General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota oo sidiiran usoo dhaweeysay Garaad Jaamac Garaad Ali Garaad Jaamac Dhamaan Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota ayaa sidiiran usoo dhaweeysay Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac usameeysayna Xaflad si heersare loo soo agaasimay ayaa lagu soo dhaweeyey Garaadka. Xafladaasi ayaa ay ka soo qeyb galeen salaadiin ay kala yihiin Suldaan C/Qani Suldaan Cali Saafi iyo Suldaan Ibrow. Waxaa lagu furay Xafladaani Aayadaha Qur'aanka Kariimka, kadibna waxaa magrafoonku uu ugu yeeray Siyaad Cabdimaalik Askar oo ahaa ninkii isku soo dubariday isla markaana ka soo shaqeeynayey in mudo ah ineey arimahan hirgalaan. Ayaa asna ku soo dhaweeyey mikrafoonka garaadka Garaad Jaamac Garaad Ali Garaad Jaamac oo ka gudoomayey Jaamacada Nugaal shahaadooyin iyo waraaqo kale oo larabay in laga dhigo Jaamacada Nugaal Jaamac layeelato xiriir Caalami ah Jaamacadaha Gobolka Minnesota. Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac ayaa mar uu lahadlayey Jaaliyadda waxaa uu yiri waxaad arkeysaa hadii aad tagto wadamada Chad iyo Ruwandha dadyow soomaali sheegta laakiinse aqoon Af-Soomaaliga baa jira buu yiri garaadka. Garaadka oo waaniyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee meeshaasi isugu yimi wuxuu yiri "Anagu waa ineeyan iloowin dhaqan keena". Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac ayaa uduceeyey dhamaan Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota. Garaadka ayaanan lagu tilmaamaa Garaadkii da'da yaraa isla markaana dadku meeshaasi isugu yimaaday layaabeen garaadka sida uu udhalinyaranimadnimada iyo sida uu uleeyahay karaamadii garaadnimo lagu yiqiin. Garaadka ayaa ah nin qunyar usocod ah isla markaana ay amaanayeen dhamaan Jaaliyadda gobolka minnesota garaadka ayaa ahayd waxa lagu amaanay qunyar usocodnimada inuunan ka hadlin wax siyaasad ah. Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac ayaa cariga Mareeykanka ka soo maray sida Gobolka Ohio oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey ayana. Garaadka ayaa ka gudoomayey Jaaliyadda Warbixino iyo Hambalyooyin dhamaan dad isugu jira Culumaa'udiinka Gobolka iyo Abwaano kala duwan. Gabagbadii Xafladaasi ayaa u ekeyd mid si aad ah uu ula dhacay garaadka dadka meeshaasi isugu yimina ay ayaguna ladhaceen Qudbadii Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac. Cabdikarim Ciise (Qaxiye) abdikarim@somaliamericanmedia.org
  2. Sadly I've to confirm to all the participants in here that 'The Jihaad is off'
  3. This is the only picture of the city, the rest women & children with AK-47 is not beautiful, just plain wrong. ....ALSO THE WOMEN OF MOGADISHU ARE THE MOST BEAUTIFUL OF ALL.
  4. ^^^Indeed, mixing clan politics and the sacred faith does not go together.
  5. ^^^Are these news credible? And if they are what are their intentions?
  6. ^^^lol. Even your comments suggest there is a major defeat in the making. The bravado of a few days ago is gone, like IndaCade, did you not give Baidoa 10 days, a while back? Or was that another Rambo outburts. As for the international community, all they did, is do what ever the Clan Courts feared most, remove the arms embargo, and call them a bunch of irresponsable ******. The Somali people will now see, that the calls of "Jihad" is no more than a political stund, a dramatic act to the masses. The parading of women and children with AK-47 will also bee seen as a fear and a message, "Take us seriously". No will, what did one expect from a group led by Yusuf Indacede?
  7. Maxkamadaha islaamka oo dib uga noqday hanjabaadoodii inay weeraraan Ciidamada Dawlada KMG ah Posted to the MOL December 18, 2006, 7:43 pm Muqdisho:- Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maxkamadaha Muqdisho dib uga laabteen hanjabaadoodii innay 7 cisho gudahood ku weerari doonaan magaalada Baydhabo oo ah fariisinka dawlada KMG ah ee Somaliya haddii aysan dawlada Itoobiya kala bixin tababarayaasheeda ciidamada jooga gudaha Somaliya. Maxkamadaha Islaamiga ayaa sheegay in hadalkoodii si qaldan loo fahmay oo aysan doonayn inay duulaan qaadaan 7 cisho gudahood balse ay meeshay ku arkaan ku weerari doonaan ciidamada Itoobiya. Madaxa dacwada iyo warfaafinta maxkamadaha islaamka Muqdisho C/raxiim Muuddeey oo u waramay mid ka mida idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in hadalkoodii ahaa inay 7 cisho gudahood weerari doonaan Baydhabo si qaldan loo fahmay waa sida uu yiri Sh. Muudeeye. Wuxuu ku fasiray in hadalkaasi ahaa mid ay uga jawaabayeen heshiis laga dhexwaday iyaga iyo dawlada Itoobiya. Arintu si kasba ha ahaatee waxaa muuqata hanjabaadii ay ku sheegeen maxkamaduhu inay weerar ku qaadayaan 7 cisho gudahood inay hadda la soo xumatay balse sida muuqata ay waayeen si kale oo ay ku fasiraan iyadoo waayadaan dambe hadalada ka soo baxa maxkamadaha ee goor dambe la xumaada ay ku sheegaan in si qaldan loo fasirtay. Maxkamadaha ayaa waxaa xubno ka ah rag badan oo aan aqoon lahayn sida Yuusuf Indhacade oo u qaabilsan maxkamadaha arimaha nabad galyada isaguna ahaa ninkii sheegay inay 7 cisho gudahood weerar ku qaadi doonaan dawlada KMG ah. Mudugonline.com
  8. JIHAADKII BERRI BILAABAN LAHAA MIYUU BAAQDAY?!! source Jihaadku wuxuu ka mid yahay tiirarka Diinta ISlaamka ku dhisan tahay oo asaaska u ah Shareecada Islaamka, waxaana jira boqolaal aayado Qur’aan ah iyo axaadiis aan xisaab lahayn oo ka hadleysa axkaamta jihaadka, fadligiisa iyo qaabka loo galo, laakiin JIHAAD-ka heerkaas ka jooga diinta ISlaamka wuxuu dunida aanu ku nool nahay ee Isbaheysiga SHARTA Mareykanku hoggaamiyo ka noqday dembi lagu tuhmo cidii sheegta ama ku dhawaaqda. Dalalkii Islaamka ah markii ay burburtay khilaafadii ugu dambeysay Islaamka ee Cusmaaniyiinta, kadibna gumeysigii reer galbeedka dunidii ISlaamka ee dalka kaliya ahayd kala qeybsaday waxaa dal waliba talada u qabtay kooxo ku hoos koray Gumeysiga Galbeedka oo ay hormuudka u ahaayeen Ingiriiska, Faransiiska iyo kuwa la midka ah. Waxa ugu weyn eel ala dagaalamo oo Gaaladu marka ay maqasho ka joogi Karin wuxuu noqday jihaadka, sidaas darted koox iyo maamul waliba oo ISlaam sheegta kaddibna jihad ku dhawaaqa sidaas ayuuba ku xukuman yahay, maamul jihaadka ka dhawaajiya waxaa u dambeeyay kii Daalibaan ee dalka Afghanistan oo la ogyahay sida xaalkiisu ku dambeeyay. Maxkamadaha ISlaamiga Soomaaliya ee qabsaday inta badan Koonfurta dalka Soomaaliya waxay ku dhawaaqeen oo kulansadeen ISlaamkii rasmiga ahaa ee reer galbeedku aanay liqi Karin inay la dagaalamaan maahee, sida ku dhaqanka Shareecada Islaamka, la jihaadka cadowgooda, iyo dadaal u gelista dowlad islaami ah. Laakiin….; laakiin waxaa muuqata in Maxkamadaha arrintii siyaasadeeyeen oo ku dhawaaqida JIHAADKA ka dhigeen caga jugleyn siyaasadeed oo boos riixasho ah ama afka ku eg, tusaale: madaxa Ammaanka ee Maxkamadaha wuxuu ku dhawaaqay toddobaadkii hore inay muddo 7 maalmood ah u qabteen ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay mudadaas kadib haddii ay bixi waayaan inay dagaal jihad ah ku qaadi doonaan. Xilliga la qabtay wuxuu ku eg yahay maanta, berrina haddii lagu warkaasi lagu socdo Talaado waa inuu jihaadku bilowdaa, haddiise xal meel dhexe iyo waanwaan soo dhex gashay iyadoo ay Itoobiya la soo taagan tahay inaanay ciidamadeeda kala baxeynin Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa madaxda Maxaakiimta inaysan JIHAAD-ka ka dhigan dhawaaq ay siyaasad ahaan u adeegsadaan, maxaa yeelay aayaadka Alle sidaas looma sameyn, mana aha inaad isaga dhawaaqdo wax aadan sameyneynin, fadlan madaxda Maxkamadahow JIHAADKII AAD KU BAAQDEEN OOD BALLANTA U QABATEEN HADDII BAAJISEEN, Alle dembi dhaaf weydiista, ummaddana ka daaya jaha wareerinta. BAARAKALLAAH FIIKUM Jabriil Maxamuud Nuur
  9. Shir Puntland iyo Federaalka uga furmaya magaalada Baydhabo Last Updated::2006-12-18 15:51:50 Baydhabo:- Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in uu shir gaar ah magaalada Baydhabo uga furmo Madaxda Dowlada Federaalka iyo Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha DGPL Cadde Musse. Madaxweynaha Puntland Cadde Musse iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Baydhabo, waxaana lagu wadaa in ay dowlada Federaalka kala hadlaan qodobo dhawr ah. Inkastoo aan la shaacin qodobada ay labada dhinac ka wada hadli doonaan ayaa waxaa hadana soo baxaya in ay jiraan heshiisyo la xariira dhinaca horumarinta iyo baaritaanka khayraadka oo ay labada dhinac ka munaaqashoonayaan. Waxaa sidoo kale jira warar kasoo baxaya saraakiisha Federaalka oo sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadli doonaa xaalada Amni ee dalka Soomaaliya. Shalay ayey xarunta Madaxtooyada kulan gaaban ku yeesheen Wafdiga Puntland ka yimid iyo madaxda Federaalka, ayadoo shirarkaasi lagu sheegay mid kala warqaadasho iyo salaan ku kooban. Maanta ayaa la filayaa in labada dhinac ay isugu yimaadaan kulamo khaas ah oo aan laga casumin saxaafada. Hussein Farah HorseedNet.com
  10. ^^^They are already going around in circles. You are right though,. We must give them till Tuesday.
  11. The Clan Courts have egg on their face.. Here is new reports from their mouth piece of Shabbele.. Maxkamadaha: " Si qaldan baa loo fasiray maalmihii aan u qabanay Ethiopia" Mogadishu 18, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa sheegay in xalka kaliya ee Somalia uu yahay in ay is casisho dowladda KMG ah, isla markaana looga badbaadikaro dagaal sokeeye oo ka dhaca gudaha Somalia, iyadoo dhinaca kale maxkamadaha islaamka ay sheegeen in maalmihii ay u qabteen ciidamada Ethiopia in ay kaga baxaan gudaha Somalia si qaldan loo fasiray. Madaxa dacwada iyo warfaafinta maxkamadaha islaamka Somalia Sheelh C/raxiim Muuddeey oo u waramay Shabelle ayaa sheegay in hadal dhowaan ka soo baxay maxkamadaha islaamka ee todobo maalmood ay u qabteen dowladda Ethiopia in ciidamadeed ay kala baxdo Somalia uu yahay mid si qaldan loo badalay oo maxkamadaha islaamka aanu ula jeedin in haddii todobada maalmood ay dhamaato ay weerari doonaan fariisimaha ay ku sugan yihiin ciidamada ethiopia ee ku sugan Somalia. Sheekh C/raxiim Muuddeey ayaa waxa uu sheegay in hadalkaasi ka soo baxay Mas'uuliyiinta maxkamadaha islaamka uu ahaa mid sharuud ay kaga dhigayeen wada hadal uu xusay in Ethiopia ay ka codsatay dowladaha Yemen iyo Jabuuti in ay ka dhex sameeyaan maxkamadaha iyo dowladda Ethiopia si qilaafka dhexdooda ka aloolsan loo qaboojiyo, waxa uuna tilmaamay in maxkamadaha ay doonayeen in ka hor inta aan wada hadalkaasi furmin laga bixiyo gudaha Somalia ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha Somalia. Waxa uu sheegay in haddiiba ciidamada Ethiopia ay wali ku soo qulqulayaan dalka Somalia au tahay in aynu iska difaacno, isagoo sheegay in aanu aheyn weerar maxkamadaha islaamka. Cabdi raxiim Muudeey ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in xalka Somalia uu ku jiro in dowladda KMG ah ah ay is casisho, isagoo sabab kaga dhigay in dowladda Somalia markii la dhidbay ay sheegtay in ay is casileyso hadii ay wax qaban weyso, waxaana uu ka dalbaday dowladda Somalia in ay u madax baneyso ku dhaqanka shareecada islaamka. Si kastaba ha ahaatee hadalada ka soo baxay Mas'uulkaan ayaa ku soo beegmay xilli maanta ay ku ekeyd 7 dii maalmood ee Maxkamadaha ay u qabteen ciidamada Ethiopia in ay kaga baxaan gudaha Somalia. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net
  12. The farce has been exposed the Clan Courts have now made adramatic U-turn on the seven day ultimatum. Thus the whole " We want to fight" Ethiopia is nothing but a smoke screen. Maxkamadaha: " Si qaldan baa loo fasiray maalmihii aan u qabanay Ethiopia" SOURCE The ignorant who take IndaCade and Xasan Dahir as being serious, are the real losers in all this.. :
  13. Maxaakiimta Islaamiga oo kalaabtay Go,aankii ay 7 maalmood ugu qabteen Ciidanka Ethiopia eek u sugan Dalka soomaaliya . Hobyonet. Muqdisho. Axad, dec 17, 2006 Ka laabashada Go,aankaan ayaa soo if baxay kadib markii Shir Jaraa,id oo ay Magaalada Cadan ee Dalka Yeman ay ku wada qabteen Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya shariif Xasan Sh. Aadan iyo Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga Sh.Shariif Sh. Axmed Shirkaan Jaraa,id ayay labada Masuul ku soo bandhigeen qodobo dhowr ah oo ay ku heshiiyeen oo ay ka mid tahay in laga fogaado waxii keeni kara Dagaal dhex mara Dowladda FKMGS iyo MMIS, Shariif Xasan ay aa isagu sheegay in uuu matalayo Baarlamanka Soomaaliyeed wax walba oo heshiis ah ee lala Galayo Maxaakiimta uuna diyaar uyahay in uu ka Qeyb qaato Wadaxaajood walba oo Nabadeed. Sida la xaqiijiyay Maxkamadaha ayaa Mabd,a ahaan aqbalay in ay ka laabtaan go,aankii dhawaan uu ku dhawaaqaya Ninka Maxaakiimta uqaabilsan Amniga Sh. Yuusuf Siyaad Indhacde oo ahaa in ay mudo 7 Maalmood ah ay Ciidanka Ethiopia eek u sugan Dalka Soomaaliya ay isaga Baxaan Hadii kale ay la kulmi doonaan Cawaaiqib Xumo,Maxaakiimta ayaa sheegay in ay lagama Maarmaan tahay in ay in Ethiopia ay ka baxdo Dalka Soomaaliya laakiin aysan wax Weeraar ah qaadayn 7 maalmood ay horay u Qabteen Dhanka kale Wasiirka arimaha Dibada Dalka Yeman abuubakar Al-Qirbi ayaa sheegay in uu xariir la sameeyay Madaxda sar sare ee Xukuumada Ethiopia ayna diyaar u yihiin in ay wadahadal lagalaan Maxaakiimta Islaamiga C/risaaq jaamac cilmi (Black)
  14. ^^^We are indeed in the cross roads. Those who gave the 7 day ultimatum must live up to it..Other wise??
  15. Has anyone used this service? If yes, can you give me some feedback... Many thanks
  16. Talk is big, imagine "Islamists" who can not keep their word.. Maxaakiimta Muqdisho oo 7 maalmood u qabtay Ciidamada Itoobiya in dalka Somaliya uga baxaan Last Updated::2006-12-12 13:15:38 Muqdisho:- Hogaamiyaha u qaabilsan Maxaakiimta Muqdisho dhinaca Amniga Yusuf Siyaad indhacade ayaa warsaxaafadeed ku qabtay Muqdisho. Shirkan Jaraa'iid ayuu ku sheegay Yusuf Siyaad Indhacade in ay 7 maalmood u qabanayaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya in ay halkaasi isaga baxaan. Indhacade ayaa sheegay in ciidamadaasi Itoobiyaanka ah ee ku jira gudaha Soomaaliya hadii ay bixi waayaan ay dhicidoonaan dhibaatooyin culus. Hanjabaadan ayaa kusoo aaday xili ay jiraan xiisado iyo saan saan colaadeed oo u dhaxeysa DFKMG iyo Maxaakiimta Muqdisho. Maleeshiyooyinka Maxaakiimta ayaa dhaq dhaqaaq ka wada deegaanada Diinsoor ( G/Bay), Teygloow (G/Bakool), iyo gobalada Jubooyinka. Yusuf Siyaad Indhacade ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan ciidamada Itoobiyaan ah oo ku sugan xadka u dhaxeeya Kenya iyo Somaliya, asagoo sheegay in ay dowlada Kenya uga digayaan in dalkooda loo adeegsado goobo looga soo duulo dalka Soomaaliya. Digniintan ayaa lagu sheegay mid jidka loogu sii xaarayo dagaalo laga cabsi qabo in ay dhacaan gudaha dalka Soomaaliya. Warsaxaafadeedkan ayaa lagu soo beegay saacado kahor intuusan magaalada Muqdisho ka bixin Shariif Axmed oo ah guddoomiyaha Golaha Fulinta oo kusii jeeday dalka Yemen. Shariif Axmed ayaa lagu wadaa inuu dalka Yemen u tago arrimo la xariiro waan waan laga dhex wado Dowlada Soomaaliya iyo Maxaakiimta Muqdisho. Shirkan Jaraa'iid oo uu qabtay Yusuf Siyaad Indhacade ayaa ah mid caqabad ku noqon kara waan waanta la wado isla markaana sare u sii qaadi kara xiisada colaadeed ee laga dareemayo guud ahaan dalka Soomaaliya. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  17. ^^^Saxib, the outlaws made the threats and trust me it is another grave mistake on their part. Tell Amir IndaCade to start packing.
  18. I love the U-turn, saxib, it will take more than bluffing to move the TFG out of the way. They huffed and puffed, but are unabke to blow the house down..
  19. Somalia PM says Sudan shuts the door of Somali peace talks Somaliweyn Media Center (SMC) The prime minister of Somalia’s interim government Ali Mohamed Geddi has charged Sudanese government with closing the door of the peace and supporting the views of what he ha termed the terrorists in the country, his rivals, the Islamic courts. A rare interview with Mogadishu’s based Simba FM station, the PM said president Al-Bashir of Sudan opposed the proposed African peacekeepers deployment in the horn of African country as at the same time calling for the bringing African forces in his war-ravaged region of Darfur. The move means confronting lasting peace in Somalia, because the up coming forces are intend to stabilize the country, Geddi said. “Sudan is not neutral about the imposes of Somalia, its alongside with the Islamic courts so it cant longer host Somalia peace talks” he added. The Ethiopian backed PM of Somalia pointed out that president Al-Bashir is side with the Islamists in the country with Geddi said have links with the international terrorists and making the horn of African region haven for the militants. “The government is for peace, but at every time is under the aggression of the Islamic forces who see the military option is solution for Somalia’s dilemmas” the PHD holder professor said during his interview with Simba. He said the Islamic courts are hiding terrorist cells in Mogadishu’ hotels, an allegation with the Islamic courts emphatically threw out. “The government still gear up for peace talks but it doesn’t know whom deserves to be negotiated, these (Islamic courts) a alongside four thousands foreign fighters surrounded us, in attempts to attack us” he said. He once more dismissed that Ethiopian fighting forces are in Somalia, saying the local media cant see the foreign extremists in the country, but only exaggerating the Ethiopian trainers with government, adding that the government ha the right to call any supports to reestablish the Somalia army. Source: SMC
  20. ^^^You guys seem to be losing the plot, it was the clan courts and their puppets who were making the threats of war and parading women and children with gun, why then the U-turn on the celebrated 7 day threat by Amir IndaCade of lower Shabbele? Its becoming a farce trust me.
  21. Dowladda Yemen oo ku qancisay Sheekh Shariifka maxkamadaha iney ka laabtaan mudadii 7-da cisho aheyd ee ay u qabteen ciidamada Itoobiya Kulan 3 geesood ah ayaa shalay magaalaada Cadan ee dalka Yemen ku dhexmaray wasiirka arrimaha dibeda dowladda Yemen Abuu-Bakar Al-ghurbi, Guddoomiyaah baarlamanka shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddoomiyaha golaha maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana kulankaasi laga soo saaray 8 qodoib oo ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo golkaha maxaakiimta. Wasiirka arimaha dibeda ee Yemen oo halkaasi ka hadlay ayaa ku nuxnuuxsaday in dowladiisu ay diyaar u tahay iney ku dhameyso xaalada Soomaaliya, qaab dib u heshiisiin ah si loo celiyo nabad ku wada noolaanshihii ummada Soomaaliyeed. Sida ay faafisay wakalada Wararka Yemen (SAPA) guddoomiyaha golaha maxaakiimta ayaa sheegay in maxaakiimtu diyaar u aheyn in dagaal cusub ay ka huriyaan gudaha Soomaaliya, isagoo xusay inay ka door bidayaan in miiska wadahadalka laagu dhameeyo khilaafka jira. Guddoomiyaha maxaakiimta ayaa sheegay in mudadii 7-da cisho aheyd ee ay qabteen Itoobiyaanka ay mabda'ahaan ka laabteen, wuxuuna xusay in maxkamaduhu ay so dhoweynayaan in khilaafka taagan ay soomaalida dhexdeeda ka xalisato. Cabdishakuur Cilmi Xasan, Muqdisho, Somali Cabdishakuur48@hotmail.com News Update in English www.dayniileone.com