General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. How on earth can Olol, Che and others speak against the TFG when their leader Abdiqasin is now supporting. Madaxwayne C/laahi Yuusuf oo maanta kulan saacado qaatay la yeeshay madaxwaynihii TNG-da Dr. C/qaasim Salaad Xasan. January 10- 2007 HornAfrik, Mugadisho Madaxwaynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo maanta kulan saacado qaatay la yeeshay madaxwaynihii TNG-da Dr. C/qaasim Salaad Xasan. Kulankaas oo ahaa mid albaabada u xiran yihiin ayaa si gaar ah u dhexmaray madaxwaynaha dowladda fedraalka C/laahi Yuusuf iyo madaxwaynihii TNG-da Dr. C/qaasim Salaad Xasan. Labada madaxweyne ayaa kulankooda uga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin ammaanka magaalada Muqdisho iyo sida loo heli lahaa ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda midowga Africa kuwaas oo badali doono ciidamada dowladda Itoobiya oo hadda ka sugan dalka Soomaaliya. Kulankaas kaddib ayaa madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf uu hadal kooban oo ku saabsan kulankooda Saxaafadda uga warramay waxa uuna sheegay inay si weyn isku afgarteen isaga iyo madaxweynihii hore ee TNG-da Dr. C/qaasim Salaad Xasan. Sidoo kale madaxweynihii hore ee TNG-da C/qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in isaga iyo madaxwaynaha C/laahi Yuusuf Axmed ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah ay ka mid yihiin sugida ammaanka Muqdisho iyo sidii ciidamo African ah oo badala ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya loo keeni lahaa. Arrintan ayaa noqoneysa tillaabadii ugu horeysay ee diblomaasiyadeed oo uu qaado madaxwayne C/laahi Yuusuf waxa ayna u muuqaneysaa in madaxwaynaha uu bilaabay wada tashiyo gaar ah oo uu la yeelanayo siyaasiinta iyo odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho si wax looga qabto xaaladda ammaanka ee Muqdisho. Kulankan labada mas’uul ayaa waxa ay sheegeen in dhammaan waxyaabihii ay isla soo qaadeen inay isku afgarteen.
  2. Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgalladii ugu horeeyay sameeyay Arbaco, January 10, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa maanta waxay fuliyeen howl-gallo hub uruurin ah oo ay ka sameeyeen xaafado u dhow Wadada isku xirta Isgoysyada KM4 iyo KM5 oo habeennadii la soo dhaafay ay qaraxyo ka dhacayeen. Howlgalka ay Ciidamada sameeyeen ayaa la sheegay in ay ku soo heleen Hub ay ka soo qaadeen guryo iyo dukaano ay galeen, iyadoo intii ay howlgallada ku jireenna aysan la kulmin wax iska caabin ah. Habeennadii aynu ka soo gudubnay ayaa halka ay Ciidamada ka howlgaleen waxaa ka jiray falal nabadgelyo darro ah, iyadoo sidoo kalena ay halkaasi ka dhaceen qaraxyo ay dad rayid ah wax ku noqdeen. Dhanka kalena Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay cagta mariyeen goobo ay isbaarooyin u yaaleen Maleeshiyooyin gaadiidka ka qaadan jiray lacago baad ah. Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in ay ciidamada Booliska ka howlgaleen Wadada dhinaca Bari ee Xeebta uga baxda Magaalada Muqdisho, taasi oo ay ka dilaaceen Maleeshiyooyin Isbaarooley ah, wuxuuna caddeeyay in ay Ciidamada Booliska halkaas ka soo qabqabteen Maleeshiyooyinkii Isbaarada u tiilay oo lagu soo xiray Saldhigga Bari ee magaalada Muqdisho. Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa howlgalkii ugu horeeyay oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ay sameeyaan tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  3. ^^^You seem to be having a bad day. Why not just hope for the best? The signs so far are promising.
  4. ^^^Taako, the TFG needs to keep these men secure, but not to bring them into the fold not even take their suggestion seriously.. Though the effect this meeting has had on the various "cyber insurgents"...Here is Goobjoog.net Kulan dhex maray C/laahi Yuusuf iyo C/qaasim Salaad Xasan C/laahi Yuusuf iyo C/qaasim Salaad C/laahi Yuusuf Axmed ayaa xaruntiisa Magaalada Muqdisho ee Villa Soomaaliya waxa uu kulan albaabada u xernaa oo saacado qaatay kula yeeshay C/qaasim Salaad Xasan. Labada nin oo saxaafadda la hadlay markii uu kulankooda soo gaba gaboobay, iyagoo sheegay in ajandahooda ugu muhiimsan uu ka mid ahaa sidii amni loogu soo dabaali lahaa caasimada dalka Soomaaliya isla markaana loo soo dedejin lahaa ciidamada Nabad ilaalinta ee loo soo dirayo dalka Soomaaliya. C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in ay isku afgarteen dhammaan arrimihii ay isla soo qaadeen C/qaasim Salaad Xasan oo isna dhankiisa muujiyay in ay si weyn isu fahmeen iyagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dowladda gacan ku siiyaan nabad ku soo dabaalida caasimada iyo guud ahaan dalka Soomaaliya iyagoo hoosta xariiqay in ay aad muhiim u tahay in dalka la keeno ciidamo Afrikaan oo nabad ilaalin ah si markaasi bay yiraahdeen dalka loo xasiliyo, mana jirin faahfaahin dheeri ah oo ay bixiyeen. Madaxweyne Yuusuf iyo Dr. C/qaasim oo horey si weyn isaga soo horjeeday ayaan ilaa haatan la ogeyn waxa ay ka wada hadleen amaba ay isla meeldhigeen. Abdikarim Ibrahim Adan (Ampacilin). E-mail: ampacalin@hotmail.com
  5. SOURCE MUQDISHO: Beesha ....... oo maanta sameysay kulan ay ku taageerayso Dowladda Federaalka Soomaaliya Posted to the Web Jan 10, 16:44 Muqdisho (PP) - Beesha........ayaa waxay maanta yeesheen kulan ay ku taageerayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu soo saldhigatay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Kulankaan oo ka dhacay Hotelka Global ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qaygalay Siyaasiyiin, waxgarad aqoonyahanno iyo cuqaal ka soo jeedda beesha ......., waxaana kulankaas looga hadlay sidii lagu taageeri lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  6. Tako, Abdiqasin was the main opposition and the brains nehind the clan courts. He has been outplayed and thus this meeting with the national President. Dont mind, Che and CC, they just getting worked up. Che, is just angry his friends have been outgunned, is that not the case man? Abdiqasin what happened to the gun?
  7. ^^^None taken, the matter is that you support the same organisation that occupied the whole of the lower shabbele, thus one this was highlighted your reaction was to attack the messinger in order to avoid the issue. Is it not absurd to support the courts while hating IndaCADE? Was he not one of their leaders? I remember, correct me if I am mistaken, that I was some how jelous that my clan was outgunned? Thus today, do I claim the lower Shabbale? Of course not, I support the people of that region having their region back and playing a key role in Somali politics.. The puzzle is why now all the care for the Ormo, other than to score some points against the TFG?
  8. CG I call them tamed warlotds taking orders from the Parliment, Cabinet of the nation. I have no sympathy for anyone accused of crimes.Once the institutions are in place then any one of them could be tried, much like other nations, but firts lets be patient and get the system in place. An example is how Argentines tried their former masters.. But obviously you would like to keep us in the status quo day dreaming.
  9. CG: Did not get your point mate, nations wage war, thus which nation out of the 50 or so Muslim ones are waging war on behalf of the courts? People do not move the goal post any further, no one gave these people the right to wage war in our country. If they are Muslim then by all means start the game in their home countries, not in ours.
  10. Che, the facts of the matter is, I have a track record of highlighting the plight of lower Shabbele, the looted properties the TFG has not even done this, I have done it out of conviction. Your track record is simple, you support who ever opposes elected officials Yey, CadePuntland you make excuses for the likes of IndaCade and Aways. Thus its clear your priorities are all mixed up, but hey you are still young. Aas for the insults, its a fact that Yusuf victories in elections and war makes you unhappy, long may that continue.
  11. deputy speaker of parliment Dalxa kicking the ball about Dalxa meeting the teams
  12. Tartan K/Cagta Oo Soo Dhaweynta Dowladda Federaalka Iyo Taageeridda Nabadda Oo Ka Furmay Muqdisho Somaliweyn - Muqdisho -Somalia 09/01/07 Waxaa garoonka da`aada weyn ee Banaadir (Ex-Conis Stadium) ee magaalada Muqdisho laga furay Tartan 4 geesood ah oo loogu magac daray tartanka soo dhaweynta Dowladda Federaalka iyo taageeridda Nabadda oo uu soo qaban qabiyay xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed. Furitaanka tartankan oo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin ka socotay dhinaca Dowaladda ,Gobolka Banaadir , Mas`uuliyiinta xiriirka K/Cagta iyo taageerayaal ayaa waxaa halkaasi ereyo furitaanka ku aadan ka soo jeediyey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed Prof: Maxamed Cumar Dalxa iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee arimaha siyaasadda G/Banaadir Ugaas Cali waxayna tilmaameen sida ay ugu faraxsan yahiin sida ay X.S.K.C ay u soo qabanqaabiyeen tartan lagu maamuusayo soo dhaweynta Dowladda waxayna ugu danbayn muujiyeen sida loogu baahan yahay in si wada jir ah wadanka loogu shaqeeyo isla markaana Nabadda loo wada taageero. Dhinaca kale ciyaartii ugu horeysay ee tartanka ayaa isaga soo horyimid kooxaha ELMAN vs. SITT Daallo waxaana 2-0 looga guuleystay kooxda ELMAN ciyaarta xigta Arbaco: BANAADIR TELCOM vs. DEKEDAHA , Waxaana lagu wadaa Galabnimada Jimcaha inuu noqdo Finalka oo kooxdii soo baxda labadan kooxood ay la ciyaari doonta kooxda haatan Finalka taagan ee SITT Daallo. Saciid Ibraahim Xuseen
  13. ^Horn its unfortunate but he only proved the good Shikhs point. It was not even ironic..
  14. Stoic, the TFG is here to stay, it represents all Somali's.
  15. ^^^Mujahid-SNM, President Yusuf Yey is in Mogadisu Villa Somalia, thats a fact, his troops control the capital, as well as Kismayu, as well as all the south and Puntland, what facts on the ground do you have? Its dark day for you, but not the people of Somalia, who can see that governance has returned.
  16. ^^^Horn, I think you have your answer right there..
  17. ^^^CG, a comdeian indeed, the current regime has nothing to do with the crimes of the past 16 years, the warlords have been marganilised and the group that has been occupiying areas from Mogadishu-To Kismayu are right now on the run and hiding out.
  18. CG: your constant refrence to Yey, is not impressing anyone, it also brings nothing to the table other than what everyone knows and which I do not hide, me and the President share the same clan. The point I made earlier was quite simple, that those who where making daily threats, Clan Jihad a few weeks back, while occupiying the lands of unarmed clans are now acting like just victims, thus the likes of Xasan Dahir and IndaCade who loved to display their weapons are now crying foul because bigger bullies have entered the game.
  19. You know Point, you can spot a clan-hater by his remarks of what supposedly your grandfather did to him or others some 100 years ago or so! They'd remember it because it supports their moral justification for hating that certain clan! Its tough.
  20. CHE, Saxib, it is stark that you never once comented on the plight of the unarmed Somali population and even attacked me for bringing that here. Yet you never spared a moment to insult Yusuf, Cade and others who you called unjust. You cheered for the clan courts, defedning their MAIN leaders Xasan Dahir and IndacADE. Even admiting that you supported not out of ideology. Now you highlight the plight of the Oromo, is it compasion ?
  21. ^^^thus your own words, you have a short time to edit it.
  22. ^^^Thus the dilema, while many here talk and get wound up they choose like yourself to stay in America, live in comfort and at times become arm chair warriors. Thus all this "cyber insurgency" will not do a thing to alter the reality on the ground, the days of warlords like IndaCade, Xasan Dahir occupiying whole regions and trying to kille of the TFG is over, the days when they would profit from charcoal and preatch to the ignorant is behind us. Now its time for the national government to restore real stability to the nation. So keep your US passport, but dont think the unarmed clans are not happy today to see the back of the Xasan Dahir, Cirfo, IndaCADE and their fakery. Go to the people of Afgoyee and ask if they are happy to have their town back? Do not think the majority of the masses are not happy to see the national government in the helm after 16 years. So keep your passports, but never think you can deny the people their rights to a government, no matter what you or the BBC/ysuf Garad THINK..
  23. Che, how come you never made a coment on the vulnerables in lower shabbele when they were under occupation? Or was that not a priority at the time as this is?