
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Ciidamo gaar ah oo Kismayo gaarey 17 Apr 17, 2007 - 7:57:18 AM Ciidamo suga ammaanka guud ee magaalada Kismaayo laguna sheegay tiradooda 100 Askari ayaa maanta lagu daariyay gudaha magaalada Kismaayo. Ciidamadaan oo tababar kusoo kala qaatay dugsiyo tababar oo ku kala yaala gobolka Jubbada Hoose iyo Bay, ayaa la sheegay inay si dhameystiran berrri ka howl bilaabi doonaan gudaha magaalada Kismayo, iyagoo la dagaalami doona kooxo lagu sheegay fidno wadayaan oo magaalada ku sugan. Aadan Goojar taliyaha ciidamada gobolada Juboyinka ee dowlada KMG ah ee Somalia oo maanta ka hadlay xaflad lagu dhaarinayay ciidamadaasi ayaa ku booriyay inay u shaqeeyaan qaab qarimo ayna iska dhaafaan qabiileysi iyo wixii la mid ah. Goojaar waxuu ku amray ciidamadaasi inay aragti ku toogtaan cidii ay arkaan iyadoo hub ku dhex wadata gudaha magaalada Kismaayo, isla markaana dhiiga dadkaasi la toogto ay bixin doonto dowlada KMG ah ee Somalia. Ciidamadan ayaa taliye loogu dhigay Col. Faysal Axmed Maxamed iyadoo abaan duule loogu dhigay Maxamed Cabdilaahi. Ciidamadaan ayaa waxaa loo qeybiyay dareys u gaar ah oo aan u ekeyn noocyada ay wataan ciidamada DF, isla markaana waxaa la siiyay gawaari buufsan iyo hubka noocyadiisa kala duwan. Cabdi Fatax Axmad,GO
-
KISMAAYO:(KP)-CIIDAMADA DOWLADA SOMALIA OO ARAGTI KU TOOGANAYA CIDII LAGU ARKO AYADOO HUB KU DHAXWADATO MAGAALADA KISMAAYO:(18-04-2007) Ciidamo loogu tala galay inay wax ka qabtaan xaalada ammaan ee magaalada Kismaayo oo tiradooda gaareysa 100 Askari oo laga soo kala aruuriyay guutooyinka 1-aad,2-aad,3-aad iyo taliska ciidamada gobolada Jubbooyinka. Ciiidamadaan oo qaarkood tababar kusoo qaatay dugsiga Lugloow qaar kalena tababar kusoo dhameystay magaalada Baydhaba ayaa maanta saraakiisha ciidamada Dowlada KMG ah ee gobolada Jubbooyinka waxa ay ku hor dhaariyeen xarunta warshada ee ciidamada haatan saldhiga u yahay. Saraakiisha ayaa ciidamadaan ku amray inay la dagaalamaan dadka sida sharci darada hubka ku dhex wata gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo la sheegay in berito ay ciidamadaan si dhameystiran u howl bilaabi doonaan. Taliyaha qeybta 1aad ee ciidamada gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe Col. Aadan Maxamed Ibraahim “Goojaar” ayaa ciidamadaan ku amray in cidii ay arkaan iyadoo gudaha Kismaayo hub ku dhex wadata ay toogtaan dhiigoodana loo soo raacan doono saraakiisha ciidamada Dowlada. Ciidamadaan oo gaaraya 100 Askari ayaa maanta waxaa loo qeybiyay darees u gaar iyadoo la siiyay gaadiid iyo hubka noocyadiisa kala duwan. Ciidamadaan ayaa taliye looga dhigay Col. Faysal Axmed Maxamed iyo abaan duule Maxamed Cabdilaahi, hashe yeeshee saraakiisha ciidamada DF ee Jubbooyinka ayaa waxa ay ciidamadaas kula taliyaan inaysan u shaqeyn hab qabiil oo ay qaranimo u shaqeeyaan. Wariye Mahamud Said Salaad
-
Kismaayo: ciidamo la dagaalamaya cidii hub wadata oo bari ka howl gali doona. Kismaayo, Talaado, April 17, 2007 Simba Radio Ciidamo loogu tala galay inay wax ka qabtaan xaalada ammaan ee magaalada Kismaayo oo tiradooda gaareysa 100 Askari oo laga soo kala aruuriyay guutooyinka 1-aad,2-aad,3-aad iyo taliska ciidamada gobolada Jubbooyinka. Ciiidamadaan oo qaarkood tababar kusoo qaatay dugsiga Lugloow qaar kalena tababar kusoo dhameystay magaalada Baydhaba ayaa maanta saraakiisha ciidamada Dowlada KMG ah ee gobolada Jubbooyinka waxa ay ku hor dhaariyeen xarunta warshada ee ciidamada haatan saldhiga u yahay. Saraakiisha ayaa ciidamadaan ku amray inay la dagaalamaan dadka sida sharci darada hubka ku dhex wata gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo la sheegay in berito ay ciidamadaan si dhameystiran u howl bilaabi doonaan. Taliyaha qeybta 1aad ee ciidamada gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe Col. Aadan Maxamed Ibraahim “Goojaar” ayaa ciidamadaan ku amray in cidii ay arkaan iyadoo gudaha Kismaayo hub ku dhex wadata ay toogtaan dhiigoodana loo soo raacan doono saraakiisha ciidamada Dowlada. Ciidamadaan oo gaaraya 100 Askari ayaa maanta waxaa loo qeybiyay darees u gaar iyadoo la siiyay gaadiid iyo hubka noocyadiisa kala duwan. Ciidamadaan ayaa taliye looga dhigay Col. Faysal Axmed Maxamed iyo abaan duule Maxamed Cabdilaahi, hashe yeeshee saraakiisha ciidamada DF ee Jubbooyinka ayaa waxa ay ciidamadaas kula taliyaan inaysan u shaqeyn hab qabiil oo ay qaranimo u shaqeeyaan. Leyla Sheekh Aadan Kismaayo
-
Hay'ada safamafalka Jubbooyinka oo lagu amray inaysan qaadan karin ciidamo u gaar ah. Kismaayo, Arbaco, April 18, 2007 Simba Radio Taliyaha abaan duulka ciidamada xooga dalka Somalia ee gobolada Jubbooyinka Aadan Goojaar ayaa Hay'adaha samafalka ee ka howl gala gobolada Jubbooyinka ugu digay inaysan qaadan karin ciidamo ka baxsan kuwa ammaanka iyo qoryo u gaar ah, hase yeeshee ay ciidamo ka dalbaan karaan saraakiisha ciidamada DF. Aadan Goojaar ayaa tilmaamay hadii lagu arko hay'adaha samafalka ciidamo u gaar ah in la xiri doono hay'adaha xafiisyada ay gobalka ku leeyihiin isla markaana ay dib dambe ugu howl gali doonin Jubbooyinka. Taliyaha abaan duulka ciidamada xooga dalka Somalia ee gobolada Jubbooyinka Aadan Goojaar ayaa waxa uu intaas ku daray in saacadaha soo socda 100 askari ee loogu tala galay inay ammaanka Kismaayo sugaan lagu wareejin doono gaadiidka dagaalka oo ay ku howl galayaan. Arintaan kasoo baxday Taliyaha abaan duulka ciidamada xooga dalka Somalia ee gobolada Jubbooyinka Aadan Goojaar ayaa ilaa iminka aysan ka hadlin hay'adaha samafalka ee ku sugan gobolada Jubbooyinka. Leyla Sheekh Aadan Kismaayo
-
Saraakiisha Ciidamada Gobolada Jubooyinka oo amar ku soo rogay Ganacsatada Goboladaasi ku dhaqan. Col. Aadan Maxamed Ibraahim "Aadan Goojaar" Taliyaha abaan duulka ciidamada xooga dalka Somalia ee gobolada Jubbooyinka ayaa maanta digniin culus usoo jeediyay hay'adaha samafalka ee ka howl gala gobolada Jubbooyinka. Aadan Goojaar ayaa Hay'adaha samafalka ee ka howl gala gobolada Jubbooyinka ugu digay inaysan qaadan karin ciidamo ka baxsan kuwa ammaanka iyo qoryo u gaar ah, hase yeeshee ay ciidamo ka dalbaan karaan saraakiisha ciidamada DF. "Hay'adaan ku aragno iyadoo shaqaaleysiisatay ilaalo u gaar ah oo hub wata, waxaan ka xiri doonaan xafiiska ay gobolada ku leedahay, mana ogolaan doono inay mar dambe dib ugu howl gasho Jubbooyinka" ayuu yiri Goojaar. Goojaar Aadan Goojaar ayaa waxa uu intaas ka daray in saacadaha soo socda 100 askari ee loogu tala galay inay ammaanka Kismaayo sugaan lagu wareejin doono gaadiidka dagaalka oo ay ku howl galayaan. Sarkaal u hadlay hay'ada UNICEF ayaa sheegay inaysan macquul aheyn xiligaan in ilaalo la'aan ay socdaan gudaha Jubbooyinka, isla markaana waxuu ku eedeeyay saraakiisha ciidamada DF ee Jubbooyinka inay doonayaan in askartooda loo shaqaaleeyo sida uu yiri. Si kastaba ha ahaatee, arintaan ayaa sababi karta inuu is faham waa soo kala dhex galo hay'adaha Samafalka iyo saraakiisha ciidamada DF ee gobolada Jubbooyinka, taasoo dhibaato u keeni karta dadweynaha dhibaateysan ee goboladaasi ku dhaqan. Guutaale yare Allmudug.org Muqdisho
-
^^^lol, Even I am suprised..
-
^^^You are still upset at that..lol
-
Mogadishu: first cabinet meeting more ministers arrive
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dowladda KMG ah oo magacowday xilal iyo gudiyo cusub Click here to find Shabelle news in English Mogadishu 18, April.07 ( Sh.M.Network) Kulan ay isugu yimaadeen maanta xubno ka tirsan golaha wasiirada dowladda KMG ah ee Somalia ayaa waxaa lagu magacaabay xilal kala duwan iyo gudiyo. Kulankaan oo ay soo xaadireen wasiiro ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia, uuna shir Gudoominayay Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia Cali Max'ed Ghedi ayaa ugu horreyn waxaa xilkii lagaga qaaday taliyihii ciidamada Booliska Gen. Cali Madoobe, iyadoo taliyahaasina lagu badalay Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waxaana Generaal Cali Madoobe loo magacaabay safiirka Somalia u fadhiya dalka Tanzania. Sidoo kale Kulankaasi ayaa waxaa lagu magacaabay C/raxmaan Max'ed Nuur Diinaari in uu noqdo safiirka Somalia u qaabilsan dalka Syria, Sayid Axmed Sheekh Ibraahim ayaa isna loo magacaabay safiirka Somalia u fadhiya dalka Uganda. Sidoo kale kulankaasi ayaa waxaa lagu magacaabay guddiyo ka kooban 3 gole oo kala ah: - 1. Guddiga dadka barakacay qaabilsan 2. Guddiga qaxootiga 3. Gudiga qaabilsan ka saarista goobaha dowladda ee dadku ay dagan yihiin. Kulankaan ayaa natiijadii ka soo baxday waxaa saxaafadda u aqriyay K/simaha afhayeenka dowladda KMG ah ee Somalia, C/laahi Codka. Click here to find Shabelle news in English Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net -
Wasiirkii hore gaashaandhiga dawladii dhexe Soomaaliya max’ed Cali Samatar What in the world is going on?
-
Safiiro dhawr ah oo hor dhac ahaan loo soo saaray (Muqdisho)-warar hor dhacay oo soo baxaya ayaa sheegaya in safiiro gaarayey 35 oo la filayey in la magacaabo si hordhac ah loo soo soo saaray dhawr ka mid ah. Safiiradda hadda la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah safiirka Soomaaliya u jooga dalka Suuriya oo loo magacaabay C/raxmaan Nuur Max’ed Diiraani iyo safiirka isna Soomaliya u jooga dalka Uganda oo loo magacaabay Cali Axmed Sheekh. Waxaa iyana lagu soo waramaya in taliyihii hore ee ciidanka Booliiska General Cali madoobe loo magacaabay inuu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzaania. Warar iyana aan la hubin oo soo baxaya ayaa sheegay in Wasiirkii hore gaashaandhiga dawladii dhexe Soomaaliya max’ed Cali Samatar loo magacaabay safiirka Soomaaliya u jooga dalka Taliyaaniga, halka Bari-Barina la geeyey dalka Switzerland, oo laga wareejiyey dalka Belgium-ka. Wixii ka soo kordha kala soco Waayaha.net Editor@waayaha.net waayahanet@hotmail.com
-
Mogadishu: first cabinet meeting more ministers arrive
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
MUQDISHO: Wasiirro ka tirsan kuwa dowladda oo soo gaaraya Muqdisho, iyadoo kuwo kalena ay ku soo foo leeyihiin Posted to the Web Apr 18, 10:45 Muqdisho (PP) - Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaraya maalin walba wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana wasiirradaan lagu wadaa inay kulankoodii ugu horreeyay ee ay u dhan yihiin ku yeeshaan Muqdisho. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo dhawaan ka soo laabtay safar uu ku tagay Gobollada Puntland ayaa waxaa la sheegay inuu amar ku siiyay wasiirrada ka tirsan golihiisa inay isugu yimaadaan Muqdisho si ay kulammo ugu qaataan. Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ra'iisul wasaare Geeddi uu doonayo inuu ku qabto Muqdisho tan iyo intii dowladda Soomaaliya lagu soo dhisay dalka Kenya 2-sano iyo bar ka hore shirkii golaha wasiirrada oo ah mid ay u dhan yihiin wasiirradiisa cusub. Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in lagu wado in xafiisyada wasiirrada dowladda laga furo Muqdisho iyadoo ay halkaas ku shaqeyn doonaan, waxaana xafiisyada qaarkood la sheegay in lagu qalabeynayo agagaarka hoyga Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee Degmada C/casiis. Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in Ra'iisul wasaaruhu uu damacsan yahay inuu xilalka ka qaado wasiirrada aan soo xaadirin kulankaas, waxaana ka mid noqon doonaa sida la sheegayo Wasiirka Howlaha guud ee iyo guriyeynta Xuseen Maxamed Caydiid oo isagu dhawaan ku biiray Muraacaradka dowladda ee ku sugan Asmara. kulankaan ayaa qabsoomiddiisa waxay ku soo aadaysaa iyadoo dagaallo qaraar ay ka dhacayaan Muqdisho, waxaana haddii uu qabsoomo kulankaas ay noqonaysaa in Dowladdu ay ku shaqeyn karto Muqdisho. Maxamed Xuseen Jantiile Wakilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com -
Shirkii koowaad ee dowladda ee Muqdisho Maxamed Ibraahim Macallimuu BBCSomali.Com Golaha wasiirrada oo markii ugu horreysay ku shiray magaalada Muqdisho, tan iyo intii la soo dhisaday dowladda in ka badan labo sano ka hor Shirkan ayaa waxaa looga dooday arrimo ay ka mid yihiin canshuuraha dowladda, ka bixitaanka guryaha iyo xarumaha dowladda ee dadweynaha, amniga iyo xaaladaha dadka ku barakacay dagaallada magaalada Muqdidho. Xil-ka-qaadis iyo xilal-magacaabid Intii uu socday shirkan ayaa waxa uu ra'iisul wasaaruhu sheegay in uu xilkii taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ka qaaday General Cali Xasan Looyaan, Cali Madoobe, waxaana xilkaasi loo magacaabay Cabdi Xasan Cawaale, Qaybdiid, oo ka mid ahaa qabqableyaashii dagaalka ee ee magaalada Muqdishu. Cali Madoobe ayaa waxaa loo magacaabay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Tansaaniya. Sidoo kale, Sayid Axmad Sh. Daahir, ayaa isagana loo magacaabay danjiraha Soomaaliya u fadhinaya dalka Uganda, halka Cabdiraxmaan Nuur Maxamad, Diinaari, isagana loo magacaabay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Suuriya, waxaana magacaabistan ansixiyey golaha wasiirrada intii maanta shirkaasi fadhiday. Guddiyo la magacaabay Sidoo kale, intii uu socday shirkaasi ayaa waxa la dhisay guddiyo ka kooban wasaarado dhawr ah waxaana guddiyadaasi ka mid ah: Guddiga la xisaabtanka hay'adaha gargaarka, guddiga deegaanka iyo ka guuritaanka guryha dowladda iyo guddiga sahminta iyo arrimaha qaxootiga. Shirkan maanta ee golaha wasiirrada waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay habeenkii xalay ahaa uun magaalada Muqdisho ka dheceen dagaallo xooggan oo u dhexeeyey ciidamada Ethiopia oo sida la sheego kaalinaya dowladda KMG ah iyo dhallinyarada reer Muqdisho.
-
Banaanbax ka dhacey degmada Ceel-Buh Dhinaca kalena Banaanbax balaaran ayaa maanta ka dhacay deegaanka Ceel Buh oo ka mid ah Gobolka Sanaag, banaanbaxaasi oo lagaga soo horjeeday weerarada maamulka Somaliland uu ka wado gobolka Sanaag ee deegaanada Puntland. Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayey ereyo lidi ku ah maamulka Somaliland waxaaana ay sheegeen inay ugu baaqayaan maamulka Somaliland in uu ciidamadiisa kala baxo deegaanada Gobolka Sanaag, sidoo kale Banaanbaxayaashu waxay si buuxda u muujiyeen sida ay u taageersan yihiin maamul Goboleedka Puntland. Jaamac Yuusuf Jaamac
-
UK: Anti-governemnt group summit a total failure..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Again you have attacked the messinger and not addressed the message. You never heard of Gode-gode? Why did this meeting fail, tell us Mr Abwan. -
^^^loooooool, I give you that one.
-
^^^Well I have allot of hope for you saxib, hope that you will see the light soon.
-
^^Well the Swedish authorities did not belive he was the one who ordered the killings.
-
Secessionist excuses for the worst set back in their history..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^No one wants further clashes, however one needs to undertsand what happened here. -
Red Sea, combatants died mostly in Mogadishu, and those who hid behidn the women and children should take the blame and not the governemnt who waited 3 months patiently trying diplomatic means. Anyhow more than 1000 civilains died when the clan courts and warlords fought was that a massacre?
-
^^Saxib the video could not keep him in jail in Sweden thus if you ahve other evidance bring it. As for Diriye, the man only came to Mogadishu in 1993 and now claims it, Nabadoon looter will be subdued.
-
^^Genocide and massacre such easy words for you. You forget how much you wanted war in the south when the clan courts were on their warpath.
-
^^^The international media labels Hamas, Fatah & the PLOas terorist organisations should we follow them? No thus being an insider the correct term for the defeated organisation was Clan Courts. Nothing to do with Islam, get that.
-
Xiin, I am taking it easy dear brother. Just dont act rightous by supporting those who occupied your own home. Forgiveness I get but to surrender like that, I never knew you had it in you.
-
^^^loool