Siciid1986

Nomads
  • Content Count

    502
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Siciid1986

  1. Wariye Cali Xaraare oo ka howl-gali jiray Idaacada VOA Washington ayaa shaqada laga eryay kadib markii ciidamada Booliska Mareykanka ay kusoo bandhigeen dambi culus. Wariye Cali Xaraare ayaa Booliska soo bandhigeen Sawiro muujinaya isagoo Bac Garaabo ah {Khaat} ka iibsanaya nin u dhashay Qowmiyada Oromiya ee dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Axmed Cumar Cabdijaliil oo 45 sanno jir ah, kaasoo Booliska ay baareen gurigiisa kana heleen Garaabo bada noo Khaat ah kana iibin jiran Soomaalida iyo Yemeniyiinta. Ciidamada Booliska ee Verginia ayaa sheegeen inay muddo dheer ay baaritaano xoogan wadeen isla markaana muddo kadib ******** in 47-jirka Soomaaliga ah ee Cali Cabdi Xirsi “Cali Xaraare” ee lagu qabtay isagoo Daroogada Khaatka ee Mareykankaa mamnuuca ka ah iibsanaya inuu u shaqeeyo Idaacada Codka Mareykanka. Dowlada Mareykanka ayaa u degsan Sharci adag oo ku saabsan in Shaqada laga eryo cid kasta oo Xukuumada u shaqeeya oo lagu helo iyadoo Iibsaneysa ama Isticmaaleysa Daroogo mamnuuc ka ah dalkaasi sida Khaat-ka oo kale. Amar kasoo baxay Wasaarada Shaqada ee Mareykanka ayaa shaqada loogu eryay Wariye Cali Xaraare oo si weyn loogu xasuusan doono Barnaamijka Caweyska Washington ee Idaacada VOA qeybteeda Afka Soomaaliga. Wariye Cali Xaraare ayaa Toddobaadkaan dacwad ugu furmi doonta Virginia, taasoo ay dhaci karto hadii lagu helo dambiga ku aadan inuu Khaat iibsanayay la ganaaxi doono in muddo ahna la xirayo. Si kastaba ha ahaatee, Soomaali badan oo Khaad cunayaan ah ayaa ku nool dalka Mareykanka oo mamnuuc ka yahay Khaat-ka kuwaasoo si dhuumaaleysi ah u iibsada Garaabada Khaatka kuna qayila.
  2. Weftigii M./Weyne Siilaanyo Oo Jabuuti Loogu Soo Dhaweeyay Meeqaamkii Ugu Sareeyay Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu Hoggaaminayay ayaa galabta lagu soo dhaweeyay madaarka magalaada Jabuuti, waxaana halkaasi loogu soo sameeyayr baratakoolkii ugu sareeyay ee lagu soo dhaweeyo Madaxweyne Somaliland ah, waxaana Madaarka ku qaabilay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda. Madaxweyne Siilaanyo oo qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa kula hadlay Saxaafadda ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ka dambeeyay casuumad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, waxaanu tilmaamay in booqashadiisu ay salka ku hayso sii xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka ka dhexeeya labada qaran ee Somaliland iyo Jabuuti. Md. Axmed Siilaanyo ma uu sheegin mudada uu qaadan doono socdaalkiisa wadanka Jabuuti iyo inuu jiro dal kale oo uu uga sii gudbi doono marka uu dhamaysto socdaalkiisa. Madaxweynaha waxa madaarka Hargeysa ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, waxaanu halkaasi salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka. Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisa ku weheliya marwadiisa Marwo Aamina X. Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka Md. Sacad Cali Shirre. Weftigii Madaxweynaha Somaliland ee dalka Jabuuti ayaa lagu Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo waa lugtii u horeysay ee uu ku tago dalka dibadiisa tan iyo markii uu la wareegay tallada dalka 27-kii bishii July ee la soo dhaafay. Somaliland.org Hargeysa
  3. Go,aamo ka soo Baxay Shirka Widh-widh . Burco-(TogdhNews)- Shirkii ka Socday Magaaladda Widh-Widh ee u Dhexeeyay Xukuumadda Soomaaliland iyo Madax Dhaqameedka Degaankaasi, oo la filaayo in uu maalinta Berito soo gaba gaboobo ayaa labada Dhinac isla Gaadheen Go’aamo ka kooban Dhawr qodob. Sida ay u Xaqiijiyeen Jamhuuriya Xubno ka mida Waftiga Xukumada ee Shirkaasi ku sugani ayaa Qodobada Go’aamada la isla Gaadhay ee ka soo baxay Shirkaasi Waxa ka mida. 1- In la Adkeeyo Nabadda Si Wada jirana looga Wada Shaqeeyo 2- In la Fidiyo Gogosha Nabadeed oo anay ku Eekaan Degmo , Gobo l ee ay wada Gaadho Beel waynta ***********. 3- In La Fidiyo Maamul , Isla markaana la Balaadhiyo Barnaamijyadda Horumarineed ee laga Fulinaayo Deegaankaasi. 4- In Xukumadda Soomaaliland Mag Dhaw ka Bixiso Dadki Shicibka ahaa eek u Dhintay Dagaaladii ka Dhacay Wakhtigii Xukuumadda Rayaale. 5- In Ciidanka Qaranka eek u Sugan Degaankaasi Wada Shaqayn Wanaagsan la Yeeshan Bulshadda Deegaanka. Togdheernews.com Burco Office
  4. P.I.S. Tortured and Executed 2 P.O.W from Galgala November 2, 2010 By Somali Bosaso: Two P.O.W of the Galgala conflict had been tortured and then executed by the infamous P.I.S under the direct and arbitrary order from Puntland president Farole, according to local reports. The two men from Western Bari region were first snatched from their long captivity, according to local sources. They were blindfolded, dragged, and brought before a Kangaroo court in Bosaso. Close relatives of the victims who contacted Dhahar online released the names of the prisoners after they were murdered on the outskirts of Bosaso; they were identified as Saciid Osman a 16 year old minor and Ahmed Farah, 20. Both victims were close relatives from the maternal side, according to local sources. Local reports also confirm marks of torture such as bruised and broken bones and traces of holes were identified on one of the victims’ body. This was again another disappointment, yet hardly a surprise, for the chapfallen and long-suffering masses ofSomalia. However, this is not the first time Puntland has carried out these types of torture against individuals in its captivity. Jamac Isma’il Du’ale, a prisoner from Western Bari region was also tortured and shot in the head in late July of 2010. Mohamud Jama, a close relative of Sa’id Osman who contacted Dhahar-online stated, “Sa’id was a school age minor who had been kidnapped in Sugurre valley, a direct violation of human rights.” A Bosaso elder was quoted to have said that the men were sentenced andimmediately executed as a direct retaliation of a previous incident, one fueled by long held clan rivalry. The judge and the top leaders of the P.I.S who carried out this latest violation of the Geneva Convention are of the Mohamoud Saleeban sub-clans of *********. P.I.S claims its aim is to safeguard the security of “Puntland” though it contributed more to its internal instability. Clan rivalry has also complicated further any objectives this organization could have accomplished in its fight against what is widely known as “home-grown insurgency”. However, the current political situation points to another fact of soaring public discontent that has now reached its critical mass. On October 6, three men from the town of Qardho were murdered inside a café restaurant in Dhahar, the capital of Haylan region. Their deaths were concluded by regional experts and elders from the region as tribally motivated. It was also what the conflict theorists refer to as a “spillover conflict”. This incident had almost triggered full clan warfare between the subclans of Dubeiss (**********) and *****ten in the regions of Karkaar and Haylaan as it is now raging in the Galgala district of Western Bari. Puntland has been waging offensives in Western Bari since late July of 2010. According to a recently published VOA article, the offensives were inspired by clan grievances due to the ********** dominated Puntland and the Dubeys subclan fromWestern Bari. Somalia observers have previously issued their warnings against the political uncertainty of the Galgala wars around Bosaaso environs. Source: Dhahar.com
  5. Wafti ka Socday Xukuumadda Soomaaliland oo lagu Soo Dhaweeyay Deegaanka Widh-Widh TUESDAY, 02 NOVEMBER 2010 Widh-widh (TogdhNews)- Guddiga madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray xallinta tabashooyinka ka jira gobollada Sool iyo Sanaag, ayaa shalay gaadhay magaalada Widh-widh ee ka tirsan degaanka Buuhoodle, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey. Guddigan oo uu hogggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilllada md. Baashe Maxamed Faarax oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha gudaha, gaashaandhigga, Isgaadhsiinta, wasiir-ku-xigeenka arrimaha gudaha, Dr.Cabdi Aw Daahir, Maxamed Kaahin, iyo xubno kale. Guddiga weftiga waxa magaalada Widh-widh ku soo dhaweeyey cuqaal iyo dadweyne badan oo uu horkacayo Garaad Abshir Saalax, kadibna waxa la dejiyey goobtii loogu talogalay weftiga. Weftiga ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda halkaas ku sugnaan doono, isagoo kulamo kala duwanna la yeelan doona madax-dhaqameedka iyo waxgaradka deegaankaas. Dhinaca kale, hoggaamiyaha weftiga Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa intii aanay ka amba-bixin magaalada Burco, waxa xog-waraysi kooban la yeeshay xafiiska Togdheernews ee Gobolka Togdheer, su’aalihii la weydiiyey guddoomiyaha iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan: Su’aal: Guddoomiye; mar haddii lala kulmayo madax-dhaqameedyo arrinta aad u socotaanna tahay xallinta khilaafaadka iyo tabashooyinka deegaankaas, miyaanay idinkaga habboonayn Golaha Guurtida Somaliland ee hore u gali jiray hawlahan oo kale? Jawaab: Arrintanu waa arrin siyaasadeed, sida aad aragtaanna waxaa meesha maraysa xukuumaddii oo iyadu u xilsaaray arrimaha siyaasadda, madax-dhaqameedyada iyo guurtiduba waxay u xilsaaran yihiin xallinta meelo laysku dilay oo beelo isku dileen iskuna horfadhiyaan, sidaa awgeed go’aamada laga filayo inay ka soo baxaan arrinta waa go’aamo siyaasadeed, khilaafyada jiraana waa kuwo siyaasadeed, waxa laysku hayaana maaha hebello ayaa islaayey iyo reer hebel baa isdilay. S: Madax-dhaqameedyada deegaankaas waxaa jirtay inay hore u dalbadeen in ciidammada Somaliland laga qaado deegaanadoodaas, arrintaas maxaad ka yeelaysaan? J: Taas waxaannu la sugaynaa waqtigeeda oo markaannu meesha tagno waxii nalaga codsado markaas ayaannu wax ka odhanaynaa. S: Waxa deegaanka Buuhoodle ku sugan maleeshiyo hubaysan oo loo yaqaan SSC iyo garaaddo ka soo horjeeda hawlahan aad u socotaan, haddaba cidda aad la shiraysaan ee aad ka bilaabaysaan waa kuwee? J: Waxaannu ka bilaabaynaa oo iminka gogoshu taallaa Widh-widh, qofkasta oo ka soo jeeda deegaankaa magacuu doonaba ha sheegtee meeshuu joogo ayaannu ugu tagaynaa oo nabadda kala hadlaynaa, arrintanuna waa iska bilow hadda, waanay soconaysaa oo ilaa waxaannu cusuumaynaa oo u yeedhaynaa qurba-joogga deegaankaas oo aannu kala hadlaynaa nabadda. S: Arrimaha ugu waaweyn ee tabashooyinka ah ee aad ka wada hadlaysaan maxaa ka mid ah? J: Wax alla waxii ay tabanayaan oo dhan kala qaadqaadimaynee waannu kala hadlaynaa. S: Rajo intee le’eg ayaad ka qabtaan inaad guul ka gaadhaan arrimahan aad u socotaan? J: Waxaannu qabnaa inaanay waqti badan nagu qaadanayn, waayo waynnu iska wada war-haynnaa rag odayaal ah oo deegaanka khibrad u leh oo madaxweynuhu u soo xulay inay waxan dhamayn karaan ayaa nala socda, markaa waqti bandanna nagu qaadanmayso waxaanan rajaynayaa inay guul ku dhammaan doonto. Togdheernwews.com
  6. Daawo Soo Dhawayntii Garaad Abshir Saalax ee Magaalada WidhWidh Degmada Widh Widh Waxaa Soo gaadhay Garaad Abshir Saalax oo kamid ah Isimada Deegaanada SSC Waxana Garaad Abshir Salaax Magaalada Widh Widh ku soo dhaweeyey oo soo Dhawayn Balaadhan u sameeyey Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Magaalada Widh Widh ka kooban tahay Gaar ahaan Ururada Haweenka dhalinyarada Ardayda iyo Waxgaradka Degmada Widh Widh oo Garaad Abshi Salaaxa uga hortagay Meel ka fog Magaalada Widh Widh. Garaad Abshir Saalax ayaana ka soo degtay Gaadhigii uu la socday Waxana halkaasi uu salaamay Dhamaan dadwaynihii Garaad Abshir Saalax soo Dhaweeyey oo Garaadku aad mahad Celin Balaadhan halkaasi uga Jeediyey Waxan Garaadka loo Gal Biyey Gurigii loogu talagalay, iyadoona aanay jiri Wax Mudaharaad ah oo Garaadka lagu sameeyey Wararkasina yihiin kuwa Been ah oo xaqiida ka fog sida aan arkaysaan soo dhawaynta Garaadka loo sameeyey Safarka Garaad Abshir Saalax ee Magaalada Widh Widh ayaa la Xiriira inuu Halkaasi kulam kula Yeesho Waxgaradka Beesha Guuleed Garaad (Barkad) Waxna kaloo halkaasi lagu Wadaa inuu shir kaga Qayb galo Maamulka somaliland Beesha ku Dhexmaro Doona. http://www.ceegaag.com/2010/Oct%202010/daawo_soo_dhawayntii_garaad_absh.htm
  7. Xukuumadda Somaliland oo Caddaysay inay Siyaasad Cad ka Leedahay Kooxda SSC Burco (Jam). Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Cismaan Garaad Soofe,oo maalmahanba safar ku joogay magaalada Burco,ayaa sheegay in muhiimadda safarkiisu la xidhiidho u guur-galidda xaaladda nabadgalyo ee gobolka iyo wax ka qabashada xiisad ka taagnayd deegaanka Kalshaale oo u dhexeeya Buuhoodle iyo Qorulugud oo ka tirsan deegaankaas. Wasiir-ku-xigeenku wuxuu sheegay in khilaafkii ka jiray ay xaliyeen oo hadda ay deggan tahay goobtaasi, ciidamadii ay labada dhinac keeneenna dib looga qaaday meelihii ay kala fadhiyeen.Waxaa kale oo wasiir-ku-xigeenku ka hadlay waqtiga la qabanayo gogoshii nabadeed ee madaxweynaha Somaliland u fidiyey garaaddada iyo waxgaradka deegaanka Sool iyo Buuhoodle. Haddaba wasiir-ku-xigeenka oo Jamhuuriya arrimahaas iyo kuwo kaleba ka xogogaal waraysatay ayaa wuxuu u dhacay sidan: Su’aal: Maxay tahay ujeeddada safarkaaga ee wakhtigan? Jawaab: Ujeeddada safarkaygu waxa uu la xidhiidhaa u kuurgalidda xaaladda guud ee gobolka iyo wax ka qabashada xiisad ka taagnayd deegaanka Kalshaale, oo u dhaxeeya Buuhoodle iyo Qoru-lugud oo beelaha deegaankaasi u dhaxeeyey. S: Maxaa lagu dhameeyey khilaafkaas ka taagnaa Kalshaale? J: Arrintaas waxaannu u dirnay odayaal ka socda labada dhinac, kuwaasoo wada-hadal ka yeeshay xiisaddaas, waxana laga soo saaray afar qodob oo kala ah, in maleeshiyada labada dhinac keeneen dib loo kala qaado, in la joojiyo qodistii baraagta ee halkaas laga waday, in ciidammo boolis ah oo ilaaliya amniga iyo inaan wax dambe la qodin loo diray Iyo in bil ka dib la isugu yimaaddo wadahadal labada dhinac ee khilaafku u dhaxeeyo S: Wasiir waxaad ogtahay in deegaanka Buuhoodle ay joogaan malleeshiyo beeleed la magac baxay SSC, kana soo horjeeda Somaliland, adigu sidaad u aragtaa, maxaase xukuumad ahaan idiinka qorshaysan? J: Haa runtii way jirtaa kooxdaasi SSC, laakiin magac ahaan ayey u jirtaa iyo sidii ay isku-*** iyo xasarad uga abuuri lahaayeen deegaankaas, balse xukuumaddani siyaasad cad ayey ka leedahay. S: Xukuumaddu gogol nabadeed ayey u fidisay garaadada iyo waxgaradka Sool iyo Buuhoodle, wayna aqbaleen oo ka soo jawaabeen, adiguna waxaad ka mid tahay wasiirradii loo xilsaaray hawshaas, halkee ayey arrintaasi ku dambaysay? J: Arrintaasi way socotaa oo guddigii kulamo iyo u diyaar-garow ayey ka mameeyaan, waxaanse rajaynayaa inay hawshaasi dhowaan qabsoonto oo la isugu yimaaddo gogoshii nabadeed. S: Xidhiidho ma la samayseen garaaddada iyo waxgaradka? J: Haa, waa la samaynay oo shirar lagu qabtay deegaamada Buuhoodle iyo Soolba waxaa lagu caddeeyey in diyaar loo yahay gogoshaas nabadeed, waanan wada xidhiidhnaa. S: Ma filaysaa inay madax-dhaqameedyada deegaankaasi ka soo wada qayb-galaan gogoshaas nabadeed? J: Haa, waan filayaa inay ka soo wada qaybgalaan intooda badani garaaddo iyo waxgaradba, balse way jiri karaan kuwo ka soo qayb-gali waayaa, haseyeeshee intooda badani waa u diyaar inay ka soo qayb galaan.
  8. Waftiguu Ugu Miisaanka Cuslaa Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Gaadhay Berbera Iyo Mashaariic Cusub Oo Ay Xadhiga Ka Jareen.
  9. Rabshi Island ( a centre for migrating birds )
  10. Hargeysa (OWN)- Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa war hordhac ah oo ku saabsan ololaha Qashin uruurinta ee ka socda Gobolada iyo degmooyinka Somaliland. Waraysi Ku Saabsan Ololaha Qshin Uruurinta Somaliland Ololahan oo ay ka qayb-qaadanayaan guud ahaan Masuuliyiinta, shirkadaha, Ururkada iyo shacabweynaha Somaliland, ayaa saaka saladii hore si habsmi ah uga bilaabmay Gobolada iyo degmooyinka Somaliland.
  11. Minister of Planning: Speech to the international community and the media Mr. President, ministers, distinguished guests, ladies and gentlemen – good morning. I would like to welcome first those of you from Nairobi – representatives of international organisations and the media. Warmest welcome, soo dhowaada, bienvenuti, bienvenida, Marxaba bikum. For those of you who were not here in the early nineties, and that is about everybody I suppose, I would like to take you back few steps so that you can appreciate the changes that took place since. Ladies and gentlemen When in 1991 we returned to Hargeisa following the collapse of Siyad Barre’s regime the city was unrecognizable. We came back to ruins, a ghost town of roofless empty shells, where the streets were full of debris and claimed by wild acacia trees. In fact, there were suggestions to leave it in tact as it was as a memorial, and to rebuild an entirely new city elsewhere. Well, twenty years later, those ruins have been transformed into a buzzing small metropolis with a population between 800,000-1million, stretching about 15 Km from west to east, where you can buy literally anything you want, including your favourite breakfast cereal from the minimarkets in almost every street and the crowded bazaars, and it boasts of about a dozen universities and colleges. For those of you who have been to the trade fair, you must have witnessed our local telecom companies displaying their wares and services, the money transfer companies faster than Western Union with mobile payment services far advanced than what is available in most of the developed world, and which is about to turn this country into a cashless society. You could not have failed to notice our local Broctal and Gambles and Delmonts show casing a range of household domestic products and beverages. All that progress was made possible thanks to the creativity, entrepreneurship and resilience of the private sector. And the amazing thing is that they have achieved that much in the absence of a financial service sector and without access to sources of capital. Think of your countries without banks, insurance companies and investment funds and what could be achieved without them. In contrast you must have noticed on landing and in your tours the patched runway of the airport, the dusty roads in disrepair with more pot halls than paved surface, the unkempt streets, and the crowded poorly equipped and maintained hospitals. In sum the poor state of the infrastructure would have caught your eyes. The provision of good public infra-structure and service is within the domain of the state. It is the responsibility of the state not the private sector. And the state seems to have failed in its duty for various reasons: First, infra-structure does not come cheap. It is very expensive, and the means available to the state have been limited; Second, for many years, the main preoccupation has been the maintenance of peace and security and the meagre resources that could be mobilized were allocated towards that end. Third, infrastructure was never a priority for the international community in its aid program, which I hope will change; and Finally, previous administrations have been negligent in their duty. The new governmentwas elected on a platform of change, and intends to make good on its promises. It wants to embark on a new course where infra-structure and development assume the centre stage. But to succeed in its strategy, it needs international assistance in substantial form andnow; not in the usual drip drip form. Aid in trickle creates dependency not development. What we need is nothing short of a Marshall plan, ‘a shock and awe aid strategy’, in order to rehabilitate and build ourroads, airports, ports,streets, hospitals, schools, libraries, town halls, public housing, water works, power stations, irrigation systems, information technology infrastructure and the like. We have the will, we know the way but we need critical international commitment and support to make the distance, to roll the wheels of development. This is the onlyroute to guarantee peace and prosperity and root out extremism, poverty, conflict and mass migration – our common purpose. THANK YOU
  12. US eyes Somaliland as answer to Mogadishu's woes (AP) – 3 hours ago HARGEISA, Somalia (AP) — A new six-story office building will soon house a $1 billion-a-year business. The recently elected president has appointed smart people and won the admiration of the international community. Gunfire is nowhere to be heard. All this seems too good to be true for the war-ravaged nation of Somalia. Yet Somalia this is, or more precisely Somaliland, a slice of the northern part of the country. This former British colony joined Somalia a half-century ago but changed its mind in 1991 when the central government in Mogadishu collapsed and most of the rest of the country became mired in war. The United States, the United Nations and other international players don't recognize Somaliland as a separate country, but they are now lavishing new money and attention on the region. Somaliland officials say the international community has wasted too much time and money on Mogadishu and its string of failed governments. They say the struggling but democratically elected government in the north deserves support and can serve as a bulwark against spreading terrorism. In bullet-riddled Mogadishu and in much of the rest of Somalia to the south, a hardline Islamist insurgency is in control and is threatening the central government's tiny hold on the country. To the north, across the narrow Gulf of Aden, lies Yemen, a hotspot for Islamist militancy. "This is a country called Somaliland that is peaceful and democratic ... where the streets are full of uniformed children with book in hand going to school, not hooded, with guns, going to war," President Ahmed Mohamud Silanyo told a visiting delegation from the U.N., EU, World Bank and African Development Bank earlier this week. A six-story cement building dominates this city's skyline. Once completed, it will house the headquarters of a money transfer company that operates in 144 countries. Yet Somaliland is bathed in poverty. Huts fashioned from scrap metal and wrapped in plastic sheeting dot the capital, crammed full of the internally displaced. Rusted cars are heaped in a jumble. Discarded plastic bags snag on cacti growing in the sandy ground. Goats and sheep wander the streets, seeking shade from the afternoon sun. Since his June election, Silanyo has tapped Somaliland's diaspora to recruit U.S.- and British-educated technocrats to run the country. He slashed the size of his Cabinet, instilling confidence in the international community about the way he will run Somaliland, an area the size of North Carolina with 3.5 million people. The successful election and the new government's serious approach merit increased attention, said Mark Bowden, the top U.N. humanitarian representative for Somalia. Somaliland became independent in 1960 before joining Somalia only days later. Because no country has yet recognized its 1991 declaration of re-independence, the world community sees it as part of Somalia. Business leaders at a trade fair in Hargeisa this week said the lack of recognition creates impediments to economic growth: No access to credit, high insurance rates on imported shipping, severely restricted ability to travel. Despite the poverty and restrictions, the government has capable, educated leaders who are infusing the town with a can-do spirit. Dahabshiil, the money transfer company building the six-story headquarters, facilitates the transfer of $1 billion from Somaliland's overseas diaspora. And many of those diaspora's leaders are returning here. Hussein Bulhan, a Harvard-educated former professor at Boston University, is the president of Hargeisa University. He believes the U.S. should take notice and invest more. "Following Sept. 11, the focus has become fighting terrorism," said Bulhan. "Too much focus has been put into putting out fires instead of building the peace." Johnnie Carson, the top U.S. diplomat for Africa, announced last month that the U.S. is trying a new, two-track approach to Somalia that will see continued support of the Mogadishu government but also direct engagement with Somaliland and neighboring Puntland, another autonomous region. More American diplomats and aid workers will travel to Somaliland, Carson said. USAID, the U.S. government aid arm, dedicated $7 million to Somaliland in fiscal year 2009. In 2010 that number is rising to $26 million. "Where you have pockets of stability and pockets of people willing to actively contribute to develop the country as a whole, it just makes sense to develop their capacity," said a U.S. Embassy spokesman in Kenya who was not allowed to be identified because of State Department rules. Bowden, the U.N. official, said Somaliland gets about $80 million to $100 million a year in aid money, but that the number could double. Somaliland's trade fair highlighted the region's soap makers, tile makers and university offerings. Saeed Odugheal, 40, grew up in Britain but now owns a water bottling company here. "Somaliland is Africa's best kept secret," he said. "What I want to see is a hell of a lot more development money. People talk about creating a democracy. This is a democracy. It's only right to support a country like that." Carson said the U.S. will not recognize Somaliland as independent because the African Union will not do so. Somaliland Foreign Minister Mohamed A. Omar acknowledged that the AU is afraid that if Somaliland is recognized, other regions might clamor for the same. But he said Somaliland's situation is unique. "We are not starting a new nation. We have been a nation before," said Omar, who holds a doctorate in political science from Britain's University of Birmingham. "We voluntarily joined with Somalia in 1960. We are withdrawing from that union." Omar said the region would like to share intelligence with the West and receive more direct security aid, adding that the region has a strong record of fighting piracy and terrorism. Hargeisa was hit by a suicide bomb attack in 2008. "Somaliland has been attacked by terrorists not only because they hate us, what I think what they are attacking is the principles and values we stand for, which is democracy," Omar said. "These are universal values that have been attacked. We need universal support and universal defense in order to defend those values." Somaliland's minister of mining, energy and water resources traded a six-figure job in Los Angeles for his new role. He said without $40 million in repairs, Hergeisa's water system could collapse. The minister, Hussein Abdi Dualeh, urged the international community to switch its focus from Mogadishu to Somaliland. "The aid we get here won't be torn up by shrapnel," he said.
  13. Khudbaddii Soo Dhaweynta Ahayd Ee Uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ujeediyay Wefdiga Deeq-bixiyayaasha Ee Booqashada Ku Yimi Somaliland. WELCOMING WORDS FROM THE PRESIDENT ON THE OCCASION OF THE VISIT BY THE DONOR MISSIONS TO SOMALILAND Wednesday, 13th October 2010 Ladies and gentlemen, • On behalf of the government and people of Somaliland, I wish to welcome all of you, distinguished guests, to our country. • Your presence with us here today is a great honor to us and represents the interest and support the international community is prepared to give to our country and its efforts to establish a stable, peaceful and democratic society, in a region known for its political volatility and the disruptive activities of extremist groups and international piracy. For us this will be challenging but an achievable goal. • My government is now just over two months old. Apart from security concerns my new administration also inherited a situation of public finances bordering on bankruptcy where civil servants had not been paid for months and huge debts owed to the private sector. Today, we have made substantial progress in this area, by improving the collection of revenues, fighting corruption and the suspension of non-essential expenditures. We are conducting radical changes in the civil service and their working conditions. • During our campaigns before elections, we promised to fight corruption and appoint an anti-corruption commission to stem out fraud, and to set up a Quality Control Commission to ensure consumer safety. We delivered both. • We said we would be mobilizing our people in self help campaigns to ensure every citizen contributes to their community’s wellbeing and national development. We organized the first campaign to clean up and improve the environment of our cities. • On infrastructure, we promised to complete Hargeisa’s second bridge, the four and half kilometer stretch between Borama and Dila and Hargeisa prison. Construction is underway in all three projects and on target. • We have been able to accomplish all that thanks to the commitment, support and hard work demonstrated by our people across the board, from parliament to government Ministers, business community, civil servants and ordinary citizens. • Our vision is to create a country that is independent, secure, stable, in peace with its neighbors, democratic and prosperous where every citizen can realize his or her potential. Those of you who have been to the Trade Fair must have witnessed a little about the creativity of our people. • Our country is strategically located to play a key role in the security, stability and democratization of the region and beyond. This is a role we are committed to. We cannot afford to fail either in our vision or in our role. I must say that we still face serious economic, social, political and security challenges, but we believe that there is no challenge that we cannot overcome, provided we receive the encouragement and support we need. • Justice is another area we promised to address to ensure that the Constitution was upheld and the rights of the citizens were safeguarded. I issued a Presidential Decree disbanding the unconstitutional Security Committee and ordering citizens incarcerated under emergency laws to be released unless their guilt was determined by a court of law. • Somaliland has very good relations with its neighboring countries like Ethiopia and Djibouti and wishes to continue to maintain that relationship to maintain peace in the region and to expand trade and economic cooperation. • Finally, this is a country called Somaliland that is peaceful and democratic where The President, the Parliament and Local Councils were elected in fair and free elections, where rule of law reigns and where the streets are full of uniformed children with book in hand going to school, not hooded with guns going to war. We need the support of the international community. Thank you.
  14. Wafti ka kooban Deeq bixiyayaasha, suxufiyiin caaalami ah (The Guardian, AP, CNN, Aljazeera & others) Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa. http://www.togaherer.com/wp-content/uploads/2010/10/12-2.jpg
  15. Siciid1986

    Queleh

    Queleh is the story of the Somali refugee Abdi Jama, now living in the Netherlands. When he was about ten years old, he witnessed his father being arrested, leaving him with the responsibility for his family. It is still early but the sun is already burning down on the red earth. Queleh (10 years old) is picking up roots and weeds from the furrow his father makes with his bull-drawn plough. Ali (35) pushes the plough shears into the soil. Suddenly a dust cloud appears on the horizon. The roaring of a car engine tears through the peaceful sounds of the countryside. An army jeep stops on the edge of the red field. Three soldiers jump out and drag Ali away. Queleh grabs at his father’s trousers as the soldiers lift him into the jeep. One of the soldiers knocks Queleh down with the butt of his riffle. The jeep drives off and Queleh is left facedown in the field his father has just ploughed. Queleh is based on the childhood of the Dutch-Somali director Abdi Jama. Just as adolescence was about to hit, his father was arrested in the cruel Somali civil war. From one day to the other, his safe and quiet life had come to an end. Queleh is now the head of his family and is responsible for the family income. He has to harvest the crops and has to travel to the city on his own to sell them. In the city, Queleh witnesses how the soldiers decide upon life and death. As he tries to contact the rebel movement, Queleh is arrested and tortured. He survives. When he returns to his village, he sees that the soldiers have destroyed the cornfields, the papaya trees, the wells and his family corral. The village elder Issa, wants Queleh to join the growing flow of refugees. Queleh decides to lead both his and Issa’s family through the riverbed to Ethiopia. Length: 90 minutes Director: Abdi Jama Author: Roelof-Jan Minneboo Production: MovieTron & Arizona Films Co production Somaliland: Igal, Yusuf Ismail Jamal Production money granted by Fonds Sud (France) Selected by l'Atelier, co production workshop Cannes Film Festival 2008 Subsidy for rewrite to script of Dutch Film Fund Production money granted by Global Film Initiative (USA)
  16. Jamhuuriya oo Helay Nuqulka Rasmiga ah oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku Ansixiyey Qorshe Laba Loogu Qaybiyey Xaaladda Ammaanka Somaliland “Xoghayaha Guud wuxuu ansixiyey dhaqangalka wax-ka-beddel dhinaca Ammaanka ah oo lagu sameeyey qaybta 1aad ee Jamhuuriyadda Somaliland oo laga raray wejiga 4aad, lagana Dhigay…” Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay New York (Jam)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u ansixiyey go’aan wax-ka-beddel lagu sameeyey heerka ammaanka Somaliland oo loo dallacsiiyey derejada saddexaad, kadib markii UN-ku hore ugu ridday heerka afraad oo ah xaaladda gargaarka degdegga ah mooyee aan barnaamijyo kale oo horumarineed laga qaban karin sababo dhinaca nabadgelyada ah awgood. Digreeto rasmi ah oo uu ku saxeexan yahay Mr. Gregoty B. Starr oo ah wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca ammaanka oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay, waxa Xoghayaha Guud ee UN-ka Mr. Ban Ki-moon uu ku ansixiyey dhaqangalka go’aanka xaaladda ammaanka Somaliland loogu dallacsiiyey derajada saddexaad (Phase3) oo ah xaalad shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo xaasaskooduba ku noolaan karaan, isla markaana laga fulin karo mashaariic horumarineed, haddii aanay duruufo gaar ah iman. Qoraal lagu ansixiyey wax-ka-beddelka heerka ammaanka Somaliland oo 23 September 2010 ka soo baxday xarunta Qaramada Midoobay ee New York, laguna socodsiiyey dhammaan hay’adaha kala duwan ee UN-ka iyo wakiillada Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu ka nuxurkiisu xambaarsan yahay qorshe Qaramada Midoobay xaaladda ammaanka ee Somaliland ugu qaybisay laba qaybood oo kala ah; wejiga 3aad iyo wejiga 4aad. Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay oo markii ugu horreysay si cad loogu muujiyey magaca Jamhuuriyadda Somaliland, kuna qornaa afka Ingiriisada oo Jamhuuriya idiin soo tarjumay, waxa uu u dhigan yahay sidan: “Kadib dib-u-qiimayn lagu sameeyey xaaladda ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana lagu saleeyey talo-bixinta madaxda la sharfay, lana tashaday kooxda Maaraynta Ammaanka (Security Management Team), Xoghayaha Guud waxa uu ansixiyey dhaqangalka wax-ka-beddelka dhinaca ammaanka ah ee lagu sameeyey qaybta 1aad ee Jamhuuriyadda Somaliland oo laga raray derejada 4aad, lagana dhigay wejiga 3aad. Qaybta 2aad ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay xaaladeeda ammaanku ahaanaysaa sideedii hore oo ahayd wejiga 4aad. Xaaladaha ammaan ee qaybaha kale ee Soomaaliya waxay ahaanayaan sidoodii hore.” Nuqulka rasmiga ah ee go’aanka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku dallacsiiyey xaaladda ammaanka oo Jamhuuriya helay oo sawiran waa kan: Jamhuuriya Online
  17. Intii uu ku sugnaa magaalada Jigjiga, Gudooomiyaha ururka ONLF Eng. Saalaxdiin Abdiraxmaan Macow ayaa waxa uu booqday xarunta weyn ee ay degan yihiin boqolaal ciidamo ah, oo ka tirsan ururka ONLF. Ciidamadan ayaa waxa ay hordhac u yihiin barnaamijkii nabada ee dhawaan ku baaqeen ururka ONLF. Ciidamadan ayaa waxa jigjiga ku soo dhaweeyey mas’uuliyiintii ururka ee u timid dhaqan galinta heshiiskii xabad joojineed iyo mas’uuliyiintii Dowlada Deegaanka Soomaaliyeed. Ciidamadan ayaa waxa ay degan yihiin xarun weyn oo ay u diyaariyiiin Dowlada Degaanka Soomaliyeed. Intii uu Gudoomiyihu ku jirey booqashada ayaa waxa ku wehelinayey, qurbajoogtii dhawaan soo gaartay magaalada jigjiga. Booqashadan ayaa waxa gudoomiyuhu ka yiri dhowr erey oo kooban, isagoo ciidamada u sheegey in ay ku guuleysteen nabadii ay ka soo shaqaynayeen in badan, hada wixii ka danbeeyana ay wadanka la shaqeysan doonaan. Sidoo kale qurba joogta ayaa iyagana waxa ay halkaas ka soo jeediyeen ereyo kooban oo ay kula dardaarmayeen ciidamada. Ugudanbeyntii ayaa waxa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka ururka ONLF, mudane Abdirashiid Shariif Maxamed, oo ka dhageystey ciidamada baahidooda iyo wixii barnaamij ah ee ay rabaan in ay ka qaybqaataan. Sidoo kale ayuu u sheegey in uu gacanta ku hayo barnaamij horumarineed oo ku saabsan dib u dejinta ciidamada ururka ONLF. Abdimalik Askar Somali Media
  18. Is this Silaanyo's wife? Aamina Maxamuud Diiriye his wife's name is Aamin Waris
  19. Hargeysa (Somaliland.Org) Waxa caawa fiidniimadii markay saacadu ahayd 7dii fiidnimo qarax laga maqlayay guriga uu magaalada Hargeysa ka degan yahay wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Md Axmed Xaashi Oday. Ciidanka Booliska Somaliland ayaa marki ay tageen goobta qaraxa laga maqlayay waxay sheegeen in qaraxaasi ka dhashay ‘Boiler’ kii ama haanta biyaha kululaysa ee guriga ku xidhnaa oo qarxay. Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa wakhtigan safar ugu maqan dalka Kenya, safarkaas oo ay ku weheliyan afar Wasiir oo xukuumada ka tirsan. Hase yeeshe, marwada wasiirka iyo caruurtiisi oo guriga ku sugnaa ayaa waxba ku noqon qaraxaas. Marwo Layla Cismaan oo ah marwada wasiirka ayaa mar wax laga waydiiyay qaraxaas sheegtay in qolka Bathka ee boilerku ku xidhnaa ay inyar ka hor inta qaraxu dhicin ay ka baxday. Waxay inta ku dartay in yada iyo caruurtiba ay ka badbaaden qaraxas oo cidna wax ku noqon. Dhinaca kale saxaafadda qaar taabacda xukuumaddi dhacday ee UDUB sida qarannews iyo waaheen ayaa soo qoray in guriga wasiirka la wareeray iyada oo ay sheegeen in guriga wasiirka la weerary oo u dhow guriga Madaxweynaha, ujeedadu ahayd in la weerarayo Madaxweynaha. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo guriga wasiirka ku sugnaa cawa fiidki aya sheegay in saxaafad iyo shakhsiyaad faafinaya warar been abuur ah jiraan, taaso ay rabaan inay ku waxyeeleyan qaranimada Somaliland. Isla markaana sheegay in la hubsado warka inta aanay faafin. Gebegabadii, dhaawaca qaraxaas geystay ayaa la sheegay in ay tahay qolkii Bathka ee uu ku yaalay Boilerku iyo saqafki qolkaas saarna oo gubtay, hase yeeshe guriga intiisi kale waxba soo gaadhin.
  20. Widh-widh (TogdhNews)- Kooxda la baxday SSC ee ka dilaacay Sool iyo degaanka Buuhoodle, ayaa markii u horaysay ka hadlay qaabka ay wadahadalo nabadeed kula bilaabi karaan Xukuumadda Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu badhtamihii bishii August ee aynu ka soo gudubnay guddi 8 xubnood ka kooban u magacaabay qiimaynta xaalada gobollada Bari iyo inay ka soo talo bixiyaan qaabkii loo nabadayn lahaa. Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah Madaxdhaqameedka gobolka Sool, ayaa ka hadlay xidhiidh ay yeesheen guddigaa loo saaray xaalada degaankaas. “Waxaanu xidhiid yeelanay guddida cusub ee loo xilsaaray xal-u-helida arrinta, waxaananu ku heshiinay in aanu dib u sii wadano wadahadaladayada,” ayuu yidhi Garaad Abshir oo u waramay wakaalada wararka Qaramada Midoobay ee IRIN. Garaadku waxa uu sheegay inay kulamo la yeesheen dad uu sheegay inay dhowaan ka barakiciyeen isku-dhacyo dhexmaray ciidanka Somaliland iyo maleeshiyada kooxda SSC, kuwaasoo uu tilmaamay inay dhamaantood ku soo laabteen tuulada Widh-whidh oo ay iska horimaadkaa uga carareen. “Dhamaan dadka barakacay waxay ku soo laabteen magaalada,” ayuu yidhi Garaad Abshir.
  21. One of the captured ****** says "policeka markaan isu dhiibnay baan nidhi kuwan afkii ******KA ku hadli maayaane". Dameerka xun marka la interview gareeyo waa la dilaa isna ****** iyo waxaan loo dirsan buu ka sheekayni
  22. Somaliland surrounds up to 300 Ethiopian rebels . MOGADISHU, Somalia — Authorities in the self-declared republic of Somaliland say their troops have surrounded up to 300 hundred Ethiopian rebels they say entered their territory illegally. Somaliland's military chief Gen. Elmi Robleh Furur said Tuesday the men were part of Ethiopia's ****** National Liberation Front. He displayed weapons, military training manuals written in Amharic and Somali and a wad of Eritrean bank notes allegedly seized from two men who had become separated from the group. Eritrea has long been accused of financing and supporting rebels in its much larger neighbor, Ethiopia, with whom Somaliland enjoys good relations. Somaliland has declared itself independent of war-ravaged Somalia but is not recognized by most countries.
  23. War-Deg-Dega:Dagaal Culus oo goor dhaw ka bilaabmay Buuralayda Gobolka Awdl ee ay falaagadu ku jirto walina socda Borama(Bnn) Wararka aan ka helanyo dadka deegaanka iyo wariyayaasha shabakada Boramanews ayaa waxa ay goor dhawayd noo soo sheegeen, in dagaal ka bilaabmay, Buurihii la isku hor fadhiyay ee magacooda la yidhaahdo Maarmaar,taas oo u dhaw Magaalada C/qaadir, ee ciidanka aan lagaranyn soo galeen,dagaalkan ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay bilaabmay , Ciidanka qaranka ee taageero lixaad leh ka helaya, Maleeshiyo beeleedyo ka soo jeeda, degaanada, C/qaadir, Jidhi iyo kuwa kale oo fara badan, dagaalkan ayaa waxa uu ka socdaa Buuro aad u jig ah, lana gali karayn, waxaana ay sheegayaan wararkii ugu danbeeyay in la isku gabal dhacsaday,laguna rajo wayn yahay in bariba la soo afjaro. Dhinaca kale ciidankan ayaa waxa la xaqiijiyay in ay yihiin jabhada ka dagaalanta itoobiya ee loo yaqaano,ONLF, garabka diidan heshiiska itoobiya lala galay, waxaana ay lagu soo tababaray, dalka eretiriya, waxaana lagu rajo wayn yahay in cagta la marin doono, lana soo qaban qaban doono . ilaa hada wax dhaawac iyo dhimasho ah lama soo sheegin wixii warar ah, waxaan idinkula soo socodsiin doonaa, wararkayaga kuwan xiga, ee daqiiqad daqiiqad ula soco. Reporter:Jaabir Ali Omer Borama Somaliland
  24. Hargaysa-(TogdhNews)-Maxweynaha Soomaaliland Mudane Axmed Siilaanyo ayaa saaka Aroornimadii hore Olole Nadaafadeed oo uu Hor ka caayey ka Bilaabay magaalada Hargaysa ee Xarunta gobolka Maroodi Jeex. Madaxweynaha ayaa hore u Shaaciyey in Guud ahaan Dalka Maanta oo Axada Dalka Fasax ahaan doono loona Dareeri doono Olole Nadaafadeed oo lagu uruurin doono Qashinka .
  25. Garaad Kayse Garaad Cali Oo Xukuumadda Siillaanyo Ku Dhaliilay Xaaladda Amaan Daro Ee Ka Soo Kordhaysa Buuralayda Galgala, Sheegayna In Wasiirka Daakhiliga Oo Ay Balansanaayeen Uu Taleefankii ka Qaban Waayey “Waanigii Hore Kuu Yidhi Kala-Lulasho Iyo Kala Go’ Keebaa La Qaatay, Waxa La Qaatay Kala Go’, Markaa Xukuumadii Rayaale Waxay Ahayd Kala-Lulasho, Xukuumadan Siilaanyo-Na Waa Kala Go’, Sababta Oo Ah Dadkeenu Waa Beelo Beeshaasna Waxa Weeyi Beel La Dayacay” Hargeysa, September 3, 2010 (Haatuf) – Garaad Kayse Garaad Cali Maxamuud Cali Shire oo ka mid ah Madaxdhaqameedyada Somaliland, Gaar ahaana deegaanada bariga Sanaag ayaa dhaliil uga soo jeediyey xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo Wasiirka Arimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Arimaha Gobolada Bariga. Garaad Kayse Garaad Cali waxa uu intaas ku daray haddii aan xukuumadda Somaliland si degdeg ah waxa uga qaban xaalada Amaan Daro ee isa soo taraysa ee deegaanka Galgala ee Bariga Sanaag, oo uu tilmaamay in deegaanadaasi ay ka mid yihiin dhulka Somaliland isla markaana ilaahay ku manaystay Khayraad, balse Somaliland aanay ka warhayn xaalada colaadeed ee ka taagan deegaanadaasi. Garaadku waxa uu intaasi ku daray in colaada halkaasi ay ku hirdamayaan Kooxda Atom iyo Puntland ay salka ku hayso khayraadka Somaliland ee deegaankaasi leeyahay. Waxaanu Garaad Keyse Garaad Cali sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka tilifoonka kula soo xidhiidhay wargeska Haatuf isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa. Ugu horay Garaadku isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas maalintii dhawayd ee uu ka hadlay Saamiga beesha afkiisa kumuu hadlayn ee waxa uu ku hadlayey afka beesha, waxaananu taageersanahay baaqii Xildhibaanka, waana run oo aad ayaanu u saluugsanahay samiga nalaga siiyey xukuumadan cusub, Somalidu waxay tidhaahdaa Kala-lulasho iyo kala go’ iyamaa la qaatey, kala go’ ayaa la qaatey sida runta ah, Madaxwaynihii hore waxaanu ku canaanaynay in siyaasadiisu ay ahayd kala-lulasho, laakiin siyaasada Axmed Siilaanyo waxay noqotey kala go’.” S: Xukuumadan hada talada dalka haysaa, waa mid aad uga tiro yar, waxa sidaas loo sameeyeyna waa tayo, mida kale wasaarada Gaashiindhiga oo la siiyey beesha aad ka soo jeedo waa wasaarad wayn, arintaasi miyaanay kuu muuqan? J: Xukuumada tiro yar oo tayo leh in la helo kama soo horjeedno, laakiin dawlada hada talada maaha mid la soo ururiyey waxbana kama yara xukuumadii Siilaanyo, Wasiirka Gaashaandhiguna waa run waa nin beesha ah, laakiin isagu waa nin reer Ceerigaabo ah, beeshuna ma wada aha Ceerigaabo, Badhan ayaa jirta oo iyadu gobol ah, Laasqoray iyo Dhahar oo labaduba dagmo ah ayaa xataa aan ka dhexmuuqan xukuumada cusub, arintaasna waxaanu u aragnaa in reerka la yasayo, gobolka Badhan waxa u wanaagsanayd dawladu in ay mudnaan wayn siiso, sababto ah waa gobol ay dhibi iyo dagaal ka taagan yahay. S: Maadaama oo xukuumadii Rayaale aanay gaadhin xuduudaha bariga Sanaag, ma isleedahay xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo way ku guuleysan arintaas mihiimada wayn ugu fadhida qaranka? J: Waanigii hore kuu yidhi Kala-lulasho iyo kala go’ keebaa la qaatey, waxa la qaatey kala go’, markaa xukuumadii Rayaale waxay ahayd kala-lulasho, xukuumadan Siilaanyo-na waa kala go’, sababta oo ah dadkeenu waa beelo beeshaasna waxa weeyi beel la dayacay, markii aan anigu is idhi ka hadal dhibaatada deegaanadaas ka jirtana cid iga hoos qaada waan waayey S: Guddi ayuu madaxwanuhu dhawaan u magacaabay arimaha bariga, gudidaasna waxa u Guddoomiye ah wasiirka Arimaha Gudaha, gudidaasi miyaanay iyadu arintan aad sheegaysaa shaqadeeda ahayn? J: Anigu waxaan la kulmey gudidaasi iyada oo la magacaabay laakiin aan wali wax hawla qaban, madaxwaynaha ayaan markaa qoraal u diray, madaxwaynuhu arintaas aan u soo jeediyey aad ayuu ugu farxay oo wuxuu yidhi arintii aan gudida u saarayba hada ayey soo dhawaatey, wuxuu yidhi la xidhiidh wasiirka arimaha gudaha, Gaboose-na garan maayo anigu sida uu wax u wadee albaabkii ayuu iga xidhay, madaxwaynahana wali dib iskumaanu arag laakiin waxaan leeyahay madaxwayne arintii halka ay marayso waad arkeysaa waxaad masuul ka tahay ummada Somaliland oo dhan, waxaanad ogaataa in arintu maalinba maalinta ka khatarsan ay khatar ku sii siqayso. S: Buuralayda Gall-Galla waxa dagaalo ka dhexwada wadaadka Atam oo la sheegay in uu xidhiidh la leeyahay ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Somaliya arintaas maxaad kala socotaa, maxaadse xukuumada cusub ugu soo jeedin lahayd arintaas? J: Waxa la isku haystaa waa macdantii iyo khayraadka halkaas ilaahay ku manaystey, inaga ayaana iska leh oo cid kasta ugu xaq badan, Dhibaatooyinka ka socda buuraleyda Gal-Gala-na waxaad moodaa dawladeena iyo dadkeenuba in aanay ogayn, dhawr jeer ayaan anigu arintaas ka hadlaya laakiin cidiba way iga hoos qaadi wayday, walaahi hadii aan arintaas laga hortagin oo aan laga sii tabaabushaysana dhibwayn ayaa Somaliland iyo dadkeeda ka soo wajihi doona, waxaan xukuumada Madaxwayne Siilaanyo u soo jeedinayaa in aanay is odhan arintaasi halkaas ayey ku eekaan doontaaye iska daaya, hadii ay Puntand ka adkaadaan cida ay ku soo jeedsanayaan waa inaga, markaas arintaas waa in xukuumadu dag dag uga arinsataa. http://www.haatuf.net/2009files/158560.html