
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
QAAHIRA: Xusni Mubaarak oo ay is fahmeen Madaxda Itoobiya iyo isagoo cadeeyey inuu taageerayo DFKS Posted to the Web Jan 04, 18:56 Qaahira: (pp)- Wafdi ka socda dalka Itoobiya oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Itoobiya Seyuum Mesfin ayaa booqday dalka Masar , halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha dalka Masar Mudane. Xusni Mubaarak. Labada Masuul oo ka hadlay arrimo dhowra ayaa Waxaa Madaxweyne Xusni Mubaarak uu si cad u sheegay inuu aad ula socdo sababta ay dawlada Itoobiya ay ciidamadeedu ay guddaha ugu galeen dalka Soomaaliya, isagoo Xusni Mubaarak oo hadalkiisaas uu ku sii xoojiyey in dowlada Itoobiya ay u yeeratay Dowlada Federaalka Soomaaliya ee lagu soo dhisay dalka Kenya dabayaaqadii 2004-tii. Xusni Mubaarak oo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyey ee ka soo jeeda dal carbeed oo xoog badan ayaa horay si toosa uga soo horjeeday dowlada Federaalka Soomaaliya , isagoo dhanka hoose taakulo ka siinayey horjoogayaashii maxaakiimta ee Labada Asbuuc ku bur-buray. Mudane Xusni Mubaarak ayaa si cad ugu dhawaaqay shir saxaafadeed uu ka jeediyey magaalada Qaahira , waqti uu goobtaas la joogay Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Itoobiya Seyuum Mesfin, inuu si fiican u taageersan yahay dowlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay dowlada Masar gacan ka geysanayso nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya. Waqtigii ay ciidamada Itoobiya ee taageera Dowlada Federaalka Soomaaliya ay galeen gudaha soomaaliya , dowlada masar waxay ugu baaqday dalka Itoobiya inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya, Waxaase waqtigan loo maleeyaa, in dowlada Federaalka Soomaaliya ay kaga awood badiday dhanka siyaasada dalal badan oo Carbeed oo horay u taageeri jiray horjoogayashii maxaakiimta ee bur-buray, marka laga reebo dalka Yeman oo taageero aan kala harlahayn la garab taagnaa DFKS. Si kastaba, dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxdeedu wax taageero ah horay ugama helin dalalka Carabta , waxaana DFKS ay horay codsiyo dhaqaale ugu gudbisatay dalalka ku midaysan Jaamacada carabta , codsigaas ayaa noqday mid basbeelay, kaddib markii ay ka dhego adaygeen Jaamacada Carabtu inay wax taageero dhaqaale ay siiyaan dowlada soomaaliya, iyagoo ku colaadinaya u janjeerka ay dowlada Federaalka Soomaaliya siyaasadeedu ay u janjeerto dhanka dalalka Afrika. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
-
^^^Ok if you say so.
-
Mogadishu: Banadir district admins sworn in..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
MUQDISHO: Ra’iisul wasaaraha oo maanta lagu hordhaariyay Garsoorayaasha Maxkamadaha gobolka Banaadir Posted to the Web Jan 04, 15:11 Muqdisho (PP) - Xarunta Maxkamadda weyn ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka dhacay munaasabad lagu dhaarinayay garsoorayaasha maxkamadaha Gobolka Banaadir, kuwa rafcaanka iyo qaar ka tirsan degmooyinka Magaalada Muqdisho. Xafladdaan lagu qabtay Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin ay ka mid ahayeen Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo xubnio kale. Xafladdaan oo ahayd mid si heer-sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay qaar ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan Muqdisho iyo xubno kale ayaa waxa lagu dhaariyay in ka badan 30-garsoore, iyadoo xubnaha halkaasi isugu tagayna ay u badnaayeen shaqaalihii hore ee maxkamadaha dalka. Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dib loo soo nooleeyo hay’adihii garsoorka qaar ka mid ah oo uu sheegay inay yihiin kuwa ugu muhiimsan bulshada isla markaana baahi fara badan loo qabo. Sidoo kale Prof. Cali Maxamed Maxamed Geeddi ayaa sidoo kale ku booriyay mas’uuliyiinta la dhaariyay maanta inay waajibaadkooda u gutaan si waddaninimo iyo ALLE kaa cabsi ay ku dheehan tahay. Maxamed Aadan Saciid oo ah Kusimaha guddoomiyaha maxkamada sare ahna ku-simaha ku-xigeenka 1-aad oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada dowlada federaalku ay ka leedahay arrintaan ay tahay sidii cadaaladii ay dib ugu soo celin lahaayeen, isagoo xusay inay ka howlgeli doonaan garsoorayaashan maxkamadaha gobolka Banaadir, wuxuuna kula dardaarmay in waajibaadkooda ay si RABBI ka cabsdi leh u gutaan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com -
^^^Re-read the post and refute the points raised, how will the secesionist movement overcome these new hurdles? Dont get angry Mujahid-SNM.
-
Confused Castro, the courts belived that thier 200+ technicals would be enough to dazzle the world. Most of their heavy armour has been acocunted for, they left some in Mogadishu, but most have been captured in the battles, left behind as they where fleeing, in Diinsoor,Idaale, Bur-hakabo, Leego, Bali-Doogle ,Jilib, and Kismayu they left many vehicles and wepons which are in the TFG hands. Salaad Cali Jeelle: “Hub dhigistu waxay dowladdu billaabi doontaa maalinta sabtida ah, xoog ayaan lagu qaadayaa” Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Salaad Cali Jeelle ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inay dowladdu hubka xoog kaga qaadayso shacabka Soomaaliyeed. Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in maalinta sabtida ah ay bilaabayso inay hubka ururiso, isla markaana ay qasab kaga qaadayso kuwa aan ka faa’iidaysan xiliga loo qabtay inay hubka isaga dhigaan. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay siisay shacabka Soomaaliyeed ee gacmaha hubka uu ugu jiro muddo saddex casho ah oo ay beelaha Soomaaliyeed la tashiyo la sameynaysay, waxaana beel walba oo aan la kulannay kala kulannay inay doonayaan in hubka ay iska dhiibaan” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo hadalkiisa daba dhigay: “Hub ka dhigista Shacabka Soomaaliyeed waa mid aan cidna looga haybaysanayn, waxaana idiin sheegayaa in hubka qaabka loo dhigayo ay dowladdu dhameystirtay”. Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Salaad Cali Jeelle ayaa dhanka kale ka dhawaajiyay in hubka ay shacabka ka dhigayaan ciidammada Dowladda oo qura, balse aysan kaashanayn kuwa Ethiopia, haddiise loo baahdo ay qayb ka noqon karaan. “Hubka shacabka laga qaado wuxuu noqon doonaa mid la siiyo ciidammada Dowladda oo ay dowladdu qorsheysay gaarayana 45,000 oo Askari, mana nqoon doonto hubka mid shacabka dib ugu soo laabta sida dadka qaarkood ay qabaan” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in cid walba oo diida inay hubka dhigto ama ka hortimaadda ciidammada dowladda ee howshaan wada ay cagta marin doonaan. Maxamuud Axmed Xasan Xuurshe
-
Mogadishu: Banadir district admins sworn in..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Mogadishu: Banadir district admins sworn in..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Mogadishu: Banadir district admins sworn in..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Banadir iyo Garsoorayaal oo lagu dhaariyey Muqdisho Last Updated::2007-01-04 15:37:20 Muqdisho:- Munaasabad balaaran oo lagu qabtay maanta xarunta Maxkamada sare ee G/Banaadir ayaa lagu dhaariyey Guddoomiyaasha degmooyinka G/Banaadir, Garsoorayaal iyo k/xigeenada Xeer Illaaliyaha. Munaasabadan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa markii ugu horeysay lagu dhaariyey 8 kamid ah Guddoomiyaasha degmooyinka Gobalka Banaadir oo ka kooban 16 degmo. Waxaa sidoo kale la dhaariyey 5 Garsoorayaal oo ka shaqeyn doona Maxkamada Sare ee gobalka Banaadir, ayadoo halkaasi ayaguna lagu dhaariyey 4 kamid ah Kuxigeenada Xeer illaaliyaha gobalka. Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas'uuliyiin ka socota Dowlada Federaalka oo uu ku jiro Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Cadde Gaabow. Guddoomiyaasha Degmooyinka Magacaabida guddoomiyaasha degmooyinka ayaa qeyb ka ah maamul u sameynta gobalka Banaadir, oo maalmihii lasoo dhaafay ay Dowlada Federaalka ku hawlaneyd. DFKMG ayaa kulamo kala gedisan la yeelatay Beelaha ku dhaqan gobalka Banaadir, ayadoo hada dhameystiray dhismaha 8 degmood halka ay hareen 8 degmo oo kale. Maamulka Gobalka Banaadir ayay DFKMG horey u magacowday ayadoo uu Guddoomiye u yahay Md.Maxamuud Cadde Gaabow, waxaase markii ugu horeysay loo gudo galay dhismaha degmooyinka oo ayagu horey qabyo u ahaa maadaama aysan DFKMG horey gacanta ku heyn gobalka Banaadir. Garsoorayaasha Dowlada Federaalka ayaa sheegtay in ay xooga saareyso dhamaan waaxyada Amniga ee dalka, ayadoo maanta la dhaariyey Garsoorayaasha Maxkamada sare. Prof.Cali Maxamed Geedi Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay hawlgalaan dhamaan Maxkamadaha, asagoo sheegay in ay hada wadaan dhismayaasha iyo magacaabida Saraakiisha la wareegi doonta Saldhigyada Booliiska ee degmooyinka gobalka Banaadir ee Caasimada Muqdisho. Maxamed Cabdi HorseedNet.com -
Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Banadir iyo Garsoorayaal oo lagu dhaariyey Muqdisho Last Updated::2007-01-04 15:37:20 Muqdisho:- Munaasabad balaaran oo lagu qabtay maanta xarunta Maxkamada sare ee G/Banaadir ayaa lagu dhaariyey Guddoomiyaasha degmooyinka G/Banaadir, Garsoorayaal iyo k/xigeenada Xeer Illaaliyaha. Munaasabadan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa markii ugu horeysay lagu dhaariyey 8 kamid ah Guddoomiyaasha degmooyinka Gobalka Banaadir oo ka kooban 16 degmo. Waxaa sidoo kale la dhaariyey 5 Garsoorayaal oo ka shaqeyn doona Maxkamada Sare ee gobalka Banaadir, ayadoo halkaasi ayaguna lagu dhaariyey 4 kamid ah Kuxigeenada Xeer illaaliyaha gobalka. Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas'uuliyiin ka socota Dowlada Federaalka oo uu ku jiro Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Cadde Gaabow. Guddoomiyaasha Degmooyinka Magacaabida guddoomiyaasha degmooyinka ayaa qeyb ka ah maamul u sameynta gobalka Banaadir, oo maalmihii lasoo dhaafay ay Dowlada Federaalka ku hawlaneyd. DFKMG ayaa kulamo kala gedisan la yeelatay Beelaha ku dhaqan gobalka Banaadir, ayadoo hada dhameystiray dhismaha 8 degmood halka ay hareen 8 degmo oo kale. Maamulka Gobalka Banaadir ayay DFKMG horey u magacowday ayadoo uu Guddoomiye u yahay Md.Maxamuud Cadde Gaabow, waxaase markii ugu horeysay loo gudo galay dhismaha degmooyinka oo ayagu horey qabyo u ahaa maadaama aysan DFKMG horey gacanta ku heyn gobalka Banaadir. Garsoorayaasha Dowlada Federaalka ayaa sheegtay in ay xooga saareyso dhamaan waaxyada Amniga ee dalka, ayadoo maanta la dhaariyey Garsoorayaasha Maxkamada sare. Prof.Cali Maxamed Geedi Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay hawlgalaan dhamaan Maxkamadaha, asagoo sheegay in ay hada wadaan dhismayaasha iyo magacaabida Saraakiisha la wareegi doonta Saldhigyada Booliiska ee degmooyinka gobalka Banaadir ee Caasimada Muqdisho. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
-
^^^Indeed, but thats better than nothing, there is a donor meeting in the works to help with reconstruction and institutional building. This is just the beggining, further highlighting the fact the US supports the TFG government of Somalia.
-
The usual stories,not yet a single refutation.Damn! Fear I said, now we have anger as higlighted by Mujahid-SNM. Brother refute the points and dont go of on a mad rant. I dont hate Somaliland, but I am a bit suprised that they have no real options to confront the rise of the unionists, federalists, centralists or put simply the return of the Republic. Suldan, I am quite disapointed with you old man, where is Oodweyn? Ayoub Shiekh, is quite what about Northerner. Come on guys, what tactics, strategies are in place or should be formulated up in Hargaysa.
-
Mareykanka uu ugu deeqay Soomaaliya 16 Malyuun oo Doolar. Last Updated::2007-01-04 21:07:53 Washington:-Xoghaya Arimaha Dibada ee wadanka Mareykanka Mrs Condaliza Rice ayaa waxaa ay sheegtey Maanta in wadankeeda mareykanka uu uu ugu deeqay 16 Milyuun oo Doolarka Mareykanka ah wadanka Soomaaliya. Mrs Rice Waxaa ay sheegtey in 16 tobankaan Malyuun loogu talagaley, Kicinta hawlaha Dawlada Kumeel gaarka ah, halka Qaarka kalena ay sheegtey in loogu talagaley Gargaar dhinaca Cunada ah. 11.5 Malyuun ayaa waxaa ay sheegtey Mrs Rice in loosiin doono Soomaaliya Gar gaar Cuno halka 1.5 Malyuuna loosiin doono Caawimo aan Cuno ahayn, waxaana loosiin doona 3.5 Malyuun Taakuleynta Qaxootiga . Mrs Rice waxaa ay sheegtey in ay dadka Soomaalida ah ay oga fa’iideysan doonaan Lacagahan Taakulada ka soo kabasho dhibaatooyinkii haleeley Shacbi weynaha Soomaaliya 16 kii sano ee la soo dhaafey. Warbixin Qoraal ah oo ay soo saartey Mrs Rice waxaa ay ku sheegtey Dawlada Mareykanka uu soo hagayo ee DFS in ay dadka Soomaaliyeed u tahay Farsad taariikhi ah, waxaana ay taasi ay u tahay fursad sidii loo soo afjari lahaa Daadadkii Qab qabli nimada ahaa iyo qul qulatooyinkii xagjirnimada ahaa iyo Gabood faladii dhinaca Bini’aadantinimada ee dhacayey 16-kii sano ee la soo dhaafey. Mrs Rice waxaa ay usoo marsiisey, Kaaliyaheeda Afrika Mrs Jendayi Frazer, hadalo ku saabsan in wadanka Soomaaliya loo diro Ciidamo nabad ilaalineed ku waas oo ka qeyb qaata hawlaha nabad ilaalinta ee wadanka Soomaaliya, waxaana kale oo ay sheegtey Mrs Rice in wadanka Soomaaliya kooxaha kala gedisan ee qab qablayaasha ah in ay furaan wadahadalo Baahsan taas oo wadanka u sabab ah in xabad joojin ay ka hirgasho. Dhinaca kalena Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada ee wadanka Mareykanka Mr Sean McCormack ayaa sheegay in Mr Frazer ay la leedahay wadahadalo Madaxweynaha Uganda Yoweri Musevene iyo Ra’iisul wasaaraha wadanka Ethiopia Mr Atto Meles. Mr McCormack waxa kale uu sheegay in ay la kulmi doonto Diblomaasiyiin ka socda wadamada Yurub, Afrika iyo Hayd’adaha Caalamiga ah, si li isugu dubarido Mustaqbalka wadanka Soomaaliya. Mr McCormack waxa uu sheegay in qorshaha aysan ugu jirin Mrs Frazer in ay Booqato wadanka Soomaaliya waxaase uu sheegay in ay muqtaqbalka macquul ay tahay in ay ka qeyb qaadato Mrs Frazer Booqasho ay ku imaandoonaan wafuud caalami ah wadanka Soomaaliya. Mohamed ALi (Dalka) Ibnucalixirsi@hotmail.com
-
Washington: Dowladda Mareykanka oo ku yaboohday xukuumada Soomaaliya 16 Milyan Khamiis, January 04, 2007 Washington (Allpuntland)- Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan 16 Milyan oo Dollar-ka dalkaasi ku yaboohday xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Condoleeza Rice ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay ku yabooheysi dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya lacag dhan 16 Milyan oo Dollar, taasoo lagu caawinayo dowladda KMG ah oo u adeegsan doonto dhinacyada amniga iyo arimaha gargaarka bini’aadanimada. Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Ismaaciil Maxamed Hure (Buubaa) ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dhaqaale markii ugu horeysay dowladda Mareykanka ay ku yaboohday Dowladda Federaalka taasoo uu sheegay in loo adeegsan doono dhinaca amaanka, wuxuuna intaa raaciyay in Madaxweynaha KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed uu kulamo uu la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada Washington iyagoo ka wada hadlay isbadalka cusub iyo sida dowladda Mareykanka ay ugu qeyb qaadan laheyd taageerida dowladda Soomaaliya. Condoleeza Rice ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay u xil saartay arrimaha dalka Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Jentayu frazer oo haatan ku sugan magaalada Adis Ababa halkaasi oo kulamo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya kula yeelatay Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musaveni iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Melas Zenawi, iyadoo kala hadashay sidii dalka Soomaaliya loogu diri lahaa ciidamo ka socda dalalka Afrika. Cali Sandheere Allpuntland, Muqdisho
-
Washington: Dowladda Mareykanka oo ku yaboohday xukuumada Soomaaliya 16 Milyan Khamiis, January 04, 2007 Washington (Allpuntland)- Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan 16 Milyan oo Dollar-ka dalkaasi ku yaboohday xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Condoleeza Rice ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay ku yabooheysi dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya lacag dhan 16 Milyan oo Dollar, taasoo lagu caawinayo dowladda KMG ah oo u adeegsan doonto dhinacyada amniga iyo arimaha gargaarka bini’aadanimada. Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Ismaaciil Maxamed Hure (Buubaa) ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dhaqaale markii ugu horeysay dowladda Mareykanka ay ku yaboohday Dowladda Federaalka taasoo uu sheegay in loo adeegsan doono dhinaca amaanka, wuxuuna intaa raaciyay in Madaxweynaha KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed uu kulamo uu la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada Washington iyagoo ka wada hadlay isbadalka cusub iyo sida dowladda Mareykanka ay ugu qeyb qaadan laheyd taageerida dowladda Soomaaliya. Condoleeza Rice ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay u xil saartay arrimaha dalka Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Jentayu frazer oo haatan ku sugan magaalada Adis Ababa halkaasi oo kulamo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya kula yeelatay Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musaveni iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Melas Zenawi, iyadoo kala hadashay sidii dalka Soomaaliya loogu diri lahaa ciidamo ka socda dalalka Afrika. Cali Sandheere Allpuntland, Muqdisho
-
Shariif Xasan: Xooga ayaa dalka looga saarayaa ciidamada Ethiopia.
General Duke replied to Dhubad.'s topic in Politics
^^^His days as Speaker are surely numbered. -
Its a first step a step in the right directions, negotiations are taing place, the clan eldeers are working behind the secenes and insha Allah this will be a success. The TFG is deteremined to disarm the whole population. So far it has captured in the last 8 days an estimated 120 technicals and destroyed many more as the clan courts fled. The rest will be taken due time insha Allah.
-
^^^Thats not an answer, obviously getting recognition is just a dream and one becoming a nightmare as of late. But as a beliver in that dream how do you counter the above points made regarding the weak position the secessionist movement finds itself in.
-
^^^I think he was trying to make a point, but it all came out wrong, he seemed to be high, he even went on to insult another nations envoy, not helping the TFG relationship with Italy any way at all..
-
To my Somaliland brothers, tell me a single nation on Erth that recognises you? Maybe Ethiopia, what about Djibouti? Do you control all the areas that you claim? What options have your leaders in getting recognition or full control of the state?
-
Prof.Geeddi “Ma ogolaan doono hadda ka dib in wasiir ama xildhibaan kasta uu siduu doono ug a hadlo siyaasada xukuumada” Ra'isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadal muran badan dhaliyey oo maalintii dorraad goob fagaare ah uu ka jeediyey ku-xigeenkiisa ahna wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Max'ed Caydiid kaasoo ahaa in dowladdu wado qorshe ku aadan in la baabi'iyo xudduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, baasaboor mid ahna ay wadaagaan shacabka labada dal. Geeddi ayaa sheegay in hadalkaasi uusan aheyn mid ka turjumaya siyaasada xukumada federaalka uuna yahay mid ku kooban Xuseen Caydiid, loona baahan in wasiirada ka tirsan xukuumadiisa aysan isaga qaldamin siyaasada dowladda iyo fekerka shaqsiga ah ee ay qabaan, wuxuuna xusay Geeddi in siyaasada xukuumadiisa ee ku wajahan dalalka deriska ay tahay in deris wanaag iyo nabad gelyo lagu wada noolaado, dowladaha geeska Afrikana ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen argagaxisada iyo kooxaha kale la halmaala. “Ma ogolaan doono hadda ka dib in wasiir ama xildhibaan kasta uu siduu doono uga hadlo siyaasada xukuumada, waanba iney fekerkooda ku soo bandhigaan fadhiyada dowladdaa inta aan saxaafada loo soo gudbin” ayuu yiri Geeddi oo dhinaca kale sheegay in xukuumadiisa ay wado qorsheyaal kala duwan oo lagu celinayo adeegyadii bulshada sida nabadgelyada caafimaadka iyo waxbaraashada. Cabdixakiin Cilmi Xasan , Muqdisho, Somalia Cabdixakiin44@hotmail.com
-
^^^I agree with you, I dont think there will be an attack on people, but measure could be put in place, pressure could be put on certain elders and leaders that the clans must bring in their heavy wepons. By no means should there be a war against clans, but also one must not tolerate armed gangs that have wepons to destroy whole sections of the city. Also this is not confined to Mogadishu, Kismayu, and the central regions even in Galkacyu they are stepping up this program of disarming the population.
-
Xoogsdae, there is a plan in motion to get the country back to normal. Already the south has been given back to its population.
-
Muqdisho: Salaad Cali Jelle oo digniin ka soo saaray hubka wali Mudisho ku dhex jira. Khamiis, January 04, 2007 Muqdisho (AllPuntland)- Wasiir ku xigenka gaashaan dhiga ee dawladda Soomaaliya Salaad Cali Jelle ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay dhamaatay wakhtigii hub uruurinta ee dhowaan uu qabtay ra`isul wasaaraha dawladda Soomaaliya. Salaad Cali Jelle ayaa waxa uu cadeeyay xukuumadda Soomaaliya wixii hadda ka danbeeya ay xukuumadda Soomaaliya doonanayso in ay hubka soo ururiso oo aysan cidka ugu dul qaadan doonin. Wasiirka ayaa waxa uu cadeeyay in xukuumaddu aysan wax wakhti ah ku dari donin xilligii ay qabatay oo saddexda maalmood ahaa. Hadalkaasi ayaa waxa uu ka sheegay shir jaraa`id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. Ugu danbayntii waxa u mudane Jelle digniin u jeediyay dadka magaalada Muqdisho ku dhex haysta hubka noocyadiisa kala duwan. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya hub uruurin guud, iyada oo qaar ka mid ah beelaha gobolka Banaadir ay soo xero galiyeen hubkooda. Mahad Jama Koronto AllPuntland
-
Barliin: Midawga Yurub oo dhowaan isugu imaanaya kulan arimaha Soomaaliya looga wada hadlayo. Khamiis, January 04, 2007 Barliin (AllPuntland)- Wasiirka arrimaha dibadda ee wadanka Jarmalka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in midawga Yurub ay dhowaan isugu imaanayaan kulan ballaaran oo looga wada hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya. Frank Libret ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi uu ka dhici doonno magaalada Burusels ee fadhiga midawga Yurub. Mr. Frank ayaa hadalkaasi waxa uu ka sheegay shir jaraa`id oo uu ku qabtay magaalada Barlin ee caasimadda wadanka Jarmalka. Waxa uu intaasi raaciyay in ka hor inta aan kulankaasi la qaban uu qabsoomi doono shir lagu qabanayo magaalada Nayroobi oo ay isugu imaanayayaan wadamada horay u maray. Ma uusan shaacin wax yaabaha dhabta ah ee looga wada hadli doono kulankaasi, iyo in lagu marti qaadayo xukuumadda Somaaliya. Kulankani ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyada oo dhowaan xukuumadda Soomaaliya ay ku guulaysatay in ay gacanta ku dhigto guud ahaan dalka Soomaaliya. Mahad Jama Koronto AllPuntland.
-
^^^Refute the points above, if you can?