General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Amiirka Dalka Kuweyt Amir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah ayaa maanta Qasrigiisa (Bayan Palace)si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Somalia Soomaaliya cabdullahi Yusuf Somaliweyn Media Center (SMC) Mog.03/03/07 Amiirka Dalka Kuweyt Amir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah ayaa maanta Qasrigiisa (Bayan Palace) si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Soomaaliya cabdullahi Yusuf Axmad,waxaana soo dhaweeyntaas goob joog ka ahaa Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo ah ninka iska leh dhaxaltooyada dalka Kuweyt , Sheikh Mishaal Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah Taliyaha Ciidamada Kuweyt,Sheikh Nasser Al-Mohammad Al-Ahmad Al-Sabah Raiisul-Wasaaraha dalka Kuweyt .Qaabiladda kaddib waxaa labad dhinac u bilowday wadahadallo saaxiibtinnimo ,Sida uu sheegay Sheikh Nasser Sabah Al-Ahmad Al-Sabah oo ah Wasiirka diiwaanka Amiirka madaxweyne Cabdullahi iyo Amir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah waxaay ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya . Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmad wuxuu maanta ka degay gagida dayuuradaha ee Kuweyt (Kuwait International Airport)waxaana u biloowday Booqasho rasmi ah oo saddex casho ah . Madaxweynaha waxaa gagida dayuuradaha ku soo Dhaweeyey Ninka Iska leh Dhaxaltooyada amiirnimada dalka Kuweyt Crown Prince Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah iyo Raiisul-Wasaaraha Dalka Kuweyt Sheikh Nasser Al-Mohammad Al-Ahmad Al-Sabah iyo Madax Sare oo Reer Kuweyt ah . Shirkaan oo la sheegay inay hoggaankiisa qaban doonaan xubno magac ku leh Shacabka Soomaaliyeed dhexdiisa, ayaa haddana la garanayn xubnahaas kuwa ay noqon doonaan, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu sheegay inay tahay mid dib laga soo sheegayo cidda hoggaamin doonta. Lama sheegin karo in shirkaas xubnaha hoggaaminaya ay soo magacaabayso Dowladda iyo in kale, waxaase ay u muuqtaa in dowladdu ay lug ku yeelanayso kooxahaas kuwa ay noqon doonaan. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia
  2. Afhayeenka madaxtooyada qaranka oo ka hadlay waxyaabaha ay ciidamada Afrikaanku ka qabanayaan Soomaliya. Afhayeenka madaxtooyada Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xuseen Max'ed Max'ud oo loo yaqaanno Xuubsireed ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay ciidamada Afirkaanku ka qabanayaan dalka Soomaaliya marka aydhawan soow ad acaga dhigtaan. Afhayeenka madaxtooyada Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xuseen Max'ed Max'ud oo loo yaqaanno Xuubsireed ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay ciidamada Afirkaanku ka qabanayaan dalka Soomaaliya marka aydhawan soow ad acaga dhigtaan. Mr Xuub Sireed waxa uusheegay in ciidamda Afrikaanku ay tageero iyo tababarraba siin doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya,hase ahaatee ayan marnaba kulug yeeelan donin wax dha q dhaqaaqyo ah oo la xiriira dhanka hub ka dhigista. "Ciidanka midowga Afrika waxaa aysidoo kale ciidamada yaga ka gacan siin doonaansugidd aamaanka"ayuu yiri afhayenka amdaxtooyada qaranka Mr Xuubsireed oo dhawaansoo gaaray magaalada Muqdisho islamarkaana xilkaa kala wareegay masuulkii horay u hayay. "Hub ka dhigista waxaa samaynaya oo ay quseysaa ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed "ayuu mar kale yiri afhayeenka madaxtooyada qaranka . ]Dhanka kale waxaa uu afhayeenku ka hadlay rabshadaha ka taagan magaalada Muqdisho waxaana uu shegay in ayan hatan ahayan sidii hore oo ay soo yaraanayaan,isagoona intaa sii raaciyay in ay socdaanwada hadallo lala leeyahay siyasiyiin iyowax garad oo kuwajahan sidii arrinkaa sihoose loogu soo dhameyn lahaa. "Waxaan ku rajo weynahay mar dhowba in wax kasta soo afmeermaan"ayuuhadalkiisa sii daba dhigay afhayenka madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho
  3. ^^^Horn, saxib the troops are TFG and not Hiiraales, they come under the command of the army head Col Mahdi & others.
  4. ^^^The point exactly, they are no longer Hiiraales men but Somali national troops.
  5. ^^^No saxib the AU troops have their funding in place. The funds are for the TFG as a whole. A great welcome though, I must say.
  6. Xoogsade, give it up saxib. You supported Abdiqasin because of clan , you cried for the courts because of clan, and you oppsoe the TFG because lts led by a man from a caln you do not like. Simple really, good to see you old chap..
  7. QM oo ku baaqdey in la tageero DF 2 Mar 2, 2007 - 6:19:42 AM Isku xiraha arrimaha gar gaarka Qarama Midoobay ee Somalia Eric Laroche oo gaaray magaalada New York ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay taagaro lixaad leh siiyaan Dowlada KMG Somalia si ay u hanato ammaanka guud ee dalka Somalia. Laroche ayaa sheegay in Somalia xiligaan ay heysato fursaddii ugu wanaagsaneyd oo ay uga bixi karto fowdada iyo xasilooni darrada muddo daashatay. "Beesha Caalamka waxaan ka codsanayaa inay Dowlada Somalia taageero dhinac walba siiyo si u xaqiiso mas'uuliyadeeda" ayuu yiri Eric Laroche. Eric ayaa sheegay in Soomaalida intooda badan ka daaleen dagaalada sokeeye isagoo sheegay in dadka Soomaalia ay iska indha tireen baaqyadii ku saabsanaa inay qaadaan Jihaad ka dhan ah ciidmaada Ethiopia. "Waxaan ugu baaqayaa Dowladda KMG Somalia inay si deg deg ah u sameyso kala dambeyn ayna dalka kusoo celiso nabad iyo xasilooni buuxda," ayuu yiri Eric Laroche. Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray mas'uulkaan QM ka tirsan ayaa kusoo beegmaya xili 16-ka bisha April la filayo in Muqdisho lagu qabto shir dib u heshiisiineed oo la iskugu keeno qeybaha Soomaalida ee khilaafka ka dhex taagan yahay. Cabdi Fatax Axmad,GO
  8. ^^^I speak for myself only and what I want is my nation back, so I can spend the remainder of my life in my beloved Somalia.
  9. ^^^Who arrested them dear lad? And when did you care about the poor folks from that clan? Why does one need a marksman? I hope you live a healthy and pleasent life insha Allah.
  10. ^^^The game is hot in the diaspora, in the coffe houses of North America & resturents of my adopted England. However the reality back home is that the anti-government groups have ever evolving conspiracy stories as their last weapons. "Its an Ethiopian takeover", "Its a Puntland take over" which one is it? They know not Ahmed Gurey, promised fire works, when he was with Clan Courts, then he changed, and now he does not know what position he should take. Oppose dear lad, oppose and fight in your dream world.
  11. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Kuwait kulankoodii maanta- March 3, 2007
  12. Madaxweynaha Soomaaliya oo markii uu kasoo dagay diyaaradii siday ubax soo dhawayn ah ka gudoomaya carruurta reer Kuwait
  13. Ka bilow bidix: Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Kuwait oo Salaan sharaf ka qaadanaya cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee dalka Kuwait
  14. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Kuwait kulankoodii maanta- March 3, 2007
  15. Madaxweynaha Soomaaliya oo markii uu kasoo dagay diyaaradii siday ubax soo dhawayn ah ka gudoomaya carruurta reer Kuwait
  16. Ka bilow bidix: Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Kuwait oo Salaan sharaf ka qaadanaya cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee dalka Kuwait
  17. Kuwait: Madaxwaynaha Soomaaliya iyo wafdigiisii oo kulamo la leh madaxda Kuwait 3. marts 2007 Ka bilow bidix: Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Kuwait oo Salaan sharaf ka qaadanaya cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee dalka Kuwait Madaxweynaha Soomaaliya oo markii uu kasoo dagay diyaaradii siday ubax soo dhawayn ah ka gudoomaya carruurta reer Kuwait Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Kuwait kulankoodii maanta- March 3, 2007 Kuwait (AllPuntland)- Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigii uu horkacayay oo maanta Booqasho rasmiya ay uga bilaabmatay dalkaasi Kuwait ayaa kulamo isdaba jooga la lahaa madaxda dalkaasi. Wafdiga madaxwaynaha oo ay garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyeen Amiirka dalka Kuwait Sheekh Sabaax Axmed Al-sabaax iyo golayaasha dawladda Kuwait, Safiirka iyo diblamaasiyiinta safaarada Soomaalida ee Kuwait iyo jaaliyada Soomaalida ee dalkaasi kuwait ku nool. Madaxwaynaha iyo wafdigiisu waxay ilaa maanta kulamo kala duwan la yeesheen madaxda Kuwait oo ay ka mid yihiin Amirka dalkaasi ugu sareeya, Ra'isul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madax sare oo reer Kuwait ah, waxayna kawada hadleen xiriirka labada dal, iyadoo labada dhinacba ay ka muuqatay inay xiisaynayaan in ay sii xoojiyaan xiriirkooda. Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay sii socdaan kulamada uu la lee yahay madaxda dalkaasi. APL, Xarunta
  18. Ciidamada Ugandha lagu wado in ay 48saac gudahood soo gaaraan Soomaaliya iyo Maraykanka oo dhaq dhaqaaq wada (Daawo Sawiro) Last Updated::2007-03-03 14:13:29 Mombasa:- Ciidamada Ugandha ee Midowga Afrika ayaa kusoo qul qulaya dhinaca dalka Soomaaliya ayadoo lagu wado in ay kasoo galaan beriga, Cirka iyo Badaba. Ciidamada Ugandha ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Muqdisho. Ciidamadan ayaa waxay wataan qalab kala gedisan oo ay ku jiraan gaadiidka qafilan ayadoo la sheegay inuu gacan siinayo Maraykanka. Maraykanka ayaa ah Wadanka sida weyn u ololeeya in Ciidamada Ugandha la geeyo dalka Soomaaliya. Ciidamada Ugandha ayaa cutubyadii ugu horeeyey soo gaareen magaalada Mombasa ee dalka Kenya halkaasi oo lagu wado in ay kasoo qaadaan Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in ciidamada Ugandha Diyaarado lagu geyn doono dhawr magaalo oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya. Ciidamadan ayaa waxaa soo saagootiyey Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musefeni oo khamiistii lasoo dhaafay khudbad dheer ugu jeediyey Xerada Qadafi ee magaalada Jinja ee dalka Ugandha. Madaxweynaha Ugandha oo kamid ah Hogaamiyaasha dhinaca siyaasada ay isku dhaw yihiin Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed, ayaa sheegay in ciidamada Ugandha ay tilaabo adag ka qaadi doonaan cidii kusoo xad gudubta. Ciidamada Ugandha ayaa sidoo kale sheegay in ay awood u leeyihiin in ay difaacaan xarumaha Dowlada, balse aysan shuqul ku lahayn hub ka dhigista Maleeshiyooyinka Soomaaliya. "....Hadii aanu shacabka Soomaaliyeed awood siino oo aan caawino, ayagaa ka tashan doona wixii ay ka yeeli lahaayeen Maleeshiyooyinka hubeysan..." ayuu yiri Madaxweyne Musefeni oo u khudbeenayey cutubyadii ugu horeeyey oo kasoo baxa dalkiisa. Ciidamada Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in ay gaari doonaan 8000 ayadoo la sugayo ciidamo kale oo ka yimaada dalalka Nigeriya, Burundi, Malawi iyo Ghana. Ciidamadan ayaa la sheegay in loo qeybin doono si isu dheeli tiran isla markaana xarumo ka sameysan doonaan magaalooyin kala gedisan oo ay ugu horeeyaan Baydhabo, Muqdisho iyo Kismaayo. Maraykanka iyo Ugandha Dowlada Maraykanka ayaa ayadu si gaar ah u gacan siineysa Dowlada Ugandha iyo ciidamada ka tagi doona dalka Somaliya. Arrimahan ayey si qoto dheer loogu falan qeeyey shir todobaadkii tagay ka dhacay magaalada Kambala oo ay ku kulmeen Taliyaha 2aad ee Ciidamada Maraykanka ee Qaarada Yurub iyo Afrika General William Ward iyo Madaxweyne Yuweri Musefeni. Dowlada Maraykanka ayaa la hadal hayaa in ay wado in ay xooga saarto ciidamada Afrikaanka ee imaanaya dalka Soomaaliya, si ay hoos ugu dhigto awooda ay ciidamada Itoobiya ku yeelan karaan nabad illaalinta dalka Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa asagu sidoo kale lagu wadaa inuu dhaqaale gaar ah ka helo dowlada Maraykanka oo gacan ku siin doonta dhinaca Saadka iyo Qalabka ciidamada. Qorshahaasi ayaa ah mid hoos loogu dhigayo Go'aankii hore ee IGAD ee ahaa in Dalalka Safka hore ee IGAD ay qeyb ka noqdaan kuwa dhinaca Taakuleynta iyo gurmadka u fidinkara ciidamada la keenayo dalka Soomaaliya. Qorshahaasi oo ay dowlada Itoobiya awood ugu siin karta in ay si farsameysan ciidamadeed u sii joogaan gudaha dalka Soomaaliya. Hussein Farah Keynaan HorseedNet.com
  19. Hub loo qaybiyey ciidamo tababar ku qaatay xerada Luglow ee Kismaayo Ciidamada Ethiopian-ka ee tababarayey ciidamada dawladda ee ku jirey xerada Luglow ee magaalada Kismaayo ayaa maanta halkaasi ku soo geba gebeeyey tababarkii iyaga oo u qaybiyey hub iyo saanad militari si ay xasilinta dalka uga qayb qaataan. Ciidamada hubka loo qaybiyey ayaa lagu sheegay kuwo aan horay wax hub ah aan u haystan, waxana munaasabaddii hubkan lagu guddoonsiinayey ka qayb galay saraakiil sarsare oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed. Qaar kamid ah saraakiisha Ethiopian-ka ayaa sheegay in ujeeddadu ay tahay sidii loo heli lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo tababar wanaagsan qaba si ay u difaacaan dalkooda iyo danaha qaranka. Leyla Shiikh Aadan SBC Kismaayo