
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
R/wasaare Geeddi “Maxkamad ku sheega haddii ay Itoobiya doonayaan wey yaqaanaane dalkeeda ha u raadsadeen, haddii ay dan kale leeyihiina ha soo socdaan” Ra’iisal wasaaraha xukuumadd KMG Prof. Cali Max’ed Geeddi oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa jawaab kulul uga bixiyay diginiintii ka soo yeertay golaha maxkamadaha islaamka ee aheyd in ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan dalka gudihiisa ay 7 cisho uga baxaan, haddii kalena ay weerari doonaan, isagoo ra’iisal wasaaruhuna ku tilmaamay warkaasi war loogu soo mar marsoonayo dagaal lagu soo qaado fariisinka dowladda ee Baydhabo. Ra’iisal wasaare Geeddi ayaa u sheegay maxkamadaha in haddii ay doonayaan Itoobiyaan ay u raadsadaan dalkooda, haddii kalena ay cadeystaan inay doonayaan duulaan ay ku soo qaadaan magaalada Baydhabo “Maxkamad ku sheega haddii ay Itoobiyaan doonayaan wey yaqaanaane dalkeeda ha u raadsadeen,; haddii ay dan kale leeyihiina ha soo socdaan waxay naga helaan bey leeyihiine, wax badan ayaan isku daynay inaan baajino dagaal dhex maraya dowladda maxkamad ku sheega, oo aan is laheyn shacabka Soomaaliyeed ee daalan yaan la dhibaateyn” ayuu yiri Geeddi oo ka dhawaajiyay inay ka dhamaatay dul qaadkii ay u hayeen maxkamadaha midoobay ee Muqdisho. Sidoo kale, ra’iisal wasaare Geeddi ayaa maxkamadaha ku eedeeyey inay ciidamo ajaanib ah ku soo daabulayeen maalmihii ugu dambeeyay magaalooyinka Buur-hakaba iyo Diinsoor oo ay maamusho dowladda KMG Soomaaliya, sida uu yiri iyagoo doonaya inay weeraraan magaalada Baydhabo. Garaad Salaad Xirsi garaadcadde@hotmail.com
-
^^^Saxib the TFG never had these towns in the firts place, this control as I have said is based on the barrel of the gun, the local populations wont save IndaCade when they start losing which is not long.
-
^^^lol. The people of Bay, Bakool, Gedo, Juba's and even Banadir are not from the same clan let alone tribe with these dudes. This the weakness of the argument of the courts, there is no relationship between the population and the rulers other than the gun... Take it way and its a different world.
-
^^^But the people know who IndaCade is, who Xasan dahir is and so on.
-
Unity of All Somali Tribes Against Ethiopia!
General Duke replied to Alle-ubaahne's topic in Politics
^^^Nicely put. -
Puntland parliment rebuff Pres Cade privatisation plan...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Garoowe: Baarlamaanka Puntland oo si buuxda uga soo hor jeestay qorshe uu soo hor dhigay madaxwaynaha Puntland. Arbaco,December 13, 2006 Garoowe (AllPuntland)- Baarlamaanka DGPL ayaa waxa ay cod u qaadeen mooshin uu soo hor dhigay madaxwaynaha DGPL oo ku aadanaa in korontada magaalada Boosaaso lagu wareejiyo shirkad ganacsi ah oo si gaar ah loo leeyahay. Hoolka shirarka ee baarlamaanka Puntland oo ay fadhiyee 51 mudane ayaa waxaa looga dooday qorshe ay soo diyaariyeen guddi ay iska dhex magacaabeen baarlamaanka oo ku aadan arintaasi. Gudigaasi oo isku raacay soona jeediyay in go`aankaasi aan la meel marin ayaa waxa ay maanta soo hor dhigeen kalfadhigii golaha. 45 mudane oo ka mid ah xildhibaanadii fadhiyay ayaa waxa ay taageereen go`aanka looga soo hor jeesanayo meel marinta go`aankaasi uu soo jeediyay madaxwaynaha ee ku aadanaa in shirkadda Eeneeye lagu wareejiyo ganacato Soomaaliyeed. 1 mudane ayaa taageeray go`aanka xukuumadda, halka 5 mudanana ay ka aamuseen. Maalintii shalay ayaa madaxwaynaha Puntland waxa uu baarlamaanka hor dhigay qorshahaasi, iyada oo ay isla markaasiba xildhibaanadu muujiyeen mucaaradadooda ku aadan arrintaasi. Waxa ay golaha baarlamaanku sheegeen in dawlad goboleedka Puntland looga baahan yahay in ay daboosho baahida shacabka ayna gacanta ku hayso quwadaha korontada. Mahad Jama Koronto AllPuntland -
GAROOWE : Golaha Wakiiladda Puntland oo diiday in la iibiyo Xooga Korantada Eeneeyo-Boosaaso Posted to the Web Dec 13, 19:08 Garoowe:-Golaha Wakiiladda DG Puntland ayaa maanta si wayn uga soo horjeedsaday in la iibiyo xooga-korantada Boosaaso waxayna cod-aqlabiyad ah ku diideen in gabi-ahaanba shirkadaasi laga iibiyo ganacsatada. Dood-dheer kadib ayaa Goluhu uu codayn u qaaday in la iibiyo shirkadan iyo in qayb ka mid ah (Shares) laga bixiyo oo ay ganacsatadu ay maalgashadaan , Xubnaha Golaha oo ay fadhiyeen 51 Xubnood oo ka mid ah 66-ka Xildhibaan ee uu Goluhu ka kooban yahay ayaa waxaa ka soo horjeedsaday in la iibyo gabi’ahaanba Shirkada 45 Xildhibaan , 5 Xildhibaana waa ay ogalaadeen in la iibiyo, 1-Xildibaana waa iskaga aamusay. Golaha ayaa soo jeediyay in qayb ka mid ah laga bixiyo saamiyo (shares) oo ay ganacsatadu ay maalgashadaan balse aan la ogalaan-karin in la iibiyo shirkada oo dhan. Dooda iibinta Shirkada Eeneeoyo ee xooga Korantada-boosaaso ayaa shalay waxaa Golaha hordhigay M/waynaha Puntland Cadde Muuse wuxuuna sheegay in uu isagu soo jeedinayo in shirkadaasi laga iibiyo ganacsi dalka maadaama aysan dawladu aysan wadi-karin wuxuuna sheegayin uu isagu u danaynayo bulshada. Cadde Muuse wuxuu sheegay in ay shirkadu najaxayso oo ay bulshada ay si wanaagsan ugu shaqaynayso haddii laga iibiyo ganacsatada , wuxuuna tusaale u soo qaatay shirkadaha korantada ee ka jira magaalooyinka , Gaalkacyo , Laascaanood iyo Qardho oo dhammaantood ay leeyihiin shirkado si gaara loo leeyahay (Private companies) islamarkaasna ay dadka si wanaagan ay ugu adeegaan. Golaha ayaa iyaku ku dooday in Dastuurka dalka u dagsan uu sheegayo in aan la iibin-karin hanti dawladeed oo qiimaheedu uu ka badan yahay $ 100,000 , sidaasdarteedna haddii la iibiyo shirkada Eeneeyao ay dambi tahay. Diid-mada Goluhu uu maanta ku diiday cod-aqlabiyad ah in la iibiyo shirkada Eeneeyo ayay waxay dhabar-jab ku tahay soojeedinta iyo Codsiga uu M/wayne Cadde Muuse uu shalay Golaha muddo saacado ah uu ugu sharaxay in la iibiyo shirkada Eeneeyo ee Xooga-korantada Boosaaso. Axmed C/salaam Garoowe , Puntlandpost.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
-
^^^A good point indeed. The USC, ICU commited more crimes against the locals of Mogadishu than anyone outside it.
-
Ethiopia laughs off IndaCade's threat... Clan Court media reports..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lol. and being Omar Jess's nephew makes you superior? Saxib you dont need to bring clans into this. -
Ethiopia laughs off IndaCade's threat... Clan Court media reports..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Amusing indeed. Though the bullies, IndaCade and Xasan Dahir who have been a plague on the people of Somalia notably the Lower Shabbele have found an even bigger bully facing them. No longer can they hide and their media is all so confused, like they were when the warlords where losing. I am again, not a player in Somali affairs, though I can sense where the wind is blowing. -
^^^Hey people need to elt Red Sea be, he supports the Clan Courts of Mogadishu that does not support the very existance of Somaliland. Who according to Faisal Warrabe are working with Djibouti to destroy Somaliland. He supports a group that has Xasan Turki a man alleged to have killed many Somaliland civiliansa by Somalilanders. Red Sea, stick to your principles man, go to Mogadishu and defect from this unholly thing called Somaliland, and set up a Court and lead jihad against the ognorant folks of your region....
-
Ethiopia laughs off IndaCade's threat... Clan Court media reports..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamo Ethiopian ah oo lagu soo daad gureeyay Magaalada Baydhabo. Baydhabo, Arbaco, 13 Dec 06 Simba Radio Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay ayaa sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah oo dheeri ah halkaasi lagu soo daad gureynayo ilaa habeenimadii xalay, iyadoo dabaabado aad u fara badan ay Ciidamadaasi keeneen Magaalada Baydhabo. Dad goob joogayaan ah oo Magaalada Baydhabo degan ayaa Idaacada Simba u xaqiijiyeen in Ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah xalay ilaa saakay ay kusoo qulqulayeen Magaalada Baydhabo, Xili Maxkamadaha Islaamiga ay toddobo cisho u qabteen iney Dalka ugu baxaan. Warar saakay aan ka helnay dadka beeraleyda ah oo beerahooda ay ku dhow dhow yihiin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in diyaarado ay leedahay Dowlada Ethiopia ay saakay garoonkaasi kasoo degeen, iyadoo dadka deegaanka loo diiday iney ku dhawaadaan aagaasi. Si kastaba ha ahaatee, Dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog badan ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo, xili Golaha Ammaanka ee QM ay sheegeen in Ciidamo Nabad Ilaalin ah loo soo diri doono Dalka Somalia si ay u taageeraan Dowlada Federaaalka Somalia . Simba Media Center , Mogadishu -
Ethiopia laughs off IndaCade's threat... Clan Court media reports..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Simba radio a Waagacusub news media corp.. Also reports the Ethiopian response.. Dowlada Ethiopia oo ku gacan seertay waqtigii 7 cisho ah ee Maxkamadaha ugu qabatay iney ciidamadeeda kala baxso Somalia. Addis-Ababa, Arbaco, 13 Dec 06 Simba Radio Dowladda Ethiopia, ayaa ku gacan seertay waqtigii toddobada maalmood ahaa oo ay Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ugu qabteen inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Somalia, waxaana ay sheegtay inaysan ciidamo ka joogin dalka Somalia. Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ethiopia Zemedkun Tekle, ayaa sheegay inuu ku wareeray go'aanka kasoo baxay Golaha Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed. "hadalka ku saabsan in Ethiopia ay ciidamadeeda kala baxdo dalka Somalia, waa hadal aan saldhig lahayn,, oo dhowr jeer oo horey lagu soo cel celiyay, nagama joogaan Somalia wax ciidan dagaal ah, sidaa darted waxa ay ka hadlayaan arrin aan xaqiiqdii meeshaba oolin”ayuu yiri Zemedkun Tekle , waxa uu sheegay in dalkiisa aanu wax qorshe ah ka lahayn in la taliyayaasha military uu kasoo saaro dalka Somalia, kuwaasi oo u jooga sida uu sheegay inay tabbaraan ciidamada Dowladda KMG ah. Waxa uu sheegay in marka ay la Taliyayaashaasi dhameysteen howshooda dalka Somalia laga soo daad gureyn doono. “Dowladda KMG ah eee Somalia, ayaa ina weydiisatay inaynu u diro la taliyayaashaasi, mar allaala markii ay dhameystaan shaqadooda halkaasna, waxa ay noqon doonaan kuwa lasoo daad gureeyo”ayuu yiri Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ayaa shalay ku hanjabay in ay weerari doonaanaan Goobaha Ciidamada Itooobiya ay ka joogaan Dalka Soomaaliya, hadii Itoobiya ay ciidamadadeeda uga saari weydo dalka Muddo 7 cisho ah. Simba Media Center , Mogadishu -
Ethiopia laughs off IndaCade's threat... Clan Court media reports..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Horn-Afrik + Onkod website, report heavy Ethiopian troops movements. Maxaakiimta Islaamka oo hadlay iyo Zenawi oo jawaabay. Posted on Wednesday, December 13 @ 16:16:24 EST by editor Onkod News, Muqdisho: Sida ay u sheegeen Maxaakiimta islaamka Saciid Nabadoon oo ka tirsan Onkod oo socdaal shaqo ku jooga haatan magaaladda Muqdisho in Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa xalay dhaqdhaqaaq xoog leh ka waday magaalada Baydhabo kuwaas oo u soo ruqaansaday goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada golaha maxaakiimta Islaamka iyo kuwa dowladda fedraalka ee gobolka Bay. hase yeeshee Melez Zenaawi ayaa isna ka sheegay Addis Aaba in Maxaakiimtu ay dhibaato ku hayaan dalkiisa isla markaana Hanjabaado soo jireen ah ayuu ku tilmaamay maxaakiimta Islaamka. Illo madax banaan oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa xaqiijinaya in ciidamadan oo watay in ka badan 45 gawaarida oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa ciidamada lagu daabulo ayaa soo maray xalay bartamaha magaalada Baydhabo iyagoo ku sii jeeda duleedka magaalada halka lagu magacaabo Maaya fuulka oo muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamada Itoobiyaanka dhufeyso ka sameysanayeen kaddib markii ay ka soo ruqaansadeen gooba ay hore fariisimo u ahaa oo ay ka mid yihiin Mooda-mooda, Deynuunaay iyo kuwa kale oo qaarkood imminka ay ku sugan yihiin ciidamada maxaakiimta Islaamka. Dhaqdhaqaaqan oo si weyn looga dareemay magaalada Baydhabo ayaa waxa ay ka dambeysay kaddib markii xoogaga maxaakiimta ay maalmihii ugu dambeeyey ku sii saqayeen deegaano ku dhow dhow magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamada dowladda oo Itoobiyaanka ay wehliyaan ay isaga baxayeen fariisamahooda kaddib markii ay ku soo dhawaadeen kuwa maxaakiimta Islaamka iyadoo aaney wax dagaal ah dhexmarin. Ma cadda ilaa iyo imminka ujeedada ka dambeysa in ciidamada Itoobiyaanka mar kale ay dhaqdhaqaaq ka bilaabaan gobolka Bay gaar ahaan xarunta dowladda fariisinka u ah ee Baydhabo. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli shalay golaha maxaakiimta Toddobaad u qabteen inay kaga baxaan ciidamada Itoobiyaanka dalka Soomaaliya ku sugan haddii kale ay la jihaadayaan. Onkod News, Muqdisho Onkod + HornAfrik. -
First of the BBC/SOMALI service... Zenawi oo sahashaday digniintii la siiyey Ra'iisalwasaaraha Ethiopia, ayaa wax aan sidaas u sii weyneyn ka dhigey digniin ay Maxakiinta Islaamku ku sheegeen in todobaad ay ciidamada Ethiopia kaga baxaan Soomaaliya. Mudadad todobaadka ah ee Maxaakiinta Islamlu u qabteen ciidamada Ethiopia ayuu Meles Zenawi ku sheegey iney tahey hanjbaad horeyba loo sameeyey. Isagoo arinkaas ka hadlaya waxa Zenawi yiri "waxa cusub kuma arko, horey ayeey u hanjabayeen ooy ku dhaqmayeen ficiloo ku saleysan hanjabaaddooda; wax cusubna kama dhex arko". Zenawi 'hanjabaaddu nagu cusba' Waxa Zemnawi intaas raaciyey Maxkamaduhu muddo dhowr biloodba wey wadeen hanjabaaddaas sheegeysa iney dagaal ku qaadayaan Ethiopia, weyna ku soo qaadeen. Iminkana ma muuqadaan wax kuwaas ka duwan oo cusub oo mudan in laga jawaabo". Waxa kale Mr Zenawi intaas ku darey in waxa dowladdiisu waddo ay tahey in arimhaas logu dhameeyo si nabadi ku jirto. Ugu dambeyn waxa Zenawi uu carabku ku adkeeyey in haddii nabad lagu dhameen waayo arimha socda, ay aatsi horseedi karto nasiib-darro weyn oo dhacda,
-
Images of the week, deperate Clan Courts....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Saxib the Shabaab are no more than IndaCade's thugs with a new branding. A joke really when old Man Turki is part of the Shabaab.. -
Baidoa: government radio coming on air soon.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
More on the same story..web page -
BAYDHABO: Idaacad FM ah oo ku hadasha Afka Dowladda oo dhawaan hawada soo galaysa Posted to the Web Dec 13, 09:43 Baydhabo (PP) - Warar ka soo baxaya xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Baydhabo ayaa daboolka ka qaadaya in dhawaan hawada ay soo geli doonto Idaacad FM ah oo ku hadasha Afka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Idaacadda oo howlaheeda la dhameystiray ayaa la sheegay inay dhawaan hawada soo geli doonto, inkastoo aan weli caddeyn maalinta ay rasmi ahaan hawada u so galayso Idaacaddaas. Sida wararka soo baxaya ay sheegayaan idaacaddaan ayaa waxaa loogu magacdaray IDAACADDA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOMALIA, waxayna howlaheeda ka billaabi doontaa Magaalada Baydhabo oo ay dowladda federaalka Soomaailya daggan tahay. Dhismaha iyo qalabeynteeda Idaacadda ku hadlaysa afka Dowladda Federaalka ayaa la dhameystiray sida wararku tibaaxayaan waxaana lagu wadaa in codkeeda uu gaaro Magaalada Gobollada Shabeellada Hoose, Bay, Bakool iyo Gobolka Gedo, iyadoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan inay gaari karto cod ahaan Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Shabeellada Dhexe. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka howlgala Idaacaddo FM ah waxaana dowladdu ay ku eedysay inay dhammaantood gacan-saar la leeyihiin Maxkamadaha Midoobay isla markaana ay si toos ah uga soo horjeedaan siyaasadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
-
Why is Prof Cadow of the courts fooling the public.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The EU has members int he security council, so why did they support the decesion a week ago? Talk about delusions. -
''Midowga Europe ma ogola ciidamo shisheeye in Somaliya la geeyo xiligan''Prof.Cadow (Muqdisho)-Golaha Maxkamadaha Islaamka magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Midowga Europe uu ku raacsan yahay ciidamo shisheeye aan haatan aan la keenin dalka Soomaaliya,kadib markii kulan shalay ay Muqdisho kula yeesheen xubno ka socday EU-da ay kaga wada hadleen arrimaha ciidamo keenista Somaliya. Masuulka xiriirada Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islamaka Prof.Cadow oo ka hadlay arrimahaasi ayaa sheegay Midowga Europe uusan ku qanacsaneyn siyaasada dowladda Mareykanka ee ku wajahan dalka Soomaaliya,isagoo intaasi ku daray in ay u ballan qaadeen taageero dhinacyo badan leh. Prof.Cadow waxaa uu xusay in kulanka ay la qaateen xubnaha ka socday Midowga Europe ay kasoo baxeen natoojiyoon wax ku ool ah,oo uuku tilmaamay mid rajo u ah shacbiga Somaliyeed ee dhibaatooyinka iyo dagaalada ay daashadeen mudada fara badan waa sida uu hadalka u yiriye. Waxaa kale oo uu sheegay Cadow in kulankii ay la yeesheen Midowga Europe xubnihii ka socday in sidoo kale lagu soo qaaday arrimaha wadahadalka Dowladda iyo Maxaakimta oo u muuqda mid sii daciifaya tan iyo wixi ka danbeeyay go'aankii Golaha uu ku qaaday xayiraadda hubka Soomaaliya. Jibriil Nuur Waayaha.net,Muqdisho,Soomaaliya
-
Maraykanka halkanaa lagu xabaalayaa. Meydkoodaana dhulka lagu jiidayaa. Anigaan ka mid ahaa dadkii meydkooda dhulka ku jiiday Yusuf Siyad indacade... Boasts aside.. these folks are losing their marbles.