
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
PRES ABDULLAHI YUSUF AND FORMER PRES ABDIQASIM HOLD MEETING: PICS
General Duke replied to Taako Man's topic in Politics
^^^Saxib you are sounding way too desperate. -
Mogadishu calm: Police security forces take steps...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dhagaxtuur: “Howlgal aan saakay sameynnay ayaan ku soo qabqabannay kooxo burcad (Muqdisho}10.1-07 Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Galgalato iyo Warshiiq ayaa waxay ku soo qabteen burcad tiradood gaarayso 11-qofood iyo 8-qori oo ay wateen. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Ammaanka Maxamed Cusmaan (Dhagax-tuur) ayaa mar uu saxaafadda uga warbixinayay howlgalkaas ay sameeyeen wuxuu sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid ay ku baadi goobayeen burcad jidka isku xira xamar iyo ceel-macaan dhigtay isbaarooyin isla markaana ku waxyeelaynayay dadka socotada ah. “Waxaan howlgalkaan ku dhamqaaqnay saakay aroortii hore, waxaana u suurogashay ciidammada booliiska inay gacanta ku soo dhigaan burcad halkaas ay isbaaro u taallay iyo weliba qoryihii ay wateen” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur. Mar u dhagaxtuur ka hadlay ammaanka jidkii ay saakay ka sameeyeen howlgalka ayuu sheegay inuu haatan yahay mid nadiif ah oo ay ku safri karaan gawaarida iyo shacabka waddadaas istimaala. “Waxaa jidka ku sugan ciidammo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed oo sugaya ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, waxaana shacabka u sheegaynaa in waddadaas ay tahay meel nadiif ah oo lagu safri karo” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur. Burcadda lagu soo qabqabtay howlgalkii saakay laga sameeyay waddada dheere ka baxda magaalada Muqdisho dhankeeda bari ayaa waxay ku xirxiran yihiin haatan saldhigga bari ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay Dhagaxtuur in sharciga la marsiin doono. “Howlagalka sugidda ammaanka waa uu sii soconayaa mana ahan mid intaas lagu joojinayo, waxaana uu sheegaynaa burcadda inay ka digtoonaadaan howlaha falalka xunxun ah oo ay ka mid yihiin Isbaarooyinka iyo dhaca” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur oo sheegay in howlgalkooda ay sii joogtaynayaan. News Desk WidhWidh Online -
President Yusuf meets with former leaders A/Qasin Ali Mahdi
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^For a nation that went through 16 years of civil war, clan blood letting when Baidoa was even dubbed the city of death, when all the nations infrustructure was sold as scrap metal. Somalia is turning a new leaf, it has a government in control of the country, the fighting and deaths are tragic, but the TFG never started this war, never wanted it, those who sent the children on this suicide mission are now crying foul. Now Abdiqasin support what he swore he would fight, a highlight of the hypocracy of many in this site. Their guilt is great, but the TFG will continue in its quest to bring the nation out of the dark and back on the world map. -
PRES ABDULLAHI YUSUF AND FORMER PRES ABDIQASIM HOLD MEETING: PICS
General Duke replied to Taako Man's topic in Politics
Back to the topic In a nutshell what you want is: 1. No American airstrikes in my country! 2. No Ethiopian occupation/invasion into Somalia! Alright the last American airstrikes have stopped today and there will be no more airstrikes in southern tip of Somalia! Secondly ethio troops are leaving within two weeks after UN or AU troops have been sanctioned to Somalia! 3. No to International Peace troops! Abdiqaasim is saying yes, but we need those troops in order to move the ethios out! If you can't get what you want, why not take the second best atleast the ethios would leave, but it wasn't about the ethios in the first place was it? 4. I don't want to disarm! You will be disarmed and if you don't do it voluntarily force will be used on you inshallaah! 5. I oppose for oppostions sake! No, the time of I oppose, I oppose and I oppose... are over Mr Utopia! You cannot oppose the return of Somalias statehood and if you try you will be crushed! Today/Tonight the whole world is in agreement that this must be put into fruition and that Somalia must be put back on the world map and that the TFI must be uphold in order to normalise the situation in our country! The World is united in bringing the Somali statehood back, shall I stop here! I see you're already losing your sanity! Do what you like/want but Somalia's re-emerging from isolation and years of fighting to become once again an active player in the world community will be realised and the anti-state lot can't prevent it, so go and shoot yourself in the head or jump off a cliff! Afterall You ain't an islamist, who will shy away from such actions, because you're a mere 'americanzed' junk-culture worshiper who puts on his islamic garb when it fits him right! The boy got skills, -
Mogadishu calm: Police security forces take steps...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
MUQDISHO: Dhagaxtuur: “Howlgal aan saakay sameynnay ayaan ku soo qabqabannay kooxo burcad ah” Posted to the Web Jan 10, 16:41 Muqdisho (PP) - Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Galgalato iyo Warshiiq ayaa waxay ku soo qabteen burcad tiradood gaarayso 11-qofood iyo 8-qori oo ay wateen. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Ammaanka Maxamed Cusmaan (Dhagax-tuur) ayaa mar uu saxaafadda uga warbixinayay howlgalkaas ay sameeyeen wuxuu sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid ay ku baadi goobayeen burcad jidka isku xira xamar iyo ceel-macaan dhigtay isbaarooyin isla markaana ku waxyeelaynayay dadka socotada ah. “Waxaan howlgalkaan ku dhamqaaqnay saakay aroortii hore, waxaana u suurogashay ciidammada booliiska inay gacanta ku soo dhigaan burcad halkaas ay isbaaro u taallay iyo weliba qoryihii ay wateen” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur. Mar u dhagaxtuur ka hadlay ammaanka jidkii ay saakay ka sameeyeen howlgalka ayuu sheegay inuu haatan yahay mid nadiif ah oo ay ku safri karaan gawaarida iyo shacabka waddadaas istimaala. “Waxaa jidka ku sugan ciidammo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed oo sugaya ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, waxaana shacabka u sheegaynaa in waddadaas ay tahay meel nadiif ah oo lagu safri karo” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur. Burcadda lagu soo qabqabtay howlgalkii saakay laga sameeyay waddada dheere ka baxda magaalada Muqdisho dhankeeda bari ayaa waxay ku xirxiran yihiin haatan saldhigga bari ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay Dhagaxtuur in sharciga la marsiin doono. “Howlagalka sugidda ammaanka waa uu sii soconayaa mana ahan mid intaas lagu joojinayo, waxaana uu sheegaynaa burcadda inay ka digtoonaadaan howlaha falalka xunxun ah oo ay ka mid yihiin Isbaarooyinka iyo dhaca” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur oo sheegay in howlgalkooda ay sii joogtaynayaan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost – Mogadisho E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com -
Mogadishu calm: Police security forces take steps...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamada Booliiska Dowlada Fkmg hawlgal ay sameeyeen ayaa waxay kusoo qabqabteen Tuugo Isbaaro u tiilay deegaanka Galgalato Ciidamada Booliiska Dowlada federaalka kmg soomaaliya ayaa maanta hawlgal ay sameeyeen waxay kusoo qabqabteen Maleeshiyo Isbaaro u tiilay deegaanka Galgalato oo Muqdisho Bari kaga beegan waqooyi. Ciidamadda Booliska waxay Howgalkaasi ku fuliyeen deggaanada Shekkh Cali Cabdulle, Dabakaayo Madow,,Ceel Cadde iyo Galgalato,waxayna Ciidanku fureen wadadii ay xireen halkaasi oo soo gaareen Babuur ay Maleeshiyooyinka u diideen inay halkaasi maraan. Wareegto uu soo saaray Raiisul Wasaare Geedi uu ku sheegay in loogu baaqayo inay Qoryahooda ay la tagaan Xeryo loo cayimay si loo tababaro kadibna ay uga mid noqdaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya. Afahayeenka Dowlada Diinaari oo shir saxaafadeed ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxa uu sheegay in ay sii socon doonto hawlgalada Booliiska lagana sifayn doono dhamaan isbaaraleeyda iyo waliba tuugada dhacda Mobilada. -
President Yusuf meets with former leaders A/Qasin Ali Mahdi
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^I know, but its Yusuf who wins from these meetings because he is open to all, including his former rivals. This is a great move, Abdiqasin is on record supporting the TFG stabalisation plan which centres on the AU troops helping to recruit the new national army of 40,000 troops. -
President Yusuf meets with former leaders A/Qasin Ali Mahdi
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
former President Ali Mahdi, President Yusuf, and PM Geedi President Yusuf & former President A/Qqasin -
Hornafrik audio Landmark moment in recent Somali history in which President Yusuf met with two former national leaders within the same day.
-
Afgoyee: after 16 years locals get their district back
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Degmada afgooyi oo bandow lagu soo rogay. Maamulka cusub ee dowladda soomaaliya ay u dhistay dhowaan magaalada afgooye ayaa bandaw caawa bilaabanaya ku soo rogtay degmadaasi Sida uu sheegay ibraahin diini ***** taliyaha booliska degmadaasi bandawga degmadaasi waxa uu bilabmi doonaa sadaxda ama sagaalka caweysnimo oo cidii xiligaa kadib la arko kuwa caqabad ku ah howlaha maamulka. Kusoo rogidda bandawgan ayaa ka danbeysay kadib markii kooxo hubeysan ay isku tacshiiradeeyeen gudaha degmada iyagoo isku haystay qaadista canshuuraha degmada afgooye. Waxaa kaloo taliyuhu sheegay in maamulka degmadu joojiyay canshuurihii horey halkaas looga qaadi jiray. Arintan ayuu taliyuhu kaga dhawaaqay kulan uu maanta laqaatay ganacsatada degmada afgooye oo arimaha maamulka looga hadlayay. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com -
Mogadishu calm: Police security forces take steps...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dawlad Somalia oo maanta bilowday hawl gal balaaran oo lagu sugayo amaan ka Muqdisho. Dawlada Somalia ayaa maanta si rasmi ah ubilowday hawlgalo lagu sugayo amaanka caasumada kadib markii weeraro isdabajooga lagu qaaday qaarkamida fariisimada ciidamada Dawlada Somalia ay kuleeyihiin caasumada iyadoo maanta la arkayay ciidamada Dawlada oo kuhaya baaritaano xoogan qaarkamida xaafadaha muqdisho oo looga shakiyay in laga soo abaabulay qaraxyadan. Ciidamada Dawlada Somalia ayaa sidoo kale maanta weerar ku qaaday isbaaro kooxo dabley ah dhigteen duleedka magaalad halka lagu magacaabo galgalato ee duleedka waqooyi iyadoo gacanta lagu soo dhigay 11 kamida maleeshiyadii isbaaradu utiilay lana dhigay xabsiga Muqdisho kadib markii lagu eedeeyay inay falal burcadnimo ku kecee.. Afhayeenka Dawlada Somalia mudane diinaari oo waraysi siiyay idaacada Radio Galkacyo ayaa sheegay in ciidamada Dawladu bilaabeen maanta hawlgal aan joogsi lahayn ee socon doona ilaa gacanta lagu dhigayo amaanka caasumada iyadoo uu xaqiijiyay qabashada kooxda burcadaa oo ciidanka Dawladu soo qabteen iyaguu isbaaro utiilay. Mudane diinaari oo lawaydiiyay in madaxwaynaha somalia uu kusii nagaanayo caasumada ayaa sheegay in madaxwaynuhu uu joogo caasimadii dalka cid iyo sharci ka saarayaana aysan jirin isagoo xor u ah inuu aado meeshii kale oo shaqo dawladeed uu ka qabanayo ama baydhabo ha ahaato ama galkacyo ama meel kalee. Ciidamada Dawlada Talaabadan ay maanta Ciidamada Dawladu qaadeen ayaad moodaa inay ka dambaysay amar shalay uu baxshay madaxwaynaha somalia kaasoo ahaa in hadii aysan weerarada joojin dadka caadaystay aysan dawladu udulqaadanayn ee umada laga qaban doono iyo sidoo kale maanta oo Raisal wasaaruhu ku celiyay baaqiisii ahaa in hubka la dhigo. seeraar qalay2005@hotmail.com -
Mogadishu: largest clan holds meeting in support of TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Juje, no one said this clan sided with the TFG, the titles is "Mogadishu: largest clan holds meeting in support of TFG " thus one should welcome all clans supporting the TFG. I even said that all clans have a role to play. It is their city after all. source -
Mogadishu calm: Police security forces take steps...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Wararkii ugu dambeeyay xalaadda agagaarka KM4 oo maanta aheyd mid kacsan Arbaco, January 10, 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa maanta aad u kacsanaa xalaadda KM4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ka jira dhaqdhaqaayo ciidan oo ay wadaan ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee Ethiopia oo ay ku baarayaan guraha iyo goobaha ganacsi. Ciidammada ayaa waxay baaritaanno ku sameynayaan deegaannada ku dhow dhow KM4 iyo Zoppe iyadoo xalay halkaasi ay ka dhaceen weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka. Waxaa la xeray goobaha ganacsiga iyadoo dhaqdhaqaaqa dadweynaha lugeynaya uu aad u yar yahay,waxaana mararka qaar dhacaya rasaas ay ridayaan ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyagu baaritaanka wada. Dhanka kale ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa howlgalo burcad sifeyn ah ka sameeyay duleedka degmada Kaaraan iyo agagaarka Galgalato oo kooxo burcad ah isbaaro lacagaha Leejada looga qaadayey gaadiidka dadweynaha, waxaana howlgalkaas lagu soo qabqabtay 11 nin oo xabsiga dhexe la dhigay. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda KMG ah oo ay ugu hadleyso xaalada kacsan ee agagaarka KM4 inkastoo afhayeenka dowladdu C/raxmaan Diinaari uu ka hadlay howlgalka ay ciidamada Dowladdu ka fuliyeen Galgalato iyo nawaaxiga degmada Kaaraan. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho -
Mogadishu: largest clan holds meeting in support of TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^A government can get what ever support it can to get its point a cross even from our former enemy, this is what makes government effective. I think that every clan in Mogadishu has a role to play, after all they are the main stakeholders, the unarmed clans have also a role to play. Thus highlighting south is not gonna make the issue any more complex. -
PRES ABDULLAHI YUSUF AND FORMER PRES ABDIQASIM HOLD MEETING: PICS
General Duke replied to Taako Man's topic in Politics
^^^Thus you live in your own world. The Somali people are not waiting for your fake utopia but to get their nation back on the map, thus getting the support of the world bodies is important. -
Mogadishu: largest clan holds meeting in support of TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^A big lie, indeed, but thats what some here say. -
Mogadishu calm: Police security forces take steps...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamada DF oo soo qabqatay maleeshiyo isbaarooyin u yaalay Muqdisho. Muqdisho, Arbaco 10 January 2007 Simba Radio C/raxmaan Nuur Max'ed Diinaari afhayeenka DF ayaa maanta shaaciyay in Ciidamada DF ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan dhowr iyo tobban maleeshiyo ah kuwaaso isbaarooyin u yaalay deegaano dhowr ah. Diinaari ayaa sheegay in in howl-gal ciidamada booliska ay ka fuliyeen aagagga Galgalato, Ceel-cadde iyo Keysaney, halkas oo uu sheegay inay hada baro ka dhigteen ciidamada DF isla markaaan dadweynaha deegaanka ka difaaci doonaan sidii ay halkaasi mar kale maleeshiyo isbaaro u dhigan laheyn. C/raxmaan Diinaari ayaa ku goodiyay in gacan bir ah ay DF ku qaban doonto cid kasta oo carqadeyneysa amniga kala dambeynta dalka, iyagoo la horkeeni doono Maxkamad. Diinaari ayaa sheegeen maleeshiyadkii maanta ay soo qabqabteen in lagu xiray Saldhig Bari ee degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu sheegay in lagu dhaqan celin doono. Howl-galkaan lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho oo ay sameeyeen ciidamada DF ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay iyadoo ay soo dhaweeyeen dadweynaha soomaaliyeed gaar ahaa gaadiidleyda oo lacago leejo ah loogu qaadi jiray barihii ay yaaleen isbaarooyinka. Simba Media Center, Muqdisho Somalia. Email: simba@simbanews.com -
Mudaneyaasha Baarlamaanka kmg oo loo qeybiyey Sharciga xaalada degdega ee dalka Somalia lagu soo rogay Kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanka federaalka km gee Somalia oo fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa maanta loo qeybiyey Sharciga Xaalada degdega ee dalka Somalia lagu soo rogay taasoo ay horey u ansixiyeen golaha Wasiirada. Mudanayasha Baarlamanka ayaa ka doodi doona sidii wax loogu dari lahaa ama loogu kordhin lahaa sharcigan qabyada ah oo la doonayo in dalka Somalia si dhaqsi leh wax loogu qaban lahaa. Kasoo qeyb galayaasha mudanayaasha Baarlamaanka ayaa tiradoodu dhameyd 166 mudane iyadoo markii ugu horeysayna uu kasoo qeyb galay Md. Xaaji Muuse Suudi Yalaxow isagoo aad ugu faraxsanaa ka qeyb galka kulanka Baarlamaanka oo ahayd markii ugu horeysay uu soo xaadiro. Kulanka marka uu soo dhamaaday ayaa waxaa Xaaji Muuse Suudi ay is gacan qaadeen inta badan Xildhibaanada Dowlada iyagoo sikala gooni gooni ah u shiray waxaana markii danbe is raacay saaxiibada Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare oo horey u sheegi jiray inaysan tagi doonin Baydhabo iyo Jowhar oo ay dowladu daganayd. Sidoo kale waxaa isna la dhaariyey xildhibaan cusub oo magaciisa la yiraahdo Cabdi Axmed Xaaji Faarax oo badalay allaha u naxariistee Marxuum Mire Xaaji Faarax oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo.
-
Mogadishu: largest clan holds meeting in support of TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^They only control one district you say, thus who controls the other 15? Somalia has returened from the ashes, the tanks are on loan, till we can purchase our own ones. Only through governance can w get all those toys, that will make Abaadir proud. -
PRES ABDULLAHI YUSUF AND FORMER PRES ABDIQASIM HOLD MEETING: PICS
General Duke replied to Taako Man's topic in Politics
^^^ Mr Brown, the world has supported the recgonised government of Somalia against some crazy clan group. -
Mogadishu: largest clan holds meeting in support of TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Humor aside, the TFG has moved quickly to hold open talsk with all the important players, clans in Mogadishu. -
PRES ABDULLAHI YUSUF AND FORMER PRES ABDIQASIM HOLD MEETING: PICS
General Duke replied to Taako Man's topic in Politics
^^^Khalaf, even Abdiqasin who used to pretend to support the clan courts for ideological resasons has changed his views, what do you expect of some in this site? C/laahi Yuusuf Axmed iyo C/qaasim Salaad Xasan oo maanta si wada jir ah u codsaday in la soo dedejiyo Ciidamada Afrikaanka ee Somalia loo balan qaaday Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 10/01/07 Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynihii hore ee C/qaasim Salaad Xasan ayaa maanta kulan gaar ah oo albaabada loo soo xeray ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia. Kulankan ayaa labada Mas’uul waxa ay kaga wada hadleen Xaalada Dalka gaar ahaan tan Muqdisho iyo sida ugu haboon ee wax looga qaban karo. Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo kulankaasi ka dib ka hadlay ayaa sheegay in uu isaga u yeeray Dr. C/qaasim Salaad Xasan si uu ugala tashado Xaalada Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen ay isku afgarteen. Madaxweynihii hore ee Somalia Dr C/qaasim Salaad Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi ay labada dhinac isku afgarteen, waxa uuna sheegay in ay sida ugu dhaqsaha badan loogu howlgali doono xasilinta Magaalada Muqdisho. Dr. C/qaasim Salaad Xasan waxa uu maanta markii ugu horeysay ka dhawaajiyey in ay jirto baahida loo qabo Ciidamo Afrikaan ah, isaga oo ka codsaday Beesha Caalamka iyo Midowga Afrika in ay soo dedejiyaan ciidamada loo balan qaaday somaliay oo Umada Somaliyeed iyo Dowladda Federaalka ah ay raali ka yihiin waa sida uu yiriye. Soo jeedintan ka timid Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa ku soo beegantay xili maanta uu dhinac fadhiyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah C/laahi Yuusuf Axmed, waxaana uu dhawaaqan uu wax badan ak duwan yahay hadaladii uu horay u jeedin jiray ee la xiriiray diidmada ciidamo la keeno dalka. -
Mogadishu: largest clan holds meeting in support of TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
ME, there is no other way to translate the source of this thread. Maybe you do not know the signicance of this clan confederacy? Olol, dont insult people man. You are better than this. -
PRES ABDULLAHI YUSUF AND FORMER PRES ABDIQASIM HOLD MEETING: PICS
General Duke replied to Taako Man's topic in Politics
Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf Axmed oo maanta kulan la qaatay C/qaasim Salaad Xasan Posted to the MOL January 10, 2007, 7:04 am Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kulan saacado socday la qaatay iCabdi Qaasim Salaad Xasan oo ahaa madaxweynihii dawladii Carta lagu soo dhisay ee shaqeyn weyday. Kulankaan oo ka dhacay Villa Somaliya ayaa labada masuul uga wada hadleen arimo ku saabsan waxyaabaha ku soo kordhay siyaasada Somaliya. Ka dib kulankooda ayay war ay siiyeen saxaafada waxay uga hadleen inay yeesheen wada tashi. C/laahi Yuusuf ayaa sheegay maadaa C/qaasim ahaa nin xil madaxweyne soo qabtay qibradna u leh arimaha Muqdisho waan wada tashanay, arimihii aan ka wada hadalnayna intooda badan waan isku afgaranay. C/qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay inay muhiimada siinayaan nabadgalyada caasimadda Muqdisho sidii loo xasilin lahaa iyo sidii loo heli lahaa ciidamo afrikaan ah oo badala kuwa Itoobiya. Labada masuul ayaa u muuqda inay ka gudbeen xurguf siyaasadeed oo wax badan u dhaxeyn jirtay iyadoo ugu dambeyntii C/qaasim looga guulaystay tartankii madaxweynenimada Somaliya oo uu ku soo baxay C/laahi Yuusuf. Mudugonline.com -
PRES ABDULLAHI YUSUF AND FORMER PRES ABDIQASIM HOLD MEETING: PICS
General Duke replied to Taako Man's topic in Politics
^^^Lets stop the insults people...