General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Nicely put. Lets give the system a chance, Yusuf/Geedi will leave and a new egenration of leaders will emerge, but lets not destroy what little we have left.. Jails are important step to law and order, once you have security everything else follows.
  2. Taliban and Co, are looking for new excuses, the "Ethiopian occupation" argument has run its course, now for soem thing new...
  3. ^^^Saxib that was not TFG propoganda the election was held in an open and transparant manner. Everyone who could took part. Including A/Qasin father of clan courts, Cadow and many others. The election took place ina neutral venue since the Somali's did not trust each other, Mogadishu, Baidoa or Bossaso would not have done for some specially the USC clans..
  4. ^^^The TFG is a foreign governemnt? , give us a break the TFG leadership are the only representatives of the Somali clans who inhabit the 18 regional districts. They were chosen by the Somali people in a reconciliation conference that took two & a half years to complete. They also now control the country.. Now our ancient enemies of Uganda, Algeria & Yemen are all occupaying us. Thats the funniest line ever.
  5. Welcoming the AU occupation these people should be all shott
  6. Our ancient enemies the Amxaro in Mogadishu ooh these are Ugandans, well they are black, so and so Haile Salaise's troops landing in Mogadishu
  7. Gaalkacyo: Wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha Soomaaliya oo kasoo dagay Gaalkacyo. 6. Mar 2007 Gaalkacyo(AllPuntland)- Wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo ay kamid yihiin wasiiro ka tirsan dawladda federaalka ayaa abbaare 4:55 galabnimo ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo. Wafdiga madaxwaynaha ayaa barqonimadii maanta kasoo duulay madaarka caalamiga ah ee Dubai. Dadwayne aad u badan oo ay hor kacayaan madaxda Puntland ,sida madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse, wasiirka arimaha gudaha, wasiirka maaliyadda , xildhibaano, maamulka gobolka ,iyo degmada ayaa madaxwaynaha garoonka kusoo dhaweeyay. Inkastoo dadka wafdiga madaxwaynaha soo dhawayntiisa u diyaar garoobay ay garoonka kusugnaayeen illaa barqonimadii maanta , haddana soo dhawayntu waxay ahayd mid xamaasaddeeda wada tahay, waxayna dadwaynuhu u sacabbo tumayeen wafdiga madaxwaynaha, halka qaarkoodna caleemo qoyan ruxayeen. C/laahi Yuusuf iyo wafdigiisa ayaa dadwaynaha oo safaf dheer ku jira salaamayay, balse madaxwaynaha ma uusan u waramin saxaafaddii kusugaysay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo. Wafdiga ayaa intaasi kadib u dhaqaaqay bartamaha Gaalkacyo iyo halka loogu talo galay inay dagaan, halkaasi oo la filayo inta uu joogo inuu madaxda Puntland kulamo kula yeesho. Ammaanka garoonka diyaaradaha ayaa aad loo sugayay maanta , ayadoo dadka lagu baarayay meel ka baxsan garoonka , abaabulka dadkuna wuxuu ahaa mid si agaasiman ku dhammaaday. CCC Farayaamo AllPuntland
  8. C/laahi Yusuf iyo Wafdi uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo Last Updated::2007-03-06 16:36:05 Gaalkacyo:- Madaxweynaha Dowlada Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo. Wafdigan oo kasoo duulay dalka Emaaraadka, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Airporka Gaalkacyo oo maanta amnigiisa si weyn loo sugay. Airporka ayey ku sugnaayeen Madaxda Dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cadde Musse. Wafdigan ayaa halkaasi uga gudbay dhinaca magaalada Gaalkacyo, ayadoo lagu wado in Wafdiga Federaalka uu kulan gaar ah la yeeshay Maamulka Puntland. Illaa iyo hada wax faah faahin ah lagama bixin safarkan aan horey loo shaacin oo uu Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ku yimid magaalada Gaalkacyo ee Puntland. Warar HorseedNet soo gaaraya ayaa sheegay in Maamulada Federaalka iyo Puntland kuwada xaajoonayaan arrimo la xariira amniga dalka iyo qodobo kale oo aan hada la shaacin. Cabdifutaax Shirwac HorseedNet.com
  9. Kooxda carqaladaynta iyo ciidamo madani ah oo ku dagaallamay degmada Wardhiigley Last Updated::2007-03-06 16:06:23 Muqdisho:- Kooxda u heellan carqaladaynta ammaanka magaalada Muqdisho isla markaasna shacabka dhexdooda ka ganta gantaallada iyo ciidamo madani ah oo ilaalo ka wadey degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa dagaal qaraari dhex maray maanta. Kooxdan ayaa ahayd kooxdii maanta weerarka ku hoobiyayaasha ah ku qaadday Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho xilli ay ka soo degayaan halkaas, ciidankii nabad ilaalineed ee ka yimaadda Midowga Afrika ee ugu horreeyey ee dalka soo gaara. Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska hor imaadkaas. HorseedNet.com
  10. Ethiopia, Kenya, Yemen, Uganda, Algeria all want to occupy Somalia
  11. Taliban, Somalia is a member of the AU, hence forget the occupation nonsence, the AU can not occupy one of its own. The troops have come, the noise the mortars injured no one, even though they hit resedential areas near the airport...
  12. ^^^The TFG is more than a single man or clan, its a ntional governemnt of the Somali's, hence the complaints of certain media types and minority groups like Qabil-Ubahane...
  13. ^^^Ah total victory for the TFG & Somalia is close, for whe ever you speak things go well for the government and people.
  14. KUWAIT: Dowladda Kuwait oo dhaqaale u ballanqaaday Dowladda Soomaaliya, kana kaalmeyn doona dhinacyo badan Posted to the Web Mar 05, 07:51 Kuwait (PP) – Dowladda Kuwait ayaa taageero dhaqaalle u ballanqaadday Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka kaalmeyn doono dhinacyada dhismaha hay’adaha Dowladda iyo Ciidammada. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo socdaal rasmi ah ku tagay dalka Kuwait ayaa amiirka dalkaas kala hadlay xaaladda dalka Somaaliya, isagoo ka codsaday inay taageerto dowladda KMG-ka ah oo halgan ugu jirta inay sharci iyo kala dambeyn ku soo celiso Soomaaliya. Kuwait ayaa noqotay dalkii ugu horreeya oo si toos ah u marti-qaadda dowaldda KMG-ka ah ee Soomaaliya, doonaysana inay taageerto dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Kuwait ay ka mid tahay dalalka ugu hodansan Khaliifka Carabta. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo aan xiriir fiican la lahayn dalalka Carabta ayaa socdaalkaan la filayaa inuu noqdo kii ugu muhimsanaa ee wadada xiriir ay yeeshaan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Carabta. Dhinca kale, wafdiga Madaxweyne Yuusuf ayaa kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Kuwait, wuxuu kaloo ka qaybgalay qado sharaf uu u sameeyay wafdiga Safiirka Soomaalida ee dalka Kuwait, waxaana Madaxweynuhu uu jaaliyadda Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya oo faahfaahsan. Madaxweyne Yuusuf oo gaaray dalka Kuwait laba maalmood ka hore ayaa lagu wadaa inuu uga duulo dhanka dalka Qatar oo laga yaabo inuu kaga qaybgalo shirka dalalka Dhexdhexaadka ah oo ka furmaya halkaas. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost.com
  15. ^^^Saxib your religious war is aimed at Puntland right. Anyhow these vehiclesas my sources underline are for the police of Mogadishu, 18 vehicles would mean one for each district and some left over. Its a good start and more will come insha Allah...
  16. ^^^You have nothing against the President thats quite amusing to say the least. Secesionist saxib, you have your clan region under control just like all the major clans, nothing special really. Thus time will come soon whe we restart the real talks for the new Somali union...
  17. Saraakiil Ugandhees ah oo soo gaaray Muqdisho. Muqdisho, Isniin, March 5, 2007 Simba Radio Saraakiil Milatari oo ka socota dalka Uganda ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia , iyaga oo diyaarinaya imaatinka ciidamada dalkaasi oo magalaada kusoo wajahan. Wakaaladda Wararka ee AP, ayaa qortay in maalintii shalay Magaalada Muqdisho ay soo gaareen dhowr ka tirsan Saraakiisha Milatariga dlaka Uganda , si ay u diyaariyaan imaatinka kun askari oo Uganda ka socda oo Magaalada kusoo wajahan, sida uu sheegay duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde Gaaboow. Dowlada Uganda waa ay diiday inay sheegto waqtiga rasmiga ah oo ciidamadeeda ay imanayaan dalka Somalia , laakiin waxa ay tiri in ciidamada ay kasoo dhaqaaqeen dalkooda ayna kusoo wajahan yihiin Somalia . Cadde, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in dadka degan magaalada caasimadda ah ay soo dhoweyn doonaan imaatinka ciidamadaasi, sababtuna ay tahay ayada oo qaati laga taagan yahay qaraxyo iyo dhibaatooyin kale. Waxa uu sidoo kale sheegay in Maxamed Foum oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Somalia uu joogo Magaalada caasimadda ah. Simba Media Center, Muqdisho Somalia Email: simba@simbanews.com
  18. MUQDISHO: Xubno ka socda Midowga Afrika iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo uu dhex marayo maanta kulan looga hadlayo Ammaanka Muqdisho Posted to the Web Mar 05, 07:50 Muqdisho (PP) – Maanta ayaa lagu wadaa inay kulammo yeeshaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xubno ka socda Midowga Afrika oo Muqdisho soo gaaraya, waxaana lagu wadaa inay ka wada hadlaan qaabka ay u howgeli lahaayeen ciidammada Ugandes-ka ah ee nabad ilaalin ahaanta u imaanaya Soomaaliya. Wafdigaan ka socda Midowga Afrika oo ay la socdaan saraakiil Ugandese ah oo hoggaamin doona ciidammada lagu wado inay ka howlgalaan Soomaaliya ee ka socda dalka Uganda ayaa waxaa lagu wadaa inay maamulka Gobolka Banaadir kala hadlaan goobaha ay ka howlgeli karaan ciidammadooda. Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cadde Gaaboow iyo xubnaha kale ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay kulammada la yeeshaan Madaxda ka socota Midowga Afrika, waxaana kulankaan wixii ka soo baxa lagu wadaa in saxaafadda loo qaybiyo. Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminaya Ergayga Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afirka Maxamed Cali, waxaana lagu wadaa inay ku sugnaadaan dalka muddo laba casho ah oo ay kaga baaraan-dagayaan qaabka ay u howlgalayaan ciidammada Ugandese-ka ah. Wararka ayaa waxay sheegayaan in wafdigaan ay sidoo kale hordhac u yihiin kooxo ka socda Midowga Afrika oo u kuurgalaya goobaha kale ee la geyn karo ciidammo ay ku deeqeen dalalka Burundi iyo Malawi oo iyagana la keenayo Soomaaliya dhawaan. Sidoo kale wafdigaan ayaa waxaa la socday diyaarad nooca xamuulka ah oo ay leeyihiin Ciidammada Mareykanka, taasoo la sheegay inay keentay sahayda askarta Ugandese-ka ah ay isticmaali doonaan oo la keenayo Soomaaliya. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost.com
  19. MUQDISHO: Garoonka Diyaaradaha Muqdsiho iyo Dekedda weyn oo lagu wado in Labada casho ee soo socda ay... Posted to the Web Mar 05, 07:50 Muqdisho (PP) – Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho iyo Dekedda weyn ayaa lagu wadaa inay labada maalmood ee soo socota noqdaan goobaha ugu mashquulka badan oo laga soo dajinayo ciidamada Uganda iyo qalabka ay wataan. Garoonka Diyaaradaha ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan in diyaaradaha shacabka ee sida isdaba joogga ah u imaan jiray la hakin doono labada maalmood ee soo socda, ayna ka dagi doonaan ciidammada Ugandese ah, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay maanta billaabanayso arrintaas. Diyaaradaha Milateriga ee Mareykanka ayaa lagu wadaa inay garoonka ka soo dajin doonaan labada maalmood ee socda ciidammada Ugandese ah oo gaaraya 1500-askari, kuwaasoo howlgal nabad ilaalin ah ka fulin doona gudaha Muqdisho. Wararka ayaa waxay sidoo kale sheegayaan in dekedda weyn ee Muqdisho lagu wado in iyadana ay ka soo dagaan qalabkii ay isticmaali lahaayeen ciidammada Uganda, waxaase wararku ay sheegayaan in dekedda ay ka dagi doonaan qalabkaas labada maalmood ee soo socda, sidaa daraadeedna aan laga dajin doono wax ganacsi ah ama kaalmooyin kale ah. Dhanka kale, Dekedda weyn ee Muqdisho duleedkeeda ayaa waxaa la dhigay Markab kuwa dagaalka ah oo uu leeyahay Mareykanka, kaasoo lagu wado inuu ilaaliyo maraakiibta ka dajinaysa Dekedda Qalabka Ciidammada Uganda ay isticmaali lahaayeen. Uganda ayaa Soomaaliya u soo diraysa 1500-askari, waxaana ay noqonayaa ciidammadii ugu horreeyay oo nabad ilaalin ahaan u yimaada Soomaaliya kana socda Midowga Afrika, waxaana lagu wadaa inay ka howlgalaan Muqdisho oo ah goob ay xasarado ka jiraan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost.com
  20. Muqdisho: Diyaarad Saanad millatari u wadday Uganda oo Muqdisho ka dagtay. 5. Mar 2007 Muqdisho(AllPuntland)-Diyaarad kuwa millatariga ah oo aad wayn ayaa shalay kasoo dagtay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho. Diyaaraddan ayaa la sheegay inay lahayd dawladda Uganda, ayna wadday saanad millatari oo ay leeyihiin ciidamada Uganda. Wariyaha AllPuntland ee Muqdisho ayaa noo sheegay in diyaaraddan qalabkii saarnaa loo daabbulay xeryaha loogu talo galay in la dajiyo ciidamada Ugandha ee nabad ilaalinta Soomaaliya imaanaya. Warku wuxuu intaas raacinayaa in Saanadaan millatari hordhac u tahay Ciidamada Ugandha oo maalmaha soo socda ka soo cagadhigan doona magaalada Muqdisho . Sanaadaan millatari ayaa sida ay sheegayaan warar hoose oo laga helayo Saraakiil ka tirsan dawlada Soomaaliya in ay yihiin hubka lugu sugayo Amniga goobaha lugu wado in ay ka soo dagaan ciidamada nabad ilaalinta sida garoonka diyaarada Muqdisho iyo dekedda weyn, goobahaas oo ah meelaha sida aadka amaankooda dawlada Soomaaliya ula tacaalayso. Midowga Afrika ayaa wada qorshe dalka Soomaaliya lagu gaynayo ciidamo gaaraya 8,000 oo askari,balse waxaa illaa iyo iminka la hayaa ballan qaadka 4,000 oo askari. CCC Farayaamo AllPuntland