-
Content Count
30,066 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Madaxwaynaha Puntland oo soo jeediyay in lagala tashto wasiirada kasoo jeeda Puntland ee ka mid noqonaya dowladda KMGS Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo habeenimadii xalay ka qaybgalay munaasabada 1-da Luulyo ee lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay magacaabista ra’isal wasaare Cabdiwali Maxamed Cali iyo xiriirka Puntland iyo Dowladda KMGS. Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in dowladda Puntland ay ogolaatay in dib loo dhigo doorashada madaxtinimada ee la filayay in la qabto ka hor bisha Augsto islamarkaana muddo sanad ah loogu kordhiyo hogaanka sare ee dowladda KMGS. Waxaa uu sheegay in ogolaashahaasi ay tahay mid ku salaysan in mudada sanadka ah ee loogu kordhiyay dowladda KMGS ay talooyinkeeda wax ku yeelato maamulka Puntland,kadib markii dowladda Puntland ay xiriirkii wada shaqayn ay horay ugu jartay dowladda KMGS. Madaxwaynaha ayaa sheegay in magacaabitsa ra’isal wasaaraha dowlada KMGS uu ahaa mid lagala tashtay maamulka Puntland islamarkaana aysan filyn in gadaal laga toogto maamulka Puntland sida uu hadalka u dhigay. Dhageyso madaxwaynaha oo ka hadlaya arintan Waxaa uu sheegay madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole in loo baahanyahay golaha wasiirada ee uu soo dhisi doono ra’isal wasaaraha cusub ee Dowladda KMGS Cabdiwali Maxamed Cali in laga tashto maamulka Puntland islamarkaana wasiirada kasoo jeeda Puntland ee qaybta ka noqonaysa xukuumadda in loo baahanyahay in maamulka Puntland uu raali ka yahay. “Raga dowladda u galaya Puntland waa inay noqdaan rag aan raali ka nahay oo taladeedu leeynahay,waa qasab hadii kale arintu meeshaydii ayay ka bilaabmaysaa” ayuu yiri madaxwanaha dowladda Puntland. Waxaa uu intaasi ku daray inaysan ogolaan doonin in rag sheegta Puntland islamarkaana colku ah maamulka Puntland sida uu hadalka u dhigay inay ka mid noqdaan wasiirada cusub ee uu soo magacaaabi doono ra’isal wasaaraha cusub ee Dowladda KMGS Prof.Cabdiwali Maxamed Cali. Dowladda Puntland iyo dowladda KMGS ee uu hogaamiyo madaxwayne Sheekh Shariif ayaa waxaa horay u jiray khilaaf soo noqnoqday oo la xiriira dhinaca siyaasadda iyo deeqaha ay dowladda faderaalka ee ka hesho beesha caalamka,taasi oo uu maamulka Puntland uu ka dhaliilay inaan waxba laga siinin taageerada ay Dowladda Faderaalka ay ku hesho magaca Soomaaliyeed,waxaana taasi ay keentay in maamulka Puntland uu sanadkii la soo dhaafay uu jaro xiriirkii Dowladda Faderaalka. Si kastaba macada go’aanka uu ra’isal wasaaraha dowladda KMGS uu ka qaadanayo hadalka soo yeeray madaxwaynaha Puntland,waxaana arintan ay imaanaysaa xilli ra’isal wasaaraha cusub ee dowladda KMGS laga sugayo inuu soo dhiso golihiisa xukuumadda. Horseed Media.
-
War Deg Deg ah:- Nin Maxbuus ah oo diley labo askari saldhiga Bileyka Gaalkacyo Posted by Pi on July 1st, 2011 Gaalkacyo(Puntlandi.com) Nin Maxbuus ah ayaa qoriga ka dafey mid kamid ah ciidanka ilaaliya saldhiga bileyska Gaalkacyo ka dibna diley ninkuu Qoriga ka dafey iyo askari kale. Falkaan ayaa goor dhaweyd ka dhacey Saldhiga Bileyska Gaalkacyo. Ninka maxbuuska ah ee dilka geystey waa la qabtay isagoo dhawac ah. Ninka maxbuuska ah ilaa hada lamakala cadeyn dambiga uu u xirnaa iyo cida uu yahey. Faahfaahinta warkaan gadaal ayaan idiinka soo gudbineynaa. Puntlandi.com
-
Madaxwaynaha Puntland oo soo jeediyay in lagala tashto wasiirada kasoo jeeda Puntland ee ka mid noqonaya dowladda KMGS 5 hours ago | 12 comments Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo habeenimadii xalay ka qaybgalay munaasabada 1-da Luulyo ee lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay magacaabista ra’isal wasaare Cabdiwali Maxamed Cali iyo xiriirka Puntland iyo Dowladda KMGS. Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in dowladda Puntland ay ogolaatay in dib loo dhigo doorashada madaxtinimada ee la filayay in la qabto ka hor bisha Augsto islamarkaana muddo sanad ah loogu kordhiyo hogaanka sare ee dowladda KMGS. Waxaa uu sheegay in ogolaashahaasi ay tahay mid ku salaysan in mudada sanadka ah ee loogu kordhiyay dowladda KMGS ay talooyinkeeda wax ku yeelato maamulka Puntland,kadib markii dowladda Puntland ay xiriirkii wada shaqayn ay horay ugu jartay dowladda KMGS. Madaxwaynaha ayaa sheegay in magacaabitsa ra’isal wasaaraha dowlada KMGS uu ahaa mid lagala tashtay maamulka Puntland islamarkaana aysan filyn in gadaal laga toogto maamulka Puntland sida uu hadalka u dhigay. Dhageyso madaxwaynaha oo ka hadlaya arintan
-
Oke waxay sheekadi iskugu biyo shubatay somaliweyn waxa aminsan inta calanka bluega sidata somaha marka bal waxaynu qeexayna shacabka somali from jabuuti ila iyo jigjiga. Ila iyo hargeysa ila iyo nfd. Boqolki baa intee baa aminsan calanka bleuga bal waxanu tixraacayna waxad tidhi somaalidu wanaagu ka dhexeyo wa interesting point. Somalidu wanaagu ama siyasadeed ha noqoto ama mid ehel ha noqoto iyaguna halkay joogaan ma intan sol inala joogta. Baa tallow Iska ilooow waxan anigu aminsanahay anigu shakhsi baan ahay waxaynu ka hadlayna somali iyo somaliweyn
-
Aaliyyah;731595 wrote: somaliwayn oo jirta hadad dooratay in aad iska indha tirto. Somaliland oo la aqoonsaneena aaminto waa sheeko ku taaala xaajixanjuf. halka inukala wad oo ha is xiijin somaliwayn waxba kalma maqnaanasid hadaad sadexdaada magalood la jucuurisid.. salaam Aaaliyaah sheekadu maha waxan anigu kala maqanahay Somaliweyn iyo waxan ku so birin kara iyo wax la mid ah sheekadu waxa weye Somalidan Somaliweyn rabta eeh arinkas raba inay kaga dhabeyaan halkaay joogaan suaashu tasey ahayd iyo kuwan aad sheegeysid eeh isku tashanaya meeshay ka jogaan geeska africa ama qaraada aduunka ba magacood xisbiguudu wayo wa qolade maxay aminsanyihin.
-
Aaliyyah;731592 wrote: ^inay somaliwayn jirto miyaad rabtay in aan ka dhaadhiciyo??? somalidiid miyaan ka dhadhicinaya somaliwayn in ay jirto.. my answer is clear and simply if u dont believe in somaliwayn no one gives. Umada uun ha khasbina (mise ma rabtid in laga hadlo xaqdarada kuwaad u sacabisid sameenayan).. haku macanaato..anu waqti kuguma luminayo convincing u anything. salaam Anigu ma garanayo halkay Somaliweyn ka jirto bal waad ino sheegi taas inadeer , sabab adiga yidhi Somali way is rabta oo way isku tashanaysa , Somalidan is doonaysa halkay joogto maad i tustid ileen adiga yidhi wey jiraan eh laakin mise jawaab banan jirin, iska ilooow waxan anigu aminsanahay this is not about me this about Somaliweyn iyo Somalidan aad sheegeysid eeh isku tashanaya eeh raba inay Somaliweyn noqdan?
-
kamaynu hadlayn ssc ama cid kale waxaynu ka hadlayno Somalinimada adigu na waxad tidhi Somali ba is rabta oo somali ba isku tashanysa ana waxan ku weydiyey. Somalida isku tashanaysa halkay joogta oo meedeey ,waxad ku so jawaabtay oo jawaabtadi noqotay waxad tidhi ssc baa halkan martay oo reerkeyga ayaa jecel 3 xaraf ssc iyo wax la mid ah.
-
U went from Somalinimo iyo wada tashi to Somaliweyn ,, oo Somalidu Somaliweyn ma isla ogolyihin Kuwa Kenya nfd jooga Somaliweyn ma ogalyihin kuwa jabuuti jooga Somaliweyn ma ogalyihin kuwa Somaliland jooga Somaliweyn ma ogalyihin wa maya marka salaadu halkay iska qabsan laadahay. Mise waxad jeceshihin Khiyaaliga iyo Somali iyo Buhu baha iyo been lugu hasaawo oo la is qiireyo haday Somali Somali rabto inay noqoto wey tashan lahayeen marka Ma jirto Somali wax isla raba ama meel wax u wada wada, and you know that.
-
Aaliyyah;731576 wrote: ^somalinimo iyo wada tashinimo somali oo dhan baa rabta...laakin hadad adi iyo kuwa aminsantahay dideen. Ma kolay cid nigu khasabasa..umada magaloyinkooda u dhaafa uun! oo intiina la caraaba!.Kapish. oo haday Somali Somalinimo rabto maxay danahooda uga tashan weyday qiiro japan Somalinimmo iyo waxyalahan wa bug wakhtiga inder ha iskaga lumin
-
^^ Heshis hadanu jirin oo wixi lugu heshi lugu kala kacay adeer dadku wa kala taga , kala tagnay na halkasay maanta maraysa wana solutionki ugu wanaagsana eeh so maray Somali. Adeer aniga turkish iyo ingriis iyo purtuqees dhulka ima siin eeh dhulka waxan u leeyahay wa dhaxal awoowaye eh. Dee taa isagay u talaa isagaynu weydin wuxu u xusi wayey Ciidamadi Dawladi Siyaad bare eeh Ay SNM tu Ku shiihiday
-
Ixtraamku qofka bina adanku wa inu keensada ixtraamku iska imaado uun eh wata ka qaldan eeh bal qabso,, dee qaramada miidoobay haday doorteen dee qaramada miidoobay Madax ha u noqdo Ileen Reer Somalia ma dooraan eh Marka sidu Madaxweyne uugu noqon Dee anagu ma raali baanu weydiisanay wadaadka koofiyada cad Mise qof kale baanu weydiisanay ,, simple kuwi ka horeye sheikh dalxiis ayaanu ku heshin weynay wixi aynu ku miidoownay. hadana wa ciise bidin Muse Bidin
-
Madaxweynaha Uganda oo ka warbixiyay isbadal uu ku sameeyay ciidamadiisa ku sugan dalka Soomaaliya Khamiis, June 30, 2011 (HOL) – Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo la hadlayay warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay in isbadal lagu sameeyay saraakiisha ciidamada dalkiisa kaga sugan Soomaaliya. Isku-shaandheyntan oo dhacday maanta, ayuu Museveni ku sheegay inay tahay mid ay ku xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan Xarrakatul Shabaab. Wuxuuna sheegay in saddex sarkaal oo ka mid ah AMISOM ay hoggaamin doonaan guutada koowaad ee ciidamadooda ku sugan Muqdisho. Sarkaakiishaas ayaa waxay kala yihiin: afhayeenka AMISOM Maj. Paddy Ankunda, Chris Ogumiraki iyo Joab Ndahura, iyadoo la sheegay in Ankunda uu sidoo kale ka shaqeyn doono isgaarsiinta iyo xiriirka dadweynaha ee AMISOM. Ciidamada Midowga Afrika oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi oo tiradoodu ay tahay 9,000 oo askari ayaa waxay howshoodu tahay inay ilaaliyaan madaxda iyo hay'adaha DKMG ah, ayna gacan ka geystaan sidii ammaanka Muqdisho loo sugi lahaa. Isbedelkan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyaha Uganda uu horay u sheegay inuu xoojinayo ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya, si ay ugu guuleystaan iyaga iyo kuwa howlgalka ku wehliya ee Burundi in la sugo ammaanka Muqdisho iyo dalka oo dhan. Dalka Uganda ayaa waxaa kaga dhintay Muqdisho ciidamo badan tan iyo markii ay bilaabeen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana haatan ka jooga Muqdisho 5,000 askari, kuwaasoo ku sugan goobaha muhimka ah ee ay DKMG ah gacanta ku hayso.
-
Dee wadaadka koofiyada cad eeh sheikh dalxiis isaga hadalada yidhi cidi kaga may yeedhsiin isagana yidhi oo islaha wa wakhtigi Haboona Inkasto oo u isku haysto Inu Madaxweyne yahay oo is leeyahay wax baaad raali galin karta ama aad cafiyi karta wa mid isaga ku Koobaan.
-
(QOL) Wararka naga soo gadhaya Degmada Awaare ee Gobolka Jarar ayaa xaqiijinaya in ciidanki milatariga Itoobiya ee daganaa Degmada Awaare ay gabi ahaan ka guuren sidoo kale Dig iyo Nustariiqa oo ka tirsanaa Degmada Awaare ayay ka guuren ciidanki Itoobiya lama garanayo sababta keentay in ciidamadani faaruqiyaan xeryahooda. Waa markii ugu horaysay ee ciidanka Itoobiya ka guuraan Degmada Awaare tan iyo intii ciida ********ya uu sogalay gumaysiga Itoobiya Degmada Awaare waxaa ku yaalay shan xero oo ay ciidanka gumaysiga Itoobiya ka daganaayen Degmada waxayna kala ahaayen xerada ku taala Eeribodki hore ee Degmada xerada ciidanka ee ku dhawayd Dugsiga sare xerada ciidanka ee ku taal wadada uga baxda Degmada dhanka Hergaysa xerada ciidanka ee kutal wadada uga baxda dhanka Dhagaxbuur iyo xerada ugu wayn oo ahayd Kifla doorka kuna taalay badhtamaha magaalada. Sido kale waxaa ku taalay xero ciidan oo ay daganaayen maleeshiyada Taqaaqaygu taliyihii ciidanka Itoobiya ee Degmada Awaare oo lagu magacaabo Gush ayaa intii ayna magaalada kabixin cidanka Itoobiya soo shiriyay dadkii isagoo u sheegay in amaanka magaalada ay ku sii wareejiyen maleeshiyo aan saa ubadnayn oo jogtay magaalada. Dhankakale maamulkii ku sheega Degmada Awaare ayaa u soo baxsaday dhanka xarunta Gobolka Jarar ee Dhagaxbuur sida ay Qorahay Online u xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Dhagaxbuur sidoo kale ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaaa Dig iyo Nustariiqa oo katirsanaa Degmada Awaare ayaa la xaqiijinayaa inay soo gaadhen Degmada Guna-Gado Wixii ka soo kordha guuritaanka ciidanka Itoobiya ee Awaare Dig iyo Nustariiq gadaaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa ee ha ka fogaanin Qorahay Online oo diiradda ku haysa dhamaan xaaladaha ka taagan caalmka gaar ahaan ********ya.