-
Content Count
30,068 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
A khadar ina bakayle meesha wuxu ka saaray ssc iyo clan jabhadki meesha ka jirtay wuxu yidhi anagu gobolka cayn ah baanu midnimo wax ku raadineyna meesha jabhadi hadi laga saaro wa gogol xaadhki shirka nabadeed eeh u ku baaqay madaxweyne siilaanyo, bakayle is smart he wants heshis buuxda oo ay la qaataan dawlada Somaliland. A khadar where is ssc where is xaglatoosiye where is the ssc leadership waxa ka takhulusay cuqaasha reer buhoodle oo nabada jecel iyo hormarka the likes of suldaan sicid iyo Caaqil Maxamuud xaji cumar camay.
-
Somaliland: Mujahid Maxamed cali dayib remembered in Hargeysa+PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Abwaan;732353 wrote: XX...Asaga, Riyaale, Waraabe kulli soo maysan soo halgamin saaxiib, maxaa looga reebayaa raggiisa?! Asagu wayoo halganki xoreynta Somaliland kamay so qadaan laakin halganki dhisitaanka Somaliland way ka so qeyb qaateen. -
Madaxweynaha JSL oo qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka socda EU-da, oo uu hogaaminaayey Andris piebalgs Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka socda EU-da, oo uu hogaaminaayey Andris piebalgs oo ah Commissioner for Development EU-da ka socda oo socdaal ku yimid Dalka. Waxa uu madaxwaynuhu uga waramay Xaalada Guud ee Somaliland ee dhinacyada Nabad-gelyada, Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Dhaqaalaha. Waxa kale oo uu madaxwaynuhu Weftiga warbixin ka siiyey xaalada dalku halka ay marayso mudadii koobnayd ee ay Xukuumadani xilka haysay iyo waxyaalaha u qorshaysan hada. Madaxa Weftiga Andris piebalgs ayaa isaguna waxa uu madaxwaynaha si wayn ugu hambalyeeyey sida diiran ee uu u soo dhaweeyey Madaxweynuhu iyo sida ay u soo dhaweeyeen dadweynaha reer Somaliland oo uu aad uga mahad sheegtay Mr Andrin. weftigu waxa uu somaliland ku dhiirigeliyey Dadaalka ay ugu jirto inay Horu-mar ka gaadho Dhismaha Dawladnimada & Hanaanka Dumuquraadiyada, waxaanu sheegay in ay EU-du diyaar u tahay in ay Somaliland ka caawiso Dhismaha Wadooyinka, Dekeda Berbera iyo Mashaariicda Biyaha oo ay gacan weynka gaysan doonaan si dadku u helo biyo ku filan iyo in ay kor u qaadidoonan dedaalkooda la xidhiidha dhaqaalaha ay Somaliland ugu talo galeen inay ku caawiyaan taas oo uu sheegay Andrin piebalgs in ay sidii ay horeba u balan qaadeen ay kaga dhabayn donaan balan qaadkooda. Gebegebadii kulankan waxa ay weftigu madaxwaynaha u sheegeen in ay aad ugu Faraxsan yihiin isla markaana ay ka mabsuudeen Qodobadii lagaga wada hadlay kulanka Dhankoodana ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-gelidoonan soona maridonaan dhamaan meelaha ay doonayaan in ay wax ka qabtaan, mudada yar ee ay Somaliland ku joogaan Bookhashada kooban. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
-
Somaliland Oo Dhul Ballaadhsi Ka Wada Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag
Xaaji Xunjuf replied to A_Khadar's topic in Politics
Somaliland military convoy visiting parts of eastern sanaag is not landgrab or building settlements get a grip with the nonsense propaganda. -
Somaliland Oo Dhul Ballaadhsi Ka Wada Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag
Xaaji Xunjuf replied to A_Khadar's topic in Politics
Nonsense -
Somaliland: Mujahid Maxamed cali dayib remembered in Hargeysa+PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Abwaan;732325 wrote: XX....Mujaahid Cumar Carte Qaalib isaga goormaa xaflad loo dhigayaa inuu Jan. 1991-kii Hargeysa xoreeyey? oops mise weli waa noolyahay...lol Ilaah ha u naxariisto intii Soomaali oo dhan xaqdarro ku dhimatay eheladoodiina samir iyo iimaan Ilaah haka siiyo! Cumar carte qaalib lives in saudi arabia i have seen him in Jedda in 2009 he quit politics. Xaflada waxa loo dhigaya xusuus Kuwi Dalka U so halgamay. -
ssc clan jabhad supported by the diaspora members of the garaad clan is a clanish clan jabhad who are willing to destabilize the region in their comfortable houses in the west but they are losing support even in the west. Back home the situation is different the garaad clan in the ssc regions are true noble Wadanis and are great countrymen god bless them . Somaliland = a multi tribal society
-
Mashallah well done dhaliyarada waxbarata are the future of Somalia
-
Ra’isal wasaaraha dowladda KMGS oo codsaday in la joojiyo colaada koonfurta Mudug Ra’isal wasaaraha dowladda KMGS Prof.Cabdiwali Maxamed Cali ayaa baaq kasoo saaray colaada ka taagan deegaanka Dhagatuur ee gobolka Mudug kaasi oo u dhaxeysa laba beelood oo kasoo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb. Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’isal wasaaraha ayaa lagu sheegay inay dowladda KMGS ay ka xuntahay colaada ka taagan deegaankaasi islamarkaana ay ku baaqayso in loo joojiyo dagaalka si dagdag ah. Ra’isal wasaaraha ayaa dhinaca kale tacsi u diray eheladii iyo dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhowaan ka dhacay koonfurta gobolka Mudug. Warsaxaafadeedka kusaabsanaa joojinta colaada ee kasoo baxay xafiiska ra’isal wasaaraha ayaa u qornaa War saxaafadeed Baaq Nabadeed Muqdisho July 5, 2011——-Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxay baaq nabadeed u diraysaa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya Gobolada Mudug iyo Galgaduud kuwaasoo dhaliyay dhimasho aad u badan iyo dhaawac. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah Mudane Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in uu aad uga xunayahay colaadaha soo noqnoqoday ee ka taagan gobolada Mudug iyo Galgaduud. Horumarka Goboladaasi waxay ku xiran yihiin xoojinta nabada. Dadka deegaankuna waa dad walaalo ah ehelna ah, wiilkii ku dhintaana waa kugu dhimay oo kaadhimay. “Ugu horeyn waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday dagaalkaasi, waxaana marka labaad leeyahay dagaalka ha lajoojiyo maadaama uusan labada dhinacba wax faa’iido ah u laheyn” ayuu yiri R.wasaaraha oo ka hadlayay dagaalka, wuxuuna dhinaca kale wax laga xumaado ku tilmaamay in xilligan oo ay jiraan abaaro dad iyo duunyaba aafeeyey ay dagaalamaan Soomaalida dhexdeeda. “Waxaan la hadlay madaxda maamulada goboladaasi, xildhibaanada ka soojeeda gobolada iyo dhamaan qeybaha bulshada, waxayna naga balan qaadeen in ay dhexda u xiran doonaan sida loo joojin lahaa dhiigaasi daadanaya, waxaana rajeyneynaa inay mas’uuliyadaasi ka soo baxaan” ayuu yiri Dr. C/weli Maxamed Cali. Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay inay dhowaan gaari doonaan goobaha lagu dagaalamay guddi Nabad raadis ah oo ay Xukuumadu u xil saartay daminta colaadaasi oo ka kooban Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad iyo odayaal dhaqameed Xafiiska ra’isal wasaaraha
-
Afhayeenka SSC Oo Soo Dhaweeyey Gogosha Nabada Madaxwayne Siilaanyo, Kana Hadlay Ujeedada Shir Beelaha Buhoodle Uga Socda Buuhoodle “Beelihii Dhawaan Ku Diriray Kalshaale Waxaan Leeyahay Nabad Qaata, Wax Dhaama Waa La Waayee”C/Risaaq Bakayle Hargeysa, July 6, 2011 (Haatuf) – Afhayeenka kooxda SSC C/risaaq Bakayle Xaaji Faarax ayaa soo dhaweeyey gogoshii nabada ee uu madaxwaynaha Somaliland hore ugu fidiyey shacbiga deegaanada bariga Somaliland. C/risaaq Bakayle waxa uu ka hadlay ujeedadda shir ka furmay magaaladda Buuhoodle, waxaanu tilmaamay in ajandayaasha lagaga hadlayo uu tiir-dhexaad u yahay sidii nabad galyo taam ah looga Islaaxin lahaa deegaanadda Sool iyo Buuhoodle. Afhayeenka kooxda SSC General Bakayle ayaa waxa uu sidoo kale baaq nabadeed u diray beelihii horaantii sanadkan ku diriray Kalshaale, kaas oo sheegay in dagaal iyo colaad aanay cidna dani ugu jirin. Afhayeenka kooxda SSC C/risaaq Bakayle Xaaji Faarax ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ugu waramayey, isaga oo sheegay inuu ku sugan yahay Buuhoodle. Ugu horayna isaga oo ka hadlayey ujeedada shirka Buuhoodle, waxa uu yidhi “Ujeedadda shirkan ka socda Buuhoodle waxa lagaga hadlayaa aayaha dadka deegaanka iyo sidii ay nabad galyo ugu wada noolaan lahaayeen. Hawshaas waxa loo qabtay 21 xubnood oo guddi ah, guddidaasina dhamaan waa guddi farsamo, isla markaana waxay soo xulayaan guddi balaadhan oo tiradoodu gaadhayso 99 xubnood, kuwaas oo iskugu jira dhamaan qaybaha bulshadda oo dhan. Ujeedadda aanu ka leenahayna waa in lagaga wada hadlo kala qaybsanaanta dadka deegaanka, marka xaqiiqada laga hadlo-na xaga siyaasada ayaa si wayn ay iskugu khilaafsan yihiin dadka deegaanku. Waxaanu doonaynaa in dadka deegaanku fikirkooda iyo muruqooda-ba ay mideeyaan. Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Anigu waxaan ahay afhayeenkii SSC, waxaanan taageersanahay in nabad dhab ahi ka islaaxdo deegaanadda Sool iyo Buuhoodle, laakiin shirkii Widh-widh lagu qabtay oo kale kan aanu hada wad-no wuu ka duwan yahay, kii Widh-Widh waxa uu ahaa mid aanay dadka deegaanku isku raacsanayn, mid loo dhamaana maaha. Waxaan rajaynaa in shirka aanu hada qabanayno in ay ka soo baxaan wax dhamaan dadka deegaanka oo dhan dani ugu jirto. Inkasta oo aanan jeclayn inaan ka hordhaco go’aanka soo bixi doono shirkan shalay bilaabmayo oo laba cisho oo danbe sii socon doona, hadana waxaan aamin-sanahay in dadku yihiin dad wada dhashay oo aan meelna kala tagayn hadii ay hore xurgufi u dhexmartayna in la xaliyo ayaan soo jeedinayaa, Waxaanu ku Qawracanahay dhamaantayo wixii shirkaas ka soo baxa”. C/risaaq Bakayle Mar uu baaq u dirayey beelihii Kalshaale dirirtu ku dhexmartay horaantii sanadkan, waxa uu yidhi “Beelihii dhawaan ku diriray deegaanka Kalshaale waxaan ugu baaqayaa inay nabad galyo qaataan, beelaha walaalahayo waxaan leeyahay nabad wax dhaama la waaye aynu hada ka wada shaqayno sidii deegaanadeenu u noqon lahaayeen kuwo nabad taam ahi ay ka jirto. Nabadgalyo cid-waliba way u baahan tahay dagaalna wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho. Dhawaan waxa uu Madaxwayne Siilaanyo fidiyey gogol nabadeed, waxaanu isku haysanaa waar dhinacee-baynu gogosha nabada u marnaa, waxaananu soo dhawaynaynaa gogoshaa nabada ee uu madaxwaynuhu fidiyey”.
-
Somaliland Military convoy visits shimbiraale (eastern sanaag)
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Inshallah kheyr bey noqon the general is a capable general all he wants is the best for his people there wont be any. Violence in shimbiraale that i am sure -
Somaliland president Siilaanyo appoints new head of supreme court
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Jacaylbaro;732207 wrote: He already started his job by arresting Jamhuuriya's editor ..... We have to start the cadaalad some where -
Somaliland Military convoy visits shimbiraale (eastern sanaag)
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Aaga barri Oo Ku Ruqaansaday Degaano Ka Mid Ah Barriga Sanaag maamul goboleedka Puntland oo ka hadlay galabta arrintan, ayaa walaac xoog leh ka muujiyay Ciidamada qaranka soomaaliland ee ku sugan jiidaha beri ee jamhuuriyada Somaliland ayaa la sheegayaa iyaga oo si weyn u qalabaysan in ay ku ruqansadeen fadhiisin ku taala duleedka deegaanka Shimbiraale oo Bari kaga aadan Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag, waxaana uu warku intaasi ku darayaa in ciidamadani ay la wareegeen inta badan amaanka jidaas, iyada oo aan la sheegin wax iska horimaad ah oo dhacay, waxaana ay wararku intaasi ku darayaan in ay gabi ahaanba dhulkaasi ay iska huleeleen ama ay iskaga baxeen ciidamo beeleedyo taabacsanaa Puntland oo aan la ogayn halka ay ku dambeeyeen. Wararku waxay intaasi ku darayaan dadweyanaha ku nool deegaanka Shimbiraale in ay si weyn u soo dhaweeyeen ciidanka, iyaga oo ku faraxsan joogitaankooda, maadaama uu amnigau ahaa mid faraha ka baxay,isla markaana ay dhici jireen dilal caadi noqday oo saameeyay deegaamadaas qaarkood. Dhanka kale maamul goboleedka Puntland oo ka hadlay galabta arrintan, ayaa walaac xoog leh ka muujiyay qabsashada Shimbiraalle ee ciidanka Somaliland., iyaga oo ku tilmaamay dhul ballaadhsi ay Somaliland ku doonayso in ay kula wareegto deegaano laga taageersan yahay Puntland, Waa sida ay hadalka udhigeene. Maxamuud Siciid Dabayl oo ah masuul Puntland ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Sanaag oo la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa ugu baaqay dadka reer Shimbiraalle in ay hubka u qaataan sidii ay dhulkooda ugu saari lahayeen ciidamada Somaliland. -
Rashid Nur Somaliland Representative to US Arrives in Somaliland BERBERA (SomalilandPress)— Mr.Rashid Nur (Garuf), Somaliland Representative to United States arrived today at Berbera International Airport where he was warmly welcome by members of the government and officials from Berbera local government. Mr Nur was appointed to his current position as the Somaliland Representative to USA by President Ahmed Siilanyo and has returned to Somaliland on a working holiday. Mr. Rashid Nur is already well known to the Somaliland community in Washington DC and elsewhere in America where he is already gaining a positive reputation for the work that he is doing for the Somaliland mission and in forging new relationships with the US Administration at a range of levels. Whilst there is considerable sympathy in America for the cause of Somaliland the task that he and his colleagues face there is considerable. The vast majority of the US officials have limited knowledge of the dynamics of the Horn of Africa, whilst senior representatives are anxious lest they cause offense to the Africa Union (AU). Clarity of message, purpose and mechanisms for transparency and governance are key requirements. Mr Rashid Nur is well aware that he and his colleagues have their work cut out and must strive to ensure that a coherent message is conveyed, not just to Somalilanders, but to the US as a whole. Analysts and commentators have warned against false dawns and all the signs are that Somaliland still has considerable work to do to convince senior members of the US Administration that it has the people and policies in place worthy of America’s full endorsement. Mr Nur will be in the country for several weeks and plans to hold a series of meetings with government officials, NGOs and young people. US residents that would like to know more about Mr. Rashid Nur, his staff and their work regarding the Somaliland mission to US can find more information at http://www.somaliland.us/
-
Hogaan Cusub oo loo magacaabay Jaamacada Ceerigaabo
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Well done reer ceerigaabo and good luck hogaanka cusub ,, ceerigaabo is going forward Mashallah. -
IGAD Calls for Additional Sanctions on Eritrea: Mining Sector and Diaspora Thursday, 30 June 2011 04:54 IGAD .Below is the communiqué as issued by IGAD COMMUNIQUE OF THE 39th EXTRA-ORDINARY SESSION OF THE IGAD COUNCIL OF MINISTERS ON THE SECURITY AND POLITICAL SITUATION IN SOMALIA, SUDAN AND ERITREA’S ACTIVITIES IN THE REGION 28TH JUNE 2011 The 39th Extra-ordinary Meeting of the IGAD Council of Ministers convened on the sidelines of the African Union Summit in Malabo, Equatorial Guinea, on 28th June 2011 to discuss the developments in Somalia, the Sudan and the activities of Eritrea in the region and to chart the way forward, ahead for an Extra-Ordinary IGAD Summit scheduled for 4 July 2011. The Council was chaired by H.E. Haile Mariam Desalegn, Deputy Prime Minister and Minister for Foreign Affairs of the Federal Democratic Republic of Ethiopia and the current Chairperson of the IGAD Council of Ministers. In attendance were H.E. Mohamed A. Omaar the Deputy Prime Minister and Minister of Foreign Affairs of the Transitional Federal Government of Somalia; H.E. Mahamoud Ali Youssouf, Minister for Foreign Affairs of the Republic of Djibouti; H.E. Salah Wanassy, State Minister of Foreign Affairs of the Republic of Sudan, H.E. Richard Onyonka, Assistant Minister for Foreign Affairs of the Republic of Kenya H.E. Amb. James Mugume, Permanent Secretary of the Ministry of Foreign Affairs of the Republic of Uganda, and H.E. Mahboub M. Maalim, Executive Secretary of IGAD. The meeting was also attended and briefed by H.E. Deng Alor, the Minister for Regional cooperation of The Government of Southern Sudan, H.E.Boubacar Gaoussou Diarra the Special Representative of the African Union Commission for Somalia; Hon. Kipruto arap Kirwa, IGAD Facilitator for Somalia Peace and National Reconciliation, H.E. Lissane Yohannes, IGAD Special Envoy to the Assessment and Evaluation Commission; H.E. Amb Augustine Mahiga, the Special Representative of the Secretary General of the UN to Somalia. After deliberating at length on the prevailing political and security situation in Somalia, the Sudan and Eritrea's activities in the region the Council: On the State of Eritrea Strongly condemns the activities of the State of Eritrea that has taken an active part in destabilizing the region by supporting extremist and other subversive elements; Calls on the UN Security Council to take all appropriate measures to ensure that the regime in Asmara desists from its destabilization activities in the Horn of Africa; Calls on the AU and the UN Security Council to fully implement the existing sanctions and impose additional Sanctions selectively on the Eritrean Regime specially on those economic and mining sectors that the regime draws on including the Eritrean Diaspora as well as ensuring compliance with previous decisions of the UN; Decides to remain seized of the matters.
-
Somaliland president Siilaanyo appoints new head of supreme court
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Gudooyiha Cusub ee Loo Soo Magacaabay Maxkamada Sare ee Somaliland oo Maanta Si Rasmi Ah Xilkii Ula Wareegay. “Xilka aan wareejinayaa waa xilkii maxkamada xilkii garsoorka iyo xilkii waaxda,waxana aan …” Gudoomiye Oomane. Hargeysa(GNS) Gudoomiyaha cusub ee maxkamada sarre mudane Yuusuf Ismaaciil cali ayaa maanta si rami ah xilka ugala wareegay gudoomniyihii hore ee maxkamadaasi Mudane maxamed ismaaciilXirsi (Oomana) Xafladan xil wareejinta ayaa ka qabsoontay xarunta guud ee maxkamada sarre ee qaranka munaasibadan xilka lagula kala wareegayay ayaa wax ka soo qayb galay gudoomiyihii horre ee maxkamada qaranka gudoomiyaha cusub ee maxkamadaasi, garyaqaano, qareenno iyo waliba marti sharaf kale oo fara badan. Waxana halkaasi ka hadlay gudoomiyihii hore ee maxkamada sarre Mudane Maxamed Ismaaciil Xirsi (Oomana) waxana uu sheegay in uu si toos ah ula shaqayn doono gudoomiyaha cusub ee maxkamada sarre, waxana hadaladiisii ka mid ahaa “Xilka aan wareejinayaa waa xilkii maxkamada xilkii garsoorka iyo xilkii waaxda,waxana aan xilkii maxkamada sarre ee qaranka ku wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee maxkamada sarre Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali, intii aanu soo haynay waanu soo haynay ,xilka maalinba nin baa jooga, ceeb ma leh xilku, waxa weeye in qof laga qaado qof kalena loo wareejo ,waa in uu qofba mar hayo, waa in qofkii looga maarmi waayo la saaro xilka , waxaan balan qaadayaa inaan la shaqaynayo gudoomiyaha cusub wixii tallo iyo toosin ahba diyaar ayan ula ahay” Waxa isna halkaasi hadal ka soo jeediyay Gudoomiyaha cusub ee maxkamada sarre Mudane Yuusuf Ismaaciil cali, waxana uu mahadnaq balaadhan usoo jeediyay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland waxana uu sheegay in uu taageersan yahay xeerkii uu laalay madaxweynahu ee ahaa Gudidii nabadgelyada, isagoo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Waxan balan qaaadayaa inaan garsoorayaasha kula dhaqmo sida ay xeerka utoosiyaan , garsoorayaasha iyo xeerilaaliyayaasha waliba xeer ilaaliyaha guud ee uxilsaaran hawsha gudida cadaalada inaan kula xisaabtano shaqadooda uhufnaantooda iyo waliba daacadnimadooda iyo sida ay xeerka ugu dhaqmaan garsooraha is yeelyeelaya waan garanayaa iyo garsooraha sida wanaagsan ugudanay shaqadiisa labadaba waan kala garanayaa" Xafladan ayaa ahayd mid ku bilaabatay jawi wanaagsan waxana ay ku soo dhamaatay waji wacan,balse waxa laga warsugayaa labada golle qaran ee soomaaliland oo maalmaha soo socda la horgeyn doono ansixinta gudoomiyaha cusub. -
Jacaylbaro;732003 wrote: Xaaji Xunjuf oo hees dhageysanaya ,,, waryaa dee bina adan baan ahay waan dhegeysta musikada mar mar