
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
US Air Force Bombs Southern Somalia Using AC-130 Gunships
General Duke replied to Castro's topic in Politics
^^^And you will be the firts to give up your green card right? I thoought this was an occupation by the Tigray, has it now turned into a US show? Mystic, I nearly fell of my chair.. -
Somali President arrives in Mogadishu, rules out dialogue for now.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha Somaliya oo soo gaaray magaalada Caasimada ee Muqdisho Last Updated::2007-01-08 14:24:34 Muqdisho:- Waxaa goor dhaweyd kasoo degay Airporka Muqdisho Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya. Madaxweynaha oo ay diyaarad khaas ah kasoo qaaday magaalada Baydhabo ayaa kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho. Madaxweynaha ayey airporka kusoo dhaweeyeen dhamaan xubnaha DFKMG ee ku sugan Muqdisho iyo dadweyne kale. C/laahi Yusuf Ahmed ayey safarkiisa ku wehliyaan xubno isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo kasoo raacay xaruntii kumeel gaarka ahayd ee Baydhabo. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyey dhinaca Hotel Naasahablood halkaasi oo loogu sameeyey Qado. Madaxweynaha ayaa u gudbay Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya oo ay maanta ka socoto qaban qaabo weyn oo lagu soo dhaweenayo Madaxweynaha DFKMG. C/laahi Yusuf Ahmed ayaa markii ugu horeysay tagay Caasimada Somaliya, tan iyo sanadkii 2004 markii loo dhaariyey xilka Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya. C/laahi Yusuf Ahmed ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey oo ay Dunnida ictiraafsan tahay oo fadhiisin ka dhigta Madaxtooyada Caasimada ee Villa Somaliya, tan iyo intii ay burburtay Xukuumadii hore ee Marxuum Maxamed Siyaad Bare. Ciidamo horleh Waxaa xalay magaalada Muqdisho soo gaaray ciidan gaaraya 600 kuwaasi oo ah ciidamada DFKMG ee lagu tababaray xerada Manaas ee gobalka Bay. Ciidamadan oo isku dhaf ah ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan adkeynta amniga magaalada Muqdisho. Muqdisho ayey xalay ka dhaceen weerar lagu qaaday qaar kamid ah Ciidamada DFKMG iyo kuwa Itoobiyaanka ah oo marayey jidka KM4. Amniga magaalada ayaa xalay illaa iyo saaka si weyn loo sugay, ayadoo ay jidadka waaweyn ee magaalada ka muuqdeen ciidamada DFKMG iyo gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan. Maxamed Cabdi HorseedNet.com -
Somali President arrives in Mogadishu, rules out dialogue for now.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Madawaynaha Soomaaliya oo kulan albaabadu u xiran yihiin la leh ra`iisul wasaare Geddi. Isiniin, January 08, 2007 Muqdisho (AllPuntland)- Ra`iisul wasaaraha dawladda Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geddi ayaa waxa uu kulammo la qaatay madaxwaynaha dawladda Soomaaliya oo dhowaan gaaray magaalada Muqdisho. Ra`iisul wasaare Geddi oo ka qayb qaatay soo dhowaynta madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in uu war bixin u gudbin doono madaxwaynaha Soomaaliya, taasoo ku aadan socdaal uu dhowaan ku tagay wadanka Kenya. Mudane Geddi ayaa maanta waxa uu ka soo dagay garoonka diyaadaha ee magaalada Muqdisho, isaga oo Nayrobi kula soo kulamay Jendy Frazer oo u qaabilsan wadanka Maraykanka arimaha Afrika. Madaxwaynaha iyo Ra`iisul wasaaraha ayaa waxa ay haatan si wada jir ah ugu jiraan kulan ay albaabadu u xiran yihiin, iyada oo aan saxaafadda loo shegin wax yaabaha ay ka wada hadalayaan. Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay haatan ka bilaabato hub uruurin tii ay xukuumaddu ku dhawaaqday ee ku aadanayd hubka yaalla magaalada Muqdisho. Mahad Jama Koronto AllPuntland -
Somali President arrives in Mogadishu, rules out dialogue for now.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho:Madaxweynaha Soomaaliya oo kasoo degay garoonka Muqdisho Isniin, January 08, 2007 Muqdisho(AllPunland)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa daqiiqado ka hor kasoo degay garoonka weyn ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan dowladda Federaalka oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Maxamed Caydiid iyo dadweyne kale. Madaxweynaha ayaa waxaa loo galbiyay haatan xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo xarun u ahaan jirtay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimoqraatiga Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre ee geeriyooday. Afhayeenka Dowladda Federaalka oo garoonka kula hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu saldhigan doono magaalada Muqdisho balse socdaalkiisa aheyn mid booqasho ah,wuxuuna intaa raaciyay in uu howlihii ka wadan doono Muqdisho Waa markii ugu horeysay ee C/llaahi Yuusuf soo gaaro tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya. Cali Sandheere Allpuntland, Muqdisho -
^^^Nicely put I love this pic
-
Somali President arrives in Mogadishu, rules out dialogue for now.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
MUQDISHO: Madaxweynaha Soomaaliya oo soo gaaray markiisii ugu horreysay Muqdisho, iyo Geeddi oo Muqdisho yimid Posted to the Web Jan 08, 13:17 Muqdisho (PP) - Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horreysay manta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaliya, waxan la dajiyay Madaxtooyadii hore ee Soomaliya (Villa Somalia). Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayay tani u noqonaysaa markii ugu horreysay tan iyo markii loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya uu yimaado Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliy, waxaana xubnahaas ka mid ahaa wasiirka Arrimaha gudaha isla marka ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Xuseen Maxamed Caydiid, waxaana dhanka kale goobjoo ka ahaa soo dhaweynta Madaxweynaha shacabka Reer Muqdisho. Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa harqiyay manta dadweyne fara badan oo soo dhaweynaya Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana soo dhaweyn kaddib madaxweyne Yuusuf loo qaaday dhanka Madaxtooyada Soomaaliya oo uu haatan ku sugan yahay. Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale ku soo dhaweeyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia dadweyne kale oo aad u fara badan, waxaana shacabka qaarkood ay isku dayayeen inay arkaan Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo qaarkood aysan weligood arkin. Xarunta Madaxtooyada oo u daggan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo aad u hubeysan, waxaan xiran dhammaan waddooyinka soo gala madaxtooyada iyadoo dadweynaha la sii daynayo balse la xayirayo gawaarida, waxaana ciidammada booliiska ay ku sugan yihiin albaabka hore ee Villa Somalia iyagoo kala hagaya shacabka doonaya inay arkaan Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa ku yimid diyaaradii ka dambeysay middii Magaalada Muqdisho keenay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo isaguna isla saakay ku soo laabtay Magaalada Muqdsiho kuna soo maray Madaxweynaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay. Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya xilliga u haray uu ku shaqeyn doono Magaalada Caasimadda ah isagoo ay fariisin u noqonayso Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com -
Somali President arrives in Mogadishu, rules out dialogue for now.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
C/llahi Yusuf oo ka hadlay imaanshihiisa Muqdisho 8 Jan 8, 2007, 09:17 Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo Muqdisho soo gaaray maanta ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Muqdisho dhowr iyo toban sano kadib. C/llaahi ayaa sheegay in magaalada Muqdisho xiligan ay ka jirto nabadgelyo, wuxuuna shacabka Muqdisho uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii Qaranka Soomaaliyeed lugahiisa ugu istaagi lahaa, isagoo tilmaamay in shaqsi kasta oo Soomaaliyeed looga baahan yahay in uu ka shaqeeyo amniga iyo taageerida dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday dadweynaha Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dowladdooda. Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa diiday in ay wada hadal la galayaan dowladdiisa maxkamaddaha Islaamiga Soomaaliyeed isagoo sheegay in aysan dhici doonin wada hadal ay la galaan maxkamaddaha Islaamiga, isahoo intaa raaciyay in ay la dagaalami doonaan argagixisada caalamka meel kasta oo ay joogaanba. Mar uu ka hadlayey ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayuu sheegay in ciidamadan ay sugayaan ciidamo Afrikaan ah oo badala oo dhawaan la filayo iney dalka soo gaaraan. Madaxweynaha ayaa caawa ku hoyanaya caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ee Muqdisho tan iyo markii loo dhaariyay xilka Madaxtinimada 10 Oktoobar 2004. Cali Muxiyaddiin Cali, GO -
Somali President arrives in Mogadishu, rules out dialogue for now.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo markii ugu horeysay duhurnimadii maanta soo gaaray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Muqdisho. BP. Muqdisho Isniin 8 January 2007 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xubno la socda ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho markii ugu horeysay tan iyo markii loo doortay jagada madatinimo ee dalka 10-octobar ee sanadkii 2004. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magalaada Muqdisho Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo kuxigeenkiisa ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid. Lama oga in Madaxweynaha Somalia uu sii joogi doono magaalada Muqdisho iyo in uu ku laabanayo magaalada Baydhabo, waxaa uu Madaxweynaha hadda ku sugan yahay xaruntii Villa Soomaaliya ee Madaxtooyadii hore. Imaansha C/llaahi Yuusuf ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soo horeeyay Ciidamo fara badan oo Itoobiyan ah kuwaas oo iyagana soo gaaray Caasimadda waaberigii saaka. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa horyaala inuu wax ka qabto Xaaladda ammaanka Magaalada Muqdisho kadib markii sida muuqato ammaankii faraha ka baxay. Waxaa lagu wadaa in Madaxweynuhu la kulmo Siyaasiyiinta Gobolka Banaadir, odayaasha dhaqanka xubnaha Dowladda iyo Mas’uuliyiin kale. -
Afgoyee: new admin weapons ban calls up veterans
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Hadalka afhayeenka degmada waxa uu ku soo beegmayaa xili taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta degmada Afgooye G/sareC/laahi Seekh Shaakaale oo isugu yeeray ciidamadii hore ee Asluubta si ay howlahooda ay u bilaabaan. -
Prof Cadow: we are ready to talk to the TFG , why now?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^That was indeed quite amusing. However it was Cadow who refused talks, its Cadow who no wants talks. Though so far no one wants to talk to him. No one here is talking about a millitary advantage, but why on Earth so they want to open talks now? Is it because they have been defeted, were they relying on IndaCade to deliver a swift millitary victory? As for shedding blood, and sacrifice, why are you still here waging a virual reality war, why has Cadow ran of to Yemen, why has Abukar Cadaan & his Ormo minions given up in Kenya, have they all "leaders" fled, leaving the young children to die in the fronts? It was all a sick joke, but now everyone knows it is. -
Prof Cadow: we are ready to talk to the TFG , why now?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Insults aside, the reason you came rushing to this thread was the name of Ibrahin Xasan Cadow in the title. Thus go ask the man, why he squandered the opportunity before when they could have got a political deal. If he was against the TFG then why does he want to talk to them, now? Saxib the Duke has not chnaged his stance, Cadow, Sharif Aahmed and the remenants of the courts have. -
Prof Cadow: we are ready to talk to the TFG , why now?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Irrational nonsence, keep deluding yourself, I have nothing but sympathy for you. As I have told you before do not blaspheme, repent. Thats all. -
Prof Cadow: we are ready to talk to the TFG , why now?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^Firts dear brother its not tribe but clan, we are all from the same tribe. Second we have all heard so much from you but no action, you seem ever more isolated and becoming ever more desperate. Let me repeat I am not your enemy, take it easy, and try live your life without hate. -
Prof Cadow: we are ready to talk to the TFG , why now?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^It makes no sense, the TFG is already in talks with elders, political leaders and religious parties like Ahlu-Sunna, Al-islax and others. Thus the clans who make up the TFG are in talks, as well as the serious religious bodies who never wanted war in the first place. How can the government hold talks with the clan courts millitia, who two weeks ago attacked Baidoa with the aim of destroying the TFG? -
Maamulka Degmada Afgooye oo mamnuucay in hub deegaankaasi lagu dhex wato. Afgooye, Isniin 08 Jan 07 Simba Radio Maamulka ay dhawaan DF u magacowday Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa amray in wax hub ah aysan cidna ku dhex wadan Karin gudaha degmadaasi marka laga reebo ciidamada amniga deegaankaasi sugayana Maamulka cusub ee degmada Afgooye ayaa sheegay in talaabada ugu horeysa oo ay qaadanayaan ay tahay wax ka qabashada xaaladaha ammaan daro ee ka soo cusboonaaday degmada Afgooye iyo nawaa igeeda kaddib markii shalay si rasmi ah uu maamul kii hore xilka ugu wareejiyey. Afhayeenka maamulka cusub ee dowladdu u soo magacowdey degmada Afgooye C/llaahi Agoow ayaa sheegay inay ku tala jiraan wax ka qabshada amaandarada sii baahaysa ee ka jirta degmada Afgooye iyo deegaanada ku heeran . Waxaa sidoo kale uu tilaamey in ciidamada nabadgalyada sugaya ay ahaanayaan kuwa isku dhaf ah oo beel gaar ah aan laga soo aruurin isagoo caddeeyey xataa inay ka qeyb qaadanayaan arimahaasi ciidamada Maamulkii hore ee xilka kala wareegeen. Hadalka afhayeenka degmada waxa uu ku soo beegmayaa xili taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta degmada Afgooye G/sareC/laahi Seekh Shaakaale oo isugu yeeray ciidamadii hore ee Asluubta si ay howlahooda ay u bilaabaan. Simba Media Center, Muqdisho Somalia.
-
Afgoyee: after 16 years locals get their district back
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maamulka Degmada Afgooye oo mamnuucay in hub deegaankaasi lagu dhex wato. Afgooye, Isniin 08 Jan 07 Simba Radio Maamulka ay dhawaan DF u magacowday Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa amray in wax hub ah aysan cidna ku dhex wadan Karin gudaha degmadaasi marka laga reebo ciidamada amniga deegaankaasi sugayana Maamulka cusub ee degmada Afgooye ayaa sheegay in talaabada ugu horeysa oo ay qaadanayaan ay tahay wax ka qabashada xaaladaha ammaan daro ee ka soo cusboonaaday degmada Afgooye iyo nawaa igeeda kaddib markii shalay si rasmi ah uu maamul kii hore xilka ugu wareejiyey. Afhayeenka maamulka cusub ee dowladdu u soo magacowdey degmada Afgooye C/llaahi Agoow ayaa sheegay inay ku tala jiraan wax ka qabshada amaandarada sii baahaysa ee ka jirta degmada Afgooye iyo deegaanada ku heeran . Waxaa sidoo kale uu tilaamey in ciidamada nabadgalyada sugaya ay ahaanayaan kuwa isku dhaf ah oo beel gaar ah aan laga soo aruurin isagoo caddeeyey xataa inay ka qeyb qaadanayaan arimahaasi ciidamada Maamulkii hore ee xilka kala wareegeen. Hadalka afhayeenka degmada waxa uu ku soo beegmayaa xili taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta degmada Afgooye G/sareC/laahi Seekh Shaakaale oo isugu yeeray ciidamadii hore ee Asluubta si ay howlahooda ay u bilaabaan. Simba Media Center, Muqdisho Somalia. -
Radio Banadir: President visit, + report on security of Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somali government forces have begun to patrol the once lawless city of Mogadishu [Reuters] -
Radio Banadir: President visit, + report on security of Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The report gives an over view of the situation of the Mogadishu as it is.. -
Somalia Today Posted to the MOL January 5, 2007, 7:58 am Let me first pay tribute to the President, the Prime Minister, few outstanding government ministers like Salad Ali Jeelle and Ismail Hurre Buubaa, and the lean, mean, exceptionally brave forces of the TFG (Transitional Federal Government) and their commanders. I would also like to thank the Ethiopian government for its unrivaled support in this do-or-die historic mission. Congratulations to you all! Courts arrogantly defied the government plea for normalcy and calm. They vehemently rejected the constitution and took the matter into their hands. They practiced the rule of the jungle, even though they claimed practicing the rule of law – The Islamic Sharia. The government has people’s mandate to govern. The two years-long process that produced the TFG wasn’t perfect, but given the circumstances, it was the best available at the time. Courts didn’t have people’s consent whatsoever. They ruled illegally. The issue is not the way they did rule. They may have ruled brilliantly, which I am afraid is the case, but what does it matter if they come into being through coup d'état? Courts expelled the warlords out of Mogadishu and its surroundings, and that was a courageous step towards the right direction. Their effort was praised by the people. Even the government stood up for their support by further humiliating the runaway warlords. They were all fired from their cabinet posts. That was good gesture from the side of the government, but day after day, the Courts grew arrogance and stubbornness. In retrospective, many people are realizing that, the Courts leaders were using the Islamic Sharea as a pretext to grab the power from the hands of the elected government. At their retreat from Mogadishu, they distributed most of their heavy arsenal to the thugs and street gangs in order to create lawlessness in the capital. That wasn’t cool. Sincerely righteous people would never act like that. Of the Khartoum reconciliation meeting, the President, the Prime Minster, and the Speaker of the House all attended to meet with them, but the Courts leaders entirely snubbed them. Soon, things changed from disarming Mogadishu to declaration of war against the TFG, Punland and Somaliland states, Ethiopia, and sometimes Kenya appearing in the list. Students as young as intermediate level were reportedly sent to the battle-front in massive numbers and unfortunately met their demise at the outskirts of Baydoa. With heavy casualties suffered, with the Ethiopian troops unquestionably now in the Somali soil and with the Somali religious scholars now labeled as a violent blood hungry Vampire, Mr. Aways and his diehard followers vanished into the jungle of East Africa. This was great scandal and gigantic loss. Before the Courts became one of the major players in the Somalia conflict, few Mogadishu based warlords scavenged the dead and the living alike. Their goal was to bury dignity, honor, and nationhood all together. In that, they could profit on people’s misery, exploiting them to their teeth. These classless, worthless, dirty hogs deserve death by hanging. With the first phase of the war now dwindling, and the second phase just starting, people’s emotions couldn’t be running higher. A new hope mixed with old fears is the dominant. Aside from the thousand other obstacles including lack of funds, lack of societal discipline, and lack of resources in the country, the major hurdles faced by this government were the Mogadishu based warlords and the Courts. Courts had bad approach, but partially good intentions. Warlords had evil intentions, evil tactics, and are devils themselves. For this government to work, it has to shift its combat to the warlords immediately. Negotiating with them produces no fruits. Their limitless immorality has to be contained. Their confinement will strengthen people’s confidence on the government. The government seems to be losing a precious momentum. If nothing else is missing, it lacks style and dynamics. In a time like this, offering stick may be more rewarding than offering carrots. The smiling civilian faces of the Prime Minister, the Minister of interior, and few others presented to the public is work that is ahead of its schedule. It should have been the military wing that is more visible and more in control. The Prime Minister and his cabinet ministers should have been lined up behind Salad Ali Jeelle and his camp till the weapons are fully collected and the city is ready for business as usual dialogue. I am ten thousand miles away from the capital and there might be so many good things going on without the knowledge of the public, but my hunch is that Mr. Jeelle is doing great job, but Mr. Aidid’s picture perfect photo appearances are more of a liability than being an asset to his mission. The Courts didn’t win the street by begging or being nice the trouble makers. They gave real deadlines and acted with sincerity and muscle. The three months presidential marshal decree was poorly announced. Most of the people do not even aware of the fact that the country is in marshal period. But it came on the right time and was certainly one step forward. It must end on time, and before the parliament convenes its mundane sessions. Based on its current pace, I doubt if this government will get its house in order within this hands free period. I understand why the President, the PM, and the minister of interior are appointing the new governors for various different states, but I would love to know when these appointees will be replaced with duly elected candidates. I also like to know the number of states the TFG has in mind. Four states? Five states? More? I am not expecting well detailed chart at this transitional period, but some sort of outlook for the future. Overall, things look great, but it will all depend on the effectiveness of the men in control and how quickly they move. AbdulRehman Hassan USA,
-
Khalaf, is no flip floper, he is more honest than many of the fake groups here. Same people who used to deny the rights of the people of lower Shabbele, and defend their oppressors IndacADE & Xasan Dahir have all become die hard nationalists.
-
Afgoyee: after 16 years locals get their district back
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gone are the days when the courts used to protect IndaCade and Cirfo. -
^^^Why is this a big deal? If this is an indication the TFG will colapse then you have a thing coming. This is better than, reer hebal attack this town or that. A dispute is natural and this highlights that the TFG is not a Puntland vehicle, as Mr C-Castro would have us belive.
-
Prof Cadow: we are ready to talk to the TFG , why now?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
It was all about power, the courts belived they had the strength to control the country. Cadow: "waan la hadleynaa DF" 8 Jan 8, 2007, 10:17 Maddaxa arrimaha dibada ee Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Prof. Ibraahim Xasan Cadoow oo ku sugan magaalada Sanca ee dalka Yeman ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee Yemen inay dhinacooda diyaar u yihiin wada xaajood ay la galaan DF, isla markaana dhinacooda mar walba ay ka shaqeynayanaan danaha Ummada Somaaliyeed. Prof. Cadoow ayaa beeniyay in dhinacooda laga awood roonaadaay isagoo sheegay iney iyagoo fiirinaya danaha ummada Soomaaliyeed ay isaga baxeen goboladii ay ka talin jireen, isla markaana dhawaan ay Somalia kusoo noqon doonaan, laakin aysan rabin dhiig dhulka Somalia mar kale ku daata. "Waan ogolnahay inaan miiska wada hadalka aan la fariisano DF, mar walbana cida nabada jecel waa Maxkamadaha", ayuu yiri Prof. Cadoow. Wakaaladan wararka ayaa sheegtay in Yemen ay ku sugan yihiin labo Mas'uul oo sarsare oo ka tirsan Golaha Maxkamadaha waloow aan magacyadooda la shaacin. Horey ayay aheyd markii wasiirka arimaha dibada ee dalka Yemen Dr. Abubakar Al-qurabi uu sheegay in xukuumadiisa ay ka go'an tahay sidii ay u sii wadi laheyd nabadeynta kooxaha isku haya dalka Somalia. Cabdi Fatax Axmad,GO -
Afgoyee: after 16 years locals get their district back
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Degamada Afgooye waxay noqoneysaa degmadii ugu horeysay ee gobolka Sh/hoose oo ay dowladu Maamul u samayso waxaana dowladu haatan qorshaynaysaa in maamul guud ay gobolka u magacowdo Empower the locals in every region thats the road to victory and peace.