General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^Indeed the ********* are wondering how they fit in in the new Somalia. Remmeber the TFG controls through Puntland SOOL, SANAG & CAYN whic means 1/2 of what was British Somaliland. [ January 03, 2007, 05:15 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
  2. Xiin, your contribution is always welcome. Afhayeenka dowladda C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa daboolka ka qaaday saakay in hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Arrrimaha Gudaha Xuseen Caydiid uusan ahayn mid ku qotoma siyaasadda Dowladd. Jan 3 . 2007 Radiofreesomalia.com Afhayeenku wuxuu sheegay in hadalkaas ka soo baxay Xusee Caydiid shalay ee ahaa in dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia la isku darayo ay tahay mid ku eg fikirkiisa, balse aanu ahayn mid ay qabto Dowladda Federaalka Soomaaliya. "Hadalka Wasiirka Gudaha ee Soomaaliya Xuseen Caydiid uu shalay ka sheegay Muqdisho ma ahan mid ku qotoma siyaasadda Dowldda, balse waa hadal uu iskii isaga yiri, waxaana caddeynayaa in dowladdu aysan siyaasad ahaan xilligaan ahayn mid doonaysa in la isku daro Soomaaliya iyo Ethiopia" ayuu yiri C/raxmaan DIinaari oo hadal dheer siiyay BBC-da qaybta Afka Ingiriiska. C/raxmaan Diinaari ayaa hadalkiisa sii daba dhigay: "Dowladda Federaalka Soomaaliya siyaasadeedu waa mid ku qotonta fikradaha labada gole, mana ahan in dunidu ay ka dhigo hadal fikir ah mid siyaasadda dowladda ku qotoma". sidoo kale Afhayeenka Dowladda wuxuu sheegay in Xuseen Caydiid uu yahay xubin ka tirsan Dowladda uuna fikirkiisa sheegi karo balse aanay ahayn fikradda ay qabto Dowladda Federaalka. "Dowladda Federaalka fikradaheeda waxay ku soo bandhigtaa si sharciyeysan, waxaana marka hore ansixin looga dalbaa labada gole ee Dowladda dabadeedna waxaa laga sii daayaa warbaahinta" ayuu hadalkiisa ku yiri Afhayeenka Dowladda C/raxmaan Nuur Maxmaed (Diinaari) oo warbixintaas ka bixiyay xarunta dowladda ee Baydhabo.
  3. ^^^Put nicely. They should all be sacked. Hussain Aydeed has no supporters and he should never be allowed to speak again.
  4. ^^^Put nicely. They should all be sacked. Hussain Aydeed has no supporters and he should never be allowed to speak again.
  5. Xuseen Ceydiid oo si weyn uga gilgishay hadal uu shalay jeediyey oo ahaa in la baabi’inayo xuduudaha Somalia iyo Itoobiya R/wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha gudaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Ing Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ka noqday warkii uu shalay bixiyey ee Saxaafadu qaadatay. Warkaas waxa uu Xuseen Ceydiid ku tilmaamay in uu ahaa mid si qaldan loo tarjumay ama loo dhigay, isagana uusan ujeedo weyn ka laheyn, waxa uuna ku celceliyey in uu ka xun yahay hadalkaasi uu shalay jeediyey iyo sida loo dhigay, waxa uuna ka bixiyey cudur daar. Hadalkan beeninta ah ee ka soo baxay Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid ayaa ku soo beegmay xili dad badan ay caro xoog leh ay ka qaadeen khudbad uu shalay jeediyey ee la xiriirtay in la baabi’in doono Xuudada u dhaxeysa Somalia iyo Itoobiya, isla markaana Hal maamul iyo hal amaan la sameynayo, maadaama sida uu sheegay, labada shacab ay yihiin kuwo walaalo ah isla markaana ay ka dhaxeyso waxyaabo badan. Xuseen Ceydiid ayaa tusaale u soo qaatay Cadowtinimada ka dhaxeysay jarmal iyo Faransiiska, haatana ku bahoobay Midowga Yurub, waxa uuna sheegay Itoobiya in ay walaalo la yihiin Umada soomaaliyeed loona baahan yahay in lala shaqeeyo ciidamadooda dalka soo galay. Hadalkan ayaa sidoo kale ku beegmay xili ciidamada dalkaasi Itoobiya ay si cad ugu jiraan gudaha Dalka Soomaaliya , dadbadana ay soo dhaweeyeen kuwo kale oo ka sii badana ay ka xumaadeen isla markaana si weyn uga carooday, iyada oo hadalkii xalay illaa saakay warbaahintu baahineysayna ay xasaasiyad
  6. Qoriga lidka diyaaradaha kuwa dhulka yaala waa 50, P.10 Gaari toyota Cabdi Bile uu saaran yahay qoriga Dhashiikaha qori gacmeed (Ak 47, G3 iyo M16, iyo rasaasta dhashiikaha
  7. Qoriga lidka diyaaradaha kuwa dhulka yaala waa 50, P.10 Gaari toyota Cabdi Bile uu saaran yahay qoriga Dhashiikaha qori gacmeed (Ak 47, G3 iyo M16, iyo rasaasta dhashiikaha
  8. Maleeshiyada hubka wareejisay oo diyaar u ah inay ku biiraan Ciidamada Dowlada rasaasta qoriga P.10-ka loo yaqaan
  9. Hub iyo maleeshiyo lagu wareejiyey Dowlada Federaalka kmg ee Jamhuuriyada Somalia Xaruntii hore ee Gaadiid ayaa lagu soo xareeyey hubka noocyadiisa kala gadisan iyo waliba Maleeshiyaadkii watay oo gaarayey ilaa 24 dhalinyaro ah waxaana gacanta loo galiyey Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Md. Salaad Cali Jeelle wuxuuna sheegay Wasiirku inay tahay mid ku dayasho mudan isla markaana ay ku dayan doonaan kuwa dowlad doonka ah. Sarkaal magaciisa ku sheegay Maxamed Maxamuud Xuseen oo ka tirsanaan jiray Saraakiishii Ciidanka Xooga dalka Somaliyeed ayaa sheegay in hubkaani ay gacanta u galiyeen dowlada Federaalka kmg ah ayna diyaar u yihiin inay u hogaansamaan awaamiirta dowlada maleeshiyaadkana la dhaqan celin doono. Sarkaalkan ayaa sheegay inaysan jirin cid soo qasabtay balse ay jecleysteen inay hubkooda dhigaan kuna wareejiyaan Dowlada maadaama buu yiri ay muqadas tahay hadii dowladi dalka ka dhalatay in hubka iyadu masuul ka noqoto. Mudane Jeelle ayaa xusuusiyey amarka la siiyey dhamaan Siyaasiyiinta, Dagaal oogayaasha, Ganacsatada iyo maleeshiyaadka aan cidna ka amar qaadan in maalinta beri ah ay ku eg tahay mudadii loo qabtay in hubka la geeyo baro loo cayimay cidii fulin weydana xoog looga qaadi doono iyadoo ay muuqato in hubka aan sidii loogu talo galay loo keenin isla markaana ay dhici karto in ama maalmo lagu daro ama xoog loo isticmaalo qaadista hubka sida sharci darada ah loogu haysto magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolo ka mid ah Somalia. Afar qarax ayaa la maqlayey magaalada Muqdisho iyadoo dadku ay teloofoono isu dirayeen meesha iyo halka ay qaraxyadaasi ka dhacayeen iyadoo aanan la ogayn meesha ay ka dhaceen qaraxaasi iyadoo hugun la maqlayey ay aad u fogeyd ayna dhici karta in ay ka dhacaysay meel ka baxsan magaalada Muqdisho.
  10. Maamulka Cusub ee Gobalka Hiiraan oo xilka si rasmi ah ula wareegay Beledweyne [Olol News]:- Xaflad maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayey xilalkii kula kala wareegeen maamulkii hore ee gobalka iyo Maamulka cusub. Munaasabadan ayey kasoo qeyb galeen siyaasiinn odayaal dhaqameedyo, dadweyne fara badan oo aad ugu faraxsan sida ay uga soo qayb galeen maamulkii hore oo uu ku jiro Guddoomiyihii hore ee gobalka Yusuf Dabageed iyo Aadan Garaase oo ahaa Guddoomiyihii Degmada Beledweyne. Labada nin oo kamid ahaa maamulkii hore ee la badalay todobaadkan ayaa sheegay in ay si rasmi ah xilalkii ay dowlada u hayeen ugu wareejiyaan maamulka cusub ee uu soo magacaabay Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed. Yusuf Dabageed oo hore u ahaa Guddoomiyihii gobalka Hiiraan ayaa lagu bedalay Xuseen Mux’ed Maallin, waxaana maamulka cusub guddoomiye kuxigeenka 1aad ee laga dhigay Xuseen Cumar Xasan, K/xigeenka 2aadna Saleybaan Axmed Hillowle. Guddoomiyaha degmada Beledweyne oo uu ahaa Aadan Garaaso ayaa waxaa lagu bedalay Axmed Gubey Cawaalle, kuxigeenkiisana waxaa laga dhigay C/raxmaan Cilmi. Maamullka saldhiga degmada Beledweyn ayaa sidoo kale loo magacaabey Gaashaanlle Xuseen Shukri. Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ahaa mid la bedalay xili uu maamulkaasi dib ugu soo noqday gobalka kadib markii ay halkaasi la wareegeen ciidamada DFKMG. Maamulkii hore ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay bedalaada deg degta ah caddaalad darrana u arkay, balse labada guddoomiye ayaa sheegay in ay xilka wareejiyaan,ayagoo ilaalinaya kala danbaynta. Xafladdaas waxaa kaloo ka soo qayb galaysafiirka DFKS u fadhiya Midowga Africa mudane Laqanyo. Zahra Yuusuf Olol News Balad-Weyne
  11. Supporting website Waagacusub.com gives his side of the story. Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia,Inj Xuseen Max'ed Ceydiid oo Maanta sheegay in si Qaldan loo fahmay hadalkiisii Xalay. Muqdisho ,Arbaco ,January, 03, 2007 Waaga Cusub Ra'isulwasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia ayaa Sheegay in hadalkii shalay uusan aheyn sida ay Dad badan u fahmeen. Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda KMG ah ee Somalia, Inj Xuseen Max'ed Ceydiid ayaa Maanta sheegay in si Qaldan loo fahmay hadalkii uu sheegay Shalay ee ahaa in la Baabi'iyo Xuduudaha Somalia iyo Ethiopia, midna laga dhigo Baasaboorada labada dal. Hadalkaan ayuu Maanta ka sheegay kulan uu ku qabtey Magaalada Muqidsho. Isagoo ka Hadlay kulan ay ka Qeyb qaateen Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda ayaa waxa uu tilmaamay in Xuduuda la Baabi'inayo uusan ula jeedin in Somalia lagu darayo Ethiopia, balse uu ula jeeday in la Abuuro kalsooni cusub oo dhex marta labada Shacab ee Somalia iyo Ethiopia. Dhinaca Baasaboorka ayuu sheegay in aysan aheyn in la qaadanayo baasaboor Ethiopian ah, laakiin ay tahay in la yeelan karo mid mideysan sida Dalalka Yurub. Waxa uu ku eedeeyay saxaafadda in ay u fasirteen hadalkiisa si qaldan, isagoo ugu baaqay in ay ilaaliyaan wax kasta oo keeni kara khilaaf. Waxa uu Wasiirku Qeexay in aysan Isaga Marnaba ka Suuroobin in uu Yiraahdo Soomaaliya Gumeysi Halagu Celiyo Taa Qofkii ku Fakirana Waa Maan Gaab ayuu Yiri Inj Xuseen. Dhinaca kale hadalkaan ayaa waxaa Kahadlay qaybo kala duwan Ee Bulshada Iyadoo Maantay Kulan ay Qabteen Bulshada Rayidkaa ay sheegen in ay tahay wax laga xumaado tahay war Nuucaas ah In uu ka soo yeero Masuul Katirsan Dowladda FKMGS.
  12. Moi Kibaki iyo C/laahi Yuusuf oo ku Heshiiyey in Wadahadal lagu Xaliyo Arrimaha Soomaaliya Madaxweynaha Kenya Moi Kibaki iyo Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa kulan ay qaateen isku afgartay in arrimaha Soomaaliya lagu xaliyo wadahadal dhinacna la iska dhigo ismaquuninta. Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Kibaki uu C/laahi Yuusuf u sheegay in loo baahanyahay in dawlada KMG ah laga dhigo mid salbalaaran oo laga qaybgeliyo dhamaan qaybaha bulshada soomaaliyeed, gaar ahaan Maxkamadaha Islaamiga ah iyo bulshada rayadka ah. Kenya oo Jimcaha qaban doonta kulan ay kasoo qaybgalayaan dhamaan dawladaha xubnaha ka ah Gudiga Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, taasoo la doonayo in looga hadlo sidii loo dhisi lahaaa dawlada midnimo qaran oo ay dhamaan dhinacyada bulshada soomaaliyeed qayb ka yihiin.
  13. Moi Kibaki iyo C/laahi Yuusuf oo ku Heshiiyey in Wadahadal lagu Xaliyo Arrimaha Soomaaliya Madaxweynaha Kenya Moi Kibaki iyo Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa kulan ay qaateen isku afgartay in arrimaha Soomaaliya lagu xaliyo wadahadal dhinacna la iska dhigo ismaquuninta. Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Kibaki uu C/laahi Yuusuf u sheegay in loo baahanyahay in dawlada KMG ah laga dhigo mid salbalaaran oo laga qaybgeliyo dhamaan qaybaha bulshada soomaaliyeed, gaar ahaan Maxkamadaha Islaamiga ah iyo bulshada rayadka ah. Kenya oo Jimcaha qaban doonta kulan ay kasoo qaybgalayaan dhamaan dawladaha xubnaha ka ah Gudiga Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, taasoo la doonayo in looga hadlo sidii loo dhisi lahaaa dawlada midnimo qaran oo ay dhamaan dhinacyada bulshada soomaaliyeed qayb ka yihiin.
  14. Moi Kibaki iyo C/laahi Yuusuf oo ku Heshiiyey in Wadahadal lagu Xaliyo Arrimaha Soomaaliya Madaxweynaha Kenya Moi Kibaki iyo Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa kulan ay qaateen isku afgartay in arrimaha Soomaaliya lagu xaliyo wadahadal dhinacna la iska dhigo ismaquuninta. Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Kibaki uu C/laahi Yuusuf u sheegay in loo baahanyahay in dawlada KMG ah laga dhigo mid salbalaaran oo laga qaybgeliyo dhamaan qaybaha bulshada soomaaliyeed, gaar ahaan Maxkamadaha Islaamiga ah iyo bulshada rayadka ah. Kenya oo Jimcaha qaban doonta kulan ay kasoo qaybgalayaan dhamaan dawladaha xubnaha ka ah Gudiga Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, taasoo la doonayo in looga hadlo sidii loo dhisi lahaaa dawlada midnimo qaran oo ay dhamaan dhinacyada bulshada soomaaliyeed qayb ka yihiin.
  15. Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in maalinta beri wixii ka danbeeyay ay ciidamada dowladdu ay adeegsan doonaan awood isla markaana xoog looga qaadi doono iyadoo aysan jirin baryo.
  16. Muqdisho: Hubkii ugu horeeyay Oo Lagu Wareejiyay Dowladda KMG ah Arbaco, January 03, 2007 Muqdisho(Allpuntland)-Waxaa maanta wasaaradda gaashaandhiga dowladda KMG ah lagu wareejiyay hubkii ugu horeeyay oo ka kooban qoryaha waaweyn ee loo yaqaan tiknikada, qoryaha Fududu iyo Baasuukeyaal iyo tiro maliishiyo ah ooo ku biiray dowladda. Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle oo lagu wareejiyay hubkan ayaa soo dhoweeyay isagoo sheegay in maalinta berito ay ku eg tahay mudada ay dowladda u qabatay dadka in hubkooda ay ku soo wareejiyaan. Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in maalinta beri wixii ka danbeeyay ay ciidamada dowladdu ay adeegsan doonaan awood isla markaana xoog looga qaadi doono iyadoo aysan jirin baryo. Cali Sandheere Allpuntland, Muqdisho
  17. Hubkii ugu horeeyay oo maanta lagu wareejiyay dowladda KMG ah. daawo sawirada Mogadishu 03, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Hubkii ugu horeeyay ayaa maanta lagu wareejiyay dowladda KMG ah ee Somalia, iyadoo hubkaasina lagu xareeyay xauntii hore ee gaadiidka booliska. Hubkaan oo isugu jira Ak47, Baasuukayaal, iyo gaari uu saaran yahay qori dhashiike ah ayaa maanta lagu wareejiyay wasiir K/xigeenka wasaaradda G/dhigga ee dowladda Somalia, Salaad Cali jeelle. Waxaa kale oo goobtaasi la geeyay ilaa 20 maleeshiyaad ah oo wata hubkoodii gacmaha, iyadoo hubkaan iyo maleeshiyadaba ay keeneen xaruntii gaadiidka beel ka mid ah beelaha dagan gobolka Banadir.
  18. Diinaari"Xuseen Caydiid figrad isaga u gaar ah ayuu ka hadlay mana ah in xiligaan oo kala laga hadlo arimo Noocaan oo kale ah Posted to the MOL January 3, 2007, 7:17 am Baydhabo:- Afhayeenka dowladda KMG ah ee Somalia C/raxmaan Diinaari ayaa maanta ka jawaabay hadaladii uu RW K/xigeenka dowladda Somaliya ku sheegay in ay mid noqonayaan dowladaha Somaliya iyo itoobiya isagoo hadalkii xuseen Caydiid ku tilmaamay fikir shaqsi oo isaga u gaar ah. C/raxmaan Diinaari ayaa waxa uu sheegay in arinka ku aadan in labada dal ee Somalia iyo ethiopia in la isku daro oo midoobaan ay arin u taal shacabka Somaliyeed ee aysan ahayn siyaasad ay wadato dawlada KMG ahi. Diinaari oo warkaas siiyay idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray Xuseen Ceydiid uu yahay mid isaga u gaar ah dawlada KMG ahna aysan la qabin aragtidiisa qorshahana ugu jirin dawlada KMG inay la midoobaan dawlada Itoobiya. Hadalka shalay ka soo yeeray RW K/xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Ceydiid ayaa caro badan ka dhex dhaliyay shacabka Soomaaliyeed oo iyagu dhib badan u soo maray xornimadooda aysan marnaba suurogalayn inay ku darsamaan dal kale. Xuseen Ceydiid oo isagu ah nin dhalin yaro ah oo ku soo koray cariga maraykanka ayaa u arka wax wanaagsan in geeska Afrika yeelato hal wadan sida dawladaha yurub u midoobeen oo kale, aragtidaas oo aan waafaqsanayn tan dadka Somaliyeed oo iyagu baahi weyn u qaba inay mar uun hantaan dawlad xasiloon oo iyagu u madax banaan yihiin. Maxamed C/qaadir Khalaf Galkacyo, Puntland, Somaliya Mudugonline.com
  19. Diinaari"Xuseen Caydiid figrad isaga u gaar ah ayuu ka hadlay mana ah in xiligaan oo kala laga hadlo arimo Noocaan oo kale ah Posted to the MOL January 3, 2007, 7:17 am Baydhabo:- Afhayeenka dowladda KMG ah ee Somalia C/raxmaan Diinaari ayaa maanta ka jawaabay hadaladii uu RW K/xigeenka dowladda Somaliya ku sheegay in ay mid noqonayaan dowladaha Somaliya iyo itoobiya isagoo hadalkii xuseen Caydiid ku tilmaamay fikir shaqsi oo isaga u gaar ah. C/raxmaan Diinaari ayaa waxa uu sheegay in arinka ku aadan in labada dal ee Somalia iyo ethiopia in la isku daro oo midoobaan ay arin u taal shacabka Somaliyeed ee aysan ahayn siyaasad ay wadato dawlada KMG ahi. Diinaari oo warkaas siiyay idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray Xuseen Ceydiid uu yahay mid isaga u gaar ah dawlada KMG ahna aysan la qabin aragtidiisa qorshahana ugu jirin dawlada KMG inay la midoobaan dawlada Itoobiya. Hadalka shalay ka soo yeeray RW K/xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Ceydiid ayaa caro badan ka dhex dhaliyay shacabka Soomaaliyeed oo iyagu dhib badan u soo maray xornimadooda aysan marnaba suurogalayn inay ku darsamaan dal kale. Xuseen Ceydiid oo isagu ah nin dhalin yaro ah oo ku soo koray cariga maraykanka ayaa u arka wax wanaagsan in geeska Afrika yeelato hal wadan sida dawladaha yurub u midoobeen oo kale, aragtidaas oo aan waafaqsanayn tan dadka Somaliyeed oo iyagu baahi weyn u qaba inay mar uun hantaan dawlad xasiloon oo iyagu u madax banaan yihiin. Maxamed C/qaadir Khalaf Galkacyo, Puntland, Somaliya Mudugonline.com
  20. Afhayeenka DFKMG oo hadalo shaqsi ku tilmaamay warkii kasoo dhacay Xussen Caydiid Last Updated::2007-01-03 13:19:33 Muqdisho:- Afhayeenka Dowlada Federaalka Somaliya, C/raxmaan Diinaari ayaa mar uu saxaafada la hadlay daboolka ka qaaday in aysan dowlada qabin hadaladii Wasiirka Arrimaha Gudaha. 24kii saac ee lasoo dhaafay ayey shacabka Soomaaliyeed si weyn u hadal hayeen hadalo kasoo dhacay Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Ra'iisul Wasaare kuxigeena Mr.Xusen Maxamed Caydiid oo sheegay in la isku darayo dalalka Somaliya iyo Itoobiya. Xussen Caydiid ayaa mar uu shalay la kulmayey Oday dhaqameedyo ku sugan Muqdisho sheegay in dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya yihiin kuwo walaalo ah isla markaana uu ka dhaxeeyo xuduud dheer, taasi oo uu sheegay in ay hada doonayaan in ay baabi'iyaan, si ay labada dal u yeeshaan hal Baasaboor, hal dhaqaale iyo ciidan. Hadaladan ayaa buuq weyn abuuray ayadoo shacabka Soomaaliyeed intiisa badan ay warkan ku tilmaameen mid aan u cuntami karin. Balse Dowlada Federaalka ayaa hada u muuqata mid iska fogeynaysa hadalada Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Md.Xussen Caydiid. Xussen Caydiid laf ahaantiisa ayaan weli arrintan ka hadlin iyo buuqkii ka dhashay hadaladiisa. Waxaan ayaguna arrinkan weli ka hadlin Madaxweynaha Somaliya oo hada safar ku jooga dalka Kenya, iyo waliba Ra'iisul Wasaaraha Somaliya oo asagu ku sugan caasimada Muqdisho. Afhayeenka Dowlada Federaalka C/raxmaan Diinaari oo u waramay qaar kamid ah saxaafada magaalada Muqdisho ayaa saaka sheegay in warkaasi kasoo baxay Xussen Caydiid uu yahay mid u gaar ah asaga shaqsiyan oo aysan Dowlada Federaalka arrintaasi qabin. Wuxuuna afhayeenka sheegay in wakhtigan aan la joogin xili dalal la isku daro, asagoo sheegay in hawsha u taal ay tahay sidii dowladnimadii somaliya dib loogu soo celin lahaa, balse wuxuu sheegay go'aanada noocaas ah ay u taal shacabka Soomaaliyeed. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  21. ^^^Saxib, I am not in the bussiness of defending this man, its his responsability to keep his job. Xussen Caydiid oo sheegay in hadaladiisa si Khaldan ay saxaafada u fasirtay Last Updated::2007-01-03 14:33:30 Muqdisho:- Xussen Maxamed Farax Caydiid oo isku haya xilalka Ra'iisul Wasaare kuxigeenka iyo Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa ka hadlay hadalo uu yiri oo ay xiisad ka dhalatay. Xussen Caydiid oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadaladii ay shalay saxaafada ka faafiyeen si khaldan loo fasiray. Xussen Caydiid ayaa sheegay inuusan marnaba ku dhawaaqin in dalka Soomaaliya la hoos geeyo dalka Itoobiya. Wuxuuna sheegay waxa uu ka hadlay in ay ahayd in labada dal ay wada shaqeeyaan isla markaana xuduudaha u dhaxeeya uusan ka wadin in la burburiyo balse laga dhigo kuwo isku furan. Xussen Caydiid ayaa ka digay in xiisad aan loo baahneyn in la abuuro, asagoo sheegay in marnaba uusan meel uga dhici karin Qaranimada dalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday in dalka Soomaaliya uu dowlad iyo maamul u gaar ah leeyahay, balse adduunka uu maanta u gudbay heer la wada shaqeeyo taasi ay dhici karto mustaqbalka. Wuxuuna meesha ka saaray inuu soo jeedinayo in dalka Soomaaliya la hoos geeyo maamul kale, balse wuxuu sheegay in labada dal hadii loo baahdo si siman ay wax u qeybsan karaan ama u wada shaqeyn karaan dhinaca Ganacsiga iyo sugida amniga. Xussen Caydiid ayaa jawaab ka bixiyey hadaladii shalay ay saxaafada soo bandhigtay, ayadoo ay dadka qaarkiis si weyn uga xumaadeen in Wasiirka uu ku dhawaaqo in la tirtiro xuduudaha u dhaxeeya dalalka Somaliya iyo Kenya. Dhinaca Dowlada Federaalka ayaa hadaladii Xussen Caydiid iska fogeysay, ayadoo Afhayeenka DFKMG C/raxmaan Diinaari ku tilmaamay fikir shaqsi inuu ahaa hadaladii Xussen Caydiid. Maxamed Cabdi HorseedNet.com