General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Cali-Saciid oo sheegay inuu soo gaarey qeyb ka mid ah qalabkii Ciidamada Booliska gobolka ay ku howlgali layaaheen. March 05-2007-HornAfrik, Mogadishu Taliyaha Ciidanka Boolsika gobolka Banaadir ayaa sheegay in qalab loogu talagaley inay ku howlgalaan Ciidanka booliska Gobolka Banaadir ay soo gaareen Magaalada Muqdisho. Qalabkaan oo isugu jira Baabur Mootooyin iyo qalab kale oo ay ku shaqeeyaan Ciidanka Booliska oo dhawaan kasoo dagey dekada weyn ee Magalada Muqdisho ayaa soo gaarey goobaha Ciidamada Booliska. Qalabkaan oo ah mid markaasi loogu talagalay inay ku howlgalaan Ciidamada Booliska ee gobolka Banaadir islamarkaasina loo qeybin doono saldhigyada iyo qeybaha Booliska ee gobolka Banaadir sida uu sheegay taliyaha Ciidanka gobolka Banaadir Cali-Siciid. Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay in dhawaan Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ay howlgali doonaan islamarkaana ay ka howlgali doonaan isgoysyada Magaalada Muqdisho si loo soo celiyo Nadaamkii wadooyinka Magaalada Muqdisho iyadoo sidoo kalena howlaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir la dardar galin doono. Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Cali-Saciid ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey in xiligaan saldhiyada Ciidanka Booliska ay joogaan Ciidamadii Booliska ee loogu tala galay inay howlgalaan saldhigyadaasi. Howlaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa habacsanaan ku timid tan iyo wixii ka danbeeyey weeraradii lagu qaadey qaar ka mid ah saldhigyada Booliska gobolka Banaadir kuwaasoo wax yeelo ay ka soo gaartey qaar ka mid ah Ciidamadii Booliska ee ku sugnaa goobahaasi saldhigyada ah .
  2. Muqdisho: Booliska Banaadir oo ay soo gaareen Mootooyin iyo gawaarida Booliska. 5. Mar 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Labadii maalmood ee ina dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda kusoo xiranayay maraakiib wadda gaadiidka loogu talo galay booliska sida mootooyinka, gawaarida booliska qaada iyo kuwa danbiilayaasha lagu qaado. Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa qalabkan ku heshay deeq uga timid waddamada dariska ah , carabta iyo hay'adaha qaramada midoobay. Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir G/sare Cali Siciid Sheekh Xasan ayaa sheegay in boolisku ay sida ugu dhaqsaha badan uga hawl gali doonaan waddooyinka waawayn ee caasimadda Soomaaliya. Wuxuu sheegay taliyuhu in ammaan kusoo celinta caasimadda Soomaaliya aysan si deg deg ah kusoo laaban karin hase ahaatee sharciyada gaadiidka , iyo kuwa booliska oo la illaaway dartii ay boolisku u baahan yihiin waqti ay hawlohooda ku qabsadaan. Taliyaha ciidanka booliska Banaadir wuxuu sheegay in haddii qalabkii ka dhimannaa sida gaadiidka ay heleen ay u sahalanaan doonto inay hantaan hawshooda sii xoojiyaan.. Dhinaca kale waxaa uu xusay in la hawl galin doono ciidankii waddooyinka ee Taraafigga . Qaramada midoobay ayaa dhineceeda ka sheegtay inay diyaar la tahay inay dawladda ka caawiso dhinaca ciidamada . CCC Farayaamo AllPuntland.
  3. ^^^Just news saxib, my caring is for the union, though this type of action is quite harsh..
  4. ^^^I agree, Riyaale is working his magic again..
  5. Ugandan military officials in Somalia's capital to prepare for peacekeepers MOGADISHU, Somalia (AP) - Ugandan military officials were in the Somali capital Sunday as Uganda prepares to send more than 1,000 troops to this chaotic African nation as part of a peacekeeping force, the mayor said. Uganda has refused to say the exact date of its troop deployment, but the country has promised to send forces. "Residents will welcome their arrival because we are fed up with the explosions and other problems here," said Mogadishu Mayor Mohamud Hassan Gabow. He said Mohamed Foum, the African Union's special representative for Somalia, was also in the capital. African peacekeepers will have to confront growing violence in the capital. Since the government and its Ethiopian backers drove out Islamic militants in December, insurgents have staged near-daily attacks, with civilians bearing the brunt of the violence. Somalia has been mired in anarchy since 1991, when warlords overthrew dictator Mohamed Siad Barre and then turned on one another. The transitional government was formed in 2004 with U.N. help in the hope of restoring order, but it has struggled to assert its authority. Ethiopian troops have begun withdrawing, but the U.N. Security Council has approved the deployment of an African peacekeeping force in Somalia expected to reach a level of 8,000 troops. Meanwhile, many in this impoverished country are struggling with severe health problems. At least 50 people, 30 of them children, have died in the past two weeks in southern Somalia after suffering from watery diarrhea, doctors said. "A barrel of water is more than US$1, so we drink contaminated water from the irrigation channels of the river," said Said Asho Ahmed Gedi, a mother of five. "That is why our children are getting sick." Dr. Ismail Abdulahi Haji, head of Banadir Hospital, said the problem was getting worse. "The number of people suffering from diarrhea is increasing, day in day out," he said. Somalia has some of the world's worst health indicators. Life expectancy at birth is 46 years; a quarter of children die before they reach 5. In many areas of Somalia, malnutrition rates are 20 percent or above. Source: AP, Mar 04, 2007
  6. ^^^Farax thus you want to discuss the man MKA, and not the topic, well the topic is more important than you dear lad..
  7. ^^^My man I think you are losing the plott. Nothing worse than a grown man stuck in his own ditch.
  8. ^^^My man I think you are losing the plott. Nothing worse than a grown man stuck in his own ditch.
  9. ^^^He has nothing to offer but the fake arguments of the defeated clan courts & the warlords who think the destruction of Mogadishu over the past 16 years was a golden age..
  10. ^^^He has nothing to offer but the fake arguments of the defeated clan courts & the warlords who think the destruction of Mogadishu over the past 16 years was a golden age..
  11. Four Somali journalists sentenced for defamation (Reuters) 4 March 2007 HARGEISA - A Somaliland court sentenced four journalists on Sunday to jail terms ranging from two to two-and-a half years for defaming the country’s president and revoked the licence of the paper that employed them. Three of them had been detained since January while the fourth was sentenced in absentia. They worked for the local daily HAATUF and were accused of defaming Somaliland’s President Dahir Rayale Kahin. The regional court in Hargeisa also fined the newspaper 5 million Somaliland shillings and revoked its licence, drawing criticism from a rights groups accusing Somaliland of muzzling the press. The East and Horn of Africa Human Rights Defenders Network, a little-known group, said the journalists had not received a fair trial. It said the 5 million Somaliland shillings was equivalent to $800. ‘The international community needs to speak out on the conduct of justice in Somaliland,’ it said in a statement. ‘I call upon the government to lift the ban on HAATUF’s publication and allow the media to flourish as part of an ongoing democratisation process,’ it quoted its chairman Hassan Shire Shaikh as saying. Despite its relative stability compared to the rest of Somalia, so far the world has withheld recognition of Somaliland, preferring the old colonial borders to avoid opening a Pandora’s box of secession conflicts.
  12. Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xabsi Dheer Iyo Ganaax Lacageed Ku Xukuntay Afar Suxufi, Wargeyska Haatufna La Xayiro Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 4 March, 2007 -------------------------------------------------------------------------------- Mandheera (Somaliland.org) – Afar suxufi oo ka tirsan wargeyska Madaxa bannaan ee Haatuf oo saddex ka mid ahi ay xidhan yihiin ayaa lagu xukumay maanta xabsi kala duwan oo ah 2 sannadood iyo 2 sannadood iyo badh. Isla markaana waxa ruqsaddii lagala noqday wargeyska Haatuf. Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo dacwadda suxufiyiinta Haatuf ku dhegeysnaysey Xabsiga ay ku xidhan yihiin ee Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka suxufiyiintaas. Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah Guddoomiyaha Shabakadda Haatuf oo lagu eedeeyey is hortaag ciidan ayaa lagu xukumay 2 sannadood oo xadhig ah, halka, Cali Cabdi Diini oo ahaa tifatiraha Wargeyska Haatuf, Maxamed Cumar Sheekh oo ahaa weriyaha Wargeyska Haatuf ee Gobolka Awdal iyo Maxamedrashiid Muxumad Faarax iyagana midkiiba lagu xukumay 2 sannadood oo xadhig ah. Waxa kale oo ay maxkamaddu xukuntay in la xayiro soo saarista Wargeyska Haatuf iyo ganaax lacageed oo dhan 5 Milyan oo SL.shs ah. Saddexda suxufi oo laba ka mid ahi xidhan yihiin, waxa lagu eedeeyey waxyaabo ku soo baxay wargeyska oo Xeer Ilaalintu ku tilmaantay inay yihiin Aflagaaddo Madaxweyne, kicin, falal iska horkeenaya bulshada, inay faafiyeen arrimaha ciidanka iyo waxyaabo la mid ah. Weriye Maxamedrashiid Muxumad Faarax oo isagu ahaa ninka qoray taxane soo bandhigay xogo caddaymo wata oo ku saabsan musuqmaasuqa qoyska Madaxweyne Riyaale, kaas oo sababay xadhiga suxufiyiinta Haatuf ayaa la xukumay isaga oo dibad joog ah, kadib markii uu ka baxsaday qabashadii booliska. Garyaqaanka u doodayey suxufiyiintaas, Maxamed Carab Cabdi ayaa ku tilmaamay maxkamadda xukunkan gaadhey maxkamad gaar ah oo aan sharci ahayn. Waxa kale oo cambaareeyey xukunka Maxkamadda, ururka Suxufiyiinta SOLJA iyo ururrada xuquuqul Insaanka Somaliland. Inkasta oo Maxkamaddu saaka ku dhawaaqday go’aankeeda ah in albaabada loo xidho Wargeyska Haatuf, haddana, xarunta wargeyska oo aan galabta tegey ayaa shaqadu si caadi ah uga socotaa, iyada oo ay suxufiyiintu diyaarinayeen caddadkii wargeyska ee berrito soo baxaya. C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
  13. Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa xukun xadhig iyo ganaax lacageed isugu jira ku xuntay masuuliyiinta wargeyska Haatuf oo muddo laba bilood ku dhow ku xidhnaa xabsiga Mandheera, isla markaana waxay maxkamadu soo saartay amar iridaha loogu xidhayo wargeyskaas. hadhwanaag 2007-03-04 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Si ay ay shabakada Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen weriyaal iyo hawlwadeeno sar sare oo ka tirsan wargeyska Maalin laha ah ee Haatuf, maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa ayaa saaka xukun iyo qaraar ka gaadhay dacwada loo haysto Gudoomiyaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, Tafatiraha wargeyskaasi Cali Cabdi Diini, iyo wariyaha wargeyska uga soo warama Gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh oo loo hastay inay baahiyeen eedeymo musuqmaasuq oo ka dhan ah qoyska madaxtooyada. Maxkamadu waxay saaka xabsiga mandheera kaga dhawaaqday xukun kala duwan oo ay ku riday suxufiyiinta wargeyskaas. Waxaanu xukunkii maxkamadu u dhacay sida: 1.Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxay maxkamadu ku xukuntay 2-sanno oo xadhiga 2. Tafatirihii wargeyska Cali Cabdi Diini waxa lagu xukumay xadhig dhan laba sano iyo badh 3. Maxamed Cumar Sheekh weriyihii Gobolka Awdal ee Wargeyska Haatuf waxa isna lagu xukumay laba sano iyo Badh xadhiga. Sidoo kale waxay maxkamada Gobolku masuuliyiinta wargeyska Haatuf ku xukuntay 5,000,000 Sl sh (Shan malyan oo shilinka Somaliland ah), waxa kale oo ay maxkamadu amar ku bixisay in iridaha loo xidho wargeyska Haatuf. Dhinaca kale Xukunkan ka soo baxay maxkamada Gobolka Hargeysa waxa uu ku soo beegmay iyadoo maalinta beriya Golaha wakiiladu cod u qaadayo mooshin xukuumada lagaga dalbanayo dhaqangelinta xeerka Saxaafada iyo joojinta waxay ku tilmaameen cabudhinta saxaafada Xorta ah Sidoo Maxamed Aamin oo ka tirsan wariyaasha wargeyska Haatuf oo aanu saaka wax ka weydiinay sida uu u arko xukunka maxkamada gobolka ee ka dhanka ah masuuliyiintooda ayaa sheegay inay u arkaan xukun sharci daro ah oo bilow u ah cabudhinta saxaafada madaxa banana. Maxamed Aamin waxa intaasi ku daray inaanay marnaba aqbalayn xukunkasta oo sharci daro ah. Weriye, Mustafe-janaale Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa E-mail, janaale94@yahoo.com
  14. Maanta ayaa si lama filaan ah waxaa xeebaha Muqdisho ugasoo baxay ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta ee AU-du ugu talagashay dalka Soomaaliya in ay howl nabad sugid ah ka qabtaan March 4 . 2007 Radiofreesomalia.com Maanta ayaa si lama filaan ah waxaa xeebaha Muqdisho ugasoo baxay ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta ee AU-du ugu talagashay dalka Soomaaliya in ay howl nabad sugid ah ka qabtaan,waxaaana ay ciidamadani qeyb ka yihiin milatariga dalka Uganda ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa xeebaha magalada Mombasa ee dalka Kenya. Inti badnayd ciidanka Uganda waxaa ay wali ku suganyihiin magaalada Mombasa oo ay kawadaan dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee diyaar garowgooda,waxaana ay wada imaandoonaan magaalada Muqdisho isla todobaadkan,hase ahaatee kuwa maanta iyagoo saran kaarayaasha badda mara kasoo baxay xeebaha Muqdisho aya lagu fasiray hordhac. Ciidanka maanta xeebaha Muqduisho kasoo baxay ayaa wata ilaa iyo 10 kaare oo ah nooca badda iyo barigaba mara,waxaana ay isla markiiba ku xaroodeen xero muillatari oo ay u diyarisay dowladda federalka Soomaaliya,inkastoo masuulioyiinta xagga ciidamada ee dowaldda Soomaaliya aanay wali ka hadlin. Shaafici Muhudiin oo aan qadka telefoonka ku tiigsanay ayaa inoo cadeeyay in maanta ay ciidamadaa iyo 7 diyaaradood oo kuwamiliteriga la socdaan ay soo gaareen magaalada Muqdidisho , sidoo kalena ay xeebta Jasiira ee ay ka soo degeen ciidama doomaha beri biyoodka watay ,iyadoo ciidaamdani aanay wax howl ah qaban doonin banaankana aanay usoo bixi doonin tan iyo inta ciidanka Uganda oo dhami ay Muqdisho ka wada imaanayaan. Saraakiisha millatariga dalka Uganda aya sheegay in ay ciidankoodu dagayaan Muqdisho,islamarkaana ay talabo ka qaadi doonaan kuwii iyaga naftooda u yimaada,waxaana ay cidankani ku howlgali doonaan amarka dowaldda federalka Soomaaliya.
  15. ^^^The dude has lost the argument. He thinks we are against wadaads, no we are againts fake hypocrites like IndaCade & Co...
  16. ^^^The dude has lost the argument. He thinks we are against wadaads, no we are againts fake hypocrites like IndaCade & Co...
  17. ^^^I stand by that argument saxib. Your point is what? That Shiekh IndaCade, Xasan Dahir were those who ran the orphanages? The TFG is not at war with religious folks but against warlords who used the religion as a garb. I called that one correctly as well, as I remmeber.
  18. We thank our friends Igad member states and Yemen and all the others who helped us achieve that peace. In the near future Somalia will help other AU countries as they have helped us. Insha ALLAH
  19. ^^^Saxib you are making me laugh now, for if you think that the champions of Islam & Somalinimo are the likes of thug warlord IndaCade, Seeraar, Goobanle, Abdiqasin & the president of Eritrea Aferwarki a man of Christian Judeo heritage. The facts and history is not a domain only for you and those of your mindset, will also highlight the hypocracy of the clan courts and their Balcad group warlord brethrens. It will highlight the torment & occupation of unarmed clans. So brother try again, because you sound quite delusional.
  20. Dawladda Masar oo shaacisay in ay dhaqaale siin doonto xukuumadda Federaalka Somaliya. Dawladda Masar ayaa sheegtay in ay gacan siin doonto dawladda kmg ee Somaliya sidi ay dib ugu soo ceshan laheyn dhammaan waaxihii muhimka ahaa ee dalka Soomaaliya, isla markaan ay dib u dhisi ugu laheyd Soomaaliya. Kulan ay magaalada Qaahira ku yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Somaliya iyo Masar ayey kaga wada xaajoodeen qaabkii ay dawladda Masar ku gacan qaban lahayd dawladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Masar Axmed Abul Geyth oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in xukuumadda Qaahira ay gacan ka geysan doonto nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya, isagoona adkeeyay in ay shacbiga Somaliyeed garab taagan yihiin mar waliba. Abul Geyth waxaa uu xusay in dawladda Masar ay soo dhawaeynayso hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Yuusuf ee la xiriiray in la qabanayo shir weyne dib u heshiiisiin qaran. Kaasi oo ay kasoo qeybgalaan dhinacyada kala duwan ee Somaalida. Wasirka arrimaha dibadda dawladda Soomaaliya Ismaaciil Max'ud Hurre Buubaa ayaa dhinaciisa sheegay in ay muhiim tahay in ay dalalka Carabtu gacan ka geystaan dib u dhiska Soomaaliya. Waxa mudane Hurre uu uga mahad celiyay ballan qaadyada ay dawladda Masar u sameysay xukuumadda Soomaaliya. Buubaa waxaa uu tilmaamay in dalalka Masar iyo Soomaaliya ay ka dhexeeyaan xiriiro saaxibtinimo oo soo jireen ah. Taasina ay ka dhigeyso in labada dhinac ay isugu kaalmeeyaan. WardheerNews
  21. Madaxweyne C/laahi Yusuf oo socdaal ku maraya dalka Kuwait ayaa la kulmay Amiirka dalkaasi. Jibriil Nuur Cadde wardheernews Muqdisho 03/04/2007 _______________________________________________________________________________ Madaxweynaha dawladda kmg ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa booqasho ku tagay dalka Kuwayt. Halkaasi oo kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah madaxda dalkaasi isagoo kala hadlay sidii ay kaalmo ugu fidin lahayd dawladda Kuwayt Soomaaliya. Madaxweyne Yuusuf waxa uu kulan la yeeshay amiirka dalka Kuwait Axmed Al Sabaax, isagoo ay ka wada xaajoodeen qaabkii Xukuumadda Kuwayt ay ku gacan qaban lahayd dawladda kmg ee Soomaaliya. Wakaaladda wararka Kuwayt ee KUNA ayaa ku warantay in madaxweyne C/laahi Yuusuf uu u soo bandhigay masuuliyiinta Kuwayt dalab ku aadan in dhaqaale loogu fidiyo xukuumadiisa si ay hanato hawlaha iyo maamulka dalka. Al aubaax ayaa dhankiisa u ballan qaaday dawladda Soomaaliya in dhinacyo badan uu ka taageeri doono. Waxa uu Alasabaax sheegay in xukuumadda Kuwayt ay taageero u fidin doonto si looga xukuumadda kmg ahi ayna u burburin sidii kuwii ka horreeyay. Socdaalka Madaxweyne Yusuf ee Kuwayt ayaa qayb ka ah socdaallo uu kusoo marayo wadamada Carabta. Socdaalkaas ayaa ka dambeeyay ka dib marki uu ka qayb galay kulankii ka dhacay magaalada Doxa ee caasimadda Qadar. Halkaasi oo uu kaga qeybgalay kulankii ay yeesheen dawladaha dhex dhexaadka.
  22. Ciidamo ka tirsan kuwa nabad Ilaalinta AU oo maanta iyagoo Kaarayaal badda mara dul saaran kasoo baxay xeebaha Muqdisho{Breaking news} Maanta ayaa si lama filaan ah waxaa xeebaha Muqdisho ugasoo baxay ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta ee AU-du ugu talagashay dalka Soomaaliya in ay howl nabad sugid ah ka qabtaan Maanta ayaa si lama filaan ah waxaa xeebaha Muqdisho ugasoo baxay ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta ee AU-du ugu talagashay dalka Soomaaliya in ay howl nabad sugid ah ka qabtaan,waxaaana ay ciidamadani qeyb ka yihiin milatariga dalka Uganda ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa xeebaha magalada Mombasa ee dalka Kenya. Inti badnayd ciidanka Uganda waxaa ay wali ku suganyihiin magaalada Mombasa oo ay kawadaan dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee diyaar garowgooda,waxaana ay wada imaandoonaan magaalada Muqdisho isla todobaadkan,hase ahaatee kuwa maanta iyagoo saran kaarayaasha badda mara kasoo baxay xeebaha Muqdisho aya lagu fasiray hordhac. Ciidanka maanta xeebaha Muqduisho kasoo baxay ayaa wata ilaa iyo 10 kaare oo ah nooca badda iyo barigaba mara,waxaana ay isla markiiba ku xaroodeen xero muillatari oo ay u diyarisay dowladda federalka Soomaaliya,inkastoo masuulioyiinta xagga ciidamada ee dowaldda Soomaaliya aanay wali ka hadlin. Warkan ayaanu so qarsoodi ah uga helnay mid ka mida masuuliyiinta dowladda oo diiday magacisa in la shaaciyo,iyadoo ciidaamdani aanay wax howl ah qaban doonin banaankana aanay usoo bixi doonin tan iyo inta ciidanka Uganda oo dhami ay Muqdisho ka wada imaanayaan. Saraakiisha millatariga dalka Uganda aya sheegay in ay ciidankoodu dagayaan Muqdisho,islamarkaana ay talabo ka qaadi doonaan kuwii iyaga naftooda u yimaada,waxaana ay cidankani ku howlgali doonaan amarka dowaldda federalka Soomaaliya. Xafiiska warqabadka shabakadda