
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
AU sticks to deploying troops to Somalia.....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ahmed_Gurey, you thought the security council decesion was a joke, kinda like master IndaCade right? NAIROBI: Xoghayaha Midowga Afrika oo sheegay in loo baahan yahay ciidammo loo diro Somalia Posted to the Web Dec 14, 19:33 Nairobi (PP) - Xoghayaha Guud ee Ururka Midowga Afrika Alpha Omer Konari ayaa sheegay in dalalka Afrika laga doonayo inay ciidammo nabad ilaalin ah u diraan gudaha Soomaaliya, si ay gacan u siiyaan Dowladda Federaalka Somalia. Alpha Omer ayaa ka sheegay hadalkaan mar uu maanta ka hadlay kulan ay isugu yimaadeen Madaxda dalal ka tirsan kuwa Afrika oo ay Soomaaliya ka qaybgashay loogana kana furmay maanta Magaalada Caasimadda ah ee Kenya. "Waa wax aan daawan karin in Soomaaliya ay noqoto meel halis ah oo ay ka dilaacaan rabshado cusub, isla markaana uu dhiig hor leh ku daato, waayo Somalia waxay dowlad la'aan ahayd muddo 16-sano ah" ayuu yiri Konar ioo carrabka ku adkeeyay inay tahay mid aan laga fursan karin in la taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana ay Afrika ciidammo u dirto Somalia. Xoghayaha Guud ee AU-da ayaa hadlkaan uu jeediyay wuxuu noqonayaa midkii ugu horreeyay oo uu si cad ugu sheego in loo baahan yahay in Somalia oo fowdo ay ka jirtay loo diro ciidammo, isla markaana ay ciidamadaas gacan siiyaan Dowladda Federaalka ee Somalia. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com -
Oromo, you need to ask only Ahmed Gurey how he felt about losing his clans country to others, then you will get the picture of how Somali's feel about OROMO hordes in their land. If Ahmed Gurey could not accept Barre Hiiraale kin, how will he accept an Oromo who follows traditional religion what ever that means?
-
^^^Saxib, not all Oromo are Muslim , thus the struggle is a secular one even your own Jabhad's website states it. You might confuse some, but you will not confuse me, the Oromo struggle is fine, but my people need a national governemnt and development. They do not need to be a tool for the interest of others. I tell you again when the dust settles there will be no Oromo left in Somalia, you just dont know Somali's mate.
-
^^^Melez is your leader if I am not wrong, thus if he is troops are 3/4 Oromo, then one must ask the Ormo why they serve him so? Why the Tigray only 6 million rules them so? Why they think they can fight inside Somalia with all their pagan, Christan and others while they can not fight inside their own land? The Oromo wont find any friend in Somalia, so longas they are standing against our government. They dont have a country, but we do.
-
^^^I repeat it, the Oromo will not get any friends nor an inch nor a save haven in Somalia after the dust is settled. They need to get out of our country, we already have enough land disputes and ethnic confusion without adding the Oromo into the equation. They are as alian to us as the Amhara and Tigray and need to stay out.
-
ASMARA: Madaxweynaha Eritrea oo ka codsaday IGAD in laga hadlo Arrimaha Somalia Posted to the Web Dec 14, 07:34 Asmara (PP) – Madaxweynaha dalka Eritrea Isiyas Efiwerqi ayaa ka cosaday Xoghayayaasha dalalka IGAD inay isugu yeeraan kulan dalalka IGAD, si looga hadlo arrimaha Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inay lugaha la gashay meel khatar ah. Madaxweynaha Eritrea waxa uu ka dhawaajiyay inay jiraan in dowladaha Ethiopia iyo Mareykanka ay handadaad ku hayaan maxkamadaha Midoobay isla markaana ay u diidan yihiin inay dalkooda ka sameeyaan maamul ay iyagu maamulaan. Efewerqi ma uusan sheegin nooca maamulkaas uu yahay isagoo carrabka ka dhowrtay in maamulkaas uu yahay mid Islaami ah, waxaana uu sheegay in isagu uu taageersan yahay maamulka lagu wado inay dhisaan Maxkamadaha Midoobay dhawaan. “Waxaan ka codsanayaa IGAD inay ka hadlaan ka qaadista qayb ka mid ah cunnoqabateyntii hubka ee saarnayd Somalia iyo sidoo kale ciidammada la sheegay in loo dirayo gudaha Somalia ee ka imaanaya Afrika xiliga hore” ayuu yiri Isiyas Efiwerqi, waxaana uu intaas ku daray Efewerqi inay tahay taasi xadgudub weyn oo lagu sameynayo dalka ka tirsan IGAD. Dalka Eritrea oo ah dal ay cadaawad weyn kala dhexeyso Ethiopia ayaa u taageersan Maxkamadaha inay ka soo horjeedaan Ethiopia oo u qura, balse aan ku taageersanayn diin iyo wax kale oo si cad loo tilmaami karo, isla markaana uga soo horjeeda Dowladda Federaalka sababo inay xiriir la leedahay Ethiopia ah. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
-
Malicious Meles may have Killed Abdullahi Yusuf's Presidential HOPE
General Duke replied to Xudeedi's topic in Politics
^^^Those who oppossed the TFG from the beggining are looking for and clutching to new excuses. First it was the clan argument, then the religious one and now the Tigray, puupet excuse. -
AU sticks to deploying troops to Somalia.....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Midowga Afrika oo ku adkeystay in Ciidamo uu u dirayo Soomaaliya. Nairobi 14, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Madaxa ururka Midowga Afrika ayaa goor dhow sheegay in wadamada Afrikaanka ay waajib tahay inay diraan ciidamo nabad ilaaliyeyaal ah si ay u taageeraan dowlada jilicsan ee KMG ee Soomaaliya oo ay ula xaajoodaan dhinaca ka soo horjeeda ee maxkamadaha islaamiga.si iyaguna ay uga soo dabcaan mowqifkooda. Kulan madaxeed maanta ka dhacay dalka Kenya, ayaa gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika, Alpha Omar Konare waxa uu ku booriyey hogaamiyayaasha Afrika inay taageeraan dowlada KMG si ay uga hortagto maxkamadaha islaamiga, waxa uuna ka digay cawaaqibka ka dhalan doono haddii arrintan laga aamuso. Mr. Konare waxa uu u sheegay lix hogaamiye oo ku kulmay Nairobi in Soomaaliya ay baaqi ku aheyd dowlad la’aan mudo dheer, mana aha buu yiri in aanu ogolaano arrintu ay faraha ka baxdo oo xaaladu ay quranto. “sida cad, xaaladu waxa ay ku socotaa dagaal, waa ayna yaraatay rajada laga qabo wada xaajood haddii aan la taageerin dowlada federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Mr. Konare. Waxa uu ku canaantay hogaamiyayaasha sababta loo waayey midnimo Afrikaan ah oo wax loogu qabto maamulka Soomaaliya, kaasoo uu sheegay inuu ka dhashay shir sanooyin loo fadhiyey dalka Kenya. Todobaad ka hor ayaa golaha amaanka ee Q.M waxa uu ansixiyey qaraar uu soo gudbiyey Mareykanka oo lagu ogolaaday in qeyb ahaan la qaado xayiraada hubka ee saran Soomaaliya, taasoo u suurtagalinaysa ciidamo ka socda inay hubkooda la galaan Soomaaliya si ay u caawiyaan dowlada KMG. Shabelle Media Network Kenya E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net -
AU sticks to deploying troops to Somalia.....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
DFKMGS oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan in Ciidamada Afrika ka socda loo keeni doono Somalia. Muqdisho, Khamiis, 14 Dec 06 Simba Radio Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DFKMGS Ismaaciil Max'ud Hurre Buubaa ayaa sheegay in qaraarkii QM ay ansixiyay oo ku baaqaya in Ciidamo Nabada ilaaliya loo diro Dalka Somalia uu sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan gali doono, in kastoo ilaa hada aysan jirin Dowlada balan qaaday iney ciidamo u soo direyso Dalka Somalia. Buubaa oo xalay u waramayay Idaacada Simba ayaa sheegay in lagu guda jiro sidii ciidamada loo diraan lahaa isla markaana dhaqaalaha iyo tasiilaadka ku baxaya la doonayo in la dhameystiro isla markaana ay ka howl galaan Gudaha Somalia . Buubaa oo la weydiiday sababaha ay Uganda u sheegay ineysan Ciidamo ugu soo direynin Somalia ayaa sheegay in arintaais aysan aheyn sida lo fasirtay balse Dowlada Uganda ay ansixisay isla markaana laga war sugayo Baarlamaanka Uganda oo uu sheegay in dhawaan ay ansixin donaan. “Caalamka oo dhan sida lagu wada yaqaan Wadan haduu doonayo inuu ciidamo u diro wadan kale waa in Baarlamaanka uu ansixiyo marka Baarlamaanka Uganda ayaa dhawaan arintaasi u fadhiisan doona weyna ansixin doonaan” Ayuu yiri Buubaa. Ismaaciil Buubaa, waxa uu sidoo kale sheegay ineysan aheyn arinta ciidamo keenista Somalia mid la iska yiri balse sida ugu dhaqsiyaha badan Ciidamadaasi loo keeni doono, sida nabada iyo xasiloonida dib loogu soo celiyo Dalka Somalia . Si kastaba ha ahaatee, Hadalkaan kasoo yeeray Buubaa ayaa waxa aad u dhaliiyay Mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga kuwaasoo horey u sheegay ineysan marnaba ogolaan doonin in Ciidamo Shisheeye ay dalka yimaadaan. Simba Media Center , Mogadishu -
AU sticks to deploying troops to Somalia.....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Kunaari''Dowladda iyo Maxaakimta ma heshiin karaan,inta la isku dheela tirayo awooda,taana waa in aan ciidan u dirnaa Somaliya''. Muqdisho:-Midowga Africa ayaa ku baaqay in dalalka Africa si deg deg ah ay ciidamo ku geeyaan dalka Somaliya si loo meel mariyo qaraarkii kasoo baxay QM,ee dhigayay dalka Somaliya in ay galaan ciidamo shisheeye oo gacan siinaya kuwa dowladda FS. Gudoomiyaha Midwoaga Africa Alfa Cumar Kunari oo ka hadlayay kulanka maanta Madaxda Wadamada Harooyinka Africa uga furmay magaalada Nairobi ayaa ugu baaqay dowladaha Africa in ay gacan siiyaan dowladda Somalia ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo,si looga badbaadiyo Maxkamadaha Shareecada. ''Xaaladda Somaliya waxaa ay aheyd mid aad u kacsan,anaguna ma sameyn dadaal aanu ku damin karno,haatan waa in aan ciidamo u dirnaa Somaliya si loo taageero dowlada FS'' ayuu yiri Konaari oo la hadlayay madaxweynayaal ka socday 6 dal oo kulanka ka qeybagalaya. Gudoomiyaha Midowga Africa Alfa Cumar Kunari waxaa uu intaasi raaciyay in Dalalka Africa aysan dooneyn dagaalo mar kale lagu huriyo Somaliya,balse waxaa uu sheegay in aan Nabada Somaliya la gaari karin inta la isku dheelitirayo awooda labada dhinac,taasina ay ku dhici karto in la taageero xukuumadda Federaalka. Kunaari waxaa uu kaga digay dalalka Africa in xaaladaha ka jira Somaliya ay saameyntooda soo gaarto,isagoo sheegay in laga yaabo sandaha soo socda in ay soo ifbaxaan dad si weyn ugu fac sheegta Islaamka,sida Golaha Maxkamadaha Islaamka uu tilmaamay. Sidoo kale madaxda Afrikaanta ee ka hadashay kulanka ayaa waxa ay sheegeen in ay taageerayaan dowladda FS,si looga badbaadiyo waxa ay ku tilmaameen xaalad adag oo kasoo wajahday dhanka Maxkamadaha Islaamka,madaxweynaha dalka Congo Joseph Kabila oo kamid ah madaxweynayaasha ayaa yiri''Aad iyo aad baan uga walaacsanahay xaaladaha ka jira Somaliya''. Jibril Nuur Waayaha.net-Nairobi-Kenya -
Midowga Afrika oo ku baaqay in si deg deg ah Ciidamo loo geeyo Soomaaliya . Warkii 14-Dec-2006 iyo Qormadii: yaasiin faytin Ururka Midowga Afrika ayaa ka sheegay shir ay maanta ku yeesheen dalka kenya xaruntiisa nairobi in wadamada Afrikaanka ay waajib ku tahay inay u diraan ciidamo nabad ilaaliyeyaal ah si ay u taageeraan dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay ula xaajoodaan dhinaca ka soo horjeeda ee maxkamadaha islaamiga,si iyaguna ay uga soo dabcaan mowqifkooda ,islamarkaana ay hogaamiyayaasha afrikaanka ahi dowlada taageeraan sidaana waxaa yidhi'' aLpha Omar konare gudoomiyaha midowga afrika'' Gudoomiyaha Midowga Afrika, Alpha Omar Konare oo maanta ka hadlayay shir ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu ku booriyey hogaamiyayaasha Afrika inay taageeraan dowlada KMG si ay uga hortagto maxkamadaha islaamiga, waxa uuna ka digay cawaaqibka ka dhalan doono haddii arrintan laga aamuso. "Sida cad xaaladdu waxay ku socotaa dagaal, waa ayna yaraatay rajada laga qabo wada xaajood haddii aan la taageerin dowlada federaalka Soomaaliya," ayuu yiri Mr. Konare. Si kastaba ha ahaatee Waxa uu ku canaantay hogaamiyayaasha sababta loo waayey midnimo Afrikaan ah oo wax loogu qabto maamulka Soomaaliya, kaasoo uu sheegay inuu ka dhashay shir sanooyin loo fadhiyey dalka Kenya. yaasiin maxamed cali (faytin) yaasiin2006@hotmail.com info@afnugaal.com
-
Washington: US condemns Clan Courts latest threat.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Saxib, you seem to be fooling yourslef, this revoloution was highjacked by the likes of IndaCade, Xasan Dahir and otehrs for their own interests. Thus failure to see that basic point or deny it will only further isolate your position. The real reveloution will come when the arms are taken away from the fast and furious confused group known as Clan Courts. -
Juje, is correct. Why does Somali's who could never respect each other and even accepot their Bajuun, Jareer and Arab folks need the huge Oromo population to come to our soil. We dont need Oromo, they are half the population of Ethiopia and they have as many Christains and non belivers as the otehr tribes of that nation. Oromo need to stay out.
-
^^^The capital is Baidoa saxib, Mogadishu is the former capital. Since the defenition of a capital is the seat of government.
-
Nairobi African heads Meeting: PM Geedi present...PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^He might do, if he chooses to. Nothing you can do about it is there. Maybe you would like to insut his father like Bacadle while you are at it..Bacadle geedi insult creates trouble Attacking Geedi will only make him more popular in the eyes of his huge Clan. The man is already becoming a hero, when Bacadle, IndaCade, Xasan Dahir, Abdiqasin and the likes of Abwan add thier two cents.....So keep it up. -
Washington: US condemns Clan Courts latest threat.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ I belive in Allah SWT. mate. However we dont need the US to give anything but diplomatic and Political support. While you mention Iraq, Afghanistan and so on. One can point to the fact that they [uS] are and have been behind all the regimes in the middle Esat including Saudi Arabia,Kewait,UAE, Egypt and so on. One must take an over view. This flawd comparison of Somalia to the latest hotspots is wrong. Also dont fool yourself, the majority of the Somalia people want the national governemnt to suceed, they dont want their country to be isolated by the few confused folks like Xasan dahir, Abdiqasin and so on. Who lost politically years ago and now hide behind the faith. Remmeber how Qadafi with all his big talk, gave in and now is coming out of the dark. -
Nairobi African heads Meeting: PM Geedi present...PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^So he is a regional leader, while Xasan Dahir/IndaCade/Cadow/Sharif Ahmed/Janagow/Abdulkadir Abukar Cadaan.. are all national leaders within the courts structure? How you confuse yourselfs, lads. Ahmed-Gurey, go ask anyone who holds the major portfolios of the Clan Courts? Yesterdays soldiers are todays soldiers. -
Washington: US condemns Clan Courts latest threat.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^It is a strange world when IndaCade can pretend to be a wadaad and a clan movement can speak for Somalia? Its starnge indeed. Also the US involvement is important and we thank, Yusuf IndaCade and Xasan Dahir for getting Washington interested in Somalia again. -
Somali Friend, thanks again mate. That was another eye opener. Why is dictator Aferwarki crying out so much about Somalia? Unless his friends the courts are in trouble. Also why is he turning against Sudan all of a suden? Give us a break man [Aferwarki], this is yet another war you will fail as you ahve against all the other nations you have tries to hustle.
-
Washington oo cambeeraysay hanjabaadii dhowaan ka soo yeertay Maxkamadaha Nairobi 14, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Dowladda mareykanka ayaa maanta cambaareysay hanjabaada Dhawaan kasoo yeertay Maxkamadaha islaamiga soomaaliyeed ee ay ku sheegeen in ay ku weerarayaan Ciidamada itoobiyaanka ah ee taageeraya dowlada K.M.G ee soomaaliya Haddii aanay dalka uga Bixin Muddo todobo Cisho ah , Iyadoo Washington ku tilmaamatyay hanjabaaddaasi mid Qeyra masuulnimo ah . Haweeneyda Afhayeenada u ah safaaradda Mareykanka ee Nairobi Isla markaana Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo la yiraahdo Jenifer Bernes Ayaa sheegatay In mareykanku uu ka xunyahay Waqtiga ay maxkamaduhu u qabteen Itoobiya in ay ciidamadeeda ugala baxdo Soomaaliya . Waxa ay tiri “hanjabaadda kazoo yeertay Maxkamadaha islaamku waa Mid uga sii dareysa Xaaladda ,Isla markaana Wiiqeysa dadaalka Gobolka iyo midka caalamiga ah ee lagu dhiirri Galinayo wadahadal Dhex mara Dhinacyada isku haya soomaaliya”. Xukuumadda Washington ayaa ku doodeysa In Ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda gobolka oo la geeyo soomaaliya si ay u ilaaliyaan Dowladda ku meel gaarka ah ay waddada u xaareyso In Ciidamada itoobiyaanka ah iyo Kuwa Eriteriyaanka ah ay isaga Baqoolaan dalka soomaaliya . Madaxa Amaanka maxkamadaha islaamka Ayaa talaadadii lasoo Dhaafay waxa uu u Qabtay Muddo Todobaad ah Ciidamada Soddonka kun ee Askari Gaaraya ee Itoobiyaanka ah in ay kaga baxaan Ciidda Soomaaliya . Hase ahaatee Xukuumadda Addis ababa Ayaa ku Gacan Seyrtay Caga jugleyntaasi kaga timid Dhinaca maxaakimta Iyadoo sheegtay In soomaaliya ay ka joogaan uun Dhowr Boqol oo Tababarayaal ah oo gacan siinaya Dowladda Soomaaliya ,Taasi oo ay Aqoonsan yihiin Reer Galbeedka kadib Afar iyo Toban Shir oo Soomaalida loo Qabtay oo ay waxba kazoo Bixi waayeeen Ilaa sanadkii 1991kii . Dhinaca kale Diblomaasiyiinta Ayaa ka cabsi qaba in xaalada hadda jirta ay sababi karto dagaal weyn oo ka dhac gobolka oo dhex mara ciidamada dowlada KMG oo ay taageerayaan ciidamada Ethiopia iyo dagaalyahaniinta maxkamadaha islaamiga.. Shabelle Media Network Kenya E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net
-
Nairobi African heads Meeting: PM Geedi present...PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The TFG is headed by Yusuf/Geedi/Sharif Xasan/Buuba and so on. The Clan Courts is a single clan headed by, Xasan Dahir/IndaCade/Cadow/Sharif Ahmed/Janagow/Abdulkadir Abukar Cadaan.. Xasan Turki position is comander of al-Shabaab much like Afgaduud is comander in the TFG armed forces, thus no decesion making capacity -
Nairobi African heads Meeting: PM Geedi present...PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Take that garbag some where else. Brother if you want to make a point by all means do so. -
Baydhabo: " Saacaddu waxay u sii socotaa dhinaca dagaalka" Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Khamiis, December 14, 2006 Baydhabo(AllPuntland)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Major Gen: Ismaaciil Qaasim Naaji ayaa sheegay in ciidanka dawladda federalka ay u diyaar gaorobeen inay iska difaacaan dagaalka maxkamadaha Muqdisho uga imaanaya. Gen: Naaji oo u waramayay wakaaladda wararka ee reuters ayaa sheegay in Moralka ciidanka xoogga dalka uu yahay mid aad u sareeya, waxayna diyaar u yihiin ayuu sheegay dagaal. Gen: Naaji oo dusha ka eegayay xilliga uu waraysiga bixinayay tabobar ciidanka xoogga dalka u socday ayaa sheegay in saacaddu dhinaca dagaalka u sii socoto. Maxkamadaha ayuu ku eedeeyay inay duullaan dhowr jeer ku soo qaadeen fariisimada dawladda, ayna doonayaan inay bur buriyaan dawladdii muddada waqtigu kusoo lumay. Wariyaha wakaaladda wararka ee reuters ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka oo kullabisan dharka ciidanka ay ku diyaar garaysan yihiin xerada Mannaas iyo xeryaha kale ee dawladda, waxaana wariyuhu intaasi ku daray in ciidamo kale oo cusubna ay kusoo biireen ciidamada tabobarka qaadanaya. Xaaladda ammaan ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa ah mid kacsan ,ayadoo maxkamadaha Muqdisho ay dhowr tuulo la wareegeen labadii maalmood ee ugu danbeeyay. Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa maxkamadaha usoo jeedisay eed kusaabsan inay doonayaan inay bur buriyaan dawladda Soomaaliya. CCC Farayaamo AllPuntland
-
Shirka dalalka Harooyinka waaweyn oo ka furmay Nairobi iyo Cali Maxamed Geedi oo ka qeyb galay Last Updated::2006-12-14 14:40:22 Nairobi:- Waxaa saaka ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, shirka Dalalka Harooyinka waaweyn ee Afrika. Kulankaani oo ay kasoo qeyb galeen Hogaamiyayaasha dalalka Afrika ee leh Harooyinka waaweyn ayaa saaka ka furmay Xarunta Qaramada Midoobay ee Gigiri. Madaxweynaha DR Congo Joseph Kabila iyo Madaxa Midowga Afrika Omar Konare Shirkan oo lagu waday inuu kasoo qeyb galo Madaxweynaha dalka Soomaaliya, C/laahi Yusuf Ahmed ayaa ka baaqday, ayadoo shirkaasi uu booskiisa ka qeyb galay Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi. Hogaamiyasha kale ee kasoo qeyb galay shirkan ayaa waxaa kamid ah: 1- Mwai Kibaki (Kenya 2- Yurweri Museveni (Ugandha) 3- Paul Kagame (Rwanda) 4- Joseph Kabila (DR Congo) 5- Pierre Nkurunziza (Burundi) 6- Jakaya Kikwete (Tanzania) 7- Hassan al Bashir (Sudan) 8- Levy Mwanawasa (Zambia) Waxaa shirka sidoo kale ka qeyb galaya Xoghayaha Qaramada Midoobay Koffi Anan, iyo Madaxa Midowga Afrik Omar Konare. Shirkan oo lasoo geba gabeyn doono maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in lagu saxiixo heshiis la xariira dhinaca iskaashiga AMNIGA iyo HORUMARINTA. Shirkan ayaa ah kii labaad oo ay dalalkaasi yeeshaan ayadoo shirkoodii ugu horeeyey ay ku yeesheen magaalada Dara Salaam ee dalka Tanzaaniya bishii November ee sanadkii 2004tii. Madaxweynayaasha Kenya iyo Tanzania iyo Madaxa UNHABITAT Mrs.Anna Tibaijuka Madaxweynaha Tanzanian Jakaya Mrisho Kikwete oo shir gudoonka ku wareejiyey Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza oo ka qeyb galaya shirka Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musefeni oo soo gaaray xarunta Shirka ee Gigiri Ahmiyada shirkan uu leeyahay ayaa ah in wadamadaasi ay iska kaashadaan sidii loo adkeyn lahaa dhinaca Amniga iyo waliba sidii loo heli lahaa iskaashi guud oo ah dib u dhiska dalalkaasi. Ahmed Musse HorseedNet.com