-
Content Count
30,102 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
81
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland: 300 navy forces finalize their training +VIDEO
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
Somaliland: 300 navy forces finalize their training +VIDEO
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madxweyne Kuxigeenka Somaliland Oo Cutubyo Ka Mida Ciidamada Ilaalada Xeebaha Ee Ku Sugan Magaaladda Berbera Toobabar u Soo Xidhay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici waxa uu balan qaaday in ay tayaynayaan Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland. Berbera (GNS)- Madaxweyne kuxigeenka Jmhuuriyada Somaliland Cabdiraxamaan Cabdillahi Ismaaciil(Seylici) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Saaka subaxnimadii hore soo gaadhay magaalo xeebeeda gobolka Saaxil ee berbera waxaanu socdaalkaa Madaxweyne kuxigeenka iyo waftiga uuhogaaminayaa udaarnaa soo xidhida toobabar ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ugu soo gabagaboobay xarunta Ciidamada ilaalada xeebaha ee magaaladan berbera ,Waxa kamida ahaa waftiga Madaxweyne kuxigeenka Somaliland wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale(Duur)Wasiirka qorsheynta qaranka Dr Sacad Cali Shire,gudoomiye kuxigeenka Banka Somaliland Cabdillahi Xassan iyo xubno katirsan golayaasha qaran ee wakiilada iyo guurtida, Waxaana waftigan oo goor hore oo subaxnimadii soo kalahay jiidaha dhexe ee gobolka Saaxil kaga hortagay masuuliyiinta haayadaha dawlada ee gobolkan Saaxil oo uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha deegaanka degmada berbera Cabdallle Maxamed Carab waxa kaloo kamid ahaa masuuliyiinta waftigaa soo dhaweenaayay badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste.Maareeyaha dekeda berbera Axmed Yuusuf Diri.Maareeyaha haamaha keydka shiidaalka Dr Cismaan Cabdi Barkhadle(Shiine) iyo masuuliyiin kaloo tira badan, Waftiga Madaxweyne kuxigeenka ayaa islamarkii ay magaalada soo galeen abaaray xarunta ciidamada ilaalada xeebaha ee magaalada berbera halkaasi oo lagu diyaariyay goob xafladeed si aad uheer sareysa loo soo agaasimay laguna sii diyaariyay Ciidanka toobabarku udhamaaday oo ka koobnaa(300)sadex boqol oo askari kuwaasoo mudo sideed bilooda toobabar ciidan badeed Lagu siinaayay isla goobtaa waxaanay ugu horeyn ciidankaasi salaan Madaxweyne siiyeen Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil(Seylici) waxa kaloo ay ciidankaasi soo bandhigeen dhoolatus ciidan oo aad uheersareeya Madxweyne kuxigeenka iyo waftigiisuna aad ula dhaceen waxaanu dhoolatuskaasi oo dhawr nooca oo bad iyo bariba Lahaa socday mudo saacad iyo badh iyaga oo ciidankaasi taatikooyin ciidan oo anfacaya ciidan bad ahaan ay soo bandhigeen, Kadibna waxa warbixino kasiiyay Madaxweyne kuxigeenka ciidanka iyo toobabarkooda Taliyaha guud ee ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Awcismaan Cabdi iyo taliye xigeenkiisa Cabdi Xirsi Ducaale waxaanu taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland sheegay in aanay toobabarka heerkiisu sareyo cid kale bixinin ee ay bixiyeen saraakiisha ciidanka Ilaalada xeebaha ee saldhiga berbera sidoo kale waxa uu taliyuhu sheegay in xukumada Somaliland ee hada talada dalka haysaa Ay markii ay hogaanka dalka la wareegtay ee ay aragtay in aan ciidan badeed oo toobabar qabaa jirin baahi weyna loo qabo in la Tayeeyo aqoontoodana kor loo qaado ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ay ku wargalisay maamulka ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland in ay soo gudbiyaan baahida ciidanka ee dhinac aqoonta toobabarka iyo waliba in ay kordhiyaan tirada ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland toobabaro cusubna looga furo xarunta ciidanka ilaalad xeebaha ee berbera oo iyadu ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland sidaasna uu ku yimi ciidankani yahayna cutubkii ugu horeeyay Kuwo kaloo badana aanu wali toobabarku uxidhmin, Taliyaha ciidanka bada Somaliland Admiral Axmed Awcismaan ayaa waxa uu Intaa ku daray in aanu buurnayn dhaqaalaha ay xukumada Somaliland ciidanka siisaa baahiyo badan oo ciidana ay jiraan balse Waxqabadka iyo toobabarkan ciidan ee qiimaha badan uu kuyimi iyaga oo waxoogaagii ay xukumadu siinaysay isku celceshaday Waxa kaloo uu taliyaha ciidanka ilaalada xeebuhu sheegay in ciidankan manta toobabarka loo xidhayaa yihiin rag ka kala yimi Dhamaan gobolada dalka oo aan aheyn qaar reer berbera uun ah isaga oo intaa raaciyay in ay udhaxeeyaan Seylac ilaa Ceelaanyo waxase uu ka dayriyay Taliyaha ciidanka ilalada badu gaadiidka bada ee ciidanka oo gabaabsi ah isaga oo xusay in aanu ciidanka badu haysan doonyaha dheereeya ee lagaga hortagi karo cadawga biyaheena kusoo xad gudba isaga oo xukumadana ka dalbaday in ay baahiyahaa ciidan ee dhinaca gaadiidka wax ka qabtaan ugu danbeyntii ayaa waxa uu taliyaha ciidanka badu umahad celiyay Madxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxauud(Siilaanyo)oo uu kutilmaamay Shaqsiga kaliya ee uu ugu mahad naqyo toobabarkan ciidan isaga oo dhinaca dawlada shisheeye ee ciidamada caawiyana ka xusay dawlada Ingiriiska oo gaadiid iyo war isgaadhsiin ugu deeqday iyo haayad iyaduna ingiriisa oo imika xafiisyo iyo guryo uga dhisaysa xarunta ciidanka bada ee berbera oo uu magaceeda ku sheegay(Mag) Waxa isaguna hadal kooban oo dhiirigalin iyo taageero ubadan goobta xaflada ka jeediyay Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale(Duur) waxaana hadaladiisii kamida ahaa"Waxaan salaan ay mahad balaadhani ku dheehantay ujeedinayaa ciidanka ehelu sharafka ah ee sida qurxoon ee cajiibka ah loo dhoolatuska usamaynaya waxaanan Madaxweyne kuxigeenka ka dalabanayaa in uu manta ii ogolaado in aan salaanta ciidanka ku horeysiiyo madaama oo ay manta tahay maalintoodii toobabarkuna uxidhmayo waxan manta ufaraxsanahay oo ufirfircoonay sida ciidanka ilaalada xeebuhu ufaraxsan Yihiin ee ufirfircoon yihiin waxa ciidanka ka muuqda mooral iyo qalbi wanaagsan oo ay soo dhamaysteen toobabar mudo sidee bilood socday waxa halkan ka muuqda sharaf qaran oo lagu soo tabcay, tacabkeeda koowaadna waxa lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Madaxweyne kuxigeenka waxaanay balan qaadeen in ay tayeeyaan ciidamada bada markii ay ku Guulaysteen mudo xileedka qaran ee ay hada hayaan waxa ciidankan lagu daray miisaaniyadii koobaad markay hogaanka dalka ku guulaysatay miisaaniyadaa waxa ku jiray sadexdan boqol ee ciidana ee ay manta xafladooda xidhitaan ka qeybgalayno waxa kaloo miisaaniyadaa ku jiray kordhintii mushaharka ee dhamaan ciidamada iyo shaqaalaha loo kordhiyay waxay aheyd tacab qaran oo ay dhagax dhigiisii xukumada cusub laheyd tacabka labaad waxa leh taliyayaasha ciidankan toobabar kala duwan siiyay ee soo gaadhsiiyay halka ay manta marayaan ee muuqaalkaa quruxda badan kusoo toobabaray ee aqoonta iyo fikirkoodii soo gashay, Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil(Seylici) ayaa waxa isagana hadaladii sii kamida ahaa"Waxan aad ugu faraxsanay in aan kasoo qeybgalo toobabarkan loo xidhayo ciidanka ilaalad xeebaha ee sadexda boqola waxa aan aniga iyo waftigayga faraha badan ee golayaasha qaranka ka koobani isu soo raacnay waa qiimaha aanu siinano ciidamada ee aanu danaynayno ee aanu raalida ka nahay ama aanu markii horeba u aragnay in baahi la tabayo oo ciidan badeed jirto iyo xeebteena dheer ciidamada ilaalada xeebaha loo kordhiyo sida aad wada ogtihiin ciidamada bad ee Somaliland waxay ahaayeen markii hore(320)sadex boqol iyo labaatankaa waxa laga yaabaa in aanay intooda badni shaqeyn oo ay iska hawgab yihiin taasina waa ta keentay in ciidankan la abuuro markii dhibtii koowaad xiligii kala guurka ay dhacday xitaa in dawlada aynu jaarka nahay ee(Ethiopia)lagaga duulay xeebta galbeed ee Somaliland,Waxaana xiligaa jirtay in meesha ugu yar ee ciidan joogay aheyd 30 askari ama 28 askari nasiib daro ayay aheyd taasi in xeebta intaa leeg ee 200km mitira 28 sideed iyo labaatan askari joogaan waxaanay taasi keentay in xukumada manta joogtaa ay danayso in loo baahanyay in ciidamada bada la kordhiyo taasna waynu ku guulaysanay waxanan hambalyada koowaad siinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Waxa kaloo iyaguna heeso dhiirigalina iyo majaajilooyin xafladaa ka soo jeediyay qaar kamida ciidanka ilalada xeebaha Somaliland ee toobabarka loo xidhaayay iyo fanaaniinta ciidanka qaranka Somaliland oo iskaashanaya waxaana kamida ahaa Fanaaniinta heesaha xafladaa ka qaaday Sahra Cali Xassan,Cabdillahi Cabdi Madoobe iyo Fanaanka almis waxaanay soo bandhigeen riwaayad iyo heeso qiira galiyay waftiga iyo ciidanka toobabarka loo xidhaayay . -
Madaxweyne kuxigeen Cabdisamad Cali Shire “Dilka Jamac Cali Shire waa mid siyaasadeed Waxaana ka dambeeyay…” Posted by Pi on December 12th, 2011 Garowe(Puntlandi.com) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdisamad Cali Shire oo markii u horeysay ka hadlay Dilkii walaalkii ayaa sheegay in Dilka Walaalkiis ahaa mid salka ku haya arimo siyaasadeed ayna ka dambeeyeen Somaliland iyo Qolyaha wada shirka Khaatumo 2 ee ololihiisu ka socdo Deegaanada Sool iyo Cayn. Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in Dilka Jaamac uu ahaa mid la doonayay in lagu dhawaco siyaasada Puntland iyo siyaasadayda Alle ha unaxariistee Jamac Cali Shire iyo wiil uu adeer u yahay Waxaa shalay galab lagu dilay meel u dhow Magaalada Taleex, waxaana Dilkiisa lagu eedeeyay inay soo abaabuleen raga ka dambeeya shirka Khaatumo 2. Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda shirkaan ayaa sababtay in Walaalkiis la dilo, sida aynoo sheegeen illo wargala, waxaana la doonayay in lagu dhawaco Madaxweyne ku xigeenka Dilka Walaalkiis. Qolyaha lagu eedeynayo dilkaan illaa hada wax hadal ah kama soo saarin dilka Ganacsade Jaamac Cali shire.
-
Somaliland: Foreign Minister meets with delegation from Holland
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wasiirka Arrimaha dibada oo la kulmay Wefti ka socday Holland December 11th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socday dalka Holland oo socdaal shaqo ku yimid dalka. Weftigan oo ka koobnaa dhawr xubnood waxa hoggaaminayay Safiirka Holland u fadhiya dalka Kenya waxa wasiirku la yeeshay kulan albaabadu u xidhnaayeen oo socday muddo saacad ka badan. Dhinaca kale,Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo kulankaasi ka dib ka hadlay socdaalka weftigan waxa uu sheegay inay ka wada hadleen danaha labada dal. Wasiirku wuxuu sheegay in kulankani daba socday socdaal hore uu Somaliland ugu yimid bishii June ee la soo dhaafay Wasiir ka tirsan xukuumadda Holland. “Waxa socdaalka weftigan Holland ee aan kulanka la yeeshay la xidhiidhay sidii labada dal ay u yeelan lahaayeen iskaashi, waxaana barigaa lagu heshiiyay inay inagala shaqeeyaan wax ka qabashada nabadgelyadda, la dagaalanka argagixisadda iyo budhcad badeeda mandaqadda,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi. Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu sheegay inay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka labada wadan, waxaanu intaasi ku daray inuu weftigaasi uga waramay xaalada guud ee Somaliland ee dhinacyada siayaasada, Nabadgelyada iyo dhaqaalahaba. Sidoo kale weftigan ka socday dalka Holland waxa qaabiley Maayarka Caasimada Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir. -
Somaliland: Foreign Minister meets with delegation from Holland HARGEISA (Somalilandpress)–Somaliland Minister for Foreign Affairs and International Cooperation Dr. Mohamed AbdilahI Omar met with Delegates from Holland who paid short visit to the country today. The delegation consists of several officials headed by the Ambassador of Holland to Kenya Mr. Joost Reintjes. The minister held meeting with the delegation at his office for few hours and after concluding the meeting spoke with the local press for few minutes. Foreign Minister Dr. Mohamed told the press today’s meeting is a follow up to June’s visit of the Dutch Minister for EU Affairs and International Cooperation Mr. Ben Knapen. Mr. Ben Knapen commended Somaliland’s democracy on his visit to Somaliland in June and said his government will work with Somaliland government in the advancement of democracy. Dr. Mohamed Omar went to say “today’s meeting is a follow up to a previous agreement that the government had with Minister Ben Knapen’s visit to the country”. After concluding their meeting with Foreign Minister Mohamed Abdillahi Omar the delegates met with Hargeisa mayor Eng. Hussein Mohamed Jicir who held close door meetings with them.
-
Abokor Omar;764680 wrote: So Xinn, the destruction of the peace and balance of Somaliland equals the re-birth of Somalia? Let me try and make you see sense. Rather than forever being blinded by animosity, resolving the conflict in the south would help bring the re-birth you wish for, wishing the conflict starts in Somaliland wont bring peace to the south or any re-birth. But, let's be honest, your not interested in any re-births are you, just the death of Somaliland and it's peace. All this talk of unity, peace, brotherhood, it's all story's for kids. Some basic cheap spin to avoid being caught red handed. We know your kind and will stay vigilant at all times. On words and upwards Somaliland.. Unity can come with the destruction of Somaliland wax fahan dee Abokor
-
Somaliland: 300 navy forces finalize their training +VIDEO
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo tababar u xidhay sadex boqol oo ciidan ah oo loo tababaray Badda Berbera(Waaheen) Madaxweyne ku-xigeenka Somalailand C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo ay wehelinayeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo masuuliyiin ka socday Hay’adda Dawladda ee Heer Gobol, Degmo iyo Hay’adaha Madaxa banana ayaa manta magaala Xeebeeda Berbera ugu soo xidhay Tababar u socday muddo sided bilood ah oo ay ku qaadanayeen Culuumta Badda. Madaxweyne ku-xigeenka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa Ciidamadaasi uga mahadnaqay dedaalka ay fagaarihii tababarkaas loogu soo xidhayaya ka muujiyeen oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid qiimayntiisa leh oo u qalamayay Mihnada la barayay baaxada ay leegtahay isagoo sheegay inay yihiin Ciidan kooban balse tayo ahaan la siiyay tababar adag oo ay kaga bixi karaan Hawsha culus ee Xeebaha Somaliland kuwaasoo ka kala yimi Daafaha Somaliland. “ Ciidankan in la abuuro waxa keenay markii ay dhawaan xeebaheena ka soo dageen Ciidamo cadaw ah oo doonayay inay weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Itoobiya kuwaasoo ay sababtay ciidankeena Badda oo koobnaa” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu munaasibadaasi shahaadooyin ku gudoonsiiyay Saraakiisha Ciidamadaasi, Masuuliyiinta Gobolka ee taageertay, qaar ka mid ah Askarta iyo tababarayaashii Duruusta siinayay Ciidamadda ayaa Madaxweyne hortiisa ku soo bandhigay hawlgal ay metelaad ah oo ay Badda gudaheeda kaga qab qabaneeyeen Budhcad Badeed qafaalashayo doonayay inay fuliyaan. Sidoo kale waxay ku soo bandhigeen Masrixaydo Suugaaneed kala duwan. Admiral Axmed Aw Aadan oo ah Taaliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Abaanduulaha Ciidamadda Badda ayaa iyana Madaxda Xukuumadda ee uu hormoodka ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenku warbixin ka siiyay Maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo mareen Dufcadan loo xidhay tababarku mudadii ay ku jirta Tababarka. Waxaanay xuseen Duruufaha Badda ku gedaaman inay u baahan yihiin in la geliyo dhaqaale iyo ka war hayn intan ka badan iyagoo u mahadnaqay talaabadii uu ku dhiiraday Madaxweynaha Somaliland Axmed`Maxamed Maxamud Siilaanyo. Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur, Badhasaaabka Gobolka Saaxil Ramaax oo iyaguna Munaasibadaasi ka hadlay ayaa Saraakiisha Ciidanka uga mahadnaqay Tababarka ay siiyeen Ciidanka iyo sida ay au dhiseen iyagoo qiray in ay Kalsooni ku qabaan in ay noqon doonaan Ciidan qaraan. Waxaanay si gaara ah ugu Amaaneen sida niyad samida leh ee uu Ciidankaasi u qaataya Tababarka -
" frameborder="0" allowfullscreen>
-
Suna Times: Somaliland accepts federal system of Somalia
Xaaji Xunjuf replied to Carafaat's topic in Politics
nonsense -
^^ xiinfanin are you saying you are part of wasiirada cusub eeh awdal state lolz
-
Wafti Uu Hogaaminyo Garaad Jaamac Garaad Ismaciil Oo Soo Gaadhay Degmada Taleex Lasanod Online Monday, December 12, 2011 Taleex,(Lasanod Online)- Wafti Balaadhan Oo uu horkacayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa maanta gaadhay degmadda Taleex.. Halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Wafdigan Garaadka oo ka kooban Cuqaal iyo odayaal ayaa ka qeyb geli doona dhamaynta shaqaaqo shalay galab ka dhacday degmadda taleex ee gobolka sool, halkaas oo lagu qaban doono shirweynaha khaatumo 2. Hore waxaa magaaladda taleex soo gaadhay wufuud kala duwan oo ka kala yimid deegaanada Gobolka Sool iyo ciidamo uu hogaaminayay Axmed Karaash, kuwaas oo loogu talagalay dejinta xaaladda degmadda taleex. Ciidamada degaanka ayaa habeenkii xalay bandow ku soo rogey iyadoo la diiday in dadka shacabka ah ay hub la soo galaan gudaha degmadda taleex, waxaana lagu wadaa in maanta gelinka dambe uu furmo shir looga hadlayo arintii ka dhacday degmada taleex.
-
Muxu yidhi cabinet aah dawlad dawlad saaraan u sheega mr nuur inay kanada dawlad leedahay waxan xasuusta president darman isaga iya xukumadisa oo marba meel u dhoofi jiray xita safarida u magacabay way la dhoofi jireen
-
Wefti ka socda dalka Sucuudiga oo socdaal ku yimid dalka December 11th, 2011 Berbera (Somaliland.Org)Wasiiradda Macdanta iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale iyo beeraha Md. Faarax Maxamuud Geedoolle, ayaa shalay madaarka Berbera ku soo dhaweeyey wefti ka socday dalka Sucuudiga. Wasiirka macdanta oo warbaahinta kula hadlayqoflka nasashada ee madaarka Berbera, ayaa sheegay in wefdigan Sucuudigu ay u socdaan sidii ay mashaariic maalgashi ay uga samayn lahaayeen dalka Somaliland, sida dekeda, warshada sibidhka, haamaha shidaalka iyo mashaariic kale. Wasiirku isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Saddexdan xubnood waxay dalka u yimaadaan mashaariic maal gashi ayay u socdaan, waan soo dhaweynaynaa walaalahayaga reer Sucuudi Carabiya.” “Halkan intaan joogno Berbera mashaariic badan oo ku saabsan maalgashi oo ay ka mid tahay dekeda, haamaha, shidaalka iyo wershada sibidhka ayaanu tusaynaa,”ayuu yidhi Wasiirku. Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in weftigani muddo sadex maalmood ah ay darsi doonaan Ganacsiga iyo meelaha u baahan maalgashiga. Wasiirka beeraha ee Somaliland Md. Faarax Cilmi Geedoole ayaa isna sheegay in weftigan ay si weyn dalka ugu soo dhawaynayaan waxaanu tilmaamay in xukuumad ahaan diyaar u yihiin in dhinacooda ugu soo bandhigi lahaayeen mashaariic maalgashi oo dhinaca beeraha ah, waxaana uu yidhi “Khayraadka aadka u badan ee dalkeena dawladu ma hayso hadda awood ay ku soo saarto kagana faa’iidaysato khayraadkaa markaa aad iyo aad ayaan u soo dhawaynaa walaalaheena Sucuudiyiinta waana dadka inoogu dhow maanta marka aad ka eegto Islaamka, xidhiidhkii hore ee Islaamka, walaalnimo ee inoo dhaxayn jiray aad iyo aad ayaan u soo dhaweynaynaa.” Weftigan, ayaa ka koobnaa laba nin oo u dhashay dalka Sucuudiga iyo nin u dhashay dalka Kuuriya, waxaana la sheegay in xubno ka tirsan weftigoodu ay dalka imanayaan maalmaha soo socda.
-
Somaliland president Ahmed sillanyo sacks general nuux ismacil taani
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
I am sure that General Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif) will do great things as he is a very capable General. -
Somaliland: new political Islamic party Xisbullah announced.
Xaaji Xunjuf posted a topic in Politics
Urur Diimeed Lagaga Dhaawaqay Somaliland Iyo Guddoomiyihiisa Oo Sheegay In Hanaanka Dimuqraadiga Ahi Yahay Wax Laga Soo Dheegay Gaallo, Kuna Baaqay In Dalka Lagu Hago Shareecada Islaamka. Hargeysa (Ramaas) Dec 11,2011 – Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta lagaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub, kaas oo ay hogaanka ka yihiin qaar ka mid ah culimadda dalka. Ururkan oo magaciisu yahay XISBULAAHI, ayaa waxa culimada ku dhawaaqday sheegeen in ururkani ururada kale kaga duwan yahay in ku dhaqanka shareecada Islaamka oo uu doonayo inuu dalka ku hogaamiyo haddii uu tallada dalka ku guulaysto. Dadka ururkan ku dhawaaqay ayaa ku baaqay in la laalo dastuurka dalka, isla-markaana lagu dalka lagu hogaamiyo shareecada Islaamka oo ay ku tilmaameen inay tahay ta ugu muhiimsan ee ummad lagu dhaqi karo, iyagga oo sidoo kalena sheegay inay ka soo horjeedaan guud ahaan hanaanka dimuqraadiga ah ee dalka ka hano-qaaday, kaas oo aku sheegeen inuu yahay hanaan laga soo waariday dad aan Islaam ahayn “Ururkan XISBULAAH wa urur Diimeed, waxaana aanu si cad ugu baaqaynaa in Umada lagu dhaqmo Shareecada, dastuurkeenuna waa Samaawi oo ILAAHAY-baa inoo soo dajiyey (Qur’aanka kariimka ah) qofka Muslimka ahi inuu sharci iyo dastuur kale qaato uma banaana haddii uu qaatana wuu ku gaaloobayaa.”sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha ururkaasi Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo ka hadlayey xafladii lagaga dhawaaqay. Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle waxa kale oo uu sheegay “Waxa laga yaabaa in la iswaydiinayo ururkani muxuu kaga duwan yahay Urur siyaasadeedyada kale, waxaan leeyahay adeer wax siyaasad la yidhaahdo ma jirto, cidii taa ka murmaysaana fagaarayaaasha saxaafada aynu isku nimaadno oo ka doodno oo umada ha taabsiiyo oo ha yidhaahdo waa taas siyaasadii.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Diinta Muxamadiya Meel ay siyaadani kaga jirto Qur’aan iyo xadiis midna ma jirto, waana dahaadh ay Munaafiqiin iyo gaalo ay dulmiga ku dahaadhaan.” Urur diimeedkan cusub ee lagaga dhawaaqay Hargeysa oo sida muuqata muran iyo khilaaf cusub ku soo kordhin kara dalka, taasina waxay horseedi kartaa amaan daro. Ramaasnews Desk Hargeisa -
Garowe Clan Militia Attack Taleex with several Casualties
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
TALEEX : M.kuxigeenka PL oo walaalkiis iyo Wiil uu Adeer u yahay oo la dilay December 11, 2011 6:22 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Print Taleex:-Waxaa magaalada Taleex lagu dilay 2 qof oo midkood ay walalo yihiin M-waynekuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo lagu magacaabi jiray Sumini Cali Shire iyo Wiil uu Adeer u yahay oo lagu magacaabi jiray ina Saalax Cali Shire waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in ay dilkooda kadambeeyeen kooxo isla deegaanka ah. Sumini Cali Shire oo ay walalo ahaayeen M-waynekuxigeenka Puntland ayaa waxa uu kamid ahaa ganacsatada magaalada Garoowe oo uu daganaa waxaana la sheegay in uu magaalada Taleex uu ka waday mashaariic dhanka horumarinta ah. Taleex, ayaa waxaa la filayay in uu ka furmo shir-beeleed beesha ssc oo loogu magacdaray Khaatumo 2, balse dilkan ayaa waxa uu u muuqdaa mid sii kala fogaynaya beesha deegaanka oo muddo dheer khilaaf dhanka maamulada Puntland iy Somaliland uu ka dhex aloosnaa. -
Somaliland president Ahmed sillanyo sacks general nuux ismacil taani
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Somaliland: President Dismisses Joint Chiefs of Staff Nuh Tani HARGEISA(Somalilandpress)-Somaliland president Mr. Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo today dismissed the country’s Chairman of the Joint Chiefs of Staff Mr. Nuh Tani. The president appointed Mr. Mohamed Hasan Jidhif as the new man who will be responsible for the smooth running of country’s defense forces. The head of state Mr. Siilaanyo relieved from all his duties the man by the name of Mr. Hasan Abdi Yusuf better known as ‘Hasan Keyse’ who was responsible for Somaliland armed forces for operations. The president appointed Mr. Mohamed Adan Saqadhi known as ‘Dabagale’ to head of operations of Somaliland armed forces. According to press release issued by the presidential spokesman Mr. Abdilahi Mohamed Dahir Cukuse stated that the head of the country Mr. Ahmed Siilaanyo issued today a presidential decree in which he dismissed the former head of Somaliland armed forces Mr. Nuuh Tani and the head of operations Mr. Hasan Abdi Yusuf. -
Garowe Clan Militia Attack Taleex with several Casualties
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Cool i thought so -
Garowe Clan Militia Attack Taleex with several Casualties
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Do what better what are you talking about -
Garowe Clan Militia Attack Taleex with several Casualties
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Iska hor imaad dad ku dhintay Oo kadhacay duleedka degmada Taleex Laba qof ayaa dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii koox dabley ahi ay rasaas ku fureen gaadhi ay wateen duleedka degmada Taleex ee gobolka Sool. Kooxdan dableyda ah ayaa sida ay noo sheegeen dad ku sugan degmada Taleex ay ka mid ahaayeen dhaliyaro dhowaan laga sii daayey xabsiga Garoowe kuwaas oo ka mid ahaa koox saraakiil ah oo 10/08/2011 ciidamadda Puntland ay qabqabteen iyagoo ku sii jeedey degmada Taleex. Labada Nin ee dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Jaamac Cali Shire oo ay wallaalo yihiin Madxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland iyo wiil wallaalkii dhalay waxaana maqribkii la geeyey magaaladda Garoowe. Weriye Jaamac maxamed Nuur Jeele oo ka mid ahaa dadka falkaasi ku dhaawacmay ayaa waxa uu Boocame online u sheegay in uu arkay oo keliya rasaas ku socota duleedka degmada Taleex waxana uu intaas raaciyey in ay u socdeen hawlo NGO uu lahaa marxuunka dhintay ka fuliyey degmada Taleex. Qaar ka mid ah waxgaradka degmadaas ayaa sheegaya in falkani uu ahaa mid aad u xun hadana la abaabulayo dadkii falkaasi geystey sidii loo soo qaban lahaa ilaa hadana ma jirto war rasmi ah oo laga hayo meel ay ku sugan yihiin iyo wax soo gaadhey. Falkan ayaa ku soo beegmaya xili ay maalmo ka dhinaayeen shir beeleed meelo kala duwan laysaga imaanayey oo ka dhici lahaa 19 bishan degmada Taleex dad badanina ay walaac ku keentay xaalada amaan ee degmadaas -
Somaliland president Ahmed sillanyo sacks general nuux ismacil taani
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
AfricaOwn;764477 wrote: ^^General Tani is very respected, I'm sure the President and him worked out a deal behind close doors to defuse the situation. I don't really see any bad blood here (I hope). They need to give that vacant position to a General from Awdal I think. Be smart about this sh!t. Yeah taani did well for Somaliland in the time he was serving as the Somaliland Commander of the armed forces during the elections last year he did well keeping the security of the country.The New Commander Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) is also from the Gabiley region.
