayaan in dadweynuhu ay u hogaansamaan amarka kasoo baxay Guddiga xaalada deg dega ah ee gobolka Mudug. Dad Lagu Laayey Magaaladda Gaalkacyo. Saddex ruux oo uu ku jiray nin ka soo jeeda dalka Itoopiya ayaa lagu dilay magaaladda Gaalkacyo,waxaana labada qof ee kale ay qaybka ahaayeen bulshada rayidka ah ee kunoolaa Gaalkacyo. Sababta ka dambaysay dilka marxuumiinta geeriyooday ayaan si rasmi ah loo aqoon,mana jirto illaa iyo hadda cid ay ciidamadu u soo qabteen in ay ka dambeeyaan dilalkaasi. Dhowaan ayay ahayd markii dilal qorshaysan iyo qaraxyo sahayday nolosha dad rayid ah oo ku jiray Agaasimihii diinta iyo awqaafta ay ka dhaceen magaalada Gaalkacyo,waxaana dhacdooyinkaasi dil ay dowladu sheegtay in ay isugu jiraan kuwo aano qabiil salka ku haya iyo kuwo argagaxiso. Waxaa ku sugan magaalada Gaalkacyo wakhtigaan saraakiil ka tirsan Dawladda Puntland oo ka kala socda laamaha amaanka,golaha Wasiirada iyo mas’uuliyiintii loo soo magacaabay gobolka. Xaaladda Gaalkacyo ee Caawa Xaaladda magaaladda Gaalkacyo ayaa degan caawa,waxaana wadooyinka istaraatiijga ah ee magaaladda Gaalkacyo lagu arkayaa ciidamo ka tirsan Booliska oo sugaya amaanka magaalada,taasi oo gebi ahaanba uu joogsaday dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo midkii dadweynaha magaalada. Guddiga xaaladda deg dega ah ayaa uga digay bulshada in ay hub ku dhexqaataan magaaladda,waxaan ay sheegeen cidii lagu arko hub n ay ka qadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan. Dawladu waxay balan qaaday in ay talaabo ka qaadi doonto kwa beegsanaya mas’uuliyiinta iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Horseed Media
  8. Somalina;715025 wrote: Best of luck to the new mayor and governor of Mudug. Thank you my dear Somalina..
  9. Roobab lagu diirsaday oo ka da.ay magaalada Qardho April 27, 2011 // Warar Somaali Wararka ka imanaaya magaalada qardho ayaa lagu soo waramayaa in roobab mudo saacado socday uu ka da,ay qardho iyo nawaaxigeeda. Wararku waxay sheegayaan in markii ay saacadu ahayd 03:00 PM waqtiga qardho uu dhinaca waqooyi ee magaalada gaar ahaan xorgoble ayuu ka soo bilaabmay ilaa iyo 05:00 ilaa 07:00 PM ayuu gudaha magaalada ku da,aayey wuxuuna dhigay biyo Badan.waqtigaa kadib waxaa uu usii gudbay dhinaca koonfureed ee magaalada .roobkan oo hada weli ka daaya duleedka Magaalada qardho. Dadka degaanka ayaa aad ugu farxay roobabkan ka curtay degaanada Puntland iyo dhamaan soomaaliya maadaama uu dalku ku jiray xaalada aad u adag waana raxmada eebe uu ugu deeqay umadiisa.
  10. ^^^Nice pics and a nice party... The Diaspora is waking up at last. Now develop the regions.
  11. Roobab shuux ah oo saaka qabtay magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo. Garowe, April 27 - Roobab qaboojiye ah laguna diirsaday ayaa saaka aroortii ka curtay magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo xilli ay abaarta ka taagan Puntland iyo meelo kale oo ka mida Soomaaliy ay marayaan heer khatar ah. Shuux goos-goos ah ayaa qabtay magaalada Garoowe halka Gaalkacyana ay qabtay roob qaddar kooban socday. Magaalada Garoowe ayaa bari oo ay taariikhdu tahay 28 waxa la qorsheeynayaa in la oogo salaad roob-doon ah, taasoo alle looga baryayo in uu shubo raxmadda guga. Sidoo kale degaanka Kalshaale ee gobolka Cayn ayaa lagu soo waramayaa in uu roobku qabtay. Shalayna degmada Qandala iyo buuraha ku hareeraysan ayaa waxa ka da'ay roobab lagu diirsaday, si waynna ay ugu farxeen dadka degaankaas oo aad ula ildarnaa saamaynta kulul ee abaaraha. Saamaynta abaaraha ka taagan Puntland ayaa maraya heer khatar ah, taasoo ay hadda meelo kala duwan oon, gaajo iyo xanuun ugu dhinteen dad u badan caruur. Roobabka gu'ga ayaa mar horeba ka curtay degaanno badan oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Diiwaanka wararka, Daljir,
  12. Roobab shuux ah oo saaka qabtay magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo. Garowe, April 27 - Roobab qaboojiye ah laguna diirsaday ayaa saaka aroortii ka curtay magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo xilli ay abaarta ka taagan Puntland iyo meelo kale oo ka mida Soomaaliy ay marayaan heer khatar ah. Shuux goos-goos ah ayaa qabtay magaalada Garoowe halka Gaalkacyana ay qabtay roob qaddar kooban socday. Magaalada Garoowe ayaa bari oo ay taariikhdu tahay 28 waxa la qorsheeynayaa in la oogo salaad roob-doon ah, taasoo alle looga baryayo in uu shubo raxmadda guga. Sidoo kale degaanka Kalshaale ee gobolka Cayn ayaa lagu soo waramayaa in uu roobku qabtay. Shalayna degmada Qandala iyo buuraha ku hareeraysan ayaa waxa ka da'ay roobab lagu diirsaday, si waynna ay ugu farxeen dadka degaankaas oo aad ula ildarnaa saamaynta kulul ee abaaraha. Saamaynta abaaraha ka taagan Puntland ayaa maraya heer khatar ah, taasoo ay hadda meelo kala duwan oon, gaajo iyo xanuun ugu dhinteen dad u badan caruur. Roobabka gu'ga ayaa mar horeba ka curtay degaanno badan oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Diiwaanka wararka, Daljir,
  13. Badhan, Apr 27 - Roobabku gu'ga oo in badan la sugayey ayaa maanta ka curtay degmooyin ka mid ah gobolka Sanaag oo ka mid ah gobollada ay sida aadka ay abaaruhu u saameeyeen. Maxamuud Nuur Dabayl, Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo aan ka waraysanay degmooyinka uu roobku ka da'ay iyo inta uu le'eg yahay ayaa sheegay in meelo badan oo ka tirsan gobolka ay ka da'een roobab aad loogu diirsaday. Magaalada Badhan ayaa ka mid ah meelaha uu roobku ka da'ay; Ceel-gooyo, Mindhicir, Cadceedka, Carmale, iyo deegaanka ku xeeran ayaa Md. Dabaly uu sheegay in uu roobku gaaray. Md. Dabayl waxaa uu xusay in uu roobku ahaa roob dabayl wata, illaa iyo hadase aanu wax khasaare ah gaysan ogaalkood. Roobab kan la mid ah ayaa ka da'ay meelo ka mid ah gobolka Cayn sida Xamar-lagu-xidh, Qararo, Banyaal, Dhalaamacune iyo degmada Widhwidh. * Cayn: Roobabkii guga oo si wayn uga curtay gobolka Cayn, kadib saamayn aad u daran oo ay ku reebtay abaartu; Widhwidh oo ay barraaguhu buuxaan. Meelo ka mid ah gobolka Bari, sida Qandala ayaa iyana maalmo ka hor ay ka de'een roobab lixaad leh oo lagu diirsaday. * Bari: Roobab lagu diirsaday oo ka curtay deegannada ku hareeraysan degmada Qandala iyo agagaarkeeda. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.
  14. Cape Guardafui, in Somalia, is the headland that forms the geographical apex of what is commonly known as the Horn of Africa. The Horn of Africa (sometimes called the Somali Peninsula) is a peninsula in East Africa that juts out for hundreds of kilometers into the Arabian Sea, and lies along the southern side of the Gulf of Aden. It denotes the region containing the countries of Eritrea, Djibouti, Ethiopia and Somalia, although the area visible here is exclusively part of Somalia. South of Cape Guardafui is a 40 km long low-lying peninsula in the Bari region of northern Somalia. The promontory juts out into the Indian Ocean, where it is known as Cape Hafun and is the easternmost point on the African continent. The promontory is joined to the mainland at the town of Foar by a sand spit 20 km long, 1-3 km in width and roughly 5 m above sea level. The Cape of the Horn of Africa
  15. Developing this vast region should be a priority to all Somali's and those from Puntland in particular..
  16. The beautiful Raas Casayr region of Puntland has for far too long been neglected by every leader of the State. The ignorance of our leaders and elites is baffling for this region promises a great deal in the development of the state. The fihesries industry, mineral wealth and an enterprising people is what this region holds. The ancient capital of Bargaal is situated in Raas Casayr as well as the important Cape Guardafui peninsular. Thus the need rise and motivation of the locals of this regions brings a great deal of promise. Raas Casayr region as well as all the Eastern Ocean coast need urgent attention and development. There needs to be a development of Roads linking Eyl, Garacad, Xafuun, Bargaal, Bayla, the Cape area and the main road. New ports needs to be developed in Cape Guardafui, Xafuun, Garacad and Eyl. Government offices, schools, police stations and hospitals need to be developed for these regions. Again this is a star and good luck to the cause of Raas Casayr and the development of the Eastern regions. Long live Somalia.
  17. ^^^lol@Gheele, Che is making up stories again. He will tell us he is from Beledweyn next..
  18. Yup it was the people who made this happen and not AS, well done to reer Beledweyne.
  19. Jacaylbaro;714575 wrote: You never know .... She might be kidnapped by Alshabab or those Konfurians as XX would say ........... Let's just hope she will be found save & sound .... So, like with the Zaylac landings are you telling us you need the help of Abi Iley to help with this case?
  20. Warsaxaafadeed uu xarunta Madextooyada ee magaalada Gaalkacyo ku qabtay goor dhawayd Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayuu ku soo bandhigay xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay magaalada Gaalkacyo. Warsaxaafadeedkan oo ay ku saxiixanyihiin xubnaha Guddiga Amniga iyo horumarinta gobalka Mudug ayaa qeexaya in magaalada lagu soo rogay bandaw ka bilaabanaya 5:00 galabnimo soconayana ilaa 5:00 aroornimo waxaana warsaxaafadeedkan lagu mamnuucay in shacabku hub ku dhex qaato gudaha magaalada Gaalkacyo. Warsaxaafadeedkan galabta ka soo baxay guddiga amniga iyo horumarka gobolka Mudug waxaa sidoo kale lagu mamnuucay in magaalada lagu dhex wato gaadiidka muraayadaha dedan oo masuuliyiintu ay tilmaameen in uu qayb weyn ka qaato amaan darrada magaalada iyo falalka qorshaysan. warsaxaafadedkan wuxuu guddigu ku sheegay xaaladani deg dega ah in ay socon doonto tan iyo in gacanta lagu dhigayo amniga guud ee gobalka Mudug gaar ahaana magaalada gaalkacyo wuxuuna guddigu soo jeediyay ibn bulshadu ay u hogaansanaato awaamiirta ka soo baxaysa maamulka ee la xiriira xakamaynta amniga iyo horumarinta. Soo rogidda Xaaladan deg dega ah ayaa ku soo aadaysa xilli Maanta ilaa shalay uu guddigani xilalki kala wareegay Maamulka gobalka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo. The new man has already made some tough moves.