-
Content Count
30,102 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
81
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland:18 May preperation celebrations in Seylac Selel+VIDEO.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Marwadala Labaad Ee Jamhuuriyada S/land Oo Maanta Xaflad Qalin Jabineed Kala Qayb Qaadatay Ardayda Dugsiga Sare Ee Al-Aqsa+SAWIRO 16/05/11-Borama-(Bnn) Munaasabad Si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb gashay Marwada Labaad Ee Jamhuuriyada Somaliland Marwo Raxma X/Muxumad Suldaan Oo Ay Wehelinayso Lataliyaha Madaxwaynaha Garabka Haweenka Somaliland Marwo Amaal X/Axmed Miisaan Ayaa ka dhacdayDugsiga sare Ee Al-Aqsa. Munaasabadan ayaa waxaa soo agaasimay Ardayda Fasalka Afaraad ee ka baxaysa Dugsigan Sare, kaas oo ay uga gol lahaayeen Qalin jabinta Sanad dugsiyeedkii dhamaaday Sanadkan, iskuna diyaarinayaan Imtixaankii Shahaadiga ee Sanadkan. Munaasabadan ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay, Sheekh Xasan Daheeye oo ah aasaasihii dugsiyada hoos yimaada Dalada Al-Aqsa, Gudoomiyaha Shirkada Isgaadhsiinta Telesom, ee Gobolada Awdal/Salal, X/qaadir Aadam Nuur, Gudoomiyaha Waxbarashada Prof:Daahir Maxamuud Xaddi, Xoghaya Fulinta Dawlada Hoose Ee Borama, C/kariim Cismaan, Arday, waalidiin , Macallimiin Iyo Marti Sharaf kale oo fara badan. Munaasabadan ayaa Ugu horeyn waxaa ka hadlay Maamulaha Dugsiga Axmed Talan Iyo Sheekh Xasan Deheeye waxa ayn au mahadnaqeen Ardaydan soo qaban qaabisay Xafladan iyaga oo illaahay uga baryay in guusha siiyo , imtixaanka ku soo fool leh. Sidoo kale halkaa waxaa ka hadashay Marwada Labaad Ee Jamhuuriyada S/land Marwo:Raxma X/Muxumad Suldaan, waxa ayna sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay Dugsii uu ka qalin jabiyay Wiilkayga Curadi, waxa kale oo ay u mahadnaqday Ardayda Sanadkan Baxaysa ee Xafladan La yaabka leh soo bandhigtay,waxa ayna illaahay uga baridaday in ay imtixaanka ku soo foolka leh u fududeeyo. Raxma Iyada oo hadalkeedii sii wadata ayaa waxa ay sheegtay In ay inagu soo fool leedahay Maalin wayn oo ah Xuska sanad guurada labaatanaad Ee 18May, taas oo ay sheegtay in ay ku beegan tahay Maalinta Arbacada, lagana wada Xusi doono gabi ahaan Somaliland dal iyo gudo, inaguna aynu nahay Hooyadii ay ka dhalatay Somaliland, waxa ayna sheegtay in loo baahan yahay in maalintaas wayn laga wada qayb qaato, Si aan u muujino Wadaniyadeena iyo Dawladnimadeena labaatan jirsatay. Si kastaba ha ahaatee Munaasabadan oo ahayd munaasabad balaadhan ayaa waxa ay ku dhamaatay jawi Farxad iyo deganaansho ku dheehantahay taas oo ka soo qayb galayaashiina iyaga oo faraxsan Xafladii ku dhamaystay -
EXCLUSIVE THREAD: 18th of May, The 20th Anniversary of Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
More pics From the United states -
EXCLUSIVE THREAD: 18th of May, The 20th Anniversary of Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Somaliland 18 may party celebrations in Minneapolis PICS -
EXCLUSIVE THREAD: 18th of May, The 20th Anniversary of Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
They all celebrating the same thing khadarow -
Mujahid Prof Ibrahim meygaag samatar Fureh a true Mujahid Nice Historical Video May allah bless your soul
-
Thankful;719698 wrote: Oh these secessionists and inferiority complex websites are so obvious! By this title it is basically telling us that NW Somalia is working with Atam. Of course they'll deny it as always, but it's interesting that they claim that both groups are moving in the same area at the same time. Its a maakhir wesbsite Your Kin lol
-
Somaliland:18 May preperation celebrations in Seylac Selel+VIDEO.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
There is no celebration in the video they are welcoming the vice presidents wife and the Ministers delegation. And it's the Gate of the Borama city but you would not know that -
Djibouti president IOG announces his new cabinet
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Yeah i know that but i was just mentioning His reer abti from a different subclan not from Gabiley originally but from arabsiyo eventhough both subclans live there now and days But he was from Gabiley the FM .. yeah i know the CEO of the Central Bank of Djibouti his father was one of the First Businessman in Djibouti in the late 50s in Djibouti. Do you Know the Former Finance Minister in the late 80s He was also from Arabsiyo -
Somaliland:18 May preperation celebrations in Seylac Selel+VIDEO.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Dude do you think its a fake video or something this is from www.lughaya.com a website owned by Reer awdal why would they lie about it besides the delegation arrived in borame at night and thats why you did not see buildings and borama is a big city its not a small town like Garowe -
Somaliland:18 May preperation celebrations in Seylac Selel+VIDEO.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Thankful;719564 wrote: I plan on taking part in the celebrations, I enjoy celebrating with my fellow country people. Also, of the video's you posted on this thread only Burco is celebrating! I don't know what you are talking about but the video is about Seylac and borama -
Somaliland:18 May preperation celebrations in Seylac Selel+VIDEO.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
You just wait till 18 may this year and you will be dissapointed -
Djibouti president IOG announces his new cabinet
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Yeah the FM of Somaliland is from Gabiley his reer abti are from Arabsiyo Him and the Minister of information of Djibouti and spokesmen of the Govt of Djibouti are close related. Minister abdi Both of his parents and Grand parents were Born In Djibouti -
Somaliland:18 May preperation celebrations in Seylac Selel+VIDEO.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Daareeno Noocee Ah Ayay Reer Boorama Ka Bixinayaan Safarka Waftigii Marwada 2aad ee Qaranka Ee Boorama YimidPosted in May 15th, 2011 by lug in NewsBoorama-(Lug)-Imaatinka Marwada 2aad ee dalka Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan iyo waftiga ay hogaaminayso ee Boorama si ay uga qayb gasho xuska Munaasibada 18ka May ayaa ahmiyad gaar ah ugu fadhida bulshada Reer Borama, ahmiyada ayaa waxa ay si toos ah uga muuqataa sidii maanta ay busshada reer Boorama ugu soo dareertay soo dhawaynta marwada iyaga oo aan kala hadh alahayn. Marwada ayaa waxa barbarkeeda taagnaan doona wasiirka wasaarada beeraha Mud. Faarax Cilmi Geedoole oo isaga laf ahaan tiisu laf dhabar u ah waftigan inta ay Boorama ku suganan doonaan. Marwada ayaa ku sugnaan doonta magaalada Boorama maalmaha fooda inagu soo haya, joogitaanka marwada ee maalmahaaas ayaana waxa la rajaynayaa inuu qayb ka noqdo in waxwalba oo qaban qaabo ah oo Boorama ka socday ay u soo gabo gaboobmaan si balaadhan isla markaana waxa hubaal ah in joogitaanka Marwoda 2aad ee dalku ay dhiiri galin u tahay in ay cid walba hawshii ay haysay ee ku aadanayd xuska 18ka May si kalsooni leh u soo afjarto. Dareeno kale ayaa ku lamaan imaatinka Marwada ee Boorama, waxana dadka reer Boorama ay yihiin kuwo sugayay maalmahanba inay arkaan bal cida ay noqon doonaan masuuliyiinta ka socda xukuumada ee ka soo qayb gali doona xuska 18ka May. Wiil dhalinyaro ah oo Magaciisa ku soo koobay Cabdiraxmaan Cismaan oo shabakada Lughayanews uga waramayay dareenkiisa ku aadan booqashadan Marwada iyo waftiga kale ee la socda ayaa waxa uu yidhi “ galabta oo dhan halkan ayaan taagnaa waxa aan sugayay inaan soo dhaweeyo waftiga waxana ay ii tahay farxad gaar ah inaan arko Marwo Raxma oo Reer Boorama kala qayb qadanaysa xuska 18ka May. Sidoo kale Haweenay iyadana uu magacedu yahay Siraad Maxamuud oo ku ganacsata gudaha Boorama ayaa tilamaantay shucuurteeda waxanay tidhi “ Waan sugaynay Marwada iyo Waftigeeda, waan filayay inay imanayso… ganacsigii ayaa maanta si fiican u dhaqaaqay waxbadan ayaa la naga iibsaday Alla wanaagsanaan lahaydaa inay dhawr maalmood sidan u joogto. Dhinaca kale waxa wax badan siyaabo kala duwan loo odorasayaa waxwalba oo suurto gal ah oo ay Marwada iyo waftigeedu ku soo kordhinkaraan muuqaalka xuska 18ka May ee Magaalada Boorama, odoroskan ayaana gabi ahaantiiba salka dhigaya in waftiga yimid Boorama uu yahay mid aad u culus isla markaana asataan u ah in bulshada reer Boorama ay buuxin doonan kaalinta ah inay si baalan u xusaan maalinta 18 May ee sanadkan. Si kastaba xaalku ha ahaadee dareenada ku xeeran imaatinka safarka Marwada 2aad ee dalka Marwo Raxma xaaji Muxumed Suldaan ayaa ah mid isagu u quus goynaya sidwalba oo filaysay in ay xukuudu ka gaabin doonto xuska 18ka May ee Boorama tani badalkeeda ayaana waxa uu yididiilo iyo dhiirigalin u yahay dhamaan bulshada reer Boorama oo u heelan inay xuska 18ka May u wayneeyaan si ka badan sida gobolada kale ee dalka. -
Somaliland:18 May preperation celebrations in Seylac Selel+VIDEO.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Somaliland vice presidents wife plus delegation Minister of agriculture and MPS Visit Awdal Borama to take part of the Big day on 18 may -
EXCLUSIVE THREAD: 18th of May, The 20th Anniversary of Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Somaliland 18 may party in Minneapolis -
Yuweri Musuveni is not a puppet For the Americans every one knows that sure there is a US foreign Policy but there is no such thing as a Conspiracy against Somalia.There is nothing in Somalia America wants all it wants is that Piracy is stopped and Alshabaab does not take control of Somalia , i dont really Support America but i don't see the point of pointing your fingers at America because of your own Failure you failed your country and it's your own fault not America's . And i don't know about Siilaanyo handing over Somali Ethiopians to Ethiopia never heard about that can you back that claim up with sources?
-
Djibouti president IOG announces his new cabinet
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Isgaadhsiinta Cabdi Xuseen Axmed (Qarda jeex) He is closely related to the Somaliland foreign minister Muhammad abdulahi Cumar His ancestors were From Gabiley -
Cigaal Inkastoo aanu is-qabanay, Haddana waxaan qirayaa inuu ahaa siyaasi Rug Cadaaya….Anigoo ahaa raggii ka Cadhooday Ee Maamulka Puntland Sameeyay, haddana Garoowe ayaan Wakiil Uga ahaa Somaliland”-Wasiir Axmed Cabdi Xaabsadde. Hargeysa (Ramaas) May 15,2011 - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsadde, ayaa markii ugu horeysay qirtay in isaga oo wasiir ka ah maamul goboleedka Puntland uu wakiil qarsoon u ahaa Somaliland, isla-markaana uu is-barbar waday labada qadiyadood ee Somaliland iyo maamulka Puntland. Axmed Cabdi Xaabsadde, oo ah siyaasi ka soo jeeda gobolka Sool, kana mid ahaa aasaasayaashii maamulka Puntland sanadkii 1998-kii lagaga dhawaaqay Magaalada Garoowe, sidoo kalena hogaaminayay ergooyinkii beelaha gobolka Sool uga qayb-galay shirkii lagu doortay Madaxwayne Cigaal ee Somaliland 23.5.1993, ayaa banaanka soo dhigay dhacdooyin ku dhararan taariikhdiisa siyaasadeed, sida shirkii Boocame, kii Boorama, dagaaladii sokeeye ee 1994-kii iyo sidoo kale qaabkii uu ugu goostay Garoowe iyo waxyaabihii uu markii dambe ugu soo guryo noqday Somaliland. Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Maxamed Xaabsade oo dhawr bilood ka hor Madaxweyne Sillaanyo u Magacaabay Xilkan ayaa Xog-warankiisan oo TV-ga dawladdu baahiyay waxa uu soo faqay qaabkii ay ergooyinka beelaha Sool kaga qayb galeen shirkii Boorama iyo sidii lagu soo dhisay Xukuumaddii labaad ee Somaliland, waxaa sidoo kale Md. Xaabsade Qodob qoddob u taxay duufaanadii colaadeed ee ku kacay xukuumadii Cigaal oo laftiisu wakhtigaas ahaa shirgudoonka baarlamaanka. Md. Xaabsade oo muddooyinkii u dambeeyay ahaa qunyar socod waxa uu Xog-warrankiisa ku bilaabay shir gogol xaadh u ahaa ergooyinka gobolka Sool ee ka qayb galayay shirkii boorama, kaasi oo Garaad Cabdi Qani u wakiishay hogaamintiisa, “Imaatinka aan anigu imid shirkii Boocame waxa uu ahaa mid deg-deg ah oo uu I soo diray Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo markaa xanuunsanayey oo joogay Sucuudi Arabiya, waxaanu igu yidhi shirkaas baa dhacayee hadaanad ka qayb-galin waxa suurtowda shirkaas inuu noqdo mid aynaan Boorama kaga qayb-galin….”. Sidaa ayuu yidhi Mr. Xaabsade, waxaanu intaa ku daray “shirkii markii aanu ka qayb-galnay doodii waa la furay oo waxa la yidhi maxaa inoo dan ah, waxa la falan-qeeyay waar Garoow ayaynu tagnaa mise Boorama, waxa la eegay dhaqankii, wax wada lahaanshihii, waxa la eegay sida la isugu xidhan yahay ee aan look ala maarmayn, miiska waxa la soo saaray inaynaan Somaliland ka maarmayn. Rag-baa ka shaqaynayay oo doonayay in halkaas (Shirka boocame) lagu kala tago, markaa food-baa la qaaday ah, waxaana loo batay in Boorama la taggo, sidaasna waxa loo sameeyay 8 qodobn oo la yidhi haddii aad ka soo jawaabtaan fasax ayaad u tihiin waxaad samaysanaysaan, markaa guddoomiyihii iyo ku xigeeenkii halkaas ayaanu ku tagnay shirkii Boorama, guddoomiyuhuna nin hadda dhintay oo la odhan jiray Ina Cabdilaahi Shulle, guddoomiye ku xigeenkuna aniga ayuu ahaa, 8-daa qodob waxa ka mid ahaa (qodob odhanaya) hadaad heshaan cid aad dawlad la dhisataan la dhista, beelaha nabad-galyo ku wada noolaada, taladiina anaga ayaa la noo xambaariyey, markii aanu Boorama tagnayna muddo dheer ayaanu joognay, shan ilaa lix bilood ayaa la fadhiyey, waala is-hayey oo colaad ayaa dadka ka dhaxaysay, ragga aan anigu hogaaminayey qaar-kood guriga kamay soo bixi jirin, waxa aniga xil iga saarnaa maadaama SNM la shaqaynayay, Dhulbahantana aan ahay, SPN madax ka ahaa, nin dhinac ka baqanayana maan ahayn, kolkaa waxaan isku dayey inaan dadka ku qanciyo inaan wax colaad ahi dhex oolin, maalin walba shirka ka kici jiray, maalin walba shirkaan joojin jiray, malain walba shirkaanu ka bixi jiray, mudadaa waxaan tusayey in la wada doodi karo, oo la wada hadli karo oo la is diidi karo, oo la kala qaybsami karo. Hawshiina halkaas ayay noogu dhamaatay oo waala heshiiyey, waxaana lagu heshiiyey in halkaa dawlada lagu wada dhiso, waxyaabihii reer Sool ahaan na taabanayey waxa ka mid ahaa inaan Badhasaab Hargeysa looga dirin gobolka Sool ee ay qolo walba isa soo dhisto oo ay madax-banaanaato, hase yeeshee muddo ka bacdi markaanu dawladii dhisnay ee Hargeysa la isugu yimid, ee goboladii waxba soo dhisan kari waayeen, waxa la arkay in dadkii aanay u bislayn gooni isku taaga (Gobolada), markaas waxa dhacday in la yidhaahdo haloo soo dhiso (Maamulka), dadkeenu ilbax may ahayn oo maamulka Ingiriiska iyo Talyaani ayaa inoo tagay, sidii uu u soo burburayeyna markii dambe waxay keentay in la kala taggo, haddaba waxa adkaatay sidii la isugu soo celin lahaa, ilaa maantana adag, maxaa yeelay wax inoo dhaqan ah may ahayne inaga geed-kaa ayaa la isugu imam jiray marka la is-qabto oo cuqaal iyo waxgarad ayaa talin jiray oo go’aan gaadhi jiray”. Ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade. Waxa kale oo awaala-warankiisa ku soo qaatay Qalalaasihii ka hor yimi xukuumadii Cigaal “Waxa dhacay dagaalo, Madaarka Hargeysa qolaa haysatay, wadada laamayga ah qolaa haysatay, hadda, dawladii way jirtaa, baarlamaankii wuu jiraa oo odayaashii way joogaan, waala dhamayn kari waayey, aakhirkii waxay noqotay haddaanu nahay baarlamaankii anaga halanagu eego, markii Madaxwaynuhu yidhi soo dhameeya anigu u taag-waayee ee tallo keena, ayaa anaga saddex cisho lana siiyey, saddexdii cisho waxay nagu qaadatay 157 maalmood, qoladii laamayda fadhiday waanu ka qaadnay oo waanu soo xeraynay oo ciidankoodii waanu la wareegnay oo meel-baanu geynay, laakiin qoladii madaarka ayaa nagu adkaatay, halkaas ayaa (Clash) isku dhicii ka bilowday oo dagaalkii Hargeysa ee 1994-kii ka bilaabmay.” Ayuu Md. Xaabsade yidhi. Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Ibraahin Cigaal ahaa Siyaasi Ruug Cadaa ah, wallow ay isku dhaceen haddana uu qirsan yahay hogaamintiisii “Cigaal anagu waanu is-qabanay laakiin waxaan qirayaa inuu ahaa siyaasi rug cadaa ah, waanan qiri jiray, inkasta oo ahaa raggii ka cadhooday ee ka tagay ee Puntland sameeyay aan ka mid ahaa, haddana waxaan ogahay oo rag badan oo halkan joogaa ay markhaati iiga yihiin in aniga oo Garoowe jooga aan Wakiil uga ahaa Somaliland”. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ka soo goostay Maamul goboleedka Putland kadib markii Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Mr. Cadde Muuse ka Xayuubiyay Xilkii Wasiirka Arrimaha Amniga oo uu hayay ilaa Markii Cabdillaahi yuusuf Hogaaminyay Putland. “Si kastaba ha ahaatee, iyaggiina (Puntland) waanu heshii-waynay, waanu soo noqonaynay oo maanta sidaas ayaanu ku joognaa”. Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland. Ramaasnews Desk Hargeisa
