General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo galabta u dhoofaya Nairobi asaga uga sii gudbi Doona Wadanka Mareykanka Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa inuu galabta ka ambabaxo Magaalad Jowhar oo ah xarunta kmg ah ee Dowladda asaga oo ku sii jeeda Magaalada Nairobi oo ah Xarunta Wadanka Kenya. Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa la sheegay in magaalada Nairobi uu uga sii gudbi doono wadanka Mareykanka Halkaasoo la sheegay inuu kaga qeyb geli doono shir madaxeedka 60aad ee madaxda Qaramada Midoobey,safarka madaxweyna Yuusf ayaa la sheegay in ay ku wehlin doonaan xubno badan oo ka tirsan Golayaasha Dowladda,iyadoo la shaaciyay in safarka Madaxweynaha ee u raaci doona Mareykanka ay gaarayaan 11xubnood waxaana lagu dhawaaqay xubnaha raaci doona in ay yihiin Wasiirka Arimaha Dibada C/llaahi Sh. Cusmaaciil, Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Max’ud Max’ed Guuleed Gacma Dheere,Wasiir k/xigeenka Hidaha iyo Dhaqanka Khadiijo Max’ed Diiriye wasiiro Dowlaha Madaxtooyada Dr Khaalid iyo Wasiirka Warfaafinta Maareeye. Xubnahan hore u soo raaci doona Madxweyne Yuusuf ayaa la sheegay in qaar ka tirsan ay iminkaba ku sugan yihiin Magaalada Nairobi,iyadoo xubno kale ee safarkiisana ku wehliya kasii raacaya Maanta Magaalada Jowhar waxaana ka mid xubnaha Jowhar ka raacaya Dr. Khaalid Gacmo dheere oo iyagu Jowhar ku sugan halka kuwa kalena ee Mareykanka U raacaya ay joogaan Nairobi. Madaxweyne Yuusuf ayaa ka qeyb geli Shir bishan Bartamaheeda Magaalada New Yorka uga furmi doona Madaxweynayaasha Qaramada Midoobey. C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Jowhar Midnimo googooye16@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  2. ^^ lol supporting the President of the republic in his noble quest of rbinging stability and peace to our ill nation is a duty. On the other hand you support the tool for all seasons. Like Mohamed Dheere said wait for us we are coming to you.
  3. (WAR DEG-DEG AH) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo saacadaha soo socda u ambabaxay dalka Mareykanka Posted to the Web Sep 13, 13:31 Jowhar (PP) - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu wadaa inuu saacadaha Soo socda ka amababaxo magaalada Jowhar isagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka, waxaana uu sii mari doonaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Madaxweynaha ayaa waxaa uu hoggaamin doonaa wafdi ballaaran oo ay ku jiraan wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo la filayo inuu Madaxweynuhu kula kulmo inta uu joogo Nairobi xubnaha beesha Caalamka iyo Madaxda Hay’adaha UN –ka ee ku sugan Nairobi, waxaana warar lagu kalsoon yahay oo aan helayno ay sheegayaan in Madaxweynuhu kala hadli Madaxda Hay’adaha sidii ay dalka ugu nagaan lahaayeen, isagoo u sheegi doona in ammaankooda uu yahay mid dowladda dusha ka saaran, isla markaana aan loo baahnayn in markii ay doonaanna ay iska baxaan markii ay doonaanna ay dalka soo galaan. Sidoo kale waxaa xalay magaalada Jowhar shir weyn ku yeeshay Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf waxayna ka wada hadleen arrimaha dowladda iyo safar uu Ra’iisul wasaaruhu ku doonayo inuu ku yimaado Muqdisho, uuna uga furi lahaa xafiis ay dowladda Federaalku ku sii shaqeyso inta laga nabadeynayo. Madaxweynaha ayaa magaalada Nairobi uga sii gudbi doona Magaalada Newyork ee daka Mareykanka si uu uga qaybgalo shir madaxeedka UN-ka oo dhacaya 22-ka bishaan September, waxaana la filayaa in Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu kulankaas ka jeediyo warbixinno ku aaddan wixii ay qabatay dowladda Federaalka KMG-ka ah tan iyo intii la aasaasay iyo intii ay dalka gudihiisa ku sugnaydba. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa sidoo kale uu doonayaa in inta uu ku sugan yahay dalka Mareykanka oo soo booqdo gobollo badan oo dalka Mareykanka ah, waxaana la filayaa inuu halkaas kulammo kula yeesho Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Mareykanka. Warar ay Puntlandpost ka heshay xubno ku dhow-dhow Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in madaxweynuhu uu soo booqan doono Soomaalidii wax ku noqotay duufaantii Katrina ee ku dhufatay gobollada Koonfureed ee Dalka Mareykanka. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
  4. ^^^ Yey is President while the Mog's warlords are warlords with temporary titles. I must agree with the old fox on this. He is tired like the rest of the masses at the ********* and sheer ignorance of the boys in Xamar. When will they wake up????? As for Olol and Juma why was Mr Xussen not your hero a few articles ago??
  5. This meeting is nothing more than the final act of a group of doomed men. Why make peace between Morgan and Hiiraale, why now? Why reinvent the Juba alliance , why now? The answers are simple the JVA are facing a grave threat in the form of the TFG.. The aim of this whole meeting is to find new meaning for why the JVA should exist in simple terms to rethink the whole project. The stinch of it all, two small subclans clans from DhusaMareb pretending to be a regional power is quite amusing... Let me add that I have every confidence that tis whole thing will fail as anything headed or lead by Abdiqasin wont get very far.
  6. He always gets into fights. Why this is I dont know? Sharif the tool and his bosses should be given credit for unmasking the myth that is Mogadishu.... Let me add that those who beat on the Sharif should be ashamed...
  7. Omar Xashi has got a big mouth. The man needs t calm himself down. Its not Jowhar's fault he did not become a minister or that he has no support in Hiiraan.
  8. ^^^ Caamir the above mentioned incident has been resolved.
  9. Up to 4000 troops are amaasing in and around the temporary capital of Jowhar. These troops are from Puntland, Central, Hiiraan, Bay & Bakool regions. A new camp will be opened inside Mogadishu to house millitia from banadir. These will number around 5000.
  10. Mohamed Dheere is in a different league compared to the boys from Mogadishu. He has seized the opportunity to become a ntional figure.. Dayniile.com webmaster is surely fed up with his hero Qaynyare and the crew led by tool Sharif. I remember a friend here once saying how far is Balcad to Jowhar, the question is how far is Jowhar to dayniile??
  11. Jowhar:Ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed ee kusugnaa Xerada Luuq-Jeeloow ee Baladwayn oo gaaray magaalada Jowhar halkaasna tabobar uga furmay. - Monday, September 12, 2005 at 10:13 Jowhar(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed ee kusugnaa xerada Luuq-Jeeloow ay gaareen magaalada Jowhar. Ciidankan oo aan si rasmi ah tiradooda naloo soo gaarsiin ayaa hadana lasheegay inay ahaayeen ciidan u diyaar garaysnaa inay kamid noqdaan xoogga dalka kuwaasoo ku labbisnaa dharkii tuutaha. Wararkii ugu danebeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Jowharna waxay sheegayaan in ciidankaasi uu tabo bar uga furmay magaalada Jowhar. Tabobarkaasi waxaa goob joog ka ah qaybaha kala duwan ee saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaan dhigga Soomaaliya. Ciidankan tagay magaalada Jowhar ayaa waxay qayb ka yihiin ciidan loogu talo galay inay noqdaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu aruurinayo xerooyin waawayn oo ku yaalla gobolka Shabeellada dhexe. Ciidamo kale oo ku dhow 1,000 askari ayaa laga filayaa inay ka yimaadaan gobollada Baay iyo Bakool , kuwaasoo tabobar uga socday deegaamo katirsan gobolka Bakool. Marka la isku soo duubo isku dubba ridka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maraya heer gabo gabo , ayadoo sidoo kalana magaalada Muqdisho laga diyaar garaynayo ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidankan la aruurinayo ayaa waxaa dadka qaarkiis ay sheegeen inay doonayaan inay Muqdisho qabsadaan , hase ahaatee waxaa taas gaashaanka ku dhuftay madaxwaynaha Soomaaliya , raysulwasaaraha iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo sheegay inay ciidankan shaqadoodu tahay oo kaliya sugidda ammaanka dawladda iyo shacabka. CCC Farayaamo AllPuntland
  12. Ciidamadii Gobolka Hiiraan ee ku sugnaa Xerada Luuq-jeeloow oo goor dhow soo gaaraya Gobolka Sh/dhexe Posted to the Web Sep 12, 11:32 Jowhar:-Wararka naga soo gaaraya Xarunta KMG-ah ee Dawlada Soomaaliya Magaalada Jowhar ayaa xaqiijiniya in Cutubkii Ciidamadii Xooga Soomaaliyeed oo maalmahan tababaro ku qaadanayey deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ay soo gaareen Xalay saqdii dhexe Deegaanka Buurane, ayagoo ay galbinayeen Ciidamo katirsan maamulka Maxamed dheere oo ku hubeysnaa 21 Tikniko,waxaana lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Jowhar Saacadaha soo socdo. Ciidamadan ayaa waxaa horkacayey Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed General Ismaaciil Qaasim Naaji iyo Saraakiil sare-sare oo ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo dhaqan-celinta Maleesiyaadka. Cutubyadan ayaa horey loo shaaciyay in ay gadoodeen laakiin wareysi uu bixiyay Wasiir-kuxigeenka dhaqancelinta Maleesiyaadka Cali Jeyte ,ayuu ku sheegay in haba yaraatee aysan jirin wax gadood ah balse uu jiray khilaaf ku saabsan xaga fikirka ah oo soo kala dhex-galay Saraakiishii hogaaminaysay Ciidamada,oo qaar ka mid ah soo jeediyeen,in Saanada Ciidanka lagu qeybsado Xerada Luuq Jeeloow,iyadoo inta badan Saraakiisha ay soo jeediyeen in lagu qeybinayo Hubka Xerooyin ku yaal Gobolka Shabeelada Dhexe oo saldhig u ah Ciidanka Xooga Soomaaliyeed. Wasiir-kuxigeenka ayaa dhaliil u soo jeediyay mid ka mid ah Wasiirada Gobolka Hiiraan,wuxuuna ku tilmaamay in uu fidinayo dacaayado ka dhan ah Ciidamada Gobolka Hiiraan,isla-markaana faraha la soo galayo hawshii ay qaban laheyd Wasaaradiisa. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in hubka Ciidamadan loo qeybin doono ay ka mid yihiin,Jaakadaha aan Xabadu karin (Bullet-Proof)iyo ookiyaalaha habeenkii Ciidamadu xirtaan marka ay hawl-gal fulinayaan (Night-Vission). Dhinaca kale shirkadii Hindiga aheyd oo iyadu ku guuleysatay in ay Dawlada Soomaaliya u sameyso Baasaboorada iyo warqadaha aqoonsiga ee Ciidamada ayaa la filayaa mar-dhaw in ay hawsheeda ka bilaawdo Xarunta Dawlada KMG-ah Magaalada Jowhar. Xuseen Yaasiin Gode-Gode Puntlandpost.com webmaster@puntlandpost.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
  13. Maanta oo tababar loo furayo ciidammadii Qaranka Soomaaliyeed ee lagu soo ururiyay Xerada Milateriga ee Congo oo 6-km xagga Bari ka xigta Degmada Jowhar Posted to the Web Sep 12, 11:02 Jowhar:- (PP) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe isla markaana ah xarunta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta loo furayo tababar ciidammada dowladda ee dhawaan laga soo ururiyay gobollada Puntland, gobollada Dhexe, Hiiraan iyo Shabeellada dhexe oo tiradooda lagu qiyaasay 1500-askri. Tababarkan ayaan la shaacin inta uu socon doono, balse wararka ka imaanaya Degmada Jowhar ayaa waxay sheegayaan in tababarkaan uu socon doono muddo kooban, iyadoo la sheegay inay ciidammadaan tababari doonaan saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsanaan jiray ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed. Dhawaan markii ciidammadaan ay soo gaareen xerada Milateri ee Congo ayaa waxaa qaylo dhaan ka muujiyay xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho, waxayna ku tilmaameen in la doonayo in lagu soo weeraro Magaalada Muqdisho, iyagoo sidoo kale sheegay in ciidammadaan ay tababar ku soo qaateen Mustaxiil oo ka tirsan ismaamulka Soomaalida Ethiopia, balse arrintaas waxaa beeniyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay inay yihiin raacii hore ee ciidammada Qalabka sida. Dhanka kale, Xeradaas Milateri oo ay booqdeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Siyaasadda gobolka Shabeellada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa khudbad uu madaxweynuhu halkaas ugu jeediyay ciidammadaan wuxuu ugu sheegay inay yihiin ciidammadii Qaranka Soomaaliyeed sidaa daraadeedna laga doonayo inay ammaanka dalka wax weyn ka qabataan, wuxuuna Madaxwene C/llaahi Yuusuf Sheegay in kuwa diidan in ciidammada dowladda la tababaro isla markaana la keeno qayb ka mid ah dalka ay yihiin kuwo aan doonayn haba yaraateen nabad iyo dowlad ka dhalata geyiga Soomaaliyeed. Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka KMG-ka ah Cali C/llaahi Cosoble Siyaad iyo xubno ka tirsan labada gole oo ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la dhameeyay khilaafkii u dhexeeyay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya kuwooda ku sugan Gobolka Hiiraan oo ku saabsanaa ciidammada gobolka hiiraan ee lagu darayo ciidanka Qaranka ee ku sugan Shabeellada dhexe, wuxuuna sheegay in maanta ay soo garaayaan xerada Milateri ee Congo. Isku soo wada duuboo tababarka ciidankaan ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreysay ee loo furo ciidanka Qalabka sida ee dalka tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii hore ee Soomaaliya. Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile) Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya webmaster@puntlandpost.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
  14. ^^^ Thanks bro.. Tababar maanta u furmay Ciidamdii Gobolada Hiiraan iyo Puntland ee yimid Jowhar Waxaa maanta tababar uga furmay Xerada Cusub ee Koongo oo dhowaan lagu xareeyay Ciidamada ka yimid Gobolada Hiiraan Iyo Puntland. Tababarkan saakay u furmay ciidamada yimid Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socta Dowladda Federaalka KMg,iyadoo ay tababarkana ay ka qeyb galyaan Ciidamada Dhowaan laga keenay Gobolada Puntland Iyo Hiiraan,waxaana la shaaciyay in ay sidoo kale ku lifaaqsan yihiin ciidamo dhowaan laga qoray Gobolka Sh/Dhexe Tababarkan ayaa waxaa saakay furay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo isagu khudboo dheere u jeediyay Ciidamada tababarka maanta u bilowday,wuxuuna Madaxweyne Yuusuf u sheegay Ciidamadan in ay Tababarka u qaataan si wanaagsan,wuxuuna tibaaxay in berri ay yihiin kuwii Dalka difaaci lahaa. Tababarkan ayaa waxaa saakay kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Max’ed Geeddi,Wasiirka Gaashaandhiga Jen C/raxmaan,Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Jen. Naaji,Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen Cali Madoobe iyo Gudoomiyaha Maamulka Sh/Dhexe Max’ed Dheere. Xerada Cusub ee uu tababarka uga furmay Ciidmada Jowhar ku sugan ayaa waxaa loogu magaca daray Xerada Jen. Daa’uud,iyadoo magaca Ciidamada lagu yeerayo ay tahay Cali Jowhar. Dhanka kale waxaa lagu wadaa in Magaalada Jowhar oo ah Xarunta Dowladda ay soo gaaraan ciidamo ka imaanaya Gobolada Dalka,isla markaana la sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan Ciidamada tababarka uga furmay Magaalada Jowhar oo ay ku sugan yihiin. C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Jowhar Midnimo googooye16@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  15. Sheekh Aadan Madoobeâ€Ciidamada Puntland waxay ka mid yihiin Ciidamada Qaranka ee dhawaan la dhisi doono, kuwa diidan waa kuwa ka soo horjeeda in..†Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa ku tilmaamay xubnaha Labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho kuwa ka soo horjeeda dib u dhiska dalka soomaaliya iyo dadkii Soomaaliyed ee kala tagay maanta la mideeyo. “Ciidamada Puntland laga keenay waxay ka mid yihiin Ciidamada Qaranka ee hadda la dhisayo,kuwa diidan ee sheeganaya inay yihiin Xildhibaano Qaran ama Wasiir Qaran waa kuwa diidan in Soomaaliya dib loo mideeyoâ€ayuu ku dooday Wasiirka Garsoorka Dowladda Federaalka soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo muujiyay sida u taageersan yahay keenista Ciidamadaas magaalada Jowhar waxaa uu sheegay in dhankiisa diyaar u yahay in Ciidamadaas ku soo dhaweeyo magaalada Xudur ama Gobolka Baay waa sida uu hadlka u dhigay. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Magaalada Waajid haatan tababar uga socda Maleeshiyooyin laga keenay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya. Sheekh Aadan Madoobe waxaa la og yahay in looga awood roonaaday gacan ku haynta magaalada Baydhabo waxaana kaga adkaaday Xildhibaan maxamed Ibraahim Xaabsade oo xiriir wanaagsan la leh kooxaha siyaasadda ee Muqdisho.
  16. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo shaaca ka qaaday in magaalada Jowhar tahay Xarunta Taliska Ciidanka Soomaaliyeed Shir Jaraa’id uu maanta ku qabtay Magaalada Jowhar ee ah Xarunta Kmg ah ee Dowladda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Max’ed Xasan “Cali Madoobe ayuu kus heegay In magaalada Jowhar ay tahay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Shirkan Jaraa’id uu maanta ku qabtay Jen Cali Madoobe ayuu waxa uu kaga warbixiyay Safaradii ay dhowaantan ku aadeen Wadanka Yugaandha ee ahaa Siminaar uga Furmay Caasimada Kamaala Saraakiil Soomaaliyeed Oo gaaraya 65 sarkaal, wuxuuna Cali Madoobe tibaaxay in 14 sarkaal ay la yimaadeen Magaalada Jowhar,isagoo carabka ku dhuftay in sarkaalada la yimaaday ay dar dar gelin doonaan qaab dhismeedka ciidanka Booliska soomaaliyeed isla markaana hawl gelideeda loo dhaqaajin lahaa. Jen Cali Madoobe ayaa sheegay in Kampaala ay uga soo tageen Sarkaalo gaaraya 47 Sarkaal oo wali tababarka halkaasi uga socda, waxaana bilaabi doonaan Istiraatiijiyada Sanadaha Soo Socda, isla markaana loo hawl geli lahaa ciidanka booliska, waxaan shaqada Booliska la bilaabo goor dhow waxaana looga bilaabi doonaa Deegaan Deegaan, saraakiisha timid waxa ku tal galkoodu tahay sidii ay halkan uga furi lahaayeen saldhiga Booliska Soomaaliyeed uga furi lahaayeen oo hawshiisa bilaabi lahaayeen,saraakiisha timid hawshooda intaas weeyaan,sidii Magaalada Jowhar ay iminkaba u tahay xarunta kmg ah Ee Dowladda sidaasn ayey u tahay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed,saraakiisha tababarada ku siinaya Yugaandha waxa ka kala yimaadeen Australia iyo Ingiiriisa iyo Yugaandha oo tababaro siinaya Saraakiisha ku sugan Kampaala. Jen. Cali Madoobe ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Hawl hooda Dhawaan la dar dar geli doono,wuxuuna sidoo kale sheegay in ay hawlo iminkaba ka socdaan Gobolada Dalka. C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Jowhar Midnimo googooye16@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  17. Warar aynu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed dhowaan ay soo gaarayaan degaanka Warsheekh gaar ahaan Dugsigii Tababarka Ciidamada ee Qorilow. Posted by : webmaster on Sunday, September 11, 2005 - 08:37 AM Warar aynu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed dhowaan ay soo gaarayaan degaanka Warsheekh gaar ahaan Dugsigii Tababarka Ciidamada ee Qorilow. Ciidamadaas ayaa la sheegayaa inay tiro ahaan gaarayaan 1200-Askari oo Hubkooda u dhan yahay, iyadoo halkaas loo keenayo inay ururiyaan, habeeyaan, diiwaan geliyaan xubnihii hore uga tirsanaan jiray Ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho. Sidoo kale Ciidamadaas ayaa la sheegayaa in qeyb ka mid ah la dejinayo Degaano ka tirsan Degmada Cadale. Cutubyadan ayaa la inay sidoo kale soo gaarayaan xeryaha ku yaala magaalada Muqdisho, kadib marka ay soo dhameeyaan ururinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee xerada Qorilow. Ciidamadaas imaanaya xerada Qorilow ayaa qeyb ka ah Ciidamo badan oo hore uga tirsanaa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu ururinayo qeybo badan oo ka tirsan gobolada dalka. Idamaale News
  18. The whole project is aimed at the creation of a new front by uniting Hiiraale and Morgan the senior members of the JVA with the guadance of happles Abdiqasin want to open a new front on the Presidnet by using his own clan. The problem here is that today Morgan has nothing to bring to the table, yes he is a seasoned fighter but without Puntlands support he is just another Jini, Casaha Abdallah. Its a joke and shows the lack of understanding of the new reality on the ground.
  19. ^^^ For once you seem right. The President will not wage war on Mogadishu but will create a new army to bring fear back into the so called big men. Look how much they reacted to the small contingent of the new national forces. Mogadishu warlords and so called courts will be seen for what they are very soon. As for the government its stronger today than it was two months ago. JVA, SUUDI, SHARIF and co are where they were two months ago, for the roadblcoks its the "Amxaaro" in Jowhar. As for Qaynyare who cares, I think too much time should not be given to families and personal issues. Persona non grata if you ask me [pardon my Italian.]
  20. Juma, my son you always run away from the truth. Comparing Adan Cade and the late Abdirashid to Pres Yey is like comparing Zinedine Zidane to Pele. Great players but they are from different eras. However my point was that neither of these leaders where elected by the one man one vote mechansm associated with the will of the "people". Our late President General Siyad was not elected nor even care for such a thing. My point is still valid while yours is..
  21. Reysalwasaare Geedi oo u guuri doona Magaalada Muqdisho Bisha September Nairobi:- Reysalwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliyeed Prof-Geedi ayaa shaaca ka qaaday in uu dhamaadka Bisha September rajeynayo in uu si toos ah Dawladiisa ooga hawlgeli-doonto magaalada Muqdisho. Prof-Geedi waxa uu hadalkan ka sheegay xaflad loo qabtay wafdigii uu hogaaminayey, xafladaas oo uu qaban-qaabiyay Wakiilka Dawlada Talyaaniga u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mario Rafalili oo ka dhacday Magaalada Milano ee Dalka Talyaaniga. Reysalwasaaraha oo qudbad gaaban ka jeediyay xaflada ayaa sheegay, in isagoo tixgelinaaya danta guud iyo maslaxada Shacabka Soomaaliyeed in uu mustaqbalka dhaw la kulmi doono Xubnaha Golahiisa Wasiirada ee mucaaradka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Wakiilka Dawlada Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Mario Rafalili oo ku hadlayey magaca Dawladiisa ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo tegista Reysalwasaaraha ee Magaalada Muqdisho ayna tahay talaabo geesinimo ah oo loo qaaday dhinaca Nabada. Wakiilka oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Dawlada Talyaaniga, ay ka qeyb qaadan doonto dib-udhiska iyo guud ahaan barnaamijyada deg-deg ah ee ay Xukuumadu u baahan tahay, wuxuuna tilmaamay in Dawladiisu ay gacanta ku heyso sidii loo soo de-dejin lahaa dhaqaalihii ay Wadamada Reer Yurub u qorsheeyeen Dawlada Soomaaliya.- So EU has given some money.... Prof-Geedi iyo Mario, waxay sidoo kale kulankaasi iskula soo qaadeen sidii loo meeleyn-lahaa Maleesiyaadka hubka sita, isla markaana shaqo loogu abuuri lahaa. Safarka Cali Geedi ee dalka Talyaaniga ayaa ah kii labaad oo uu halkaa ku tago tan iyo intii xilka loo dhiibay. Reysalwasaaraha iyo wefdigii la socday ayaa markii ay Xaflada dhamaatay u ambabaxay Wadanka Kenya, iyagoo xalay kasoo degay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Reysalwasaaraha ayaa lagu wadaa inuu maanta u dhoofo dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Jowhar ee xarunta dowlada Federaalka. Xuseen Yaasiin Gode-Gode HorseedNet.com
  22. Juma, lol. I only brought the posative news from respected Somali portals and by that I dont mean Hobyonet and Waagacusub. As for the Pres, he has done very well, went to Saudi Arabia got soem good pledges made a good speech and now he is back in the capital Jowhar.. I rememebr some of you here saying that he would not stay in Jowhar, oh how wrong you were and still are.
  23. ^^^ No mate you dont have to be elected by the people. their representatives would do. Some times you can just do a coup like Siyad and become President. As for the point made if Abdullahi is not President then we never had a President, Adan Cade, Abdirashd and Siyad Barre where not President as well since none where voted by the "People" only their reps...
  24. ^^ I dont know about Ethiopia but I bet there are loads of Alcohol and narcotics in Somalia. I hear stories of home grown weed and localy produced alcohol from people hailing from various regions. I agree with what they did but you know what, I would have supported them even more if they burned down some Qad. That would have sent a wonderful message, because thats the one drug thats killing our country..
  25. Saudis to Boost Somalia's War On Terror Posted to the Web Aug 27, 11:51 Nation Correspondent Nairobi The days of terrorist cells operating in Somalia could be numbered. Saudi Arabia has offered to help President Abdullahi Yusuf in destroying the networks, said Somali Foreign minister Abdullahi Ismail. "Definitely. There are terrorist networks in Somalia," he said. He was speaking in Nairobi after President Yusuf made a stop-over in the city while on his way from the Gulf country. According to the minister, the Saudi government also offered financial support to help rebuild the country emerging from many years of civil war and lawlessness. The Somali President landed at the Jomo Kenyatta International Airport at 12.14pm and was received by assistant minister Moses Wetang'ula, Kenya's ambassador to Somalia, Mr Mohamed Affey, Kenya's special envoy to the Somali peace talks, ambassador Bethuel Kiplagat and Somali leaders in the city. He held talks with the officials at the presidential lounge for an hour before leaving for Jowhar, Somalia's transitional capital. Mr Yusuf has been faced with opposition since he left Kenya about two months ago after he was sworn in as the president of the country that had not known peace for more than a decade. Speaker Sharriff Hassan has teamed up with four ministers, formerly warlords, to demand that the transitional government moves its headquarters to Mogadishu. But Prime Minister Mohamed Ghedi and 62 ministers sided with the president and operate from Jowhar, a small town 90km north west of Mogadishu. Source: Nation, 27 August 2005